
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
HE President Yusuf's speech at the opening of NRC
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed,qudbadii uu ka jeediyey madasha shirka “Tan iyo markii ay Dowladda Federaalka KMG ah dalka u soo guurtay, waxaa la inkiri karin in Soomaaliya uu isbedel la taaban karo ka dhacayaudio -
^^^Are you talking about yourself considering the comments you made about SOOL?
-
Cali Mahdi iyo Gen. Qeybdiid
-
Madaxweynaha DF oo galaaya goobta shirka
-
Warbixin ku saabsan shirkii dib u Heshiisiinta Qaran ee maanta sida rasmiga ah ugu furmay Magaalada Muqdisho. Shirkii Dib u Heshiisiinta Qaran ee maanta sida rasmi ah ugaga furmay Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ka soo qeyb galay Ergooyinkii ugu badnaa ee ka socda Beelaha Soomaalida. Ergo lagu qiyaasay ilaa 1,000 ergo ayaa soo xaadirtay Shirkan oo horeba lagu casuumayy, iyadoo kulankana uu si rasmi ah ah daaha uga rogay shirkan Madaxweynaha Soomaaliya oo qudbad xasaasi ah ka jeediyay Kulanka. Madaxweynaha oo hadal dheer ah ka jeediyay kulankaas ayaa waxa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay kulanka qabsoomidiisa, isagoo inta uu sii watay qudbadiisana Madaafiic Hoobiyeyaal ah lagu garaacay hareeraha Xarunta uu shirka ka dhacayay. Madaxweyne Yuusuf ayaa sheegay in Xaalada Muqdisho ay tahay mid ka soo reyneyso, isagoo tilmaamay in xilliga Dowladda imaaneysay Muqdisho ay Magaaladu aheyd mid kala xiran. "Wali geed la kalama bixi doono hadii labada sano ee ii dhiman lagu dhameeyo Dagaal"ayuu yiri Madaxweynaha oo wax yar kadib dhawaqa Madaafiicda Hoobiyeyaasha ay hareysay Goobta uu shirka ka dhacayay oo ay ku sugnaayeen Goob Joogayaal caalami ah. Waxa uu xusay in wali ay qasan tahay xaaladda nabadgalyo iyo midda siyaasadeed ee dalka, isla markaana dowladdiisa ay sameyneyso wixii karaamkeeda ah, wixii ay ka badin weysana ay u gudbineyso shacabka si wax looga qabto. Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf ayaa ku dhiira geliyay Ergadii ka qeyb galeysay shirka in aysan qal qalin kadib markii dhowr Madaafiic ay ku soo dhaceen meel aan ka fogeyn xarunta shirka. Madaxweynaha ayaa mar laga codsaday inuu soo gaabiyo qudbadiisa ayaa sheegay inuusan u hakan doonin qudabadiisa ilaa laga soo rido Nuclear sida uu sheegay Madaxweyanaha, taasoo ergooyinkii qudbadiisa dhageysanayay ay ku dhiiradeen hadalkiisa. Gudoomiyaha Shirka Dib u Heshiisiinta Qaran Cali Mahdi Maxamed oo qudbada qaatay ayaa sheegay in ilaa maalinta khamiista la isku soo laaban doono oo uu sheegay in shirka dib loo ambaqaadi doono. Goob Joogayaashii Caalamiga ah ee ka socda Beesha Caalamka ayaa hadal ay jeediyeen ku sheegay in loo baahan yahay in Umada Soomaaliyeed ay ka tashadaan aayahooda si ay u gaaraan Xal waara. Ururada IGAD, Midowga Afrika, Jaamacada Carabta iyo Diblomaasiyiin ka socotay Beesha Caalamka ayaa kulankaas ka qeyb geli, iyadoo marka uu idlaaday kulankana loo kaxeeyay dhanka iyo Garoonka Diyaaradaha, halkaasoo ay ka sii duuli doonaan. Kulankan ayaa ahaa mid ergadii ugu faraha badnaa ay ka soo qeyb galeen, iyadoona furitaanka Kulankana laga soo dhoweeyay qeybo ka mid ah Dalka oo idil, inkastoo ay jiraan beelo qaadacay kulankan oo sheegay in la hereer mariyay ergooyinkoodii. Ilaa 7 madaafiic hoobiyaha ah ayaa lala beegsaday meel aan ka fogeyn xarunta shirka, iyadoo madaafiicdaasna ay aheyd kuwo si weyn ay u qal qal gelisay Ergadii shirka. Ammaanka Goobta shirka iyo nawaaxigiisa ayaa ahaa mid aad loo adkeeyay, iyadoo ciidamadii ugu faraha badnaana lagu daadiyay Caasimada, kuwaasoo si weyn u sugayay Ammaanka Kulanka dib u heshiisiinta qaran.
-
Shirkii Dib u Heshiisiinta Qaran oo aan u hakan Madaafiicdii Hoobiyeyaasha aheyd (Muxuu Madaxweynaha ka yiri) Shirka Dib u Heshiisiinta Qaran ayaa lagu soo waramayaa in halkiisa uu ka sii soconayo, kadib markii hoobiyeyaal lagu weeraray xaruntaas, waxaana Madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay in loo baajin doonin shirka hadii la soo rido xataa nus darsan Iyadoo Ilaa iyo 7 Hoobiye ay ku soo dhaceen Hareeraha Xarunta Gaadiidka Booliska oo uu ka furmay Shirka Dib u Heshiisiinta Qaran, ayaa hadan hakad uusan u gelin shirka dib u heshiisiinta qaran. Dhawaqa Madaafiicda Hoobiyeyaasha ayaa aad u hareeysay Goobta uu shirka ka dhacayo, inkastoo aan wax gaarin goobtaas oo lala dan lahaa Madaafiicdaas. Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf oo qudbad ka jeedinayay Furitaanka Shirkaas ayaa intii uu hadlayay Madaxweynaha ay dhaceen Hoobiyeyaasha lagu bartilmaameedsaday agagaarka Xarunta Shirka, iyadoo Madaxweynaha uusan hadalkiisa joojin isagoo sii watana waxa uu yiri "Qofkii tiisa soo gasha ayaa dhimanaya, wax baqdin ah yaala sameyn, dhag jalaqna yaan loo siin madaafiicdaas, hadii ay soo tuuraan nus darsan madaafiic ah ma joogsan doono shirka"ayuu yiri Madaxweynaha. Xaalada Goobta uu shirka ka dhacayo ayaa ah mid aad loo adkeeyay, iyadoo Xaafadaha qaarna lagu soo daadiyay Ciidamo dheeri ah oo ay ku jiraan Milataarka Ethiopia. Xarunta Shirka waxaa ku sugan Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe, iyadoo lagu wado in qudbad uu ka jeediyo Shirkaas oo looga hadlayo Masiirka soomaaliya.
-
Furitaanka Shirka Qaranka Oo Lasoo Gaba-gabeeyay July 15 2007 Radiofreesomalia.com Waxaa lasoo gaba-gabeeyay galabta furitaankii shirweynaha qaranka ee ka furmay maanta xarunta gaadiidaka ee magaalada Muqdisho, halkaaso ey isugu yimaadeen ergooyin iyo wufuud ka kala socota gobolada dalka iyo caalamka. Shirka oo uu qudbad dheer ku furay madaxweynaha Somaliya ayaa waxa uu kaga hadlay arimo dhowr ah, waxaana sidoo kale ka hadlay furitaanka gudoomiyaha shirka dib u heshiisiinta qaran oo isna soo dhaweyn iyo mahad celin uga jeediyay madasha kasoo qeyb galayaasha iyo wufuuda. Shirka oo maanta uu ahaa furitaankiisa ayaa waxaa dib loo balamay maalinka Kahamiista ah oo ey soo wada xaadiri doonaan dhamaan ergooyinkii loogu tala galay in ey kasoo qeyb galaan shirka kuwaasoo qaarkood uu dib u dhac ku yimid. Jawiga shirka maanta ayaa ahaa mid wanaagsan isla markaana amaankiisu aad u sugnaa.
-
Shirweynaha Dib u heshiisinta oo maanta Xarunta Gaadiidka si toos ah uga furmay ( Warbixin dhinacya badan ka hadlaysa ka aqri halkan) 15, July 2007. Xassan Cali Geesey (Alqeys) Muqdisho - Madaxweynaha DFKMGS, Md. C/llaahi Yuusuf Axmed, ayaa waxa uu maanta si rasmi ahaan ah uga furay Hoolka Shirarka ee Xaruntii Gaadiidka Boliska Shirweynaha Dib-u-heshiisiisiinta Beelaha Somalia, kaasi oo ay ka qeyb galayaan Ergooyinkii ugu tiradda badnaa ee abid ka qeybgala Mu’tamaro Guud oo looga hadlayo Qaddiyadda dalka Somalia. Madaxweynaha DFKMGS, Md. C/llaahi Yuusuf Axmed, ayaa waxa uu maanta si rasmi ahaan ah uga furay Hoolka Shirarka ee Xaruntii Gaadiidka Boliska Shirweynaha Dib-u-heshiisiisiinta Beelaha Somalia, kaasi oo ay ka qeyb galayaan Ergooyinkii ugu tiradda badnaa ee abid ka qeybgala Mu’tamaro Guud oo looga hadlayo Qaddiyadda dalka Somalia. Madaxweynaha DFKMGS, Md. C/llaahi Yuusuf Axmed, waxa uu duhurnimaddii maanta si rasmi ahaan u furay Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Beelaha Somalia, kaasi oo ay ka qeyb geli doonaan in ka badan 1,200-Ergo oo ka kala socda Qeybaha Dhaqanka, Jaalliyadaha Soomaaliyeed iyo qeybaha Ururradda Bulshadda Rayidka ee Somalia. Madaxweyne Yuusuf, oo Kulankaasi ka hadlay, waxa uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey Istaraatijiyadda Dowladda ee ku aadan Arrimaha Dib-u-heshiisiinta, Ammaanka, Dhismaha Maamul-gobaleedyadda iyo sidii loo sii ambaqaadi lahaa Qorshaha Dowladda ee Ammaanka iyo Horumarinta Qaranka iyo sidii loo diyaarin lahaa Doorashadda Dimuqraadiga ee Xilliga Kala-guurka. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf inta uu Khudbadda ku guda-jirayey, ayaa waxa Madasha Shirka laga maqlay Dayaanka Hoobiyayaasha, laakiin Madaxweynaha dheg jalaq uma siinin madaafiicdaasi, inkastoo ay Ergooyinka muujiyeen naxdin,, wuxuuna Ergooyinka u sheegay inaysan wax cabsi ah qaadeen, oo qof kasta xilliga ay ajashiisa gasho uu Rabbi oofsan doono. Madaxweynaha, waxa kaloo uu ku dheeraaday qorshaha Aftida Xorta ee dadweynaha, isagoo xusay inay Muwaadiniinta Somalia xaq u leeyihiin inay codkooda dhiibtaan, oo ay doortaan Madaxda Qaranka. Isagoo arrintaasi sii ambaqaadayo, waxa uu sheegay inay Dowladda Federalka degdeg u diyaarinayso Dastuurkii lagu dabaqi lahaa dalka Somalia, iyadoo lala kaashanayo Hay’addo iyo Khubarro Caalami ah iyo Guddi Waddani ah oo Dastuuri ah. Munaasabadda Furitaanka Shirweynaha, oo si weyn loo soo agaasimay, ayaa waxaa ka soo qeybgalay Guuddoomiyaha Barlamaanka Federalka Somalia, Sheekh Aadan Madoobe, Guddoomiyaha Guddiga Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Beelaha Somalia, Md. Cali Mahdi Maxamed, Diplomaasiyiin, Taliyayaasha Ciiddamadda Boliska iyo Nabadsugidda Somalia, Jeneral Cabdi Qeybdiid, Jeneral Maxamed Warsame Dawrwiish, Taliyaha Ciiddamadda Ethiopianka ee ku sugan gudaha dalka Somalia,Jeneral Gabre, Saraakiil iyo Hawlwadeenno ka tirsan DFKMGS, Mas’uuliyiin iyo marti sharaf oo isugu jirtay Soomaali iyo Shisheeye.oo lagu casuumay shirkaasi. Xassan Cali Geesey (Alqeys) alqeys34@hotmail.com
-
Haddaba markii ay halkaas mareysay khudbaddii madaxweynaha ayaa waxaa dhowr madfac lagu garaacay meel aan u dheereyn halka uu shirka ka socday, kuwaasi oo aan arkayay mid ka mid ah meeshii uu dhacay oo qiiq uu ka baxayay. Ergooyinkii shirka ka qeybgelayay ayaa markii ay dhawaqa madaafiicda maqleen waxay ku sigteen in ay goobtii ka cararaan, ilaa uu madaxweyne C/llaahi Yuusuf xusuusiyo in qof kasta uu dhimanayo waqtiga loogu talagalay. Ugu dambeyntiina markii ay dhamaadeen qudbooyinkii shirka lagu furayay, isla markaana uu madaxweynaha ku dhawaaqay in shirka furan yahay ayuu Guddoomiyaha Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed uu sheegay in ay ergooyinka shirka ka qeybgelaya isu imaan doonaan Maalinta Khamiista ah ee soo socota, inta ka horeysana la sugi doono ergooyin shirka ka qeybgalaya, isla markaana kuwa jooga loo sameynayo Kaararka ay shirka uga qeybgelayaan
-
Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya shirkii dib u Written by Osman Dhayib Sunday, 15 July 2007 Shirkan oo ay ka qeybgaleen ergooyin tiro badan oo metelayay Beelaha Soomaaliyeed qaarkood ayaa wuxuu ka furmay Xaruntii Gaadiidka Booliska Soomaaliyeed oo in muddo ah uu dayactir ka socday, iyadoo sidoo kalena ay ka qeybgaleen Mas’uuliyiin ka socday Dalalka Kenya, Itoobiya iyo Uganda iyo weliba Wakiillo ka socday Ururrada Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo IGAD. Xubno kale oo laga sugayay wakiillada Beesha Caalamka ayaan iyagu shirka soo xaadirin sabab la xiriirta dhinaca amniga waa sida aanu ka helnay ilo diblumaasiyadeed oo lagu kalsoon yahay. Furitaanka shirweynaha Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed waxaa ka hadlay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur Shiikh Aadan (Madoobe), Ku xigeenka Ra’iisala Wasaaraha Soomaaliya ahna Ku simaha Ra’iisal Wasaaraha Prof. Saalim Caliyow Ibrow iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere). Sidoo kalena waxaa ka hadlay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya Tadhaka Alimu, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Kenya, Danjire ka socday Dowladda Uganda, Safiirka Dowladda Yemen u qaabilsan Soomaaliya Axmed Xamiid Cumar, Guddoomiyaha Shirkii Dib u heshiisiinta ee Mbagathi Bethuel Kiplagat, iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Maxamed Cali Foam. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere oo ugu horeeyay mas’uuliyiintii Dowladda Federaalka ee shirka ka hadashay waxaa uu sheegay in Dadka Soomaaliyeed ay dowladdii hore kadib la soo derseen dhibaatooyin isugu jira caafimaad, waxbarasho iyo shaqo la’aan, isagoo carrabka ku dhuftay in maanta ya dadka Soomaaliyeed u muuqdaan kuwo doonaya in ay ka gudbaan dhibaatooyinkaas ay ku jiraan, gacmahana ay is-qabsadaan. Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in ay ayaan-darro tahay in dadka Soomaaliyeed oo isku af, dhaqan iyo diin ah ay Duubabka Soomaaliyeed xalin waayaan mushkiladda ka dhex taagan, isla markaana in ka badan 14 shir oo Soomaaliya loo qabtay, kaasi oo ugu dambeeyay shirkii Mbagathi ee ay ka soo baxday Dowladda Federaalka Soomaaliya. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa uu sheegay in ergooyinka shirka dib u heshiisiinta ka soo qeybgalay ay yihiin kuwo lagu soo xulay qaab beeleed, hayeeshee la doonayo in ay u shaqeeyaan qaab Soomaalinimo, isla markaana marka ay shirka dhameeyaan ay deegaanadoodii u laabtaan iyagoo Soomaali ah. Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya Tadhaka Alimu ayaa isna ka hadlay furitaankii shirka wuxuuna sheegay in marka u soo gudbinayo uu Salaan uga sido Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Syoum Mosfen, kadibna waxaa uu intaas ku daray in Itoobiya ahaan ay qabsoomida shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed u arkayaan mid yididiilo leh, "shirkani waa guuleysan doonaa, guushiinana waa guusheena "ayuuna yiri Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya. Wasiiru-Dowlaha oo sii hadlayay waxaa uu intaas ku daray ay Dadka Soomaaliyeed ka suurtowdo in ay meel dhexe isugu yimaadaan, isla markaana ay iska iloobaan wax kasta oo dhibaato ah oo kala gaaray, "Si kasta oo ay u qaraar tahay arrintaas hadana ugu dambeynta dadka Soomaaliyeed wey iska iloobaan wixii dhibaato ah ee kala gaara, taasi waa dhaqan ay leeyihiin"ayuuna mar kale yiri wasiiru- Dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya Mr. Tadhaka Alimu. "Itoobiya Dal Qani ah ma ahan, inkastoo ay leedahay wixii ay Qani ku noqon lahayd, waana wax aad u xadidan waxa ay Soomaaliya u heyso hayeeshee waxaan qani ka nahay niyad sami aan Soomaaliya u heyno"ayuu yiri Tadhaka Alimu. "annagu Itoobiya haddii aan nahay ma ahan Soomaaliya dariiqa aan u mareyno waxa aan rabno, waxa kaliya oo aan dooneynana waa labada dal oo Saaxibtinimo, Nabad iyo Xasilooni ku wada noolaada, sidaas darteed rajada ay Itoobiya ka leedahay shirkan waa in ay dadka Soomaaliyeed ka gudbaan colaaddii u dhaxeysay muddo toban sano ka badan"ayuu mar kale yiri Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya. Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur Shiikh Aadan Madoobe oo shirka oo socda ku soo biiray isagoo ka soo laabtay safar uu ku tegay qaar ka mid ah gobollada Dalka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu ka soo qeybgalo shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed, wuxuuna ballanqaaday in wixii ay gaaraan Ergooyinka Soomaaliyeed uu ansixin doono Baarlamaanka Soomaaliyeed. "Wixii aad halkan ka soo saartaan oo go’aanno ah waxaan idiin ballanqaadayaa in uu ansixin doono baarlamaanka Soomaaliya, waxaase la idinka rabaa in aad Soomaalinimo la timaadaan" ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe). Balse waxaa uu sheegay Shiikh Aadan Madoobe in loo baahan yahay in ay ergooyinka la yimaadaan Soomaalinimo, isla markaana ay iska iloobaan wixii horay u dhexmaray, ayna u guntadaan sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen nabadeynta Dalka Soomaaliya. Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo isna shirka ka hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya ay maanta taagan tahay xiligii ay halganka ku jireen Ururradii Gobonimo-doonka ee SNL iyo SYL, taasi oo uu sheegay in ay tahay tan keentay in shirweyne dib u heshiisiineed la isugu yeero Ergooyin ka socda Beelaha Soomaaliyeed, si aayo-ka-talinta dalka looga talo-geliyo. Wxuu sheegay in magaalada Muqdisho ay isku furan tahay, in ammaanka dalka uu soo fiicnaanayo, dagaalladii beelaha iyo kuwii xaafadahana waa soo af-jarmayaan isagoo taasina ku macneeyay in ay ku timid dadka Soomaaliyeed oo nabad iyo wanaag doonaya. Wuxuu intaas ku daray madaxweynaha in wixii shirweynahan ku qabsoomi waaya ay yihiin wax Soomaali ka maqan oo aan la aqoonin, wuxuuna ballanqaad ku bixiyay Madaxweyne in wixii ka soo baxa Shirka Ergooyinka Soomaaliyeed ay Dowladda Federaalka si buuxda u taageeri doonto, isagoo rajeeyay in ay go’aanadaas noqdaan kuwo dhaxal-gal ah oo dadka Soomaaliyeed dhibaatada ka saara. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa uu maanta mar kale ku celiyay hadal uu dhawaan sheegay kaasi oo ahaa in ay jiraan dad doonaya in ay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed waqtiga ka dhameeyaan kadibna ay iyagu wax sameystaan, "Waan ogahay dad ku fekeraya waqtiga ka dhameeya Dowladda Federaalka dabadeedna idinku wax qabsada, u suurtoobi meyso, weligeedna kala bixi meyno haddeysan hadda nabadda qaadan oo aysan dadkooda dhinac ka raacin"ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in 38 sanadood oo halgan ah uu soo maray, kaasi oo aakhirkii ku soo gebageboobay in Soomaaliya Dowladnimadeedii la waayo, "Kuwa hadda dagaalka doonaya waxaan u sheegayaa in aysan jirin wax ay dagaal ka faa’iidayaan in uu aakhiro u diro mooyee"ayuuna hadalkiisa ku sii daray madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya. Haddaba markii ay halkaas mareysay khudbaddii madaxweynaha ayaa waxaa dhowr madfac lagu garaacay meel aan u dheereyn halka uu shirka ka socday, kuwaasi oo aan arkayay mid ka mid ah meeshii uu dhacay oo qiiq uu ka baxayay. Ergooyinkii shirka ka qeybgelayay ayaa markii ay dhawaqa madaafiicda maqleen waxay ku sigteen in ay goobtii ka cararaan, ilaa uu madaxweyne C/llaahi Yuusuf xusuusiyo in qof kasta uu dhimanayo waqtiga loogu talagalay. Ugu dambeyntiina markii ay dhamaadeen qudbooyinkii shirka lagu furayay, isla markaana uu madaxweynaha ku dhawaaqay in shirka furan yahay ayuu Guddoomiyaha Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed uu sheegay in ay ergooyinka shirka ka qeybgelaya isu imaan doonaan Maalinta Khamiista ah ee soo socota, inta ka horeysana la sugi doono ergooyin shirka ka qeybgalaya, isla markaana kuwa jooga loo sameynayo Kaararka ay shirka uga qeybgelayaan
-
-
-
-
-
Madaxda dowladda KMG ah iyo xubno kale oo soo dhaweynaya xubno ka socda IGAD oo ka soo qeybgalay kulanka
-
-
-
HE President Yusuf's speech at the opening of NRC
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Somalia interim president Abdulahi Yusuf said today he had finished three years in the office with political violence and will stay in power for the next two years with boldness and unyielding rule as the national peace conference was adjourned to Thursday after today’s mortar attack around the venue of the talks. Adeer we provided the text of the speech in full, stop clutching to straws. Here is saxix ala Dayniile. Markii ay dhaceen qaraxyadan ayaa madaxweynaha laga codsaday inuu soo gaabiyo khudbadiisa furitaanka aheyd oo aad u dheereyd, balse wuxuu yiri madaxweynuhu. “Adeer naf walba goortii ALLE u qadaro ayay go’eysaa, ee adinka ma baqdeen” ayuu yiri madaxweyne Yuusuf oo sii watay khudbadiisii illaa uu ka dhameysto. Rudy dont get desperate now adeer -
^^^Adeer you are confused. The talks have begun, they will continue on Thursday insha Allah, after a couple of days of rest, while the remaining delegates arrive. Today 1200 people have arrived from across the country. The firts time such an event has happened in 17 years They are not going back. News, just in 78 delegates have flown in from Kismayu to partake in the conference. Its a great day for Somalia.
-
HE President Yusuf's speech at the opening of NRC
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
The former website of warlords, clan courts and looters as usual try to play up the violence. However this was the latest from Dayniile.com Illaa 4 madfac oo Hoobiyeyaal ah oo ku soo nawaaxiga madasha shirka dib u heshiisiinta xilli uu khudbad jeedinayay M/weyne Yuusuf (Madaxweynuhu ma naxay oo khudbadii ma joojiyay mise wuu sii watay.? The answer. Madaafiicdan ayaa ku dhacday qeybo ka tirsan degmooyinka C/casiis iyo Shibis, kuwaasoo aan ku dhoweyn goobta shirka balse si weyn ay u maqlayeen xubnihii ka qeyb galayay shirka dib u heshiisiinta Qaranka. Markii ay dhaceen qaraxyadan ayaa madaxweynaha laga codsaday inuu soo gaabiyo khudbadiisa furitaanka aheyd oo aad u dheereyd, balse wuxuu yiri madaxweynuhu. “Adeer naf walba goortii ALLE u qadaro ayay go’eysaa, ee adinka ma baqdeen” ayuu yiri madaxweyne Yuusuf oo sii watay khudbadiisii illaa uu ka dhameysto -
HE President Yusuf's speech at the opening of NRC
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
“Stop the fear, you will die when your destiny ends” said president Yusuf when Ali Mahdi Mohamed, the chairman of the reconciliation conference whispered to him to finalize the speech as mortar shells slammed in an area not far from the conference venue. A tough man indeed. -
You must be better than the 990 delegates from across Somalia.
-
Xarunta Shirka Uu Ka Furmayo Oo Ay Siweyn Ugu Soo Qulqulayaan Wufuud Caalamiya (Muqdisho}15.7-7 iyadoo ay k ahadhsan tahay saacad furitaanka shirka dibuheshiisiinta somalia ayaa waxaa goobta shirka ku sugan wafuud caalamiya oo ay kamid yihiin................................................ Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibada ee Itoobiya iyo shir gudoomiyihii shirkii dib u heshiisiinta Embagati Kenya Ambassador Bethwel Kiplagat iyo wasiir ku xigeenka Arimaha Dibada Kenya, iyo waliba xubno kale oo ka socda dowlada Kenya iyo midowga afrika intaba. Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibada ee Itoobiya ayaa lagu wadaa in uu maanta khudbad ka jeediyo shirka dib u heshiisiinta la filayo in saacadaha soo socda uu ka furmo xaruntii hore ee gaadiidka booliiska ee degmada yaaqshiid. Ambassador Bethwel Kiplagat iyo wasiir ku xigeenka Arimaha Dibada Kenya oo isaguna kasoo degay garoonka muqdisho ayaan jirin cid ku soo dhaweysay garoonka diyaaradaha oo aan ka ahayn madaxa waaxda socdaalka ee garoonka “Gaafoow” oo xiligaasi ku sugnaa garoonka. . Waa wafdigii ugu horeysay oo Kenya uga timaada in ay ka qeybgalaan shirka dib u heshiisiinta la filayo in saacadaha soo socda la furo Sidoo kale waxaa xarunta shirka dibuheshiisiinta oo ay ku dhan yihiin inta badan ergooyinkii shirka ka qaybgali lahaa ku sugan Gudoomiyaha baarlamaanka somalia sheekh aadan madoobe oo daqiiqado ka hor yimi xarunta shirka isagoo kasoo kicitimay magaalada baydhaba Goobta shirka iyo waliba xaafadaha kale ee ka agdhow ayaa waxaa aad u ilaalinaya ciidamada itoobiya iyo waliba kuwa dowlada