
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Muqdisho: Shirka dib u heshiisiinta oo goor dhow si rasmi ah ugu furmay Muqdisho 15. July 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Waxaa goor dhow xarunta Gaadiidka Booliska si rasmi ah ugu furmay shirka dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed iyadoo uu Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya uu furay shirka. Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa khudbad uu haatan ugu hadlayo furitaanka shirka dib u heshiisiinta ka socotaa xarunta gaadiidka Booliska. Wixii ku soo kordha arrimaha shirka dib u heshiisiinta wararkeena danbe ayaa kala socon doontaan. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
-
Hundreds of delegates and dignitries in Mogadishu
-
-
Furitaanka Shirka Qaranka Oo Lasoo Gaba-gabeeyay Muqdisho(Calanka.com) 15-Luulyo-2007 Waxaa lasoo gaba-gabeeyay galabta furitaankii shirweynaha qaranka ee ka furmay maanta xarunta gaadiidaka ee magaalada Muqdisho, halkaaso ey isugu yimaadeen ergooyin iyo wufuud ka kala socota gobolada dalka iyo caalamka. Shirka oo uu qudbad dheer ku furay madaxweynaha Somaliya ayaa waxa uu kaga hadlay arimo dhowr ah, waxaana sidoo kale ka hadlay furitaanka gudoomiyaha shirka dib u heshiisiinta qaran oo isna soo dhaweyn iyo mahad celin uga jeediyay madasha kasoo qeyb galayaasha iyo wufuuda.
-
Mogadishu: Hundreds of delegates arrive for TALKS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
qulqulaya. Baydhabo: 2007-07-14, Shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida ayaa la rajeynayaa in uu 15ka Luulyo oo ah barri ka furmo magaalada Muqdisho. Shirkaas waxaa kasoo qeyb gali doona sida ay sheegeen howlwadeenada shirkaasi in ka badan 1300 oo xubnood, kuwaasoo ay soo doorteen beelaha ay ka kooban tahay Soomaalidu ee ay dowladii Carta u qeybisay 4.5 Xubnaha ka qeybhalaya shirkan waxay ka kala iman doonaan 18ka gobol ee dalka Soomaaliya ka kooban yahay iyagoo lagu soo xulay qaab beeleed. Ergooyinkaas ka qeyb galaya Shirkaas beelaha Soomaaliyeed waxaa ka mid ah dhowr xubnood oo beryahan ku sugnaa degmada Ceelbarde ee gobolka bakool oo hadda u sii safraya magaalada Muqdisho si ay shirka berri furmaya uga qeyb galaaan. Sidoo kale, gobolka j/dhexe iyo gobolka j/hoose ayey kasoo baxayaan Ergo ay soo xuleen beelaha halkaas dega kuwaasoo ka qeyb galaya Shirkaas. Shirka ka dhacaya Muqdisho ayaa loo diyaariyey ciidamo boliis ah oo gaaraya kunaan iyo weliba ciidamo shisheeye oo la howlgali doona, waxaan la adkeeyey ammaanka goobaha la dejinayo Ergooyinka ka kala imanaya gobolada dalka. Dhanka kale Qaramada Midoobey "QM" ayaa soo dhaweysay shirka dib u heshiisiinta Soomaalida uga furmaya berri magaalada Muqdisho. Shirka Soomaalida uga furmaya Muqdisho oo ay meel aan nabadi ka jirin ay dad badani is weydiinayaan waxa kasoo bixi kara iyo weliba waxa uu ku soo kordhin karo siyaasadda iska soo horjeedda ee ka dhax jirta dalka Soomaaliya. Gobolada Soomaaliya qaarkood waxay isku magacaabeen dowlad ka madax banaan Soomaaliya kuwo kale waxay la baxeen Maamul goboleed madax banaan, waxaa kale oo jira kuwo ku fikiraya in laysku daro dhammaan 18ka gobol ee dalku ka kooban yahay. bayadhabo afdheernwes@yahoo.com afdheer.com -
Ciidamada Dowlada kumeel gaarka Ah oo Si Wayn ula wareegay amaanka magaalada muqdisho. Ciidamo iskugu jira boliis milatari iyo cutubyo ka tirsan ciimada itoobiya ee ku sugan gudaha magaalada muqdisho ayaa maanta lagu arkayay goobo badan oo ka tirsan wadada warshadaha . Goobaha ciidamada maanta ay kaga sugnaayeen wadada warshadaha waxaa ka mid ahaa isgoyska ifka xalane . warshada biyaha caafi . agagaarka machadka simad isgoyska warshda taraqa iyo sigaarka isgoyska shiirkole ilaa iyo wasaardii hore ee gaashandhiga . Ciidamadaan ayaa maanka goobhaas si wayn u adkeeyay inkastoo dadka deegaanka ay sheegeen in aysan ciidamada wax baaritaana aysan deegaanadaas ka fulin sidoo kale waxaa caadi u socday isku socodka gaadiidka iyo dadka . Dhanka kale ciidamo farabadan oo iskugu jira soomaali iyo itoobiyaan ah ayaa maanta la soo dhoobay isgoysyada kilo mitir afar . kbb. Bakaaraha .isgoyska hawlwadaag iyo isgoyska aadan cade ee dagmada wardhiigleey . Ciidamada amaanka dawlada kmg ee soomaaliya iyo kuwa itoobiya ayaa dhawanahaanba magaalada muqdisho ka waday hawlgalo ay wax kaga qabanayaan xaaladaha murugsan ee dhawaanahaanba ka taagnaa gobolka baanaadir xili dhanka kalana lagu wado in maalinta bari ah magalada muqdisho uu ka furmo shirka dib u hishiisiinta beelaha soomaaliyeed Maxamed Cali jaaked Madaxa wararka dhahar Muqdisho+Somalia
-
SOL members: Who supports attacks on delegates
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^ Lastly, the I.C.U was created as a result of local clans attempting to establish law and justice through Shariah. But the military entity we know today as the I.C.U was largely formed as result of the attack made by the Anti Terror Alliance. What nonsence, IndaCade and Xasan Dahir, Cirfo, Goobanle, Ayro and Abdiqasin to name just a few had thousands of militias spreaqd out from Mogadishu, Afgoyee, Bali-doogle up to Kismayu. Occupiying lower Shabbele, Juba's as well as parts of south Mogadishu. Abukar Cadaan had militias which fought street battles inside Mogadishu for several years against Aydeed, against Musa Sudi and so on. They were part of the USC movement turned JVA, Banadir Co. turned Clan Courts. Thus they were not formed to combat the warlords they were the most armed warlords in Mogadishu for several years. -
Maybe they owned most of the roadblocks outside the warlords, we know IndaCade alone had many roadblocks that were placed in the lower Shabbele up to Afgoyee. The fact that there are no roadblocks in Mogadishu today and that all the roads are opened even those not opened by the clan courts, that all the police stations, the central prison and all Public institutions have been vacated by the looters, the illegal villa's built by the clan courts destroyed, some in the middle of the roads is a testiment to the success of the TFG. Credit for the bombs, murders against civilians civil servants teachers, cleaning ladies, children playing soccer all must go to the clan courts.
-
Mogadishu: Hundreds of delegates arrive for TALKS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ergooyinka ka qaybgelaya Shirka dib u heshiisiinta Qaran oo kusii qulqulaya VOICE OF AMERICA qeybta Af Soomaliga,waxaana Cawa ku jira wararkii ugu danbeeyey ee Somalia iyo weliba wararkii caalamka iyo caawa axaa ka soconaya Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya Ergooyinka Shirka ka qaybgelaya ee ka kala imaanaya Gobolada Dalka Soomaaliya iyadoo lagu wado in maalinta Brito ah uu furmo Shirka dib u heshiisinta Beelaha Soomaliyeed oo in mudo ah Soo jiitamayey. Ergooyinka soo gaaray magaalada muqdisho ayaa waxay sheegeen in rajadoou tahay mid aad u saraysa isla markaasna ay filayaan in shirka ay ka soo baxaan goaamo wax ku ool ah. Goobta lagu qabanayo shirka ayaa si wayn loo hagaajiyay iyadoo iyadoo mudooyinkaana ay ka socdeen dayactir iyo dhisme isla markaasna ay maanta si rasmi ah ula wareegeen Ciidadada Dowlada iyo kuwa itoobiya ee garabka siinaya iyadoo lagu arkayay Jidadka soo gala goobta shirka lagu qabanayo oo ah Xaruntii Gaadiidka Booliska Ciidamo aad u farabadan oo isug jira Kuwa Dowlada federalka iyo kuwa Ethiopia kuwaasi oo lasocday dhaqdhaqaaqa wadooyinka soo gala iyo guud ahaanba Gaadiidka halkaasi imaanaya. Qaybaha kala duwan ee Fanaaniinta ee iyaga laga soo xulay kooxa Waaberi,Heegan Horseed,iyo onkod ayaa iyagu ayaa kamida kuwa laga dareemayo qabanqaabada shirka kuwaasi oo mudo laba bilood ah isku diyaarinayay Ka qayb qaadashada shirka Qaranka. Gudiga Shirka dib uheshiisiinta Qaranka oo aanu Xiriir la samaynay Xubno ka mid ah ayaa sheegay in inta badan ay ergooyinka ay soo gaareen Caasimada isla markaana Berito uu si rasmi ah ufurmi doono Shirka dib u heshiisiinta Qaranka . Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa laga dareemayay isbedel Xoogan iyadoo Ciidamada Itoobiya ay Baaritaan aad u farabadan ka wadeen Qaybaha kala gedesan ee Xaafadaha Magaalada Muqdisho ka mida maadaama maanta ay ahayd Maalintii ugu dambaysay ee Qaban qaabada Shirka dib u heshiisiinta. Bahda allsanaag.com -
China National Offshore Oil Corporation (CNOOC, SEHK: 0883, NYSE: CEO, Chinese: 中国海洋石油总公司) is the third-largest National Oil Company (NOC) in the People's Republic of China next to CNPC, Sinopec. It focus on the exploitation, exploration and development of crude oil and natural gas offshore of China. Its listed arm CNOOC Ltd shares are traded in Hong Kong and New York. China Oilfield Services (COSL) is a fellow subsidiary of CNOOC Limited listed in Hong Kong. CNOOC is a state-owned oil company, 70% of whose shares are owned by the Government of the People's Republic of China, and the State-Owned Assets Supervision and Administration Commission of the State Council performs the rights and obligations of shareholder on behalf of the government.
-
Maamulihii Iskoolkii imaamul shafici Marxuum Yuusuf Maxamuud Cuweyd oo dilkiisa lagu eedeeyey Max’ed Xasan Xaad Shaley ayaa waxaa Masjid ku yaala xaafada hodan ee Magaalada Muqdisho lagu hor diley Maamulihii Iskoolka Imaamu Shaaici Marxuumkan oo magaciisa la oran jirey Yuusuf Maxamuud Cuweyd, ayaa waxaa Toogtey dabley aan heebtooda lagaraneynin. Shaley ayaa waxaa Masjid ku yaala xaafada hodan ee Magaalada Muqdisho lagu hor diley Maamulihii Iskoolka Imaamu Shaaici Marxuumkan oo magaciisa la oran jirey Yuusuf Maxamuud Cuweyd, ayaa waxaa Toogtey dabley aan heebtooda lagaraneynin. Sida ay sheegeen Ehelada Marxuumkan ladiley mara’aan sidaasi u fgeyn in uu kahadley Idaacada Horn Africk asagoo sheegey in uu Mr Max’ed Xasan Xaad uusan matali karin Belweynta ****** uuna kamid aheen isamada beeshaasi, Marxuum Yusuf Cuweyd ayaa si kulul oga Hadley Kooxda uu matalo Mudane Xaad asagoo ku eedeyey in ay qalalaase ee ka wadaan magaalada Muqdisho. Mr Max’ed Xasan Xaad ayaa Maalin kahor ay u magacaabeen Odayaasha Beelaha ****** qaar ka mid ah in uu bedelo Xaaji Cabdi Iimaan kadib markii uu Xaajigu fakir ahaan ku biirey D.F.K.G Somaliya taageereyna in ay Beelaha ****** si buuxda shirka uga qeybgalaan . Sida warar hoose ay sheegayaan Dowlada ayaa waxaa laga cabsi qabaa in ay arimo ku saabsan Dilka Maamulaha Imaamu Shaafici in ay weysdiiso su’aalo la xiriira dilka marxuumkaasi Mr Max’ed Xasan Xaad. Xaad ayaa hada hogaan ahaan ay u doorteen nimanka inta badan Nabada Magaalada Mugdishu kasoo horjeeda kana danbeeya falalka Amni xumo ee hada kadhacaya Caasimada Somaaliya . Ma ahan markii ugu horeysey qof Idaacad kahadlay ladilo hada kahor General kamid ahaa genaralada Somaliyeed, ayaa Idaacada Horn Afirick ka Sheegey fikirkiisa Maalintii xigteyna lagu Diley Magaalada Mogdisho. Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Muqdisho
-
lool.Fiction what peace did they achieve. The six months they were in the headlines they had continues war with the warlords, the JVA/Kismayu, the TFG and so on. what peace the war fronts were as far as Mudug, Bay, and the Juba'. The had continues clashes with every area they went to. Buaale, Banderadlay, Bur-Hakabo and the minute war. The fact that even when they are defeated they resort to killings, murder, bombings and bare naked lies. Highlights how dangerous this group is. There is more peace around the country today than at the time of the clan courts fact. The troubles in Mogadishu is a result of their terror tactics that will be overcome.
-
Mogadishu: Hundreds of delegates arrive for TALKS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Attenders of Somali reconciliation conference began to poure in Mogadisho Mugadisho, Saturday , July 14, 2007 Somali tribal delegations,who were invated to attend in the Somlia Reconciliation due to open tomorrow in Mogadisho capital. Delegations from the Puntland autonomy arrived in Mogadisho yesterday and they were housed at Guuleed hotel in Yaqshid district. Their security was tightened heavily. also the delegations from Middle and Lower Juba regions are on their way and expected to reach in Mogadishu as soon as possiple.other report say that countantable number of delegations expected to arrive at Mogadishu capital in the coming hours. One of the coordinators told Somaliweyn media centre(SMC). On the other side, armed insurgent groups fired mortars on Guuled hotel during last night but no casualties caused by the latest mortar attacks Futhermore, ,reinforcement forces were deployed in several districts in Mogadishu especially at the hotels in which delegations stay.all the roads leading to these hotels were blocked or closed. Hundreds of heavily armed Ethiopian forces also were deployed in many different areas to tight the security situations in the capital particularly in the areas close the conference halls and deligation’s hotels. Source: Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho Somalia -
SOL members: Who supports attacks on delegates
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Bravo Mr Wall Street. -
Ciidamo tiro badan oo Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo la dhigay Waddooyinka Muqdisho Sabti, July 14, 2007HOL): Ciidamo tiro badan oo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira ayaa lagu soo daadiyay Waddooyinka Magaalada Muqdihso, kuwaasi oo laga keenay Xerooyin Magaalada Muqdisho banaankeeda ah. Saakay ayaa Waddooyinka 30-ka iyo Wadnaha waxaa lagu arkayay Ciidamo ka tirsan Mileteriga Soomaaliya, kuwaasi oo socod ku marayay hareeraha Waddooyinkaas, iyagoo gaadiidka iyo dadkana ku amrayay in aysan istaagin oo ay socdaan. Ciidamadan ayaa la sheegay in magaalada Muqdisho loo keenay sidii ay u sugi lahaayeen Ammaanka Magaalada Muqdisho oo maalmahan faraha ka sii baxayay, isla markaana ay kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka awood u yeesheen in ay dib u bilaabaan madaafiicdii Hoobiyayaal ah oo ay ku weerari jireen Xarumaha Dowladda sida Xarunta Villa Somalia oo kale. Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Ciidamada Mileteriga horay uga saartay Magaalada Muqdisho kadib markii ay kooxo hubeysan oo geysta falal dil iyo dhac ah ay soo labisteen dharka Ciidamadaas, isla markaana la kala aqoonsan waayay Ciidamada saxda ah ee Dowladda iyo kooxaha Burcaddaah. Hayeeshee markii Ciidamadaas la saaray kadib ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku sii laba lixaadsaday Falalkii Amni darrada ahaa, iyadoo ay dhaceen dilal loo geystay Askar ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya, sidoo kalena waxaa qaraxyo lala beegsaday mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo ay ka mid yihiin Ra’iisal Wasaare Geedi iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere. Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ciidamadan tirada badan ee Magaalada Muqdisho lagu soo daadiyay ayaa waxaa loo maleynayaa in la doonayo in lagu adkeeyo ammaanka Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo kooxo ka soo horjeeda qabashadiisa ay sheegeen in ay weerari doonaan. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
-
Mogadishu: Hundreds of delegates arrive for TALKS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ergooyinka shirka dib u heshiisinta qaran oo ku qol qolaya magaalada Muqdisho Muqdisho (WNT)-Waxa ku soo qol qolaya magaalada Muqdisho ergooyinka gobolada,kuwaasi oo ka qayb qaadanaya shirka dib u heshiisiinta Qaran oo lagu wado inuu beri ka furmo magaalada Muqdisho. Shalay ayaa waxaa soo gaaray magaalada Muqdisho ergooyin ka socda maamul goboleedka Puntland oo gaarayyey 162 xubnood oo ka soo dhoofay xarunta gobolkaas ee Garoowe. Waxa iyana soo gaaray magaalada Muqdisho ergooyinka gobolka Hiiraan iyo kuwa shabeellada Hoose halka ay uu dib u dhacay egooyinka uga qayb qaadan lahaa gobolka Gedo kuwaas oo lagu wado inay beri subax soo gaaraan magaalada Muqdisho. Waxaa iyana lagu soo waramayaa inay hal qalable u imaanaya ergooyinka socda gobollada Waqooyi ee dalka Soomaaliya, kuwaasi oo dhibaato kala kulmay ciidamo la soo dhoobay xuduudaha oo celinaya ergooyinka u socda magaalada Muqdisho. Si kalstaba ha ahaatee dawlada Fs ayaa u muuqata mid ku dhiiranaysa inuu shirku furmo si kasta oo magaalada Muqdisho u tahay mid ka horayn la’ oo ka harsan qalalaase joogtay iyo qaraxyo. Xarunta wararka Waayaha.net editor@waayaha.net -
Dawlada somalia oo u ogolaatay shirkad Shiinaysa oo lagu magacaabo CNOOC inay shidaal ka baarto bartamaha somalia gaar ahaan Gobolka Mudug. Saraakiil ka tirsan shirkada CNOOC iyo wafti ka socday Dawlada federaalka ayaa kulan ku saabsan shidaal laga baarayo somalia ku yeeshay magaalada nairobi iyadoo siwayn laysula qaadaa dhigay qaabkii loo wajihi lahaa baaritaanka shidaalka iyo qaabkii loo wadaagi lahaa waxsoo saarka shidaalka iyo sidoo kale cida qaadaysa masuuliyada iyo amaanka shaqaalaha shiinaha ee ka hawl galaya wadanka somalia. Waftiga dawlada iyo saraakiisha ka socotay wadanka shiinaha shirkada laga leeyahay ayaa siwayn isula meel dhigay sidii loo wajihilahaa arimaha aan ku soo sheegnay iyadoo lagu heshiiyay in labilaabo baaritaanka bisha Septenber oo fooda inagu soo haysa lagana bilaabo Gobolka Mudug. Shirkada shiinaha ee baaraysa shidaalkan ayaa horay uga baartay wadamo badan oo afriko ah shidaal iyadoo qaar kamida wadamaasi ay wali ka wado baarista shidaalka iyadoo qandaraasyada ay la gasho wadamada africa siwayn ugu dhabar jabisa wadamada ay baaritaanada u samaynayso iyadoo 80$ wax soo saarka ay fuliso iyadu qaadata halka wadamada ay dhulkooda baaritaanada kawado helaan wax ka yar 20%. Allmudug.org news Desk. (Please contact us)
-
Mogadishu: Hundreds of delegates arrive for TALKS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Diyaar garow balaaran oo loogu jiro furtaanka shirwaynaha qaran oo si siwayn looga dareemay magaalada muqdisho iyo ergo ku soo qulqulaysa muqdisho. Magaalada muqdisho ayaa siwayn ula ciirciiraysa diyaar garow baaxadle oo loogu jiro furitaanka shirwaynaha qaran oo lagu wado inuu maalinta barito ah ka furmo magaalada muqdisho iyadoo 24 saac ee la soo dhaafay ay ergooyin aan kala go'lahayn ku soo qulqulayeen magaalada iyagoo ka kala imanaya gobolada dhexe,jubooyinka,Shabeelooyinka,Hiiraan,Puntland iyo Gobola kale. Dhanka kale dawlada somalia ayaa ciidamo isugu jia Military iyo Boolis ku daadisay dhamaan wadooyinka Magaalada gaar ahaana wadooyinka waawayn sida jidka warshadaha kan wadnaha,Jidadka gala suuqa bakaaraha,suuq bacaad iyo sidoo kale xaafadaha huriwaa,shiirkole,ifkaxalan iyo guud ahaan magalada muqdisho iyadoo la arkayay ciidamada dawlada oo dhex lugaynaya dadwaynaha siwayna ilaalo uga haya dadka caadigaa iyo jidadkaba. Ciidamo dheeraada ayay dawladu u xilsaartay sugida amaanka goobta shirku ka dhacayo iyadoo askar si gaar ah u tababaran la dhigay dhamaan wadooyinka soo gala goobta shirku ka dhacayo lagana mamnuucay in wax gaadiid ah lala galo xaafadaasi iyo jidadka soo gala toona aan ka ahayn gaadiidka ergooyinka iyo kan dawlada. Madaxwaynaha somalia ayaa isna maanta booqday xarunta lagu wado inuu bari ka furmo shirwaynaha qaran isagoo soo kormeeray qaabka wax usocdaan iyo sida loo diyaariyay hooska shirku ka furmayo iyadoo uu ku booriyay qaban qaabiyaasha shirka inay siwayn u hantaan niyada dadwaynaha gobolada fog uga imaanaya. Allmudug.org news Desk. -
SOL members: Who supports attacks on delegates
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Macalin Hashi who is part of the clan courts made the threats against the delegates. Those assasinating the police officers, local government officials, retired former soldiers and cleaning ladies are the same ones making these threats. Mr. Duke I belive the only purpose for the peace loving delegates caming to the capital is to solve our issue. If we shoot them in the head. who will solve our circle problem in the future Well said. GG, I agree 100%, these clowns in Asmara will be shown for what they are. -
Ciidamada DFKMS iyo kuwa Ethiopia oo kawada Muqdisho hawlgalkodi ugu balaarnaa Last Updated::2007-07-14 18:20:51 Kumanaal ka tirsan ciidamada DFKMS isuguna jiray kuwa milateriga iyo boliska iyo ciidamada Ethiopia oo --- si culus u hubaysan isla markana wata gaadiidka dagaalka ayna ka mid yihiin dabaabatka iyo baabuurta ayku rakiban yihiin qoryaha culus ayaa waxaa lagu daadiyay degaano kala gedisan oo ka tirsan magaalada Muqdisho . Ciidamadan ayaa waxaa ka mid ah boqolaal ciidamada boliska ah kuwaas oo laga soo daad gureeyay xerada tababarada magaalada Baydhabo kuwaas oo halkas ku soo qaatay tababaro hawlagalka ciidamadan ayaa waxaa uu la xiriira sugida amniga magaalada Muqdisho iyada oo maalinta berri ah lagu wado inuu magaalada ka furmo shirkii dib u heshiisiinta beelaha Somalida Masuuliyinta DFKMS oo ka hadlayay hawlgalada ciidaman ayaa sheegay in ula jeedadu ay tahay xoojinta amniga shirka balse shacabku ay wadan karaan hawla hodi caadig ahayd . Waxaa dhegta loo taagayaa inta ay lekaandonan hawlgalada ay bilaabi doonan cidamadani iyada oo kooxaha ka soo horjeeda DFKMS ay ku han jabeen in ay weeraro ku qaadi doonan goobaha DFKMS si markas uusan u qabsoomin shirka dib u heshiisinta HorseedNet.com
-
Mogadishu: Hundreds of delegates arrive for TALKS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Aaden Cade International Airport oo Maanta Mashquulsan, iyo Wafdigii Beelaha Somaliyeed oo Halkaasi ka soo Dagaya Ergooyinkii Beelaha Soomaalida uga qeyb geli lahaa kulanka dib u heshiisiinta Qaran ayaa ku soo qul qulaya Magaalada Muqdisho, wararku waxeey sheegayaan ilaa iyo haatan sidii loogu tala galey in ay u socdaan imaanshaha wafdiyada logu casimey shirka beelaha somaliyeed oo maalinta bari ah ka furmi doona magaalada muqdisho. Ergooyinkii Beelaha Soomaalida uga qeyb geli lahaa kulanka dib u heshiisiinta Qaran ayaa ku soo qul qulaya Magaalada Muqdisho, wararku waxeey sheegayaan ilaa iyo haatan sidii loogu tala galey in ay u socdaan imaanshaha wafdiyada logu casimey shirka beelaha somaliyeed oo maalinta bari ah ka furmi doona magaalada muqdisho. Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in ay ka soo ambabaxeen Ergadii shirka lagu casuumay, si ay maalinta berri ah uga qeyb galaan shirka beelaha somaliyeed. Wararka ayaa sheegaya in ergooyinka oo soo maraya dhinaca lugta ay soo horkici doonaan Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya. Sidoo kale Ergooyin dhowr ah oo sida la sheegay ka imaanaya Gobolada Dalka ayaa iyana saaka ku soo jeeda Magaalada Muqdisho. Waxaa maanta uu dib u dhac ku yimid ergadii beesha **** ugu qeybgeli laheyd shirka dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed kuwaasoo saakay aroortii ku soo diyaar garoobay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo. Dib u dhaca ergadan ayaa ka danbeysay kadib markii ay baaqatay diyaaradii qaadi laheyd xubnahaasi oo iyadu u weecatay iney ergooyin kale ka soo qaato gobolada Bay iyo Bakool. Beelaha wada daga gobalka Hiiraan ayaa waxa ay ku guuleysteen in si aan khilaaf laheyn ,ku soo xushaan xubnaha uga qeybgalaya shirka dibu heshiisiinta, ayagoo daqiiqado ka hor ka soo dagey garoonka diyaaradaha ee Aaden Cade Airport, ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey halkaasi. Sidoo kale waxaa muqdisho diyaar ku ah inta badan ergooyinkii ka socday gobolada puntland oo iyagu si weyn loogu soo dhoweeyay goobihii martida ee loogu talogalay. Inta badan waxaa Magaalada Muqdisho xaadir ku ah Ergada ka qeyb galeysa shirka dib u heshiisiinta qaran ee ka furmaya Maalinta Berri ah oo Axad ah Magaala Madaxda Somalia ee muqdisho. Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Muqdisho -
Mogadishu: Hundreds of delegates arrive for TALKS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ergooyinka Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo Diyaarado iyo Baabuur lagu doonay Written by Osman Dhayib Friday, 13 July 2007 Diyaarado iyo Baabuur ayaa maanta loo diray Ergooyinka ka qeybgelaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee maalinta Axadda ah ka furmaya magaalada Muqdisho. Afhayeenka Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed C/raxmaan Maxamuud Jimcaale Shifti ayaa sheegay in horay Muqdisho u soo gaareen ergooyin badan oo ka qeybgelaya shirka dib u heshiisiinta, halka kuwa harayna maanta loo diray Diyaarado iyo Baabuur Muqdisho keenta. C/raxmaan Shifti waxaa uu sheegay in ay diyaar tahay halka Shirka lagu qabanayo oo ah Xaruntii Gaadiidka Booliska Soomaaliyeed iyo weliba halkii Ergooyinka la dejin lahaa, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aaney jirin wax caqabad ah oo shirka dib u dhigi kara. Ammaanka halka Shirka lagu qabanayo ayuu sheegay in ay sugayaan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee Muqdisho kula sugan, wuxuuna meesha ka saaray in ay jirto cabsi laga qabo in ay dhacan falal amni darro ah. Ka qeybgalka shirkaas waxaa qaadacay qaarka mid ah Odayaasha Beelaha ****** oo sheegay in aysan shirkaas ka qeybgeleynin haddii aanan looga hadleynin khilaafaadyada Siyaasadeed, iyagoo caddeeyay in aysan jirin Beelo Soomaaliyeed oo khilaafyo u dhaxeeya laga heshiisiinayo. Sidoo kalena Madaxda Maxkamadihii Islaamka oo uu horeeyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa sheegay in aysan shirkaasi ka qeybgeleynin, iyagoo sheegay in aanu Dalka Soomaaliya ahayn mid xiligan lagu qaban karo shir dib u heshiisiineed sabab la xirirta in ay Dadka Soomaaliyeed yihiin kuwo la heysto oo aan xor ahayn. Haddaba iyadoo furitaanka Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ay ka harsan tahay wax ka yar maalin ayaa habeen hore waxaa ka dhacay magaalada Muqdisho Qaraxyo, Madaafiic iyo iska hor-imaadyo xiriir ah oo aan horay uga dhici jirin Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo uga sii daraya Xaaladda Ammaan ee Magaalada Muqdisho oo awalba ahayd mid aan hagaagsaneyn. -
Muqdisho: Madaxweynaha DFKMGS oo booqday xarunta Shirka bari lugu qabanayo. 14. juli 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Madaxweynaha dawlada Faderaalka ee Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed ayaa wuxuu maanta booqday xarunta lugu qabanayo shirka dibu heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed. Booqashada Madaxweynuhu ku tagay xarunta shirka ayaa waxaa lasheegay in ay ahayd,soo indho indheynta hawlaha ka socda xaruntaasi. Madaxweynaha dawlada Soomaaliya ayaa waxaa socdaalkiisa ku waheliyay xubno ka tirsan dawlada Soomaaliya oo ka mid ahaa Madaxa Amniga Qaranka Gen.Max'ed Faarax Darwiish ,waxaana sidoo kale madaxweyne Yuusuf kaga sii horeeyey xarunta gudaheedana ku sugan gudoomiyaha gudiga qabanqaabada Shirweynaha qaranka Cali Mahdi Maxamed. Cali Mahdi oo halkaasi ku soo dhaweeyay Madaxweynaha dawlada Soomaaliya ayaa wuxuu ku tilmaamay booqashada Madaxweynaha Soomaaliya in ka dhigan tahay in xarunta shirku tahay mid amaan ah. Xubno Madaxweynaha dawlada Soomaaliya socdaalka ku waheliyay ayaa waxa ay AllPuntland usheegeen in Cali Mahdi uu sheegay in shirku maalinta bari ah uu furmidoono ayna haatan inta badan ergooyinku joogaan caasumada Soomaaliya. Amaanka Xarunta shirka ayaa waxaa sugaya ciidamo kala duwan oo ka kala socda Milateriga DF ee Soomaaliya,Milateriga Itoobiya iyo kuwa Midowga Africa oo dhamaantood bari sugaya amaanka xarunta shirku ku qabsoomayo. Mahan booqashadii ugu horeysay oo uu Madaxweynaha dawlada Faderaalka ee Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed ku tago xarunta gaadiidka gobalka Banaadir oo ah halka lugu qabanayo shirka dibu heshiisiinta qaranka beelaha Soomaaliyeed. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
-
Mogadishu: Hundreds of delegates arrive for TALKS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Jowhar: Ergada gobalka Shabeelada Dhexe oo Muqdisho u boqoolay Jowhar (Abaaqaroow) - Ergada shirka dib u heshiiisiinta qaran uga qaybgalaysa gobolka shabeelada dhexe ayaa maanta si habsami leh uga ambobaxay gobolkaasi, kuwaasi oo ku sii jeeda magaalada Muqdisho ee Caasumada dalka Soomaaliya. Ergooyinka oo ay weheliyaa ciidamo gaaraya 300 oo askari oo ka mid ah ciidamada xooga dalka Soomaaliya oo galbinaya ayaa waxa ay ka ambabaxeen Magaalada Jowhar. Xubnahan ayaa waxaa hogaaminaya Sheekh Axmed Sheekh Rashiid oo ka mid ah waxgaradka gobalkaasi Shabeelda dhexe,ayadoo lasheegay in ay ergadan gaarayaan 125 qof,waxaana sidoo kale socdaalkan ku waheliya qaar ka mid ah Madaxda qabanqaabada shirka dibu heshiisiinta beelaha Soomaaliya ,waxa ayna guuleysteen intii ay sugnaayeen gudaha Jowhar xulitaanka ergada. Dadweynaha Jowhar ayaa waxa ay caleemo qoyan ku sagootiyeen ergada ka qeybgaleysa shirweynaha beelaha Soomaaliyeed ,ayagoo sheegay in loo baahan yahay in ay taageeraan dhamaan waxyaabaha ka soo baxa shirkaasi. Ciidamada galbinaya ergadan ayaa waxaa lafilayaa in ay ka mid noqdaan ,kuwa sugidoona amaanka xarunta shirku ka dhacayo. Waa ergadii Sadexaad ee aada caasumada Soomaaliya Muqdisho,oo uu ka dhacayo shirka beelaha Soomaaliyeed oo lafilayo in ay kaqeybgalaan 1,325 qof. Mataan Gaa boow Muqdisho Abaaqaroow.com(wiil waal)