Emperor

Nomads
  • Content Count

    4,044
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Emperor

  1. Hahaha, nice one BOB, that was original
  2. Much talk about ado miyaa la oran jiray, where we lack nationhood, land and peace, we talk of Calal, God is gracious, Somalidu waa very reseliant and patient people... Ilahay Wadanka Hanoo soo celiyo, Amiin dhaha, markaa flag aan kafakarno laba dhaha...
  3. Ciidamo Tigree oo ah oo soo dagay duleedka Baladweyne Published: 19 May 2009 KN:Ciidamo Tigree ah oo ku hubeysan gaadiidka gaashaaman ayaa soo gaadhey meesha loo yaqaano Kalabaydhka oo 20KM u jirta magaalada Baladweyne. Ciidamadan Tigreega ah ee soo gaadhey gobolka Hiiraan ayaa waxey kasoo kicitimeen magaalooyinka ku yaalla xad beeneedka dhulka Soomaalida la gumeysto. Ujeedada ka danbeysa imaatinka Tigreega ayaa loo badinayaa iney taageero u yihiin dawladda Sheekh Shariif iyo waliba ciidamada ay hubeeyeen ee ka dagaalamaya gobolada Dhexe sida Maxaas iyo Wabxo. Ciidamada Tigreega ayaa wada qorshe ah iney dagaalka ugu danbeeya isugu dhiibaan Soomaaliada dhexdeeda iyadoo hubeeyey Qabqablayaashii hore uguna magacdaray Ahlu Sunnah Wal Jamaaca". Dhawaan ayay ahayd markii hoggaamiyaha Xizbul Islaam uu sheegey iney 97% gacanta ku hayaan magaalada Muqdisho meesha Sheekh Shariif iyo dawladdiisuna ay kaalmo ka dalbatey dawladaha caalamku iney badbaadiyaan dawladdooda. KismaayoNews KismaayoNews.com
  4. Xarakada Alshabaab oo Maamul cusub u magacowday gobolka Sh/dhexe Ku dhawaaqista maamulkan cusub ee ka howl galaya magaalada Jowhar xarunta gobolka Sh Shexe ayaa imaneysa ka dib markii halkaasi ay gacan ku heynteeda la wereegeen Xarakada Alshabaab maalmo ka hor . Madaxa alshabab magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay gudoomiyaha cusub ee loo magacaabay maamulka gobolka shabellaha dhexe iyadoo loomagacaabay maamulkaasi Sh C/raxmaan Xasan Xuseyn oo mar gudoomiye ku xigeen ka ahaanjiray isla Gobolka haatan gudoomiye nimadiisa loo magacaabay xiligii uu ku sugnaa maamulka dowlada. Goobta lagu magacaabayay maanta masuulkan cusub ee mudooyinka cusub Alshabaab uga matalaya maamulka gobolka Shabellaha dhexe ayaa waxaa ka soo qeybgalay oo goobjoga haa waxgarad, Culimaaudiin iyo weliba Odayaal ka soo jeeda magaalada Jowhar. Halkaasi hadalo farabadan ayaa laga soo kala jeediyay waxaana ka mid ahaa ragii halkaasi ka hadlay odayaasha gobolka Culimaaudiinka iyo masuulka xarakada alshabaab Muqdisho iyagoo ku booriyay in masuulka loo magacaabay maamulka si weyn loola shaqeeyo . Inkastoo gudoomiyahan cusub uusan aheyn kii ugu horeeyay ee loo magacaabo maamulkan islamarkaana uu noqonayo kii 4raad ee loo magacabo sh/dhexe tan iyo wixii ka dambeeyay magacaabistii dowladii Madaxweynihii hore Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa waxay kusoo beegmaysaa xili nidaamka gobolka Sh Dhexe xaaladiisu tahay mid aan fadhiyin lagana dareemayo isku dhaxyaac hadii ay noqonlaheyd dhanka amaanka iyo hadii ay noqonlaheyd dhinac kala dambeyn. Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in xarumaha Hay’adaha Samafalka magaalada Jowhar Xarunta gobolka Sh dhexe ay ku soconayaan dhac iyo falal lagu qaadanayo qalabkii yiilay islamarkaana aan ka hadal laheyn. Isku soo wada duub oo tan ayaa waxay ku soo beegmaysaa xili maamulka haatan gacanta ku haya gobolka ee alshabaab uu meel fagaare ah ka sheegay in tilaabo laga qaadi doono cidii falal dhac iyo handadadba u geysata Hay’adaha Samafalka ee kusugan gudaha Jowhar. SBCInternational- Jowhar
  5. Maxaa ka jira in Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee degay Kala-baryka ku wajahan yihiin Jowhar & Buulo-barde By Somalimirror on 20 May, 2009 5:20 PM in Main, Wararka Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee dhawaan fariisinka ka dhigtey Isgoyska Kala-baryka ee Gobolka Hiiraan ayaa holkoodii ku sugan, waxa ayna ka sameysteen dhufeyso, sida uu ku soo waramayo Wariyaha Shabakada Somalimirror ee Gobolka Hiiraan. Saraakiisha Wata Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee Kala-Bayrka degay ayaa xiriiro la soo sameeyay Odayaasha Deegaanka iyo Mas’uuliyiin kale sida aanu Wararka ku heleyno. Saraakiishu waxay Odayaasha Iyo Mas’uuliyiinta kale ee ay la soo xariireen u sheegeen inaaney duulaan ku aheyn Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, balse ay ku jeedaan dhanka Degmooyinka Buulo-barde oo isla Gobolka Hiiraan iyo Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe, sida uu Wariyaheena Gobolka Hiiraan ka soo xigtey qaar ka mid ah Odayaashii lala soo xariirey balse ka gaabsadey in Magacyadooda la baahiyo. Waxay sidoo kale ka codsadeen in wadada loo furo si ay u gudbaan, sida ay sheegayaan wararka Gobolka laga helayo. Waxay dhanka kale Odayaasha ka dalbadeen inay u yimaadaan oo la kulmaan balse Odayaashu arintaas way ku gacan seyreen sida aanu Wararka ku heleyno. Balse dhanka kale lama oga jawaabta Odayaashu ka siiyeen codsiga ku aadan in wadada loo furo ee Saraakiisha wadata ciidamada Gumeysiga Itoobiya u soo jeediyeen. Ma jiro cid kale oo ka madax banaan Odayaasha oo arintan xaqiijisey sidoo kale ma jiro hadalo ka soo baxey xoogaga kale ee Muqaawamada ee ku sugan Gobolka oo arintan ku aadan. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee degay Isgoyska kala-baryka ayaa halkaa ka wada baaritaano xoogan oo ay ku hayaan gaadiidka kale duwan ee wadadaas isticmaalaya. Ciidamadan ayaa ka duwan kuwii horey halkaas u soo degi jirey marka laga eego xaga tirada ciidanka oo lagu qiyaasay ila Kun Askari iyo sidoo kale Gaadiidka dagaal ee ay wataan oo ah mid xoogan.
  6. ^Farancab Awoowe, it is getting far too intresting, Adigu stay tuned and keep close eye... this one.
  7. Alla Sheikh hotel maxay udhamaatay, that famous cynical warlord with his few escaped armoured vehicles, oo walibana baqo carar kusoo galay Madaxtooyada, is today holding a press statement with the government of Somalia So Sheikh hotels government = Maulana Indha'ade's few malnourished boys hahahaha ha ha The novice Shariif think he's capturing headlines with this but is losing the plot ever so much...
  8. Dowladda Federaalka iyo Ururka Xizbul Islaam oo bayaan wadajir ah maanta soo saaray Arbaco, May 20, 2009(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG ee Soomaaliya Dr. Omar Abdirashiid Ali Sharmarke ayaa maanta Xafiiskiisa kula kulmay guddoomiyaha ururka Xisbul Islaam, Sheikh Maxamed Xasan Cameey iyadoo kulankaasi uu qayb ka yahay barnaamijka dib-u-heshiisiinta ee dawlddu u soo bandhigtay mucaaradka iyo dadka kale ee ka soo horjeeda. Dawladda KMG ee Federaalka Soomaaliya iyo ururka Xisbul Islaam waxay ku heshiiyeen inay Xisbigu ku biiro dawladda bacdamaa dawladda ay qaaday ku dhaqanka Shareecada Islmaaka. Shirka waxaa ka qayb galay xubno ka kala tirsasn Golaha Wasiirada ee Xukuumada iyo Ururka Xisbul Islaam oo uu ka mid ahaa Sheikh Yuusuf Maxamed Siyaad “Indhacadde” Afhayeenka Dowladda C/qaadir Maxamuud Walaayo Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  9. Gabbal, Kashafa maxaad karabtaa, the young man although wrong has admirable qualities, he's rooting for his Alshabaab, and the taugh no compromise, no nonesense leaders of Turki and Aweeys, he's no hypocrite like many of the clanish or peacenick folks that support the like of Shariih and Cumar Xaashi... they came with peaceful caravan and then started shelling heavily civilian populated areas of Mogadishu, they wanted Ethiopia out, they have hailed and used the young Alshabaab before and called them brave Mujahideen, but now they want Ethiopia back to save their behind and call Alshabaab a terror group dominated and led by foreign terrorists.... What is that if not hypocracy at its best, at least Kashafa and his leaders Turki/Aways tell as it is....
  10. ^Adeer keep your rabish cuqdad, we teach you, you take it ... Shariif Ahmed is weak novice, I simply pity him... The truth is, the current Administration of Jowhar is Alshabaab and the previous UIC group you keep talking about run for their lives few days ago... that's a FACT, deal with it... wax been ah iyo your opinion meesha hala imaanin.
  11. Isagoo Sidoo kalena Aadan garaase mar la waydiiyay in ay Dowladda cusub ee Shariif ay isku ogyhiin soo galintaankooda Gobolka ku jawaabay ''Haahay, Haahay waanu iska warhaynaa''.
  12. Hadalka Garaase ayaa meesha ka saaraya Inkiraaddii ay Dowladda Soomaaliya ku Inkirtay soo gelitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya Shacabkana ku Baraarujinaya In Hadalka ay Afka ka sheegayaan Xubnaha Dowladda ku jira uusan ka Tarjumeynin Hadafka ay Cadawgu Soomaaliya ka leeyihiin.
  13. Shacabka Soomaaliyeed oo aad ula yaabay Inkiraadda Dowladda Soomaaliya ee soo Gelitaanka Ciidamada Itoobiya ay ku soo galeen Qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan. Muqdisho,20,May,2009 ,Arboco,(Hillaac.net ) Farxaan Cali Max’uud oo Dowladda Soomaaliya ugu magacaaban Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in aysan waxba kala socon Dowladda Soomaaliya wararka sheegaya in Ciidamo Ethiopian ah ay soo galeen Deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan oo ay ka mid yihiin Kalabeyrka, Jawiil, Iyo Ceelgaal, Waxana uu Farxaan ku dooday in Ciidamada Itoobiya ay Xaq u leeyihiin in ay Xudduudahooda Xirtaan oo Ammaankooda Adkeystaan Iskana Ilaaliyaan Kooxo uu ku sheegay Ajaaniib Dagaal doon ah. Shacabkii Guryahooda ka soo cararay ee ku dhaqnaa Deegaannadii ay Tigreegu soo galeen ayaa Inkiraadda Bareerka ah ay Dowladda Soomaaliya Isaga Indhotirtay soo gelitaanka Ciidamada Itoobiya ku Macneeyay Mid Ujeeddada Dowladda Bannaanka soo dhigtay, Waxana ay Shacabkaasi Dowladda Soomaaliya ku Tilmaameen mid Danley ah oo aan Waxba ka Duwaneyn tii hore ee C/llaahi Yuusuf ee Tigreega Dalka ku soo Hoggaamisay Maadaama ay Iyaguna sida muuqata Maciin iyo Hiillo ka raadsadeen isla Tigreegii Dowladdii ka horreysay ay Shacabka u soo kaxeysteen. Sidoo kale Waxgaradka Soomaaliyeed ee ku kala nool Gudaha iyo Dibedda Soomaaliya ayaa Hadalka Dowladda ka soo yeeray ku Tilmaamay Mid Muujinaya oo Bannaanka keenaya wixii Dowladdan loo soo aasaasay ee la Qarinayey oo Waqtigii la doonayey in bannaanka la keeno ka soo hormaray, Waxana ay Waxgaradku Shaaca ka qaadeen in Shacabka Soomaaliyeed uu iska Difaaci doono Cadawgiisa Kuwan Dowladnimada sheeganayana ay Taariikhda geli doonaan sidii kuwii ka horreeyayba ay Taariikhda u galeen.
  14. Aadan Cabdi Garaase ''Ciidamada Itoobiya weey nala socdaan Magaalada Beledweyne baana ku soconnaa Dowladda Soomaaliyana weey nala ogtahay' War Deg-Deg ah:-Muqdisho,20,May, 2009,Arboco,(Hillaac .net) Aadan Cabdi Ciise (Garaase) Guddoomiyihii Dowladda u qaabilsanaa Magaalada Beledweyne Xilligii C/llaahi Yuusuf oo u warramayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamo Itoobiyaan ah ay soo galeen Hiiraan oo ay joogaan Kalabayrka iyaguna ay dagenyihiin meel u dhow oo 6 km u jirta halka ay Itoobiyaanku dageen, Isagoo Sidoo kalena Aadan garaase mar la waydiiyay in ay Dowladda cusub ee Shariif ay isku ogyhiin soo galintaankooda Gobolka ku jawaabay ''Haahay, Haahay waanu iska warhaynaa''. Aadan Garaase Waxa kale oo la waydiiyay ujeeddada ay Gobolka u soo gaareen waqtigan wuxuunu sheegay in ay Gobolka wax ka qabanayaan Beledwaynana ku socdaan, Isagoo mar wax laga waydiiyay sida ay ula macaamilayaan maamulka Maxaakiimta ee dowladda hoostaga ee ka arimiya qaybo Beledwayne ka mid ahna yiri:-“Isku hadaf ayaanu nahay wixii dowladda ka socda oo dhan”. Hadalka Garaase ayaa meesha ka saaraya Inkiraaddii ay Dowladda Soomaaliya ku Inkirtay soo gelitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya Shacabkana ku Baraarujinaya In Hadalka ay Afka ka sheegayaan Xubnaha Dowladda ku jira uusan ka Tarjumeynin Hadafka ay Cadawgu Soomaaliya ka leeyihiin. Arrintu si kastaba ha'ahaatee Waxaa Marba marka ka dambeysa soo Shaacbaxaya Arrimo badan oo Shacabka Soomaaliyeed ay ku Wareersanaayeen Iyo Ujeeddooyin badan oo Cadawga Soomaaliya uu ka lahaa Deg-degsiimadii loo soo dhisay Dowlad Shacabka Soomaaliyeed Rabitaankiisa aan ku Iman Isla markaana aan lagala tashan Dhammaan Qeybihii ay ka koobneyd Bulshada Soomaaliyeed.
  15. ^Don't confuse yourself pal, this is not Shariif Ahmed's yesteryear UIC, its Alshabaab settinp up and forming the administration... -------------------- ---------------- Maamul hoos taga ururka Al shabaab oo looga dhawaaqay goordhow magaalada Jowhar. Posted: 5/20/2009 8:15:00 PM Shabelle: JOWHAR Waxaa magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe looga dhawaaqay maamul islaami ah oo hoos taga ururka Alshabaab oo dhawaan la wareegay magaaladaasi. Maamulkani oo noqon doona mid islaami ah ayaa waxaa goordhow looga dhawaaqay magaalada Jowhar kadib kulan ay wada qaateen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi iyo saraakiil ka tirsan ururka Al shabaab. Warkaasi oo dhameystiran goordhow filo Insha Allaa
  16. War deg deg ah: Ururka Alshabaab oo Maamul kaga dhawaaqay Magaalada Jowhar. Ururka Alshabaab oo maalmo ka hor la wareegay gacan ku heynta Magaalada Jowhar ayaa maanta ku dhawaaqay Maamul ay sheegeen inay u sameeyeen Gobolka Shabellaha Dhexe, kadib munaasabad ka dhacday Magaalada oo ay ka qeyb galeen Culumaa'udiin iyo Odayaal. Wakiilka Alshabaab ee Gobolka Banaadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa sheegay inay Maamul u sameeyeen Gobolka, kadib markii ay la tashiyo la sameeyeen qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana uu sheegay in lagama maarmaan ay noqotay inay maamul u dhisaan, kaasoo wada habsami u socodka Gobolka. Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa tilmaamay in markii Mujaahidiinta ay la wareegeen Magaalada ay go'aansadeen inay Maamul u sameeyaan, kaasoo uu sheegay inuu noqon doono mid dadka ku dabaqa shareecada Islaamka. Waxaa uu sheegay inay u magacaabeen Waaliga Wilaayada Alshabaab ee Shabellaha Dhexe ama Gudoomiyaha Maamulka Alshabaab ee Gobolka Shabellaha Dhexe Sheekh C/raxmaan Xasan Xuseen oo loo yaqaan Macalin Cabdi. Sheekh C/raxmaan waxaa uu ka mid ahaa Maamulkii Maxkamadaha Islaamka, isagoona muddo lix bilood ka hor ahaa Gudoomiye Kuxigeenkii Maxkamadaha islaamka ee Gobolka, hase ahaatee waxaa ay is khilaafeen Gudoomiyihii hore Macalin Dahir, taasoo markii dambe keentay inuu ku biro Ururka Alshabaab. Ururka Alshabaab ayaa sidoo kale sheegay in ay dib ka soo magacaabayaan xubnaha kale ee Maamulka Gobolka, sida dhinacyada Amniga, dhaqaalaha iyo Gudoomiyeyaasha Degmooyinka, waxaana ay sheegeen inay la tashi la sameyn doonaan dadka deegaanka. Hooyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.co m Jowharcom@gmail.com
  17. Barakaca qoysaskan ayaa ka dambeeyey ka gadaal markii ciidamada Itoobiya ee shalay soo gaaray Isgoyska Kala beyrka ay xalay bilaabeen iney isku fidiyaan dhufeysna ka qotaan dhulka buuraha ah ee halkaasi ku yaala, iyagoo u muuqda kuwo aan dooneynin iney halkaasi isaga tagaan una diyaar garoobaya iney iska difaacaan haddii ay weeraro kaga yimaadaan dhinaca xoogaga ka horjeeda taasoo cabsi badan iyo khal khal ku abuurtay dadweynaha ku dhaqan tuulooyinka halkaasi ku yaala.
  18. Barakac ka bilowday deegaanada ku dhow isgoyska kala beyrka ee gobolka Hiiraan oo ay shalay soo galeen ciidamada Itoobiya Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in gudaha magaaladaasi ay soo gaareen qoysas ka soo barakacay deegaanada miyiga ah ee ka dhow dhow isgoyska Kala beyrka oo ku yaala meel illaa 20-km dhinaca Woqooyi magaaladaasi iyagoo ka cabsi qaba iney waxyeeleeyaan ciidamo Itoobiyaan ah oo maalintii labaad halkaasi ku sugan. Barakaca qoysaskan ayaa ka dambeeyey ka gadaal markii ciidamada Itoobiya ee shalay soo gaaray Isgoyska Kala beyrka ay xalay bilaabeen iney isku fidiyaan dhufeysna ka qotaan dhulka buuraha ah ee halkaasi ku yaala, iyagoo u muuqda kuwo aan dooneynin iney halkaasi isaga tagaan una diyaar garoobaya iney iska difaacaan haddii ay weeraro kaga yimaadaan dhinaca xoogaga ka horjeeda taasoo cabsi badan iyo khal khal ku abuurtay dadweynaha ku dhaqan tuulooyinka halkaasi ku yaala. Dhinaca kale, ciidamada Itoobiya ee maalintii labaad ku sugan isgoyska Kala beyrka ee gobolka Hiiraan ayaa halkaasi ka wada baaritaano ay ku sameynayaan alaabada saaran gaadiidka xamuulka ah ee u kala gooshaya gobolada dalka iyagoo su’aalana weydiinayey dhalinyarada saaran gaadiidka xamuulka ah iyo kuwa rakaabka ah kuwaasoo ay ka mid ahaayeen halka ay ka yimaadeen iyo goobta ay ku sii jeedaan waxa ujeedada ay u tegayaan lamana oga illaa hadda illaa inta ay ciidamadan Itoobiyaanka sii joogi doonaan deegaanka kala beyrka ee gobolka Hiiraan. Cabdiraxmaan Macalin Xuseen Mamaan82@hotmail.com Tafatiraha Wabka Dayniile.com dayniilecom@hotmail. com deyniilenews@yahoo.c om
  19. No traps, no traps at all Duke... the young boyz know what they are up to and go for it, they thrive on this kind of situation and march on, don't you know these guyz are suicidal maniacs... However, this could be a strategic move, let's wait and see how it ends...
  20. Muqdisho:"Qabsashada degmada Jowhar waxaa ka dambeeya dad aan naqaano mana heysan doonaan"Gudoomiyihi hore ee G/Sh/Dhexe Max'ed Cumar xabeeb Max'ed Dheere 19. maj 2009 Muqdisho(AllPuntland )-Max'ed Dhere oo mar gudoomiye ka soo noqday G/Sh/Dhexe deegaan ahaana ka soo jeeda ayaa sheegay in dadka degmada Jowhar looga soo duulay meelo kale lana doonayo in la biliqeyso hantidooda sharafkoodana lagu tunto. Max'ed Dheere ayaa sheegay in shacabka Sh/Dhexe aan la fareynin in ay is difaacaan oo ay u dagaalamaan xuriyadooda sida u sheegay , waxaana uu beeniyey inuu ku jiro abaabul dagaal oo uu isaga u hogaamin doono degmada Jowhar. "Waxaan aad uga xumahay dad diin sheeganaya in ay dhacaan maanta hantidii hay'adaha samafalka waxaad ogtihin in la bililiqeystay baaburtri hay'adaha iyo kumniyuutaroddi ma naqaan sharci dhigaaya" ayu yiri Max'ed Dheere. Siyaasiga Max'ed Dheere ayaa tibaaxay in shacabka Jowhar ay yihiin shacab masaakiin ah oo aan u dulqaadan karin dhibaatada lagu hayo . Ugu dambey ayaa Max'ed Dheere oo wax laga weydiiyey in uu Muqdisho u yimid xil uu dawladan ka qabto ayuu sheegay in aanay ta waxba ka jirin isagana uu yahay muwaadin dalkiisa ku soo laabtay xaqna u leh in uu nolaado. Mar uu ka hadlayey xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo Madaxweyne Shariif ayu sheegay in xirir saaxibtinimo oo aad u wanaagsan uu ka dhaxeeya uuna salaan iyo booqasho ugu tagay marki u soo dagay. Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland
  21. Originally posted by Lazy: Axmaaro are not somalia's enemy. Well, the security minister of this government, Omar Hashi was saying just that in 2008, but is sleeping today with the enemy! Ironic, isn't it yaa Lazy, watch and listen to the clip posted.
  22. Omar Hashi the clanist is in Adiss Ababa today leading the Ethiopian troops to his home town Balad-Wayne, below is a clip of him using the very same argument as Alshabaab made only a year ago... Waar ninku hilmaan okaa, ma umulbaa?
  23. MADAXWEYNE RAYAALE: “Soomaaliya waxa ka soo baxay waa Diin-la’aan iyo Ururo Diineed aafo ku ah Mandaqadda” Isniin, 18 May 2009 (HOL): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta ka hadlay Xaaladda Somaliland, sidoo kalena wuxuu ka hadlay Urur-Diineedyada Dagaallada kaga jira Koonfurta Soomaaliya oo uu ku tilmaamay dhibaato ku soo korodhay Mandaqadda Geeska Afrika. Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo Xuskii Munaasibadda 18-ka May oo lagu qabtay Beerta Xorriyadda ee Hargeysa khudbad ka jeediyay, ayaa waxyaabihii uu ka hadlay waxa ka mid ahaa Kooxaha iyo Ururada Diimeed ee Koonfurta Soomaaliya ka jira, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo khatar ku ah guud ahaan Mandaqadda Geeska Afrika. “Waxaan cambaarayn u jeedinayaa iyo digniin cid kasta oo ku hawlan Falal ka dhan ah Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Nabadda iyo Kalsoonida Umadda. Waxa hubaal ah in Cadowga Somaliland aanu kaligii wax ina yeeli Karin haddaan qaar inaga mid ahi gacan siinayn..Qarankii Argagixiso ee 29-kii October ka dib, waxa abuurmay dareen feejigan oo keentay in hub culus oo dalka la soo geliyay la qabto.” Ayuu yidhi M/weynuhu, waxaanu intaa ku daray oo uu yiri, “Waxa Soomaaliya ka soo baxay Ururo leh Diin baanu aamisanahay oo haddana amraya in Hooyadii iyo Aabbihii la dilo. Waxa halkaa ka soo baxay waa Diin-la’aan, waana Aafo ku soo korodhay Mandaqadda.” Madaxweyne Daahir Rayaale waxa uu baaq u jeediyay Culimada Somaliland oo uu u soo jeediyay in ay Bulshada ka wacyigeliyaan aragtida Diinta oo uu sheegay in dadka qaarkood si qaldan u adeegsadaan. “Culimada Somaliland waxaan u soo jeedinayaa in ay ka hadlaan fidmooyika Diineed ee Koonfurta Soomaaliya ka soo if-baxay oo laga yaabo in qaar halkan kala socdaan.” Ayuu yiri M/weyne Rayaale. Sido kale M/weyne Rayaale waxa uu ka hadlay Doorashooyinka soo socda ee Somaliland, waxaanu baaq u jeediyay Xisbiyada Mucaaradka ah. “Ninkii ba’naayoow lagu fasax, waxaan Xisbiyada Mucaaradka ah leeyahay Doorashada u diyaar garooba 27-ka bisha September. Looma baahna muran iyo buuq.” Ayuu yiri M/weyne Rayaale. Sidoo kalena waxa Komishanka Doorashooyinka ugu baaqay in ay hoggaaminta hawlaha Doorashooyinka la wareegaan, mar uu arrintaa ka hadlayna wuxuu yiri, “Komishankana waxaan leeyahay waa waqtigiinii ee hoggaanka qabta oo u diyaar-garooba hawl.” Mr. Rayaale waxa uu Caalamka u jeediyay in ay bixiyaan Kharashka Doorashooyinka qaybta ay bixinayeen, isaga oo Xukuumaddiisa iyo Wasiirkiisa Maaliyadda ku amray inay sidoo kale iyana bixiyaan qaybtii Dawladdu ka bixinaysay Kharashka Doorashada. “Beesha Caalamka waxaan ugu baaqayaa in ay waqtiga ugu macquulsan ku bixiyaan Kharashkii Doorashada qaybtii ay bixinayeen. Sidoo kalena waxaan Xukuumadda iyo Wasiirka Maaliyadda amrayaa inay sida ugu dhaqsaha badan ku bixiyaan kharashka Doorashooyinka qaybta ay Dawladdu bixinaysay.” Ayuu yiri M/weyne Rayaale. Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin wuxuu aad ugu dheeraaday waxqabadkii Xukuumaddiisa oo hadalkiisu u badnaa wixii ka dambeeyay 2002-dii oo ahayd waqtigii uu Maamulka uu madaxda ka noqday. Waxaana Khudbaddiisu u muuqatay mid haba yaraatee ay ka madhan tahay waxqabadkii yo doorkii ay Maamulladii ka horreeyay ku lahaayeen geeddi-socodkii guud ee horumarka Somaliland. Intii uu M/weyne Rayaale ku gudo-jiray khudbaddiisa waxa isku dhacay Shacabka iyo Booliskii Amniga ilaalinayay, taas oo keentay in qaar ka mid ahi Shacabku Dhagax tuuraan qaar ka mid ah Booliska, taas oo uu M/weyne Rayaale ka hadlay. “Booliskoow Shacabka daaya, dhalinyaradaayna idinkuna degganaada oo Warka dhegaysta.” Ayuu yiri Rayaale. Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online barqad@hiiraan.com Hargeisa, Somaliland