General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somalia Mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa Hanbalyada Ciidul Fitriga u diray Umada Somaliyeed meel walbaa oo ay Caalamka ka joogaan. Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somalia C/laahi Yuusuf Axmed ayaa isagoo Magaalada Baydhaba jooga waxa uu hanbalyada Ciida u diray Dhamaan Shucubta somaliyeed meel walbaa oo ay Caalamka ka joogaan,waxaana uu u rajeeyey in Ciidan Ciideyda ay ku gaaraan Horumar,Bashbash iyo Barwaaqo. a:- Madaxweyne C/laahi Yuusuf ayaa sidoo kale waxa uu ummada Somaliyeed ugu baaqay in ay gacmaha is qabsadaan oo ay isku cafiyaan Fadliga Ciidu fitriga . Madaxweynaha oo qudbad gaaban ka jeediyey Qasrigiisa Madaxtooyada ayaanan ka hadlin wax Siyaasad ah , waxaan uu Munaasabada Ciidan awgeed Hanbalyo lixaad leh Gaarsiiyey Shucuubta Somaliyeed ee uu madaxweynaha u yahay. Madaxweynaha ayaa Munaasabadaan aawageed waxa uu Shucuubta Somaliyed u balanqaaday in Dawladu ay muujin doonto in ay Shacabkeeda Horumariso oo ay Tubta Nabada iyo Is dhaxgalka Hogaan ugu noqotaa. Dhinaca kale Magaalada Baydhaba ee uu madaxweynaha jooga ayaa maanta si weyn looga ciiday, waxaana Maanta isu soo baxay dadweyne fara badan oo Magaalada Dhex mushaaxay . Magaalada ayaa waxaa maanta aad mashquul u ahaa Meelaaha la isku qurxiyaa iyo Dukamada iyo carwooyinka oo dadku ay aad uga dukaameysanayeen mashquul darana laga dareemayey Xafiiska wararqabadka shaabakadda wararka carmooyin.com ee Mqudisho Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com
  2. Addis Ababa: Puntland oo Beesha Caalamka codsatey Gacansiinta Ilaalinta Xeebta dheer ee Puntland. 13. oktober 2007 Addis Ababa(AllPuntland)- Dowlad gobaleedka Puntland ayaa ka codsatey Beesha Caalamka in gacan lasiiyo ilaalinta xeebta dheer ee Puntland ,oo wax walbaa halisteeda leh. Wasiirku Kulluumeysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Mr.Siciid Maxamed Raage oo jooga Magaalada Addis Ababa ayaa ka codsadey Dowlada Mareykanka in laga taageero dhinac ilaalinta xeebta Puntland ,ayadoo wax kaliya eelaga caawinayaa tahay dagaal ay kula jirto Tahriibta iyo Argagixisada caalamiga ah oo inta badan xeebaha Puntland looga shakiyo. Siciid Maxamed Raage ayaa sheegay in xeebta Puntland dherarkeedu yahay 1650KM ayna ka codsaneyso Bulshada caalamka in arintaasi laga gacansiiyo dowlad gobaleedka Puntland ,isla markaana ay waxa ay dooneyso in beesha caalamku wax kala qabto. Wasiirku wuxuu sheegay in looga baahan yahay beesha caalamka in ay Puntland wax kala qabto arimaha Xasaasiga ah ee ka jira ,si gaarna loo kaalmeeya Ladagaalanka kooxaha ka soo horjeeda amniga Aduunka gaar ahaan kan gobalka Geeska Africa. Wasiirku Kulluumeysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Mr.Siciid Maxamed Raage ayaa usheegay Beesha Caalamka in ay Puntland gudaheeda isku filan tahay ,balse wuxuu sheegay wasiirku in waxyaabahaan oo kale ay yihiin kuwa ay iska kaashadaan beesha caalamka. Dowlada Puntland ayaa xeebaheeda waxa ay udhisteen ciidamada Ilaalada Xeebaha Puntland ayagoo markaasina ciidamadaasi ay fuliyeen howlgalo kala duwan ,kuwaasoo soo qabtey waxyaabo badan oo hoos udhigay dad doonayay in ay Tahriibaan. Dowlada Mareykanka ayaa sannadkan waxa ay weerar dhinaca Cirka ay ku garaaceen deegaanka Baar-gaal ee gobalka Bari oo ay ku dhuumaaleysanayeen kooxo ka soo fakadey Koonfurta dalka Soomaaliya. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
  3. Degmooyin kamid ah Gobolka Banaadir oo Munaasabadda Ciidul Fitriga Awgii si weyn la isugu soo baxay Muqdisho Jimco , October 12 2007 SMC Maanta oo ay tahay Maalintii Koowaad ee Munaasabadda Ciidul Fitriga ayaa waxaa si weyn looga ciidayaa Guud ahaan Caalamka Islaamka Gaar ahaan Soomaaliya oo kamid ah Wadamada Caalamka Islaamka. Muqdisho ayaa si weyn looga tukaday Salaaddii Ciidda, waxaana Xaafado kamid ah Muqdisho la isugu soo baxay Fagaarooyin ay Dadka ku muujinayeen Farxadda Ciida halkaasi oo ay ku qaadayeen Qasiidooyin kala duwan. Xaafadda Xamar weyne oo katirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxa ay kamid tahay Degmooyinka sida weyn looga ciiday Maanta isla markaana uu ka dhacay isu soo bax ballaaran oo dadka ay ku muujinayeen Farxadda Ciida. Macallin Ceydaruus Cumar oo kamid ah Culumaa’udiinka Beesha Reer Faqi isla markaana soo abaabushay isu soo baxani oo Idaacadda Somaliweyn u waramayay ayaa waxa uu sheegay in Sanad waliba ay iyagu sameeyaan Arrintani oo kale isla markaan aysan jirin Degmo lamid ah Xamar weyne oo sidani oo kale looga ciido. Sidoo kale Shacabka kudhaqan Magaalada Muqdisho ayaa qaarkood si weyn looga dareemayay Maanta Farxadda Ciidda Waxaana si aad ah Habeenimadii xalay ay dhegta ugu hayeen Shacabka Idaacadda Somaliweyn oo ay sheegeen in ay tahay Idaacadda ay ku kalsoon yihiin isla markaana ay iyada markii hore ku soomaan iminkana ay ku afurayaan marka ay keento Xaqiiqda in Ciid ay tahay sidaasina ay ku wada ciideen.
  4. Safiirka Dalka Jarmalka u fadhiya Adis-ababa oo la kulmay Madaxweynaha DGPL. Saturday, 13-Oct 2007 Madaxwaynaha Puntland mudane Maxamud Muse Xirsi ayaa kulan la yeeshay danjiraha dalka jarmalka u fadhiya itoobiya. Kulankaas oo ka dhacay xarunta safaaradda Jarmalka ee Addis Ababa ayaa waxaa ka qaybgalay ku xigeenka madaxa safaaradda mudane Peter Fahrenholtz iyo la taliyaha arrimaha siyaasadda mudane Ray M. Carranza. waxaa sidoo kale ku weheliyay kulanka madaxwaynaha xoghayaha 1aad ee safaarada dowladda federaalka somaliya ay ku leedahay Itoobiya mudane Mahad Farah Gaas.Madaxwaynaha iyo safiirku waxay kulankaas ku falanqeeyeen arrimo kala duwan oo la xiriira Gobolka oo ay ka mid yihiin amniga, hijrada sharci darrada ah iyo doorka mustaqbalka Puntland ay ku yeelan doonto arrimaha Somaliya. Madaxwaynaha mudane Maxamud Musse Xirsi ayaa ka hadlay mashaariicda horumarineed ee hadda ka socda Puntland iyo horumarka dowladda Puntland ee ku aaddan sidii loogu gudbi lahaa nidaamka xisbiyo badan. Wuxuu kaloo madaxwaynuhu kulanka ka sheegay arrimo la xiriira shirkii dib u heshiisiinta Somaaliyeed ee dhowaan lagu soo gabagabeeyay magaalo madaxda Moqadishu. " shirkaas oo ay ka qaybgaleen ilaa iyo 300 oo ergay wuxuu ku dhamaaday guul, waxaanna rajaynayaa inuu shirku yahay tallaabadii 1aad ee u horseedi lahayd Somaliya mustaqbal fiican" ayuu yiri madaxwaynuhu. Madaxwaynuhu wuxuu la scodsiiyay safiirka inuu federaalka somaliya noqon doono nidaam federaali ah oo la mid ah nidaamka federaaliga Jarmalka
  5. Madaxweynaha Puntland oo la kulmay safiirka Maraykanka u fadhiya Ethiopia Last Updated::2007-10-12 19:44:30 Madaxwaynaha Puntland mudane Maxamud Musse Xirsi iyo safiirka dowladda Maraykanka u fadhiya Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya Danjire Donald Yamamoto ayaa kulan ku yeeshay xarunta safaaradda Maraykanku ku leedahay Addis Ababa. Madaxwaynaha iyo Danjire Yamamoto ayaa kulankoodi isku waydaarsaday aragtidooda dhanka Gobolka iyo weliba doorka ay Puntland ku yeelan karto xoojinta amniga Gobolka. Madaxwaynaha Puntland ayaa intii kulanku socday ka warramay mashaariicda horumarinta dhaqaalaha Puntland ee hadda la wado iyo horumarka Puntland ee ku aaddan hanashada nidaam xsibiyo ama axsaab kala duwan.Isagoo sii wata hadalkiisa ayaa madaxwaynuhu sheegay in Puntland u baahan tahay taageerada beesha caalamka ee ku aaddan horumarinta Puntland.Mudane Saciid Maxamed Raage oo goobjooj ka ahaa kulanka madaxwaynaha iyo safiirka ayaa ka hadlay baaxadda wayn ee xeebta Puntland. "Waaanu leenahay xeeb qiyaastii dhererekeedu yahay 1650KM haddana annagoo adeegsanayna agabkayaga ( our limited facility ) xadidan ayaanu qaadnay tallaboyoonin wax ku ool ah ee ku aaddan xagga la dagaalanka, kalluumaysiga sharci darrada ah ( oo loo yaqaan jiriifka ), daad guraynta dadka ( oo loo yaqaan tahriibta ) Shuftadada ( Argagaxisada ) baddaha iyo khataraha amniga guud ee ka iman kara badaha Puntland; intaas oo dhan waanu fulinay haddana waxaanu u baahan nahay in beesha caalamku nagu taakulayso la dagaalanka khataraha ka imaan kara badaha Puntland iyo horumarinta khayraadka ku jira badahaas, ayuu yiri wasiirku. Xigasho Puntlandgovt.com HorseedNet.com
  6. Addis Ababa: Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka dowlada Mareykanka Arimaha Itoobiya oo wada hadalo yeeshay. 12. oktober 2007 Addis Ababa(AllPuntland)- Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Maxamuud Muuse Xirsi & Safiirka dowlada Mareykanka ujooga dalka Itoobiya Donald Yamamoto ayagoo ka wada hadley Iskaashiga labada dhinac. Kulankaan warka ku saabsan oo lugu daabacey Web-site ay leedahay dowlada Puntland ayaa lugu sheegay in uu Madaxweyne Cade Muuse ka codsaday Safiirka in ay dowlada Mareykanku Puntland gacan ka siiso waxka qabashada arimaha ku aadan Horumarinta deegaanada Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa kala hadley Safiirka Mareykanka ujooga magaalada Addis Ababa arimaha Soomaaliya gaar ahaan doorka ay Puntland ka qaadaneyso taabagalinta waxyaabihii ka soo baxey Shirweynihii beelaha Soomaaliyeed. Cade Muuse ayaa shaaca ka qaadey in ay Puntland udirsatey Shirkaasi ergadii kaga soo aadey qeyb ahaan isla markaana ay Ergadii hataan dib ugu soo laabatey Puntland ,ayna dibu heshiisiinta sii wadayaan ,isagoo Cade Muuse rajo wanaagsan ka muujiyey in ay dhaqan galaan waxyaabihii ka soo baxey Shirkii Muqdisho. Safiirka Mareykanka ujooga dalka Itoobiya Donald Yamamoto ayaa mahad celin balaraan ujeediyay dowlad gobaleedka Puntland sida ay utaageerto dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ee ay xubinta ka tahay ,isagoo Puntland ku amaaney sidoo kale nabadgalyada ka jirta deegaanadadooda isagoo ugu baaqey dadka reer Puntland in ay ka shaqeeyaan nabadgalyada dalka Soomaaliya oo dhan. Mr. Yamamoto wuxuu kaloo Puntland usheegay in looga baahan yahay in ay door muuqda ka ciyaarto sidii looga bartey arimaha Soomaaliya sidii mar kale layskugu keeni lahaa iyo waliba taageerida dhamaanba qodobadii ka soo baxey Shirweynihii beelaha Soomaaliyeed loogu soo xira Sidoo kale labada masuul waxa ay ka wada xaajoodeen arimaha amniga ee Soomaaliya iyo sidii dowlada Mareykanku gacan uga heysan lahayd howlaha nabad ilaalinta ee ka socda dalka Soomaaliya. Wada hadaladan ayaa ka dhacay Safaarada dowlada Mareykanku ku leedahay Magaalada Addis Ababa ayadoo Madaxweyne Cade Muuse ku waheliyeen booqashadan wasiirka Kulluumeysiga iyo Khayraadka Badda Siciid Maxamed Raage iyo Xoghayaha Koowaad ee Safaarada DFKMG ee Addis Abab Mahad Faarax Gaas. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
  7. Laascaanood: Ciidamo iyo hogaankii Sahanka iyo Wardoonka Somaliland oo isku soo dhiibey Puntland. 12. oktober 2007 Laascaanood(AllPuntland)- Ciidamo fara badan oo ka mid ahaa ciidamada Maamulka Somaliland ayaa isku soo dhiibey ciidamada dowlad gobaleedka Soomaaliyeed ayagoo ciidamadaasina la keenay gudaha Magaalada Laascaanood. Ciidamo ka badan 40 Askari oo wata Gaari qori saaran yahay isla markaana la jifo ah Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa isku soo dhiibay dowlada Puntland ayadoo intaasi ka dibna oo is soo dhiibey Taliyihii Sahanka iyo Wardoonka Somaliland,isagoo la dajiyey hotelka Xamdi ee magaalada Laascaanood. Waxaa sidoo kale isla markaaba soo galey ciidamo kale oo aan wali tiradooda la helin ayagoo dhamaantood ka mid ahaa ciidamada Somaliland ee jooga Jiida dagaalka ee ay labada ciidan isku hor fadhiyaan ,ayadoo ciidamadaasina dhamaantood loo soo gudbinayo deegaanada dowlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland gaar ahaan Dugsiyada Tababarada. Shaleyna waxaa wareejiyey Gawaari dagaal oo uu isku soo dhiibey Taliyihii howlgalinta ciidanka Maamulka Daahir Riyaale Kaahin oo lugu magacaabo Col. Cabdi Xasan ,ayadoo ciidamadaasina uu ku wareejiyay Madaxweyne kuxigeenka Puntland iyo gudoomiyaha baarlamaanka Puntland oo labadu shaley tagey Magaalada laascaanood. Ciidamada faraha badan ee ku soo qulqulaya ayagoo ka soo goosanaya maamulka Somaliland ayaa gabi ahaanba waxa ay wal wal iyo walaac ku abuurtay Maamulka gobalada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya. Saraakiisha ee Puntland ee jooga Laascaanood ayaa gacma furan ku soo dhaweynaya ciidamada ka soo baxaya Maamulka Daahir Riyaale Kaahin ,ayagoo sheegay in ay soo dhaweynayaan walaalahooda ka soo laabanaya Maamulka Hargeysa. Faarax C/qaadir Geylan [ October 13, 2007, 02:44 PM: Message edited by: The Duke ]
  8. Munaasabadda Maalinta Ciida oo si wayn looga dareemayo Caasimada Muqdisho iyo Gobolada dalka Somalia. Mogadishu ,12, September 2007 (HornAfrik Media) Munaasabadda Ciida ayaa maanta si wayn looga dareemay Caasimada Muqdisgo iyo Gobolada dalka oo dhan. Waxaa saaka wadooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho laga dheehan karayaa dhaqdhaqaaqa Munaasabadda Ciida,iyadoo Masaajidaka Magaalada ay si aad ah u soo buux dhaafiyeen muslimiinta gutay maalinta ku wayn umadaha islaamka ee dhamaadka bisha ramadaan. Deegaanada kala duwan ee Muqdisho ayaa waxaa la arkayaa carruur iyo dad waaweyn oo socod dheer ku maraya wadooyinka in kastoo aysan u dhaweyn Ciidaani ku wii hore marka laga hadlayo dhinaca amaanka Magaalada Muqdisho. Inta badan Muqdisho ayaa saaka si guud waxaa looga tugay saalada Ciidul fidriga. Gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa saaka iyana laga dareemayay damaashaadka munaasabadda Ciida. Deegaanada saaka sida wayn looga ciiday ayaa waxaa ka mid ah Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka J/hoose,Magaalada Marko ee xarunta Gobolka sh/Hoose,Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay. Si kastaba ha ahaatee waxaa Ciidaan lagu tilmaami karaa mid ay si guud hal mar u wada Ciideen qeybaha kala duwan ee Soomaaliya.
  9. ^^^Thats sad adeer, unlike you I dont belive there is much difference between Burco & Galkacyu. Same people same problems.
  10. ^^^Somalia has lost 30 years. As for the part about blame. Yes its Africa's fault for being so backward.
  11. ^^^Adeer, dont try to make these militias so strong or a force of nature. They will be dealt with like any other arogent group. Keys to Kismayu will not be through a clan militia that murders people.
  12. Killing Shiekhs walking home because of clan is pathetic. They will get their just deserts.
  13. ******, I hate these clan militias were ever they be. People of Burco dont need this type of incident.
  14. Sheekh C/raxmaan Mire Cagay oo xalayu lagu dilay magaalada Kismaayo Kismaayo (WNT)-Sheekh C/raxmaan Mire Cagey oo ka mid ahaa culimo u diinka magaalada Kismaayo ayaa xalay lagu dilay magaalada Kismaayo xilli uu taraawiixda ka soo baxay. Wadaadka ayaa lagu dilay dukaankiisa isagoo markaas furanya oo ka soo baxay salaada taraawiixda xaafadda calanleey ee magaalada Kismaayo, ma jirto cid loo qabtay dilka wadaadka. Horay ayaa magaalada gudeheeda maalin cad laga qafaashay laba wadaad oo dadka deegaanka oo iyada oo dadku daba yaacayaan lagu toogtay magaalada banaankeeda. Arintaan oo lala beegsanyo dadka aqoonta leh ee u dhashay magaalada Kismaayo ayaa waxaa fuliya kooxda dooxaya Jubba oo wadda nadaam ay ku asal guurinayaan dadka deegaanka. Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku dhintay intii kooxdani magaalada la wareegeen dad ka badan 130 ruux intaas in ka badana ay ku dhaawacmeen. Xarunra wararka Waayaha.net
  15. Horn, its clear that alot of innocent local civilains have been targeted in Kismayu by the JVA militia. You seem to be in denail adeer, but you will surely wake up soon. It matters not, these ignorant militia and their clan masters will pay a heavy price down the line. do not ever think our civilians lives will be forgiven Juje, its clear there you have no clue as usual. As for "insurgency" what we have in Mogadishu is the last gasps of the once "powerful" groups. They came to Baidoa and now are throwing bombs at cleaning ladies.
  16. Kismaayo : Maalmihii ugu danbeeyey oo lix qof lugu dilay Magaalada Kismaayo hal beelna ka soo wada jeeda. 11. oktober 2007 Kismaayo(AllPuntland)- Tan iyo markii ay magaalada Kismaayo gacanta ku dhigeen Maleeshiyaadka gacanta ku haya waqtigan waxaa ka socda falal amaan ka dhan ka ah ayadoo dhamaantoodna falalkaasi lala beegsanaya dadka ganacsiga ku heysta Magaalada Kismaayo. Habeenkii xalay ahaa magaalada waxaa lugu dilay ganacsade dagenaa Xaafada Calanleey ayadoo dilkaasina ay geysteen dad aan la aqoonsan inkastoo lugu eedaynayo beelaha gobalka daga qaar ka mid ah. Ganacsadaha la dilay ayaa lugu magacaabaa Cabdi rixmaan Mire,waxaana dilkiisu dhacay Saqdii dhexe ee xalay isagoo lugu dilay bartamaha Bakhaar uu ku leeyahay Xaafada Calanleey ee magaalada Kismaayo. Niman Madaxa soo duubtey ayaa ninkan dilay ayaa wararku sheegayaan in ay baxsadeen nimankii dilkan geystay ,mana jiraan wax baaritaano ah oo ku aadan dilkaan xalay ka dhacay Magaalada Kismaaayo. Beelaha gobalka wada daga oo aan aheyn nabad iyo Colaad midna ayaa horseeday in ay sii bataan falalka noocaan oo kale ,ayadoo wararku sheegayaan in aysan jirin cid illaa hada ka wada hadashey dilalka qorsheysan ee ka dhacaya Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose. Shaleyna waxaa magaalada ka dhacay Qarax Bam oo lala beegsaday dad Shacab ah uuna ku dhawaacmey nin lasheegay in uu yahay Afhayeenka Beesha **** magaciisa lugu sheegay Xasan Maxamed Cali Xasan Dheere. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
  17. ^^^Mogadishu you have armed groups fighting? Did you not claim things were under control in Kismayu with Taano & Dheere or is there a clan war there as we all thought before. If so, then be clear that your militias are murdering civilains walking from Mosques and businessmen because of their clan. Be` clear adeer, because we will hold Taano, Dheere, Hiiraale and all their militias for these deaths. The claim that these militias want peace makes no sense with the constant killings of civilains, not even of any rank, in any adminstartion.
  18. If Geedi survives then he will have a chance to appoint anyone he wants. However so far he seems reluctent to go the Parliment. NN- is correct, the President has the power to sack the PM however this President is not happless A/qasin as mentioned before who within his first three years went through 3 PMinisters, destroyed the TNG cabinet, parliment and had no power oustide even his own house. As for who elects the PM, the President chooses him and the Parliment either approves or disaproves. Also last time if one remembers Geedi survived only because there was the armed courts to deal with and so on. [ October 11, 2007, 09:03 PM: Message edited by: The Duke ]
  19. I WISH EVERYONE ON SOL A VERY HAPPY EID, MAY ALLAH REWARD US FOR OUR PRAYERS AND FAST AND GUIDE US TO REDEMPTION. AMIN DUKE
  20. I WISH EVERYONE ON SOL A VERY HAPPY EID, MAY ALLAH REWARD US FOR OUR PRAYERS AND FAST AND GUIDE US TO REDEMPTION. AMIN DUKE
  21. Laascaanood: Madaxweyne Kuxigeenka Puntland iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland oo tagey Magaalada laascaanood. 11. oktober 2007 Laascaanood(AllPuntland)- Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Xasan Daahir Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa tagey maanta magaalada Laascaanood. Madaxweyne kuxigeenka waxaa safarkiisa ku waheliyey gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi iyo waliba taliyihii howlgalinta ciidanka Somaliland oo Puntland isku soo dhiibey Shalay ,ka dib markii uu ka soo goostey Somaliland. Xasan Daahir Maxamuud ayaa la kulmey wasiiradii horey Magaalada joogey waxa ayna warbixin Madaxweyne kuxigeenka siiyeen xaaladaha gobalka Sool iyo waliba waxyaabaha looga baahan yahay Xukuumada Puntland. Madaxweyne kuxigeenka ayaa ka gudoomey taliyihii howlgalinta ciidanka Somaliland ciidamo fara badan oo dhinaca Puntland uu lasoo galey maalintii shalay markii uu isku soo dhiibey ciidamada dowlad gobaleedka Puntland. Madaxweyne kuxigeenka ayaa hadal ujeediyey sida wararku sheegayaan ciidamada Puntland isagoo kula dardaarmay ciidamada in ay difaacaan Jiritaanka iyo Midnimada Puntland oo ah mid muqadis ah. Safarka Madaxweyne kuxigeenka Puntland iyo Gudoomiyaha golaha wakiilada Axmed Cali Xaashi ayaa daaqada ka saaraya war uu maalmahaan saxaafada ka sheegayay Sarkaalka Somaliland ugu magacaabaan dhinaca gaashaandhiga oo ku aadanaa in ay Laascaanood heystaan ciidamada Somaliland. Magaalada waxaa sii joogi doona xubno wasiiro ah oo ka socda Xukuumada Puntland ayagoo dadweynaha SS iyo Cayn kala hadlaya sidii amaanka deegaanadaasi kor loo qaadi lahaa isla markaana wax looga qaban lahaa ciidamada ku soo duuley deegaanadaasi oo ka mid ah Puntland. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland