Emperor

Nomads
  • Content Count

    4,044
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Emperor

  1. Saldhiga Howl-wadaag oo ay maanta la wareegeen Xisbul Islaam & Al-Shabaab. Saldhiga Howl-Wadaag.
  2. War Deg Deg ah :Xoogaga Al shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa goordhaw la wareegay Isgoysyadda Howl-wadaag iyo Aadan Cadde Xoogaga Al Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa Xoogaa kahor la waregay Isgoysyadda Howl-wadaag iyo Aadan Cadde oo Saakay laga qabsaday Markii ay Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ku soo qaadeen Dagaal Qorshasayn oo Dhinackasta ah . Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in Saldhiga Hodan Ay Sakay Qabsadeen Ciidamada Dowladda KMG ah ee Somaaliya laakin ee hadda Kabaxeen Markii Dagaal qaraar ay soo Qaadeen Xoogaga Al shabaab iyo Xsibul Islaam oo Garab Isa Siinaya . Muse Caraale oo ah Afahayeenka Xisbul Islaam ayaa sheegay in Dagaalka Sakay ay soo qaadeen Dowladda KMG ah ee Soomaaliya uu ahaa Dagaal Ay la socdeen Hogaamiyayaashii Dagaalka oo Maalmahaan ay Hubsiinayeen Dowladda KMG ah ee Soomaliya oo doonaysa in ay qas iyo Dagal aan joogsan ka Dhaca Magaalada muqdisho Sidoo kale Wararku waxay Intaas ku Darayaan in Qasaare Baaxad leh soo Gaaray Labada Dhanac ee Dagaalka ka dhaxeeya waxayna wararku sheegayan in Dagaalka Saakay ay ku dhinteen in kabadan 6 Ruux oo iskug Jira dhinacyadii Dagaalka ka dhaxeeyay Iyo Waliba shacabka ku dhaqan Goobaha ay Dagaalka ka socdaan , wuxuuna dhaawaca Caga Cageynayaaa 16 qof Walina lama hayo xog Rasmi ah oo kasoo Baxaya Isbitaalada Magaalada Muqdihso inkastoo Saakay Agagaarka Suuga Bakaaraha lagu arkayay Gaadiidka Gurmadka oo Guraya dhaawacyadii soo gaaray Shacabka ku dhaqan Agagaarka uu Dagaalka ka socday wixii Faah Faahun ah Dagaalada kala soco Shabkadda Dayniile.com
  3. Shabakadda Somalimirror oo Socdaal ku soo martay Goobihii Maanta lagu Dagaalamay. By Somalimirror on 22 May, 2009 2:03 PM in Main, Wararka Shabakadda Warbaahinta Somalimirror ayaa Socdaal ku soo martay Qeybo ka mid ah Jidka Wadnaha oo ay Saaka ka dhaceen Dagaalo xoogan oo u dhaxeeyay Xoogaga Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab oo isku dhinac ah iyo DKMG ah. (Daawo Sawiradda) Saldhigyada Degmooyinka Hodan iyo Howl-wadaag ayay Shabakadda Somalimirror soo xaqiijisay in ay Gacanta ku hayaan Xoogaga xisbul-islaam iyo al-shabaab. Suuqa Ariga ee Isgoyska Bakaaraha waxa aanu ku soo aragnay Maydadka 2 Askari oo ka tirsan Ciidamada DKMG oo yaala hareeraha laamiga. Sidoo kale Xaafadda KPP ee degmada hodan gaar ahaan Nawaaxiga Qur’aan saarka waxaa yaala Maydka Hal qof oo aan la sheegi Karin inuu Rayid ahaa iyo in kale. Isgoysyada Aadan Cadde iyo Xararyaale illaa iyo Masjidka “Cabdale iyo Cawareere” waxaa gacanta ku haya Xoogaga Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab oo is-garabsanaya. Waxaa jira Goobo Cusub oo ay Xoogaga Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab horey ugu Durkeen kuwaas oo ah Masjidka “Cabdale iyo Cawareere” iyo Nawaaxiga Isgoyska Foloransa. Tarabuunka ayaa ah wali goob uu Dagaal ka socdo, waxaana horey gacanta ugu hayay Xoogaga Xisbul Islaam. Waxaa jira Maydadka 3 Askari oo ka tirsan DKMG ah oo yaala inta u dhaxeysa Isgoyska Aadan Cadde iyo Masjidka Cabdale iyo Cawareere. Shabakadda Warbaahinta Somalimirror waxay Doorbiday in ay ka gaabsato soo gudbinta Maydadka Askarta DKMG ah ee ku dhintay Dagaalkii maanta, Balse waxaanu idiin soo gudbinaynaa Sawiradda Goobihii lagu dagaalamay Qaarkood.
  4. ^You left out one great recipe for controvery, you should list a third choice C: Yusuf Yey Not only will he get the most negative remarks and yet still only manages to steal the seat just about, but will also turn this thread to pages in short a while... Yusuf Yey list-ga kudar aan doorannee Loooool
  5. Even Johwar.com, the mouth piece and primary supporters of Sheikh hotel wrote this: dhacdadii xalay ka dhacday Degmada Mahadaay, ee aheyd weerarkii ku dhufo oo ka dhaqaaq ah .
  6. Alshabaab have started to make security patrols to fully secure the town, confiscate and detain inside pro Sheikh hotel trouble makers.... Wararkii ugu dambeeyay xaalada caawa ee Magaalada Jowhar iyo Mahadaay Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa caawa si weyn loo adkeeyay, iyadoona markii horeysay caawa laga dareemay dhaq dhaqaaq ciidan tan iyo markii ay dhowaan ay la wareegeen Kooxda Alshabaab. Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Magaalada, waxaa guud ahaan ammaankooda aad loo adkeeyay Saldhiga Booliska, Xabsiga Dhexe iyo Xarumaha Maamulka oo ay degan yihiin Saraakiisha Alshabaab. Wararka ayaa sheegaya in dhowr ka mid ah gaadiidka dagaalka ay caawa ka bilaabeen Magaalada howlo roondeyn ah, taasoo la xiriirta dhacdadii xalay ka dhacday Degmada Mahadaay, ee aheyd weerarkii ku dhufo oo ka dhaqaaq ah. Dadka ku dhaqan Magaalada Jowhar oo habeenadii u dambeeyay aanu dareemeyn is bedelka ku yimid Magaalada ayaa mar kaliya caawa cabsi ay la soo deristay, waxaana qaarkood ay fiidkii hore ku xaroodeen Hoygooda, sababo xagga ammaanka oo Magaaladana laga dareemay dhaq dhaqaaq ciidan. Hadal heynta ugu badan ayaa caawa ah magaalada weerarkii xalay ka dhacay Degmada Mahaad inuu mid la mid ah caawa ka dhaco Magaalada Jowhar, waxaana dadka Magaalada ay yihiin kuwo cabiraya xaalada magaalada sida ay xilli walba isu badali karto, marka loo eego dhaq dhaqaaqyada jira Wararka qaar ayaa sheegaya in Xoogaga Alshabaab ay Magaalada meelaha qaar ay soo buux dhaafiyaan, iyadoona caawa ciidamo la dhigay Buundada Wabiga ee ay isaga kala gooshaan Xaafadaha Horseed iyo Hantiwadaag ee Magaalada Jowhar. Dhinaca kale Degmada Mahadaay oo magaalada Jowhar dhanka waqooyi kaga beegan ilaa 25KM gacantana ay ku hayaan Xisbul Islaam oo xulufo la ah Alshabaab ayaa waxaa galabta gaaray Ciidamo xoojin u ah kuwii hore u joogay halkaas ay galabta gaareen, kadib markii xalay weerar dhimasho sababay lagu qaaday Xisbul Islaam. Ciidamadii Maxkamadaha Islaamka ayaa qaaday weerar ay horay ugu adeegsan jireen xilligii halganka ay kula jireen Ciidamadii Ethiopia mid la mid ah, waxaana ay si gaadmo ah ku dileen afar ka tirsan Xoogaga Xisbul Islaam iyagoona qaatay mid ka mid ah gaadiidka dagaalka. Dad xeel dheerayaal ah ayaa sheegay in Degmada Mahadaay oo ah Degmo yar, ayaa leh wadooyin oo isugu jira kuwa qarda jeex iyo kuwa Degmada looga soo galo, taasoo sahli karta in dhowr jiho weerar ku dhufo oo ka dhaqaaq ah looga soo qaaday, iyadoona dhacda tuulooyinka la isku dhaho afarta tuulo. Hooyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.co m Jowharcom@gmail.com
  7. ^Again you are telling the obvious, of course I know he neither knows me personally nor most of SOL members, none of the members here know most of the Somali politicians but they talk, comment, critise or in some cases insult/curse them, does it make a strong argument if I told a member, let's say A&T, not to personally attack Yusuf Yey because he's doesn't know him if he existed The argument of the weak, yaa Mr weak, come back with strong coffee...
  8. ^No, Ina Abdirashi is better educated, have been quite since the war started and an honest man (He says what he believes in), not a liar like Sheikh hotel... AT,I agree, and it's too late to overcome the problem or repair the damage, but the prime minister is trying to re-energize his camp... that's all! My veiw, its over for them and will never retake Mogadishu or make deal with Alshabaab unless a foreign power intervenes...
  9. ^No, but what have you got to say about this desperate move instead of dwelling about my person or Yusuf Yey's past... Originally posted by Sherban Shabeel: Sheekh Shariif is the President of Somalia. You are some guy posting on an internet forum. That's true, so what! Loool, you even made me laugh at this one! a lame, weak argument The argument of a weak man meesha kala tag...
  10. ^The crowd of Sheikh hotel is getting beggier and the newbies are falling in the line... Adeer let's not deviate the topic, we past Yusuf Yey's time, it is Sheikh hotel that's on the spot, I presented facts that's reported everywhere in the news and I am only using that in this topic, his Marya-Calas militia have attacked the city and then run away from Alshabaab... Hit-run style, what have you got to say about that s.t.u.p.i.d.i.t.y and utter failure yaa macshara Sheikh Hotel...
  11. do not target him as a person And you are? His personal bodygourd/defender? Adeer Sheikh hotel is a public figure and as such is open to any personal criticism, discredit and attacks... but if you think I shouldn't then I will certainly not take any PR lessons from you... In simple terms, Sheikh Shariif is a fool, silly and weak individual, and there is nothing wrong with saying that, live with it...
  12. ^Hehe, now we have the champion of Sheikh hotel, come out of the smoke screen, we knew you will one day! Defend your novice Adeero Shiekh hotel has lost it, and no, all Somali news media report the city is still in the hands of Alshabaab.... we present FACTS while you talk of your opinions... Shiekh hotel's government is doing hit and run... Dowlad magaceedi ayuu iga ceebeeyay, so now the Somali government is using hit and run tactic .... Waa umalaynaaayay magac Dowlad inuu halkaas ku dhiman doono
  13. The line of 'If you are a lander why are you on SOL' is overused but irritating and silly, the argument of a weak man... Why dwell on that, when you have so many other thinks to point out or can expose that the whole dream of the secessiont is hype and based on illusion. I love my people from the North of Somalia, they are ethnicly Somali, cutlurally Somali and geographically part of the Somali republic...
  14. ^Whatever your insuations may be, I can only comment and judge things as events unfold Saaxib... The Prime minister was quite since the violence started while Sheikh hotel was huffing and puffing running around like headless chicken, he asked the Ulema for permission to fight only to order AMISON to shell the city the next day, he made deals with warlord Inda'ade and paid him $Million only to accuse him as betrayer in the media the next day, and then release a joint statement with the very same warlord Inda'ade, he lost control of all his forces and ground while Hassan Dahir gained without ever firing a shot... In simple terms, he's silly, weak and confused... The prime minister spoke only this time and has made a point...
  15. ^LOool, dee Saaxib wuu isceebayay ninka, waa maxay Ciidamo dowlad Hit and run samaynaysana Loool... Ciidanka Dowlada Somalia ee Shabeelaha Dhexe oo Mahadaalay galay kadibna kacararay ayaan meel aqriyay cabaar baan qosol lafadhiyay Nuune, Awoowe ninka lataliya, wallee Sheikh hotel taluu ubaahanyahay...
  16. ^Actually he's right, whether obese or not, the man is forward thinking and right on to point in this, he's thinking strategically and taking it to right angle far better his bewildered boss... He's making a move that any real strong leader of any country would take, instead of courting with Indha'ade....
  17. ^It's interesting when you see Layzie, Xiin and the confused secessionist Norf taking the same stance... A wonderful world... I think there are people who opposed AY for reasons other than his relationship with Ethiopians. GT, ma hadaad soo baraarugtay, it was as clear as the sunlight from day one, after some time and change of events it has become clear, adiga unbaa maskiin daacad iska ahaa...
  18. Cumar C/rashiid“Suuro gal ma aha in Al-Shabaab & Dagaalyahanadda Ajnabiga ahi ay marnaba Xukumaan Soomaaliya” By Somalimirror on 21 May, 2009 2:50 PM in Main, Wararka Cumar C/rashiidCumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa Sheegay in uusan fileyn wad hadal danbe oo ay la galaan Mucaaradka Islaamiyiinta ah Maadaama buu yiri aysan laheyn Barnaamij Siyaasadeed waxa uuna intaa ku daray in ay islaamiyiintu doonayaan oo kaliya in ay u adeegsadaan Dalkan Meel ay ku Nabad Galaan. Sharmaake ayaa yiri “Ma aaminsani in ay leyihiin Barnaamij Siyaasadeed, waxaan aaminsanahay in Dagaalyahano Ajnabi ah ay doonayaan in uu Wadankani ku jiro Fowdo si ay ugu Noqoto meel ay ku Nabad galaan oo ay ku gabadaan”. Cumar C/rashiid oo waraysi siiyay Wakaaladda Wararka ee Routers ayaa intaa ku daray “Ma aaminsani in ay jirto Fursad aan kula fariisano Mucaaradka oo aan arimaha Soomaaliya isla goobno iyaga oo kuwaas wata, Wadada kaliya ee aan kula Macaamilayno ama ay Fahmi karaan waa Dagaal uun, anaguna Diyaar baan ula nahay”. Sharmaake ayaa xaqiijiyay in Ciidamada DKMG ah ay ku dadaalayso in ay eriso 300 oo Dagaalyahano uu ku tilmaamay Ajaanib oo uu sheegay inay ka garab Dagaalamayaan Xoogaga Al-Shabaab. “Suuro gal ma aha in Al-Shabaab iyo Dagaalyahanadda Ajnabiga ahi ay marna Xukumaan Soomaaliya, waxaa u Haboon in ay aadaan Wadan ay Duqeeyaan, ay ku cararaan, oo ay Bur-buriyaan Shacabkiisana ay dhibaato galiyaan, Dadkaasi ma lahan Awood ama Tabar ama Maalgalin Macnawi ah oo ay Wadanka ku Xukumaan” ayuu yiri Cumar C/rashiid. Wuxuuna intaa ku daray “kama aanan Suulin inaan is-weydiinayo siday Suuro gal u tahay Dad inay sii wadaan Dagaal aan Hadaf lahayn, sidaa Darteed waxay ku fashilmeen inay Diinta Madaxbaneeyaan…Kuwaa si waxay ku Tunteen Dhamaan Mabaadiidii Islaamka Walina waxay sheeganayaan inay Islaamiyiin yihiin”. Ugu Danbeyntii Cumar C/rashiid ayaa sheegay in ay Eritrea Hub iyo Saanadba siiso Xoogaga ka soo horjeeda DKMG ah, wuxuuna yiri“waxaan u haynaa Cadaymo Buuxda in Eritrea ay siiso Garabyadda Soomaaliya Hub, Saanad fara badana xaqiiqdii way soo gaareen, Taasina waa Arin aad looga Murgo”. Hadalkan ayaa u Muuqda mid ay DKMG ah ku soo afjarayso Wada hadal danbe oo ay la gasho Xoogaga Muqaawamadda ee ka soo horjeeda, waxayna arintani u Muuqataa mid Fariin u ah Dowladaha Reer galbeed oo looga dalbanayo Gurmad Milatari, Siyaasi iyo Dhaqaale intaba si ay uga Hortagto Xoogaga ka soo horjeeda oo inta badan Gacanta ku dhigay Wadanka Soomaaliya.
  19. It was the desperate nature of Alshabaab to employ the tactic of hit and run, now it seems Sheikh hotel's government have swapped roles with Alshabaab and Sheikh hotel's clan warrior(MARYA-CALAS) have started the hit and run game against Alshabaab Its lame of Mr Hotel's militia to hit and cause mayhem in the small town of Mahaaday only to trun back and run away, Sheikh hotel waa ka dhamaatay!
  20. Iska hor imaad ay dadi ku dhinteen oo xalay ka dhacay degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe. Posted: 5/21/2009 3:09:00 PM Shabelle: MAHADAAY Wararka ka imaanaya degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in xalay halkaasi uu dagaal ku dhexmaray Ururka Xusbul Islaam iyo ciidamo ka tirsan maamulkii maxkamadaha Islaamiga ee dhawaan lagala wareegay gobolka Sh/dhexe. Dagaalkani oo xalay saqdii dhexe ku dhexmaray degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe ciidamo ka tirsan xisbul Islaam iyo Maxkamadaha Islaamiga ayaa la sheegay in ay ku dhinteen ilaa 4-ruux oo sedax ka mid ah ay ahaayeen garabyadii dagaalamay halka midka kalena uu ahaa qof rayid ah. Wararka ayaa waxaa ay inataasi ku darayaan in qofka rayidka ay saakay toogasho ku dileen ciidamada Xisbul Islaam iyadoo aan la ogeyn sababta qofkaasi rayidka ay u dileen. Dagaalka ka dhacay degmada Mahadaay ayaa bilowday kadib markii xalay weerar ay ku soo qaadeen degmadaasi ciidamo ka tirsan maxkamadaha Islaamiga kuwaasi oo la sheegay in ay dib u laabteen,waxaana ay horay u qaateen gaari nuuca dagaalka ah oo ay lahaayeen xisbul Islaam. Dhinaca kale Xariir aan la samaynay Ururka Xisbul Islaam ayey ka gaabsadeen in ay haatan faah faahin ka bixiyeen xaaladda degmada Madahaay iyo dagaalkii halkaasi ka dhacay,iyadoo dhina kalena ay jirin wax war ah oo ka soo baxay Maamulkii maxkamadaha Islaamiga. Si kastaba ha ahaatee waxaa saakay xaniban isku socodkii gaadiidka iyo dadweynaha ee degmadaasi Mahadaay,waxaana dagaalka halkaasi ka dhacay uu imaanaya maalmo ka dib markii ciidamada maxkamadaha Islaamiga lagala wareegay gacan ku heeynta degmada mahadaay iyagoona haatan u muuqda in ay wadaan weerar ku dhufo oo ka dhaqaaq ah. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya. Dhageyso wararka 8:00-Subaxnimo maalin walba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.
  21. Muqdisho: " Itoobiya ha iska dayso hadalada aan waxba uqaban karin, hadii ay soo laabato dhiig badan ayaa uga daadin doona Soomaaliya, waxaana kula dagaalami doonaa gudaha dalkooda" Masuul sare oo ka tirsan Al- Shabaab. 21. maj 2009 Print This Article | Daabaco warkaan Muqdisho(AllPuntland )- Ururka Al- Shabaab oo awood balaaran ku leh koonfurta Soomaaliya, qeybna ka qaatay dagaalkii ciidamada Itoobiya looga saaray Soomaaliya ayaa ku eedeeyey dowladda Itoobiya in ay dooneyso in ay markale ciidamadeeda ku soo celiso gudaha dalka Soomaaliya. War ka soo baxay Al- Shabaab ayaa lugu sheegay in ay Xukuumada Addis Ababa ciidankeeda soo galisay gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaana gobalka Hiiraan oo ah goob muhiim ah, waxaana warka Al- Shabaab lugu sheegay in ay xarakada Al- Shabaab qaadi doonto howlgalo looga soo horjeedo ciidamadaasi. Afhayeen uhadlay Al- Shabaab lana hadlay Tv-ga ku hadla Afka Carabiga ee Al-Arabiya ayaa sheegay in ay qaadanayaan talaabo kasta oo ay kaga hortagayaan ciidamada dowladda Itoobiya, isagoo sheegay in ay horay Soomaaliya uga saareen ciidamada dowladdan Itoobiya. " Hadii ay Itoobiya joojin weydo ciidamada ay keenayso gudaha Soomaaliya, talaabo cad ayaan ka qaadaynaa, waxaana ugu baaqeynaa in ay goor-horeba ay joojiyaan ciidamada ay keenayaan Soomaaliya, hadii kale gudaha Itoobiya ayaan kula dagaalami doonaa" Ayuu yiri Afhayeenkan oo magaciisa ka gaabsaday. Hadal hayeenka ayaa intaasi ku daray in ay qabsadan doonaan guud ahaan Koonfurta dalka Soomaaliya oo nabad ka dhalin doonaan, kuna xukumi doonaan Shareecada Islaamka, isagoo sheegay in ay caasumada Soomaaliya intooda badan ay ayagu kataliyaan, isagoo sheegay in aysan dowladda Soomaaliya meelna ka talin. Hadalka Al- Shabaab ayaa ku soo beegmaya markii ay ciidamada dowladda Itoobiya todobaadkan soo gaareen Sadex bilood ka mid gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaana magaalada Baladweyne meel aan wax badan ka fogeyn, waxayna dageen Wadada muhiimka ah ee isku xirta Koonfurta & gobalada kale ee Soomaaliya. F. C. Geylan AllPuntland