
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
China's CNOOC wins Somalia oil exploration rights BEIJING (XFN-ASIA) - China's state-owned CNOOC has been granted exploration rights by Somalia's interim government, the Financial Times reported. CNOOC (nyse: CEO - news - people ) met with Somali government officials last month to firm up details of its survey program, which is due to begin in September. CNOOC's rights cover northern Somalia's Mudug region, following a production-sharing agreement signed in May 2006, which sets aside 51 pct of potential revenue for the transitional government. joshua.lipes@xfn.com
-
Somalia, and in particular Puntland, remains one of the last under-explored countries that has a high potential for considerable reserves of hydrocarbons which can be subsequently developed for the benefit of both the people of Puntland and Range Shareholders The Company believes that through the generation of work and government royalties from hydrocarbon and mineral exploration and development numerous social and economic benefits will result. Range resources now CNOOC, Puntland Somalia is coming of age. Insha Allah peace and development.
-
Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha ****** oo uu isbadal ku yimid mowqifkoodii ku aaddanaa shirka Qaran . July 16 2007 Radiofreesomalia.com Golaha Dhaqanka iyo Mideynta Soomaaliyeed ayaa iska badalay Mowqifkiisii hore oo ahaa inuu diidan yahay shirka Qaran ee beelaha Soomaaliyeed, waxaana xubno ka tirsan Golahaan ay shalay qayb ka ahaayeen xubnihii ****** ee Shirkaas ka qaybgalay. Xasan Hilowle Cismaan oo ka mid ah golahaan shalayna ka mid ahaa xubnihii ka qaybgalay furitaankii shirkii Qaran ayaa sheegay in shirkaas uu yahay mid ay tahay in laga qaybgalo, si nabadda dalka looga shaqeeyo. “Waxaan qabaa in shirka laga soo qaybgalo inta dhiman ee ....... ay yimaadaan oo ay qayb ka noqdaan nabad ku soo dabbaalidda Soomaaliya, waayo 17-sano ayaan isku samri waynay, sidoo kalena aan nabadda keeni waynay” ayuu yiri Xasan Kacaan o0o sheegay inaysan waxba tarayn madax adayg la sii wado. Mudane Xasan Kacaan ayaa sheegay inuu ku arkay furitaankii Shirka Qaran xubno badan oo ka tirsan Golaha Dhaqanka iyo Beelaha ******, loogana baahan yahay Maxamed Xasan Xaad iyo xubnaha kaleba inay ka soo qaybgalaan shirka Qaran ee furmay oo aan hakanayn. “Waxaan arkay 15-xubnood oo ka tirsan beelaha Xawaadle kana tirsanaa beelaha ******, kuwaasoo qayb ka ah xubnaha ka yimid Gobolka Hiiraan, waxayna diyaar u yihiin inay nabad ka dhalato dalka, marka waxaan ka soo horjeedaa in laga soo horjeesto nabadda” ayuu yiri Mudane Xasan Kacaan. Mar uukahadlayay Xaaji Cabdi Iimaan iyo C/llahi Sheekh Xasan Mowqifka ay qaateen, ayuu sheegay inuu si weyn u soo dhaweynayo ayna tahay in fikirkooda la raaco, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in Xaaji Cabdi Iimaan uu yahay Guddoomiyaha Dhaqanka iyo Midnimada ****** oo aanay jirin cid ka qaadi karta xilkaas, isagoo yiri: “Waxaa doortay Beelaha ******, marka laba qof oo meel joogta waxaan filayaa inaysan ka qaadi Karin xilkiisa”.
-
looool, who's afaraid a man who in his youth led armies famously in 1964 and 1978 for his country and fought the dictator Siyad Barre and held back Aydeed? Or Sharif Ahmed the one time Qad merchant who used to take orders from Qaynyare and who lost his parliment post and now talks tough from Asmara?
-
16 years of murdering innocents, a terrible addiction
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Just yesterday..They injured a family sitting for lunch. Ilaa 8-Hoobiye oo maanta lagu qaraacay Degmooyinka Shibis iyo C/Casiis xili uu soconayey Shirka Dib u heshiisinta (Qoys ku la'day Madaafiicdaas kadib markii uu ku dul dhacay iyagoo miis kuwada qadeynaya) 15, July 2007. Xassan Cali Geesey (Alqeys) Muqdisho - Ugu yaraan shan qof oo labo ka mid carruur yihiin, ayaa lku dhaawacantay dhowr Hoobiye oo galabta ku habsaday agagaarka Xaafadda Beyxaani, iyo Suuq-yaraha, ee Degmadda Shibis, oo aan ka fogeyn madasha uu Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Beelaha Somalia ka furmay. Dhowr qof oo Haween iyo carruur oo dhaawac ah, ayaa lagu arkayey Waddooyinka Nasiib Buundo iyo Beyxaani, kuwaasi oo gaari-gacanno loogula cararay Isbitaalka, iyadoo aysan jirin wax gaadiid ah oo haatan ka shaqeynayo Xaafadahaasi oo bandow-maalmeed uu saaran yahay. Kooxaha ku kacsan DFKMGS, ayaa horey ugu hanjabay inay duqeyn doonaan Madasha Shirka, isla markaana ay tallaabo culus ka qaadi doonaan Ergooyinka ka qeyb galayo Shirweynahaasi, waxayna DFKMGS ku eedeysay inay Kooxahaasi ka dambeeyeen duqeyntaasi. Targeting innocent delegates is un-islamic and then injuring women and children in the process. While some cheer for them. :mad: -
lool@owning most of the roadblocks, that is one factor that i never entertained. Here are top members of the Clan Courts who owned roadblocks. 1. Yusuf Siyad IndaCade: Warlord, alleged drug baron and owned roadblcoks mostly inside Lower Shabble and some in Mogadishu. 2. Xaji Abukar Cumar Cadaan [father of courts].Abdulkadir Enow, Owned roadblocks from their port of Ceel Macaan in the outskirts of Mogadishu up to the Norther districts of the cityHe fought alongside his latest enemy Bashir Raage against Musa Sudi inside the city 3. Cirfo: member of Shura of the clan courts: Owned roadblocks from Afgooyee to Mogadishu and from Afgoyee to other parts of lower Shabbele. 4. Mr Cayrow, Xasan Dahir: Had a number of roadblocks inside the city in Ifka Xalaane and held great power over their sub-clans roadbloks within the city. ........I know its funny
-
16 years of murdering innocents, a terrible addiction
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Again people want to personalise the issue. The Duke is not important, the facts here are. My point is simple the self rightous groups who pretend to defend the reliogion yet support Xasan dahir and Cayrow out of clan. The deaths of the children, cleaning ladies, retired officers and residents of Mogadishu is it not the fault of those defeated groups who want to continue the fight? If they cared for the people they would not be sending threats from Asamara[THAT MUSLIM RULED CITY] -
HE President Yusuf's speech at the opening of NRC
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Indeed he is sending the right message. "In 2 years and 9 months, I have humbled all the warlords including Xasan Dahir, Qaynyare, IndaCade and others. Today I sit in Mogadishu doing the national job of restoring peace security and governance. I have two years left, thus if you think you will spoil it think again. Every trick you play, I have others much better. Go on do send your cries from Asmara Who else has the balls to sit through mortars everyday and yet succeed. " Only ina Yey. -
Mogadishu: More delegates pouring into THE CAPITAL
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ugaaska Beesha Ugaas C/raxmaan Ugaas Qaliif iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kusoo jeeda Muqdisho. Magaalada beledweyn ee Gobalka Hiiraan ayaa waxaa ka soconeysa qaban qaabadii ugu dambeysay ee lagusoo sagootinayo wafdi Ballaaran oo uu hoggaaminayo Ugaaska Beesha Ugaas C/raxmaan Ugaas Qaliif Ugaas Rooble ,si ay uga qeyb galaan kulan weynaha dib u heshiisinta Beelaha Soomalida oo Khamiista lagasii amba qaadi doono magaalada Muqdisho Magaalada beledweyn ee Gobalka Hiiraan ayaa waxaa ka soconeysa qaban qaabadii ugu dambeysay ee lagusoo sagootinayo wafdi Ballaaran oo uu hoggaaminayo Ugaaska Ugaas C/raxmaan Ugaas Qaliif Ugaas Rooble ,si ay uga qeyb galaan kulan weynaha dib u heshiisinta Beelaha Soomalida oo Khamiista lagasii amba qaadi doono magaalada Muqdisho -
Ugaaska Beesha Hiiraan Ugaas C/raxmaan Ugaas Qaliif iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kusoo jeeda Muqdisho. Magaalada beledweyn ee Gobalka Hiiraan ayaa waxaa ka soconeysa qaban qaabadii ugu dambeysay ee lagusoo sagootinayo wafdi Ballaaran oo uu hoggaaminayo Ugaaska Beesha Ugaas C/raxmaan Ugaas Qaliif Ugaas Rooble ,si ay uga qeyb galaan kulan weynaha dib u heshiisinta Beelaha Soomalida oo Khamiista lagasii amba qaadi doono magaalada Muqdisho Magaalada beledweyn ee Gobalka Hiiraan ayaa waxaa ka soconeysa qaban qaabadii ugu dambeysay ee lagusoo sagootinayo wafdi Ballaaran oo uu hoggaaminayo Ugaaska Beesha gaas C/raxmaan Ugaas Qaliif Ugaas Rooble ,si ay uga qeyb galaan kulan weynaha dib u heshiisinta Beelaha Soomalida oo Khamiista lagasii amba qaadi doono magaalada Muqdisho
-
Imam Mohamoud Was present at this landmark meeting and I doubt there is a heavier traditional leader in the south of the country.
-
Horn, the man is Col, lol. The deputy minister of foreign affairs was present so were top level delegates from IGAD as well as Arab League. I took the two best pics, but thanks for completing it. Anymore pics from the landmark peace meeting in the capital of Somalia would be most welcome.
-
Mogadishu: More delegates pouring into THE CAPITAL
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Sidoo kale waxaa ku sugan garoonka diyaaradaha ee degmada Dhuusa Mareeb ergooyinkii ugu qeybgeli lahaa beelaha dega gobolka Galgaduud kuwaasoo ka kala socda deegaanada Caabud Waaq, Balanbale iyo Cadaado kuwaasoo u xayiran kaliya sidii ay u heli lahaayeen diyaaradii u soo qaadi laheyd magaalada Muqdisho iyagoo sheegay iney la soo xiriireen Md. Cali Mahdi Maxamed uuna u ballan qaaday saacadaha soo socda in ay gaari doonto diyaaradii soo qaadi laheyd wafuudaas. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho -
Mogadishu: More delegates pouring into THE CAPITAL
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dhanka kale waxaa xalay maqribnimadii garoonka diyaaradaha soo gaaray ergooyinkii ka socday beelaha dega gobolada Jubbooyinka kuwaasoo gaarayey 87 ergo oo isugu jiray qeybaha bulshada wada dega deegaanadaas. -
Muqdisho: Faahfaahin ku saabsan ergooyinka Digil iyo Mirifle ugu qeybgalayey shirka oo Muqdisho soo gaaray 16. July 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray ergooyinkii ka socday beelaha oo mudooyinkan u dhaxeeyay is qabqabsi dhinaca ka qeybgalka shirka iyo qeybsashada casuumada ah. Waxaa shalay lagu guuleystay oo la isku afgartay in ay ergooyinka beelaha ee ka qeybgalaya shirka loo qeybsaday si siman la iskuna raacay in ay si wada jir ah ugu qeybgalaan shirkaas, iyadoo Malaaq Maxamed Ibraahim uu maanta hoggaaminayey ergada oo isugu jirtay Oday dhaqameedyo, Aqoonyahano, Siyaasiyiin, bulshada rayidka iyo haween iyadoo garoonka diyaaradaha ee Baydhabana ay ku soo sagootiyeen mas’uuliyiinta gobolka iyo kuwa degmada iyo dadweyne aad u fara badan.
-
Boosaaso: Maraakiib Cusub oo ay leedahay dawlada Faderaalka ee Soomaaliya oo lugu soo bandhigay Magaalada Boosaaso. 16. juli 2007 Boosaaso(AllPuntland)- Magaalada Boosaaso ee dawlad gobaleedka Puntland ayaa waxaa maanta lugu soo bandhigay Maraakiib cusub oo leedahay dawlada Faderaalka ee Soomaaliya. Maraakiibtan maanta lasoo bandhigay ayaa waxa ay gaarayaan 4 Markab ,waxaana lasaaray ciidamo kala duwan oo ah Miriniska Dalka Soomaaliya,ayadoo lugu waramay in dhawaan ay shaqo bilaabayaan Maraakiibtan. Cabdi Cali Taar (Xiif) oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada dawlada Faderaalka ayaa sheegay in maraakiibtan ay dawladu keentay ay dadaal dheer ugayshay,markii ay xeebaha Soomaaliya soo buux dhaafiyeen Maraakiib Shisheeye oo kheyraadka xeebta Soomaaliya xadaya. Wuxuu kaloo sheegay Sarkaalkan in ay ka danbaysay arintaan markii xeebaha Soomaaliya ay noqdeen ,meel ay ku tarmaan kooxaha burcad badeedaa kuwaas afduubyo ka geysta Xeebaha Soomaaliya. Cabdi Cali Taar ayaa sheegay in ay xalay wasiirka Kulluumeysiga iyo Kheyraadka Bada Xasan Abshir Faarax dawlada Sucuudiga ka wada hadleen ,sidii Boqortooyada Sucuudigu utaageeri lahayd qorshahaasi ay dawlada Soomaaliya kula dagaalamayso Burcad badeed Soomaalida. Wada hadalan uu sheegay Mr.Xiif in ay dhex mareen dawladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga ayuu sheegay in ay ku dhamaadeen guulo lataaban karo ,isagoo sheegay in laga yaabo in Boqortooyada Sucuudiga laga helo taageero arintan ku aadan. Waa markii ugu horaysay oo lasoo bandhigo Maraakiib ay leedahay dawlad Soomaaliyeed 16 sanno ka dib markii ay burburtay dawladii Dhexe ee Soomaaliya ayadoo arintan sidoo kale ku soo adaay xeebaha Soomaaliya oo noqday meelo lugu baacsado Maraakiibta sida shixnadaha kala duwan ee gar gaar. Faarax C/qaadir Geylan
-
Shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed oo Si habsami ah uga Socda Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya Si rasmi ah uga Socda shirka dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed oo lagu guulaystay in uu sidii loogu talo galay u turmShirkaan oo furmay Saaka Socdayna ilaa iyo galabnimadii maanta ayaa waxaa ugu horayn furay oo halkaasi hadalo kasoo jeediyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya mudane Sheekh aadan Madoobe isagoo sheegay inay badi Soo xaadireen ergooyinkii lagu Casuumay shika Marka laga reebo in yar oo Maalinta berito ah Soogaari doona Caasimada Dalka ee muqdisho waxaana uu hadalkii ku soo dhoweeyay Madaxwaynaha jamhuuriyada Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed . Madaxwaynaha Dalka Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed oo hadal dheer oo dhinacyo Badan taabanaya halkaasi ka soo jeediyay ayaa Tibaaxay in qabsoomida shrkaan loo soo maray dadaalo dheeraad ah Loona baahan yahay in Umada soomaaliyeed ay kaga wada hadlaan Dhibaatooyinka iyo waxyaalaha ay isu hayaan Runtana lagaga wada hadlo iyadoon waxba la isu qarin, Madaxwaynuhu waxaa uu sheegay in Maanta loo baahan yahay in fursadaan Qaaliga ah laga Faaiidaysto oo ay ego kasta waxa ay qabaan ka hadlaan si loo gaaro ayuu yiri Natiiyo Miro dhal ah oo looga Boskoodo Waxyaalaha umada Soomaaliyeed ay kala tabanayeen Mudadii Dalku burburka ku jiray iyadoon marna sidaan oo kale la isu soo horfariisan. C/laahi Yuusuf Axmed Madaxwaynaha Jamhuuriyadu waxaa uu sheegay in Mudadii Dowladu ay jirtay ay Soo mareen Dhibaatooyin Farabadan oo kaga imaanaysay dhinacyo badan haday ahaato dowlado shisheeye iyo haday Noqoto Dadka Soomaaliyeed dhexdoodaba waxaa laga soo maray Imaatinka Caasimada Dalka dhibaatooyin aan Lasoo koobi karin ayuu yiri Madaxwaynuhu balse Haatan waxaa ilaahay mahadiisa ayuu intaasi sii raaciyay Madaxwayne yuusuf in Maanta Beelihii Soomaaliyeed ay kuwada hadlayaan Caasimadii dalka oo Nabdoon. Waxaa furitaanka shirka din uheshiisiinta Soomaaliyeed Maanta ka soo qayb galay Dad ajaanib ah oo ka Socday Dalalka caalamka waxaa ka dhexmuuqday Madasha shirka Madaxwaynaha Dalka kenya Dibligad oo isagu ahaa Shakhsigii sida wayn u garabtaagnaa Shirkii lagu soo dhisay Dowlada federaalka Soomaaliya ee lagu qabtay dalka kenya sidoo kale waxaa ka dhexmuuqday Masuuliyiin ka socotay maamul gobleedka IGAD iyagoo hadalona ka jeediyay Furitaankii shirka. Maalinta Berito ah ayaa waxaa la filayaa in ay Soo gaaraan Magaalada Muqdisho Masuuliyiin ka socota UNka iyo Midowga EUROPE Kuwaasi oo shaaciyay in kasoo qaybgelayaan shirka Dib u heshiisiinta Qaran. Gudoomiyaha shirka dig u heshiisiinta Qaranka Mudane Cali mahdi Maxamed oo isna halkaasi khudbad kasoo jeediyay ayaa isna sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay hirgelida shirkaan oo uu sheegay in isaga si gaar ah uu xil uga saaran yahay Maadaaba buu yiri La ii Xilsaaray Arimamaha shirkaan iyo Qabsoomidiisa Shirka ayaa dib loo yar hakiyay ilaa maalinta Khamiista ah ee soo socota Sababo la xiriira Ergooyin aan badnayn oo weli Aan soo gaarin Caasimada kuwaasi oo ku yar dheeraaday is qorshaynta iyaga dhexdooda ah balse kusoo wajahan Maalinta berito ah Goobta shirka. Bahda Allsanaag.com