General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. ^^^Clan Courts are highly regarded in Guriceel and maybe, just maybe Cadadado anywehere else is spin. Another victim of murder Maamulihii Iskuulka Imaam Shaafici oo ay kooxo hubeysani toogasho ku dileen maanta Friday, 13 July 2007 Alle ha u naxariistee waxaa maanta kooxo hubeysan toogasho ku dileen maamulihii Iskuulka Imaam Shaafici oo ka mid ah iskuulad ugu waaweyn magaalad Muqdisho gaar ahan Machadyad culuumta kala duwan laga barto. Maamulahan oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Maxamud Cubeyd ayay kooxahani maanta ku toogteen xilli uu dhex marayay Suuqa Caanaha ee degmada Hodon ee magaalada Muqdisho. Qof goob jooge ah ayaa sheegay in saddex nin oo ku hubeysnaa Bastoolada ay soo weerareen marxuumka ayna Rasaas madaxa kala dhaceen isagoo ka soo baxay Masaajid oo ku tukaday Salaaddii Jimcaha kadib. Lma garanyo sababaha ka dambeeya dilka marxuum Yuusuf Maxamuud Cubeyd waxaana galabta lagu wadaa in marxuumka lagu aaso Qabuuraha weyn ee Bakaraat waxaana aad uga xumaaday tacsina u diray qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday maamulka sare ee iskuulka Imaam Shaafici.
  2. New York: UN-ka oo ka hadlay arimaha Shirka Axada Muqdisho ka dhacaya. 14. juli 2007 New York(AllPuntland)- Qaramada Midowbay ayaa waxa ay cod dheer ku taageertay qabsoomida wada hadalada loo dhan yahay ee Maalinta bari ah ka furmaya caasumada Soomaaliya. Xoghayaha Guud ee UN-ka oo war soo saaray ayaa sheegay in ay dawlada Soomaaliya guul utahay qabashada shirkaasi ,ayadoo ay Magaalada ka jiraan wali qaraxyo kala duwan oo ay geysanayaan kooxaha ka soo horjeeda siyaasada dawlada Soomaaliya. Ban Ki Moon ayaa sheegay in looga baahan yahay Madaxda daadihineysa shirkaasi in ay ka fogaadaan waxyaabaha shirka hoos udhigikara ,isla markaana ay ka wada hadlaan sidii dalka Soomaaliya looga saari lahaa dhibaatada mudada uu ku jiray. Dawlada Soomaaliya ayaa waxa ay horay usheegtay in shirka ay ku heshiinayaan beelaha Soomaaliyeed,wuxuuna Xoghayuhu soo dhaweeyey warkaasi isagoo ku tilmaamay in uu yahay mid lugu soo dhameyn karo colaadii Soomaaliya. Hadalkii dhawaan ka soo baxay Madaxweynaha dawlada Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ee ku aadana qabsoomida shirka dibu heshiisiinta Qaran beelaha Soomaaliyeed ayaa wuxuu soo dhaweyn kala kulmay masuulka ugu sareeya Qaramada Midowbay dhinaca caalamka Ban Ki-Moon oo sheegay in ay taasi beesha caalamka tusayso in ay dawlada Soomaaliya ka go'an tahay qabsoomida shirkaasi. Horay Qaramada Midowbay ayaa waxa ay dawlada Faderaalka ee Soomaaliya ugu boorisay in ay qabato shirkaasi oo waqtigiisa ay naga xigto in ka badan 24 saacadood. Warka Qaramada Midowbay ka soo baxay ayaa wuxuu ku soo beegmay ayadoo ergada intii badneyn ay shalay gaareen caasumada Soomaaliya. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
  3. Hiiraan delegates have flown out from Ugas Khalif airport in Beledweyne heading for Adan Cade international. Beledweyne delegates
  4. LSK has a point, however who will listen, those who killed the cleaning ladies and put bombs in which School children lost their lives. 90% of their death count are Mogadishu civilains. They care not and those who cheer for them dont know its their progress they hold back. But they are not of the hook Somali's see what they are. Fake Shiekhs who yesterday were looting the nation and occupiying its fertile lands. Duh, is it Asmara now.
  5. The Shabab termed Sunday's meeting in Mogadishu a Anyone who participates in it is sentenced to death the group said in a posting on its Web site. Now that the Clan Courts in Asmara have vowed to attack the civilian peace loving delegates from across Somalia in the capital Mgadishu. I ask everyone on SOL political section a simple question. Do you support such attacks and why? Please give a yes or no answer followed by a simple reason if any. Duke
  6. Ergooyinkii Punt Land u matali lahayd Shirka Dib u Heshiisiinta Qaran oo soo gaaray Muqdisho. Ergadii Puntland u matali laheyd shirka dib u heshiisiinta beelaha Somaliyeed ayaa goor dhawayd soo gaaray Magaaladda Muqdisho, iyagoo ka soo kicitimay Magaaladda Garoowe ee Caasimadda u ah Dawlad Gobaleedka Punt Land. Ergaddan oo ka kooban 162 Xubnood oo laga soo xulay Beelaha Punt Land ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Garoonka Masuuliyiin ka tirsan Guddiga Abaabulka Shirka Dib u Heshiisiinta Qaran ee la filayo inuu Axadda ka furmo Xaruntii Hore ee Gaadiidka Booliska. Waxaana loo galbiyay Ergadaasi dhinaca Xaafadda C/casiis halkaasoo loogu diyaariyay Ergooyinka Dhismayaashii ay dagi lahaayeen. C/qaadir Nuur Dirir oo hogaaminayay Ergaddan ayaa u sheegay Carmooyin.com markii uu ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade kadib inay ka faraxsan yihiin inay Muqdisho uga soo qayb galaan Shirwayne Qaran. Wuxuuna ku amaanay Dawladda Federaalka Ku Meel Gaarka ah ee Somalia iyo Shacabka Muqdisho inay ka dhabeeyeen Go'aankoodii ahaa in Muqdisho lagu qabto Shirwayne Qaran, taasoo uu sheegay inay meesha ka saarayso Shirarkii Soomaalida loogu qaban jiray Dalalka Dibadda. Ergaddan ayaa Maalmihii la soo dhaafay waxay ku sugnaayeen Magaaladda Garoowe, halkaasoo uu uga socday Siminaar ay ku baranayeen Qaabka ay uga qayb qaadanayaan Dib u Heshiisiinta Soomaali wayn. Waxaana sidoo kale Ergaddan ay Kulamo la soo qaateen Masuuliyiinta Punt Land si ay u difaacaan Doorka Siyaasadeed ee Punt Land ku dhex yeelan karto Soomaali wayn. C/raxmaan Shifti oo ah Afhayeenka Shirwaynaha Qaran ee lagu ballansanyahay inuu Axadda ka furmo Muqdisho ayaa soo dhaweeyay imaanshaha Ergadda Punt Land. Wuxuuse tibaaxay inaysan ahayn Ergooyinkii ugu horeeyay ee ka yimaada Gobaladda Dalka Somalia, isagoo sheegay inay jiraan Ergooyin hore oo ka kala yimid Gobaladda Hiiraan, Shabeeladda Dhexe iyo Gobolo kale. Shifti waxa uu hoosta ka xariiqay inaysan jiri doonin dib u dhac soo wajaha waqtiga loo qabtay Shirwaynaha Qaran oo ku beegan Maalinta Axadda ah. Wuxuuna ku dooday in qalalaasaha haatan ka billawday Muqdisho uusan xagal daacin karin Dib u Heshiisiinta Soomaali Wayn, isagoo Kooxaha Qalalaasha wada ku booriyay inay aqbalaan Cafiskii uu fidiyay Madaxwaynuhu oo ah Fursad Qaali ah, Isla markaana ay waxa ay tabanayaan hor keenaan Soomaali wayn. laakiin ma ahan ayuu yiri in inta Xaafadaha iyo Shacabka laga dhex dhuunto laga tuuro Bambooyin, taasina keeni mayso ayuu yiri Xalka Soomaali. Shirwaynaha Qaran oo Abaabulkiisa uu si xooggan uga socda Muqdisho ayaa la filayaa in Maalinta Axadda ah uu ka furmo Dugsigii Sare ee Booliska, halkaasoo si wayn loo adkeeyay Ammaankeeda. Waxaana Shirwaynahaasi la filayaa in lagu soo afjaro Khilaafaadka Beelaha Soomaalida, Isla markaana ay ka soo baxdo Natiijo wanaagsan oo Soomaali u horseeda Nabad iyo Xasilooni. Xafiiska Warqabadka Carmooyin.com ee Muqdisho
  7. Wishfull thinking, I love the way they gave away the hotel were the Puntland delegates were staying. Thanks very much. However Puntland and the rest of Somalia have paid a huge price for peace and will continue to do so. May Allah (SWT) protect and keep ALL the noble Somali delegates and civilians of Mogadishu from harm and the hands of the evil of these men who have broken the laws of Islam and made innocent Muslim blood theirs to take. Amin/
  8. Here is wagacusub a mouth piece for all things anti-puntland. Ergadii ugu horeysay ee Puntland oo Muqdisho lagu dhaawacay kadib weerar lixaadleh. Muqdisho , Sabti, July , 14 , 2007 Waagacusub.com Sedex ka tirsan ergadii Puntland ee shalay soo gaaray Muqdisho ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen weerar loo adeegsaday baasuukayaal,bambaanooyin iyo rasaasta fudud oo lala beegsaday kolonyo gaadiida oo ay lasocdeen xilli ay marayeen agagaarka Isgoyska Fagax ee Muqdisho. Ergadaan oo si dirqiya ku gaaray Hotelka la dejiyay ee Guuleed waxaa mudo lala beegsanayay tacshiirada xoogan waloow ay Saraakiisha dowlada sheegteen in weerarkaas uusan khasaaro baaxad weyn geysan. Sarkaal u hadlay kooxda Weerarkaas sheegatay oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi ayaa Waagacusub u sheegay inay gubeen gaari ay la socdeen ergo reer Puntland ah hasse yeeshee Saraakiisha Ciidamada Puntland ee Muqdisho ku sugan way beeniyeen sheegashadaas.waxayse qirteen in lagu weeraray agagaarka fagax. Inta badan Muqdisho waxaa ka dhacay weeraro lixaadleh iyadoo dagaal fool ka foola uu xalay kooxo hubaysan ku dhexmaray degaanada Shiirkole Offishaale iyo Fagax. Kooxaha sheegta Muqaawimada Muqdisho ayaa waraaqo digniina ku daadiyay wadooyinka Muqdisho waxayna u digeen qof walba oo ku haminayo inuu ka qaybgalo shirka dib u heshiisiinta Muqdisho ee 15-ka bishaan maalinta qura naga xigto.
  9. Ergada Puntland uga qaybgalaysa shirka beelaha Somalida oo looga acbsi qabo inqabiil ahaan Mudishu loogu ugaarsado Posted to the MOL July 14, 2007, 3:33 am Wararka ka imaanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in Ergada Puntland ee ka qaybgalaysa shirka dib u heshiisiinta beelaha Somaliya ee lagu wado inuu magaalada Muqdishu ka furmo maalinta beri ah looga cabsi qabo ugaarsi uga yimaada kooxaha waxqarxiya. Kooxahaan ayaa horey magaalada Muqdishu qabiil ahaan ugu ugaarsaday saraakiisha, ciidamada, iyo siyaasiyiinta ka tirnsan dawlada KMG ah ee ku sugan magaalada Muqdishu. Wararka ayaa sheegaya in ugaarsiga lagu hayo dadka u dhashay Puntland ee Muqdishu jooga aysan ahayn wax hadda ay ugu horeyso iyadoo horey sannadii 1991-kii dhamaan beelaha dega Puntland laga soo barakiciyay magaalada Muqdishu waxaanse la fileyn in 16 sanno ka dib wali qabiil loogu ugaarsan doono Muqdishu dadka u dhashay beelahaas. Weeraradaan ayaa waxaa inta badan ka dambeeya oo soo abaabula siyaasiyiin u dhashay [ Xasan Dahir's clan] oo hormuud u ahaa maxkadihii Islaamiga ee laga itaalka roonaaday. Arintaan ayaan la ogeyn waxa ay dawlada KMG ahi ka qaban doonto. Mudugonline.com
  10. Somalia on eve of long-awaited reconciliation conference The vanquished Islamists vowed on Friday to disrupt Sunday's meeting and foil any attempt by the government to strengthen its grip on the country. "We will hit the government harder than we did on Wednesday. They are criminals who have sold our country to Ethiopia. We will only talk once our country is free," Islamist commander Maalim Hashi Mohamed reportedly said. Shouting matches and passionate debates are likely, organizers say, but if all goes well, the event should end with handshakes and hugs. "We want this conference to settle all grievances and grudges that each and every Somalian tribe harbors against one another," said conference Chairman Ali Mahdi Mohamed. Mahdi's views were echoed by Somalia's interim President Abdullahi Yusuf, who told reporters on Thursday in Mogadishu that no matter what happens, the conference would go ahead as planned. "No matter how much violence escalates in Mogadishu, our will not be broken. Even if a nuclear bomb explodes in Mogadishu ...the conference will be held as scheduled," Yusuf assured. Similar conferences have helped bring stability to Somaliland and Puntland, two semiautonomous regions in northern Somalia but several attempts at a national conference have not borne fruits. Mahdi, who was briefly president of Somalia in 1991, said they failed because they focused on satisfying warlords and politicians, rather than clan leaders who wield the real power. Critics said organizers have refused to release a formal agenda or lay down the ground rules for debates and voting, leading to confusion about what will occur. "Some want to use the conference to reshuffle the government, electing new members of parliament or even a new prime minister. Others want to focus strictly on clan grievances," said a civil society leader. He said some clans are deeply skeptical about whether the transitional government is serious about reconciliation. "They just want to gather their supporters at the conference and then say to the world that Somalia' s problems are fixed," said a lawmaker who did not want to named. "The organizers have yet to make clear who will select the representatives of the clans," one civil society leader said. "Is it the government or the elders -- and which elders?" His clan will not attend the conference unless government restructuring is discussed, he said. "Given the exclusive nature and haphazard manner in which the conference has been organized it may not even take place," said another lawmaker "With a day to go, various clan and civil society leaders are complaining over representation, selection of delegates and the likely TFG dominance over the conference." For the seventh straight day, explosions have ripped through Mogadishu's famed Bakara Market, where Somali and Ethiopian troops have been hunting for insurgents and illegal weapons. Somali residents say the troops have spent more time looting businesses than protecting citizens. Somalis say the market, like most of the city, has been shut down and under an unofficial, 24-hour curfew. The transitional government has been under intense pressure from Western nations to expand its support base by bringing all Somali parties, including moderate Islamists and powerful clans to the negotiating table. But whether the much-sought unity would be achieved during the conference remains to be seen. Source: xinhuanet
  11. Muqdisho: Ciidamado fara badan oo lasoo dhoobay Degmada C/casiis ee Magaalada Muqdisho. 14. juli 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Ciidamo ka tirsan dawlada Soomaaliya oo taageero Milateri ka helaya dawlada Itoobiya ayaa lasoo dhoobay inta badan Isgoysyada Magaalo Madaxda Soomaaliya. Ciidamadan ayaa waxa ay sugayaan amaanka wadooyinka xili ay Magaalada Muqdisho ku sugan yihiin wafuudyo kala duwan oo ka kala yimid wadamo fara badan ,qaarkood lasheegay in ay yihiin dad Ajnabi ah shirka Muqdishana ka qeybgalaya. Meelaha amaankooda lasugayo ayaa waxaa ka mid ah xarunta lugu qabanayo shirka dibu heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed oo ku taala degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho,ayadoo gabi ahaanba la baarayo gaadiidka galaya degmadaasi gaar ahaana waxaa la baarayaa gaadiidka yar yar iyo kuwa dadweynaha. Saraakiil ka tirsan ciidamada booliska Soomaaliya oo AllPuntland lahadlay ayaa waxa ay sheegeen in hawlahan looga gol leeyahay sidii amaanka ergada loo sugi lahaa ,ayagoo wacad ku maray in ay goobta shirka ka dhigayaan meelo nabdoon oo aysan ka dhicin maalinta shirka oo bari ah wax rabshadaa. Gaadiidka dagaalka oo iskugu jira noocyadiisa kala duwan ayaa waxa ay ahaayeen kuwa Magaalada dhamritaankoodu bilowday galinkii danbe ee Shalay ,ayadoo taasna lasheegay in ka dhigan tahay sida ay Xukuumada Soomaaliya amaanka caasumada Soomaaliya usugayso. Ciidamadan kala duwan ayaa lafilayaa in ay amaanka caasumada oo dhan sugaan ilaa inta laga soo qabanayo kooxaha dawlada Soomaaliya ka soo horjeeda Magaaladana xiliga habeenkii ah madaafiicda dira. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
  12. Shabbele saxib allmudug does not seem too bothered about Mogadishu. While Shabbele are atill angry at last weeks raids.
  13. DFKMG ah oo heshiis shidaal baaris ah la gashey China 13 Jul 13, 2007 - 6:59:10 PM Shirkad shidaalka CNOOC oo laga leeyahay wadanka China ayaa ku guulaysatey in mashruuc shidaal baaris ka fuliso qaybo ka mid ah wadanka Somalia, taas oo hoos ka xariiqeysa sida dowlada china ay u rabto in saliid ay kala soo baxdo wadamada rabshadaha aafeeyeen ee Africa. Saraakiil ka tirsan shirkada CNOOC ayaa bishii la soo dhaafey ee June waxaa ay kula kulmeen Hotel ku yaala magaalada Nairobi xubno ka tirsan DF ah halkaas oo ay go'aan ku gaareen in howsha baarista la bilaabo bisha September. Shirkadaha shidalka Chine ayaa kordhiyay joogitaankooda Africa kuwaas oo raadinaya in ay macaadin u helaan dhaqaalahooda kordhaya iyo sidii ay suuq ugu heli lahaayeen badeecdahooda. CNOOC ayaa shidaal ka soo saartey Sudan 1990 xilligas oo ay dagaalo u dhexeeyeen jabhada Koonfurta iyo xukuumada Khartoum. Heshiiska shirkada CNOOC China la gashey dowlada Fedralka ayaa siinaya xuquqada baarista woqooyiga Mudug halkaas 500km woqooyi barri kaga beegan Muqdisho. CNOOC iyo shirkada kale oo yar CIOG (China International Oil and Gas), ayaa hehsiis ay wax-soosaarka kula qaybsanayaan DFKMG ah la galey May 2006.Heshiiskan ayaa DF siinayay 51 boqolkiiba faai'dada ka soo baxda wax-soo-saarka. Heshiiskan ayaa lagu ansaxiyay kulankii China-Africa oo dhacey November-tii la soo dhaafey, kulankaas ayaa waxaa ka qayb galey Madaxweynaha DFKMG ah Cabdulahi Yusuf. Heshiiskii lagu sixiixey Nairobi June 24 oo ay heshay jariidada afka dheeer ee Financial Times ayaa qaybo ka mid ah waxaa kawada hadley Madaxweyne Cabdulahi Yusuf, wasiirkiisa shidaalka,Chen Zhuobiao madaxa CNOOC ee Africa iyo madaxa CIOG. Diplomaasiyiinta reer galbeed ah oo la socda arimaha Somalia kuwaas oo ku sugan Nairobi oo arkey nuqulo kamid ah heshiiyada DFKMG ah la gashey shirakado baara shidaalka ayaa sheegey, hadiiba ay dhacdo in xaalada Somalia ay samaxdo in la soo saaro shidaal, ay bilaabanayaan muran la xiriira shirakadaha iska leh xuquuda baarista. Halkan ka akhri maqaalkan oo English ah Garowe Online+ Wakaaladaha
  14. Somalia oil deal for China 13 Jul 13, 2007 - 5:38:54 PM The Chinese state oil giant, CNOOC, has won permission to search for oil in part of Somalia, underlining China’s willingness to brave Africa’s most volatile regions in its hunt for natural resources. Somalia has been a no-go area for US oil companies since it descended into anarchy in the early 1990s. This year the capital, Mogadishu, has seen its worst violence in 16 years as insurgents seek to topple a fragile interim government. But CNOOC has not been deterred and last month met Somali government officials in a Nairobi hotel to hammer out the details of its planned survey work, which is due to begin in September. Chinese state-owned companies have become a heavyweight presence in Africa as the country seeks to secure resources for its booming economy as well as market access for its own goods and services. CNOOC, China’s largest offshore oil and gas producer, has been at the vanguard of the drive: it constructed oil pipelines in southern Sudan in the late 1990s even as a civil war raged between separatist rebels and the Islamist regime in Khartoum. The Chinese company’s deal with Somalia’s transitional federal government gives it exploration rights in the north Mudug region, some 500km north-east of the capital. CNOOC and a smaller group, China International Oil and Gas (CIOG), signed a production-sharing contract with the interim government in May 2006. The contract, which gives the government 51 per cent of oil revenues, was endorsed at last November’s China-Africa summit in Beijing. At a meeting in Nairobi on June 24 – a record of which has been seen by the Financial Times – parts of the agreement were clarified by Abdullahi Yusuf Mohamad, the Somali energy minister, Chen Zhuobiao, managing director of CNOOC Africa, and Judah Jay, managing director of CIOG. According to the US Energy Information Administration, Somalia has no proved oil reserves and only 200bn cubic feet of proved natural gas reserves, which have not been tapped. In the late 1980s exploration concessions were held by companies including Conoco and Phillips, which have since merged; Amoco, now part of BP; and Chevron. They fled the country after dictator Mohamed Siad Barre was overthrown during civil war in 1991. The data collected by oil companies has formed the basis of interest in Somalia today. Range Resources, an oil group listed in Sydney, estimates that the Puntland province – which includes the Mudug region – has the potential to yield 5bn-10bn barrels of oil. Puntland is semi-autonomous and relatively stable compared with Mogadishu, where insurgents are launching near-daily assaults on the government and its Ethiopian military backers. A reconciliation conference due to open on Sunday is expected to attract still more attacks. The government is preparing a new national oil law even though its authority across the country is limited. Its decision to grant CNOOC exploration rights in Puntland could spark a dispute with the local authorities, which have given Range Resources exploration rights elsewhere in the province. A western diplomat who follows Somalia from Nairobi cautioned that he had seen copies of three similar deals signed by the interim government in the past two years. “If there is ever enough peace and stability to allow oil to be extracted, there’ll be a huge [argument over the agreements] down the line,” he said. Source: Financial Times (UK)
  15. ^^^Insha Allah, I met him in London a few years back, a tough man and I wish him all the best.
  16. lool. Talk about digging deep ya Chief. Aliyah made a valid point. Ayoub, now you are saying that she has not made those comments, a great defence if I may say.
  17. "Waxay noo sheegeen, xaqiiqdii, waxay rabaan in xafladda shirku bilaabato Axadda, shirkuna wuxu u dhacayaa siddii loo qorsheeyey, xataa haddii aanay wada iman wefdigii lagu casuumay oo aan dhamays tirnayni," sidaa waxa yidhi Raffaelli. "Siday iyagu sheegteen, ugu yaraan 800 oo ergo ayaa durtaba Muqdisho ku sugan. Laba boqol ilaa 300 ayaa la rejeynayaa inay iyana soo galaan maanta ama berri."
  18. Turkish Top finance officials meet with bogus Somali delegation The finance Ministry and central bank fall victim to a hoax, receiving a phony Somali delegation that reportedly asked them to transfer billions of dollars from a bank in Switzerland While everyone receives tens of mails every day from various people asking their help in transferring millions of dollars in exchange for a few thousand, not many are fooled by it.Late on Thursday, however, the Finance Ministry and the Turkish Central Bank confirmed rumors that they had met with a phony Somali delegation. The ministry and the bank said in a statement that Finance Minister Kemal Unakitan and Central Bank Governor Durmus Yilmaz each held a short meeting with the so-called delegation but noted, “The opinions and the proposals of the delegation were ignored.” The statement said the meetings lasted 15 minutes each. The bogus delegation introduced themselves as having been authorized to represent the Somali government and the Finance Ministry accepted them at their word. “One member of the delegation introduced himself as the governor of the Somali Central Bank and consequently a meeting was arranged with the Turkish Central Bank governor.” The deception was unearthed by the Foreign Ministry after the delegation asked to meet with the president and an attempt was made to verify their credentials. The Foreign Ministry issued a statewide warning noting that the delegation was not an official one and that it was trying to defraud state institutions. Only when the warning reached them did Unakitan and Yilmaz realize they had been tricked. The Finance Ministry and the central bank statement failed to answer questions such as why was it so easy for a phony delegation to get an appointment with the minister, did the delegation meet with any other ministers and what did the swindlers really aim to achieve.Some reports said the phony Somali delegation asked Unakitan's help in transferring billions of dollars from secret accounts in Switzerland to Turkey. Source:- Turkish Daily news
  19. ^^lool. Adeer threts wont work the man is going back tocontinue the struggle against the looters.
  20. Magaalada muqdisho oo maanta aysan wax qaraxyo ah iyo rasaastoona ahi ka dhicin kadib markii ciidamada dawladu isku hawlgalo lixaadle qaadeen. Magaalada muqdisho oo maalmahan ahayd goob rabshadi ka oogan tahay ayaa maanta xasiloon kadib markii ciidamo gaaraya 3000 lagu soo daadiyey suuqa bakaaraha oo isagu halbowle u ahaa rabshadaha ka socda magaalada muqdisho iyadoo ay baaritaano xoogan kawadaan ciidamo dawladu leedahay gudaha suuqa bakaaraha una diiday inay dadwaynuhu wax shaqaa ka qabsadaan gudaha suuqa. Ciidamada dawlada ayaa sidoo kale baaritaano xoogan kawada agagaarka warshadii hore ee baastada,H/wadaag,Staduim Muqdisho,Hiriwaa iyo wadada warshadaha iyagoo xirxiray dad kumanaan gaaraya kuna qaatay gawaarida dagaalka oo ay wateen, sidoo kale waxaa la mamnuucay inay gaadiidku adeegsadaan guud ahaan wadooyinka soo gala suuqa bakaaraha. Kooxihii dagaalada kawaday magaalada muqdisho ayaa hada u muuqanaya inay siwayn kala daateen iyagoo aysan jirin 24 saac ee la soo dhaafay wax rabshado ah oo ay sameeyeen halka dadka qaar ay hadal hayaan inay dib isu soo abaabulayayaan si ay u qaadaan weeraro lamida kuwii ay qaadeen laba bari kahor. Allmudug.org news Desk.
  21. C/raxmaan Shifti “Muqdisho waxaa ku sugan in ka badan Shan boqol oo Ergo ah, oo u diyaarsan ka qeybgalka Shirka Beelaha” Mugadisho, Jimco, Julaay 13, 2007 SMC Afhayeenka shirweynaha dib u hishiisiinta Beelaha Soomaaliyeed C/raxmaan Shifti ayaa Somaliweyn u sheegay in ergooyinkii ugu dambeeyey ay maanta soo gaareen Magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka yimid deegaanada Puntland ee Dalka Somalia. Ergooyinka oo maanta ka soo degay garoonka Muqdisho ayaa wxaa la dejiyey Hoteelo iyo deegaano gaar ah oo loogu talo galay, waxaana uu shiftio sheegay in ay qeyb ka yihiin ergooyin badan oo laga filayo dhinaca Puntland. C/raxmaan Shifti waxa uu carabka ku dhiftay in tirade ergooyinka beelaha ee hatan Muqdisho ku sugan ay kor u dhaafayaan illaa iyo Shanboqol oo ergo, waxa uuna tilmaamay in ergooyinka kale ay saacadaha soo socda ay soo gaari doonaan magaalada Muqdisho, isaga oo ugu beelaha beelaha wadatashiyada hoose u socdaan in ay soo afjaraan shirarkooda. Mudada shirweynaha Beelaha ayaa soo dhaw waxaana muuqaneysa qabanqaabo xoog leh, gabi ahaanba waxaa si weyn loo adkeeyey amaanka deegaanada ku dhaw xarunta shirka, iyada oo la arkayo ciidamo Boolis ah oo la soo daadiyey Xaafado ka tirsan Shibis, C/casiis, iyo Shangaani. Dad badan ayaa su’aalo ka qabo qaabka suurto galin karta shirkaasi, mar hadii ay weli jiraan Qaraxyada iyo weerarada dadka lagu ugaarsanayo, waxa uuse madaxweyne C/laahi yuusuf uu sheegay hadii Hubka Atoomikada ee Waxgumaada la soo gano uu shirka qabsoomi doono. Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho Somalia
  22. Muqdisho: Ergada maamul goboleedka Puntland ee ka qeyb galeysa shirka oo soo gaaray magaalada Muqdisho 13. July 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Xubno ka socda duqowda dhaqanka, Culimada iyo qeybaha kale ee bulshada maamulka Puntland ee loo qorsheeyay inay ka qeyb qaataan shirka dib u heshiisiinta Qaran ayaa maanta gelinkii dambe waxay ka soo degeen gegiga dayuuradaha Aadan Cadde International Airoport. Ergadan oo gaareysa 140-xubnood ayaa waxaa la tilmaamay inay ka soo ambabaxeen magaalada Garowe, waxaana garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay madax ka tirsan qabanqaabiyayaasha shirka, kuwaas oo uu ka mid ahaa Xuseen Sh. Axmed Kadare. Ergadan ayaa waxaa la dejiyay goobo loogu talagalay, iyadoo ilaa iyo haatan tirada ka qeyb galayaasha shirka ee ka imaanaya gobolada dalka ay gaarayaan 506-xubnood sida uu sheegay afhayeenka shirka dib u heshiisiinta Md. C/raxmaan Shift. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  23. Afhayeenka Madaxweynaha Somaaliya Mudane Xuseen Xuubsireed oo Dib u bilaabay Hawlihiisi Shaqo audio