What happend to Muqadishu warlords, do they know something that we dont. Rumors say Abdiqasim made deals with A. Yusuf, 2 days ago was Addow who said he doesnt mind sharing the top two posts with A. Yusuf.
Now mastermind of drug trafficking, scrap merchant, the man who hated Yusuf the most makes the move towards him . Well does he know something???? thats the only question I have 4 the time being. Do they kno something, anything.
Time will tell
-----------------------------------
Cismaan Caato oo ergo nabadeed u dirsaday Col. Cabdullahi Yuusuf. Ruunkinet 22/09/04
Warar aan la xaqiijin ayaa ku waramaya in xildhibaan Cismaan Xasan Cali Caato uu u diray ergo nabad ka dhex dhalisa asaga iyo Col. Cabdullahi Yuusuf oo si weyn isaga soo horjeeda dhinaca siyaasadda.
Warka ayaa intaasi ku daraya in uu Caato doonayo in uu heshiis la galo Col. Cabdullahi Yuusuf si ay u wada dhisaan madaxweyne iyo ra'isul wasaare.
Col. Cabdullahi Yuusuf oo aad u liida hoggaamiyeyaasha siyaasadda beelaha ****** ayaan la ogeyn in uu ka yeeli doono Caato dalabkiisa iyo in kale.
Xildhibaan Yuusuf ayaa horay u diiday codsiyo ay hoggaamiyeyaasha beelaha ****** ka codsadeen in uu ka yeelo ayadoo Caato, Xuseen Caydiid iyo Bood ay horay ugu tageen magaalada Boosaaso si uu ugu raaco shir lagu waday in lagu heshiisiiyo Cabdiqaasim Salaad iyo kooxaha ka soo horjeeda ee mucaaradka ahaa oo ka dhacayay magaalada Sanca.
Sidoo kale, Col. Cabdullahi Yuusuf oo laga yaabo in uu noqdo madaxweynaha Soomaaliya doorashada 10ka bisha Oktoobar ayaa horay u diiday codsi uu Cabdiqaasim ka codsaday in uu kula heshiiyo mar uu ergo u diray intii ay jiray dowladdii lagu soo dhisay Jabuuti.
Dhinaca kale, Xildhibaanno ay ka mid yahay Muuse Suudi Yalaxow ayaa laga yaabaa in ay aad uga xumaadaan heshiiska gaarka aj ee uu doonayo in uu Caato la galo Col. Cabdullahi Yuusuf.
C. Cali, Ruunkinet, London