Sharmakee

Nomads
  • Content Count

    82
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Sharmakee

  1. The baydhabo city will insha allah be amxaaro less and thuugs in 1 week
  2. KHARTOUM, Oct 31 (Reuters) - Diplomats pressured Somali government and Islamist delegations on Tuesday to resume stalled talks seen as the best way to avert war in the Horn of Africa. Both sides were due to meet in Sudan's capital Khartoum from Monday. But the government team arrived late and the Islamists said there would be no talks at all unless thousands of Ethiopian troops they say have invaded Somalia were withdrawn. The newly powerful religious movement also objected to Kenya co-chairing the negotiations with the Arab League, arguing Nairobi was biased because it already backed an African Union plan to deploy east African peacekeepers in the chaotic country. Kenya chairs the regional Inter-Governmental Authority on Development (IGAD), which shepherded Somalia's peace process two years ago. But on Tuesday, Kenya's ambassador to Somalia said IGAD was ready to step back if that would help talks begin. "If it will require the withdrawal of IGAD so the Somali people can agree, we are happy to play that role," Mohamed Affey told reporters. "IGAD will never be and has never been an impediment to the process." Diplomats met both teams separately late on Monday, and said they hoped face-to-face talks between the sides might begin on Tuesday. Two previous rounds of talks have produced little. A posse of diplomats, including African, Arab and U.N. officials, are in Khartoum to support the talks. If the process collapsed this time because one side was being obstructive, the guilty party must be named, Affey said. "The international community must place responsibility somewhere," he said. "It cannot be shared, it has to be taken by a party, and you will know the party which takes responsibility." REGIONAL WAR FEARS The diplomats on Tuesday were to privately discuss among themselves, and later separately with their delegations, giving Sudan a leadership role in the talks. "The idea is that Sudan, as an Arab League and IGAD member, sits on the podium and hosts (this round of) talks," one Western diplomat said. "Our role is to get the two sides talking. The process is more important because if it fails, that's it." While the Islamists say Kenya is biased, the interim government also accuses the Arab League of bias. There was no immediate word from either side about the proposal on Sudan. The rise of the Islamists, who control much of southern Somalia after seizing the capital Mogadishu in June, have isolated the provincially based administration and hampered its efforts to impose central rule on a country in chaos since 1991. At the last talks in September, both sides agreed to create joint military forces and reconvene for power-sharing talks on political and security issues. But security inside Somalia has deteriorated since then, with government and Islamist fighters facing off near a key southern town that has changed hands several times. One Islamist commander on the frontlines told Reuters that after seizing the government's sole outpost Baidoa, they planned to unite the whole country, including the self-declared states of Puntland and Somaliland, under sharia law. "We will not retreat, come what may," he said. Fearing the standoff could spark a regional war sucking in Ethiopia and Eritrea, analysts say a truce is the priority. Addis Ababa denies any incursion but says it has sent several hundred military trainers. Its old foe Eritrea denies charges of sending arms to the Islamists. The Islamists say their priorities are restoring law and order, but critics say they harbour al Qaeda linked extremists. (additional reporting by Guled Mohamed in Somalia) Source: Reuters, Oct. 31, 2006
  3. Wadahadalka Khartoum oo fashilaad ku sigan Wadahadlkii loo ballansanaa 30-Oktoobar ee dowladda iyo Maxkamadaha ku dhex mari lahaa Khatoum ayaa weli billaambi la'. Labada wafdi ee kala matalaya labada dhinac ayaa ku wada sugan Khartoum, laakiin waxaa la isku mari la'yahay laba shuruudood oo ay Maxkamaduhu la yimaadeen iyo shruuud ay dowladdu keentay. Maxakamaduhu waxay sheegeen in aanay wafdiga dowladda soo hor fariisan doonin, ilaa ay Ethiopia oo ay mar walba ku eedeeyaan in ciidankeedu joogo Soomaaliya, ay ciidankeeda la baxdo. Wafdiga Maxkamadaha oo uu horkacayo, Dr. Ibraahim Caddow, Waxaa kale oo uu diiday in dowladda Kenya ay shirka wax ka guddoomiso. Markii ay diplomaasiyiinta magaalada Khartoum ku sugan ee wadahadalkan ka shaqeynayaa ay la yimaadeen ra'yi ah in Dowladda Sudan oo loo marti yahay ay keligeed guddoomiso shirka, ayaa waxaa taa ka booday wafdiga Dowladda Soomaaliya. Wafdiga Dowladda oo uu hor kacayo, Raiisal Wasaare ku xigeenka, Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil, waxaa uu ku adkeystay in haddii Kenya aanay shirka wax ka guddoomineyn in aan wafdigiisu ka qeyb geli doonin wadahadlka. Weriyayaal ayaa u arka in arrintani ay u muuqato in aan labada dhinacba ay raadinayaan wax ay ku marmarsiyo ka dhigtaan si aanay ula hadal dhinaca kale. Haddii wadahadalkani burburo, Soomaaliya waxay qarka u saaran tahay in ay mar kale aragto dagaal qaraar oo ka dillaaca Soomaaluya, kaas oo noqon doona mid ka dhex dhaca magaalooyinka Baydhaba iyo Muqdisho.
  4. Ilaa Kun qof oo ka mid ah bulshada magaalada Muqdisho oo isku diiwaan galiyey ka qeyb qaaashada jihaadka la iclaamiyey. October-31 -2006 HornAfrik, Mogadishu, Somalia . Ilaa kun qof oo ka mid ah qeybaha kale duwan ee bulashada ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa iska diiwaan galiyey gooboa kale duwan oo ku yaala gobolka Banaadir kuwaas oo sheegay inay ka qeybgalayaan jihaadka ay iclaamiyeen golaha maxaakiimta Islaamka. Dadkan oo isugu jira Rag dhalinyaro ah kuwa da' ah iyo Haween ayaa iska diiwaan galiyey ilaa Afar goobood oo ku yaala magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanada suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa iyadoo degmadaas ay ka jiraan ilaa Afar goobood. Dadkaas ayaa ah kuwa diyaar u ah inay ka difaacaan cadow kasta oo soo weerar dalka Soomaaliya, iyadoo arrintan ay ka dambeysay 27-kii bishan Octobar lagu dhawaaqay in qof walba oo Soomaali ah ay tahay lagama maarmaan inuu ka qeybgalo cadow kasta oo soo weerara. Sh. Faarax Maxamed Maxamuud oo ah Guddoomiyaha guddiga shuurada maxkamada Daryeel ee deegaanka Suuqa Xoolaha degmada Huriwaa ayaa sheegay inay jiraan dad badan oo gaaraya ilaa Kun qof oo iska diiwaan galiyey gooba dhowr ah oo ku yaala deegaano ku yaala magaalada Muqidsho. Arrintan jihaadka ayaa timid kaddib markii Guddoomiyaha guddiga fulinta maxaakiimta Islaamka Sh. Shariif Sh. Axmed uu hore u sheegay in ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u istaagaan sidii looga hortagi lahaa duulaanka ka dhan ah dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
  5. I dont think any talks will continue unless xabaash leave somalia period. from raas caseyr to raas gamboodhi give it a week insha alla and we'll see if the xabash and TFG stays alive in baydabo
  6. Wararka aanu ka heleyno degmada Ballan Balle ayaa sheegaya in halkaasi xalay ay gaareen ciidam aad u fara badan oo Etrhiopian pp ku hubeysan gawaarida dagaalka ee lagu yaqaano Ciidamada Ethiopian-ka. Ciidamada Ethiopian-ka ee gaaray Ballan balle ayaa la sheegayaa in ay kulamo la qaateen in Hogaamiye kooxeedka Col.Cabdi Xasan Cawale Qeybdiid iyo taliyaha Ciidamada daraawiishta maamul goboleedka Puntland. Inkastoo aan la ogeen waxyaabihii ay kawada hadleen labada dhinac ayaa hadane waxaa warar soo baxaya ay sheegayaan in Ciidamada Ethiopian-ka ay kala xaajoodeen dhinacayada Somalida ah qaabkii loo adkeyb lahaa Xuduuda gobolada Dhexe Somaliya. Ciidamada gaaray deegaanka Ballan Balle ayaa xoojin u ah ciidamo kale oo ka socda Ethiopia kuwaasi oo mudo bilal ah ku sugnaa degmada Ballan Balle halkaasi oo fariisimo ay ka dhigteen. Dhawaan ayey aheyd markii C/Qeybdiid iyoi Xiis Cali ay gaareen degmada Caabud Waaq,halkaasi oo ay kulasoo hadleen qaar kamid ah masuuliyiinta waxgaradkaasi. C/Qeybdiid iyo taliyahaasi katirsan maamul goboleedka Puntland aya qeyb ka ah olole dagaal oo ka dhan ah Maxkamadaha islaamka oo ku sugan Gobollada Dhexe,iyagoo gacanb buuxda ka helaya ciidamada Ethiopian-ka ee fariisinta ka dhigtay deegaanka Ballan Balle. Ciidamada Ethiopian-ka ee soo gaaray degmada Ballan Balle ayaa qeyb ka ah ciidamo boqollaal gaaray oo dowladda Ethiopia ay soo galisay gudaha Somaliya tan iyo markii uu xumaaday xiriirka ka dhaxeeya dowladda FS iyo Golaha Maxaakimta Islaamka
  7. Cabdi Qeybdiid iyo Xiis Cali oo ku sii jeeda deegaanka Qurac Joome ee gobolka Bakool, halkaaasoo lagu uruuriyo maleeshiyaad qas ka abuuraya dalka Soomaaliya. C/waaq, 25-October-06 ( Qaadisiya.com) Col. Cabdi Qeybdiid iyo taliyaha ciidamada Puntland ee magaalada Gaalkacyo Xiis Cali ayaa lagu soo warramayaa in ay u baqooleen dhinaca deegaanka Qorac JOome oo fariisin u ah maleeshiyaad nidaamka Tikreega uu ugu tala galay in lagu soo weeraro shacabka Soomaaliyeed iyo golaha maxkamadaha islaamiga si halkaasi ay kulamo ugu la soo yeeshaan ragga ku hawlan uruurinta iyo diyaarinta maleeshiyaadkaasi oo uu ka mid yahay Maxamed Dheere. Col. Cabdi Qeybdiid oo ka mid ah haraadigii isbahaysigii bur buray ee islaam la dirirka iyo dawladda Puntland oo uu maalgelinayo nidaamka Tikreega ayaa waayahanba ku hawlanaa sidii xasilooni darro looga abuuri lahaa goobaha nabdoon oo maxkamadaha islaamiga ay ka taliyaan si mar kale shacabka Soomaaliyeed aaney ugu ladin nabada haatan ay haystaan. Socdaalka Qeybdiid iyo Xiis Cali ayaa ujeedkiisa lagu sheegay sidii iskaashi uu u dhex mari lahaa qab qablayaasha kale ee uu taageerada la garab joogo nidaamka kala taliska Meles Zenawi oo ayagana dhankooda diyaar garaw ballaaran ugu jira sidii loo wiiqi lahaa amniga ka jira goobaha maxkamadaha islaamiga ay ka taliyaan. Cabdi Qeybdiid iyo ninka la socda oo dhawaanahan socdaalo ku soo kala bixiyay degmooyinka Cabudwaaq iyo Balanbale ayaa la filayaa in ay kulamo la qaataan Maxamed Dheere iyo raga kale ee ku wehliya u adeegida cadwaga Soomaaliyeed,waxa ayna sidoo kale kulamo la qaaadan doonaan saraakiisha Tikreega ee ku sugan deegaanka Qorac Joome ee gobolka Bakool. Dhaq dhaqaaqyadan ay wadaan Cabdi Qeybdiid iyo taliyaha ciidamada Puntland ee magaalada Gaalkacyo ayaa qeyb ka ah abaabul ballaaran iyo shirqoolo loo maleegayo shacabka Soomaaaliyeed si looga hor istaago xoriyada iyo nabada uu haatan haysto isla markaana uu u noqda mid hoos yimaada gumeystaha Tikreega.
  8. Whar waxaan laha mesha waxa ka dilacey diinta islamiga ah mise waba si kala
  9. Ciidamada Maxaakiimta islaamka ayaa u jirsaday 18 KM kaliya fariisinta dowladda FS ee magaalada Baydhabo. Published: 24 October, 2006 14:21 Ciidamada Maxaakiimta islaamka ayaa u jirsaday 18 KM kaliya fariisinta dowladda FS ee magaalada Baydhabo,iyadoo wararka laga helayo degmada Buur Hakaba ay sheegayaa in deegaankaasi dhaq dhaqaaq xoogan ay ka wadaan ciidamada Maxkamadaha. Inkastoo Madaxda Maxaakiimta ay sheegeen in aysan weerar ku aheyn Baydhabo ayaa hadane ilo xog ogaal ah oo kus sugan magaalada Buur Hakaba waxaa ay xaqiijinayaan in Ciidamada Golaha Maxaakimta ay kusii siqayaan dhanka magaalada Baydhabo. Qaar kamid ah masuuliyiinta Maxaakiimta Islaamka ayaa wacad ku maray in aysan kaga hari doonin ciidamada Ethiopian-ka oo ay sheegeen in ay ka saareen Buur Hakaba,waxaana masuuliyiintaasi ay sheegeen in ay ka go’an tahay daba galida ciidamadaasi. Guddoomiye Kuxigeenka Golaha Shuurada Maxaakiimta islaamka Dr Cumar Iimaan ayaa shaaciyay in ay raacdeysan doonaan waxa uu ku tilmaamay Cadowga Somaliya,isagoo sheegay in haatan ciidanka Maxakiimta ay heegan xoogan ku jiraan. ‘’Waanu ku daba jirnaa,mana uga hari doono in ay dalkeena sii joogaan,Alla mahadii hada waanu ka xureynay Buur Hakaba,sidaasi oo kale ayaan dalka uga xureyn doonaa’’ayuu u sheegay Cumar Iiman Al Jazeera. Si kasta oo ay ahaataba cabsi xoogan ayaa laga dareemayaa gudaha magaalada Baydhabo,waxaana warar soo baxaya ay sheegayaa in madaxda dowladda ay bilaabaan socdaallo ay dalka kaga ambabaxayaan. http://www.markacadey.net/2006/news/october/24_10_06_006.shtml
  10. two things in buurhakabe 1. The islamic courts came with the aid of shiikh macallin and the residents of buurhakabe 2. The TFG came with ethiopians. The tigree and its followers are doomed in the next few days
  11. hadhwanaag 2006-10-23 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md, Daahir Rayaale Kaahin iyo madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Yuusuf Yaasin oo ay wehelimayeen xubno ka mida Golaha dhexe, xidlhibaano ka tirsan labada Gole (Guurtida iyo wakiilada) ayaa boqolaal dadweynaha ku nool caasimada somaliland kala qeyb galay saaka tukashada salaada ciidal fidriga masaajidka weyn ee mustajaamaca ee magaalada Hargeysa. Madaxweynaha oo khudbad halkaasi ka jeediyey ayaa waxa uu ku sheegay Somaliland inay tahay dalka kaliya ee islaamka ee Aftidii dasduurka ugu codeeyey ku dhaqanka shareecada diinta islaamka, waxaanu madaxweynuhu carabka ku adkeeyey inay ku dhaqmayaan dawlad ahaan iyo u mad ahaanba waxan ka baryayaa inuu ciidan(Ciidal fidri) ciideeda inagu gaadhsiiyo nabad iyo barwaaqo iyo horumar, dhamaan caalamka islaamka gaar ahaana Somaliland gudo iyo dibadba “Bismilaahi Raxmaani raxmaani raxiim, Alaahu Akbar, Alaahu Akbar, Alaahu Akbar ilaahay waxaan ka baryayaa inuu ciidan(Ciidal fidri) ciideeda inagu gaadhsiiyo nabad iyo barwaaqo iyo horumar dhamaan caalamka islaamka, gaar ahaana Somaliland gudo iyo dibadba, waxaanan halkan ka soo jeedinayaa inuu ilaahay denbigeena dhaafo janadana inaga waraabiyo, sanadkan sanadkiisana inagu gaadhsiiyo khayr iyo barwaaqoâ€Ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale Waxa uu madaxweynhu shacbiga reer Somaliland kula dardaarmay inay ilaashadaan nabadgelyada oo ay cadowgooda meel uga soo wada jeedsadaan, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi "Kelmad dardaarana ayaan halkan ka soo jeedinayaa,waxaanan idin leeyahay walaalnimadeena iyo wadajirkeena inaan ilaashano ayaa inagu wada waajiba sida uu sheekhu sheegay, diinta islaamka shareecada inaan ku dhaqano umada keliya ee Islaama ee Afti-dasduur u qaadatay ayeynu nahay, taas ayeynu ku dhaqmaynaa (Shareecada Islaamka) dawlad ahaan iyo umad ahaanba. Waxa uu cadowgu ila maagan yahay waa ineynu ka mideysnaanaa oo meel uga soo wada jeedsanaa, ayaan idinkula dardaarmayaaâ€Ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale So i guess we will have two cases cilmanian vs sharecatul islamiya ehehheheheeheehhe
  12. hadhwanaag 2006-10-23 (Hadhwanaagnews) Burco(HWN) Magaalada Burco ayaa maanta si weyn looga ciiday Munaasibada ciidal Fidriga iyado maanta salaadii ciida lagu tukaday dhawr meelood oo waaweyn iyo masaajidada Magaalada Burco . Goobaha salaadii ciida lagu tukaday waxa kamid ahaa Garoonka weyn ee kubada cagta ee magaalada Burco Halkaas waxa maanta kuwada tukaday Masuuliyiin Tira badan oo iskugu jirtay Madaxda maamulka togdheer Wasiiro iyo wasiiru dawlayaal salaadiin iyo culima awdiin iyo dadweyne aad u tira badan. iyadoo halkaasi laga soo jeediyay hadalo Badan waxa masuuliyiinti halkaasi kahadashay ka mid ahaa Suldaan Maxamuud Guuleed Mire suldaanka oo ka hadlay dhinacyo Badan oo nolosha Bulshada Somaliland taabanaya waxa Qodabadii uu ka hadlay ka mid ahaa 1. In layska hubsado wararka ay cadawga somaliland maleegayaan ee Barabogaandada oo layska ilaaliyo wararka Faasiqiinta iyo kuwa cadawga u ah somaliland. 2. In Nabadgelyada ilaahay inoogu nimceeyay aynu wada ilaashano oo hareeraha ka joogno oo ka fogaano wax alaale iyo waxii Nabadgelyo daro keenaaya dawladuan waa in ay iska ilaaliso wax alaale iyo waxii Xaasasiyad keenaay oo aynu shacab iyo dawladba gacmaha is qabsanaa. 3. Waa in wax laga qabtaa mukhadaradka iyo xumanta gidaar walba taala 4. In dalka waxa haysta dhaqaale xumo ee qoqobka iyo jeelka laga saaro oo loo furo dekeda oo ad imika moodo in ay xidhmaysana Baayac mushtarka loo fududeeyaa. 5.Waxa kale oo aan soo jeedinayaa in dalka lagu xukumo shareecada islaamka oo aynu ka bilawno mid qoys ilaa qaran si aynu if iyo aakhiraba u liibano ilaahay agtiisana ajar kaga helo. Malaha beryahan danbe qofka soo qaada ee yidhahda shareecada ha lagu xukumo dalka waxa la leeyahay Maxkamadaha uyu la socdaa taasna waxan leeyahay dalka somaliland waxaynu nahay umad muslin ah oo 100% oo ku dhalanay cidna kaga dayan mayno cidna uga daba fadhisan mayno ee waa ta dastuurkeena ku taala in aan dalka wax shareecad ka baxsan laga ogolayn ta dalka lagu xukumayaan ay tahay shareecada islaamka. Suldaanku isago la hadlaayay Kooxaha maxkamadaha muqdisho waxa uu yidhi" Waxaynu kala nahay laba dawladood somaliland iyo somalia marka hadi ay shareecada ku xukumayaan dalkooda waa mid wanaagsan dalkoodibanay ku xukumeen waxanan leenahay waa wanaagsan tihin hadi aad shareecada dalka ku xukunteen laakin waxaynu kala nahay laba Dawlada mana aha in hadi aad tihin Maxkamadaha ad soo faragalisaan somaliland . Ugu danbayntii waxa uu suldaanku la dardaarmay dadweynhi halkasi iskugu yimi oo sheegay in aanay cidna ka ogolaanayn in ay khalkhalgaliso nabadgelyda iyo Bulshada umada. Waxa isna halkaasi ka hadlay Wasiirka wasaarada Hawlaha Guud iyo guriyaynta Siciid Sulub Axmed waxa u hadalkiisa ku bilaabay "Waxa la yidhi Reer guura raac iyo caruur waa lookala sheekeeyay se isma arkaan' xukuumada iyo shacabkeed iyo wadaadadeda malaha waa loo kala shekeeyay ee waxan leeyahay waxaynu nahay dad isku mida isku dana wada dhashay isku diina marka maalmihi u danbeeyay waxa saxaafada kusoo noqnoqonaayay dalka ha lagu xukumo shareecada islaamka shareecada islaamka waa ku dhalanay waa ku dhimanaynaa cidna uga daba fadhisan mayno ee waa waxyaabaha wali aynu ku tala jirno in aynu hirgalino shacab iyo dawladba culimo iyo aqoon yahayn aynu tashano sababtu waxa weeye Burbur badan ayaynu ka soo Baxnay markaa in shareeada Lagu xukumo dalkeeena waa muqadas oo dastuurkeena ayay ku taala . Cida tidhi Dastuurka somaliand waa cilmaanina waxaan leeyahay Maaha dastuurka Somaliland cilmaane ee Shareecada islaanka ayuu tilmaamaya mana nihin cilmaaniyin Calanka somaliland waxa ku xardhan " laa ilaahay ilalaha Muxamadaw Rasuulu laa" Cida tidhi waxan leenahay waa dastuur cilmaniayna naga mid maaha "falaysa minaa" Waxan hadalkayga kusoo gabagabaynayaa Shareecada islaanka waa ku dhalanay oo waa ku dhimanaynaa oo cid aan uga daba fadhiisanaynaa majirto shareecada waxa naga joojin kariwayay talyaani iyo ingriis waad ogaydeenoo siyaad Bare sidi u culimada ula dagaalami jiray waad ogaydeen oo waakii suuratul nisaa badalay. Wasiirka Wasarada gaashandhiga somaliland Aadan Waqaf ayaa isaguna gabagabdi ka hadlay halaasi wasiirku waxa uu kula dardaarmay Bulsha weynta reer Burco in ay ilaaliyaan Nabadgelyda jiritaanka iyo qaranimada somaliland waa lama taabtaan
  13. Madaxweyne Daahir Riyaale oo markii ugu horeysay sheegay in dalka Somaliland lagu dhaqi doono shareecada Islaamka. October-24 -2006 HornAfrik, Mogadishu, Somalia. Maxamed Cabdalla “Hargeysa†Madaxweyne Daahir Riyaale ayaa markii ugu horeysay sheegay in dalka Somaliland lagu dhaqi doono shareecada Islaamka iyadoo hadalka Riyaale uu ku soo beegmayo xilli culumada Somaliland ay ku baaqeen in madaxweynaha uu caddeeyo mowqifkiisa ku aadan arrintaas. Madaxweynaha Somaliland Dahir Riyaale Kaahin ayaa hadalkan ka sheegay tukashadii salaada ciidda ee shalay kaddib halkaas oo ku tukadeen Kumanan dad ah. Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo beegmay xilli ay hore u jirtay baaqyo kale duwan oo ka soo baxay culumada Somaliland kuwaas oo ay ku dalbanayeen in dalka laga hirgaliyo ku dhaqanka diinta Islaamka sida ku xusan dastuurka kaas oo si cad u sheegaya in Qaranka Somaliland diintiisa tahay Islaam, iyadana laga qaadanayo dhamaan wixii sharuuc ah. Dhinaca kale, culumo ku sugan magaalada Burco ayaa shir jaraa'id oo doraad ku qabteen waxa ay ugu baaqeen madaxweynaha Somaliland inuu caddeeyo mowqifkiisa ku aadan hadalo ay sheegeen inay ka soo yeereen wasiirka arrimaha dibadda Somaliland kaas oo meel ka dhac u geystay karaamada iyo sharafta shacabka. Ma jirto ilaa iyo imminka jawaab ka soo baxday dhinaca Xukuumada ee ku aadan baaqan ugu dambeeyey ee culumada Burco balse dadka iyaga odorasa arrimaha siyaasada ayaa u arka in qudbadii madaxweynaha jeediyey maalintii ciidda ee shalay ay jawaab dadban u tahay baaqa culumada Burco.
  14. Mas`uuliyiintaasi ayaa sheegay in marnaba aysan duulaan ku aheyn magaalada Baydhaba ee xartunta dowlada KMG ah ee Soomaaliya balse ay iska difaacayaan haddii dowladda ay ku soo weerarto Buurhakaba. http://hornafrik.com/Newspage/news0471.htm#2
  15. ^^i like that one whyy not especially since they are majority of the country and receive mistreatment by the dictator regime
  16. eid mubaraak all, haa laakin dagaal ayadosan ka dhicin
  17. Mas’uuliyiin ka tirsan golaha maxkamadaha oo galabta ka khudbeeyey magaalada Buurhakaba ee gobolka Bay. October-23 -2006 HornAfrik, Mogadishu, Somalia. Mas’uuliyiin ka tirsan golaha maxkamadaha ayaa galabta ka qudbeeyey magaalada Buurhakaba kaddib markii ciidamada maxkamadaha ay maanta la wareegeen iyadoo ciidamadii dowladda si nabad ah xalay degmadaas uga tageen. Qeybaha bulshada ee ku dhaqan degmada Buurhakaba ee gobolka Bay ayaa maanta isugu soo baxay bartamaha magaaladaas iyagoo si weyn u dhageysanayey qudbad ay halkaas ka jeediyeen mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan maxaakiimta Islaamka oo maanta la wareegay gacan ku heynta degmadaas kaddib markii xalay ay isaga baxeen ciidamada dowladda. Mas’uuliyinta la hadashay dadweynaha waxaa ka mid ah Sh. C/raxman Janaqow guddoomiye ku xigeenka golaha fulinta maxaakiimta Islaamka, madaxa ammaanka Sh. Yuusuf Maxamed Siyaad “Indha cadde†guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga Sh. Mukhtaar Roobow Abuu-mansuur, Guddoomiyaha maxkamada Al-bayaan Maxamed Ibraahim Bilaal iyo guddoomiye ku xigeenka Sh/dhaxe ee golaha maxaakiimta Macalin Xaashi Maxamuud. Mas’uuliyiinta maxaakiimta ayaa dhamaantood cambaareeyey dowladda Itoobiya iyagoo ku eedeeyey inay ku hubeyso qeyba ka mida gobolada dalka hogaamiye kooxeedyadii laga ceyriyey magaalada Muqdisho si ay dib ugu qabsadaan si xoogan islamarkaana ay u soo galaan goobihii laga kaxeeyey. Sidoo kale mas’uuliyiinta ayaa cambaareeyey dowladda fedraalka ee Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen inay dhibaato ka wado degmada Buurhakaba oo ay ku sugan yihiin sida ay yiraahdeen taageerayaasha maxaakiimta Islaamka. Guddoomiye ku xigeenka golaha fulinta ayaa u sheegay dowladda fedraalka KMG ah in aaney dalka ku xukumi karin awood Tigree ah. Sh. C/raxman Janaqow guddoomiye ku xigeenka golaha fulinta maxaakiimta ayaa sidoo kale digniin u jeediyey dowladda Itoobiya isagoo sheegay haddii ay ka baaqsan weydo faragalinta arrimaha Soomaaliya ay la kulmi doonto cawaaqib xumo. Waa markii ugu horeysay oo Sh. C/raxman Janaqow uu qudbad ka jeediyey degmada Buurhakaba ee gobolka Bay isagoo ku booriyey dadweynaha degmadaas inay soo dhaweeyaan maxaakiimta islaamka oo ay la shaqeeyaan. Degmada Buurhakaba waxa maanta ka dhacay laba banaabax oo mid lagu taageerayey maxaakimta Islaamka soo gelitaanka ay degmadaas soo galeen midna lagu taageerayey ka bixitaanka ciidamada dowladda KMG ah ka baxeen degmada. Maanta ayaa markii ay tageen maxaakiimta Islaamka ayaa burburiyey laba goobood oo hore u dhiseen maamulka gobolka oo loogu talagalay inay ka qudbeeyaan Ra’isal wasaaraha xukuumada KMG ah Cali Maxamed Geeddi iyo ku xigeenkiisa Xuseen Ceydiid kaddib markii ciidamada dowladda ay halkaas la wareegeen. La wareegitaanka maxaakiimta degmada Buurhakaba ayaa ka dambeeyey kaddib markii xalay ay halkaas isaga baxeen ciidamada dowladda KMG ah iyadoo aan la ogeyn ujeedada ka bixitaankooda, balse war saxaafadeed ka soo baxay wasaarada warfaafinta dowladda KMG ayey dowladda ku sheegtay in markii hore halkaas u tageen inay soo celiyaan ammaanka degmada Buurhakaba islamarkaana ay maamulka degmadaas isku afgarteen in ammaanka wax ka qabtaan iyadoo dowladda caddeysay in meel walba oo dalka ka mid ah o dhibaato ka jirta ay tagi doonaan.
  18. i didn't know that there was kilinka shanad in somaliya anyone else??
  19. Gen ma waxay kaga dhegtey kismayo looooooooooool do you now that their is no single maxakiim ciidan in kismayo besides isn't your uncle in baydabo what does he have in concern with kismayo
  20. Sharif seylaci where do you get the proof in this letter englighten me what am saying to you is that i don but certain so-called somaliland xisbis are trying to gain support in their campaigns and trust me no shuura of the maxakiim is saying anything about somaliland so whats the fuzz man
  21. Ma waxaad is ledahay ina riyaale aya aqoonsi ka dhighana inta saxiib malaha waxaa nocan oo kala waxa sameyey ama malaqey xisbiga mucaraadka ah maxakiimtu wa diin doon weligoodna ma surteyn waxa nocan oo kale I think you guys are touching wrong buttons everyday
  22. Kulan looga hadlayey sidii wax looga qaban lahaa xiisada u dhaxaysa taliyaha ciidanka booliska Gen. Cali Madoobe iyo Aadan Saransoor ayaa maanta lagu soo gabagabeeyey magaalada Baydhabo ee gobolka Bay. Kulankan oo galabta lagu soo gabagabeeyey magaalada Baydhabo ayaa waxaa wada yeeshay xubnaha labada gole ee beelaha Digil iyo Mirifle maamulka gobolka kan degmada iyo odayaasha dhaqanka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay. Kulankaas ayaa looga hadlayey xal ka gaarsita xiisadaha ka taagan Aadan Saransoor iyo taliyaha ciidanka booliska Gen Cali Madoobe oo loo heysto inuu ka dambeeyo falkii lagu xasuuqay maleeshiyooyinkii ilaalinayey garoonka magaalada Baydhabo 4-ta bishii September ee sanadkan. Sidoo kale, kulankan ayaa la iskula soo qaaday mudada 24-ka saac ee loo qabtay taliyaha iyo sida laga yeelayo iyadoo waqtiga loo qabtay taliyaha ciidanka Cali Madoobe uu dhamaaday. Guddoomiyaha gobolka Bay Maxamuud Maxamed Barbaar oo kulanka kaddib shir jaraa'id qabtay ayaa sheegay inay isku afgatreen in qoraalo loo gudbiyo madaxweynaha dowladda KMG ah C/laahi Yuusuf iyo Ra'isal wasaare Geeddi kuwaas oo lagu muujinayo in si dhab ah loola xisaabtamo Gen. Cali Madoobe magaaladana laga masaafuriyo. Sidoo kale, Guddoomiyaha gobolka Bay ayaa sheegay in mas'uuliyiinta beelaha Digil iyo Mirifle ay isku afgarteen in Gen. Cali Madoobe marnaba aanu ka howlgali karin magaalada Baydhabo. Odayaasha dhaqanka ee kulanka ka qeybgalay oo inta badan fikradahooda isku dhow dhowaa ayaa aaminsanaa in Gen. Cali Madoobe laga saaro magaalada Baydhabo ayaa qaarkood soo jeediyey in magaalada laga masaafuriyo Gen. Cali Madoobe maadaama xasuuq uu ka geystay garoonka magaalada Baydhabo sida ay yiraahdeen. Sidoo kale, qaar kale oo ka mid ah xubnihii kulankaas ka qeybgalay ayaa qabay in qaab dowladeed loola xisaabtamo taliyaha ciidanka maxkamadana la soo taago dowladdana xil ka qaadis ay ku sameeneyso. Halka kuwa kale ay aamisanaayeen in Jeneraalka magaalada laga saaro dhibaatada uu geystana lagula xisaabtamo beesha uu ka soo jeedo ee *******. Si kastaba ha ahaatee maalmihii ugu dambeeyey magaalada Baydhabo waxaa ka aloosnaa xiisad u dhaxeysa taliyaha ciidanka booliska Gen. Cali Madoobe iyo Aadan Saransoor taas oo salka ku heysa falkii lagu xasuuqay maleeshiyooyin ilaalinayey garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo. Dad badan ayaa is weydiinaya suurtaglnimada in Gen. Cali Madoobe uu ka bixi karo magaalada Baydhabo isagoo xil dowladeed ka haya dowladda fedraalka KMG ah ee Soomaaliya waxaana Jenaraalka u dhamaday 24-saac oo shalay loo qabtay iyadoo maalinta Berri ah la qorsheenayo banaanbax looga soo horjeedo joogitaankiisa uu ka dhaco magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
  23. Duke are you saying that these alleged comp that are to explore gas cannot be waste dumpers too if you listen to his passage. Besides if the nugaal people are in no favor no one will enforce it on them
  24. wa ariin u ad ughu qaldanyahay col barre hirrale inu magalada wereer kuso qado
  25. Qhudba siiro ahhahahaahahhahaahaahah with an 11 year old give him the stone