General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. The secessionist set backs in Accra in which the AU slammed shutt the door on their delegates taking part in the summit. Has made them.. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo sheegay in Somaliland dib u eegayso Siyaasadeeda Dibadda iyo Difaaca Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 7 July, 2007 "Waxaanu diyaar u nahay inaanu ku biirino waaya-aragnimadayada aanu u leenahay dib-u-heshiisiinta Qaran, dhismaha qaranka iyo abuurista dimuqraadiyad naajax ah iyo inaanu gacan ka geysano xasilinta Koonfur dariiq kasta oo aanu awoodno, " ayuu yidhi qoraalka Wasiirku.
  2. ^^^They are making big moves, they opened a new branch in Galkacyu, Mogadishu and now Bossaso.
  3. ^^^Will do adeer, my kinsmen are not better than those who innocent victimes who died before them. Though they will get their rights soon insha Allah. As for the hypocracy of those who defend the looters, criminal thugs from USC to SNF to Clan courts to the child bombers, its for you to explain before you run up here with your bad self.
  4. Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose oo Maanta u Guurey Gobolka: Muqdisho DMC 8 julaay 2007. War rasmi ah oo aan ka soo xiganey Guddoomiyaha gobolka shabeellada Hoose,Dr.C/qaaddir Sheekh Maxamed Nuur, ayaa xaqiijinaya,in maanta uu maamulkiisu si rasmi ah ugu guurey Xaruntiisa. Guddoomiyaha ayaa noo sheegey inay la socdaan Guuto Ciidamda Dowladda FKMG Soomaaliya,kuwaas oo si rasmi ah u sugi doona amaanka Gobolka shabeellada Hoose,islamarkaasna,hub ka dhigis ku sameyn doona dhamaan shacabka Gobolka,si ay u suuragasho,socodsiinta maamullada Gobolka iyo kan degmooyinka. Mr Siiddi ayaa intaas ku darey in Ciidmadan ay isu kala qeybin doonaan dhamaan degmooyinka Gobolka shabeellada Hoose iyo jidadka dhaadheer ee isku xira Muqdisho iyo Kismaayo,kaas oo dhaxmaraya Gobolka gees illaa ka gees. Guddoomiyaha ayaa sheegey in Ciidmada ay la socdaan maxkamad Militeri oo haddii ciidanku wax gefaf ah isu geysto ama shacabka u geysto Tallaabo ka qaadi doonta,sidoo kale waxaa toos u shaqeyn doona maxkmadaha Gobolka iyo kan degmooyinka oo si toos ah u fulin doona xukunnada ugu horreeya. Guddoomiyaha oo aan weydiinney inuu welwel ka qabo in iska-hor imaad laga hor keeno sidii dhacdey horraanta Bisha Juun markii uu maamulkiisu tagey qeybo ka mid ah gobolka ayaa sheegey inuusan haba yaraatee uu cabsi ka qabin in wax gacan ka hadal ka hor imaan doonaan,marka laga reebo midka burcadda oo caadi ka noqotey Soomaliya oo dhan. Mar aan weydiinney wuxuusan taas uga baqeynin ayuu ku sheegey in raggii hore ee maamulkiisa diiddanaa intooda badan ee u sarreysa lagu soo darey maamulkan Ciidanka Gobolka joogana waa kuwo iyaga ka amar qaata,sidaas ayaa Iska hor imaad kale looga baqaynin. Dhinaca kale waxaa taliye ku xigeenka Booliska loo magacaabey Nuuriye Cali Faarax oo markii hore ahaan jirey abaanduulaha maamulka Indhacadde,kaasoo horey looga reebey maamulkan markii la dhisaayey,waxana wareegto ku soo magacaabey wasiirka wasaarradda Arrimaha Gudaha,sidoo kale toddobaadkii hore ayaa waxaa Xisaabiyaha Gobolka loo magacaabey nin ay isku beel yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha. Si kastaba ha ahatee Maamulka gobolka Cagaaran ee koonfurta Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu guurey fariisinkiisa,tan iyo markii la magacaabey maamulkaas ayaa waxay sugayeen Ciidamo dheeraad ah oo ka hawlgala gobolka,taas oo laga sugaayey xukuumadda kumeelgaarka Soomaaliya,taasina waxay u suuragashey maanta,waxayna Laanta-buuro ka dhaqaaqeen isla saacaddan aan maqaalkan diyaarinayey,taas oo uu noo caddeeyey Guddooomiyaha Gobolku, waxaa gaadiidka Ciidamadaas iyo maamulkaas tiradooda gaareysaa ilaa 120 Baabuur.waxan idiin ballanqaadeynaa marka ay Gobolka gaaraan inaan war kale idin ka soo siinno,insha allaah.
  5. The RRA liberated Baidoa from the USC. Now Baidoa has a locally chosen admin and the locals are the security hence the boom of the city. Today the lower Shabbele has a locally led Admin. The governor has arrived in Marka today. Change is all around us and this will extend to every village and region in Somalia. Those who lived on looted properties, in Mogadishu are now in bondage facing their day in court. All governemnt property is in the hands of the TFG and in a while the private lands and houses will have to be vacated.
  6. 32 million is an adequite figure, you have over 1300 delegates to attend plus the security, food housing and so on. 32 million injection into the local Mogadishu economy should not alarm the secessionist one bit.
  7. Famine in Baidoa was neither the result of natural or environmental causes, nor the result of the civil war. Baidoa is the richest city in the country and the capital of the most productive agricultural region, and did not experience the level of conflict that was the fate of Mogadishu, Belet Weyn and Kismayu. How then could Reewin suffering be explained, when they had no part in the power struggle? Some have argued that Baidoa was hit by famine due to its inland location which made relief deliveries difficult. If that were the case, then Belet Weyn and Galkayo would have had the same experience as Baidoa, for they are located in the interior, too.
  8. ^^Kismayu itself is an example of civilians getting murdered, raped and looted. An excercise the SNF and their masters USC know best as is highlighted by this thread. However what became of Aydeed and Barre? What became of Xasan Dahir, IndaCade, Seeraar & Goobanle who butchered the people of lower Shabbele? Its the same fate that is awaits any group that wants to keep looted properties, lands and even occupy people.
  9. ^^^In the last 6 months most civilian deaths were caused by the bombers, suicide and otehrwise, mortars, assasins than any military engagement.
  10. ** AIDEED SEIZES BAIDOA ** AIDEED FORCES SEIZE SOMALI CITY OF BAIDOA (Reuter 17 Sep 95) MOGADISHU - Somali faction leader Mohamed Farah Aideed and 600 militiamen thrust out of Mogadishu and seized the southwestern city of Baidoa on Sunday in their most significant move in two years. Aid officials said Baidoa fell at 5 a.m. (0200 GMT) and international aid workers were rounded up and taken to a single compound in the city, 240 km (150 miles) northwest of Mogadishu. It was the most important Somali military development since Aideed's forces were thrown out of the southern port of Kismayu in 1993 and a blow to aid agencies who kept Baidoa as a showcase for their work in Somalia after U.N. troops withdrew in March. Aideed left his south Mogadishu stronghold on Saturday night at the head of 600 militiamen and 30 "technicals", battlewagons mounted with heavy weapons, for the thrust, aid officials said. The column seized Baidoa, renowned as "the City of Death" in 1992 when it was the centre of Somalia's famine, after some sporadic fighting but there were no precise casualty reports. Aid officials said Aideed's force in Baidoa on Sunday moved on towards Bardera town, 165 km (100 miles) to the southwest, which could put them on course for an assault against Kismayu. In Mogadishu, travellers from Baidoa said the takeover was virtually bloodless and Aideed's Somali National Alliance (SNA) militiamen had banned all other gunmen from the city's streets... In January 1991, Mogadishu was captured by USC, and Barre’s regime collapsed. However, this was not quite the end of this story. Barre’s forces maintained strongholds in the inter-riverine regions of the country for almost a year, during which they pursued a scorched earth policy, destroying the infrastructure and bringing agricultural production to a standstill. Because the LOCALS were excluded from high ranks in the Somali army, the SDM, had no access to arms and lacked sufficient means to protect their people.
  11. Adeer this is about the moral high ground and who can hold it. Hiiraale is a junior thug who lost his chance. However the terror against the people of Bay & Bakool and even in Gedo by this group and their USC foes and at times allies is a historical argument and one needs to continue to look at it objectively. Its funny how the secessionist will never ever let down the crimes commited by the regime in Hargaysa in prior to 1991 and yet play down crimes commited to this unarmed Somali clan at the time.
  12. Wuxuuna ku doodey in dadkaas la ogyahay in hadalada ay ku hadlayaan loo meeriyo oo ay u meeriyaan dad jooga waddamada Yurub iyo Ameerika iyagoo ku doodaya in gaalo lala dagallamo, iyaga oo laftigoodu la jooga gaalo lana macaamila gaalada, wxuuna ku nuuxnuuxsadey in hadallada sheegaya in Itoobiya inta ay dalka joogto wadahadal la galeeynin ay tahay mid la doonaayo in lagu burburiyo nidaamka lagu heshiiyey ee Dowladnimo, “taasna ma aqabali karno”, ayuu yiri Xaajigu. Sidoo kale Iimaamka ayaa sheegey inuu ka mid yahay dadka aad u jecel inay Itoobiya dalka ka baxdo, hase yeeshee nidaamka ay ku timid ay Soomaali keentey, “waxayna ku baxeysaa annagoo heshiinna”, ayuu ku doodey. Wuxuu sheegey in Itoobiya marka la saaro ujeedadu tahay in nidaamka Dowladnimo ee hadda jira la doonaayo in la burburiyo.
  13. Maamulka Gobolka Shabeellada Hoose oo Caga Dhigtey Xarunta Gobolka ee Marka: 07/09/07 Aadan Cusmaan - DMC-Marka Marka [DMC] 9 July 2007. Maamulka Gobolka Shabeellada Hoose iyo Ciidamada Militeriga ee Dowlladda Kumeelgaarka ee uu horkacayey Guddoomiyaha Gobolka Dr: C/qaaddir Sheekh Maxmednuur ayaa gaarey xarunta Gobolka ee Marka xaley marka ay saacaddu ahayd 11:40 daqiiqo ee habeenimo. Guddoomiyaha ayaa waxaa la socdey dhammaan maamulka Gobolka iyo kan Degmooyinka iyo Guutada Ammaanka u qaabilsan Gobolkaas, kuwaas oo sida ay noo xaqqiijiyeen qaar ka tirsan maamulku loo kala qeybin doono Degmooyinka Gobolka. Sida aan ka soo xiganney mid ka mid ah saraakiisha Ciidamada Dowlladda oo magaciisa la yiraahdo Maxamed Ibraahim Eenney xarunta Ciidanka ayaa waxay noqoneysaa Shalanbood halkaas oo uu fariisan doono talliska guud ee ciidamada. Sarkaalka ayaa noo xaqiijiyey in isla saaka ciidamada degmo kasta ay u dhaqaaqi doonaan. Eenneey oo warka sii watta ayaa noo sheegey in Ciidamadu u kala dhaqaaqayaan Degmooyinka Qoryooleey, Baraawe, K/waareeey, Sablaale iyo Janaale kuwaas oo ay la socdaan maamullada Degmooyinkaas. Sarkaalka ayaa waxaan weydiinney inay wax iska hor imaad ah la kulmeen intii ay ku jireen safarka iyo saaka oo uu waagu u baryey ayaa sheegey in aysan haba yaraatee la kulmin wax iska hor imaad ah. Guddoomiyaha Gobolka ayaa manta wuxuu shir jaraa’id ku qaban doonaa xaruntiisa assagoo ka hadli doona safarkooda iyo sida ay u qaban doonaan howlmaalmeedkooda. Sidoo kale wuxuu baaq u jeedin doonaa bulshada Gobolka ku dhaqan, taas oo ku saabsan dhinaca nabadgelyada, hub ka dhigista iyo la shaqeynta maamulka. Warkan oo faahfaahsan waxaan idiin soo bandhigeynaa marka uu dhaco shirka jaraa’id ee lagu qaban doono xarunta Gobolka Shabeellada Hoose ee Marka, waxaana wareysi la yeelanney bulshooyinka Gobolka oo aan weyddiinney sida ay u arkaan maamulka Gobolka ee soo gaarey halkaas, taagerada ay u hayaan iyo Ciidamada Gobolka yimid. Jawaabaha ay ka bixiyeen waxa ka mid ah inay si weyn u taageersan yihiin maamulkaas taasna waxay ku muujiyeen banaanbax soo dhoweyn ah ayaa manta waxay ka dhigeen gudaha magaalada Marka halkaas oo uu ugu mahadceliyey Guddoomiyaha Gobolka Dr.C/qaadir Sheekh Maxamed Nuur. Shabakadda Warbaahinta DMC Marka Aadan Cusmaan Bokoola@hotmail.com
  14. Gudoomiyaha Shabeelaha hoose oo iminka la hadlaya dadka reer Marka July 9, 2007 Markacadeey C/qaadir Sheekh Maxamed Nuur, gudoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose ayaa iminka dadweynaha magaalada Marka kula hadlaya xarunta gobolka ee Marka, kadib markii isaga iyo wafdi la socda ay xalay halkaasi gaareen. Gudoomiyaha ayaa shacabka gobolka Shabeelaha hoose ugu baaqey in ay taageeraan dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in cidii ka hor timaada dowlada ay talaabo ka qaadi doonaan. Gudoomiyaha oo ay galbinayaan ciidamo xoogan ayaa xalay kowdii habeenimo la wareegay xarunta maamulka gobolka ee Marka. Guddoomiyaha oo ay la socdaan Taliyeyaasha ciidamada Booliska, Nabad sugida iyo Asluubta ayaa tegitaankooda ay ka danbeysay kadib markii halkaasi in mudo ah ka jiray muran la xiriira isqabqabsi dhinaca maamulka cusub ah. Guddoomiyaha cusub iyo wafdiga la socday oo horay isugu dayey iney deegaankaasi gaaraan ayaa halkaasi kala kulmay dagaalo ay ka danbeeyeen maamulkii hore ee Yuusuf Indha Cadde oo saluugsanaa qaabka ay dowladdu u soo magacowday Eng. C/qaadir Sh. Maxamed Nuur. Maxamed Cali Madka Xafiiska Markacadeey Muqdisho
  15. Marka: Maamulka cusub ee Sh/Hoose oo xalay saqdii dhexe gaaray degmada Marka 9. July 2007 Marka(AllPuntland)- Guddoomiyaha cusub ee maamulka Sh/Shoose Egn. C/qaadir Sh.Maxamed Nuur oo ay galbinayaan ciidamo xoogan ayaa xalay kowdii habeenimo la wareegay xarunta maamulka gobolka ee Marka. Guddoomiyaha oo ay la socdaan Taliyeyaasha ciidamada Booliska, Nabad sugida iyo Asluubta ayaa tegitaankooda ay ka danbeysay kadib markii halkaasi in mudo ah ka jiray muran la xiriira isqabqabsi dhinaca maamulka cusub ah. Guddoomiyaha ay la socdaan mas’uuliyiinta loo magacaabay degmooyinka gobolka ayaa ugu horeyntii halkaasi ku sii maray degmada Afgooye, Qoryooley iyo Shalaambood iyadoo la filayo maalmaha soo socdana in mas’uuliyiint cusub ay la wareegaan degmooyinka *********, Buulo Mareer iyo Baraawe. Dhinaca kale maanta ayaa lagu wadaa in degmada Marka ay ka dhacdo munaasabad weyn oo lagu soo dhoweynayo Guddoomiyaha cusub iyo wafdiga la socda isla markaana ay si buuxda ugala wareegaan maamulka sii hayayaashii hoggaankii Yuusuf Indha Cadde ee halkaasi ka arimin jiray, iyadoo sidoo kale uu maanta meel fagaare ah kala hadli doono dadweynaha gobolka. Guddoomiyaha cusub iyo wafdiga la socday oo horay isugu dayey iney deegaankaasi gaaraan ayaa halkaasi kala kulmay dagaalo ay ka danbeeyeen maamulkii hore ee Yuusuf Indha Cadde oo saluugsanaa qaabka ay dowladdu u soo magacowday Eng. C/qaadir Sh. Maxamed Nuur. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  16. "Nin Gaal Ku Hoos Nool Ayaa Habeen Walba Noo Aqraaya Gaalka Hala Laayo" Manshallah, walle odeygan ayaa ruunta uu sheegay dowladiidka. Notice how when he tells the truth he becomes a tuug.
  17. Ergadii Shirka Dib u Heshisiinta Qaran Uga Qeyb galilahayd puntland oo Maalintii Labaad Siminaar uga Socdo Garoowe Boosaaso, Isniin, Julaay 09, 2007 Ugu yaraan 162 Ergo ugana qeyb galidoona beelaha deega puntland shirka dib u heshisiinta qaran ee muqdisho lagu qabanaayo ayaa siminaar muddo 3 Casho ah uga furmay xarunta PDRC ee magaalada Garoowe. Siminaar kaan oo ay soo qaban qaabisey Hay'add PDRC ayaa ugu horayntii waxaa kulankaasi ka warbixiyey iyo ujeedada siminaarka agaasimaha hay;adda PDRC oo ahayd Hay;adda soo agaasinta siminaarka C/raxmaan Cabdile (Shuuke) waxaana uu sheegey inuu kulankaani yahay mid isbarasho ah islamarkaasina ladoonaayo in ay isku arkaan xubnaha shirka dib u heshisiinta uga qeyb galaaya Puntland. Kulankaani oo uu furey madaxweynaha puntland maxamud muuse xirsi cade ayaa waxaa goob joog ka ahaa ku xigeenkiisa Xasan Daahir (Afqurac) iyo waliba xubna kasocda gudiga dib u heshisiinta qaran oo u kamid yahay C/dulqaadir husein nuur dirir waxaana uu halkaasi kaga warbixiyey sidii uu kusocon lahaa shirka dib u heshisiinta qaran oo la iclaamiyey inuu ka furmo 15 Bisha magaalada muqdisho . Sido kale waxaa uu sheegey Abdul qaadir Husein Nuur (Dirir) in howshaani isukeenida ergada ay waqti badan ku qaadatey islamarkaasina iminka ay ku guuleysteen. Sido kale waxaa uu sheegey marka uu dhamaato siminaarkaan Sadexda Barri ah iney ergaasi u anba bixidoonan magaalada muqdisho halkaasi oo uu ka furmi doono shirka dib u heshisiinta qaran. Somaliweyn Media Center (SMC) Boosaaso
  18. Muqdisho: Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf: “Hadii saldhig ciidan laga dhex furo suuqa Bakaaraha oo amaanka la sugo waxay dan u tahay ganacsatada iyo suuqaba 9. July 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Kulan xasaasi ah oo ay maanta yeesheen Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Guddiga amniga qaran, Guddoomiyaha Gobolka iyo xubno ka socday ganacsatada Soomaaliyeed oo looga hadlayey sidii loo joojin lahaa xasarada mudada shanta maalmood ah ka taagan gudaha Suuqa Bakaaraha iyo hareerahiisa. Kulankaasi oo la iskula soo qaaday sida ugu sahlan ee wax looga badali karo xaalada haatan taagan ayey warbixin ka soo jeediyeen xubno ka socday ganacsatada gobolka Banaadir gaar ahaan kuwa suuqa Bakaaraha iyagoo codsaday in wax laga badalo nidaamka hada ay wax ku socdaan oo sababi kara inuu gebi ahaanba xermo suuqa Bakaaraha ama laga kala guuro. Dhinaca kale warbixino ay kulankaasi ka soo jeediyeen guddiga amaanka qaranka gaar ahaan madaxa guddigaasi ahna Taliyaha nabad sugida qaranka Gen. Maxamed Warsame Darwiish iyo sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (M.Dheere) kuwaasi oo talooyin ay soo jeediyeen iyaga iyo ganacsatada loo gudbiyay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyadoo Madaxweynaha iyo guddiga amniga qaranka iyo kuwa ganacsatada ay isla ogolaadeen in saldhig ciidan boolis laga dhex sameeyo gudaha suuqa Bakaaraha kaasoo amaanka ganacsatada iyo suuqaba wax weyn ka qaban kara si looga hortago kooxaha dadka dhibaateynaya. Sidoo kale kulanka ayaa la isku afgartay in ganacsatada magaca ku leh Muqdisho in midkiiba la siiyo shan askari oo boolis ah kuwaasoo amaankooda sugaya si markaasi looga baxo ilaalada shacbiga ah ama kuwa maliishiyooyinka. Gabagabadii kulankaas ayaa la isku afgartay in marka ciidamada dowladda ay baaritaanka ka sameynayaan suuqa Bakaaraha ay la socdaan guddi ka socda ganacsatada si ay ula socdaan baaritaanadaasi gacanna ugu siiyaan ciidamada iyo sidoo kale in la furo goobaha shantan maalmood sababay iney xermaan iyadoo taasina ay keeni karto inuu dib u soo noqdo nabadgelyadii suuqa Bakaaraha. Md. Cali Mahdi Maxamed oo kulankaasi goob joog ka ahaa ayaa markii uu dhamaaday kadib go’anadii ka soo baxay fadhigaasi kaga hadlay gabagabadii shirkii wadatashiga ee beelaha ****** oo maanta ku soo gabagabooway hotel Lafweyn, “Kulanka maanta wuxuu ahaa mid lagu guuleystay waayo Suuqa Bakaaraha maalmahan waxa ka jiray xasarad adag, waxaana la isla gartay in saldhig laga dhex furo suuqa, ganacsatada magaca lehna la siiyo shan askari oo boolis ah oo amaankooda sugo, marka baaritaan jirana ay guddiyo ka socda ganacsatada ay goob joog ahaadaan taasina waxay muujineysaa hadii dowladda gacan la siiyo iney wax walba hagaagayaan, hadiise la xabadeeyo oo Hoobiye lagu rido ama bamboo lagu tuuro waxay dhalineysaa iney iyaguna sidaas oo kale ay ku jawaabaan, waayo waxa ku baaba’ayo waa shacbiga, waad la socotiin in isbadal uu dhacay shantaan maalmood oo qaarkood amar lagu bixiyay in la xero shirkaddaha isgaarsiinta taasoo iminka lagu heshiiyay iney howlahoodii dib u wataan ayna gacan siiyaan ciidamada dowladda” ayuu yiri Md. Cali Mahdi Maxamed oo tallaabo horumar leh ku tilmaamay kulankii maanta. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  19. Muqdisho: Madaxweynaha dawlada Soomaaliya oo la kulmay Ganacsatada Suuqa Bakaaraha. 9. juli 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Madaxweynaha Dawlada Faderalka ee Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed ayaa wuxuu maanta kulan layeeshay ganacsatada Magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu usheegay ganacsatada in suuqa Bakaaraha laga dhex furidoono saldhiga u weyn ciidamada booliska gobalka Banaadir. Kulankaan ayaa wuxuu Madaxweyne Yuusuf ugu sheegay ganacsatada in aysan dawlada Soomaaliya ogolaaleyn in ay dad shacab ah hub ku dhex heystaan gudaha caasumada Soomaaliya ee Muqdisho,isla markaana dawlada Soomaaliya ay ganacsade walba ilaalintiisa u xilsaareyso ciidamo ugaara oo amaankiisa suga. Madaxweynaha dawlada Soomaaliya ayaa wuxuu sidoo kale ganacsatada Magaalada Muqdisho kala hadlay ,sidii ay utaageeri lahaayeen dawlada Soomaaliya ayagoo ganacsatadu balan qaadeen in ay dawlada Soomaaliya ganacsiinayaan. Ganacsatada ayaa waxa ay usheegeen Madaxweynaha Soomaaliya in ay ayagu doonayaan in ay nabad helaan isla markaana ay hubkooda ku wareejinayaan inta harsan dawlada Soomaaliya ,hadii ay dawladu usameysay ciidamo amaankooda suga. Shirkan maanta dhexmaray Madaxweynaha dawlada Faderaalka ee Jamhuuriyada Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed iyo ganacsatada Magaalada Muqdisho waxaa ka qeybgalay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dawlada Soomaaliya waxaana sidoo kaler fadhiyay gudoomiyaha gudiga diyaarinta shirweynaha beelaha Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
  20. The tuug who was a hero yesterday. Only in Somalia Xaaji Cabdi Iimaan Cumar oo la sii daayey ka markii shaley la xirey. Xaaji Cabdi Iimaan Cumar oo ahaa guddoomiyihii golaha guurtida ee beelaha ****** ayaa la sii daayey maanta ka dib markii maalintii shalay ay xabsiga u taxaabeen ciidamo ka tirsam dowladda federaalka Soomaaliya isagoo ku sugan gurigiisa oo ku yaala degmada kaaraan ee magalada Muqdisho. Xaajiga oo markii la sii daayey u waramayey saxaafada ayaa sheegay in sababta loo xiray isaga uu aaminsan yahay inay tahay oo kaliya dowladda federaalka oo ka soo hor jeeda xoriyatul qowlka, wuxuuna tilmaamay in mudadii 24-ka saac aheyd ee uu xirnaa si wanaagsan loola dhaqmay. Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa cambaareyn xoogan u jeediyay xariga guddoomiye Iimaam qeybaha kala duwan ee siyaasada, gaar ahaana dowladda Mareykanka oo sheegtay inay wax u dhimi karto xariga Mr. Iimaam rajadii laga qabay inay isku soo dhowaadaan dowladda iyo kooxaha ku kacsan ee mucaaridka ah. Waa markii ugu horreysey ee xabsi la geeyo dad Mucaarad ku ah Dowladda Federaalka isla markaana ka tirsan odayaasha dhaqanka ee qabaa'ilada hogaankooda, waxaana taasi ka hor yimid ururo badan oo ka hadla arrimaha nabadda.
  21. ^^^No adeer these words are the truth. The brother has to be told the truth. When we are talking a Somalia and the communities within it. I aint got nothing to loose. Allamagan. Adeer whats the boast that I live in more than 1/3 of Somalia uncontested? While you live in the poorest region as a minority.