
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Ergadii beelaha ku dhaqan Sh/Dhexe oo usoo dhaqaaqay magaalada Muqdisho, si ay qeyb uga noqdaan Shirka. Jowhar, Sabti, 14 July - 2007 [Radio Simba] Ergada Shirka dib u heshiisiinta uga qeyb galeysa Beelaha dega Gobolka Sh/Dhexe ayaa maanta ka amba baxay magaalada Jowhar, iyagoo ku sii jeeda magaalada Muqdisho, oo maalinimada Berito ah lagu wado in uu ka furmo Shirka, xilli maamulkana uu sheegayo in arimahaasi lagu wargalin. Ergadan oo ka kala socota beelaha dega gobolka Sh/Dhexe, ayaa saaka waxay ka amba baxeen xarunta gobolka ee magaalada Jowhar, sida uu Simba u xaqiijiyay afhayeenka Ergadan. Dhinaca kale, Xog-hayaha guud ee maamulka gobolkan Sh/Dhexe C/llaahi Wehliye Cade, ayaa war uu soo saaray ku sheegay in maamulka uusan wax kala socon arimahan. C/llaahi Wehliye, Xog-hayaha guud ee maamulka gobolka waxaa uu sheegay in uusan waxba kala socon Odayaal ka socda gobolka oo u ambabaxay magaalada Muqdisho, si ay qeyb uga noqdaan Ergada Shirka dib u heshiisiineyd ka qeyb galeysa. Si kastaba, arimahan ayaa waxay muujinayaan iska war la'aan ka jirta gudaha gobolka Sh/Dhexe, gaar ahaan maamulka gobolka iyo Odayaasha dhaqanka
-
Dawladda Federaalka oo heshiis saliid baaris ah la gashay shirkad Shiines ah Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis sahamin iyo saliid baaris ah la gashay shirkad saliidda qodda ee dalka Shiinaha ee CNOOC, taas oo ku hawlan isku fudinta iyo ka faa'iideysiga heshiisyada dalalka Afrika ee uu dhex ceegaago khayraadka dabiiciga ahi. Shirkaddan ayaa lagula heshiiyey in ay Soomaaliya ka bilowdo hawlo sahamin saliideed ah bisha september ee sannadkan, waxana sheegay in baaritaankaas laga samayn doono qayb kamid ah Soomaaliya. Shiinaha ayaa xusul duub ugu jira ka faa’iideysiga khayraadka dabiiciga ah ee qaaradda Afrika, iyo sidii uu ugala wareegi lahaa kaalintii dawladda Maraykanka ee saliid qodidda Soomaaliya. Shirkadda CNOOC, ayaa bishii tagtay saraakiil ka tirsan Dowladd KMG ah ee Somalia heshiis kula gashay hotel ku yaala magaalada Nairobi, si ay ugu faah faahiso daraasadda ay qorsheysa inay ka bilowdo dalka Somalia, taasi oo lagu wado inay bilaabato bisha September ee sanadkan. Heshiiska shirkadda Shiinaha ay la gashay Dowladda Soomaaliya ayaa siinaya xuquuq ay shidaal kaga sahmiso Gobolka Mudug oo ku yaal bartamaha waddanka Soomaaliya. Maxamuud Faarax Bile farahbile@hotmail.com
-
source
-
Mogadishu: Hundreds of delegates arrive for TALKS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Muqdisho Oo La Ciirciiraysa Ergooyinka Gobolada Iyo Amaanka Oo Aad Loo Adkeeyay (Muqdisho}14.7-7 Ergooyinkii Beelaha Soomaalida uga qeyb geli lahaa kulanka dib u heshiisiinta Qaran ayaa ku soo qul qulaya Magaalada Muqdisho................................ Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in ay ka soo ambabaceen Ergadii shirka lagu casuumay, si ay maalinta berrito ah uga qeyb galaan kulanka. Wararka ayaa sheegaya in ergooyinka oo soo maraya dhinaca lugta ay soo horkici doonaan Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya. Sidoo kale Ergooyin dhowr ah oo sida la sheegay ka imaanaya Gobolada Dalka ayaa iyana saaka ku soo jeeda Magaalada Muqdisho. Magaalooyinka Kismaayo iyo Beled Weyn ayaa lagu soo waramayaa in ay Ergooyin ka qeyb galeysa kulanka Dib u Heshiisiinta ay ku diyaarsan yihiin garoomada Diyaaradaha ee Magaaloyinkaas, kuwaasoo ay diyaarad ka soo qaadi doonto saacadaha soo socda. sidoo kale waxaa muqdisho diyaar ku ah inta badan ergooyinkii ka socday gobolada puntland oo iyagu si weyn loogu soo dhoweeyay goobihii martida ee loogu talogalay Inta badan waxaa Magaalada Muqdisho xaadir ku ah Ergada ka qeyb galeysa shirka dib u heshiisiinta qaran ee furmaya Maalinta Berri ah oo Axad ah. Dhanka kale Waxaa aad loo adkeeyay qeybo ka mid ah Waqooyiga Muqdisho oo ah halka uu ka dhacayo Kulanka Dib u Heshiisiinta Qaran. Qeybo ka mid ah Wadooyinka waa weyn ee Waqooyiga Magaalada ayaa la dhigay Ciidamo isugu jira Ethiopian iyo Soomaali, kuwaasoo si weyn u sugaya Amniga. Goobta uu shirka ka dhacayo ee Degmada C/casiis ayaa lagu daadiyay Ciidamo fara badan, iyadoona la joojiyay dhaq dhaqaaqa gaadiidka ee Bl-ka ah. Wadada Maana Booliyo, Beerxaani, C/casiis, Juba ayaa waxaa raxan raxan u socda Ciidamo aad u hubeysan, kuwaasoo isku dhaf ah, iyagoo kor ka ilaalinaya Ammaanka Goobta uu shirka ka dhacayo. Sidoo kale Isgoyska Fagax iyo Sanca ayaa iyana la dhigay Ciidamo Ethiopian ah la dhigay, oo sida la sheegay Koontaroolaya Xaalada isgoysyadaas. Arrinta ayaa ku soo beegmeysa, xilli Hanjabaado kulul ay ka soo yeedheen Kooxda Al-shabaab, taa oo ay ku sheegeyso in ay beegsan doonaan qofkii ka qeyb gala shirka. Widhwidh Online News Desk...Media Center -
Mogadishu: Hundreds of delegates arrive for TALKS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ergooyinka Shirka Oo Kusoo Qul-qulaya Mag. Muqdisho Muqdisho(Calanka.com) 14-Luulyo-2007 Ergooyinka gobolada ee ka qeybgalaya shirweynaha Qaran ee maalinta berito ah ka furmaya caasimadda Somaliya ayaa waxa ey kusoo qul-qulaya caasimadda Somaliya ee Muqdisho. Ergooyinkan oo lagu soo daad gureynayo diyaarado iyo Basas kuwooda gobolada dhow-dhow dagan ayaa waxaa si weyn looga dareemayaa magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale arkeysaa diyaargarow balaaran oo loogu jiro shirka Qaran. Maanta ayaa waxaa soo anbabaxay ergooyin ka kala socda gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe kuwaasoo ka qeyb galaya shirka maalinta betiro ah furmaya. Waxaa sidoo kale soo gaaray shalay caasimadda Muqdisho eryooyin ka kala socota gobolada Puntlan iyo S/land, kuwaasoo la dajiyay buux dhaafiyayna hoteelada Muqdisho. Shirkan oo ah mid si weyn looga hadal hayo caasimadda Muqdisho ayaa waxaa maanta booqday xarunta lagu qaban doono shirka oo mar dhow dayactir u dhamaaday madaxweynaha Somaliya mudane C/laahi Yuusuf Axmed iyo masuuliyiin sare. Shirkan ayaa sidoo kale la filayaa in ey kasoo qeyb galaan ergooyin ajaanib ah oo ka kala socda beesha caalamka oo qaarkood waxa ey mar horeba ku sugan yihiin magaalada Muqdisho oo ey sugayaan shirka in uu furmo. xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in ey soo dhaweynayaan furitaanka Shirka, wuxuuna ugu baaqay kooxaha ucaaradka in ey ka qeyb qaataan shirkan qaran. -
Shabble radio must be getting scared right now. Here is a second report on the same story. Muqdisho oo la ciir-ciireysa ciidamo fara badan Mogadishu 14, July 07 ( Sh.M.Network)- Ciidamo fara badan oo isugu jira Ethiopian iyo Somali ayaa maanta la soo dhigay inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo ujeedka ciidamadan maamulka gobolka Banadir ay ku tilmaameen mid lagu sugayo amaanka caasimadda Somalia. Meelaha ciidamadan Ethiopianka iyo kuwa Militariga Somalida lagu arkay ayaa waxaa ka mid ah wadada wadnaha, 30-ka, warshadaha iyo wadooyin kale oo ku yaala caasimadda, iyadoo ciidamadan ay u badan yihiin kuwo cusub oo dhowaan laga soo bixiyay xerooyin ku yaala gobolo ku dhow dhow Muqdisho oo tababaro ay ku qaadanayeen. Ciidamadan ayaa ku hubeysan gawaarida dagaalka, Dababaado iyo qoryaha fudud nuucyadooda kala duwan. Mid ka mid ah dadka degan wadada warshadaha ayaa Shabelle u sheegay in ciidamadan isugu jira Ethiopian ka iyo Somalida ay ka soo baxeen wasaaradda G/dhigga isla markaana ay buux dhaafiyeen wadadaasi. Waxa uu sheegay in aanu jirin wax baaritaano ah oo ciidamadani ay ka wadaan halkaasi, laakiin uu yaraaday dhaq dhaqaaqa gaadiidka iyo isku socodka dadka marka laga reebo gaadiid yar oo xaafadaha dhex maraya. Sidoo kale isgoysyada KM4, Bakaaraha, H/wadaag, Aadan Cadde iyo isgoysyo kale ayaa lagu arkayay ciidamo Militari ah, inkastoo ay gawaarida dadweynaha si caadi ah howlahooda u wateen hadana ciidamada ayaa ku amrayay dadka in ay is baaraan. Ciidamadan dheeriga ah ee lagu soo daadiyay wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka hadlay maamulka gobolka Banadir, iyadoo Afhayeenka maamulka Max'ed Muxudiin uu ku tilmaamay mid lagu xoojinayo amaanka caasimadda oo lagu wado in maalinta berri ah si rasmi ah uu uga furmo shirka dib u heshiisiimta Beelaha Somaliyeed. Afhayeenka ayaa waxa uu sheegay in ciidamadani Militariga ah ay yihiin kuwo hadda lagu soo daadgureeyay Muqdisho si ay u sugaan amaanka magaalada inta uu socdo shirka dib u heshiisiinta. Dadka Magaalada Muqdisho ayaa walwal ka muujiyay ciidamadaan faraha badan ee lagu soo daabulay wadooyinka Muqdisho, iyagoo walwal ka qaba in ciidamadan ay xaalad deg deg ah ku soo rogaan magaalada. Arimahaan ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xilli wax ka yar 24 saac ay ka harsan tahay waqtigii loo qabtey in uu dhaco shirka dib u heshiisiinta beelaha Somaliyeed.
-
Ban Kii Moon, oo ugu baaqay Kooxaha mucaaradka ee ku sugan gudaha iyo dibedda Somalia inay joojiyaan colaadaha, kana soo qeyb galaan dadaalka loogu jiro Dib-u-heshiisiinta Somalia. Mogadishu, Sabti, July 14, 2007 (SMC) Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-moon, ayaa ugu baaqay Kooxaha rabshadaha wada ee ku sugan gudah iyo dibedda dalka Somalia inay ka waantoobaan rabshahadaha, kana soo qeybgalaan dadaalka Dib-u-heshiisiinta Somalia, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey Natiijadda Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta beelaha Somalia ee berrito ka furamayo Magaalladda Muqdishu. Hadal-qoraal ah oo laga soo saaray Xafiiska Xoghayaha Guud ee QM, Ban Kii-Moon, ayaa lagu sheegay inuu Xoghayaha Guud ee QM aad ugu rajeynayo Ummadda Soomaaliyeedinuu bilow guul xambaarsan noqdo Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta ee qorsheysan inuu Isbuucan ka bilowdo gudaha magaalladda Muqdishu. Xoghayaha Guud ee QM,waxa uu ku baaqay in dadaalladda socda inay xaqiijiyaan in looga soo qeyb galo sida ugu ballaaran ee ugu suurto-galsan xubnaha Shirka ka qeybgalayo, waxaana War-saxaafadeedka lagu sheegay inuu Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Beelaha Somalia yahay bilowga qorshaha dib-u-dhiska Heshiisyadda bulshadda Soomaaliyeed. Sidoo kale, Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-moon, waxa uu ku nuuxnuuxsadaya inay QM sii wadi doonto taageeradda dhamaan Inkaaniyaadka looga baahan yahay Shirweynahaasi iyo sidii Taageeradda Caalamka gacan uga geysan lahayd Soo-celinta Nabadda iyo deganaanshaha dalka Somalia. Xoghayaha Guud ee QM, waxa uu War-saxaafadeedkiisa ku cambaareeyey falalka qalalaasaha iyo cabsi-gelinta maalmahan jirta, ee loogu dan leeyahay in lagu carqalladeeyo habsami-u-socodka Shirweynaha, waa sida uu hadalka u yiri, wuxuuna ugu baaqay dhammaan Kooxaha mucaaradka ee ku sugan gudaha iyo dibedda Somalia inay iska joojiyaan colaadaha, kana soo qeyb galaan dadaalka loogu jiro Dib-u-heshiisiinta Somalia. Somaliweyn Media Center “SMC” Mogadishu, Somalia
-
Mogadishu: Hundreds of delegates arrive for TALKS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
source -
Ban Ki Moon ayaa waxa uu cod dheer ku taageeray qabsoomida shirweynaha Beelaha Somaliyeed ee Bari Ka furmi doona Muqdisho. Xoghayaha Guud ee UN-ka oo war soo saaray ayaa sheegay in ay dawlada Soomaaliya guul utahay qabashada shirkaasi ,wuxuu kaloo sheegey in ay fursad u tahay qof waliba oo Somali ahi oo wax tabanaya dibad iyo gudaha ha joogaanee in uu si nabad ahi uga qeyb galo shirka xal u helida nabada somaliya. Xoghayaha Guud ee UN-ka oo war soo saaray ayaa sheegay in ay dawlada Soomaaliya guul utahay qabashada shirkaasi ,wuxuu kaloo sheegey in ay fursad u tahay qof waliba oo Somali ahi oo wax tabanaya dibad iyo gudaha ha joogaanee in uu si nabad ahi uga qeyb galo shirka xal u helida nabada somaliya. Ban Ki Moon ayaa sheegay in looga baahan yahay Madaxda shirkaasi in ay ka fogaadaan waxyaabaha shirka hoos udhigikara ,isla markaana ay ka wada hadlaan sidii dalka Soomaaliya looga saari lahaa dhibaatada mudada qaangaartey. Sidoo kale, Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-moon, waxa uu ku nuuxnuuxsaday inay QM sii wadi doonto taageeradda dhamaan macluumaadka looga baahan yahay Shirweynahaasi iyo sidii Taageeradda Caalamka gacan uga geysan lahayd Soo-celinta Nabadda iyo deganaanshaha dalka Somalia. Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Muqdisho
-
Mogadishu: Hundreds of delegates arrive for TALKS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Wufuuda Dhanka Somaliland Oo Lagu Ururinaya Magaalada Laascaanood Si Ay uga Anba (Laascaanood}13.7-7 Wakiilo ka socda gudida shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed. ee qaban qaabineysa shirka dib u heshiisiinta Beelaha soomalida ee Muqdisho oo ay wehliyaan Xubno ka tirsan Golaha Baarlamaanka Dowlada Federalka ayaa la filayey inay maanta u soo duulaan Magaalada Laascaanood. Waxayna Laascaanood u iman lahaayeen sida la qorsheeyey lagu diyaariyey in lagu soo uruuriyo Ergooyinka maamulka labaxay Somaliland uga qayb geli lahaa Shirka dib u heshiista ee lagu wado in 15 bishan ka furmo magaalada Muqdisho. Iyadoo ay ka hadhsan tahay maalin kaliya mudadii lagu balamay in Shirka Dib u heshiisiinta Beelaha Soomaalida. uu ka furmo Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dardar xoog leh la geliyey sidii uu u suurto geli lahaa qorshahaasi inkastoo ay dhibaatooyin adagi soo food saartay qaban qaabiyayaasha Shirkaas sidii ay u heli lahaayeen si ay arimahaasi ku suuro galaan, hadana waxaa muuqata iney qaban qabiyayaashu doonayaan Hanashada ergooyinkii uga qeyb geli lahaa Beel kasta iyadoo ilaa hada aanay jirin wax ergo ah oo reer waqooyi ah oo laysla og yahay oo tagtay Madasha shirka hase yeeshee la dhawrayo inay koox kastaa hesho dadkii ay geyn lahayd shirkaas. Wararkii ugu danbeeyey ee ka soobaxay Qaban qabiyayaasha shirka ayaa sheega inay u diri donaan Magaalada Laascaanood xubno isugu jira Xildhibaano iyo rag kale oo ka qayb qaata soo gudbinta ergooyinka. sidoo kale waxay warar xog ogaal ahi sheegayaan in la waayay Dhaqaalihii ay beesha caalamku ugu talo gashay inay ku kaabto sidii ergooyinka loo keeni lahaa Muqdisho. Taasoo gudigu tibaaxeen in gudiga qaban qaabada shirku aanay haysan wax dhaqaale ah oo ay Beesha Caalamku siisay balse ay haystaan oo keliya Balan qaadyo ah in hawsha la qabto oo aan la ogayn inay hirgelayaan iyo in kale. Ergooyinka lagu wado maalmahan inay u anbabaxaan madasha shirka ayaa la sheegaya inay hore xidhiidh ula sameeyeen cida ay doonayaan si mar kelya looga wada baxo laascaanood. Waxaana la sheegay in ergada ka imanaysa laascaanood ay wadaan balan qaadyo ay dadka ugu sheegayaan in loo damaanad qaadayo waxa ay doonayaan oo dhinac kasta ah taasoo ah qaab ay siyaasiintu wax ku kasbadaan Waxaa kale oo aad laysu waydiinayaa ergooyinla lagu ururinayo laascaanood cida ay noqonayaan iyo qaabka loosoo xulayo inkastoo la sheegayo in qaabka hore loosii qorsheeyey oo aan la filayn in ay wax caqabad ahi ku timaado, Balse lama hubo ilaa iyo hada cida uga qayb gelaysa Beelaha Reer sheekh Isxaaq iyadoo la sheegay in dadka ugu muhiimsan ee laga doonayo dhinaca beeshaas inay yihiin Salaadiinta oo qaar badan lagu tilmaamo inuu jiro xidhiidh ay had iyo jeer la sameeyaan Siyaasiin joogta koonfurta laakiin ka soo jeeda gobolada waqooyi galbeed ee soomaliya. Si kastaba ha ahaatee waxaa saadaal weyn laga qaabaa in la helo ergooyin ka socda Beesha Reer Sheekh Isxaaq oo tagta madasha Shirka marka la fududeeyo duruufaha madow ee ku xeeran qaban qaabada shirka Widhwidh Online News Desk..Media Center -
Mogadishu: Hundreds of delegates arrive for TALKS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
RABBI IDANKIIS HA HIRGALO SHIRWEYNAHA DIB-U-HESHIISIINTA, HANA KU FURMO NABAD, ISKU-KALSOONAAN, IS-AAMIN, SHAKI LA'AAN, HANA KU DHAMMAADO NABAD, FARXAD, ISCAFIN IYO HESHIIS LOO AAYO, INSHA ALLAAH. -
Mogadishu: Hundreds of delegates arrive for TALKS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Puntland + Hiiraan+ Lower & Upper Juba + Bay & Bakool+ Lower Shabbele + The hosts. They are coming, Somali's are coming together reclaiming our capital after 16 years. May Allah reward you all. -
Mogadishu: Hundreds of delegates arrive for TALKS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Jowhar: Ergada gobalka Shabeelada Dhexe oo Muqdisho u boqoolay 14. juli 2007 Jowhar (AllPuntland) - Ergada shirka dib u heshiiisiinta qaran uga qaybgalaysa gobolka shabeelada dhexe ayaa maanta si habsami leh uga ambobaxay gobolkaasi, kuwaasi oo ku sii jeeda magaalada Muqdisho ee Caasumada dalka Soomaaliya. Ergooyinka oo ay weheliyaa ciidamo gaaraya 200 oo askari oo ka mid ah ciidamada xooga dalka Soomaaliya oo galbinaya ayaa waxa ay ka ambabaxeen Magaalada Jowhar. Xubnahan ayaa waxaa hogaaminaya Sheekh Axmed Sheekh Rashiid oo ka mid ah waxgaradka gobalkaasi Sh/dhexe,ayadoo lasheegay in ay ergadan gaarayaan 125 qof,waxaana sidoo kale socdaalkan ku waheliya qaar ka mid ah Madaxda qabanqaabada shirka dibu heshiisiinta beelaha Soomaaliya ,waxa ayna guuleysteen intii ay sugnaayeen gudaha Jowhar xulitaanka ergada. Dadweynaha Jowhar ayaa waxa ay caleemo qoyan ku sagootiyeen ergada ka qeybgaleysa shirweynaha beelaha Soomaaliyeed ,ayagoo sheegay in loo baahan yahay in ay taageeraan dhamaan waxyaabaha ka soo baxa shirkaasi. Ciidamada galbinaya ergadan ayaa waxaa lafilayaa in ay ka mid noqdaan ,kuwa sugidoona amaanka xarunta shirku ka dhacayo. Waa ergadii Sadexaad ee aada caasumada Soomaaliya Muqdisho,oo uu ka dhacayo shirka beelaha Soomaaliyeed oo lafilayo in ay kaqeybgalaan 1,325 qof. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland -
Ciidamo Ethiopian ah iyo kuwa Somali ah oo lagu daadiyay wadooyin ku yaala Muqdisho. Mogadishu 13, July 07 ( Sh.M.Network)- Ciidamo Ethiopian ah iyo kuwo Somali ah ayaa maanta lagu daadiyay wadooyin ka tirsan magaalada Muqdisho, xilli muda ka yar 48 saacadood ay naga xigto qabsoomidda kulanka dib u heshiisiinta qaran. Wadooyinka lagu daadiyay ciidamadani ayaa waxaa ka mid ah wadada wadnaha, 30-ka iyo warshadaha. Ciidamada Ethiopia ayaa waxaa la sheegay in meelaha qaar ay ka sameeyeen baaritaano inkastoo aan la ogeyn ujeedada rasmiga ah ee keentay ciidamadan faraha badan ee lagu daadiyay wadooyinka. Meelaha ciidamadani sida badan ay u joogeen ayaa waxaa ka mid ah isgoyska Ifka Xalane iyo xaafadda Suuqa Xoolaha, halkaasi oo lagu arkayay gawaarida dagaalka iyo kuwa dabaabadaha oo ay wataan ciidamada Ethiopia. Ciidamo kale oo Ethiopian ah ayaa waxa ay lugeynayeen wadada 30-ka, wadada wadnaha gaar ahaan xaafadda Geed-jacel halkaasi oo ay u joogeen raxan raxan. Sidoo kale ciidamo Ethiopian ah ayaa socod ku marayay wadada Fagax, Ramadan iyo halka loo yaqaano Garguurto ilaa Ex Ctrl. Ciidamadan la dhigay wadooyinka oo caawa ku habeensanaya ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xilli maalin qura ay inaga xigto waqtiga loo qabtay qabsoomida shirka dib u heshiisiinta beelaha Somaliyeed. Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net
-
The only truth they reported for days..but here it is. Ban-ki moon oo soo dhaweeyay shirka dib u heshiisiinta beelaha Somalia Mogadishu 14, July 07 ( Sh.M.Network)- Xoghayaha guud ee Q.M Ban Ki-moon oo soo saaray hadal qoraal ah ayuu ku sheegay inuu soo dhoweenayo qabsoomida shirka nabada Soomaalida ee furmaya beri sida la qorsheeyey. xoghayaha guud ee Q.M Ban Ki-moon waxa uu quudareenayaa in kulanka dib u heshiisiinta beelaha Soomaalida uu si guul leh ku bilowdo, kaasoo la qorsheenayo inuu furmo maalinta Axada oo beri ah. Waxa uu ku booriyey in la sii wado dadaalada lagu xaqiijinayo inuu qabsoomo shirka dib u heshiinta ee la doonayo in lagu xaliyo khilaafaadka jira, sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray xoghayaha guud ee Q.M oo uu siidaayey afhayeenkiisa. Mr. Ban waxa uu sidoo kale cambaareeyey rabshadaha ka taagan Muqdishu iyo hanjabaada lagu hayo kulanka nabada, isagoo ugu baaqay kooxaha mucaaradka ee gudaha iyo dibada inay cambaareeyaan rabshadaha oo ay ka qeyb qaataan shirka six xal loo gaaro. Waxa uu xusay in shirka uu bilow u yahay hanaan la isku fahmayo oo wax dhisaya, waxa uuna balan qaaday in taageerada Q.M ay ku bixinayso kulanka loo dhan yahay ay sii soconayso iyo kaalmo caalami ah oo gacan ka geysanaysa in dalka looga dhaliyo nabad iyo xasilooni. Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net
-
Shirkad Shaynees ah oo dowladda KMG ah heshiis ku saabsan howlo shidaal samin ah kula gashay. Muqdisho, Sabti, 14 July - 2007 [Radio Simba] Shirkadda CNOOC ee dalka Shiinaha, ayaa lagu wadaa inay howl shidaal sahmin ah ka bilowdo Dalka Somalia, kadib markii ay heshiis la gaartay Dowladda KMG ah ee Somalia. Shikrada qaranka Shiinaha ee CNOOC, ayaa ku guuleysatay inay fasax u hesho inay shidaal ka baarto qeybo ka mid ah dalka Somalia, taasi oo hoosta ka xariiqday, sida China ay ugu dhiiratay in mid ka mid ah dalalka ugu qalalaasaha badan Africa ay ka raadiso kheyraad. Somalia, ayaa ahayd dal aysan ku dhiirin shirkadaha saliida ee Mareykanka, tan iyo markii ay fooda la gashay fowdada sanadii 1991-kii, hase yeeshee China ayaa iska indha tirtay cabsidaasi, Shirkadda CNOOC, ayaa bishii tagtay saraakiil ka tirsan Dowladd KMG ah ee Somalia heshiis kula gashay hotel ku yaala magaalada Nairobi, si ay ugu faah faahiso daraasadda ay qorsheysa inay ka bilowdo dalka Somalia, taasi oo lagu wado inay bilaabato bisha September ee sanadkan. Shirkadda saliida ee Dowladda Shiinaha ay lee dahay, ayaa kusii baahay dalalka Afric, ayada oo Beijing ay raadineyso inay xaqiijiso, inay hesho kheyraad dhinaca saliida ah oo ay dhaqaalaheeda sare ugu qaado. Heshiiska shirkadda Shiinaha ay la gashay Dowladda KMG ah ee Somalia, ayaa siinaya xuquuq ay shidaal kaga sahmiso Gobolka Mudug, oo 500Km waqooyi galbeeda kaga began magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. CNOOC iyo koox yar oo la yiraahdo China International Oil and Gas (CIOG, ayaa qandaraas ay ku qeybsanayaaan wax soo saarka la saxiixday Dowladda KMG ah ee Somalia bishii May ee sanadii 2006. Qandaraaska oo Dowladda KMG ah ee Somalia ay ku leedahay 51%, ayaa waxaa lagu taageeray Shir Madaxeedka China iyo Africa ee Novemertii tagtay ka dhacay magaalada Beijing. Kullan 24-kii June ka dhacay magaalada Nairobi, ayaa waxaa ku wada hadlay Wasiirka tamarta ee Dowladda KMG ah Cabdullaahi Yuusuf Maxamed, Chen Zhuobiao oo ah agaasimaha CNOOC ee Afrika iyo Judah Jay, oo ah agaasimaha CIOG.
-
Mogadishu: Hundreds of delegates arrive for TALKS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Puntland,Hiiraan the lower and Upper Juba, Bay & Bakool and of course the hosts Mogadishu clans. Somalia is here for peace, keep the fireworks up opposition we need them for celebrations. -
Mogadishu: Hundreds of delegates arrive for TALKS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ergooyinkaasi oo badankooda lagu soo daabulayo Diyaaradaha yaryar ee Foker-ta, ayaa waxay si xiriir ah ilaa iyo shalay uga soo degayeen Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalladda Muqdishu, oo haatan noqday Garoon mashquul ah. Ergooyinka Odayaasha Dhaqanka ee Gobaalladda W/bari ee dalka Somalia, ayaa shalay soo gaaray Magaalladda Muqdishu, waxaana la dejiyey Hotelka Guuleed ee Degmadda Yaaqshiid, iyadoo ay Ciiddamo xooggan sugayaan ammaankooda. Sidoo kale, Ergooyinka Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Jubbooyinka, ayaa iyagana barqanimaddii maanta ka soo duullay Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Magaalladda Kismaayo, iyagoo lagu wado inay saacadaha soo socda soo gaaraan Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalladda Muqdishu. -
Mogadishu: Hundreds of delegates arrive for TALKS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ergooyinka Dhaqanka ee Beelaha uga qeyb gelaya Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Beelaha Somalia, oo ku soo qulqulaya magaalladda Muqdishu. Mogadishu, Sabti, July 14, 2007 (SMC) Ergooyinka Dhaqanka ee Beelaha Soomaallida ee lagu casuumay inay ka qeyb galaan Shirweynaha dib-u-heshiisiinta ee berrito ka furmi doona Madasha Shirka ee Xaruntii Gaadiidka Boliska Somalia ee magaalladda Muqdishu, ayaa ku soo qulqulayo magaalladda Muqdishu. Ergooyinkaasi oo badankooda lagu soo daabulayo Diyaaradaha yaryar ee Foker-ta, ayaa waxay si xiriir ah ilaa iyo shalay uga soo degayeen Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalladda Muqdishu, oo haatan noqday Garoon mashquul ah. Ergooyinka Odayaasha Dhaqanka ee Gobaalladda W/bari ee dalka Somalia, ayaa shalay soo gaaray Magaalladda Muqdishu, waxaana la dejiyey Hotelka Guuleed ee Degmadda Yaaqshiid, iyadoo ay Ciiddamo xooggan sugayaan ammaankooda. Sidoo kale, Ergooyinka Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Jubbooyinka, ayaa iyagana barqanimaddii maanta ka soo duullay Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Magaalladda Kismaayo, iyagoo lagu wado inay saacadaha soo socda soo gaaraan Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalladda Muqdishu. Wafuud kale oo ka mid ah Ergooyinka Beelaha ee lagu casuumay Shirka Dib-u-heshiisiinta ayaa lagu soo waramay inay iyagana dhinaca dhulka soo marayaan, laguna wado inay saacadaha soo socda soo gaaraan Magaalladda Muqdishu, iyadoo ay Guddiga qabanqaabadda Shirkaasi ku hawlan yihiin sidii ay u soo dhaweyn lahaayeen Ergooyinka Beelaha ee lagu casuumay Shirka, ee ku soo qulqulayo Magaalladda Muqdishu. Dhinaca kale, Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda DFKMGS, ayaa waxay xalay duqeeyeen Hotelka Guuleed oo la dejiyey Ergaddii Beelaha ee ka timid maamul-gobaleedka Puntland, lama soo sheegin wax khasaaro ah oo ay Hoobiyayaasha dhaliyeen. Sidoo kale, Ciiddamo xoojin ah oo isugu jira kuwa DFKMGS iyo kuwa Ethiopianka ayaa lagu daadiyey inta badan Xaafadaha Magaalladda Muqdishu, gaar ahaan nawaaxigga Hotelladda Ergooyinka la dejiyey, waxaana la xadiday isku-socodka gaadiidka iyo dadweynaha. Ciiddamadda Ethiopianka oo ku hubeysan Taangiyo iyo hub culus ayaa la dhigay qeybo ka mid ah gudaha magaalladda Muqdishu, waxayna tallaabadaasi qeyb ka tahay hawlaha lagu sugayo ammaanka guud ee magaalladda Muqdishu, gaar ahaan Xaafadaha ku hareeraysan Madasha Shirka iyo Hoteelladda ay Ergooyinka deggan yihiin Somaliweyn Media Center “SMC” Mogadishu, Somalia -
Diversified mineral assets The mineral wealth of the Puntland subsoil can be understood in a similar fashion to oil and gas as an extension of the features be found in South Yemen. The mineral potential is however less well known than that of hydrocarbons. The limited exploration work that was carried in the 1970’s, when the country was under Russian influence, has shown occurrences of Lead-Zinc, Copper, Iron, Manganese, Tin and Uranium. Heavy mineral sands are to be found in several coastal locations on the Gulf of Aden and the Indian Ocean shores. Coal deposits as well as many non metallic materials are also found in the area but no resource figure is available. In addition to the above very general comments, three prospects can be mentioned at this preliminary stage: a) the Durbo coal deposits b) the Qandala lead-silver deposits c) the Majia Yahan tin / gold prospect. LLOYD EDWARDS-JONES
-
A vast hydrocarbon potential The most important research in Puntland was carried out by Conoco. It used modern seismic methods to identify the Dharoor and the Nogal basins North of the “Somali Embayment”, i.e. the southernmost limit of the Yemen-Northern Somalia structure. Both are grabens that extend over an area of 250 km X 50 km approximately WNW-ESE, essentially parallel to the major Yemen basins across the Gulf of Aden. Both the Nogal and the Dharoor grabens contain an established petroleum system (i.e. thick layers of organic rich shales and carbonates). By analogy with the similar Yemen rift basins, geologists expect Puntland to host recoverable oil reserves of the order of 5 billion bbl. Conoco drilled two wells in the Nogal basin, Nogal-1 and Kalis-1, with oil shows recorded in both. Agip, which drilled an exploration well in the Dharoor, is believed to have made a discovery there, but the flare that was witnessed there is no guarantee of commercial viability. source
-
-
Puntland oil research by Range Resources source Oil and Gas Potential In a 1991 a World Bank coordinated study intended to encourage private investment in the petroleum potential of eight African nations Somalia and the Sudan topped the list of potential commercial oil producers. Sudan is now a producer primarily due to the relatively calmer political climate of that country in the last decade. The earliest indication of oil in Somalia was a large oil seep southeast of Berbera and several other seeps in various locations within the country. However, early exploration concentrated on an anticline structural approach since this had met with success in the Arabian Peninsula it took the oil companies a number of years to abandon this approach in Somalia. There is no evidence of large scale compressive folding in Somalia and the anticlines in the north of the country appear to be associated with the Miocene separation of Africa and Arabia and hence post-Mesozoic and early Tertiary oil and gas accumulations. Therefore, hydrocarbon accumulations must be sought in older structures and strata graphic traps. Somalia had been previously identified to possess all the requirements for a petroleum province. Hydrocarbons had been generated in the Jurassic, Cretaceous and Tertiary rocks and has a sedimentary column thickening to 8830m. Many porous reservoirs are known both in carbonate and clastic rocks and various types of traps are believed to be present. This view was further reinforced in the mid 1980’s following the successful exploration efforts of Hunt Oil Corp across the Gulf of Aden in Yemen. There Hunt discovered multi- billion barrel oil reserves that their geologists believed were part of a great underground rift or valley that arced into and across northern Somalia. Several major oil companies obtained exploration concessions and conducted considerable exploration and drilling over large parts of the State both onshore and offshore during the late 1980’s and early 90’s. These companies included AGIP, Shell (Pecten), Conoco, Phillips and Amoco. Range has been able to obtain through Government sources previous exploration documentation relating to the hydrocarbon exploration in the Nogal Valley area in Puntland up until 1991. The documentation includes original seismic tapes, well logs and processed seismic sections identifying major targets found prior to exploration activities ceasing in Somalia. Upon review of the data it was noted that the Nogal Valley area demonstrated: Abundant oil shows; Thick, high porosity reservoirs; Many large structures; and An excellent regional seal. Range believes that the data provides further evidence of the large potential for hydrocarbons in the Nogal and Dharoor Valley areas. The data is currently being reviewed by Range and its JV partner and if possible will be reprocessed with the benefit of modern computer techniques and knowledge gained in the similar basins in Yemen. Range is of the view that this data will prove to be extremely valuable in fast tracking exploration activities in Puntland and commencing the first drilling program.
-
Mogadishu: Hundreds of delegates arrive for TALKS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Baladweyn: Ergada Shirka Muqdisho uga qeybgaleysa gobalka Hiiraan oo ka dhoofay garoonka Ugaas Khaliif. 14. juli 2007 Baladweyn(AllPuntland)- Ergada uga qeybgaleysa gobalka Hiiraan shirka dibu heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ayaa waxa ay maanta ka dhoofeen garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baladweyn ee xarunta gobalka Hiiraan. Ergadan ka dhooftay garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyn ayaa waxa ay maalmihii ugu danbeeyey ku sugnaayeen Baladweyn ,ayagoo sidoo kale ay halkaasi ka dhoofeen xubno ka mid ah gudiga qabanqaabada shirka Muqdisho oo halkaasi joogay todobaadyadii ugu danbeeyey,kadib markii ay soo afmeereen xulintaanka ergada. Xubnahan waxaa tiradoodu gaareysaa ku dhawaad 125 ergay ,waxaana horkacaya Ugaas Cali Ugaas Xasan,ayagoo lafilayo in ay ka qeybqaataan shirka dibu heshiisiinta Qaran beelaha Soomaaliyeed oo bari ka furmaya Magaalada Muqdisho. Beelaha wada daga gobalka Hiiraan ayaa waxa ay guuleysteen in si aan khilaaf laheyn ,ku soo xushaan xubnaha uga qeybgalaya shirka dibu heshiisiinta ,inkastoo lasheegay in ay jiraan beelo aan ku qanacsaneyn ka qeybgalka Shirka. Maamulka gobalka Hiiraan ayaa wuxuu gacan ka siiyay gudiga qabanqaabada Shirka Muqdisho ,sidii ay beelaha Hiiraan ula kulmilahaayeen. Waa Ergadii labaad ee diyaarado ku gaartay Magaalo Madaxda Soomaaliya ee Muqdisho oo maalinta bari martigalineysa Shirka dibu heshiisiinta Qaran beelaha Soomaaliyeed oo qaban qaabo xoogan loogu jiro. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland -
CNOOC, China’s largest offshore oil and gas producer, has been at the vanguard of the drive: it constructed oil pipelines in southern Sudan in the late 1990s even as a civil war raged between separatist rebels and the Islamist regime in Khartoum. The Chinese company’s deal with Somalia’s transitional federal government gives it exploration rights in the north Mudug region, some 500km north-east of the capital. CNOOC and a smaller group, China International Oil and Gas (CIOG), signed a production-sharing contract with the interim government in May 2006. The contract, which gives the government 51 per cent of oil revenues, was endorsed at last November’s China-Africa summit in Beijing. CNOOC ayaa shidaal ka soo saartey Sudan 1990 xilligas oo ay dagaalo u dhexeeyeen jabhada Koonfurta iyo xukuumada Khartoum. Heshiiska shirkada CNOOC China la gashey dowlada Fedralka ayaa siinaya xuquqada baarista woqooyiga Mudug halkaas 500km woqooyi barri kaga beegan Muqdisho. CNOOC iyo shirkada kale oo yar CIOG (China International Oil and Gas), ayaa hehsiis ay wax-soosaarka kula qaybsanayaan DFKMG ah la galey May 2006.Heshiiskan ayaa DF siinayay 51 boqolkiiba faai'dada ka soo baxda wax-soo-saarka.