Emperor

Nomads
  • Content Count

    4,044
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Emperor

  1. Xoogagga Xisbul-Islaam oo la wareegay Gacan ku haynta Garoonka Macmalka ah ee Cisaley. Muqdisho,13,May,2009 ,Arboco,(Hillaac.net ) Xoogag daacad u ah Kooxda Xisbul Islaam ayaa la sheegay in ay la wareegeen gacan ku haynta Garoonka Macmalka ah ee Cisaleey oo ku yaalla duleedka Muqdisho, Kooxo ku hubaysan Gawaarida Dagaalka ayaa Garoonka macmalka ah ee Cisaley oo ay ka dulaan kana soo degaan Diyuuradaha Hay'adaha Q.Midoobe Gacanta ku dhigay Kooxahaasoo hoos yimaada Xoogagga Xisbul-Islaam ee 5tii Maalmood ee la soo dhaafay Dagaallo kulajiray Xoogagga Maxaakiimta ee taageersan Dowladda. Sarkaal ka tirsan Kooxda Xisbul Islaam ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Ciidankoodu ay gaareen deegaannada ku teedsan Dekadda Macmalka ah ee Ceel-Macaan. Dhinaca Dowladda ma jiraan wax ka hadlay Arrinkaas weli, Waxase Maalmihii ugu dambeeyay Xoogagga Xisbul-Islaam iyo Alshabaab ay isku fidinayeen Goobo ay Gacanta ku hayeen Maxaakiimta Dowladda taageersan.
  2. ^Boowe waa laguu wacanyahay, anigu laftayda baryaan soo jiira-jiireeyay xoogaa waan kamaqnaa SOL... Mucaaradkaaga waa badanyahay ee adiguna ma Sheikh hotel-ka SOL baa tahay? Lool
  3. ^Ninkaan ma A&T-baa lool, Saaxib, adigoo lagu baafinaayaan ogaa, xagee kadhacday? As to the President, where were you when he asked AMISON to shell and send mortars to the city, and the heavy bombardment that followed after it.... Reer Yusuf-na isagaan taageerayaan una dhimanayaan ee lasoco... Hassan Dahir, Idha'ade and Alshabaab are worse..
  4. Shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya oo ay ka qeyb galayaan wasiirada Difaaca ee ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo maanta ka furmaya dalka Ethiopia. Posted: 5/13/2009 2:57:00 PM Shabelle: NAIROBI Shir looga hadlayo xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya islamarkaana ay ka qeyb galayaan wasiirada Gashaandhiga ee dowladaha ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa maanta ka furmaya Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia. Warmurtiyeed uu soo saaray gudoomiyaha midowga Africa ninka lagu magacaabo Jean Ping ayaa waxaa uu ku sheegay in ururka Midowga Africa gaar ahaan wasiirada gaashaandhiga ee ciidamadooda ay Soomaaliya ka joogaan in ay kulan ku yeelanayaan magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia kaasi oo dib loogu eegayo xaaladda dalka Soomaaliya islmarkaana lagu qaadayo sida uu sheegay talaabooyin cusub oo lagu tageerayo nabadda iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya. Kulankaan ayuu ku sheegay Jean Ping in lagu qiimeyn doono xaaladda ka jirta Magaalada Muqdisho islamarkaana lagula socon doono waxyaabihii ka soo baxay kulankii ka dhacay Magaalada Brussels ee wadamada deeqda bixiya ay Soomaaliya ugu deeqeen lacagaha fara badan. Jean Ping waxaa uu ka dhawaajiyay in sidoo kale kulankaasi in dib loogu eegi doono xaaladihii ugu dambeeyay ee magaalada Muqdisho isagoo sidoo kale cambaareeyay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho kuwaasi oo uu ku tilmaamay in ay u dhaxeeyaan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kooxo uu ugu yeeray in ay ka soo horjeedaan nabadda. Warkaasi uu soo saaray gudoomiyha gudiga midowga Africa ee Jean Ping ayuu sidoo kale waxaa uu ku sheegay in midowga Africa ay si fiiacan u fiirin doonaan xaaladda rasmiga ee ka jirta Soomaaliya. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya. Dhageyso wararka 8:00-Subaxnimo maalin walba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka. Shabelle Media Network - Source of Somalia News
  5. Muqdisho:Midawga Afrika oo xaruntooda Adis'baba kaga baaran dagaya sida loo difaaci karo dawlada Somalia 13. maj 2009 Print This Article | Daabaco warkaan Muqdisho(AllPuntland )-Guddoomiyaha ururka Midowga Afrika Joan Peang ayaa lagu wadaa maanta in uu shir gudoomiyo kulan aan caadi ahayn oo ururka Midawga Afrika ka yeesho xaalada Muqdisho gaar ahan qabsahashii dawlada laga qabsaday xarumihi ay ku lahayd Muqdisho. Warmrtiyeed kulanka ka hor uu soo saaray Joan Ping Gudooiyaha Midawga Afrika oo uu ka soo saaray xarunta ururkaasi ee magaalada Addisa-Ababa ayuu ku sheegay in ururka Midowga Afrika kulanka ay maanta ku yeelanayaan magaalada Addis-baba ay ku jeex jeexi doonaan waxa ay ka yeelayaan awooda sii baaheysa ee mucaaradka. hadal murtiyeedka Joan Peang ayuu ku cambaareeyay dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho oo uu sheegay inay u dhexeeyaan xagjriin aan nabadi Somalia ka rabin iyo ciidamada dawlada Midnimada qaran. Kulanka maanta Adis-Ababa ka dhacaya ayaa xogaha laga helayo waxaa ay sheegayaan in la go'aamin doono in la da dajiyo imaanshaha cidamadi ka haray 8000 ee Midawga Afrika ugu talagalay Somalai si ay u buuxiyaan kaalint ah difaaca dawlada taagta daran. Waa kulanki ugu horeyey oo ay xubnaaha Midawga Afrika ka yeeshaan xaalada Muqdsiho. Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland
  6. Muqdisho:Dagaalo ka qarxay Gor dhaw W/Muqdisho xaafada ka mid ah 13. maj 2009 APL Print This Article | Daabaco warkaan Muqdisho(AllPuntland )-dagaalo ayaa ka qarxay xaafada ka tirsan degmada Yaaqshid ee w/Muqdisho . dagaladaas ayaa ku bilawday markii ciidamada dawlada ee dareeska cusub loo xiray ay dhaqdhaqaaq bilaabeen oo ay socod ku tagaan meel ku dhaw saldhig ay joogen xoogaga mucaradka. dagaalada oo leh waji sii kululaanaya ayaan la ogeyn khasaaraha ay geysteen , waxaana ay ku soo aadeen xili shalay qaab qabil xal loogu helay wixi ku soo kordhaa la soco
  7. Dagaalo u dhexeeya Ciidamada dowlada iyo xoogaga ka soo hor jeeda oo goordhow ka qaraxay agaagaarka isgooyska 4-ta jardiino ee degmada Yaaqshiid. Posted: 5/13/2009 4:43:00 PM Shabelle: MUQDISHO Dagaalo xoogan oo u dhexeeya ciidamada dowalada iyo xoogaga ka soo hor jeeda ayaa waxaa uu gordhow ka biloowaday Agagaarka isgooyska 4-ta jardiino kaasi oo ku sii fiday suuq Bacaad. Dagalka oo ah mid aad u xoogan isla markaana daryanka madaafiicda la isku weydaarsanayo laga maqalayo magaalada inteeda kale ayaa waxaa wararaka ka imaanya Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid ay sheegayana in dagaalka uu u durqay dhanka Isgooyska Toowfiiq ee degmada Yaaqshiid. Illaa iyo hada ma cada sida uu dagaalkaasi ku biloowaday iyo qasaaraha ka dhashay,waxaana dagaalkani uu qeyb ka yahay dagaalo in dhawaalaba ciidamada kala taabacsan labada dhinac waa dowlada iyo xoogaga ka soo hor jeeda ku dhex marayay magaalada Muqdisho. Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco shabelle.net hadii uu illaah inoo saamaxo. Shabelle Media Network - Source of Somalia News
  8. ^What are you on about mate and who are you talking to? Aniga oo ah?
  9. He doesn't know the dangers lurking behind. We knew his coolness and soft speaking voice, we have come to get used to that but it didn't get him anywhere since he was sworn in as the president of the state, so what else has he got to offer... The other important question many are asking is, when is he gona get taugh and take drastic measures, if he ever will...
  10. Xiinow, No hardly that was a mistake, he was headless novice who jumped on the opportunity without clear plans. However, what I am talking about are grand mistakes. Your caraven leader is the President of the state and has lost control of all things government institutions, specially the police and the military forces. He can't distinct his enemies from his friends, in other words those plotting to kill him and those willing to work with him and for him are indistinguishable to him. He's failed to gather intillegence of the number and capablity of his foes as well as the power and the confidence he has on his own forces. He let others divide the TFG forces and have control over them along clan and ideological lines such as Qaybdiid, Abduqadir Ali Omar, Gobaanle, Mukhtaar dheere etcetera. In the wake of the five day war, this fact proved that Sheikh hotel never had any control over the forces he pays but those men do... He made peace with an armed warlord such Indha'ade and trusted him, how would you make peace with armed man and specially when its sicko like that warlord, the most foolish person wouldn't do that, If Indha'ade wants postion offer him, any postion but on the condition you disarm him or bring his troops under your control, if he's not up for that then consider him enemy. In the war-zone of Mogadishu, one must understand all this and your caravan leader must have lost in touch with reality when he let all this take place under his watch... The other major mistake your caravan leader and his government are still making is the fact that they lost this war badly quite early in the game and whilst Alshabaab and Hizbul Islam are getting reinforcements from all over the country and gearing up for their final over-take of the city, and knowing that Sheikh Hotels last lifeline are AMISON and the rest of the international community. However, the way this war was reported has costed him and he's been oblivius to it, overwhelming majority of the western media and newspapers report that Islamist's battling out in Mogadishu, do you think anyone cares about two Islamic groups butchering each other, Saaxib the world doesn't care about the democratic elected government of Pakistan battling with Taliban for months let alone Islamists, istead he should have rectified and made it clear that it is the legitimate Somali government that's under attack by suide maniacs in his press releases, balse calaacal ayuu kabixi, wax wayn baa ka khaldan adeer... All in all Shariif Ahmed have to have a vision and plan, act and take control, be causious and learn how to play the political games and put in his dictionary that pre-emptive strike is necessary at times, he has to be taugh and ruthless... but it seems waa too late now, although if he does his homework properly, gathers enough intilligence and acts quickly he can turn the clock back to head anti-clockwise... Markaa, Xiinow ninkaanu waa kudaayay sidee kusocoto, ciyaal xaafadda ayuu noqday, wuxuu kabixi waayay aniga Cullumadaanba ku go'aa Nooh, Sheikh Cumar Imaan saaxiibkeey waaye wax manayeelaayo, Inda'ade waa iskaseenaa nooh dhib malahan isaga iyo C/qadir Ali Cumar ma aragtay qabiidkoo uu u egyahay lee isagaa kadhaxbaxaaya nimankaan ciidanka isaga lee udhiiba nooh, Looool Filin Hindi maa lajilaayaana
  11. ^Calling a novice for what he is, is not crime Xiinow... Your caravan leader has made many mistakes, and still is going it about the wrong way, I hope he comes out of this but all the sign's lead that he's heading for the road to extintion He's failed before it even began, its simple as that Saaxib...
  12. ^Lool, look at Amin Amirs first cartoon above, are those guyz part of a rival gang or serve the same government , poor seccesionists...
  13. ^LOol, I won't be suprise if they told us the POW released is Indha'ade lool But that's media and PR for you, live with it adeer, Sheikch hotel is losing, has no strategy and outmanouvered...
  14. ^Lool, the guy cares too much for the funding of Puntland , and doesn't mind the democracy of Riyaale Hahaha
  15. Xarakada Alshabaab oo maanta sii daayey Maxaabiis ay ku soo qabteen Dagaalkii 5ta Maalmood ay Magaalada Muqdisho kula galeen Ciidamada Dowladda. Muqdisho,12,May,2009 ,Talaado,(Hillaac.ne t) Ururuka Al Shabaab ayaa galabta sii daayay Maxaabiis kor u dhaafaysa 15-Maxbuus kuwaasi oo ay sheegeen in ay kula dagaallameen Gudaha Magaalada Muqdisho, Maxaabiistan ay maanta sii daayeen Xarakada Ururka Al Shabaab oo sida Saraakiisha Alshabaab ay sheegeen isugu jira Ciidamadii hore ee Dowladda KMG iyo kuwii dhawaan ku biiray ayaa waxay sheegeen in ay ku qabteen dagaaladii mudada 5-ta Maalin ka socday qeybo ka mid ah Waddada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho. Goobta Maxaabiistaasi ay maanta ku sii deynayeen Xarakada Ururka Al Shabaab ayaa waxaa Saxaafadda kula hadlay Sheekh Cali Max’uud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo ah Madaxa Gobollada dhexe ee Ururka Al Shabaab, Waxana uu sheegay in Raggani ay sii deyntoodu ka dambaysay kadib markii ay damaanad qaadeen Ehelladooda. Cali Xasan Axmed oo ka mid ahaa Askartii Ururka Al Shabaab ay sii daayeen oo isna Saxaafadda la hadlaya ayaa sheegay in 5-maalin oo kaliya uu ka mid yahay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, Waxana uu sheegay in Markii hore uu ahaa nin wax ka dhisa Guryaha Ninkan ayaa qirtay in uu ka tirsanaa Raggii ka Dagaallmayey Stdium Muqdisho. Maxaabiista ay maanta sii daayeen Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa ay ku wareejiyeen Ehelladooda kuwaasi oo Saxaafadda u sheegay in ay ku faraxsanyihiin sii deynta Wiilasha Owlaaddooda ah. Waa markii ugu horeysay ee Xarakada Al Shabaab ay Gacanta ku dhigaan Ciidamo ka tirsan Askarta Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed isla markaana ay sii daayaan. hillaac on May 12 2009 18:53:59 · Print
  16. ^You are right, the Villa is not an easy walk of cake, the AMISON troops are based and fully armed, even if they are weakened the world and the international community wouldn't allow them to be defeated or beaheded...
  17. ^Its getting mad Xiinow, and as it seems the madness and mortars isn't gona stop any soon... Kuwa hada carcartoodi qaba ayaa kusoo gurmaaya, Ilaahow masaakiinta ugargaar...
  18. Al Shabab Oo Shir Ka Dib, Diyaariyey Ciidamo Iyo Shaxdii Ay Ku Gali La Hayeen Madaxtooyadda Villa Soomaaliiya May 12,2009 by Muqdisho-Gedo-News Ilo wareed lagu kalsoon yahay oo ay haleyso warbaahinta ayaa sheegaya in Xarakada Alshabaab ay go’aan ku gaareen in Xukuumadda Sheekh Shariif ay fashiliyaan maadaama uu u turidda shacabka ku hawlan yahay ayna sugayaan inta shacabku si wanaagsan magaalada uga wada baxayaan. Kulankani ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho waxaana ka qeybgalay Saraakiil hoggaamisa dagaallada ka dhaca dalka ee Shabaabka ay qaadaan oo isugu jira Ajnabi iyo Soomaali wuuxuna ka dhacay guri ku yaalla Degmada dayniile kulankaasi ayaa looga arrinsaneyey sidii looga taqalusi lahaa Shiikh Shariif Iyo ciidamadda dawladda Midnimo qaran ee soomaaliya. Saraakiisha Soomaalida ee shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay soo jeediyeen qorshe ah in maadaama halka dowladda ay kusoo hartay ay tahay keliya Madaxtooyada mar keliya laga soo weeraro dhowr jiho si qeyb un ay ugu suuragasho in Madaxtooyada ay gudaha u galaan. Jiho waliba ayaa waxaa ka qeyb geli doona ugu yaraan 1000 askari waxaana ay adeegsan doonaan hubka isugu jira kuwa waaweyn iyo yaryarka iyadoo loo badinayo dhanka Baasuukeyaasha iyo qoryaha B10-ka loo yaqaano si loo waayo askari xabad caadi ah kusoo rida Shabaabka. Lakin qorshahani ayaa kooxda ajnabiga ah ee la socota Shabaabka waxa ay ku sheegeen mid macquul ah lakin loo baahan yahay in Madaxtooyada loogu xiro Hoobiyeyaal iyo RT5 oo ay ku haboon tahay in loo soo dhigto Florenca iyo Dalcadda Aadan Cadde. Saraakiisha Soomaalida ayaa qaarkood isweydiiyay sida laga yeelayo xasuuqa loo geysan doono Suuqa Bakaaraha maadaama Umad baan ay kunool yihiin lakin waxaa Saraakiisha Ajaanibta ah ay talo ku bixiyeen in ragga iyaga taageerada u ah lagu wargeliyo in hantidooda xoogiisa ay kala baxaan Suuqa wax walibana ay ku talagalaan dagaalkana uu muddo kooban socon doono khasaarahana ay haboon tahay shacabka in ay u adkeystaan iyadoo sarkaal ka mid ah uu sheegay in Wadanka Pakistan xittaa dadkooda rayidka ah la garaacayo ayna ku samrayaan Soomaalidana ay sidaasi ku haboon tahay in ay ugu daydaan. Hadaba maanta ayaa Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray illaa 29-gaari oo kuwa dagaalka ah oo ciidamadooda ay saaran yihiin iyaga oo ka yimid dhanka Magaalada Kismaayo, waxaana harsan weli gawaari kale iyo Ciidamo kasoo socda Gobolada Bay iyo Bakool iyo waliba Gobolka Gedo. Waxana wararka qaar sheegayan in ay jiraan tikniko fara badan oo ka soo kala baxay goboladda Gedo iyo Bay kuwaasi oo ku soo wajahan magaalada Muqdisho. Ugu dambeyntii kooxdan lagu magacaabo Xarakadda Al Shabaabka ay ku tashanayaan in weerar noocaasi ay qaadaan hadana waxaa jira Ciidamo Amisom oo ku sugan Magaalada Muqdisho kuwaasi oo u jooga Soomaaliya keliya in ay difaacaan Dowladda iyaga oo iminkana ku kooban Madaxtooyada, Airport-ka iyo Dekedda Muqdisho. Dadka Degaanka inta ku soo hartey magaalada Muqdisho ayaa walaac ka muujiyey dagaal dib uga bilaabma magaalada muqdisho Ahmed Muqdisho-Gedo-News Gedonet.com@hotmail. com
  19. Alshabaab oo Maxaabiis Siidaayay By Somalimirror on 12 May, 2009 10:47 PM in Main, Wararka Al-shabaabDhaqdhaqaa qa Alshabaab ayaa maqribnimadii siidaayay Maxaabiis ay ka qabteen Stadium Muqdisho iyo Xarunta Xisbiga kadib dagaaladii ka todobaadkan ka soconayay Magaalada Muqdisho. Ilaa 15 askari oo ka kala tisrasanaa MMI ee ku biiray DKMG ah iyo Ciidamadii hore ee Dawladda isla markaana lagu qabtay Dagaaladii Muqdisho ka soconayay dhawrka bari ahayd ee la soo dhaafay ayay siidaayeen Xoogagga Alshabaab waxaana arrintaas Xaqiijiyay Sh.Cali Maxamuud Raage Fidow oo ah Wakiilka Alshabaab u qaabilsan Gobollada Dhexe. Sh.Cali Maxamuud Raage Fidow oo arrintaas ka hadlaya ayaa yiri “ Markii aan aragnay in raggaan intooda badan ay ahaayeen qaar la soo siray sida ayagu ay sheegi doonaan, qaarkodna ay ahaayeen qaar hunguri iyo waxyar oo maciishad ah ay qaday, anagu waxaan u dagaalamaynayna ay ahayd in dadkan la badbaadiyo aakhira iyo aduunba, markii aan ka helnay damaano iyo in aysan dib ugu laabanayn waxa ay ku jireen eheladoodii waxaan go’aansanay in aan siidayno oo aan ilaahay SW u barino in uu hanuuniyo, iyaga iyo kuwa kaleba ee maanta wali safka cadawga ka dagaalamaya waxaan kula dardaarmayaa in aysan ku qasbinin xoogaa yar oo hungiri ah oo ka soo daahay in ay u bareeraan naftooda oo ay halaag ku ridaan Maxaabiistan oo saxaafadda loo soo bandhigay ayaa laftoodu waxay cadeeyee in ay ka mid ahaayeen ciidamadii Dawladda eek u sugnaa Staduim Muqdisho iyo xarunta xisbiga waxayna sheegeen in ay isdhiibeen kadib markii ay halkaa ku go’doomeen waxaana sidoo kale ka mid ahaa dadkaa goobta ka hadlay dad ehelo u ahaa Maxaabiista ay maanta siidaayeen Ururka Alshabaab. Majirto ilaa iyo hadda wax war ah oo ku saabsan arrimahaan oo ka soo yeeray Dhinaca DKMG ah. Dagaaladii maalmihii la soo dhaafay ka soconayay Magaalada Muqdisho ayaa DKMG ah iyo Taageerayaasheeda waxaa lagala wareegay baro muhiim ah oo ay horay ugu sugnaayeen waxaana jira ciidamo iyo hub u soo wareegay dhinaca Xoogagga Xisbul Islaam iyo Alshabaab ee ka soo horjeeda DKMG ah.
  20. ^OK Xiin-ow Mansa, right bro, read more and trust less
  21. Axmed Madoobe oo sheegay inay Gurmad u soo direen Muqdisho By Somalimirror on 12 May, 2009 4:45 PM in Main, Wararka MuqaawamoAxmed Madoobe oo Xubin ka ah Xizbul Islaam ee ku sugan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa ku baaqey dagaal ka dhan ah Ciidamad AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqisho. Ciidamada Xisbul Islaam ee Kismaayo Ciidamada Xisbul Islaam ee Kismaayo Xilli uu u waramayey barta Enternet-ka ee Al-jazeera.net ayuu ka hadley fikirkiisa ku aadan Dagaalada Muqdisho oo uu sabab uga dhigey joogitaanka ciidamada AMISOM, waxa kale oo uu intaa raaciyay in Dadka Soomaaliyeed isku filan yihiin arimahoodana ay xalisan karaan haddii aan fara gelin shisheeye lagu heynin. Ciidamada AMISOM ayuu ka dalbadey inay Dalka isaga baxaan waxa kale oo uu intaa raaciyay”Boqolaal ka mid ah Ciidamadeena ayaanu u dirney Muqdisho oo gacan siiyaan xoogaga kale Xizbul Islaam & al-shabaab si ay ula dagaalamaan Ciidamada AMISOM”. Waxa uu sidoo kale ka hadley Niyada uu Dagaalka u hayo waxa uuna yiri”Waxaan diyaarinay Qeybo si sare ugu tabo baran Dagaalka khibranba ka helay Dagaalkii Ciidamada Gumeysiga lala galey”. Baaq ayuu u jeediyay Xoogaga Muqaawamada oo ugu baaqey in danaha gaarka ah ee Shakhsi ama Urur ka horeysiiyaan midda guud. Dhanka kale Afhayeenka Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo, Sh Xasan Yacquub ayaa ku tilmaamey dagaalada Muqdisho ka socdo jihaad xukuumada Sh Shariif hogaaminayo ayna waxba dhaamin tii C/laahi Yuusuf. Waxa uu sidoo kale sheegay in Dagaalada Muqdisho ka socda ay qeyb ka yihiin, waxa uu sidoo kale sheegay inuu jiro gurmad balaaraan oo dhinac walba Magaalada Muqdisho uga imaanaya.
  22. Nairobi, Kenya - Somali Islamist leader and onetime president Sheikh Dahir Aweys has launched what appears to be a final assault on the fragile Somali transitional government. When did Hassan Dahir become president? Lool, Nimankaan aad soo tibisay Xiinow warba mahayaan!
  23. Mintid Adeer a helicopter delivered $2 million Aw-Bidaar ah dangling from the sky to Eyl, and you keep hoping America will bomb and decimate Bosaaso Loool ... keep talking boy... Ooh and your precious terminologies: Fund, Funding, international community, Puntland, funding, stop, Garowe, meeting in Nairobi, international, Fund, internatianal, donations, international, world donor, funding, funding ... looooooool keep talking mate
  24. ^Sometimes people talk out of their behind... Isbaaro is isbaaro correct but are on different levels, we know the root cause of this form of Isbaaro, the Somali fishermen that lost their livelihoods... Moral or legality was not a case here... As for the pirates targeting Somali Business, it's a lie, the vast majority of the pirates respect Somali interests, and if that was not the case then cities like Mogadishu, Bosaaso and Berbera would have not been business as usual or booming... The news of a released Somali-ship without any ransom paid. -------------------- ---- Markab ganacsi oo dhawaan lagu afdoobtay xeebaha soomaaliya oo la sii daayay. May7, 2009 Muqdisho: QOL) Markab ganacsi oo dhawaan lagu afdoobtay xeebaha soomaaliya oo la sii daayay. Waxaa dhawaan markab nuuca ganacsiga laga afduubtay xeebta magaalada Muqdisho ayadoo halkaa ay wateen kooxo burcad badeed oo heystay in ka yar 5 maalmood. Waxaa lagu guuleystay in la sii daayo markabkaasi ganacsi ayadoo markaa aanan wax madax fursha aanan laga qaadin sida uu saxaafada u xaqiijayay gudoomiyaha ganacsata suuqa bakaaraha cali dheere. Cali dheere ayaa sheegay waan waan dheer ay galeen ganacsata gobolka banaadir ka dib ay ku guuleysteen in la sii daayo markabkaasi ganacsi oo u soo rarnaa dakada magaalada Muqdisho. Dhawaan ayaa lagu afduubtay markabkaan masaafo aad ugu dhow xeebta magalada Muqdisho ayadoo uu markii hore ka soo shiraacday dalka Imaaraadka oo halkaa ka soo qaaday raashiin iyo agab kale. Xeebaha dalka soomaaliya ayaa inta badan waxaa aad ugu soo badanayay dhaca loo geysto maraakiibta gaar ahaan kuwa dowlada kale ee ka qowleysta xeebaha soomaaliya ayadoo bisha aynu soo dhaafnay xeebaha soomaaliya uu ka dhacay wax ka badan 10 qafaal oo lagu xirtay markaabii shisheeye. Dhanka kale dowlada soomaaliya ayaa wacad ku martay dhawaan in ay la dagaalamayaa burcadbadeeda soomaliyeed ee ka qowleysta xeebaha soomaaliya balse ilaa hada ma jirto wax talaaba ah ay qaadeen dowlada labada bilood ku sugan dalka. Xafiiska Wararka ee Toronto, Canada Qaranimo Online