Som@li

Nomads
  • Content Count

    5,922
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Som@li

  1. good advice ,,thanks
  2. lol,, ^^^^it implies that men don't use their brains!
  3. i believe it matters,but it all depends on the gab between the two persons, Studies show that marrieges, where men have higher intellectual levels, are likely to succeed,but when women are smarter and got the upper hand, those relatinships are doomed to fail.
  4. Samsam Axmed Ducaale:a Brief profile Taariikhda Dhalashada:14 August, 1988 Meesha Dhalashada: Dhahar, Soomaaliya Magaca Hooyadeed: Nadiifo Jibriil Axmed Shaqada: Ardayad, dhigan jirtey Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, waaan goon.. Laxiray: 15 August 2004, lagana xiray Guriga Fooxle Axmed Yuusuf Yaasiin, madaxweyne ku xigeenka "somaliland", oo ay ku khaldantay. 15kii December 2004 ayaa maxkamada hargeysa waxay cadaysay in Samsam aysan ahayn qof da'weyn, hadalkaas oo maxkamadu ku burisey hadalkii taliyaha ciidanak booliska Hargeysa. Waxase maxkamadaasi sheegtay in ay Samsam ku xukuntay shan (5) sano oo xabsi ah. Lagu eedeeyey: Basaasnimo iyo shirqool madaxweyne kuxigeenka Falalka lagula kacay: Kufsi, jir-dil, ciqaab maskaxeed, khasab ku haysasho, kujirid xabsi dad-waaweyn, weydiin su'aalo ka tan-weyn, daryeel la'aan, iwm.... lala xiray: Dareewalkii guriga keenay [Cumar Jaamac Warsame], waxaana dareewalka xabsiga laga sii daayey 15kii December 2004, kaddib markii ay maxkamada Hargeysa sheegtay in aan wax 'dembi' ah lagu haysan. Qareemadii u doodayey: laxiray 24 November, 2004, lana soo daayey 11 Decemeber 2004.
  5. Afartii Qareen Ee U Doodayey Samsam Oo Xabsiga Laga Siidaayey Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 11 December, 2004 ------------------------------------------------- Afar looyar oo u doodayey gabadha reer Boosaaso ee Samsam Axmed Ducaale, ayaa maanta xabsiga laga siidaayey. Afarta Qareen oo kala ah: Yuusuf Ismaaciil Cali, Maxamed Siciid Xirsi, Fowsi Aw Yoonis iyo Cabdiraxmaan Ibraahim Caalin waxa xabsiga loo taxaabay 24/11/2004 kadib markii guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa ku xukumay afarta looyar midkiiba saddex (3) sanadood oo xadhig ah; taas oo ka dambeysey muran iyo is-maandhaaf ku dhexmaray Garsooraha iyo Afarta Looyar maxkamadda gudaheeda oo ay maalintaas ka socotey dhegeysiga dacwadda ay qareennada ka ahaayeen. Hase yeeshee, Qareenadu waxay xukunka maxkamadda gobolka ka qaateen racfaan. Waxaana markii u horreysey saaka la horgeeyey maxkamadda Racfaanka ee Hargeysa, halkaas oo maxkamaddu kaga dhawaaqday go’aan ay ka gaadhey kiiska afarta Qareen, kadib dib-u-eegis ay ku samaysay xukunkii Maxkamadda Gobolku ku riddey qareenada. Maxkamadda Racfaanku waxay ku xukuntay Afarta Qareen midkiiba hal sano oo xadhig ah, iyada oo khafiifisay xukunkii maxkamadda Gobolka Hargeysa oo ahaa midkiiba Saddex sannadood oo xadhig ah. Xaakimka maxkamadda ee go’aankaas ku dhawaaqay, Garsoore, Maxamuud Maxamed Ismaaciil, waxa uu intaa ku daray in sida sharcigu dhigayo loo iibin karo xadhiggaas. Waxaana la sheegay in isla markiiba qareenada loo iibiyey sannadkii xadhigga ahaa ee lagu xukumay, iyada oo ururka Qareennadu uu bixiyey lacagta loogu beddelay xabsiga oo dhan Sannadkii xadhig ahba Sl. Shs. 500,000 (Shan boqol oo kun oo Somaliland Shilings ah), una dhiganta $ 84 (Afar iyo Siddeetan doolar) midkiiba. Mid ka mid ah Afarta qareen, Garyaqaan Maxamed Siciid Xirsi oo aan telefoon kula xidhiidhay kadib markii maanta la siidaayey ayaa muujiyey in aanay weli ku qanacsanayn go’aanka maxkamadda. "....Dad badan ayaa is waydiinaya waxaa aamusiyay reer hargaysa oo aad u yaqaan dhibaatada duliga u leeyahay, samsam waa shabad ceebeed oo kutaal wajiyada reer hargaysa oo aan ka haridoonin mustaqbalka, waxaa xusi doonta arinta samsam taariikhda oo waliba waxa laga qori doonaa buug badan si aan loogu dhiiran mardanbe in birimigaydo lagu faraxumeyo geyiga somaaliyeed oo dhan...." Sharma'arke C/risaaq Cilmi. Balse, waxa uu sheegay in waxa ay iminka yeelayaan iyo tallaabada ay qaadayaan aanay ahayn wax ay iyagu (afarta qareen) keliya ka jawaabi karaan, maadaama aanu ka tirsan nahay ayuu yidhi ururka Qareennada. Waxana uu sheegay in ururka Qareennadu ka kulmi doono arrinta, talona ka gaadhi doono. Dhinaca kalena, gabadha ay Afarta Qareen difaacayeen, Samsam Axmed Ducaale oo lagu eedeeyey basaasnimo iyo inay qayb ka qaadanaysey shirqool loo maleegayey madaxda sare ee qaranka ayaa loo ballansanaa maanta in maxkamadda Gobolka la horkeeno, dacwaddeedana ay go’aan ka soo saarto. Hase yeeshee, lama horkeenin maanta, waxaana la sheegay in dib loo dhigay, iyada oo maxkamadda laga sugayo inay go’aan ka gaadho dacwaddaas, kadib markii maxkamaddu soo gebagebaysey dhegeysiga labada dhinac toddobaadkii hore. Cabdirisaaq M. Dubad, Hargeysa. ISHA: Somalailand.org
  6. Originally posted by Sue: Because Somalis think all Somalis are Muslim. Why are people suddenly being so vulgar on SOL I'm referring to the first couple of pages on this thread in particular? Somalis yes think all somalis are muslims, but again singers are doing Danbi,they are not Gaalo. People being so vulgar,,say they all have dirty minds, Q) Why do somalis talk loudly when having conversations?? :confused:
  7. beautiful pics,,Badhan,miss u very much. Fatima Jama Jibrell is indeed a heroine of Somalia; she is also the wife of the current Minister of Defense, Gen Abdulrahman Mahamoud Ali
  8. lol, 12 inch Bic~DICk?
  9. Som@li

    SomaliToons

    lol,,walaahay anba sida aan u qoslayey baa indhihii i casadeen,,yes they got more,visit the somalitoon website,,
  10. Som@li

    SomaliToons

    I got this site with v good somali cartoons. cartoon-magaala joogxumo Laxda baranbaro and more at http://www.somalitoons.com/
  11. the final list 1-Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cabdullahi Sheikh Ismaciil 2-Wasaaradda Awqaafta / Diinta Cumar Maxamed Maxamud (Finish) 3-Wasaaradda Batroolka iyo Tamarta Yuusuf Axmed Maxamed 4-Wasaaradda Beeraha Xasan Maxamed Nuur (Shaatigaduud) 5-Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Cali Axmed Jaamac (Jangali) 6-Wasaaradda Caafimaadka Cabdicasiis Sh.Yuusuf 7-Wasaaradda Dalxiiska iyo ilaalinta Deegaanka Maxamed Maxamuud Xayd 8-Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Cabdalla Deeroow ***** 9-Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Maxamed Warsame Cali 10-Wasaaradda Dib u Dhiska iyo Dib u Dejinta Barre Aadan Shire ( Hiiraale) 11-Wasaaradda Gaashaan dhigga Cabdiraxmaan Maxamuud Cali 12-Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Cali Ismaaciil Cabdi Giir 13-Wasaaradda Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxoow 14-Wasaaradda Garsoorka Sh.Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) 15-Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta Cusmaan Xasan Cali (Caato) 16-Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare Xuseen Maxamuud Sh.Xuseen 17-Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Daryeelka Qoyska Fawsiya Maxamed Shiikh 18-Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Xuseen Ceelaabe Faahiye 19-Wasaaradda Dhaqan celinta iyo Tababarada Maleeshiyooyinka Maxamed Bootaan 20-Wasaaradda Iskaashiga Gobollada Ismaaciil M.Hurre Buubaa 21-Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Xasan Abshir Faarax 22-Wasaaradda Maaliyadda Saalim Caliyow Ibrow 23-Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdirisaaq Cusmaan Xasan 24-Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Ibraahim Aadan Xasan 25-Wasaaradda Warfaafinta Cali Faqi 26-Wasaaradda Warshadaha Cabdi Maxamed Tarrax 27-Wasaaradda Horumarinta Dooxada Juba Cabduqadir X.Maxamed (Lugadheere) 28-Wasaaradda Amniga Eng. Xuseen Caydiid 29-Wasaaradda Arimaha Guddaha Qanyare Afrax 30-Wasaaradda Waxbarashada Cali Cabdullaahi Cosoble
  12. Nice topic, i wonder why our sisters can't see the trend,,that many bachelors are going abroad to get married..many here say it is Calaf, u are right,but let us think of basic stats,What is the ratio of somali men to women in western countries? what percentage of men go outside to get married?Last year alone seven Guys i know went to either Somalia,Egypt,UAE,Syria,Kashmir,,, So my dear bros and sis, there is indeed a problem and if we don't do somethig abt it,in near furute,and we will have a large number of GUMAYS sitting around. subxanalah. Originally posted by Garab Tuujiye: ...I do believe a man who goes over sea for a wife is weak and has low selfsteem. u are wrong on this one bro, when u want get married u don't just marry anyone, there are many factors involved, u think of ur furure kids, ur home, how will ur home look like,,many of these guys go oversees because they are worried,they want to have a stable traditional muslim/somali family. BTW u don't become educated by just moving to the western countries, walaalkin Farxan
  13. Nairobi:Ra'iisal Wasaarihii DFKMG ah ee Soomaaliya oo goor dhoweyd la magacaabay Nairobi(Allpuntland)-Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa waxa uu goor dhoweyd u magacaabay Ra'iisal Wasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geeddi oo maanta loo dhaariyey xilka xubinimada baarlamaanka ka dib markii uu uga tanaasuley Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere). Munaasabada magacaabista ayaa waxa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan, Wasiirka xiriirka iyo iskaashiga gobolka bariga Afrika ee dalka Kenya John Arap Koech ,diplomaasiyiin iyo xubno ka tirsan urur goboleedka IGAD. Magacaabista Ra'iisal Wasaaraha oo in muddo ahba la sugayey ayaa waxay ka danbeysey ka dib markii labo qodob oo beryahaan la isku khilaafsanaa wax ka bedelistooda iyo iswaafajintooda maanta xildhibaanadu ansixiyeen inaan waxba laga bedelin ee sidooda loo qaato ,taasoo qodobka 47aad ee Axdiga KMG ah uu qorayo in Ra'iisal Wasaaruhu uu noqdo mudane ka tirsan xubnaha baarlamaanka. Madaxweynaha ayaa ka dib magacaabistiisii waxa uu ka codsaday Ra'iisal Wasaare Geeddi inuu sida dastuurku qorayo ku soo dhiso muddo bil gudaheed ah golihii wasiirada oo xildhibaanada dhexdooda uu ka soo dhex magacaabo,taasoo Ra'iisal wasaaruhu aqbalay xilka loo dhiibay iyo waqtiga loo qabtay inuu ku soo dhiso xukuumaddaba,tan ayaa waxay noqonaysaa tallaabo kale oo xaga hore loo qaaday ,iyadoo markaan ka dib loo fadhiyo magacaabista Ra'iisal Wasaare ku xigeenada ,Wasiirada iyo Wasiiro ku xigeenada DFKG ah ee Soomaaliya. Iimaan Cali Cabdi Allpuntland,Nairobi,Kenya
  14. Maxamed Dheere oo kurisgiisa Baarlamaanka uga tanaasulay ninka lagu wado inuu noqdo Ra'iisul Wasaaraha Nairobi :- Kulankii Maanta ee Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa waxaa qoraal soo hordhigay Xildhibaan Maxamed Dheere oo ku dhawaaqay in kursigiisa Baarlamaanka uu uga tanaasulay Prof.Cali Maxamed Geedi. Qoraalkan oo ay si weyn ugu riyaaqeen xildhibaanada, ayaa loo badinayaa inuu salka ku hayo Jegada Ra'iisul Wasaaraha oo loo badinayo in loo magacaabo Prof.Cali Maxamed Geedi. Waxaana arrintaasi hor taagneyd ayadoo Dastuurka qodobkiisa 47aad uu qorayo in Ra'iisul Wasaaraha laga dhex xulo Baarlamaanka. Prof.Cali Maxamed Geedi ayaa asagu kasoo jeeda beesha Maxamed Dheere, taasoo keentay in Maxamed Dheere maanta ku tilaabsaday tanaasulid kursigiisa Baarlamaanka oo maanta si rasmi ah qoraal ahaan loogu wareejiyey Prog. Geedi kadib markii ay arrintan aqbaleen Xildhibaanada Baarlamaanka. 220 Xildhibaan ayaa maanta kasoo xaadirtay Kula fadhigii Baarlamaanka Federaalka ayadoo uu kulankan ahaa mid aad u muhiiim ah oo si qoto dheer looga hadlay Qodobka 47aad ee xakamada ku noqday magacaabida Ra'iisul Wasaaraha. Xildhibaanada ayaa maanta isku dayey in ay Mooshin la qaaday ay ku bedalaan qodobka axdiga ee 47aad ee qoraya in Ra'iisul Wasaaraha laga soo dhex xulo Baarlamaanka, ayagoo markaa codbixin arrintan u qaadeen. Cobdixintan ayey ku guuleysan waayeen Xildhibaanada in ay bedalaan axdigaan kadib markii la keeni waayey codka ah 184 ee loo baahan yahay in qodobkaasi lagu bedali karo, waxayna 122 xildhibaan ay maanta u codeeyeen in aysan khasab ahayn inuu Xildhibaan noqdo Ra'iisul Wasaaraha tiradaasi oo aan ahayn mid ku filan badelida Axdiga. Kamid noqoshada Prof.Cali Maxamed Geedi ee Baarlamaanka ee maanta soo shaacbaxday ayaa la saadaalinayaa in ay soo de dejiso in Madaxweynaha Soomaaliya uu ku dhawaaqo Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo wararku u badinayaan inuu noqon doono Prof. Geedi oo kasoo jeeda beesha Mundulood ee ****** . Ahmed Musse HorseedNet.com Nairobi, Kenya
  15. Inaa Nilaah Wa inaa ilaahi Raajicuun,,
  16. it is big Development,and hopely this time somalis have learned their mistakes.
  17. it is big Development,and hopely this time somalis have learned their mistakes.
  18. it is big Development,and hopely this time somalis have learned their mistakes.
  19. marka hore waad salamantihiin,,Odaygii qabay oo qurba ku raaga ahaa baa EEDa leh baan oran lahaa..inladilo ninkase,,waxaan umalayn it was harsh,,,the guy may not even know that she was married.!