Xargaga

Nomads
  • Content Count

    366
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Xargaga

  1. its been sometimes since i started visiting this section of nomads which i call it no-minds. politics section. dont get me wrong admist. iam not refering to the administration but to the members. here some of em seems learned indivduals but when you read their arguments and postings youll think they are Geel-jires right from baadia.its so unfortunate to find that even the few young ppl that had the opportunity to escape from that land, where survival for the fitest is the norm.to find themselves learning and practicing the same Aacrimonious ideas that made them asylees in other peoples lands.we all know and you all know well how things are back home. Arguing via the web like naago laislaqabo will not change anything back home. My advice to you guys is, stop all this self serving biasness you posting us here and come with ideas to solve this problems if not why not save your time and get your homework done instead. Wallhi the time you guys are wasting writing and pasting this irelevant and contradicting arguments could be used in better ways. All in all if you guys have such personal attachment to this divisive somali politics why not go to those Fadhi kudirir places and get your fill. Somalis needs revolution the question is when and who will bring it?
  2. Quote Tuulooyinka qorulugud iyo coodanleh oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Burco. i dont understand here does it mean this places are caynta lasheegayaa mise waa burco. ill like ppl who hail from this areas to clarify this? i mean suldaanka . northerner and soomaal. ta kalena waxaan maqli jirey ppl from the so cayn cant stand that somali word "kahuleelay" you know because of the so famous poem by salaan Kahuleelay Hagar aadankii hoboleyn jiraye caynaba hadhuub kamadarsdaan hogol kaliilede. why are they using the word in this article tell me General?
  3. This regards the so infinite debate on sool and sanaag i believe that historically somalis lived in this areas peacefully and intermarried alot. untill came some egocentric individuals that created problems between those ppl, that co-existed in peace and prosperity.even right now i really commend the residents of those areas cause they avoided civil clash and mantained peace where else these so called administrations meesha booto kawadaan. my advice to the civilians is to disdain from all acts of violence and especially this time when there are somaliland voting exrcise while puntland is against it. my call to the so called administrations pls let those who want to vote do so likewise dont force anyone to vote not even take ballot boxes to their areas of jusridiction.all in all let me end this with a somali saying that goes "oodi abb kadhow"
  4. This regards the so infinite debate on sool and sanaag i believe that historically somalis lived in this areas peacefully and intermarried alot. untill came some egocentric individuals that created problems between those ppl, that co-existed in peace and prosperity.even right now i really commend the residents of those areas cause they avoided civil clash and mantained peace where else these so called administrations meesha booto kawadaan. my advice to the civilians is to disdain from all acts of violence and especially this time when there are somaliland voting exrcise while puntland is against it. my call to the so called administrations pls let those who want to vote do so likewise dont force anyone to vote not even take ballot boxes to their areas of jusridiction.all in all let me end this with a somali saying that goes "oodi abb kadhow"
  5. Quote: I blive you wish for them to disrupt the somaliland progress. Who in particular saxb? i think the somalilanders themselves disrupted their own progress after electing likes of riyale who perfected in the cigaals old fashioned politics of sarrounding himself with dummies like ismaciil bulubuluq who personally gave such an embarassing statement. what made riyale a favorite in the place of silanyo the well educated politician? Qof walba waa ogyahay saxb soomalida kale waxba madhaantan qabyalad xun baa idinkaba idin dhex taal and that riyale takes an advantage next time tolow maxaa la odhan? ayman zawahiri oo kilka shanaad kayimi ayaa daalo jooga miyaa?
  6. This is an embarasment for the somaliland, the administration of Riyaalea and the so ismaciil iskahadal. What a dummy administration. Can you imagine the so terrorists said to be from mogadishu as was claimed by the most dummy minister ever seen have been confirmed by riyale himself that they are from somaliland born and raised. i blv that somalilandta lasheegaayo dadka iskawata ee dawlad iyo maamul kuusheegu waa qawlesato iyo dugaag barjeynta, iyo islam ladagaalanka kuheshiis ah'
  7. while going through the many somali sites i came across this creative piece of writing in somali language and felt that it'll be of benefit to many nomads and especially ppl like Gen duke whom many would percieve him to be the nomads informal ambasador for the somali TFG Jowhar function. RIYADU MA RUN BAA?(Sheeko Siyaasadeed Taxane ah) Wakhtigu waa habeen gelinkiisa danbe, cirku daruuro ma leh oo waa qaawan yahay, Dayax ma jiro magaalada badankeeduna waa mugdi. Kaaha xiddigaha ayaa waxoogaa nuur ah sameynaya, sanqarna la maqli maayo dad iyo duuyana waa la hurdaaa. Malaha goortaan seexanayey waxaa madaxayga ka sii guuxayey su’aalo ay i weydiinayeen, qaar ka tirsan saaxiibaday, waxaa intaas ii dheeraa naqshadii aan magaalada Muqdisho ku qaban lahaa, waxaan indhaha isa sii geliyey anigoo faraxsan, oo ku guuxaya “Wax walbaa waa isu kaa saaran yihiin, Yemen…., Itoobiya…, Puntland ciidamo daacad xaf dhaaf waa ka soo helay, Gobolka Hiiraan nin raga Guddoomiye gobol waa uga dhigay, Maxamed Dheere waa midigtaada Koowaad, Barre Hiiraale iyo Jubbada Hoose waan isku hubaa, Col. Shaatiguguud gobolada Bay iyo Bakool kuugu filan…†Farxada aan ku seexday waxaa barbar socotay ciil iyo caro laabteyda buuxisay. Anigoo xaalkaygu sidaas yahay hurdo macaanina ii baxayso, waxaa riyo iigu muuqday ciidamadii Qaranka oo dowladdu xarumo uga sameysay magaalooyinka Beledweyne, Jowhar, Marka iyo meelo kale. “Waa ciidamo tababarkoodii dhameystay, xiran direyskii Milateriga, hubkoodii u dhan yahay, waxaan ku qiyaasay in ay xoreyn karaan ilaa wadanka Ivery Coast oo ah Galbeedka Afrika. Waa ciidan ku dhaarsan in ay wadanka isu keenaan, waa ciidan derbi walba jebinaya, waa ciidan kalsooniyi ka muuqato†sidaas waxaa ii sheegay Taliyaha ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo kooxdii ugu danbeysay ka soo saaray tababarkii ay ku qaadanayeen xeryaha tababarada. “ Ciidamadu waxay hortayda ku bixiyeen salaam, gaardis gaada ka cayaar ahna way sameeyeen, guuxa iyo reenka ka baxayey ciidanka ayaa gilgilay laabteyda, waxaan dareemay qiiro wadaniyadeed. Waxaa la gaaray xiligii Soomaaliya ay qaranimadeeda hanan laheyd, waa wakhtigii la soo qaqaban lahaa kuwa diidan Soomaalinimada iyo xiligii ciidankani gudan lahaa waajibaadka hor yaal†erayadaasi waxay ka mid ahaayeen khudbad dheer oo aan u jeediyey ciidanka Qaranka Soomaaliyeed. Waxay gogoshu ii taal Madaxtooyo ku meel ah oo laga hirgeliyey magaalada Jawhar ee Gobolka Shabeelada Dhexe, cabsina kama qabo Qanyare, Muuse Suudi Yalaxow iyo kuwa la mid ah ee ku sugan magaalada Muqdisho oo 90 Km oo keliya ii jirta. Qorshaha iiguma jirto in aan weeraro magaalada Muqdisho iyo kooxaha ku dhuumaaleysanaya sanadka 2005-ta, haseyeeshee, horaanta 2006-da macquul ma aha in Muqdisho noqon weydo caasimada Dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxtooyadii Villa Soomaaliya iyo Radio Muqdisho waxaa gacanta ku haya Xuseen Caydiid “ Adeer waa kugu wareejinayaa†ayuu igu yiri isagoo weliba faraxsan. Haddii aan dib ugu noqdo xusuustii riyadeyda, markii aan tegay magaalada Jowhar waxaa si weyn ii raali gelisay soo dhoweyntii la ii sameeyey ee ay hormuudka ka ahaayeen Raysal Wasaare Geedi iyo Maxamed Dheere. Erayo Shirib ah oo ay ku luuqeynayeen Kooxda Barbaarta Gaashaaman ayaa niyadeyda si weyn u soo jiitay, ilaalada Qaranka oo feejignaani ka muuqatana hareerahayga ayay marayeen, dadka intii aan salaan la gaaray waa gacan geliyey, baaqigiina labada gacmood ayaan u taagay, waxay ii aheyd maalin farxadeed, farxada caynka oo kale ah xataa ma farxin wakhtigii aan Madaxweynaha Puntland ka ahaa. Mudadii aan dhex maquuranayey riyada Dowladnimo waxaa iigu yaab badnaa anigoo fadhiya xafiiska Madaxweynaha loogu tala galay oo aan ku qaabilay ergayga QM ka socday ayaa la igu yiri, “Md. Madaxweyne waxaa ku sugaya nin waayeel ah oo aad ugu ooman in uu kula kulmo, wuxuuna magaciisa ku sheegay Maxamed†waxaan ugu jawaabay “Soo daaya malaha talo ayuu inoo wadaaye†Albaabka ayuu ka soo galay wuxuu xiran yahay Laba Go’ oo cad cad, ulna wuu ku tukubayaa, waxaan u qaatay dadka deegaanka, hase yeeshee wuxuu ku fariistay kursigii loogu tala galay dadka qaabilaada, maradii madaxa ugu duubneyd ayuu iska qaaday, wejigiisuna iguma cusba, laakiin nin daal badan soo maray ayuu u ekaa. “Adeer ma I garaneysaa†ayuu igu yiri, goortuu hadlay ayaan gartay in uu yahay Madaxweynihii Kacaanka Soomaaliyeed Jaalle Maxamed Siyaad Barre, waa naxay, qalin aan gacanta ku haystanna waa iga dhacay, haseyeeshee, waan is adkeeyey, ma aan aqoon sida dadka reer aakhiraadka ah loola hadlo, anigoo argagaxsan ayaan iri “Jeneraale, Madaxweyne goorma ayaad noo timid†hadaladaas ayaan is daba dhigay. “ Waryaa C/laahi, sow ma tihid ninkii Kulmis abuuray†ayuu igu yiri isagoo indhaha galka ka soo bixinaya. “45 sano ayey kugu qaadatay in aad Madaxweyne Soomaaliyeed noqoto, maanta oo ay ka danbeysay 15 sano markaan kursigaan ka tegay weli Jawhar iyo Sh/Dhexe ayaad joogtaa oo Muqdisho iyo halkaan wax ka xukumi jiray weli ma gaarin, sow sidaas ma aha†ayuu si carol eh iigu yiri, kolkaasaan ugu jawaabay:“ Jaalle Siyaad waa caynkaas†“C/laahi I dhegeyso, si fiican dhegaha iigu fur†ayuu yiri intuu Labada gacmood si fiican kursigii uu ku fadhiyey ugu xejiyey. “Macalinkii Kacaankow waan ku maqlayaa†ayaan ugu jawaabay. “ Ogow Soomaalidu ma jecla Xabashida, way adag tahay kuwaan lafahayga kala cararay in aad xukunto, waxaadse xukumeysaa marka aad Villa Soomaaliya gaarto, talada dadka wax uga ogolow, maxaa wacay iminka Laba kooxood ayaad tihiin, xoog waxba ma keeno, xeel adeegso, shisheeyaha iyo gaaladu wanaaga Soomaalida ma jecla, Rabbi ayaa garanaya tan guuleysaneysa kooxdaada iyo kuwa kaa soo horjeeda†Qeybtii 2-aad “Milateri lagama maarmo, mana haboona in dadka loo adeegsado, maxaa wacay Gen. Caydiid wuxuu raacay wadadii aan mari jiray, adigana waa iiga kaa muuqataa, aashaa, dowladnimada waxaa cudur u ah cadaalad darro iyo soo dhoweysi qaraabo oo lagu xukumo.†Kadinka ayuu Jaalle Siyaad ka baxay isagoo aan jawaab iga sugin, labada gacmood ayaan Labada dhaban saaray, “Yaab, waa yaab, waa yaab………†Anigoo weli yaaban ayaa waxaa ishaydu qabatay Kaneeco weyn oo gacanteyda midig saaran, weli micida iguma mudin, wayse diyaargaroobeysay “Ileyn meeshu waa Jawhar waa goob kaneeco looga waashay†waxaan soo xasuustay tix gabay ah oo uu Sayid Maxamed ka tiriyey dhulka dhoobeyda oo uu ku yiri: “Nin dhintiyo nin dhoobey jiraa wax isma dhaamaane Nin dhilmaayo uurka u gashay yaan dhimana nooleyne’ Kaneecadii kacantayda saarneyd ayaan dharbaaxo ku dhiftay, malaha waxay aheyd mid dad badan dhiig ka soo jaqday, way dillaacday oo dhiig ka soo fatahay, anigoo weli eegaya dhiigii Kaneecada ayaa Raysal Wasaare Geedi albaabka iiga soo galay oo igu yiri: “Madaxweyne, qoladii Somaliland waxay ku soo durkeen magaalada Laascaanood, taarkan ayaa ka yimid ee akhri†waxaan milicsaday taarkii waxa ku qornaa, uma arag wax micno weyn ah, telefoon meel ii dhow yaalay ayaan gacanta ku haabtay, waxaan garaacay dhowr Lambar, dhegta ayaan saaray, wax yar ka dib waxaa ila hadlay Cismaan Xasan Cali (Caato} - Hallow, Cismaan waa C/laahi - Haye, Madaxweyne - Waxaan doonayaa in aynu wada hadalno - Waxba kama qabo Shariif Xasana waa ila joogaa - Ok, bal marka hore Shariif-ka ii dhiib - Madaxweyne, waa Shariifkii, Guddoomiyihii Baarlamaanka - Guddoomiye, aniga iyo adiga waa la ina doortay, balse heshiis iyo wanaag adigaa diiday, bal tali maxaad dooneysaa? - Madaxweyne, been ma aha in la ina doortay, dadkii aad dowladda u xulatay ayaa qaarkood kaa soo horjeedaan, oo waad ogtahay, khaladku dhinacaaguu ka yimid ee adigu tali - Way fududahay xilka aanu u magacownay kuwa aad sheegayso in aanu ka qaadno oo kuwo kale oo wadaniyiin ah ku bedelno, laakiin …. - Taasi micno sameyn mayso, waxa muranku ka taagan yahay horta ma garatay? - Ii sheeg maxay rabaan? - Waxay rabaan haddii aad u ogolaato mushkiladu way baxaysaa - Shariifow maxay yihiin waxa ay rabaan? - Ogolow in dadku wax kula maamulaan, ogolow in talada lagula wadaago, ogolow in dowladnimadu aysan hal dhinac oo isku xulufo ah aysan gacanta u gelin - Waa gartay, nabadey. Talefoonkii ayaan damiyey, waxaan soo xasuustay hadaladii Macalinka Kacaanka Soomaaliyeed ee ahaa “ war talada ha lagula wadaago, haddii kale………†Iyadoo riyadii halkaas ii mareyso ayaan dhinaca kale isu rogay, waxaa dhegahayga ku soo dhacay Adankii Salaada Subaxnimo, waan fariistay, waxaan dareemay haraad iyo daal oogadayda saameeyey, biyo ii dhowaa ayaan tiigsaday oo cabay, intaas ka dib daaqada ayaan marada ka qaaday si aan u hubiyo in waagii soo dhow yahay, mise meesha aan weli joogaa waa magaaladii Gaalkacyo. Markuu waagu beryey, qoraxduna aysan soo bixin ayaa la ii keenay telefoon Mobil ah oo la igu yiri la hadal Maxamed Dheere, wuxuu ii sheegay in wax walba lagu diyaariyey magaalada Jawhar lana sugaayo imaashihiisa oo keliya, markuu telefoonkii ka baxay ayaan is weydiiyey sababta ay iila soo hadli waayeen Muuse Suudi, Cismaan Caato, Qanyare, Xaabsade, Xaaraan ku naax……….. Waxaan hoos isugula faqay maxaa had iyo goor Jini Boqor iyo Caasho Axmed C/lle kugu saliday, maxay doonayaan ayaan is weydiiyey.? Qeybta 3-aad Mowjaduha siyaasada marba dhan ayay u dilaamayeen, nin maanta kula jira ayaa beri kaa soo horjeeda, cadowgaaga ayaa saaxiibkaa noqonaya, nid kuu soo waramayey ayaa beri adiga ku jaajuusaya, nin aad xoolo siisay ayaa dabin kuu qoolaya. Tani waa ka sii liidtaa siyaasad, ma jiro ruux ka fekeraya mustaqbalka dalka iyo dadka, qof walbaa wuxuu doonayaa lacag, Wasiir, Safiir, xaalufinta baddaha, mashaariic,……. Yaa Soomaali wax u qaybin kara. Intaas markii ay maskaxdayda ka guuxday ayaan indhaha isku qabtay, oo nin daalan baa ahaaye dhinac u dhacay, habeenkaas waxaan riyo ku arkay arrin mucjiso ahe aan idiin bilaabee, dhigaha si fiican iigu fura. Waxaan hadalkooda maqlayey oo meel ii dhow ku shirayey C/qaasim, Muuse Suudi, Cismaan Caato, Xaaraan ku naax, Gen. Galaal, Shariif Xasan, Xaabsade, Jini Boqor iyo dad kale oo badan. Waxay iska waraysanayeen dhaqdhaqaaqa ay dowladdu ka wado magaalada Jawhar oo caasimad KMG ah, waxaa ugu horeeyey C/qaasim oo yiri “ C/laahi Yuusuf wuxuu doonayaa in Balcad iyo Afgooye magaalada Muqdisho ka fariisto, oo idinka dhigo sidii jiir god ku jira oo albaabka mukulaali ka fadhido, ma ogtihiin sidaas?, waa idinkii aniga ila dagaalamayey oo dowladaydii boqno gooyee maxaa idiin talo ah?†Muuse Suudi ayaa isaguna hadalka ku xigay oo wuxuu yiri “ Aryaara, waxa C/laahi wado Show waaye, ma ciidamo maha Puntland la yiraahdo uu ka soo ururshay aa xabsi na gelin kara, yaa yah, taasi caqli gal ma aha C/qaasimow†Waxaa isaguna hadlay Cismaan Caato oo wuxuu yiri “Muusow, C/laahi waxaa la socda rag ay ka mid yihiin Maxamed Dheere, Geedi, Xuseen Caydiid iyo rag kale, sida ay inaga inoola socdaan Gen. Moorgan, Jaamac Cali Jaamac, Jini Boqor, Caasho Axmed Cabdalle iyo qaar kaloo badan, marka ogow oo siyaasadu waa is kooxeysi, talana waa loo baahan yahay†Qanyare oo hadalka sugi la ayaa isagoo qiireysan wuxuu yiri “Minay doonayaan in ay qabsadaan Baydhabo, Bakool, Hiiraan, Jubbadda Dhexe, Jubbada Hoose, iyo Shabeelada Hoose, yaa inoo diiday in aynu kaga hor marno oo inagu qabsano?†Sheekh Yuusuf Indhacadde, oo kulanka ku soo gaaray hadalkii Cismaan Caato, ayaa soo jeediyey fikrad ka duwan kuwii horay looga hadlay, wuxuuna yiri: “haddii aynu ka cabsaneyno C/laahi Yuusuf in uu noogu yimaado, iminkaba aynu is dhiibno, haddii kale dagaal ha looga hortago, wax kale meesha ma yaaliine.†Waa la qoslay dhamaan raggii meesha fadhiyey, xoogaa daqiiqado ah waxaa ka dhex bilowday buuq iyo muran aan fahmi waayey waxa uu ku saleysan yahay, maadaama ay mar wada hadlayeen iyagoo kor u qaylinaya, haseyeeshee Shariif Xasan ayaa codsaday in buuqa la joojiyo, wuxuuna hadalkii siiyey Gen. Galaal oo ugu qaylo dheeraa wuxuuna hadalkiisii ku bilaabay: “Dagaal waynu naqaanaa 15 sano ayeynu ku soo jirnay, inagu bilaabi mayno, laakiin haddii ay soo hunguriyeeyaan magaalo ama gobol aynu haysano, waa la dagaalameynaa, ciidan inagu filan waynu haysanaa, hub iyo saanadina waa inoo buuxaan, waxa keliya oo ay inagaga adkaan karaan waa haddii ay helaan, Taangiyo, diyaarado iyo maraakiib dagaal, laakiin maleeshiyo mid kale laga hor geeyey waxaa adkaanaya mida xaqa ku socota, waana inagee horta taa ogaada.†Gen. Galaal markuu intaas sheegay ayuu kabaday koob shaah ah oo hortiisa yaalay, hadalkiisii ayuu sii watay “Xaabsade magaalada Baydhabo ayaynu ku ilaalineynaa, Sheekh Yuusuf Indhacadde Shabeelada Hoose, Sheekh Xasan Daahir Aweys gobolada Dhexe, Gen. Mooran iyo Goobaale Jubbada Hoose ku filan….., waryaaraheen C/laahi haddii uu Jawhar yimaado yaan cudur loo arkin, waayo waxaa jooga kooxihii isaga taagersanaa, naguma soo duuli karo, sababtoo ah haddii dagaal dhaco dowladda uu madaxweynaha ka yahay waa ay burburaysaa, horaa loo yiri nin guri muraayad ah degani dhagax ma tuuro†Qeybta 4-aad Muuse Suudi oo aad caro uga muuqato ayaa hadalkii ku soo laabtay, waxaana afkiisa ka soo baxayey erayo kul kulul oo ay ka mid ahaayeen “Minow C/laahi Balcad soo weeraro, Jawhar aan ku weerareynaa, minow madfac soo gamana madfac aan ku gameynaa, minnow Zuu iyo 37 soo ridana, Zuu iyo 37 aan ku rideynaa, minow Baasuuke iyo Dabamiishaar adeegsadana waa u adeegsaneynaa wax la mid ah, minnow Faal soo qaatana Faal aan u qaadaneynaa, minnow Itoobiya soo kaxaystana Erateriyaan soo kaxaysanaynaa, minuu taageerayaasheena laayana kuwiisaan laynaynaa, minnow wanaag la yimaadana wanaag aan ku qaabileynaa, hadal badan xow taraa.†Qosol ayay weecda noqdeen raggii oo dhami markii Muuse Suudi hadaladaas ay ka soo yeereen, xataa anigu waxaan afka saaray labada sacab si aysan u maqlin qosolkayga. Iyadu kulanku halkaas marayo ayaa waxaa ii yimid Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Federaalka ah wuxuuna ii sheegay in Qaramada Midoobay (QM) ay dib u dhigtay codsigii dowladda ee ahaa in cunaqabateynta hubka Soomaaliya laga qaado, khabarkaase kuma farxin, waayo qorshihii iyo sidii aan wax isu saaray dhaawac weyn ayaa soo gaaray, wuxuu kaloo intaas Wasiirku iigu laray in magaalada Muqdisho lagu diyaarinayo xooggag la dagaalama kuwa dowladda, loona kala jiheeyey gobolada Bay, Jubbadda Hoose iyo meelo kale. Wasiirku wuxuu iga codsaday in xiligan aysan habooneyn in loo guuro magaalada Jawhar maadaama aysan dalka imaaneyn, wuxuuna talo ku bixiyey in dowladdu xoogga saarto magaalada Baydhabo sidii xukuumada loo geyn lahaa, walow ay aheyd talo wanaagsan misana waxaa ii muuqday Maxamed Dheere oo carooday mar haddii laga weeciyo magaalada Jawhar caasimada KMG ah oo ay horay isu siisay. “Bal waynu ka fekernaa arrintaas ayaan ugu jawaabay†Markii aan ka soo kacay halkii aan fadhiyey, waxaan albaabka kula kulmay weriye rikooro ku gadaaman oo doonaya in uu war urursado, dhowr su’aalood ayuu deg deg ii weydiiyey anigoo socodkaygii sii wata, wuxuuna ugu horeyntii I su’aalay Weriye: Madaxweyne maxaad magaalada Gaalkacyo iyo Puntland u joogtaa oo u tegi weyday magaalada Jawhar oo maamulkaagu caasimad KMG u doortay ? Madaxweyne: Adeer wadanka Soomaaliya waa isku mid, meeshaan doono ayaan tegi karaa oo ku shaqeyn karaa, dhowaan Jowhar iyo magaalooyin kale oo badan waan tegayaa Weriye: Madaxweyne waxaa la sheegayaa in aad halkan u joogto abaabul ciidamo iyo urursi hub, si aad u qabsatid magaalada Baydhabo iyo meelo kale, taas maxaad ka oraneysaa? Madaxweyne: Ciidamada Qaranka Soomaaliya oo dhan ayaa laga qorayaa, Puntlandna Soomaaliya ayay ka mid tahay, laakiin dowladdu ciddna weerari mayso. Weriye: Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo xubno kale oo Lada Gole ka tirsan waxay doonayaan in caasimadii Soomaaliya ee Muqdisho ay dowladdu ku shaqeyso, maxaad ku diideen idinku? Madaxweyne: Adeer Muqdisho lama diidana in ay tahay caasimadii Soomaaliya, laakiin adiga ayaan ku weydiinayaaye xiligan haddii Muqdisho lagu yiraahdo tag ma ku nabad heleysaa? Sow lagu dili mayo, lagu dhici mayo laguna afduubi mayo, oo lacag madax furasho ah lagaa qaadi mayo? Adeer meel sidaas ah dowlad ma lagu maamuli karaa ilaa wax laga qabto. Weriye: Madaxweyne, adiga iyo Raysalwasaarahaaga waxaa la idinku xantaa in aad dowladda Itoobiya xiriir dhow la leedihiin, maxaa ka jira arrintaas? Madaxweyne: Ah, Ah, Ah, dowladda Itoobiya waa wadan deris inala ah, nimanka iminka ka taliyana wax colaad ahi nama dhex taal. Weriye: Haddii aad iminka Laba garab tihiin, maxay tahay rajada aad ka qabto in dowladdu ay dalka sii maamusho amaba ka sii jirto? Madaxweyne: Dowladda iyo shacabka badidood waxay raali ka yihiin in qaranimadii la soo celiyo, dhowr nin oo danno gaar ah leh oo la yaqaan, waxaa ka badan inta samaha dooneysa, waana guuleysaneynaa dowladduna waa hirgeleysaa. Markuu weriyihii intaas I weydiiyey ayuu iga tegay, socodkii aan ku jiray ayaan joojiyey oo istaagay, waxaan is weydiiyey waxa dadka ka dhaadhiciyey in aan Itoobiya xiriir dhow la leeyahay, waxay igu noqotay arrin aanan jawaab u haynin. Anigoo weli taagan meeshii aan istaagay ayaa waxaa ii yimid nin sarkaal sare ah oo ka tirsan ciidamada Qaranka una qaabilsanaa hawgelinta dagaalka, wuxuu ii sheegay in xerada Abqaale oo ku taal meel u dhow magaalada Gaalkacyo ay diyaar ku yihiin ciidamadii Qaranka loo tababaray, ayna diyaar u yihiin in la geeyo meel walba oo dowladdu u dirto. Aniga qudheyda igama maqneyn in ciidankaas la hawl geliyo, waxaa xusuustayda ku soo dhacday in aan horay ugu guuleystay ciidamo aan halkaas ku diyaariyey in ay qabtaan magaalada Boosaaso ee Badda Cas ku taal, waan xusuustaa duulaankii habeysnaa ee aan Garoowe iyo Boosaaso kaga saaray Col. Jaamac Cali Jaamac oo isagu is tusay in uu faro maroorsado maamulka Puntland, anigana meel cidlo ah I dhigo. Waxaan ahaa nin iska eegayey C/qaasim Salaad Xasan iyo kooxdii Carta iyo weliba dad shisheeye ah, haseyeeshee, marna ma aan fileyn goboladii aad amaamudatay ee Puntland ayaa ruux sokeeye ahi kugu soo damaacinayaa, wayse dhacday, waxaase niyadayda soo celiey ciidamadii Abqaale oo mahadi ha ka gaartee ku guuleystay dib isu soo celintii Puntland oo sanad ku dhowaad baylah aheyd. Masaafada ay ciidamadaasi gaareen waxay aheyd 750 Km oo magaalada Boosaaso ah, Muqdishana waxay u jirtaa 750 KM, waa isku mid, khasaaruhu waagaas wuu yaraa, waxaana qabaa in ciidanka Abqaale dareen Soomaalinimo ay huwan yihiin, waxaan kaloo rumeysnahay in ciidankaasi jid dheer sugayo, in dagaal badan lagu qaadi doono, in khasaare badani soo gaari doono, waxaanse niyada ku hayaa in ciidanka Qaranku guuleysan doono. Hamigaas dheer ka dib, ayaan Sarkaalkii u soo jeensaday oo ku iri “ogow ciidanka caawa saqde dhexe ayaa la rarayaa, iyagoo kolonyo ah ayay sii mari doonaan wadada feer feer ee Itoobiya dhex marta, halkaas waxaa ka raaci doona Hal Guuto ciidan ah oo gobolka Hiiraan laga diyaariyey. Laba maalmood ayay magaalada Feer Feer joogi doonaan waxay u sii gudbi doonaan Qeybta 5-aad waxaa halkaas kaga biiri doona Laba Guuto oo ciidamadii RRA-da ah iyo Hal Guuto oo ciidamo gobolka Gedo laga keenaya. “ Intaas markii aan iri ayaan cabaar aamusay oo usha dhulka ku garaacay, waxaan garowsaday in dhamaan ciidamadaasi diyaar u yihiin waajibka horyaal in ay gutaan, meesha ugu horeysa ee ay beegsanayaan waa magaalada Baydhabo, waxay ku amran yihiin in ay nolol ama geeri ku keenaan Xaabsade iyo ciddii soo raacda Sarkaalkii oo si fiican hadaladeyda u dhegeysanaya ayaan ku iri “Intaas ma garatay†wuxuuna iigu jawaabay “Madaxweyne si fiican ayaan u gartay ee arrintaas ma kula ogyihiin Wasiirka Gaashaan Dhiga iyo Abaaduulaha ciidanka Qaranku Wejigiisa ayaan si fiican u fiiriyey oo indhah ku gubay si caro ka muuqato “ Doqon ayaad tahay su’aal badani ma fiicna ee amarka aan ku siiyey raac†anigoo carysan ayaan sidaas ugu jawaabay, waxaan gacanta ka saaray telefoonka nooca Satalaydhka ah (Turaya) waxaan ku amray in uu xili walba u furaado, waxaan kaloo siiyey telefoonkii uu igala soo xiriiri lahaa, wuxuuna iga hor dhaqaaqay isagoo ilko caddeynaya. Cabaar ka dib waxaan u tegay xafiis ay fadhiyeen tiro ka tirsan Xubnaha dowladda, waxaana telefoon ii dhiibay Wasiirka Gaashaandhiga wuxuuna igu yiri la hadal ninkan. Telefoonkii ayaan ka qaaday waxaana saaray dhegta, waxa aan weydiiyey ruuxa hadlaya ninka uu yahay, wuxuu igu yiri - waa Cismaan Caato - haye Cismaan - Madaxweyne dhibaato ma jirto, magaalada Muqdisho waa caadi, xubnihii dowladda ee nala joogay way shaqeynayaan - Intaas waan ogahay, sow weli xumaantii kama shaqeyneysid, wax miyaa iska kaa bedelay? - Anigu fikradaas Madaxweyne ma qabo - Haye, bal sheeg waxa aad rumeysan tahay? - Madaxweyne, aynu si fiican u wada hadalno Cabaar ayaan aamusay, waxaan u sheegay haddii uu wax ka bedelayo sidii aan ku ogaa in uu la xiriiro Raysal Wasaare Geedi. Markaas ka dib waxaan fariistay kursigii la ii diyaariyey waxaana la hadlay xubnihii dowladda ee aan horay ugu imid, waxaan u sheegay in dowladdu ka kooban tahay Sagaashan Wasiir, taasi in ay tahay tiro aad u badan marka la eego dowladdaha adduunka. “Ujeedadda sidaas loo yeelay waad garaneysaan, waa in la soo celiyo Qaranimadii Soomaaliya, haseyeeshee, qaar idinka idinka mid ah ayaa taas garan la’ waadna ogtihiin xumaanta ay ka shaqeynayaan, hawl adag ayaa nah or taal, waxaa loo baahan yahay in wadanka iyo Qaranimada Soomaaliya aad u aragtaan waajib ina saaran†Iintaas goortaan iri madaxa ayay wada ruxeen, waxayna ii muujiyeen in ay raali ka yihiin hadalada aan u jeedinayo, anigana way I farxad gelisay adeecida Wasiiradda Dowladeyda. Habeen ka mid Riyadayda iyo Tirada Hubka Muqdisho Yaal Xoghayaha gaarka ii ah ayaa isagoo ilka caddeynaya, gacantana ku sita Joornaal wuxuu iigu soo galay xafiiskii aan fadhiyey, “Madaxweyne waa wargeyskii Shacab, ee magaalada Garoowe ka soo bixi jiray, wuxuu wax ka qoray hubka yaal magaalada Muqdisho iyo sida loo kala haysto..†Markuu intaas yiri ayaan si halhaleel ah Wargeyskii oo miiska ii saaran uga dul qaaday oo baalashiisa kala bixiyey, waxaa ku qornaa dhowr qormo oo xiiso badan, haseyeeshee waxaan danaynayey qodobka la ii tilmaamay, waxaana cinwaankiisu ahaa “Tirada iyo noocyada hubka Muqdishoâ€, wuxuuna wargeysku qoraalkiisa ku bilaabay sidan: Sidaa awgeed, waxaa la rumeysan yahay Col. Guray in uu dhiibay tirade hubka iyo nooca ay kala yihiin ee Muqdisho iyo nawaaxigeeda, balse kuma jiraan hubka Sh/hoose, Kismaayo iyo Gaalkacyo ee ku xusan liiskan. Taas ayaa waxaa loo aaneynayaa in sababta dilkiisii Col. Gurey ahayd mid la xiriirta warbixintan oo qeexaysa sida look ala haysto hubka Beel Beel, Jifi, Jifi iyo weliba shakhsiyaad, waxayna guud ahaan u qoran yihiin sidan:- La soco qeybaha dambe Waxaa qoray W.Q. Maxamed Saciid Cumar “Kashawiito†dayniilecom @hotmail.com
  8. just as a matter of fact is this the right way for peace? Muqdisho & Jowhar Soomaali maanta dagaal uma baahna! Waxaa lagu wadaa saacadaha soo socda in magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe uu soo gaaro madaxweynaha dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed, oo magaalada New York kaga soo qeybgalay shirkii madaxweynayaasha adduunka, iyadoo dhinaca kalena ay ka soconayaan magaalada Muqdisho abaabul & diyaar garow ay ku doonayaan wasiiro & xildhibaano ka tirsan baarlamaanka & xukuumadda kuna kala sugan Muqdisho, J/hoose & Baydhabo in ay isbaheysi kaga dhawaaqaan degmada Balcad oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe. Runtii dad fara badan ayaa is-weydiinaya sababta xubnihii soo wada dhisay dowladda federaalka,una fadhiyey shirkii Kenya muddada ku dhow 3-da sano ay xittaa dalkoodii ugu soo laaban waayeen iyaga oo wadajira, waa maxeyse farqida siyaasadeed ee ku kala dhex-jira.? Marka aad dhageysato nuxurka dooda xubnaha labada gole dowladda ee ku sugan Muqdisho oo ay ku jiraan wasiirada hubeysan, ma ahan mid loo heli karo fasiraad bayaan ah, waxa ugu dhow oo lagu tilmaami karaa in ay yihiin (Waa wasiirada hubeysane) waa dad dab ku ciyaaraya, sababta aan sidaa u iri waxey tahay. · Marka aad dib u xusuusato taxanaha siyaasadeed muddadii uu shirka Kenya soconayey ma jirin qorshe siysaadeed ay ku mideysnaayeen, wuxuuna xaalkoodu ka badin waayey is eeg-eegad ilaa ugu dambeyntii 10-kii Oktoobar (Doorashadii madaxweynaha) xaalkoodu noqday in ay fulin waayaan heshiis-kii ay gaareen musharixiinta beesha ****** (Marka laga reebo Max’ed dheere) oo ahaa in musharaxa wareega ugu dambeeya ugu dhibca bata in loogu wada shubo, heshiis-kaasina ma noqon meel mar. · Qorshihii ay ku yimaadeen Muqdisho oo ahaa qorshe ay ku heleen taageero gudaha baarlamaanka & xukuumadda qaar ka tirsan ah & beesha caalamka oo aysan waxba ka qaban markii ay qaadi waayeen isbaarooyinkii loo tirinayey maleeshiyooyinkooda. · Shacabka Muqdisho oo kalsoonidii wax-qabad & taageeradii ay la garab taagnaayeen kala laabtay, markii xaalkoodu ka badin waayey shirar aanan natiijo laheyn & naqdin hadalo ka soo yeeray madaxweyne C/llaahi Yuusuf. Dooda & dhaliilaha loo jeedinayo madaxweynaha ayaa intooda badan lagu tilmaami karaa kuwa run ah, waxaana ugu muhiimsan eedaha loo tirinayo. · In uu ku guuleysto doorashadii madaxtinimada Soomaaliya (waxaa ALLE ka sokow) suurtageliyey dowladda Itoobiya oo geed dheer & geed gaaban u fuushay meelmarin qorshaha madaxtinimada Soomaaliya xittaa heer laga soo billaabo xulitaankii baarlamaanka oo laga shaqeeyey in ay baarlamaanka soo galaan dad 50% aan waxna qorin waxna aqrin, kadibna lagu sanduleeyo xildhibaanada baarlamaanka in ay doortaan C/llaahi Yuusuf, waxaan xusuustaa in hal habeen ka hor doorashadii madaxtinimada Soomaaliya in wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya in kulan uu la yeeshay xildhibaanada beelaha 5-aad & kuwa beelaha Digil & Mirifle in uu ku yiri “haddii aydnaan dooran C/llaahi Yuusuf ………………†· C/llaahi markii maalmo ay ka soo wareegatay doorashadiisii isagoo aanan dhayin mashaqadii Soomaali kala gaartay 15-kii sano ayuu codsaday ciidamo 20-kun gaaraya, taasoo sii di-disay xubnihii aaminsanaa in C/llaahi Yuusuf yahay nin qabyaaladu wax waliba kala weyn tahay oo aan istaahil in uu noqdo madaxweyne. · Eedaha kale oo aanan mid mid loo xusi karin waxaa ka mid ah in socdaalkii uu todobaadkii hore ku tegay New York in uu sawir xun ka bixinayey mas’uul dal madaxweyne ka ah in khudbad sidaa u liidata uu jeediyo, iyadoo weliba Ingiriis-ka uu ku hadlayey uu ahaa mid aan la fahmeyn oo ay dadkii meesha fadhiyay la yaabeen, khudbadiisuna ma aheyn mid uu dunidda ugu soo bandhigayey arrimaha saboolnimadda iyo dhibka ummadda Soomaaliyeed haysata ee wuxuu keliya ee uu ka hadlay arrinta in cunaqabateynta hubka Soomaaliya laga qaado oo ujeedadiisu aheyd in ay u sahasho, looguna xalaaleeyo soo galitaanka cidaanka Itoobiyaanka, teeda kale, waxaa nasiib darro aheyd in madaxweynuhu uu iska indha-tiro in maanta Soomaaliya ay tahay wadanka keliya ee wali cudurka duufaanta (POLIO) lagu arkay isla mar ahaantaasna madaxweynihii la soo doortay in uu iska indho tiray dhibka ummadda Soomaaliyeed haysta ee saboolnimada, cudurada iyo gaajada ah, midda kale Madaxweynuhu wuu iska indha tiray in uu dunidda u soo bandhigo oo uu ka hadlo halista sunta Nuclear-ka ee xeebaheena lagu soo daadiyey, Suunta halisteeda maanta waxaad website walba ku arkeysa caruur yar yar oo Soomaaliyeed oo cuduro mucjiso leh qaba. · Runtii qof waliba oo Soomaaliyeed oo damiir leh wuu ka xumaanaya in madaxweynihii laga filayey in uu dhibaatada umaddiisa haysata kala hadlo Q/Midoobay in uu dantiisa shaqsi ah iyo sidii uu hub iyo Amxaaro u helo uu dunidda ka codsado. Waxaa is weydiin leh Soomaali yaa u maqan? Maxayse tahay waxaa kale ee loo soo doortay madaaxweyne aan ummaddisa waxba u qabaneyn. Teeda kale, anigu ma hubo sida ay run ku noqon karto aragtida ay qabaan Soomaali badan oo aaminsan in C/llaahi Yuusuf uusan qolo gaar ah duulaan ku aheyn ee uu doonayo in wax waliba oo ay ku qaadato uu Soomaaliya ku soo celiyo nidaamkii & kala dambeyntii, maadaama uu marar badan yiri “Waxaan ahay ninkii ugu horreeyey ee billaabay xabadii Soomaaliya cuntay, haddana waxaan isku howlayaan in aan noqdo horseedaha nabaddaâ€. Ujeedada maqaal-keyga haddaan u soo daadego, waxey tahay:- In la helo waxgarad Soomaaliyeed oo ka damqada dhibaatada dalka ka taagan & car & wir-ta kala haysata labada gole ee Muqdisho & Jowhar ku kala sugan, haddii xubnaha Muqdisho ku adkeystaan in ay tagaan Balcad, oo shir ku qabsadaan, garabka Jowharna ay sameeyaan isku dayo lagu kicinayo dadka u dhashay degmada Balcad waxey taasi horseedeysaa xaalad suurtagelin karta iska horimaadyo si kedis ah ku dhasha, una horseeda dhibaato ummadda degan Balcad & deegaanada ku xeeran, taasoo sii fidi karta, isla markaana keeni karta burbur ku yimaada dowladda federaalka, haddaba aan si wadajir ah uga hor tagno in xabad dambe ay naga disho qof Soomaaliyeed.
  9. modesty i understand how you feel. its excruciating paifull to be engaged in an elusive love,then left empty. Endlessly you are not alone and eventually youll be healed. Edge your heart to eemaan and happy ending will emerge. Especially dear in this comimg moth of ramadhaan. I thought you love words startin with E'S thats why i used them exclusively
  10. Ka Jawaab : Maxaa Cirka Caadka dabadhigay. Magaca Illaahay. Maxaa cirka caadka daba dhigay? Caadka daruurta daba dhigay? Daruurta roobka daba dhigay? Roobka rayska daba dhigay? Rayska doogga daba dhigay? Doogga duunyo daba dhigay? Duunyo caano daba dhigay? Caano subagga daba dhigay Subagga dumarka daba dhigay? Maxaa ragga dumarka daba dhigay?? Maxaa Somali silica daba dhigay? Silica Qaxoonti daba dhigay? Qaxoonti maxaa saboolka daba dhegay? Maxaa saboolka tuugsiga daba dhigay? Maxaa Somalida qabyaaladd daba dhigay? Qabiilka maxaa qaranimada daba dhigay? Maxaa qaranka qab-qablayaasha daba dhigay? Maxaa UDUB-ka UCID-ka daba dhigay? UCID-ka maxaa fudayd-ka daba dhigay? Maxaa KULMIYE xeerka daba dhigay? Maxaa UDUB-ka aloolka daba dhigay? Aloolka maxaa dhigaha is-daba dhigay? Maxaa dhigaha UDUB-ka daba dhigay? Maxaa doorashada dadaalka daba dhigay? Dadaalka maxaa dayaca daba dhigay? Dayaca demmanaanta daba dhigay? Maxaa dadka dood-xumaanta daba dhigay? Maxaa gabayga Hadraawi daba dhigay? Hadraawi maxaa gabayga daba dhigay? Maxaa Gaariye guubaabo daba dhigay? Maxaa S/L-center.com guusha daba dhigay? Guusha garashada Gabiley daba dhigay? Maxaa Gabiley geesinimada daba dhigay? Maxaa Halganews.com hannaanka daba dhegay? Hanaanka maxaa hilowga daba dhegay? Maxaa hilowga halganka daba dhegay? Maxaa S/L.org Qarannews.com daba dhigay? Qarannews.com maxaa S/L.org daba dhigay? Jiirka maxaa bisadda daba dhigay? Bisadda maxaa jiirka daba dhigay Maxaa tolow labadaas is-daba dhigay? ( Tom & Jerry ). Maxaa Somaliweyn.com samaanta daba dhigay? Samaanta maxaa sirta hoose daba dhigay? Maxaa saaxiibada safaadka daba dhigay? Maxaa Dayniile.com dareenka daba dhigay? Dareenka maxaa dad-la'aanta daba dhigay? Maxaa daaray dadkii ficil-darrida daba dhegay? Maxaa Puntland booto daba dhigay? Booto maxaa baydadka daba dhigay? Maxaa baydadka boowe daba dhigay? Maxaa Somaliya dagaalka daba dhigay? Dagaalka maxaa lib-la'aanta daba dhigay? Maxaa lib-la'aanta heshiis la'aanta daba dhigay? Maxaa ninka ragga ah nacaska daba dhigay? Nacaska maxaa laynka ( safka ) hore dhigay? Maxaa Maxamed-dheere naxliga daba dhigay? Maxaa ( Ismaaciil ) Buu-da Baa-da daba dhigay? Buu-Baa maxaa bahaa-bahaada daba dhigay? Maxaa bahaada baadinimada daba dhigay? Maxaa ******** isbaaro daba dhigay? Isbaaro maxaa beeso daba dhigay? Maxaa Mud******* macno darrada daba dhegay? Maxaa Somaliya silloonka daba dhigay? Sangaha maxaa Sabeenta daba dhigay? Maxaa Somaliland Somaliya daba dhigay? Maxaa IId****** Cag-***** daba dhegay? Cag-****** maxaa IId****** daba dhigay? Maxaa tolow labada doqon is-daba dhegay? Maxaa Reer Jibouti barjaha daba dhegay? Barjaha maxaa ijabanaha daba dhigay? Maxaa ku jaan-qaaday oo jaadka daba dhigay? Maxaa Muslimka Maraykanka daba dhigay? Muslimka maxaa argagixinta daba dhigay? Maxaa Argagixinta rayid dhintay daba dhigay?
  11. yeah Olol i hate it it too but after giving it deep thought i decided i should leave it original . and this is not my art anyways but i just liked most part of it and decided to share it with you. i profoundly apologise to whoever may find it offensive. and again this is not originally from me.
  12. to all of you daneynaa siyassadda soomalida mowqifka iyo hanaanka nabadda diidan. i actually came across this article posted by some guy in one of the many somali sites and i liked it. thats why ill love to share it with you. hope it gives u some insight. and mark u i am about to launch an informal youth forum for adressing the pros and cons of qabyiiladda. Waad salaaman tihiin saaxiibada Webka iyo Netka Somaliyeed. Magaca Illaahay. Maxaa cirka caadka daba dhigay? Caadka daruurta daba dhigay? Daruurta roobka daba dhigay? Roobka rayska daba dhigay? Rayska doogga daba dhigay? Doogga duunyo daba dhigay? Duunyo caano daba dhigay? Caano subagga daba dhigay Subagga dumarka daba dhigay? Maxaa ragga dumarka daba dhigay?? Maxaa Somali silica daba dhigay? Silica Qaxoonti daba dhigay? Qaxoonti maxaa saboolka daba dhegay? Maxaa saboolka tuugsiga daba dhigay? Maxaa Somalida qabyaaladd daba dhigay? Qabiilka maxaa qaranimada daba dhigay? Maxaa qaranka qab-qablayaasha daba dhigay? Maxaa UDUB-ka UCID-ka daba dhigay? UCID-ka maxaa fudayd-ka daba dhigay? Maxaa KULMIYE xeerka daba dhigay? Maxaa UDUB-ka aloolka daba dhigay? Aloolka maxaa dhigaha is-daba dhigay? Maxaa dhigaha UDUB-ka daba dhigay? Maxaa doorashada dadaalka daba dhigay? Dadaalka maxaa dayaca daba dhigay? Dayaca demmanaanta daba dhigay? Maxaa dadka dood-xumaanta daba dhigay? Maxaa gabayga Hadraawi daba dhigay? Hadraawi maxaa gabayga daba dhigay? Maxaa Gaariye guubaabo daba dhigay? Maxaa S/L-center.com guusha daba dhigay? Guusha garashada Gabiley daba dhigay? Maxaa Gabiley geesinimada daba dhigay? Maxaa Halganews.com hannaanka daba dhegay? Hanaanka maxaa hilowga daba dhegay? Maxaa hilowga halganka daba dhegay? Maxaa S/L.org Qarannews.com daba dhigay? Qarannews.com maxaa S/L.org daba dhigay? Jiirka maxaa bisadda daba dhigay? Bisadda maxaa jiirka daba dhigay Maxaa tolow labadaas is-daba dhigay? ( Tom & Jerry ). Maxaa Somaliweyn.com samaanta daba dhigay? Samaanta maxaa sirta hoose daba dhigay? Maxaa saaxiibada safaadka daba dhigay? Maxaa Dayniile.com dareenka daba dhigay? Dareenka maxaa dad-la'aanta daba dhigay? Maxaa daaray dadkii ficil-darrida daba dhegay? Maxaa Puntland booto daba dhigay? Booto maxaa baydadka daba dhigay? Maxaa baydadka boowe daba dhigay? Maxaa Somaliya dagaalka daba dhigay? Dagaalka maxaa lib-la'aanta daba dhigay? Maxaa lib-la'aanta heshiis la'aanta daba dhigay? Maxaa ninka ragga ah nacaska daba dhigay? Nacaska maxaa laynka ( safka ) hore dhigay? Maxaa Maxamed-dheere naxliga daba dhigay? Maxaa ( Ismaaciil ) Buu-da Baa-da daba dhigay? Buu-Baa maxaa bahaa-bahaada daba dhigay? Maxaa bahaada baadinimada daba dhigay? Maxaa ******** isbaaro daba dhigay? Isbaaro maxaa beeso daba dhigay? Maxaa Mudulood macno darrada daba dhegay? Maxaa Somaliya silloonka daba dhigay? Sangaha maxaa Sabeenta daba dhigay? Maxaa Somaliland Somaliya daba dhigay? Maxaa ******ka Cag-dheerta daba dhegay? Cag-dheerta maxaa ******ka daba dhigay? Maxaa tolow labada doqon is-daba dhegay? Maxaa Reer Jibouti barjaha daba dhegay? Barjaha maxaa ijabanaha daba dhigay? Maxaa ku jaan-qaaday oo jaadka daba dhigay? Maxaa Muslimka Maraykanka daba dhigay? Muslimka maxaa argagixinta daba dhigay? Maxaa Argagixinta rayid dhintay daba dhigay?
  13. i pesonally know of a somalian from Arusha TZ. who is in harvard law school right now. He is brother to Abdirahman kinana once asst: minister of defence in tanzania,Now one of the top ruling party Executive.also nominated east african parliament speaker and current Tanazanian presidents campign manager. There are also speculations that the future tanzanian military chief of general staff is going to be a somali by the name Brigadier general Omar farah now being trained in britain top military college
  14. hellooo worrior ur doin good job out here promoting swahili in this nomads zone. hope u'll not mind giving us some important profile on swahili language history, how it came to being? and how big areas it covers in africa?. Cause i heard that its the most popular language in Africa and actually was once suggested to be official african language, correct me if am wrong.
  15. Am not realy sure but its goin to be an embarassment for the jowhar function if this romours end up to be true. if the presidents car can be that easy to hijack, what about his powers and more so personal security?