General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Hoolka Shirarka Oo Ay Buuxdhaafiyeen Ergooyinkii Gobolada Iyo Shirka Oo Saacadka (Muqdisho}15.7-7 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulanka dib u heshiisiinta qaran oo saacad kadib ka furmi doona Xarunta Gaadiidka Booliska. Shirkii dib u heshiisiinta Beelaha somalida ayaa goor dhow lagu wadaa in uu ka furmo magaalada Muqdisho, iyadoo ammaanka goobta iyo waliba agagaarahaba si weyn ay u sugayaan ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia. Shirka dib u heshiisiinta qaran, ee saacadaha soo socda lagu wado in uu ka furmo xarunta Gaadiidka Booliska, ayaa labo jeer oo hore u baaqaday, sababo lagu sheegay dhinaca ammaanka. Ergooyin fara badan ayaa lagu soo waramayaa in ay ku sugan yihiin gudaha Hoolka Shirarka, iyadoo lagu wado in halkaas ay qudbad ka jeediyeen Madaxda Dowladda Federaalka. Gudiga Shirka Dib u Heshiisiinta ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka uu shirka u qabsoomayo maanta. Mid ka mid ah Gudiga qaban qaabinaya kulanka ayaa saxaafada u sheegay in shirka uu saacad kadib furmayo, isla markaana ay u dhan yihiin ergadii ka qeyb geli laheyd. Ammaanka Xarunta uu ka dhacayo Kulanka ayaa aad loo adkeeyay iyadoo Magaalada Muqdisho ay maanta tahay xarun ciidan. Shirkan dib u heshiisiineyd ayaa la ogeyn sida uu u guuleysan karo, iyadoo ay jiraan dad badan oo rajo xumo ka muujiyay qaabka uu Shirka u najaxi karo. Ciidamo Ethiopian iyo Soomaali ayaa la dhigay wado kasta, waxaana maanta aanu jirin dhaq dhaqaaq ka jira Degmada C/casiis iyo Degmada Shibis oo ah halka uu shirka ka dhacayo.
  2. Qaar ka mid ah ergada oo la dhacsan qudbad ay dhageysanayaan
  3. C/laahi Yuusuf oo soo galaya xarunta gaadiidka, isagoo salaamaya dad ku soo dhaweeyay halkaasi
  4. Ilaa 7 hoobiye ayay sheegeen dad goobjoogayaal ah in lagu soo weeraray xarunta gaadiidka, hoobiyeyaashaasi oo aan lala helin xarunta shirka uu ka furmay ayaa waxa ay geeysteen dhaawaca dad rayid ah. Today mortars meant for delegates injured civilians. Who's will pay the price Sharif Ahmed al Asmari :mad:
  5. Shirweynihii Beelaha Soomaalida oo ka furmay Magaalada Muqdisho. Boqolaal ka mid ah ergooyin laga soo xulay Beelaha Soomaalida ayaa maanta shirweyne uu uga furmay Hoolka Xaruntii hore ee Gaadiidka Booliska ee Magaalada Muqdisho, iyadoo furitaankii shirka ay ka soo qeybgaleen diblomaasiyiin Caalami ah oo ka socday dalalka Afrikanka ah ee sida weyn u taageersan Dowladda Federaalka. Mas’uuliyiintii ka hadashay furitaanka shirweynaha Qaran oo ammaankiisa si weyn loo ilaalinayay isla markaana la xiray dhamaan wadooyinka Caasimadda ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Kusimaha Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Saalim Caliyow Ibrow, Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe, Mas’uul ka socday Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Danjiraha Uganda ee Soomaaliya, Danjiraha Yeman ee Soomaaliya, Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo xubno kale. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo halkaasi ka aqriyay khudbad ka kooban 5 Bog oo A4 ah isla markaana Madaxweynuhu ugu horeyntii dalbaday in ergadu ay faataxo u akhriso Madaxweynihii ugu horeeyay Soomaaliya marxuum Aadan Cabdulle Cusmaan. Khudbadda Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu u jeediyay ka qeyb galayaasha shirka waxaa kale oo uu uga hadlay xaaladda Soomaaliya, isagoo tilmaamay sidii ay markii hore ahaan jirtay, dhismaha dowladda Federaalka, mas’uuliyada dowladda Federaalka iyo kaalinta ay shacabku ka qaadan karaan. “Hal shey baa dowladani ku saabsan tahay waana ka go’an tahay inay fuliso, waxayna diyaar u tahay inay wax kasta u hurto , Dowladda KMG ah waxay doonaysaa inay soomaaliya ku soo celiso Nabadii ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo markii khudbada jeedinayay ka muuqatay tabardaro aad u weyn. Intii khudbadda Madaxweynaha socotay ayaa waxaa soo dhacay dhawr Hoobiye taasina waxay keentay in Cali Mahdi Maxamed Guddoomiyaha shirka uu Madaxweynuhu ku wargeliyay inuu khudbadiisa joojiyo, balse taasi waxaa ka hor yimid Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo si cad u yiri mar kaliya ayaa la dhimanayaa ee joojin maayo khudbada. C/llaahi Yuusuf ayaa yiri waxaa idin caddeynayaa in Soomaaliya jujuub iyo xoog wax ku raadin ay ka dhamaatay, Waxaa dadweynuhu ka caban jireen dowlad soomaaliyed oo aan tixgelinaynin ra’yigooda xoogna ku maamulaysa aayahooda hadda waxaa taagan taa bedelkeeda oo ah in dowladdii ka kari la adahay qeybo shacabkii ka mid ah inay xaqooda ku qaataan si loo ogol yahay oo Nabad ah”. Dadkii ka hadlay shirka waxaa ka mid ahaa Guddoomiyihii shirkii Mbaghati Pathwel Kiblagat oo sheegay in marka xigta uu imaanayo Muqdisho ay soo wada guuri doonaan qoyskiisa.
  6. ^^^Fuuny the clan courts in Asmara have called for attacks and thus anyone who supports this joke of an outfit no doubt must support attacks on our nobel delegates.
  7. ^^^^^^^^^ Maybe these little beautiful girls will lighten your mood[/i] Or maybe the old elegent bunch will help It is the firts meeting all clans have taken part in the capital of Somalia.
  8. Hoolka shirka uu ka furmay ee xaruntii hore ee gaadiidka Madaxda dowladda iyo ergo ka socota beesha caalamka oo ka muuqda madasha shir guddoonka Kiplikat oo ahaa shir guddoonkii shirkii lagu soo dhisay dowladda KMG ah oo hadalo ka jeediyay kulanka
  9. lool. The Ethiopians are leaving when all the AU troops promised arrive. The TFG wants an international force and has even requested troops from the Arab world. Thus thats a non issue. Important things are 1. Reconciling the clans who fought each other under the titels of; USC,SNF,SSNM,RRA,SPM,SNM and so on. 2.Return of private property and lands speacialy in the capital to their rightful owners. 3.The way forward for 2009 and national elections.
  10. ^^^Al Shabaab are the clan courts militia and their leader Ayro is a kinsmen of IndaCade and Xasan Dahir two of the top leaders.
  11. Speech of the Leader Part 2 Dowladdani waxaa horyaala inay fuliso howlahan soo socda:- •In la dhiso dowlad goboleedyo ku saleysan rabitaanka dadweynaha. •Inay si degdeg ah u diyaariso dastuurkii lagu dhaqi lahaa Soomaaliya iyada oo la kaashaneysa hay’ado iyo khubaro caalami ah ugu dambeyneysa guddi wadani ah oo dastuuri ah oo axdigu u xilsaaray dadweynaha iyo degaankaba, waxaa la weydiin doonaa ra’yigooda. •Markii qoritaanka dastuurka la dhameystiro waxaa loo qaadi doonaa afti caam ah oo Soomaaliya oo dhan ah si loo dhaqan geliyo ama loo diido aftida furan oo caamka ahi waxay iyana muujin doontaa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed iyo waxa ay u rabaan inay sharci iyo xeer ka dhigtaan. •Waxaa Soomaaliya oo dhan laga fulin doonaa tirakoob ballaaran oo caam ah. •Arrintaasi waxay suurtagelin doontaa in Soomaaliya loo qeybiyo kuraasta Baarlamaanka si siman iyadoo lagu saleynayo tirada shacabka, waxay kaloo asaas fiican oo laga cabiraad qaato u noqoneysaa in Soomaaliya laga hirgeliyo nidaamka federaalka ah. •Markii intaas la fuliyo waxaa la furayaa xisbiyada siyaasiga ah oo nidaam hufan oo aan hubeysneyn iyo keli talisnimo toona ku saleysneyn. •Taasina waxay dalka gaarsiineysaa markii mudada KMG ahi dhammaato in doorasho caam ah oo xor ah ay Soomaaliya ku soo doorato dowladeeda iyo madaxdeeda. Walaalayaal muwaadiniin, waxaan idiin caddeynayaa in Soomaaliya jujuub iyo xoog wax ku raadin ay ka dhammaatay, waxaa dadweynuhu ka caban jireen dowlad Soomaaliyeed oo ra’yigooda tixgelineyn xoogna ku maamuleysa arrimahooda iyo aayahooda. Hadda waxaa taagan taa bedelkeeda oo ah in dowladdii kari la’dahay qeybo shacabka ka mid ah inay xaqooda ku qaataan si loo ogol yahay oo nabad ah oo dimoqraadiyad buuxda ah, talada haboon ee Soomaaliya waxay ka bilaabataa fadhigiinan maanta, inkasta oo wakhti badani inooga lumay is qabqabsi macno darro ah oo aan loo baahneyn, waxaa loo baahan yahay in wakhtigan adag ee na soo food saaray ugu gudubno si nabad ah oo dulqaad iyo isu samir leh. Dad badan oo shisheeye iyo sokeeyaba lihi wadnaha ayay farta ku hayaan iyagoo ka baqaya in taladu na seegto oo is dilida iyo dagaalka macno darrada ah sii wadno kaddibna nabadda Soomaaliya baaqato. Shaki iigama jiro in shirweynahan Qaran sii xoojinayo kalsoonidii ummadda Soomaaliyeed soona noolaaneyno rajadii beesha caalamka uu ka qabay in shacabka Soomaaliyeed dhibaatada heysata uga bixi karo markii talada faraha laga soo saaro shacabka. Mudanayaal iyo marwooyin, hadaan nahay mas’uuliyiinta Soomaaliya, dalkeeniina uu ku sugan yahay xaaladda aan kor ku soo sheegay waxaa inala gudboon inaan ummadda u horseedno soo celinta nabaddii, Qaranimadii iyo midnimadii wadanka iyo sidii ay u hanaqaadi laheyd Soomaalida cusub, iyadoo lagu fulinayo marxalado kala duwan, lana door bidayo adeegsiga dariiq kasta oo nabada, dulqaad iyo degenaan ah. Waxaan adduun weynaha iyo hay’adaha caalamka iyo dowladaha aan saaxibka nahay ka codsanayaa inay nala garab galaan meel marinta qorshaha degdegta ah ee aan ku dhiseyno tayada hay’adaha dowladda, qorshaha dhexe ee aan ku soo celineyno nidaamka iyo kala dambeynta, kuna dhalineyno nabad waarta iyo qorshaha ku aadan dib u dhiska iyo horumarinta dalka. Waxaan kaloo ka codsanayaa inay wax nagala qabtaan abaaraha ba’an ee ka jira gobolada dalka qaarkood oo ay gurmad degdeg ah oo xag walba ah u fidiyaan dadka tabaaleysan. Waxaan mahad ballaaran u soo jeedinayaa shacabka Soomaaliyeed oo meel walba oo dowladdu tagtay si qiiro iyo bogaadinba leh ugu soo dhoweeyay tan iyo intii ay u soo guurtay dalka, waxaa jiritaanka dowladda udub dhexaad u ahaa taageerada shacabka Soomaaliyeed oo muruq iyo maalba leh iyo samirka iyo biseylka ay muujiyeen waa inaad kalsooni buuxda ku qabtaan inaan ku howl jirno badbaadintiina iyo sidii karaamadiinii iyo sharafteenii u soo noqon lahayd, waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa inay nabadda qaataan oo ay soo afjaraan colaadaha sokeeye ee ka oogan gobolada qaarkood, waxaan ku rajo weynahay kuna dadaaleynaa in haddii Eebbe idmo sanadkani noqdo kii ugu dambeeyay oo ummadda Soomaaliyeed ku hoos noolaato colaad iyo ammaan darro. Waxaan magaciina mahad ballaaran ugu jeedinayaa dalalka saaxibka ah iyo beesha caalamka ee taageeray nabadeynta iyo dib u soo nooleynta gobanimada ummadda Soomaaliyeed, mudanayaal iyo marwooyin dhammaantiin waad mahadsan tihiin Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed
  12. The Speech of the leader part 1 “Tan iyo markii ay Dowladda Federaalka KMG ah dalka u soo guurtay, waxaa la inkiri karin in Soomaaliya uu isbedel la taaban karo ka dhacay, waxaan maanta aragnaa magaaladii caasimada ahayd ee Muqdisho oo isku furan, mideysan, noloshii iyo adeegyadiina ay soo noolaanayaan. Sidoo kale ammaanka guud ee dalka waa sii fiicnaanayaa, dagaaladii beelaha iyo xaafadaha Muqdisho iyana waa soo afjarmeen. Dowladnimo iyo sharciyad baa maanta ka talisa dalka haddii Eebbe idmana waa sii xasili doontaa Soomaaliya, hase yeeshee howsha Soomaaliya ee ammaan iyo siyaasadeed weli ma dhameystirna, waxaan go’aansanay inaan intii karaankeena ah dadaalno, wixii nagu cuslaadana aan ugu qanacsanahay shacabka Soomaaliyeed u soo bandhigno lana kaashano, waayo waxaan si buuxda ugu qanacsanahay in shacab weynaha Soomaaliyeed uu wanaag doonayo dalkiisana badbaadinayo haddii fursad loo siiyo” ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed. “Dowladda Federaalka KMG ah waxay idiin ballanqaadeysaa: •Iyadoo lagu shaqeynayo axdiga KMG ah ee Qaranka, talooyinkii wax ku ool ah ee shirweynuhu isku raaco inay tixgelin doonto, rabitaanka dadweynaha Soomaaliyeedna fulin doonto. •In qof kasta oo idin ka mid ahi uu leeyahay ra’yigiisa, xorriyaadkiisa oo buuxa iyo xuquuqdiisa wadaninimo. •Inaan qof Soomaali ah oo xaqiisa, qeybtiisa iyo kaalintiisa la duudsiin doono ama la dafiri doono aanu jirin. Dowladduna ay diyaar u tahay wax qeybsi ku saleysan miisaanka Axdiga iyo maslaxad caam ah. Waxaan maanta shirweynaha isugu nimid inaan adduun weynaha u caddeyno in Soomaalidu ka talin karto aayaheeda wanaagsan iyo inaan muujino inaan ummadnimada iyo wadaniyadii Soomaaliya ayan dhiman, halkaan waxaan ku kala tegi doonaa haddii Eebbe idmo inagoo ka xaajo boganay sida ugu fiican ee dowladdani ku dhaqi lahayd Soomaaliya mudada KMG ah nabadana uga islaaxi lahayd Soomaaliya iyo inagoo isla meel dhignay oo isla garanay sida dowladdani dalka ku dhaqi doonto kuna gaarsiin doonto doorasho xor ah. Mudanayaal iyo marwooyin, markii shirweynahan laga reebo marar badan oo kale ayaa dowladdani ku qasbanaan doontaa inay shacabka Soomaaliyeed rabitaankooda weydiiso kuna dhaqanto, waxaan jeclahay inaan idin la wadaago barnaamijka dowladdu fulin doonto mudada KMG ah sida uu farayo Axdiga KMG ah, waxaa halkaa idinka cadaan doonaa in mudada KMG ah sideedaba loogu talagalay in shacabka Soomaaliyeed ka taliyo aayihiisa, mar haddii ay taasi idiin cadaatana ma jirto wax ku qasbi kara in qof Soomaali ahi dagaal joogto ah oo macne la’aan ah uu sii wado.
  13. Muqdisho: Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo khudbad dheer ka jeediyay furitaanka shirka dib u heshiisiinta Qaran “Khudbadii oo sideeda u qoran” 15. July 2007 Muqdisho (AllPuntland)- Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta khudbad dheer ka jeediyay furitaanka shirka dib u heshiisiinta Qaran oo maanta si rasmi ah ugu furmay magaalada Muqdisho,iyadoo khudbadii bilowgeeda uu Madaxweynaha ku dheeraaday ka sheegeynta Madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan isagoo ergadii shirka ka codsaday in hal daqiiqo loo istaago loona aqriyo Faatixo, waxaana aqristayaasha sideeda ugu soo gudbineynaa khudbadii Madaxweynaha waxayna u qorneyd sidan:
  14. More on the landmark meeting in our capital.
  15. ^^^Adeer are you serious, what about the clan that got cleanesed from Mogadishu? What about the clans who have fought throughout the war in Galkacyu, Kismayu, North & South Mogadishu. What about A/Qasin's clan's domination of the lower Shabbele? Do they not need to reconcile with the locals. What about the properties lost by certain clans and occupied by others? The major clans need reconciling then the internal clan differences between each needs to be dealt with.
  16. Madaafiicdan ayaa ku dhacday qeybo ka tirsan degmooyinka C/casiis iyo Shibis, kuwaasoo aan ku dhoweyn goobta shirka balse si weyn ay u maqlayeen xubnihii ka qeyb galayay shirka dib u heshiisiinta Qaranka. Markii ay dhaceen qaraxyadan ayaa madaxweynaha laga codsaday inuu soo gaabiyo khudbadiisa furitaanka aheyd oo aad u dheereyd, balse wuxuu yiri madaxweynuhu. “Adeer naf walba goortii ALLE u qadaro ayay go’eysaa, ee adinka ma baqdeen” ayuu yiri madaxweyne Yuusuf oo sii watay khudbadiisii illaa uu ka dhameysto.
  17. SW: As we speak I am using allot of restraint. I dont want them to get a shock, not yet.
  18. Conference for peace and reconciliation in Somalia underway Mogadishu - A long-awaited conference for reconciliation meant to bring peace to Somalia after 16 years of civil war got underway in the volatile capital Mogadishu on Sunday, the Somali press agency Shabelle said. Several hundred participants, among them representatives of rival clans, government, former warlords as well as foreign observers were in attendance at the gathering that was postponed on several occasion for various reasons, flare-ups of violence and death threats by Islamic militias. The European Union-backed conference is considered the last chance for the weak interim government of President Abdullahi Yusuf to bring stability and strengthen the position of to the wrecked country in the Horn of Africa. The conference is scheduled to last 45 days, but diplomats have said this time frame is not likely. Somalia was plunged into anarchy in 1991, after warlords toppled dictator Mohammed Siad Barre and then turned on each other. Source: Dpa
  19. Shirkii dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed oo Muqdisho ka furmay Waxaa maanta si rasmi ah u furmay shirkii dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed oo lagu qabanayo Xerada Gaadiidka ee degmada Cabdulcasiis ee magaalada Muqdisho, iyadoo aammaankana loo adkeeyey si aan horay loo arag. Ilaa iyo 1,000 ergey oo ka kala socota gobollada dalka metelayana beelaha Soomaaliyeed ayaa shirkan maanta goob joog ka ahaa, iyadoo ciidamada dawladda federaalka iyo kuwa Ethiopian-ku ay hawlgallo ballaaran oo ammaanka lagu adkaynayo ay Muqdisho ka fulinayeen saddexdii maalmood ee la soo dhaafay. Waddooyinka degmooyinka Xamar Weyne, Karaan iyo Cabdulcasiis oo ah halka uu shirku ka socdo ayaa la xiray, waxana halkaasi hawgal ballaaran kaga jira ciidamada dawladda iyo saaxiibadooda Ethiopian-ka. Shirkan ayaa ah kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee lagu qabto gudaha dalka tan iyo xilligii burburka. Dhinaca kale, qaraxyo aan siyaasi u badnayn ayaa laga maqlay suuqa Bakaaraha iyadoo la soo weriyey in ay halkaasi ku dhaawacmeen saddex qof. Qaraxyadan ayaa waxaa ka dambeeya koox ka soo hor jeedda shirka iyo dawladda intaba, kuwaas oo wacad ku maray in ay khalkhal gelin doonaan ammaanka magaalada Muqdisho. Laakiinse, marka la eego jawiga uu shirku ku furmay ayaa waxaa muuqata in shirka ay ilaalinayaan awood ku filan in ammaanka lagu xaqiijiyo. Maxamuud Faarax Bile farahbile@hotmail.com