Sharmakee

Nomads
  • Content Count

    82
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Sharmakee

  1. i agree to rabshid but this is more than the khad because our country had no ban rule on this lucrative but wrong dealing . I would say this is the begining for both
  2. Golaha maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay in ay dhamaatay mudadii labada bil ahayd ee loo fasaxay ganacsatada dhuxusha dhoofisa,laga bilaabo 22-ka bishan aanu ku jirno la joojiyay dhoofinta dhuxusha. Golaha maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed ayaa wareegto ay soo saareen waxa ay ku mamnuuceen dhoofinta dhuxusha, ugaarta iyo biraha duuga ah,inkastoo muddo 2 bil ah la siiyay ganacsatada dhuxusha si ay u dhoofsadaan dhuxul uga xayirantay dekadaha macmalka ah ee dalka. Madaxa waaxda warfaafinta golaha maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed Sheekh C/raxiim Cali Muudey ayaa sheegay in shalay ay ku ekeyd mudadii loogu daray ganacsatada dhoofisa dhuxusha,isagoo xusay in haatan wixii ka danbeeya ay mamnuuc tahay in la dhoofiyo dhuxusha. Sheekh Muudeey ayaa sheegay in ciidamada amniga ay u xil saaran yihiin meel marinta xanibaada lagu soo rogay dhoofinta dhuxusha mar la weydiiyay maraakiibta taagan dekadaha macmalka ah ee lagu rarayo dhuxusha. Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay mamnuucista lagu soo rogay dhoofinta dhuxusha oo dhibaato dhinaca deegaanka ah ku haya dalka,ayadoo ganacsatada dhuxusha ay xaalufiyeen keynta,taasoo sababi karta musiibo dhinaca deegaanka ah.
  3. Maxkamadaha Islaamiga ah ayaa maanta daboolka ka qaaday iney dhamaatay mudadii labada bilood aheyd ee ay u qabteen ganacsatada dhoofisa dhuxusha oo ay sheegeen iney ku ekeyd maalintii shalay oo taariikhdu ku beegneyd 21-ka Novembar. Madaxa warfaafinta iyo dacwada ee maxkamadaha Islaamka Sheekh C/raxiim Cali Muudey oo maanta shir jaraa'id oo uu arintaasi kaga hadlayey ku qabtay xarunta maxkamadaha ee magaalada Muqdisho ayaa intaa ku daray inaan la aqbali doonin dhuxul dambe oo laga dhoofiyo goobaha ay ka taliyaan maxkamadaha Islaamka, isagoo xusay in ganacsadihii lagu qabto ay ciidamada maxkamaduhu talaabo sharci ah ka qaadi doonaan, isagoo tilmaamay in lagu wargeliyey mas'uuliyiinta dekedaha macmalka iyo kuwa kale maxaakiimtu ka taliyaan iney dhaqan geliyaan go'aankaas. Bishii Sebtembar 21-keedii ee sanadkan ayey aheyd markii maxkamadaha islaamiga ah ay mamnuuceen dhoofinta dhuxusha, hase ahaatee markii qaar ka tirsan ganacsatada dhuxusha dhoofisa ay ka codsadeen in la siiyo muddo ay ku bixiyaan dhuxul badan oo qarash lixaad leh uu ka galay ayaa maxkamadaha islaamiga ah ay siiyeen muddo labo bilood ah iney ku dhameystaan dhuxusha u taala oo wixii markaa ka dambeeyana ay mamnuuc tahay taasoo ku ekeyd shalay oo taariikhdu ku beegneyd 21-ka Novembar. Go'aankan lagu mamnuucay dhoofinta dhuxusha ayaa saameynaya dekedaha Ceel-macaan, Kismaayo iyo Baraawe oo ah goobaha ugu badan ee laga dhoofin jiray dhuxusha oo loo iib geyn jiray dalalka ka tirsan Khaliijka carabta.
  4. Madaxa Dacwada iyo warfaafinta maxaakiimta Islaamiga ah Sh. C/raxiim Muudeey ayaa shaaca ka qaaday in ay dhamaatay xiligii loo qabtay ganacsatada dhuxusha dhoofisa. Sh. Muudeey ayaa sheegay in aanan la dhoofin karin wixii hada ka danbeeya dhuxusha iyo waliba ugaarta intaa sii raaciyay in dhamaan goobaha ay maxaakiimtu ka taliyaan ay ka dhaqan galayso wareegtadaan lagu mamnuucayo dhoofinta dhuxusha. Waxay aheed kol hore markii Maxaakiimta islaamiga ah ay mamnuuceen dhoofinta dhuxusha iyadoo isla markiiba hadana shaaciyay in ay waqti siinayaan ganacsadata ka shaqeysata dhuxusha, waxaana haatan muuqanayso in xiligii loogu tala galay uu dhamaaday sida laga garan karo wareegtadan hada ka soo baxday xafiiska warfaafinta ee maxaakiimta taa oo lagu mamnuucayo in gabi ahaanba aan la dhoof geyn karin dhuxusha. Tani ayaa ku soo beegmaysa xili dad fara badan ay isweydiinayaan waxa u dhaxeeya dhuxusha iyo jaadka maadaama jaadkii la mamnuucay dhuxushiina ay wali socoto dhoofinteedii taasoo dhibaato ku ah deegaanka.
  5. the man expressed his view and why is it that you have many so-called somalilanders in hargeis but yet calaim buuuuuqland? just a question..
  6. nice article som-dijb not only is it dangerous to ones health but also the islamic courts banned it in the entire south including our capital Banaadir. The banning of this substance will create more healthier minded ppl with diin jeceeyl spirit also the baydhabo and iwm are just tigree stooges period good move by the shuura
  7. Yeman oo Qiratay in ay hub siisay Dowladda Soomaaliya Dowladda Yeman ayaa caddeysay in ay hub iyo qalab ciidan siisay Dowladda Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Magaalada Baydhabo, Warkan Wasiirka arimaha dibada Yeman abuubakar Al Qureybi ayaa caddeeyay in dalkiisu siiyay Dowladda Soomaaliya hub taasina ay tahay mid sharci ah oo waajib ah. Wasiirku waxa uu sheegay in kadib markii la soo dhisay Dowladda soomaaliya iyo baarlamanka soomaaliyeedba uu dalka Yamen u arkay in ay yihiin jihada kaliya ee sharciga ah ee matali karta shacabka soomaaliyeed taasoo aanay u suurto gali Karin inay gacanta ku wada dhigto dalka soomaaliya inay hesho ciidamo hubeysan oo dhameystiran mooyaane. “Waxaannu aqbalnay codsigii inooga yimid dowladda soomaaliya waxaanan u dirnay 3000 oo qori oo ah kuwa fudfudud oo gacanta Lagu qaato.si ay u adeegsadaan Xoogagga amaanka ee dowladda soomaaliyeed iyo dareeyska ay ciidamadu ku labistaan”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Yeman. Dhawaan ayaa Guddi Madax bannaan oo ka socday Qaramada Midoobay ku eedeeyay Dowlado Yeman ay ka mid tahay in ay soomaaliya geliyeen hub taas oo dhabar jab ku ah xayiraaddii hubka ee saarnaa Soomaaliya.
  8. Yemen oo qiratay in hub ay siisay dowladda KMG ah ee Somalia Mogadishu 18, Nov.06 ( Sh.M.Network) – Wasiirka arimaha Dibadda Dowladda Yaman ayaa si cad u sheegay in yaman Hub iyo saanad milatari ay ugu deeqday Dowlada Kmg ,iyadoo yaman arintaasi ay ku tilmaamntay Mid sharci ah oo aan xad gudub ku ahayn xayiraada Hubka ee saaran Soomaaliya. Warkan Wasiirka arimaha dibada ee dalka yemen abuubakar Al Qureybi ayaa waxa uu ku tilmaamay in warbixintii dhowaantan ay soo saartey QM tahay mid aan sax aheyn isla makaana xaqiiqda ka fog Mr Qureybi ayaa ku tilmaamay warbixintaasi inay tahay hadal hore oo uu xilligiisu dhamaaday Waana hadal ka Da’weyn Golaha Maxaakimta islaamka oo xilli hore ayaa yaman lagu eedeeyay Isla Xilligaas ayaanan jawaab ka Bixnay buu yiri waziirku. Waziirka ayaa wax laga Xumaado ku tilmaamay in aanay wax cusub soo bandhigin warbixintan isla markaana ay tahay mid kusoo celcelineysa waxyaabo uu waqtigoodu dhamaaday oo horay looga hadlay lana xalliyay. Waziirku waxa uu sheegay in kadib markii lasoo dhisay Dowladda soomaaliya iyo baarlamanka soomaaliyeedba uu dalka yaman u arkay in ay yihiin jihada kaliya ee sharciga ah ee matali karta shacabka soomaaliyeed Taasoo aanay u suurto gali Karin inay gacanta ku wada dhigto dalka soomaaliya inay hesho ciidamo hubeysan oo dhameystiran mooyaane. Sidaa daraadeed waziirku waxa uu yiri waxaannu aqbalnay codsigii inooga yimid dowladda soomaaliya waxaanan u dirnay 3000 oo qori oo ah kuwa fudfudud oo gacanta Lagu qaato.si ay u adeegsadaan Xoogagga amaanka ee dowladda soomaaliyeed iyo dareeyska ay ciidamadu ku labistaan. Waxaa kaloo uu waziirku sheegay in dalkiisu uu joojiyay hubeynta dowladda soomaaliya kadib markii qaramada midoobay iyo Dhinacyo kale oo caalami ah ay u arkeen arrintaasi mid xad gudub ku ah xayiraaddii dhinaca hubka ee saarneyd soomaaliya iyagoo u arkay Hubka dowladda soomaaliya aannu siinay buu yiri Hubeyn dhinac kamid ah dhinacyada isku haya soomaaliya. Waziirka ayaa Ku eedeeyay qaramada Midoobay in ay tallaabo ka qaadato dalalka qaar marka ay ku jiraan xaalad gaar ah hase yeeshee waxa uu yiri Tallaabada ay qaramada midoobay qaadato waa mid aan la joojin marka ay dhamaato ama ay soo gabagabowdo xaaladdii sababtay in tallabadaasi ay qaadato qaramada midoobay ,waxa uu na intaasi raaciyay In haddii si wacan loo hubeyn lahaa ciidamada amaanka ee dowladda soomaaliya garabna lagu siin lahaa in ay tagto Magaalada Muqdisho xaalku uusan heerkan gaareen Ugu dambeyntii waxa uu waziirku sheegay In ay marti qaad u fidiyeen Golaha maxaakimta islaamka iyo Madaxda dowladda soomaaliya si ay wada hadal ugu qaataan dalka yaman Isagoo sheegay in ay ilaa iyo haatan diyaar u yahay dalka yaman inuu Marti galiyo wadaxaajoodka qeybaha soomaalida.
  9. The pro-sharia idea is great and caabudwaaq is in the right direction nabaad iyo barwaaqo to all cabuudwaq ppl .. horn maybe we will witness golaha shuurada in jubba perhaps it will include many repentent ex-alliance loool
  10. Well maybe the north region ppl need a little introduction of the shariica law-free from violation of laws and creates justice through courts that meet the demands of the ppl in generall the poor. Hows al-badbaado doing in putland ??
  11. what maps is this with the island.. i might think its no-mans island since there is no reported peeps how old is this map anyway??
  12. nice pics beautiful .ceergaba looks good more pics keep post
  13. ^^ i'll keep post when they get in but the story is based on the happenings of inside xamar bro..
  14. Tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay la wareegeen gacan ku-haynta Magaalaada Muqdisho Golaha Maxaakiimta islaamiga ah ayaa waxaa soo badanayay is ticmaalka iyo keenista baabuurta yar yar ee lagu raaxaysto sida kuwa loo yaqaano Mark-2, Runetka, Bajeeraha, iyo Camry waxaana qasab noqotay in ay yaraato wadooyinka waaway ee magaalada muqdisho in ay noqdaan firaaqo sida kan wadnaha, sodonka, iyo midka hormara ex. baarlamaankii hore. Hadaba keenista iyo wadista baabuurta ayaa waxay noqotay mid iska caadi ah oo aan sharci ahayn maxaa yeelay waxaa looga baahan yahay wadaha baabuurka ama darawalka baabuurka in uu ka haysto dowlada hose leesin ama batante waxaana macquul ah hada darawalada baabuurta ku dhexwada soomaaliya in aysan haysan 60% wax leesin ah taasina ay keentay in ay noqdaan wadooyinka magaalada muqdisho kuwo zaxmad ah. Marka aad marayso wadooyinka ayaad waxaad dareemi kartaa in ay soo bateen isticmaalka baabuurta 6-dii bilood ee ugu danbaysay oo ay la wareegeen gacanku haynta magaalada golaha maxaakiimta. Waxaa lagu qiyaasay baabuurta soo gashay magaalada muqdisho tan iyo wixii ka danbeeyay la wareegista maxaakiimta ku dhawaad 1000-baabuur waxaana keenay isticmaalka baabuurta amaanka ku soo kordhay magaalada Muqdisho kuwo awal amaandaro u xaraysnaa iyo kuwo haatan laga gadanayo meelaha laga beeciyo baabuurta. http://www.galgaduud.com/baabuurta.htm
  15. Tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay la wareegeen gacan ku-haynta Magaalaada Muqdisho Golaha Maxaakiimta islaamiga ah ayaa waxaa soo badanayay is ticmaalka iyo keenista baabuurta yar yar ee lagu raaxaysto sida kuwa loo yaqaano Mark-2, Runetka, Bajeeraha, iyo Camry waxaana qasab noqotay in ay yaraato wadooyinka waaway ee magaalada muqdisho in ay noqdaan firaaqo sida kan wadnaha, sodonka, iyo midka hormara ex. baarlamaankii hore. Hadaba keenista iyo wadista baabuurta ayaa waxay noqotay mid iska caadi ah oo aan sharci ahayn maxaa yeelay waxaa looga baahan yahay wadaha baabuurka ama darawalka baabuurka in uu ka haysto dowlada hose leesin ama batante waxaana macquul ah hada darawalada baabuurta ku dhexwada soomaaliya in aysan haysan 60% wax leesin ah taasina ay keentay in ay noqdaan wadooyinka magaalada muqdisho kuwo zaxmad ah. Marka aad marayso wadooyinka ayaad waxaad dareemi kartaa in ay soo bateen isticmaalka baabuurta 6-dii bilood ee ugu danbaysay oo ay la wareegeen gacanku haynta magaalada golaha maxaakiimta. Waxaa lagu qiyaasay baabuurta soo gashay magaalada muqdisho tan iyo wixii ka danbeeyay la wareegista maxaakiimta ku dhawaad 1000-baabuur waxaana keenay isticmaalka baabuurta amaanka ku soo kordhay magaalada Muqdisho kuwo awal amaandaro u xaraysnaa iyo kuwo haatan laga gadanayo meelaha laga beeciyo baabuurta.
  16. November -05 -2006 HornAfrik, Mogadishu, Somalia . Golaha maxaakiimta Islaamka iyo maamul goboleedka Puntland ayaa siyaabo kale duwan uga hadlay dagaal ciidamada labada dhinac maanta ku dhexmaray nawaaxiga deegaanka Galinsoor ee gobolka Mudug. Shirar jaraa'id oo ay ku kala qabteen magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo mas'uuliyiin ka kala tirsan golaha maxaakiimta Islaamka iyo maamul goboleedka Puntlnad ayaa dhinacba dhinaca kale ku eedeeyey qaabka uu dagaalka uga dhacay tuulada Farcaano oo ku taalo duleedka magaalada Galinsoor. Madaxa ammaanka golaha maxaakiimta Islaamka Sh. Yuusuf Maxamed Siyaad “Indha cadde ayaa sheegay in fadhiisimada ciidamadooda ay soo weerareen ciidamada maamul goboleedka Puntlnad halka wasiirka dowladaha hoose iyo hormarinta reer miyiga Cali Cabdi Awaare uu ka beeniyey arrintaas. Sh. Yuusuf Indha cadde oo sheegay in aanu jirin wax khasaaro ah oo soo gaaray ciidamada maxaakiimta Islaamka ayaa tilmaamay in masaafo sidaa u kala fogeyn ay isku jiraan labada dhinac. Maamul goboleedka Puntlnad iyo maxkamadaha islaamiga ayaa maalmahan dambe is dhaafsanayey weeraro dhinaca afka oo ay warbaahinta isku marsiinayeen iyadoo madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Gen. Cadde Muuse iyo golihiisa wasiirada ay soo buuxiyeen magaalada Gaalkacyo ee bartamaha Soomaaliya. Arrintaas oo sababteeda tahay si ay isaga difaacaan waxa ay ku tilmaameen weeraro daandaansi ah oo ay maxkamadaha Islaamka la damacsan yihiin magaalada Gaalkacyo oo ku taala bartamaha dalka Soomaaliya. Wasiirka dowladaha hoose ee maamul goboleedka Puntlnad Cali Cabdi Awaare oo ka mid ah xubno wasiiro ah oo kulamo wada tashi ah Gaalkacyo kula yeelanayey dadwaynaha halkaas ku sugan ayaa HornAfrik u sheegay in dagalka ka dhacay duleedka Galinsoor uu yahay mid halkaas ku dhexmaray ciidamo ka wada tirsan maxkamadaha Islaamka oo Puntlnad ciidamadeeda aaney ka dhaqaaqin fadhiisamadooda magaalada Gaalkacyo. Hore ayaa maxkamadaha Islaamka waxa ay ugu eedeeyeen maamul goboleedka Puntlnad iyo weliba ciidamo uu watay Col. Cabdi Qeybdiid inay fadhiyaan magaalada Bandiiradley iyadoo wasiirka dowladaha hoose iyo horumarinta reer miyaga uu arrintaas qiray in ciidamo Cabdi Qeybdiid taageersan ay ku sugan yihiin deegaanka Bandiiradley. Waxaa jirta cabsi weyn oo laga qabo in magaalada Gaalkacyo uu dagaal ku dhexmaro maamul goboleedka Puntlnad iyo ciidamo taabacsan golaha maxaakiimta Islaamka iyadoo hore ay u jirtay maxkamad Islaami ah oo looga dhawaaqay dhinaca Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo islamarkaana mas'uuliyiintii kaga dhawaaqay qaarkood ay yimaadeen magaalada Cadaado si ay gacan uga helaan golaha maxaakiimta Islaamka waxaana labadii maalmood ee la soo dhaafay ku qulqulayey dhinaca Galinsoor ciidamo taabacsan maxkamadaha Islaamka
  17. Iska horimaad sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa waxa uu ku dhex maray saakay ciidamo ka tirsan Maxkamadaha iyo kuwa Puntland oo ay wehliyaan xoogag taabacsan Cabdi Qeybdiid agagaarka deegaanka Galinsoor ee gobolka Mudug. Cali cabdi Awaare iyo Sheekh Yuusuf Indho Cadde Madaxa waaxda amaanka ee Maxkamadaha islaamka Sheekh Yuusuf Indho cadde ayaa ku eedeeyay ciidamada Puntland in ay duulaan ku soo qaadeen fariisin ciidamada maxkamadaha islaamka ay ku lahaayeen agagaarka Galinsoor, isagoo sheegay in ay iska caabiyeen. Sheekh Yuusauf Indho cadde oo shir jraa'id ku qabtey magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in uusan jirin wax qasaaro ah oo ka dhashay weerarkaasi oo uu ku eedeeyayin Puntland ay ku soo qaaday agagaarka Gelinsoor. Sheekh Yuusuf Indho cadde ayaa sheegay in Puntland ay weerarkaasi kaga gol leedahay in shacabka ku dhaqan Puntland ay tustay in maxkamadaha ay yihiin qabiil doonaya in ay qabsadaan si la isaga horkeeno maxkamadaha iyo shacabkaasi, isagoo ku celiyay in maxkamadaha islaamka aanu weerar ku aheyn Puntland. Waxa uu sheegay in labada ciidan ay isku jiraan meel isku muuqata, ayna ku amreen ciidamadooda in aaneey wax jawaab ah ka bixin weerarka uu sheegay in saabay lagu soo qaaday hadii aan mar kale lagu soo duulin. Sheekh yuusuf Indho cadde ayaa sheegay in maxkamadaha islaamka ay taageersan yihiin maxkamaddii dhowaan laga furey Puntland, isagoo sheegay in ay bilow u tahay maxkamado islaami ah oo dhowaan looga dhawaaqay Puntland. Shacabka Puntland ayuu ku amaanay in ay yihiin dad nabadda jecel, isagoo boqorada iyo salaadiinta reer Puntland kula taliyay in ay ka hortagaan dhibaato uu sheegay in uu wado madaxweynaha MG Puntland Cadde Muuse, isagoo xusay in maxkamadaha hadii ay duulaan ku yihiin Puntland aysan joogi laheyn 4 bilood gobolada dhexe. Qorshaha Puntland ee maxkamadaha damacsan yihiin waxa uu ku sheegay in uu yahay sidii dadka ay uga dhaadhicin lahaayeen ku dhaqanka shareecada islaamka. Laakiin Maamul goboleedka Puntland ayaa dhinac isaga riixay wararka ka soo eedeymaha ka soo yeeray Maxkamadaha ee sheegaya in ciidamo Puntland ay ay weerar ku qaadeen fariisin ay dagan yihiin xoogagga maxkamadaha islaamka. Wasiirka horumarinta iyo reer Miyiga MG Puntland Cali Cabdi Awaare ayaa beeniyay wararkaasi, ka dib hadalo uu siiyay saxaafadda. Awaare waxa uu sheegay in wax lala yaabo ay tahay eedeymahaasi, isagoo yiri" Puntland weerar ma ahan balse waa difaac". Cali Cabdi Awaare ayaa ku tilmaamay shirka Jaraa'id ee Indho cadde uu qabtey uu mid macnihiisu yahay in maxkamadaha islaamka ay weerar ku yihiin gobolada Puntland. Deeganka Galinsoor ayaa waxa uu 90 km u jiraa magaalada galkacyo, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ciidamada Puntland iyo kuwa Cabdi Qeybdiid ay abaabulo dagaal ka wadeen deegaanka Bandiiradleey oo wax yar u jira deegaanka Gelinsoor. Iska horimaadkaan ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli gobolada Puntland laga cabsi qabo in ay ka dhacaan kacdoono ka dhan ah maamulka Puntland, iyadoo Maxkamad islaami ah oo ay leeyihiin dad ka soo jeeda Puntland lagaga dhowaaqay magaalada Galkacyo.
  18. Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada maxaakiima iyo kuwa taabacsan Col Cabdi Qeybtiid iyo Puntlnad oo ka dhacay deegaano u dhow Galinsoor November -05 -2006 HornAfrik, Mogadishu, Somalia . Dagaalkan oo 7:00 subaxnimo dhexmaray laba ilaalo oo ka kala tirsan ciidamda maxaakiimta islaamka ee ku sugan gobolada dhaxe gaar ahaan deegaanka Farcaano iyo ciidamo isku dhaf ah oo kala taageersan Col. Cabdi Qeybdiid iyo maamulka Puntland ayaa ka dhacay tuulada Farcaano oo 13km u jirta deegaanka Bandiiradley. Labada ciidan ayaa isku adeegsaday qoryaha fudud iyo kuwa waaweyn waxa uuna dagaalkaas socday muddo nus saac ah sida ay HornAfrik u xaqiijiyeen qaar ka mid ah mas'uuliyiinta maxaakiimta oo joogay goobta uu dagaalka ka dhacay. Taliye ka tirsan taliyaasha ciidamada maxkamadaha oo codsaday in aan la magacaabin ayaa sheegay in Saddax ka mid ah ciidankii ka soo horjeeday ay ka geeriyodeen iyadoo dhinaca maxkamadahana uu sheegay in aaney waxba soo gaarin. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in dad reer guuraa ah oo deganaa aaga ay colaada ka dhacday ay ka qaxeen deegaanadaas. Inkasta oo aaney jirin warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashadan iyo cidda lagu soo qaaday weerarka iyadoo labada ciidan ay isku jiraan masaafo aan kala fogeyn taas oo sababi karta in si fudud uu mar kale dagaal uga qarxo. Deegaanada ay colaada ka dhacday ayaa ah kuwa ku teedsan laamiga iyadoo suuragal tahay inay hakad galiyaan isu socodka gaadiidka iyo dadka wadadaas isticmaala.
  19. Iska horimaad sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa waxa uu ku dhex maray saakay ciidamo ka tirsan Maxkamadaha iyo kuwa Puntland oo ay wehliyaan xoogag taabacsan Cabdi Qeybdiid agagaarka deegaanka Galinsoor ee gobolka Mudug. Cali cabdi Awaare iyo Sheekh Yuusuf Indho Cadde Madaxa waaxda amaanka ee Maxkamadaha islaamka Sheekh Yuusuf Indho cadde ayaa ku eedeeyay ciidamada Puntland in ay duulaan ku soo qaadeen fariisin ciidamada maxkamadaha islaamka ay ku lahaayeen agagaarka Galinsoor, isagoo sheegay in ay iska caabiyeen. Sheekh Yuusauf Indho cadde oo shir jraa'id ku qabtey magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in uusan jirin wax qasaaro ah oo ka dhashay weerarkaasi oo uu ku eedeeyayin Puntland ay ku soo qaaday agagaarka Gelinsoor. Sheekh Yuusuf Indho cadde ayaa sheegay in Puntland ay weerarkaasi kaga gol leedahay in shacabka ku dhaqan Puntland ay tustay in maxkamadaha ay yihiin qabiil doonaya in ay qabsadaan si la isaga horkeeno maxkamadaha iyo shacabkaasi, isagoo ku celiyay in maxkamadaha islaamka aanu weerar ku aheyn Puntland. Waxa uu sheegay in labada ciidan ay isku jiraan meel isku muuqata, ayna ku amreen ciidamadooda in aaneey wax jawaab ah ka bixin weerarka uu sheegay in saabay lagu soo qaaday hadii aan mar kale lagu soo duulin. Sheekh yuusuf Indho cadde ayaa sheegay in maxkamadaha islaamka ay taageersan yihiin maxkamaddii dhowaan laga furey Puntland, isagoo sheegay in ay bilow u tahay maxkamado islaami ah oo dhowaan looga dhawaaqay Puntland. Shacabka Puntland ayuu ku amaanay in ay yihiin dad nabadda jecel, isagoo boqorada iyo salaadiinta reer Puntland kula taliyay in ay ka hortagaan dhibaato uu sheegay in uu wado madaxweynaha MG Puntland Cadde Muuse, isagoo xusay in maxkamadaha hadii ay duulaan ku yihiin Puntland aysan joogi laheyn 4 bilood gobolada dhexe. Qorshaha Puntland ee maxkamadaha damacsan yihiin waxa uu ku sheegay in uu yahay sidii dadka ay uga dhaadhicin lahaayeen ku dhaqanka shareecada islaamka. Laakiin Maamul goboleedka Puntland ayaa dhinac isaga riixay wararka ka soo eedeymaha ka soo yeeray Maxkamadaha ee sheegaya in ciidamo Puntland ay ay weerar ku qaadeen fariisin ay dagan yihiin xoogagga maxkamadaha islaamka. Wasiirka horumarinta iyo reer Miyiga MG Puntland Cali Cabdi Awaare ayaa beeniyay wararkaasi, ka dib hadalo uu siiyay saxaafadda. Awaare waxa uu sheegay in wax lala yaabo ay tahay eedeymahaasi, isagoo yiri" Puntland weerar ma ahan balse waa difaac". Cali Cabdi Awaare ayaa ku tilmaamay shirka Jaraa'id ee Indho cadde uu qabtey uu mid macnihiisu yahay in maxkamadaha islaamka ay weerar ku yihiin gobolada Puntland. Deeganka Galinsoor ayaa waxa uu 90 km u jiraa magaalada galkacyo, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ciidamada Puntland iyo kuwa Cabdi Qeybdiid ay abaabulo dagaal ka wadeen deegaanka Bandiiradleey oo wax yar u jira deegaanka Gelinsoor. Iska horimaadkaan ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli gobolada Puntland laga cabsi qabo in ay ka dhacaan kacdoono ka dhan ah maamulka Puntland, iyadoo Maxkamad islaami ah oo ay leeyihiin dad ka soo jeeda Puntland lagaga dhowaaqay magaalada Galkacyo.
  20. Originally posted by Ahmed_Guree: So know C/Qaybdiid is fighting USC????? No saxiib he's not usc or anything like that he's mujriim and will be captured soon insha alla
  21. waxa ay tahey filim beeeeeeeen ah maxakimta aya lala rabaa iney dalkaa hantiyayn sidi dowlaad lo heli laha marka wa iska dheh kelia ^ me hows the north kacdoon saxiib
  22. good pics haa whers the other stooges in the government?