
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Shirkii dib u heshiisiinta oo maanta furmay khudbona uu ka jeediyay R/wasaare Geeddi Thursday, 19 July 2007 Waxaa maanta mar kale dib uga furmay xaruntii hore ee gaadiidka Booliska shirkii dib u heshiisinta beelaha Soomaaliyeed, iyadoo ay soo xaadireen in ka badan 1200 oo ergooyin ka socda beelaha Soomaalida, sida ay sheegeen gudiga shirka. Shirkan ayaa waxaa maanta ku saa’id ahaa ergooyin badan oo ku cusbaa goobta shirka oo aan joogin maalintii uu furmayay shirka, waxaana sidoo kale shirkan goob joog ka ahaa maanta ra’iisal wasaaraha dowladda Prof. Cali Max’ed Geeddi. Ra’iisal wasaaraha oo khudbo ka jeediyay madasha shirka ayaa ergooyinkii shirka ka soo qeyb galay uga mahad celiyay sida ay ugu diyaarka yihiin dib u heshiisiinta isagoo sidoo kalena u sheegay in shirkani uu muhiimad gaar ah u leeyahay beelaha Soomaaliyeed oo 16-kii sano ee la soo dhaafay aan isugu imaanin goob heshiisiineed. Maalmihii ugu dambeeyey ayaa waxaa soo ifbaxayay cabashooyin xoogan oo ay muujinayeen xubno katirsan beelaha Soomaaliyeed, kuwaasoo dhaliilo xoogan u jeedinayay gudiga shirka dib u heshiisiinta, halka qaar kalena ay eedeyn u jeedinayeen habsami u socodka shirka iyo qaabka loo casuumay.
-
"Marka laga gudbo shirkan looga doodayo qodobadan xasaasiga ah waxaa ku xigi doona taaba gelinta dib u heshiisiinta siyaasadeed sida ku qoran dastuurka Federaalka KMG ah taasoo horseedeysa afti laga qaado shacabka oo ay dooranayaan xisbiyo iyo axsaab, taasoo ku dhaceysa si dimoqraadiyad ah", ayuu yiri Prof. Cali Geedi.
-
CNOOC's 49% oil profit deal with Somalia [FT]
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
The new face of Nigeria’s oil industry Godwin Nnanna November 15, 2006 China has emerged as a major investor in Africa’s oil-rich Niger Delta. Godwin Nnanna hopes that the west's past mistakes will not be repeated."Half a century of oil exploration in the Niger Delta has left the people of the region poorer than they were before the discovery of oil in their neighborhood." For all those desirous to see greater flow of foreign direct investments into Africa, the year 2006 opened on a very optimistic note. China National Offshore Oil Corporation (CNOOC) announced an investment of US$2.3 billion in Nigeria, the continent’s most populous nation. The deal, China’s biggest investment foray into Africa, gives the corporation a 45% stake in an off-shore oil field. China now has partial control over a Nigerian oil field that has the capacity to produce as much as 180,000 barrels per day. China’s investment in that African country is just one out of many of such moves into the continent in last few years, one driven – among other things – by the increasing conflicts and uncertainties in Iraq and other parts of the middle east. Angola, another of Africa’s major oil producers, has now overtaken Saudi Arabia as China’s biggest single provider of oil. Zambia, South Africa, Gabon, Cameroun and the Democratic Republic of Congo are some other African countries that have witnessed surging Chinese economic interest. From South Africa, China seeks iron ore and platinum. From DR Congoand Zambia, it seeks copper and cobalt; and from Cameroun and Congo Brazzaville, it seeks timber. All of these are raw materials that China needs to drive its ever growing industrial sector. And the results are already beginning to show. From a US$3 billion mark in 1995, trade between China and Africa last year stood at US$32 billion. Projections are that the figures will hit US$50 billion by the end of this year and will triple by 2015, the UN’s target year to halve poverty worldwide. The “new scramble for Africa”, as some have christened China’s romance with the continent, has been more dramatic in some countries than others. Despite its lingering political crisis, which has attracted international attention and calls for sanctions, Sudan’s exports to China have soared from 10% in 1995 to 70% of its total exports as of 2005. Beijing also said earlier this year that it will plough US$35 million into the construction of west Africa’s biggest theatre in Senegal, its first major foray into the continent’s entertainment industry. But China’s growing interest in Africa, which has attracted criticisms from other global players such as the US, has been most profound in the continent’s oil-producing states. China has promised to commit US$4 billion to building refineries and power plants in Nigeria. Similar largesse is in the offing for Angola, where China has also promised to raise another US$4 billion to help the reconstruction of roads and other infrastructure. Does the “new scramble” share any resemblance with that of the 17th and 18th century, which saw the massive shipment of African youths to Europe and America? I don’t think so. Western imperialism had no “business” colouration at all. It was simply a rape predicated on ignorance for which some Africans still seek reparation. But today’s oil deals are business: legitimate business consciously entered into by the parties involved, and from which all parties can benefit. For Nigeria, the principal challenge is how to ensure that a greater majority of its 130 million population benefits from the huge inflow of petrodollars. -
16 years of murdering innocents, a terrible addiction
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Five Children Were Killed and Others Were Wounded In Mortar Attacks. MOGADISHU, Somalia (SMC) At least five mortar missiles landed in didtrict leaving three children dead and another child injured. four of them were brothers. some reports shows that the mayor and governor of Banadir, Maxamad Dhere was staying at a house very near to scene of the accident. It is not yet known wither The mayor was target or not. on the other hand unidentified number of civilians were injured when the security force opened fire shortly after the mortar attacks. It is not for the first time mortar missiles landed in one of the Mogadishu’s districts but the latest mortar attacks encountered while Somali reconciliation conference is going on in Mogadishu capital Source: SMC -
Kulankii dib u heshisiinta Beelaha Soomaaliyeed oo mar kale ka furmay manta Hoolka Shirarka Gaadiidka Muqdisho. Waxaa Saaka subaxnimadii dib mar labaad uga furmay Kulan weynihii Dib u heshisiinta Beelaha Soomaaliyeed ee Axadii ina dhaaftay Irdaha loo furay. Waxaa Saaka subaxnimadii dib mar labaad uga furmay Kulan weynihii Dib u heshisiinta Beelaha Soomaaliyeed ee Axadii ina dhaaftay Irdaha loo furay. Shirkan saakay mar kale ka bilowday Hoolka Shirarka ee Xaruntii Gaadiidka Booliska waxaa ka soo qeybgalay dhamaan Ergooyinkii lagu casumay ee dhamaan Dalka ka kala yimi. Kulankan oo uu hadalo ka jeediyey furitaankii maanta Raysal Wasaaraha DFS Mudane, Cali Maxamed Geedi oo dhawaan socdaal shaqo dibada uga soo laabtay, wuxuuna Mr. Geedi carabka ku adkeeyey in Wadamadii uu soo maray dhamaan diyaar u yihiin gacan qabashada Umadda Soomaaliya, balse looga baahan yahay Shacabka iyo Hogaamiyayaasha Dhaqanka in laga shaqeeyo sidii looga gudbi lahaa dhibaatooyinka Dalka ka taagan. Wuxuu kaloo sheegay Raysal Wasaaraha inuu Boqorka Dalka Sucuudiga isa soo arkeen uuna balanqaaday dib sidii loogu dhisi lahaa Dalka oo gebi ahaan burbursan. sida uu Geedi tilmaamay Boqorka Sucuudiga Amiir Cabdalla waa soo dhaweeyey dhamaan cdsiyadii Soomaaliya. Shirka waxaa kaloo ka hadlay Gudoomiyaha Shirka dib u heshisiinta Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed wuxuuna sheegay in manta loo baahan yahay sidii loo wada dhaqmi lahaa la isuna cafin lahaa, dibna looga wada shaqeyn lahaa dhismaha Dalkeena ayuu yiri oo muddo badan burburinaynay. Wuxuu kaloo ka hadlay Mudane, Mahdi Ajandaha shirka dib u heshisiinta oo ka kooban 11 Qodob oo kala ah :- Ka doodida iyo Xalinta Khilaafaadka Beelaha Soomaaliya Ka doodida Dawlad wanaaga, Dimuqraadiyada, Axdiga Qaranka, Tirakoobka Dadka,Abuurista Xisbiyo iyo Doorashooyin xor ah 2009. Ka doodida Hanti isu celinta Bulsho Weynta Soomaaliyeed Ka doodida Nabadgelyada Guud ee Dalka iyo Hub-dhigista Ka doodida Qeybsiga Khayraadka Dalka iyo Dhowritaanka qeybsiga awooda sida ku qeexan Axdiga Qaranka KMG Ka doodida Xagjirnimada Diimeed. Ka doodida Midnimada Umadda Soomaaliyeed La kulanka Ergadda Madaxda Sare ee Qaranka. Soo saarida Baaq lagu taageerayo shirweynaha dib u heshisiinta Soomaaliyeed Qiimeenta iyo ka guul gaarida qodobadii laga dooday. Ka codsiga Dawladda Federaalka ah ee KMG iyo Bulshada Soomaaliyeed iyo Cosiga Caalamka taageero caalami ah oo dhinaca dib u dhiska ah Soomaaliya. Ugu dambeyntii shirka ayaa waxaa mar kale loo balamay in maalinta Sabtida ah dib la isugu soo laabto si loo maalinta jimcada ah ee berito loo soo akhrissto Ergadu Ajandaha shirka si ay uga soo baaraan degto wixii ay ku kordhin laheyd ama ka dhimi laheyd. Dhanka kale waxaa goor dambe oo shirka gabagabo ku jiro kooxaha ka soo horjeeda Dawladda ku soo tuureen Hoolka shirka dib u heshisiinta ee xarunta Gadiidka dhowr Hoobiye oo meelo dad rayid ah degan yihiin ku habsaday dad caruur u badan oo ilaa sadex ahna ku dilay, kooxahan oo aad moodo in jahawareer iyo cabsi gelin oo keliya uga dan leh wax tuurida iyo qaraxyada agagaarka hoolka shirka Ergadda Beelaha Soomaaliyeed, balse dadka ka qeybgalaya shirka dib u heshisiinta Beelaha ayaa ku tilmaamay inay cawaaqib xumo ku noqon doonto Cidkasta oo Ergadda Nabadeed waxyeelo ku gaarsiisa halka ay martida ku yihiin ee Nabada Soomaaliya loogu casumay ee Hoolka Nabada Muqdisho. Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Muqdisho
-
shirkii dib u heshiisiinta oo maanta mar kale dib la isugu soo laabtay { 19 Jul 2007} waxaa la daabacay Thu 19 Jul 2007 09: 39: 32 Waxaa maanta mar kale dib la isugu soo laabtay shirkii dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed oo Axadii ka furmay magaalada Muqdisho iyadoo kulankii maantana ay ka soo qeybgaleen ergooyin tiradoodu gaareyso 1325 xubnood. Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi oo furitaankii shirkaasi maanta ka hadlayey ayaa ka warbixiyay safaradii uu ku soo kala bixiyay dhawaan qaar ka tirsan dalalka caalamka iyo kulamo uu ugu qeybgalay dalka Soomaaliya isagoo ergada u faahfaahiyay in beesha caalamku ay diyaar u tahay taageerista shirkan dib u heshiisiinta qaran iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya. “Marka laga gudbo shirkan looga doodayo qodobadan xasaasiga ah waxaa ku xigi doona taaba gelinta dib u heshiisiinta siyaasadeed sida ku qoran dastuurka Federaalka KMG ah taasoo horseedeysa afti laga qaado shacabka oo ay dooranayaan xisbiyo iyo axsaab, taasoo ku dhaceysa si dimoqraadiyad ah” ayuu yiri Prof. Geeddi oo hoosta ka xariiqay in ergooyinka ka soo qeybgalay kulanka ay ka go’antay in ay heshiis iyo guulo ku gaaraan shirkan. Dhinaca kale Cali Mahdi Maxamed Guddoomiyaha guddiga shirka dib u heshiisiinta beelaha oo kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa ergooyinkii ka soo qeybgalay kulanka ugu cudur daartay iney raali ku noqdaan inta ay joogaan goobta shirka iyo guryaha ay seexanayaan waayo ayuu yiri dadaalka aan galnay sidaan ayuu dhaafi waayay. “Sidaad la socotaan magaaladii Xamar waxaa ku dhacay burbur, waayo waxay lahaan jirtay dhismooyin iyo hoteelo qurux badan kuwaasoo ku buburay colaadii sokeeye sidaa daraateed waxaan idinka codsanayaa inaad ku raali noqotaan danta guud ee aad u timaadeen oo ka weyn tan aad u baahan tihiin” ayuu yiri Md. Cali Mahdi oo ergooyinka kula kaftamay iney ku sabraan inta ay shirka joogaan waxyaabaha yaryar ee cariiriga ka geli kara. Gabagabadii kulankan ayaa ergooyinkii ka soo qeybgalay loogu qeybiyay qoraalo ka kooban 11 qodob oo noqonaya ajantayaasha KMG ah ee ay ka doodayaan ergada iyadoo ay soo gudbin karaan qodobada muhiimka ah ee lagu kordhin karo. Qodobada ayaa waxaa ka mid ahaa Taaba gelinta dib u heshiisiin siyaasaadeed, ka doodista baaq taageero loo fidinayo furitaanka shirka, la kulanka madaxda qaranka, hub ka dhigis, hanti isu celin, doorasho dhaceysa 2009, qeybsiga qeyraadka dalka, ka doodista xagjirnimada Diineed iyo qodobo kale. Dhanka kale Guddoomiyaha guddiga shirka dib u heshiisiinta beelaha Md. Cali Mahdi Maxamed oo kulankaasi ka hadlayey ayaa sheegay in maalinimada Sabtiga 8:00 subaxnimo dib la isugu soo laaban doono
-
16 years of murdering innocents, a terrible addiction
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
More attacks on children by this group. War deg deg ah: Caruur kale oo maanta qolyaha wax qarxiyaa ku xasuuqeen magaalada Muqdishu Posted to the MOL July 19, 2007, 8:33 am Inta la ogyahay 3 caruur ah iyo 2 qof oo waaweyn ayaa ku dhintay hoobiyaal ay maanta soo tureen qolyaha waxqaraxiya ee argagixisada ah. Caruurtaan oo ku ciyaarayso garoon ku yalaa xaafada Shibis oo u dhow meesha uu ka socda Shirka dib u heshiisiinta qaran ayaa waxaa haleelay hoobiyaashaan. Wararka ayaa intaas ku daraya in dhimshadu intaas ka badan karto iydoo ay jiraan dad badan oo dhaawac ah oo loola kala cararay cisbitaalada Magaalada Muqdishu. Wararka ayaa intaas ku daraya in qolyaha wax qarxiya oo hoobiyaasha ay tuuraan aysan ogayn meesha ay ku dhacayaa ay dad badan ku laayeen hoobiyaasha ay iska tuurayaan iyagoon wax naxariisa u muujin bulshada reer Muqdishu oo ay ku andacoodaan inay gumaysiga ka kicinayaan. Dhawr todobaad ka hor ayay sidaan oo kale miino ay aaseen qolyaha wax qorxiya waxaa ku dhintay illaa 7 caruur ah oo sidaan oo kale kubad ciyaaraysay.Wararka ka imaanaya Muqdishu ayaa sheegaya in qaraxyadaan loogu talo galay in dadka lagu cabsi galiyo qaasatan ergada ka qayb galaysa shirka dib u heshiisiinta. Madaxweynaha Dawlada KMG ah C/laahu Yuusuf ayaa horey u sheegay inaan shirku u baaqan doonin hoobiyaal ay soo tureen rag fuleynimo awgeed inta dhuunta qaraxooda aan u meel dayin oo dadka shacabka ah ku laaya. Mudugonline.com -
Iyadoo maanta uu si rasmi uga bilaamay Caasimada dalka soomaaliya ee Muqdisho shirka dib u heshiisiinta qaranka ee uu shir gudoominayo Mudane Cali Mahdi Maxamed ayaa waxaa halkaasi qodbado kala duwan ka soo jeediyey Mas’uuliyiin katirsan dowladda fadaraalka soomaaliya. Raysal wasaaraha dowladda fadaraalka soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in si aad ah uu ula dhacsanyaahy hanaanka uu ku furmay shirka dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed oo haatan ka socda xarunta Kumaanda Buluusiya ee Magaalada Muqdisho. Ergoyooyin kala duwan oo aad u fara badan ayaa ka soo qeyb galay kulanka dib u heshiisiinta qaran ee Maalinimadii axada ahayd si rasmi uga furmay caasimada iyadoona maanta ay ahady markii ay sheegeen guddiga qaban qaabada shirka inay maalinta ugu dambaysa ee shirka uu dib u bilaaban doono islamarkaana uu socon doono ilaa laga gaarayo ajandayaasha looga gol leeyahay in laga soo saaro shirkaasi wallow ay jiraan qabiilo soomaaliyeed oo dhaliilsan shirka. Waxaana la horgayn doonaa ajandaayaashaan hoos ku qoran si ay uga doodaan. 1.soo saarrida baaqa lagu taageerayo shirweynaha dib u heshiisiinta soomaaliyeed. 2.la kulanka ergadda madaxda sare ee qaranka. 3-ka doodida nabadgalyada dalka iyo hub iska dhigida 4.kala doodida iyo xalinta qilaafaadka beelaha Soomaaliyeed. 5.ka doodidda hanti isu celinta. 6.ka doodidda dowladda-wanaaga,dimoqoraadiyada,axdiga qaranka,tirakoobka dadka abuurista asxaab iyo doorasho xor ah 2009-ka 7-ka doodida qeybsiga qiiraadka dalka iyo dhowri taanka qeybsiga awooda sida ku qeexan axdiga KMG ah. 8-ka doodida midnimada soomaaliyeed. 9-ka doodida xagjirnimada diineed. 10-qiimeynta iyo ka guulgaariddad qodobadii laga dooday. 11-ka codsiga dowladda fadaraalka soomaaliya iyo bulshada caalamka taageero dhinac kasta leh ee dib u dhiska soomaaliya
-
Ergooyinka Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo maanta loo qeybiyay Ajendayaal ay ka doodayaan Written by Osman Dhayib Thursday, 19 July 2007 Ergooyinka Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo maanta isugu yimid shirkoodii koowaad kadib markii Axaddii dhaweyd uu u furmay Shirweynaha ay leeyihiin, waxaana maanta ergooyinka loo qeybiyay Ajendayaal dhowr ah oo ay ka doodi doonaan sabtida soo socota bacdamaa ay maalinta berri ah Jimco tahay. Ajendayaasha Ergooyinka loo qeybiyay ee ay ka doodayaan ayaa waxaa ka mid ah Nabadda iyo Hub iska dhigidda, Hanti Isu celinta, Dowlad-Wanaaga iyo Dimoqraadiyadda, Tirakoobka Dadka, Abuurista Axsaab Siyaasadeed, Midnimada Dalka, Qeybsiga Kheyraadka iyo Awoodda Dalka, Xag-jirnimada Diimeed,iyo kuwo kale, waxaana ergooyinka loo sheegay in ay ajendayaashaas ka doodi doonaan maalinta Sabtida ah ee soo soocta. Furitaanka Shirkii Maanta ayaa waxaa ka hadlay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi, kaasi oo shirka guul u rajeeyay, isagoo sidoo kalena soo gaarsiiyay Ergooyinka salaan uu uga siday Dadkii Soomaaliyeed ee uu dhawaan kula soo kulmay Dalalkii uu soo maray. Ra’iisal Wasaare Geeddi oo dalka Dibadda uga maqnaa markii uu furmayay Shirka Dib u heshiisiinta ayaa u sheegay Ergooyinka in laga doonayo in ay fikradahooda mideeyaan, isla markaana ay soo saaraan wax Soomaaliya ka saara dhibaatada ay ku jirto, “Waxaa nagula xantaa in aan nahay dad been isu sheega oo is-xada, waana nagala ammaan baxay, sidaas darteed waa in aan sharaf xumadaas iska meyrnaa oo aan is-aaminnaa, daacadna isu noqonnaa, Illaahna u noqonnaa”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi. Prof. Cali Maxamed Geeddi oo khudbaddiisa ay u badneyd warbixin uu Ergooyinka ka siinayay socdaal uu dhawaan ku soo kala bixiyay dalal dhowr ah oo Caalamka ah ayaa wuxuu sheegay in uu Dowladda Sacuudiga kala soo hadlay sidii ay uga qeyb-qaadan lahayd dib u dhiska Dalka Soomaaliya, “Waxaan ku iri ma wadanno Dambiilo aad Dhaqaale noogu shubeysaan, hayeeshee waxaan rabnaa in aad naga kaalmeysaan dib u dhiska dalka, gaar ahaan Dugsiyadii Waxbarashada, Isbitaallada, Garoomada, Dekedaha, Waddooyinka iyo Xarumihii Dowladda” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi. Sidoo kalena waxaa shirkii maanta ka hadlay Guddoomiyaha Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed, kaasi oo sheegay in ay guul weyn tahay in ay Ergooyinkii shirka lagu casuumay ka soo wada qeybgaleen, isagoo farta ku fiiqay in ay hareen hadallo horay loo sheegi jiray oo ahaa in uusan qabsoomeynin Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed. Cali Mahdi Maxamed waxaa uu sheegay in uu si weyn ugu mahadcelinayo Ergooyin ka kala yimid Gobollada Dalka, kuwaasi oo uu sheegay in ay qaarkood ka soo tageen howlo muhiim ah, wuxuuna intaas kadib uu ergooyinka uga cudurdaartay haddii ay la kulmaan hab-maamuus ay saluugaan.
-
Saf Loogu Jiro Madasha Shirweynaha Qaran Muqdisho(Calanka.com) 19-Luulyo-2007 Ilinka hore ee madasha shirweynaha qaran ayaa saakay ah mid aad u mashquulsan isla markaana ka bateen tirada dadka oo ey u badanyihiin ergooyinkii ka qeyb gali lahaa shirka, kaasoo lagu wado in uu dhawaan ka furmo markale xaruntii gaadiidka boliska ee magaalada Muqdisho. Mashquulka ka socda halkaa ayaa isugu jira mid baaris iyo mid qeybinta kaararka shirka lagu galayo oo loo qeybinayo ergooyinka, waxaana howlahaas fulinaya ciidamo isugu jira bolis dhar cad (Shibil) iyo kuwa labisan dareeska. Goobtan oo ah mid amaankeeda aad loo adkeeyay ayaa waxaad ka dareemeysaa buuq iyo sheeko dhexmareysa dadka aadka u tirada badan ee ku sugan goobta shirweynaha qaran. Shirkan ayaa furmay maalintii Axada aheyd ee aanu soo dhaafnay, halkaasoo uu qudbad dheer ka jeediyay madaxweynaha Somaliya mudane C/Laahi Yuusuf Axmed iyo masuuliyiin kala gadisan oo isugu jira ajaanib iyo Somali. Maanta ayaa dib loo balamay kadin markii mudo sadex cisho ah dib loo dhigay shirka si ey usoo xaadiraan ergooyinkii ka maqnaa shirka maalintii furitaanka. Ergooyinkii la casuumay ayaa dhamaan soo wada gaalay caasimadda Somaliya, waxaana lagu sheegay in ey yihiin 1.325 ergo. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda
-
shirka oo maanta Muqdisho ka furmay... Mugadisho, khamiis, Julaay 19, 2007 SMC Wejigii labaad shirka Dib u heshiisiinta oo Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho ergooyinkana loogu qeybiyay Ajnedeyaasha Shirka. Xaruntii hore ee Gaadiidka Booliska oo maanta dib uga furmay Shirka Dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed ayaa waxaa markii ugu horeysay Maanta kasoo qeybgalay Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Prof.Cali Maxamed Geeddi. Shirka ayaa waxaa ka hadlay Mas’uuliyiin kala duwan oo uu kamid yahay Guddoomiyaha Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed Mudane Cali Mahdi Maxamed iyo Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Prof.Cali Maxamed Geeddi. Prof.Geeddi oo halkaasi khudbad xasaasi ah ka jeediyay ayaa waxa uu ugu horeyn si aad ah ugu Mahadceliyay Dowladaha Itoobiya, Kenya iyo sacuudiga, wuxuuna sheegay ra’iisal wasaare Geeddi in Dowladda Sucuudiga ay gacan weyn ka geysaneyso taaba gelinta Shirka Dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed. Shirka ayaa sidoo kale Maanta loogu qeybiyay ergooyinkii kasoo qeybgalay ajnedeyaashii loogu doodi lahaa, waxaana dib la iskugu soo laaban doonaa Maalinta sabtida ah. Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho Somalia
-
Who wanted to kill innocent delegates yet killed six children? Call them what you want these people are ******.
-
Shirkii dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed oo maanta mar kale ka furmay Muqdisho(6 Qof oo ku dhimatay Hoobiyeyaal markii labaad lagu weeraray hareeraha goobta shirka ) Waxaa maanta mar kale dib uga furmay Ex-xaruntii gaadiidka booliska oo ku taala degmada Shibis ee magaalada Muqdisho Shirkii dib u heshisiinta Qaran ee beelaha Soomaaliyeed oo muddo 3 cisho ah hakad ku jiray , iyadoo munaasabadii shirkaasi maantana uu ka soo qeyb galay ra’isul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadiisa. Kulankii maanta oo ay soo xaadireen inka badan 1300 (kun iyo saddex boqol) oo ergay oo intooda badan ay ka kala yimaadeen gobolada dalka ayaa waxaa ka qeyb galeyaasha loogu qeybiyey kulankaasi ajendeyaal ka kooban ilaa 11 qodob oo la sheegay inuu yahay mid ku meel gaar ah oo la doonayo in ergooyinka ay fikradahooda ku biiriyaan, kuwaasoo ay ka mid yihiin dhameynta khilaafadka beelaha ka doodida arrimo ay ka mid yihiin nabada, dimoqraadiyada dowlad wanaaga, xag jirnimada diinmed iyo kuwo kale. Ra’isul wasaare Cali Maxamed Geeddi oo khadbad u jeediyey ergooyinka ka soo qeyb galay shirweynaha ayaa ka warbixiyey safaradii uu ku soo kala bixiyey dalal badan oo ka tirsan caalamka kuwaasoo uu xusay iney u arkaan in Soomaaliya imika la gaaray xiligii ay cagaheeda isku taagi laheyd, loona baahan yahay in ergooyinka ka qeyb galaya shirkan ay ay horseedaan nabad iyo dowladnimo taam ah. Sidoo kale guddoomiyaha shirka dib u heshiisiinta qaranka ee beelaha Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa kaga cudurtaartay ergooyinka ka qeyb galaya kulankaasi haddii intii ay Muqdisho ku sugnaayeen ay dareemeen waxoogaa tas’ hiilaad xumo ah, wuxuuna tilmaamay Cali Mahdi in guddigooda ay habeen iyo maalinba u taagan yihiin sidii ay ergooyinka u dejin lahayeen meelo ku haboon, wuxuuna Cali Mahdi tilmaamay in magalada Muqdisho aaney laheyn hotelo waaweyn oo dad badan qaada sidaa darteedna ay ku qasbanaadeen in hotelo masaafdaoodu kala fogtahay ay ay ergooyinka dejiyaan. Inti uu shirka maanta socday ayaa waxaa hoobiyeyaal ilaa 6 gaaraya lagu soo weeraray xaafado ka tirsan degmooyinka Shibis iyo C/casiis ee magaalada Muqdisho kuwasoo loola dan lahaa goobta uu ka dhacayo shirka dib u heshiisiinta waxaana ilaa imika la xaqiijiyey iney ku dhinteen ilaa 6 Qof ah halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo munaasabadii furitaanka shirkaasi ee 15-ka bishan oo uu goob joog ka ahaa madaxeynaha dowladda federaalka Soomaliya C/llaahi Yuusuf Axmed sidoo kale ilaa 7 hoobiye lagu soo weeraray xaruntaasi inkastoo aaney haleelin oo ay ku dhaceen qaar ka mid ah guryaha ku yaala xaafadaha ku dhow dhow deegaankaasi.
-
Ergooyinka shirka dib u heshiisiinta oo loo qeybiyay ajandaha shirka Mogadishu 19, July 07 ( Sh.M.Network)- Shirka dib u heshiisiinta Somaliyeed ayaa maanta dib u furmay, iyadoo ergada loo qeybiyay ajandayaal ka kooban 11 qodob, iyadoo halkaasi qudbado ay ka jeediyeen RW Geedi iyo Cali Mahdi Max'ed. Ajandahaan loo qeybiyay ergada ayaa waxaa ku jira labo qodob oo suurto gal tahay in ka doodistooda ay dheeraato, kuwaasi oo kala ah qeybsiga kheyraadka dalka iyo ka doodista waxa lagu sheegay Xagjirnimada diineed. Kulankaan oo ay soo xaadireen ergo ku dhow 1300 xubnood oo ka kala yimid gobolada dalka ayaa waxaa hadalo ka jeediyay Guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Cali mahdi oo sheegay in meesha ka baxday fikradii aheyd in shirka aanu qabsoomeyn. RW Geedi oo isna ka hadlay kulankaan ayaa waxa uu ka hadlay arimo dhowr ah oo ku aadan wax qabadka horyaala dowladdiisa iyo safaro uu dhowaan ka soo dalal dhowr ah, isagoo u mahad celiyay si gaar ah dalalka Sacuudiga, Kenya iyo Ethiopia oo kaalin muhiim ah ka ciyaaray qabsoomidda kulankaan. Guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta, Cali Mahdi Max'ed ayaa ku wargaliyay ergada in la isku soo laaban doono maalinta sabtida ah oo laga doodi doono ajandaha. Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net
-
Mogadishu: TFG forces take fight to enemy hiding in market
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Muqdisho: Nuur Daqle oo xalay mar kale jilibka u laabay kooxaha dagaalamaya 19. July 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa xalay ku soo baraaarugay daryanka madaafiic, qoryaha garabka laga rido qaraxa bambooyinka gacanta laga tuuro iyo rasaas aan kala joogsi laheyn oo xalay ka dhacay duleedka shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud iyo nawaaxigeeda ee Suuqa Bakaaraha. Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ka bilowday ciidamo ka tirsan dowladda oo uu horkacayey Agaasimaha Nabadgelyada ee gobolka Banaadir Nuur Daqle oo xarun ku leh bartamaha suuqa Bakaaraha oo lagu soo qaaday weerar gaadmo ah kaasoo ku fiday deegaano ay ka mid yihiin Isgoyska Howlwadaag iyo bartamaha suuqa Bakaaraha. Dagaalkan oo socday mudo saacad ah ayaa sababay burbur hantiyadeed iyo dhimasho iyo dhaawac fara badan oo soo gaaray kooxihii dagaalamayey, iyadoo labo dhismo oo ku yaal suuqa Bakaaraha uu dab qabsaday balse aan u gudbin dhismooyinkii kale. Dagaalkan ayaa ku soo beegmay xili uu maanta dib la isugu soo laabanayey furitaanka shirka taasoo ay dadka ku macneeyeen mid ujeedadiisa ahaa in qal qal lagu geliyo shirka maanta dib ugu bilaabanaya Muqdisho. Halka warar kale ay sheegayaan in kooxaha weerarka soo qaaday ay diidan yihiin ciidamada la dejiyay bartamaha suuqa Bakaaraha kaasoo u muuqday mid saldhig nabadgelyo u noqonaya sida uu ganacsatada gobolka u sheegay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf xili ay kula kulmeen xarunta Madaxtooyada. Dhinaca kale Sarkaalka hoggaaminaya ciidamadan dhex degay suuqa Bakaaraha oo lagu magacaabo Nuur Daqle hana agaasimaha nabadgelyada gobolka Banaadir ayaa ah abaanduulihii jilibka u laabay xoogagii Maxaakiimta oo mudo bil ka badan ka durjin waayey deegaanka SII SII ee degmada Yaaqshiid kuwaasoo ku guul dareystay in ay durjiyaan kadibna isaga huleelay halkaasi oo xoogagii Maxaakiimta looga dilay saraakiil Ajnabi iyo Soomaali ah oo uu ka mid yahay wadaadka xagjirka ahaa ee loo yiqiin Gaal Dile kaasoo meydkiisa ku baaba’ay dhismihii Feynuus ee u dhow Hotel Lafweyn. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho -
Mogadishu: TFG forces take fight to enemy hiding in market
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Muqdisho: Ciidamada Dowladda oo saakay waaberigii hareereeyay nawaaxiga suuqa Bakaaaraha 19. July 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Ciidamo xoogan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa saakay waaberigii hareereeyay wadooyinka soo gala guud ahaan suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho kadib markii xalay uu halkaasi ka dhacay dagaal faraha looga gubtay. Ciidamada dowladda ayaa amar ku bixiyay in gebi ahaanba albaabada loo laabo goobaha ganacsiga ee suuqaas gaar ahaan dhismooyinka waaweyn ee shirkaddaha xawaaladaha iyo kuwa Isgaarsiinta iyo goobo lagu tuhmayo iney ku go’doonsan yihiin dagaalyahano xalay ka qeybgalay dirirtii xalay halkaasi ka dhacday. Ciidamada dowladda ayaa u fasaxay in ay goobahaasi ka soo baxaan haweenka iyo caruurta iyo dadka da’da ah oo kaliya, halka baaritaan adag la marsiinayo dhalinyarada oo qaarkood ay ku jiraan kuwo dowladdu sheegtay in la soo marin habaabiyay loona soo dhiibay bambooyinka gacanta laga tuuro kuwaasoo qaarkood la tuhmayo iney weli ku jiraan dhismooyin ku yaala suuqa Bakaaraha. Dhinaca kale ciidamada dowladda ayaa shalay amar cad ku bixiyay in la xero qeybtii sarifka lacagaha qalaad ee Suuqa Bakaaraha kadib markii shalay galab halkaasi uu ka dhacay qarax loo adeegsaday bam gacmeed oo sababay dhaawaca labo askari oo Boolis ah iyo Todobo qof oo rayid ah. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho -
Mogadishu: TFG forces take fight to enemy hiding in market
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Suuqa Bakaaraha Oo Ey Isku Heleen Xalay Rag Maleeshiyo Iyo Ciid. Booliska Muqdisho(Calanka.com) 19-Luulyo-2007 Kooxo maleeshiyo ah oo la aaminsanyahay in ey soo abaabuleen soona hubeeyeen ganacsatada ugu tunka waaweyn ee suuqa bakaaraha ayaa waxa ey weerar gaadmo ah ku qaadeen xalay saldhib boolis oo cusub lagana dhexfuray gudaha Suuqa Bakaaraha, halkaasoo uu ka dhacay dirir socotay mudo lagu qiyaasay 40-daqiiqo. Suuqa bakaaraha oo ey ka socdaan howlgalo balaaran oo xaga amaanka ah maalinkii 16-aad ayaa waxaa isku afgaran la` ciidamada boliska iyo kooxo ganacsato ah oo iyagu islaheysiiyay suuqaas. Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ka bilowday ciidamo ka tirsan dowladda oo uu horkacayey Agaasimaha Nabadgelyada ee gobolka Banaadir Nuur Daqle oo xarun ku leh bartamaha suuqa Bakaaraha oo lagu soo qaaday weerar gaadmo ah kaasoo ku fiday deegaano ay ka mid yihiin Isgoyska Howlwadaag iyo bartamaha suuqa Bakaaraha. Dagaalkan oo socday mudo 40-min ah ayaa sababay burbur hantiyadeed iyo dhimasho iyo dhaawac fara badan oo soo gaaray kooxihii dagaalamayey, iyadoo labo dhismo oo ku yaal suuqa Bakaaraha uu dab qabsaday balse aan u gudbin dhismooyinkii kale. Warar kale ayaa sheegaya in kooxaha weerarka soo qaaday ay diidan yihiin ciidamada la dejiyay bartamaha suuqa Bakaaraha kaasoo u muuqday mid saldhig nabadgelyo u noqonaya sida uu ganacsatada gobolka u sheegay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf xili ay kula kulmeen xarunta Madaxtooyada. Dhinaca kale Sarkaalka hoggaaminaya ciidamadan dhex degay suuqa Bakaaraha oo lagu magacaabo Nuur Daqle ahna agaasimaha nabadgelyada gobolka Banaadir ayaa ah abaanduulihii jilibka u laabay xoogagii Maxaakiimta oo mudo bil ka badan ka durjin waayey deegaanka SII SII ee degmada Yaaqshiid kuwaasoo ku guul dareystay in ay durjiyaan kadibna isaga huleelay halkaasi oo xoogagii Maxaakiimta looga dilay saraakiil Ajnabi iyo Soomaali ah oo uu ka mid yahay wadaadka xagjirka ahaa ee loo yiqiin Gaal Dile kaasoo meydkiisa ku baaba’ay dhismihii Feynuus ee u dhow Hotel Lafweyn. Ciidamo dheeraad ah oo lasoo buuxdhaafiyay saakay halkaa ayaa amar ku bixiyay in gebi ahaanba albaabada loo laabo goobaha ganacsiga ee suuqaas gaar ahaan dhismooyinka waaweyn ee shirkaddaha xawaaladaha iyo kuwa Isgaarsiinta iyo goobo lagu tuhmayo iney ku go’doonsan yihiin dagaalyahano xalay ka qeybgalay dirirtii xalay halkaasi ka dhacday. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda -
R/Wasaare Geedi Oo Qudbad Ka Jeediyay Madasha Shirka Muqdisho(Calanka.com) 19-Luulyo-2007 Ra`iisal wasaaraha Somaliya prof. Cali Maxamed Geedi ayaa maanta qudbad dheer ka jeediyay xarunta shirka dib u heshiisiinta qaran oo ey isugu yimaaden in ka badan 1325 ergo oo ka kala socday dhamaan daafaha dalka Somaliya. Prof. Geedi oo maalinkii Axada ee uu shika furmay fursad aan u helin in uu ka qudbeeyo madasha shirka oo uu dalka ka maqnaa ayaa maanta qudbad furitaan u jeediyay ergooyinka Somaliyeed, isagoo uga mahad celiyay ugu horeyntii imaatinkooga shirka. Qudbada ra`iisal wasaaraha oo uu badankeed kaga hadlayay safarada kala duwan ee uu isaga iyo wafdigii uu hogaaminayay ugu maqnaayeen dalka dibadiisa iyo waxyaabihii ey kala soo kulmeen safaradaas ayaa ugu bishaareeyay ergooyinka in beesha caalamku taageersantaha shirka ey maanta ugu fadhiyaan magaalada Muqdisho ee ah shirweynaha dib u heshiisiineed. Prof. Geedi ayaa sidoo kale u sheegay ergooyinka in beesha caalamku ey diyaar u tahay dib u dhiska dalka Somaliya oo uu ka muuqdo burbur baahsan sida ey iyaguba indhohoodu ku arkaan. "Marka laga gudbo shirkan looga doodayo qodobadan xasaasiga ah waxaa ku xigi doona taaba gelinta dib u heshiisiinta siyaasadeed sida ku qoran dastuurka Federaalka KMG ah taasoo horseedeysa afti laga qaado shacabka oo ay dooranayaan xisbiyo iyo axsaab, taasoo ku dhaceysa si dimoqraadiyad ah", ayuu yiri Prof. Cali Geedi. Cali Mahdi, gudoomiyaha Shirka oo isna ka hadlay shirka ra`iisal wasaaraha ka dib ayaa ka codsaday ergooyinka in ey muujiyaan dulqaad maadaana caasimadu ey dabooli karin baahida dhamaan ergooyinka "Sidaad la socotaan magaaladii Xamar waxaa ku dhacay burbur, waayo waxay lahaan jirtay dhismooyin iyo hoteelo qurux badan kuwaasoo ku buburay colaadii sokeeye sidaa daraateed waxaan idinka codsanayaa inaad ku raali noqotaan danta guud ee aad u timaadeen oo ka weyn tan aad u baahan tihiin", ayuu yiri Cali Mahdi. Gabagabadii kulankan ayaa ergooyinkii ka soo qeybgalay loogu qeybiyay qoraalo ka kooban 11 qodob oo noqonaya ajantayaasha KMG ah ee ay ka doodayaan ergada iyadoo ay soo gudbin karaan qodobada muhiimka ah ee lagu kordhin karo.
-
Muqdisho: Shirkii dib u heshiisiinta oo dib u furmay iyo weeraro lala beegsaday xaafadaha ku dhow 19. July 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Waxaa maanta mar kale dib la isugu soo laabtay shirkii dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed oo Axadii ka furmay magaalada Muqdisho iyadoo kulankii maantana ay ka soo qeybgaleen ergooyin tiradoodu gaareyso 1325 xubnood. Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi oo furitaankii shirkaasi maanta ka hadlayey ayaa ka warbixiyay safaradii uu ku soo kala bixiyay dhawaan qaar ka tirsan dalalka caalamka iyo kulamo uu ugu qeybgalay dalka Soomaaliya isagoo ergada u faahfaahiyay in beesha caalamku ay diyaar u tahay taageerista shirkan dib u heshiisiinta qaran iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya. “Marka laga gudbo shirkan looga doodayo qodobadan xasaasiga ah waxaa ku xigi doona taaba gelinta dib u heshiisiinta siyaasadeed sida ku qoran dastuurka Federaalka KMG ah taasoo horseedeysa afti laga qaado shacabka oo ay dooranayaan xisbiyo iyo axsaab, taasoo ku dhaceysa si dimoqraadiyad ah” ayuu yiri Prof. Geeddi oo hoosta ka xariiqay in ergooyinka ka soo qeybgalay kulanka ay ka go’antay in ay heshiis iyo guulo ku gaaraan shirkan. Dhinaca kale Cali Mahdi Maxamed Guddoomiyaha guddiga shirka dib u heshiisiinta beelaha oo kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa ergooyinkii ka soo qeybgalay kulanka ugu cudur daartay iney raali ku noqdaan inta ay joogaan goobta shirka iyo guryaha ay seexanayaan waayo ayuu yiri dadaalka aan galnay sidaan ayuu dhaafi waayay. “Sidaad la socotaan magaaladii Xamar waxaa ku dhacay burbur, waayo waxay lahaan jirtay dhismooyin iyo hoteelo qurux badan kuwaasoo ku buburay colaadii sokeeye sidaa daraateed waxaan idinka codsanayaa inaad ku raali noqotaan danta guud ee aad u timaadeen oo ka weyn tan aad u baahan tihiin” ayuu yiri Md. Cali Mahdi oo ergooyinka kula kaftamay iney ku sabraan inta ay shirka joogaan waxyaabaha yaryar ee cariiriga ka geli kara. Gabagabadii kulankan ayaa ergooyinkii ka soo qeybgalay loogu qeybiyay qoraalo ka kooban 11 qodob oo noqonaya ajantayaasha KMG ah ee ay ka doodayaan ergada iyadoo ay soo gudbin karaan qodobada muhiimka ah ee lagu kordhin karo. Qodobada ayaa waxaa ka mid ahaa Taaba gelinta dib u heshiisiin siyaasaadeed, ka doodista baaq taageero loo fidinayo furitaanka shirka, la kulanka madaxda qaranka, hub ka dhigis, hanti isu celin, doorasho dhaceysa 2009, qeybsiga qeyraadka dalka, ka doodista xagjirnimada Diineed iyo qodobo kale. Dhanka kale shirkan ayaa xiligii uu soo gabagabooway lala soo beegsaday deegaanada ku dhow dhow goobta shirka Shan Hoobiye oo aan la ogeyn cida iyo dhinaca laga soo tuuray balse abaarihii 2:25 daqiiqo xiliga Muqdisho la maqlay qaraxyada Hoobiyaashaasi oo ku dhacay xaafadaha Shibis iyo C/Casiis. Khasaaraha rasmiga oo ay geysteen hoobiyeyaashan ayaan si rasmi ah loo sheegi karin balse inta la og yahay afar qof ayaa ku dhaawacmay qaraxyadaasi Hoobiye, iyadoo sababta aan loo ogaan karin dhibaatooyinka hoobiyeyaashna ay tahay tahay xernaanshaha wadooyinka iyo dhaqdhaqaaqa dadka oo aan loo ogoleyn inkastoo ciidamo aad u fara badan ay goobtaasi ka buuxaan. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
-
Maanta ayaa mar kale si rasmi ah shirka dib u heshiisiinta Qaran ee Muqdisho xariga uga jaray qudbad dheerna uu ka jeediyay Rwasaaraha DKMG Prof. Ali Mohamed Ghedi , July 19 . 2007 Radiofreesomalia.com Maanta ayaa markale si rasmi ah u furmay shirka Qaran oo isagu dib loo digay Axaddii markii la furay kaddib, ayna maanta tahay maalintii loo ballansanaa inuu furmo. Goobta shirka wararka ka imaanaya ayaa waxay tibaaxayaan in halkaas ay ku qulqulayaan ergooyinkii beelaha ee shirka ka qaybqaadan lahaa, waxaana si rasmi ah u furay shirka maanta , khudbad dheerna ka jeediyay shirka Prof. Cali Maxamed Geeddi. Shirkaan guddiga hoggaaminaya ayaa waxay sheegeen inay ku soo diyaargaroobeen Muqdisho ku dhawaad 1200-ergo oo loo xayiray shirka inuu sii socod, waxaana ay sheegeen in shirka uusan sinnaba maanta ku baaqanayn. Iyadoo la ogyahay in shirka markii uu furmay Axaddii in lagu weeraray hoobiyeyaal ayaa waxay qireen guddiga sirka Qaran in ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho si weyn loo adkeeyay, isla markaana aan cabsi laga qabin inay qalalaase shirka ku yimaadaan. Deegaannno hor leh oo cusub ayaa lagu arkay ciidammada dowladda, waxaana goobahaan cusub ka mid ah Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, halkaasoo la sheegay in dhawaan laga weeraray shirka Qaran, iyadoo hoobiyeyaal lagu weeraray shirka. Shirka ayaa kooxina diidan tahay, halka dowladduna ay sheegtay inuu qabsoomayo, iyadoo Madaxweyne Yuusuf uu horay u sheegay inaanu shirkaan baaqanayn haddii xitaa Qumbul-durriyo la rido
-
Mogadishu: defeated clan court left overs kill more children
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
More children killed for the Asmara criminals to make headlines. Disgusting -
Mogadishu: defeated clan court left overs kill more children
General Duke posted a topic in Politics
War deg deg ah: Caruur kale oo maanta qolyaha wax qarxiyaa ku xasuuqeen magaalada Muqdishu Posted to the MOL July 19, 2007, 8:33 am Inta la ogyahay 3 caruur ah iyo 2 qof oo waaweyn ayaa ku dhintay hoobiyaal ay maanta soo tureen qolyaha waxqaraxiya ee argagixisada ah. Caruurtaan oo ku ciyaarayso garoon ku yalaa xaafada Shibis oo u dhow meesha uu ka socda Shirka dib u heshiisiinta qaran ayaa waxaa haleelay hoobiyaashaan. Wararka ayaa intaas ku daraya in dhimshadu intaas ka badan karto iydoo ay jiraan dad badan oo dhaawac ah oo loola kala cararay cisbitaalada Magaalada Muqdishu. Wararka ayaa intaas ku daraya in qolyaha wax qarxiya oo hoobiyaasha ay tuuraan aysan ogayn meesha ay ku dhacayaa ay dad badan ku laayeen hoobiyaasha ay iska tuurayaan iyagoon wax naxariisa u muujin bulshada reer Muqdishu oo ay ku andacoodaan inay gumaysiga ka kicinayaan. Dhawr todobaad ka hor ayay sidaan oo kale miino ay aaseen qolyaha wax qorxiya waxaa ku dhintay illaa 7 caruur ah oo sidaan oo kale kubad ciyaaraysay. Wararka ka imaanaya Muqdishu ayaa sheegaya in qaraxyadaan loogu talo galay in dadka lagu cabsi galiyo qaasatan ergada ka qayb galaysa shirka dib u heshiisiinta. Madaxweynaha Dawlada KMG ah C/laahu Yuusuf ayaa horey u sheegay inaan shirku u baaqan doonin hoobiyaal ay soo tureen rag fuleynimo awgeed inta dhuunta qaraxooda aan u meel dayin oo dadka shacabka ah ku laaya. Mudugonline.com -
Mogadishu: TFG forces take fight to enemy hiding in market
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^Adeer every day they loose more ground. The airport, port, governemnt buildings, street junctions, now their market. Anti governemnt groups are feeling the heat. No let up just a gradual crunch.