General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Afhayeenka Madaxweynaha Somaaliya oo Dib u bilaabay Hawlihiisi Shaqo Last Updated::2007-07-12 17:44:48 Nairobi:-Afhayeenka Madaxweynaha Dawlada Somaaliya Mudane Xuseen Maxamed Maxmuud Xuubsireed ayaa Maanta dib ubilaabay Hawlihiisi Shaqo -- ee uu uhayey Shacabka Somaaliyeed Mudanaha ayaa waxa uu kasoo kabsaday sihab samileh Dhawaac yar oo Kooxo hubeysan ugu geysteen isgoys ka Howl wadaag ee Magaallada Muqdisho taariikhdu markay aheyd 18/06,07 isagoona lagu daweeyey Isbitaal kuyaala Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya. Afhayeen Xuubsireed ayaa Waxa uu Wariyayaasha usheegay in uu Hawshii qaran ee uu hayey uu dib ubilaabayo isagoona ku laabanaya Caasimada Dalka Somaaliya ee Muqdisho isagoona mudanuhu uu sheegay in uu u adeegayo Shacabka Somaaliyeed Madaama uu yahay Masuul katirsan Dawlada Dalka Somaaliya ka Arimisa. Mudane Xuubsireed ayaa Maanta waxa uu shirkiisi Siyaasadeed ee ugu horeeyey Safaarada Somaaliya ee Magaalada Nairobi kula yeeshay Guddoomiyaha Jaaliyadda SSCH Mr,Ahmed Abdisamad iyagoona ay labada Masuul kawada hadleen Arimo badan oo quseeya Dalka xaaladiisu ay Gadalaadhacayso ee Somaaliya iyadoona labada msuul shirkoodi uu socday mudo Saacadaa. Gudoomiye Ahmed Abdisamad waxaa uu sheegay in Kulankooda ay iskula soo qaadeen Xaalada uu Dalka Somalia iminka Marayo,waxaana uu Afhayeenka Madaxweynaha u sheegay Guddoomiyaha in Dalka Somalia iminka xaaladiisu degan tahay,waxaana uu dhinaca kale Sheegay in Haatan ka socoto Muqdisho qaban qaabada Shirka Dib u hishiisiinta Somalia oo lagu wado in 15 ka bishan uu Muqdisho ka furmo. Guddoomiyaha Jaaliyadda SSCH ee Dalka Kenya Mudane,Ahmed Abdisamad ayaa waxaa uu ku dheeraaday in Somalia haatan ku jirto xillligii ugu rajada rooneed,isagoona ku booriyey Afhayeenka iyo Dowlada Ku meel gaarka ahba inaysan ka joogsan wado kasta oo lagu helo karo sidii dib loogu soo celin lahaa Nabadii iyo kala danbeyntii Somalia ka jirtay. Mr,Ahmed waxaa kale oo uu sheegay inuu Fariin Nabadeed uu Afhayeenka ugu dhiibay Madaxweynaha Somalia Mudane,C/laahi Yusuf Ahmed taasi oo ku aadan sidii uu Madaxweynaha uga shaqeyn lahaa isku soo dumida Qeybaha Somaliyeed ee kala irdhoobay 17 sano ka hor,waxaana uu intaasi ugu darey in Dhamaan Jaaliyadaha Somaliyeed ee ku nool Dalka Kenya isaga oo afkooda ku hadlaya inay diyaar u yihiin Taageeridada Dowlada Somalia iminka u dhisan. Gaba gabadii ayaa Labada Mas’uul waxay Saxaafada u sheegeen in Somalida waajib ku tahay inay u istaagaan sidii loo taabo gelin lahaa Dowlada Ku meel gaar ka ah ee Somalia,taasi oo iminka ka howlgasha gudaha Somalia ahna Miraha ka dhashay shir ay Somalida In badan ku lahaayeen Dalkan Kenya. Jamaal Mohamuud Ahmed Shuurye55@yahoo.com Kenya.Nairobi HorseedNet.com
  2. Madaxweynaha dowladda kMG ah C/laahi Yusuf oo sheegay in shirka dib u heshiisiinta uu dhacayo. July -12-2007-HornAfrik, Mogadishu. Madaxweynaha dowladda KMG ah C/laahi Yusuf ayaa shaaca ka qaaday in shirka dib u heshiisiinta uusan baaqan doonin xataa hadii lagu weeraro hubka Nuclear-ka. Madaxweynaha Dowlada KMG ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa daboolka ka qaaday in uu qabsoomayo shirka dib u heshsiisiinta qaran isla markaana aan dhag jalaq loo siin doonin weerarada ka dhacaya Muqdisho Madaxweyne ayaa waxaa garab taagnaa markii uu maanta hadalka soo saaray weeraradii xoogaan ee xalay gil gilay caasimada Gudoomiyaha dhaqanka Beelaha ****** iyo waliba siyaasiga C/laahi Sheekh Xasan kuwaas iyana ugu baaqay dowladda fadaraalka soomaaliya inay gacan ka gaystaan nabada dalka. Madaxweyne Yuusuf oo shir jaraa`id ku qabtay madaxooyada dowlada ee Viila Somalia ayaa sheegay in dowlada KMG marnaba dib u dhigi doonin shirkaasi xitaa haddii ay hub hobiye ka weyn lagu soo weeraro. “Marnaba ma baaqanayo shirka xitaa haddii lagu soo weeraro hubka Nuclear, dhag jalaq uma siin doono weerarada”ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya C/lahi Yuusuf. Waxaa kale uu sheegay Mr.Yuusuf in mar kale uu cafis u fidiyay dadkii la soo shaqeeyay maxaakimta isla markaana la sii deyn doono maxaabiista aan dambiga laheyn laakiin kuwa dambiga ku jira cadaalada la horkeeni doono mar dhaw isagoo intaasi ku daray inaan la cafin doonin kuwa xariirka la leh alqaacida caalamiga ah waxaana uu intaasi raaciyey madaxweynaha dowladda fadaraalka soomaaliya in cid walba oo ay u keenaan Mas'uuliyiinta uu hor kacayo xaaji cabdi Iimaan oo ah gudomiyaha dhaqanka beelaha ****** ay cafis yihiin. Madaxweyne Yuusuf oo ay ka muuqatay carro iyo xanaaq fara badan wajigiisa ayaa dhanka kale sheegay in ciidamada Itoobiya marnaba aysan ka bixi doonin Soomaaliya tan iyo inta xaalada dalka soomaaliya ay ku soo celinayaan sidii la rabay. Hadalka madaxweynaha ayaa soo baxay ka dib markii habeenimadii xalayto hoobiyaal lagu weeraray goobta shirka loo madlay in lagu qabto waliba iyo xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia.
  3. Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo sheegay inay amaanka shir weynaha dib u heshiisiinta qaran ay guud ahaan sugi doonaan. Thu-12-July-2007 audio
  4. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo shir jaraa'id ku qabtay Villa Somalia Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta shir jaraa'id ku qabtay xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho halkaas oo uu kaga hadlay arrimo dhawr ah. Madaxweynaha ayaa ka hadlay saddex qodod oo kala ah. 1. Cafis loo fidiyey Kooxdii Maxkamadaha intooda aan xiriirka la lahayn argagixisada caalamiga ah. 2. Sii joogitaanka ciidamada shisheeye ee dalka oo uu sheegay in ay sii joogi doonaan tan iyo inta dalka laga xasilinayo. 3. Iyo qabsoomidda shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya oo uu sheegay in uu ku qabsoomi doono xilligii loogu tala galay. Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay taageeraan dawladda keli ah ee dalka ka hana qaadday muddadii 17 sano ahayd ee la soo dhaafay. Markii uu shirka jaraa'id qabanayey waxaa garab fadhiyey Xaaji Cabdi Iimaan iyo Cabdullaahi Shiikh Xasan oo kamid ah odayaasha muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ee dhowaan bilaabay taageerada dawladda federaalka Soomaaliya. Cabdullaahi Soomaali SBC Muqdisho
  5. Geedi oo ku sugan Sucudiga 12 Jul 12, 2007 - 8:32:29 AM Ra’iisul wasaaraha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi oo maalmahan booqasho ku marayey dalka Sacuudi Carabiya ayaa waxaa uu kulan gaar ah la yeshay Ganacsatada iibsata xolaha laga soo dhoofiyo dalka Somaliya isagoo kala hadlay sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen in cunaqabateynta laga qaado xayiraada saaran xoolaha Soomaaliya. Ra’iisul wasaaraha ayaa ka codsaday ganacsatada Sacudiga in ay ka shaqeeyaan sidii loo hormarin lahaa ganacsiga xolaha iyo xiriirka labada dal iyadoo kulankasina la iskula gartay in xayirada laga qaado xoolaha dalka Somaliya isla markana la sameyo xarumo caafimaad oo lagu baaro xoolaha dalka Soomaaliya. Geedi oo la kulmaya boqorka Sucuudiga Geedi ayaa sidoo kale waxaa uu kulamo kala gedisan uu la yeeshay Boqar Cabdalla Bin C/casiis, wasiirka arrimaha dibada Sacudi Carabiya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xukuumada Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo ay ka wada hadleen horumarinta iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ka dhaxeeya iyo sidii la isaga kaashan lahaa dhinacyada ganacsiga. Booqashadaan ayaa la xiriirta sidii Xukuumada Geedi oo aan xiriir wanaagsan la laheyn wadamada carabta ay kor ugu qaadi lahayd iskaashi dhexmara labada dhinac. Cali Muxayadiin Cali,Muqdisho
  6. ^^^Moore and Kutcer are from the same world white and showbiz. These two are quite different. Strange story. But good luck to them.
  7. ^^^The doomed project is occupying fellow Somali's towns. Thats trully insane. Reconciliation and restoration of governance is a wonderful thing.
  8. The Duke was congratulating our lovely lady I don’t know this man you allude to Mother Somalia the tribute was paid to It is not politics just, common sense After all it was her day How ever Yusuf Yey is not in the play His courage is what they hate Hate is not gonna effect him in any way He defends the 47 year old till death The sacrifice he has paid is immense To get rid of the parasites who crippled her To defang the vampires who bled her to near death Her beauty is being restored and her champion will not give up For the jackal is not an easy creature to confront And this one is the best till kingdom come.
  9. Strange indeed, the guys is young and she married 5 times before and a councilor from the UK. I know here attraction to the youth and wealth of the man, but what does he get?
  10. Osama's Son Marries British Granny Last Update: Jul 12, 2007 7:56 AM (Reuters) - The story of this rather unusual match filled the pages of several newspapers in Britain. Jane Felix- Brown - a 51-year-old grandmother - has married the 27-year-old fourth son of the world's most wanted man. Omar Ossama bin Laden met the mother-of-three and grandmother-of-five in Egypt. She said their "fairy tale romance" began when he saw her horseriding near the Great Pyramid. There was no-one at Felix-Browne's home after news of the Islamic marriage emerged. She's in hiding until the furore over her personal life dies down. "He's a very, very quiet person. He's very reserved. He's very religious but he's not extreme. He was with his father in Afghanistan and then he left and went to Saudi Arabia - a really nice person," said bin Laden's new daughter-in-law. Residents in the Cheshire village of Moulton were surprised by the news - Felix-Brown is a local councillor there. "You wouldn't expect that type of thing but then if that's Jane's wish - that's her wish. Good luck to Jane and hopefully everything will work out ok. I shouldn't say this maybe but let's hope he doesn't take after his father," said pub landlord Jim Mellor. Felix-Browne has been married five times before. She plans to apply for a visa to enable her husband to visit Britain. He says he hasn't seen his father for seven years. He already has a wife and two-year-old child in Saudi Arabia. That's fine says Felix-Browne - but being the daughter-in-law of a man with a $25 million bounty on his head will take some getting used to.
  11. ^^^Carpet bombed Mogadishu? Give us a break. As for what you thought, the TFG always takes the opportunity to bring reason before it crushes its opponents. These people dont know reason they just kill and thus must be killed.
  12. Muqdisho: Ciidamo amniga sugaya oo caawa la soo dhigay xarunta gaadiidka Booliska 12. July 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Waxaa caawa lagu arkayey degmada C/casiis ciidamo fara badan oo gaaf wareegaya xaafadahaasi iyo deegaanada kale ee u dhow dhow xarunta Gaadiidka Booliska halkaasi oo loo qorsheeyay in maalinta Axada uu ka furmo shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed. Ciidamadan ayaa ah kuwo Boolis ah oo qaba tababar xoogan sida ay inoo xaqiijiyeen caawa saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska dowladda Federaalka ee ka howlgalaya halkaasi. Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa qorsheysay in amaanka shirka dib u heshiisiinta ay sugi doonaan ciidamada Booliska iyo ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM. Dhanka kale waxaa maalinta beri oo ku began Jimce waxaa la filayaa in garoonka diyaaraddaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo degaan diyaaraddaha soo daabulaya ergooyinka shirka ka qeybgalaya ee ka imaanaya gobolada dalka Soomaaliya. Waxaa kaloo jira ergooyin ka yimid gobolada dalka oo ku sugan magaalada Muqdisho kuwaasi oo degan hoteelo gaar ah oo loo kireeyay. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  13. Gudoomiyaha gobolka banaadir oo wacad ku maray in talaabo ay ka shalaayaan laga qaado doono kooxaha suuqa bakaaraha fariisimada ku leh. Maxamed cumar xabeeb maxamed dheere oo ah gudoomiyaha gobolka banaadir ahna quda magaalada muqdisho ayaa saaka warbixin kooban ka bixiyay weeraro qorshaysan oo xalay lagu qaaday meelo badan oo kamida magaalada muqdisho iyadoo xalay hoobiyayaal lagu garaacay madaxtooyada villa somalia oo fariisin u ah madaxwaynaha somalia. Maxamed dheere wuxuu sheegay in xalay hoobiyayaasha goobta laga soo ridayay ay tahay suuqa bakaaraha ciidamada dawladuna ay talaabo laga shalaayo ka bixin doonaan falalkii dhacay xalay oo lagu bartilmaameedsanayay madaxtooyada. Maxamed dheere ayaa sheegay inay marar badan digniin siiyeen ganacsatada suuqa bakaaraha inay iska soo saaraan kooxaha caadaystay inay kharbudaada sameeyaan balse taas laga waayay badalkeedana ay hoobiyaal ku soo garaaceen madaxtooyda isagoo sheegay inay natiijada ka soo baxda mireheeda guran doonaan. Maxamed dheer oo ay hadaladiisa ka muuqatay caro saa id ah ayaa sheegay inaysan suura gal ahayn in la sii dhawrto suuqa bakaara iyo arimaha ka soconaya maadaama buu yiri oo noqday caluusha kooxaha wax rabsha dawladuna aysan ka waaban doonin dhamaan dadka suuqa bakaaraha ku nool iyo hantida taal toona. Hadalada maxamed dheere ayaa ku soo aadaya xili hamaynkii xalay ahaa ilaa maanta ay magaalada muqdisho ka socdaan qaraxyo iyo hoobiyaal lala eeganayo xarumaha dawlada iyo kuwa kale ee muhiimkaa iyadoo saaka kaliya ilaa 8 qarax ay ka dheceen gudaha suuqa bakaaraha ciidamada dawladuna ay hada gudaha ugu jiraan suuqa bakaaraha. Allmudug.org news Desk.
  14. Muqdisho: Caasumada Soomaaliya oo ay Lix maalmood ka dhaceen hawlgallo balaaran oo amaankaa. 12. juli 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya oo ay ahayd maalmihii ugu danbeeyey meel ay ka dhacayeen qaraxyo kala duwan,waxaana bar bar socday hawlgallo balaaran oo ay wada sameynayeen ciidamada dawlada Soomaaliya oo ay kaalmeynayaa Milateriga Itoobiya. Hawlgalladan ciidamada dawladu sameynayeen waxa ay ku galeen guryo fara badan oo kuyaala deegaanada labaaray ,waxaana gacanta lugu soo dhigey hubab kala duwan ,kuwaas oo dhamaantood ay lawareegeen ciidamada dawlada Soomaaliya. Hawlgalladii ka soconayay 6-dii maalmood ee lasoo dhaafay suuqa Bakaaraha ayaa waxa ay yihiin kuwa halkoodii ka sii socda ,ayagoo lugu baarayo dhamaan guryaha ku dhexyaala Suuqaasi waxaana laga baaraya hubab iyo in ay ku jiraan kooxo lugu tuhunsan yahay in ay ka danbeeyaan qaraxyada ka dhacaya Magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya. Ciidamadu waxa ay ku guuleysteen in ay helaan waxyaabaha qarxa oo fara badan ,laakiin dawlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay wadayaan hawlgallada ilaa laga gaaraya maalinta axadaa xiligaasi oo furmayo sida la qorsheeyey uu dhacayo shirka dibu heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed. Maamulka gobalka Banaadir ayaa waxa ay sheegeen in ay wadayaan hawlaha ilaa inta amaanka caasumada si rasmi ah dawlada Soomaaliya ula wareegayso ,isla markaana loo dhameyn lahaa qaraxyada dhacaya. Maxamed Dheere oo ah gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu horay usheegay in ay ladagaalamayaan kooxaha ka soo horjeeda dawlada Soomaaliya,isagoo sheegay in ay dawladu qaban qaabineyso in Magaaladu noqoto caasumad nabdoon oo aysan ka dhicin wax qaraxyo ah. Madaxda ugu sareysa Soomaaliya ayaa waxa ay horay usheegeen in ay magaalada ka dhigayaan meel nabdoon ,ayagoo beesha caalamkana ka codsaday taageerida qorshahaasi waxa ayna haatan beesha caalamku umuuqataa in ay wado dadaalo ku aadan codsiyada dawlada Soomaaliya. Caasumada Soomaaliya ee Muqdisho oo ay dawlada Soomaaliya kula wareegtay dagaalo socday 9 maalmood ayaa waxa ay waqtigan umuuqataa in ay nabadeedo soo hagaageyso ,nabadaasina waxa ay wadada uxaareyso wada hadalo loo dhan yahay oo ay Soomaaliya iskugu timaado kana dhaca Muqdisho. Inta badan hawlgallada ay sameeyeen ciidamada dawlada Soomaaliya ayaa waxa ay yihiin kuwa inta badan lugu soo qabto hubab fara badan oo dawlada looga bartay in ay soo bandhigto ,balse dawlada Soomaaliya ayaa lasheegay in ay haatan wado hubka dhigis ay ka sameysay guud ahaan Soomaaliya. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
  15. Madaxweynaha Dowlada KMG Ah Ee Soomaaliya Oo Sheegay In Marnaba Uusan Baaqan Doonin Shirka Dib U Heshiisiinta Qaran(Shir Jaraa`id) Posted to the MOL July 12, 2007, 9:49 am Madaxweynaha Dowlada KMG ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa daboolka ka qaaday in uu qabsoomayo shirka dib u heshsiisiinta qaran isla markaana aan dhag jalaq loo siin doonin weerarada ka dhacaya Muqdisho. Madaxweyne Yuusuf oo shir jaraa`id ku qabtay madaxooyada dowlada KMG ayaa sheegay in dowlada KMG marnaba baajin doonin shirkaasi xitaa haddii ay hub hobiye ka weyn lagu soo weeraro. “Marnaba ma baaqanayo shirka xittaa haddii lagu soo weeraro hubka Nuclear, dhag jalaq uma siin doono weerarada”ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya C/lahi Yuusuf. Hadalka madaxweynaha ayaa ka dambeeyay ka dib markii habeenkii xalay hoobiyaal lagu weeraray goobta shirka loo qooneeyay iyo xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya . Madaxweyne Yuusuf oo ay ka muuqatay carro wajigiisa ayaa dhanka kale sheegay in ciidamada Itoobiya marnaba ka bixi doonin Soomaaliya tan iyo inta amaanka wax ay iska badalayaan . Waxaa kale uu sheegay Mr.Yuusuf in mar kale uu cafis u fidiyay dadkii la soo shaqeeyay maxaakimta isla markaana la sii deyn doono maxaabiista aan dambiga laheyn laakiin kuwa dambiga ku jira cadaalada la marsiin doono. Mudugonline.com
  16. Muqdisho: Maamulka gobolka Banaadir oo maanta diyaariyay goob la dejinayo dad degan dhismayaal sharci daro ah 12. July 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, xubno ka tirsan maamulka gobolka iyo xubno ka socday shirkadda xawaalada Qaran ayaa maanta si wada jir ah ugu qeybgalay munaasabad lagu diyaarinayey dhul baxaad weyn oo loogu talagalay in la dejiyo dadka iminka degan goobaha sharci darada ah ee muhiimada u leh Qaranka, kuwo degan Tookyada Cabdalla iyo Cawareera iyo tokyada Howlwadaag, deegaano ka tirsan degmada Yaaqshiid iyo kuw degan dhismayaashii hore ee dowladda. Diyaarinta dhulkan oo ay gacan ka geysaneyso shirkadda Qaran Ex-Press oo maanta laga bilaabay qodista ceel biyood ayaa la filayaa in halkaasi ay deegaan u noqoto dadka degan goobaha istiraatiijiga ah. Afhayeenka gobolka Banaadir ahna aggaasimaha warfaafinta Gobolka Maxamed Muxiyaddiin ayaa warbaahinta u sheegay in sababta keentay qorshahani uu yahay baahi la xiriirta sidii ay dowladdu ugu gurman laheyd ama wax ugu qaban laheyd arrimaha nabadgelyada isagoo tusaale ahaan u soo qaatay hadii uu dab ka kaco obasiibooyinkaasi aysan geli Karin baabuurta dab damiska iyo kuwa gurmadka caafimaad sidaas daraateedna uu maamulka gobolka Banadir go’aansaday in la dejiyo dhulkaasi oo ku yaal deegaanka dharkinley oo horay u laheyd wasaaraddii xanaanada xoolaha,dhirta iyo daaqa. Qorshahan ayey dadka ku dhaqan gobolka Banaadir u arkeen inuu yahay mid horumar u ah bulshada oo ka dhabeynaya balan qaadyada maamulka ee ah wax u qabashada dadka ku dhaqan gobolka Banaadir. Dhinaca kale afhayeenku wuxuu kaloo sheegay in ay wax weyn ka qabaneyso arrimaha amaanka oo ay ciidamada dowladdu u sahlanaaneyso iney si dhaqsi ah ku galaan goobahaasi marka la hagaajiyo oo dhisi doono xarumo adeega bulshada sida xarumo caafimaad kuwo waxbarasho iyo xasiiyo nabadgelyo. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  17. Madaxwaynaha Somalia" shirku wuxuu ku dhacayaa wakhtigii loo qabtay inuu ka dibdhacana laga yaabi maayo. Madaxwaynaha somalia cabdullaahi yusuf axmed oo maanta shir jaraaid ay ku wada qabteen magaalada muqdisho Gudoomiyaha Odayaasha dhaqanka beelaha ****** iimaan cumar iyo cabdullaahi sheekh xassan ayaa uga warbixiyay arimo ay ka mid yihiin shirwaynaha qaran ee lagu wado in laba bari kadib lagu qabto magaalada muqdisho iyo sidoo kale hoobiyayaal xalay lagu weeraray xarunta madaxtooyada. Madaxwaynaha somalia wuxuu siwayn uga hadlay shirwaynaha qaran isagoo sheegay inuusan hakad kale gali doonin xiliga loo qabtay shirka hadii wax kasta dhacaan isagoo sheegay inaysan jirin cabsi amaan oo markale shirka loo baajiyo kooxaha wax rabshayana ay hada soo tabar dhigeen. Cabdullaahi yuusuf wuxuu sidoo kale cafis u fidiyay marlabaad ragii ka tirsanaan jiray maxkamadihii laga itaal roonaaday isagoo sheegay inay shirwaynaha ka soo qayb gali karaan iyagoon wadan magac siyaasadeed balse ay beelohooda ku iman karaan. Dhanka kale Xaaji Cabdi Iimaan oo isna ka hadlay warsaxaafadeedkaasi ayaa ku amaanay madaxwaynaha sida ay uga go'an tahay in wadanku xasilo isagoo taageeray shirwaynaha qaran ee lagu wado in lagu qabto magaalada muqdisho. Xaaji Cabdi Iimaan wuxuu siwayn ugu dheeraaday in dadwaynaha caasimadu ay danahooda ilaashadaan lana shaqeeyaan dawlada isagoo sheegay in hadii ay dawlada la shaqeeyaan ay naftooda iyo hantidooduba badbaadi doonaan balse aan xal lagu gaarayn in qarax lawado aan macno ku fadhiyin.