General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. ^^^Puntland is so vast, that one can not know most of its towns. Alhamdulilah. Adeer I like you I hope your hatred for Puntland does not consume you.
  2. We got it from the horses mouth. They can build nothing nor contribute to the city. All they gained was death and more is to come. iyo waagii ay beesha...... ay gacanta ku dhigtay gacan ku haynta magaalada Kismaayo 8 sano ka hor ayay Kismaayo ahayd mid ku jirta walaahow iyo iska dabawareeg. Beesha.... kumay aysan guulaysan inay ka faa'iidaystaan khayraadka dhex ceegaaga magaalada kismaayo, dad kalena umaysan ogolaan inay wax ka yiraahdaa. lol The one thing I would add is they never controlled the city it was the twins of Galgaduud who brought the drought to Shabble and Juba's/
  3. SOURCE Faallo: Waxaan dhimasho ahayn ..... kalama kulmin Kismaayo Posted by Abu-raas Monday, July 02 @ 06:15:25 PDT Tan iyo waagii ay beesha...... ay gacanta ku dhigtay gacan ku haynta magaalada Kismaayo 8 sano ka hor ayay Kismaayo ahayd mid ku jirta walaahow iyo iska dabawareeg. Beesha.... kumay aysan guulaysan inay ka faa'iidaystaan khayraadka dhex ceegaaga magaalada kismaayo, dad kalena umaysan ogolaan inay wax ka yiraahdaa. Soomalidu waxay ku maah-maahdaa "ama tala keen ahow ama tala raac". ......oo ah dad dagaal u joog ah haysashada Kismaayo waxba kuma aysan soo kordhin. Shakhsiyaad iyagu dano gaar ah leh mooyaane, ....... waxaan dhimasho iyo colaad ahayn Kismaayo kalama uusan kulmin. Kismaayo waa magaalo ay ku nooshahay qowmiyado aad u tiro badan. Qowmiyadahaas oo taariikh ahaan ka fac wayn beelaha ku hardamaya gacan ku haynteeda ayaa ah kuwo iyagu wax xuquuq ah anaan ku lahayn lagalana tashan maamulka Magaalada. Dhurwaa daalay dagaalkiisaa loo tagaa waa waxyaabaha aan anigu shakhsiyan saadaaliyey inay dadkani noqon doonaan, hadaan loo ogolaan xuquuqdooda. Sheegashada Kismaayo anagaa leh, waxba tari mayso hadaan waxba laga faa'iidayn. Dhulka ilaah baa leh, nacfigiisana inta ku dhex nool baa leh. Haddii aanan waxba la manaafacadayn sheegashadiisu wax micno ah samayn mayso. Ilaa iyo hadda waxaa Kismaayo dhex yaaca maleeshiyo beeleed aanan cidina ka amar qaadan oo ku raran qoryo waawayn. Caadadoodu waa inay habaynkii oo dhan soo jeedaan, intii dhib dadka ugu filana gaysta. Mararka qaarkood waxaabad is dhahaysaa dadkan inay wax maamulaan loogumaba talagalin inay dagaalamaan mooyaane. Hadaba aan is waydiino shakhsiyaad fara ku tiris ah mooyaane..... muxuu kala kulmay Kismaayo?. Anigu jawaabtaydu waa "WAXBA, DHIMASHO KALIYA". Abu-raas Nairobi Gedoweb Online
  4. Midowga Yurub Oo Rajo Ka Muujiyey Marxaladaha Somalia, Dhaqaale Kalana Ku Yaboohay. Posted to the Web Jul 03, 07:54 NAIROBI (Soomaalinews) - Safiirka gaarka ah ee Ururka Midowga Yurub ugu wakiilka ah Arrimaha dalka Somalia, Georges-Marc Andre, ayaa rajo ka muujiyey in laga wadashaqeyn karo Xababd joojin iyo suurtagalnimada Hawlgalka Ciiddamadda Nabad-ilaalinta Jamciyadda Qurumaha ka dhaxaysa lagu wado in ay ka fuliyaan Somalia. Ambassador Andre, oo dhawaan ku biiray Diplomaasiyiin dusha ka ilaalaynaysa xiriirka uu Caalamka la leeyahay dalka Somalia, ee xarumaha ku leh Caasimadda Kenya ee Nairobi, ayaa yiri “Dabayaaqada maalintii, waxaan rajaynaynaa inay Ciiddamadda Nabad-ilaalinta Afrikaanka inay hal meel isugu soo ururi doonaan, balse taasi oo ay jirto Xabbad joojinta waa mid muhiim ah”. Diplomaasiyiinta Reer Europe iyo kuwa kale waxay ka wada shaqeynayaan sidii loo samayn lahaa xaalladaha ka jira dalka Somalia. Danjiruhu waxa uu sheegay inuu rajeynayo inay Hoggaamiyayaasha Ururka Midowga Afrika ee ku kulansan Caasimadda dalka Ghana ee Akra awoodi karaan in la dardar-geliyo Hawlgalkooda ka socda gudaha dalka Somalia, inkastoo ay muhiimad leedahay sidii loo dhamaystiri lahaa colaadaha ka aloosan Gobalka Daarfuur ee galbeedka dalka Sudan, sida uu xusay. Ambassador Andre, waxa uu sidoo kale yiri “Ururka Midowga Afrika “AU”-da waa inay sii wadaan inay kaalin weyn ka ciyaaraan Arrimaha dalka Somalia. Gobalka Daarfuur ee galbeedka Sudan waa xaallad khatar ah, laakiin waxaan maqlay iyo waxaan goobjoogga u ahay, Arrinta dalka Somalia waxay aad ugu weyn tahay Ajendaha Caalamka marka lagu daro Arrinta Gobalka Daarfuur” . Waxa uu sidoo kale Danjiruhu ka warbixiyey in Ururka Midowga Yurub uu goor sii horaysayba adduun dhan 200,000 oo Lacagta Euro-ah ku maalgeliyey Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Soomaalida ee Muqdisho ka furmaya, balse dib u dhacay ilaa muddo Saddex jeer. "Waxaan haatan diyaarinaynaa ilaa Labo Million oo Lacagta Euro-ah oo lagu kharaj-garaynayo shirka" ayuu hadalkiisa kusoo afmeeray Safiirka gaarka ah ee Ururka Midowga Yurub ugu wakiilka ah Arrimaha dalka Somalia, Georges-Marc Andre. Xafiiska Wararka Soomaalinews
  5. Beesha caalamka oo soomaliya soo gaarsiisey deeq lacageed Written by Osman Dhayib Tuesday, 03 July 2007 C/kariim Laqanyo ayaa waxa uu sheegay in dalalka qarashka bixiyay ay ka mid tahay dowladda Engriiska oo bixisay dhaqaale loogu talo galay howsha nabad ilaalinta, inkastoo aanu sheegin inta ay dhan tahay lacagtaasi. Dowladda Talyaaniga ayuu sheegay in ay bixisay lacag gaareysa 10 Million oo doollar oo loogu talo galay in lagu taageero ciidamada Midowga africa ee Somalia. Midowga Yurub ayaa waxa uu sheegay in iyana ay bixiyeen qeyb ka mid ah 13 Million oo ay u balan qaadeen ciidamada nabad ilaalinta taas oo qeyb ka mid ah ay ku rideen sanduuqa ururka Midowga africa. Safiirka Somalia u fadhiya ururka Midowga Africa C/kariim Faarax Laqanyo ayaa waxa uu sheegay in dowladda Nigeria ay bixisay lacag gaareysa 2 Million oo dollar halka Faransiiska uu balan qaaday in dhiniciisa uu ka taageerayo xagga qalabka ciidamada Midowga Africa ee Somalia la keenayo. Mr. Laqanyo ayaa waxa uu sheegay in Ra'isulwasaare Geedi uu Somalia u matalayo kulan madaxeedka Midowga Africa, isagoo kulamo la qaatay madaxda wadamada Africa qaar ee loo idmay in Somalia ay u diraan ciidamo nabadda Ilaaliya, kuwaasi oo ay ka mid yihiin dowladaha Burundi, Ghana, Nigeria iyo Mallawi, iyadoo uu sheegay in Madaxweynaha cusub ee Nigeria uu ka cudur daartay ciidamadii ka imaan lahaa dhinaca dalkiisa sababo la xiriira isagoo wali aan dhameystirin xukuumaddiisa cusub. Midowga Africa ayaa kal hore waxa uu isku raacay in Somalia ay u diraan ciidamo gaaraya 8 kun oo askari waloow aanu ku guuleysan in Somalia ay u soo diraan wax ka badan 1500 oo askari oo ka socda dalka Uganda.
  6. ^^^lol. The story is untrue but things will not be looking up for the minortiy armed groups of Gedo. The question is not about Kismayu, thats not even the debate but will they even hold Bardheere for long?
  7. Going back to the recent past.. Murder, slavery, beatings, theft in Somalia Ali Musa Abdi June 23, 1995 MOGADISHU, June 23 (AFP) - Farmers in Somalia's fertile lower Shabelle region came forward Thursday to tell stories of an area ostensibly at peace but where they say militiamen beat, murder, enslave, tax, steal and expropriate. The farmers added that they ended up thanking the gunmen -- loyal to south Mogadishu warlord Mohamed Farah Aidid -- for not killing them. These crimes continued untill the TFG liberated this region and for the firts time handed the admin over to the locals.
  8. ^^^Well I did with my young family. It was my child's first Independence day, and I want her to understand throughout her life how important her nation is to her father and mother. The Minneapolis event was nice and the day was trully pleasent. Somalia is getting better and insha Allah by the time she turns 50 things will be much improved and clear to the average joe.
  9. Ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo ku jiray xerooyinka Balli Doogle iyo Daynuunay oo howlo amaan sugid ah ka bilaabay Shabeelaha Hoose. Ciidamada xoogga dalka ee dhawanahanba ku jiray xerooyinka kala ah Daynuunaay iyo Balli Doogle ayaa maanta lagu faafiyay deegaanada uu ka kooban yahay gobalka Shabeelaha Hoose,halkaasoo ay amaan sugid ka bilaabeen. Howlgelinta ciidamadan ayaa waxaa ay ka dambeysay kaddib markii dhawaanahan ay maliishiyooyin hubeysani falal burcadnimo ah iyo dilalba ka wadeen deegaanno kala duwan oo ka tirsan gobalka Shabeelaha Hoose,waxaana ujeedada ciidamdan loosoo fasaxay ay tahay in ay xaqiijiyaan amaanka Gobalka. warar ku dhow dhow masuuliyiinta maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamadani ay fariisin rasmi ahaaneed ka dhigan doonaan xerada tababarka Laanta Buuro oo kadibna ay ay ka howl bilaabi doonaan meel kasta oo gobalka ka mida oo lagasoo sheego amaan darro. Dadweynaha ku nool gobalka Shabeelaha hoose ayaa si weyn usoo dhaweeyay howlgalka ciidanka xooggu ay maanta ka billaabeen gobalka Shabeelaha hoose,oo lagu adkeynayo amaanka deegaanka ,islamarkana lagu shiiqinayo kooxo qaswadayaal ah oo gobalka ku dhuumaaleysta ayna ku jiraan taageerayaasha maxkamadihiibeelaha midoobay ee laga awoodda roonaaday. Xafiiska war qabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdiswho. Contact:info@carmooyin.com or carmooyin@hotmail.com
  10. Ciidamo Loogu Talgaley Gobolka Shabeellada Hoose oo Soo Gaarey Laanta-Buuro. 07/02/07 Aadan Cusmaan - DMC-Muqdisho Muqdisho [DMC] Julay 2007. Ciidamo Militeri ah oo muddo 6 bilood ah Carbis meliteri ku qaadanaayey Goroonka Balli-Dooglle ayaa saaka laga soo qaadey halkaas, kuwaas oo ku hakanaya Xabsigii hore ee Laanta-Buuro halkaas oo lagu siin doono agabka Ciidan ee ay ku howlgali lahaayeen. Ciidamadan oo tiradoodu tahay hal Guuto oo militeriga Soomaaliya ah ayaa waxaa loogu talagaley inay sugaan ammaanka Gobolka Shabeellada Hoose oo dhowaan ay ka dhaceen shaqaaqooyin ku saabsan isqabsi maamul kaas oo markii dambe keeney in isku shaandheeyn lagu sammeeyo maamulka. Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Dr. C/Qaadir Sheekh Maxamednuur ayaa Shabakadda DMC u xaqiijiyey warkan, wuxuuna sheegey in degmo kasta la geyn doono qeyb ka tirsan Ciidamda haatan soo gaarey Gobolka maamulada degmo kastana ay si toos ah u billaabi doonaan shaqooyinkooda caadiga ah. Wararka aan ka heleyno Gobolka ayaa sheegaya in mas’uuliyiin ka tirsan maamulka islamarkaasna ka mid ahaa kuwii Gobolkaas muddo hore gacanta ku hayey ay codsadeen in Ciidankaas dib loo dhigo illaa laga soo xareeyo malleeshiyaadka halkaas haysan jirey hase yeeshee ilo wareedyo aad ugu dhow hoggaanka sare ee Gobolka ayaa sheegaya in laga diidey codsigaas. Sidoo kale wararka aan ka heleyno Gobolka ayaa sheegaya in hub badan iyo Ciidamo kaleba la geeyey Gobolka Jubada Hoose taas oo ay sameeynayaan qeybo ka mid ah maamulka hase yeeshee ka mid ahaan jirey Isbaheysiga Dooxada Jubba oo haatan dib isugu abaabuley Gobolka Jubada Hoose. War aan ka heley ilo aad loogu kalsoonaan karo ayaa tibaxaaya in hub iyo ciidan lagu daabuley doonyo kuwaas oo sida la sheegey la geeyey magaalada Kismaanyo. Warka ayaa intaas ku daraya abaabulka Ciidamadaas inuu hormuud ka yahay Dhuxuloow oo haatan noqdey Guddoomiye Kuxigeenka 3aad ee Degmada Baraawe. Qaar ka tirsan mas’uuliyiinta Gobolka oo aan arrintaas wax ka weydiyey ayaa noo sheegey inay ka war hayaan dhaqdhaqaaqyada Ciidan ee haatan laga wado Gobolka. Sidoo kale mas’uuliyiinta codsadey in Ciidamada dib loo dhigo ayaa waxa ka mid ah Jaamac Baloow oo ah Kuxigeenka Gobolka ee Arrimaha Bulshada. Si kastaba ha ahaatee codsiga mas’uuliyiinta Gobolka ee ka mid ahaan jirey maamulkii hore ayaa sida la sheegey salka ku haysa cabsi ay ka qabaan Ciidamada Militeriga oo ay ku badan yihiin dadka u dhashey Gobolka kuwaas oo muddo dheer sugaayey inay dhulkooda dhinaca nabadgelyada maamulka ay gacan ku siiyaan. Warar ayaa sheegaya inay mas’uuliyiinta qaarkood ay ku doodeen in Ciidamadas oo u badan beelaha Gobolka ay ku kaci karaan falal aar gudasho ah taas oo aan gacan siineynin bay yiraahdeen habsami u socodka maamulka Gobolka. Hase yeeshee waxaa dad badan oo Gobolka oo warkaas ku baraarugey isweydiyeen waxaa looga baqanayo Ciidanka qaranka ee iskugu jira dhamaan beelaha Soomaaliyeed haba lagu kala badnaadee. Sidoo kale codsiga mas’uuliyiintan oo xitaa gaarey saraakiisha sare ee Ciidanka iyo qaar ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa lagu sheegey inay ku xiran tahay Mas’uuliyiinta Sare ee Gobolka iyo Degmooyinka inay ka timaaddo Codsiga dib u dhigisa Ciidamadu. Barasaabka Gobolka oo aan weydiiney codsigas ay soo jeediyeen xubanaha maamulkiisa ku jira ayaa sheegey inaan marnaba dib loo dhigeynin Ciidanka islamarkaasna ay la’aantooda shaqeyn karin, wuxuuna ku nuuxnuuxsadey inaan marnaba dib loo dhigi karin geeyista ciidanka islmarkaasna ay ku yimaadeen codsigooda hore. Waxaa durbadiiba soo ifbaxdey kala qeybsanaanta dhinaca fikirka ee maamulkii hore ee Indha-cadde iyo kuwa cusub oo uu horkacayo Dr. Siiddi waxayna aakhirkii sababi kartaa inay isla shaqeyn wayaan. Shabakadda Warbaahinta DMC Muqdisho Aadan Cusmaan Bokoola@hotmail.com.Tel:0025215570222 & 0015672447024
  11. Degmada Marka oo howlo nabadeed u ay aadeen Cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda FS. (WYNET)Marka:-Magaalada Marka ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa lagu soo waramayaa inay ku wajahan yihiin cutubyo ka tirsan ciidamada dawlada FS oo sida la sheegay loogu tala galay inay wax ka qabtaan ammaanka iyo kala danbayta gobolada shabeelooyinka iyo Jubbooyinka. Magaalada marka oo ah Xarunta Gobolka Sh/hoose ayaa waxaa lagu tiriyaa Gobolada ugu qalalaase badnaa mudooyinkii dagaalada sokeeye ay ka jireen dalka Soomaaliya , iyadoo maamulo kala duwan ay isaga kala dambeeyeen . Dowladda FS ayaa laba maamul oo mudo kooban kala danbeeyey u magacowday Gobolkaasi oo xaalad xasaasi ah weli lugta kula jira, xilli isbaarooyin tiro badan ay daadsan yihiin wadada , taa oo dhibaatooyin badan ay ku qabaan darawalada ka shaqeysa Gobolada Konfureed , si gaar ahaaneed Gobolada Banaadir, Sh/hoose iyo Jubbooyinka . Xaaladda ammaanka iminka wax weyn ayaa iska badalaya , maadaama tiro badan oo ciidamada dowladda FS ka mid ah ay howlgalo u aadeen Gobolkani Sh/hoose iyo Jubbooyinka . dadka Sh/hoose oo qabiilo kala duwan ah ayaa dareemaya rajo ah in nabadii ay dib u soo laaban doonto mar haddi dawlada FS ay xaalkooda iska xil saartay. Ali Abdi Ali Suheifa Tel: +252-1-5555033 E-Mail: asuheifa@hotmail.com Waayaha.net,Muqdisho,Soomaaliya
  12. Ina Ahmed Yusuf[Dhiig Sokeeye] is not a commander of armed forces thus this news is garbage. If they ahd said, Morgan, Saciid Dheere, Carays, Xiif or ever Afgaduud one might have taken them seriously. Howeve one can understand the fear of the trouble makers, at this point.
  13. 1 Lulyo Helsinki Finland Maanta oo ay taariikhdu ahayd 1.7.2007 waxaa magaalada Helsinki ee caasimada dalka Finland ka dhacay xaflad lagu maamuusayey maalinta xornimada dalka soomaaliyeed. Maanta oo ay taariikhdu ahayd 1.7.2007 waxaa magaalada Helsinki ee caasimada dalka Finland ka dhacay xaflad lagu maamuusayey maalinta xornimada dalka soomaaliyeed. Waxaa munaasabadaas ka soo qayb galay dadweyne soomaaliyeed oo aad u fara badan,dadkaas oo ay ka mid ahaayeen aqoonyahano,odoyaal,dhalinyaro iyo haweenba.Dadka meesh isugu yimi oo ka muuqatay farxad iyo raynrayn wadaninimo, wadajir iyo soomaali iney midowodo ayeey isugu tahniyadeeynayeen. Waxaa kaloo munaasabdan ka soo qaybgalay marti sharaf ajnabi ah kuwaasoo xiiseeya midnimada ummada soomaaliyeed.Waxaa Xaflada ka soo qaybgalay safiirka Dowlada ku meelgaarka ah u fadhiya dalka Finland mudane Cali Qasim Maxamed.Safiira oo xafalada furaya wuxuu u mahad celiyey dadkii xafalada soo qabanqaabiyey iyo dadkii ka soo qaybgal,wuxuu Mudane Cali Qassim Maxamed ummada soomaaliyeed meel kasto oo ay joogto u rajeeyey ineey u midowdo soo celinta kala danbeynta iyo qaranimadii soomaaliyeed. Waxaa munaasabada khudbad dheer oo taariikhda xornimada soomaaliyeed ka jeediyey Aqoonyahay,oday soomaaliyeed Mudane Cabdisalaan Faahiye. Waxaa xaflada waxaa xiriiriye ka ahaa Mudane Yasin Abdi Raage iyo Neo Lilian oo u dhalatay dalka Singabuur waxayna u sharaxaysay martisharafta ajanibiga ah ee ka soo qayabgashay xaflada luuqada ingiriiska. Safiir Ali Qassim Maxamed wuxuu ummada reer Finland iyo kuwa aduunka ku noolba ka codsaday in aan ummada soomaliyeed u ducayno inuu ilaahay u gargaaro ayaga ay isu gargaaraan. Jama Abcdulqadir ( Camow) somembassy@gmail.com
  14. Midowga Yurub oo ammaanay Dawladda Federaalka Soomaaliya Ururka Midowga Yurub ayaa ammaanay tallaabooyinka ay qaadday dawladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan arrimaha shirka dib u heshiisiinta. Ammaanta ay Midowga Yurub u jeediyeen dawladda federaalka Soomaaliya ayaa burineysa eedaymo is daba joog ahaa oo horay uga soo baxay saraakiil ka tirsan ururkaas kuwaas oo eedeeyey dawladda federaalka Soomaaliya. Ninka wakiilka uga ah Soomaaliya ururkaasi oo lagu magacaabo Georges Marc Andre ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya uu ku aammaanayo furfurnaanta ay ka muujisay arrimaha shirka dib u heshiisiinta gaar ahaan ku caasumadda shirkaas lagu casumey xubno ka soo hor jeeda dawladda federaalka Soomaaliya. Waxa uu yiri dawladdu waxa ay waddaa geeddi socod nabadeed, waana tallaabo aad u wanaagsan, waana ugu hambalyeynayaa Madaxweyne Cabduulaahi Yuusuf Axmed. Waxaa kale oo uu wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya uu sheegay in shirka sare ee Ghana uu xoojin doono hawlgalka dawladda federaalka Soomaaliya. Maxamuud Faarax Bile farahbile@hotmail.com