General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. CG: I like the Ice Cube quote, if you do not have a stand thats you, thats what we differ.
  2. Latest from LA..AUDIO Laascaanood: Dhagayso Waraysi Wariye Maxmed Cali Cilmi Oo Ku Sugan Magaalada Laascaanood
  3. ME, and others adeer score points against me all you like. But dont prostitute yourself to the secessionist because of past personal issues[/b. SSC=Puntland and Garowe is no better than LA. ME: again do not loose your cool, this is only a small tactical issue for Puntland. The secessinist are drewing themselves to a biger war Just like the courts they will find thenselves in the loosing side. Qudhac, you have gained nothing, we know you live on fake news, this even happened a week or so ago. Again, lets not get carried away history has proven beyond doubt that while Xasan & Cade Nohamed Abdi Xashi are welcome to LA. None of the scessionists and their leaders, Riyaale, Ahmed Yassin can come there safely. In the wider struggle, a few confused and angry individuals at a certain Puntland sub-family, no matter how much they sell out will forver be F in Hargaysa isolated and alone in their communities and a nonity in any other region.
  4. CG: You seem to be lost adeer, we can all live in peace, however this is naked agression aimed at destroying Somalia, nothing less. The people of SOOL, if you remmeber with their elders said no to the secessionist and we have them coming here declaring they "liberated it". There are many conflicts in Somalia, this one stands out as its not clans, but about our very identity. As for your higher than though stance, it seems all you aim for is to be given credit as some sort of "superior" Somali, who's mind works on a different higher plain of thought. I will be the firts to give you credi. Yes you are smart adeer, you have the answers. So tonight what shall we do?
  5. Cano-Geel. What would you have us do adeer, your attempt at being so neutral is becoming quite boring and somewhat immoral. Take a stand, you support either the locals or Somaliland. Qudhac. Adeer we have not lost to you, no the PL army did not shoot at the locals who will offer nothing to the populace who hate evrything Somaliland. Good luck
  6. This action is the last straw. Puntland has lost nothing other than the civilians, the prperty and the ego of some clans. Will Riyaale, Silanyo, Warrabe visit LaasCanood tommorrow? Of course not, because they do not have the support of anyone, they hide behind locals who will offer nothing. We do not hate your clan, just your fake nation. Today we are one clan united, angry, upset in mourning for our dead.
  7. Qhudac, we have been here before. Your claims of victory will evaporate in the days to come. This will lead to your clan militias defeat adeer nothing more. Remember Dhahar?
  8. Wararkii ugu dameeyay Magaalada Laascanood Caawa iyo Laascanood Magaalada Laascaanood Oo caawa laka Maqlaayo Xabado Koos Koos ah iyo Maleeshiyadii Kasoo Duushay Magaalada Hargaysa ee isaaqiya OO kabaqay in ay Soo kalaan Magaalada laascanood iyo Maleeshiyadii Soo Horkacaysa ciidanka isaaqa oo Dad Rayid ah ku laayay Magaalada laascanood. Wararka naka soo garaya magaalada laascanood ayaa shegay in malayshiyo beeleedyo ka amarqada Maamulka isaaqiya ay Dad ratid ah ku dilaan magaalada laascanood Dadkaas oo isugu jira Caruur iyo Haween.. Mar aan isku daynay in aan wax ka ogaano Waxa sababay in ay sookalaan Ciidanka Gardarada ah ee kasoo Duulay Hargaysa ee isaaqiya in ay usoo dhaqaaaqan dhinaca magaalada laascanood Iyado oo ay sababtay Khilaf sookala dhexkalay Madaxda sare ee puntland iyo Taliyaha cidanka Jiida hore. ninka laku magacaabo Cali sandule Oo deegaan ahan Kasoo jeeda deegaanada SSC ayaa Si dhuumaalaysi ah Kusoo kalay saaka Magaalada laascanood. Wararka ayaa intaas wacay ku darayan in Uu kasoo kalay dhinaca ay fadhiyeen ciidanka UU horgacayo Taliyahada ciidanka Jiida Hore ina quuje Oo ay isku Beel Kasoo qada jeedaan Cali Sandule. Saacada ayaa magalada laascanood tahay mid hawanysa iyadoo ay jiran abaabul ciidan kii ugu darnaa lakana cabsi qabo in saacadaha soo socda ay dhinaca Magalada usoo ruqansadaan Ciidanka darawiishta Ee Puntland. Khasaraha kadhashay dagaalii saakay ee gaadmada ahaa ee ay soo qaadeen Maleeshiyada isaaqiya ayaan isku dayaynaa in aan idiin soo gudbino magacyada dadka kudhaawacmay iyo dadkii ku dhintay dagalkaas. Wixi kasoo gordha kala Soco Boocame Online News warbahinta qarniga cusub!! Boocame@gmail.com
  9. While as ususal they overplay their hand. The SNM clan nilitia have done all of us a favour. There will be no more dividion. Scathing anger at these militias, their leaders is high. Puntland and its leadrs have failed in SSC completly. For five years we have allowed these militia to be in our midst.
  10. Garoowe: Isimada gobalka Nugaal oo ku shiray Magaalada Garoowe. 15. oktober 2007 APL Garoowe(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya Caasumada Puntland ayaa sheegaya in ay halkaasi shir ku yeesheen Isimada gobalka Nugaal iyo Xubnaha ugu jira dowlada Puntland gobalkaasi Nugaal. Shirkaan ayaa ka dhacay xarunta maamulka gobalka Nugaal waxa ayna kaga wada hadleen xaaladaha gobalada Sool,Sanaag iyo Cayn iyo waliba gacanta ay ka geysan karaan arintaasi wax ka qabashadeeda. Kulankaan oo ahaa mid aan caadi aheyn ayaa dhamaantiis ku saabsanaa difaaca deegaanada dowlad gobaleedka Puntland iyo sida ugu macquulsan ee wax looga qaban karo xaalada gobalka Sool ,ayadoo layskugu raacay in la difaaco Midnimada Iyo wada jirta umada Puntland. Mid ka mid ah dadkii ka qeybgaley shirkaasi ayaa AllPuntland usheegay in laysku raacey difaacida deegaanada Puntland iyo sidoo kale ee Maamulka Somaliland looga saari lahaa dhulka dowlad gobaleedka Puntland. Wuxuu sheegay masuulkaasi in waxyaabo kale lugu soo qaaday kulankaasi ,loogana wada hadley sidii Isimadu ula hadlilahaayeen madaxda Puntland ,ayagoo ka wada hadlaya xaaladaha ku soo cusboonaaday deegaanada Puntland. Wasiirada kala ah wasiirka qorsheynta iyo Xiriirka caalamiga ah Cabdi Salaad Cabdi & Wasiirka wasaarada Waxbarashada Axmed Siciid Aw-nuur ayaa kulankaasi joogey sida ay sheegeen Dad ka mid ah dadkii ka qeybgalay. Kulankaasina oo aan faahfaahin badan laga bixin waxyaabihii ka soo baxey ayaa ,laga shaaciyey difaacida Puntland. Wararkii ugu danbeeyey ee ka soo baxaya Madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in ay halkaasi shir ku leeyihiin Madaxweyne Cade Muuse ,Kuxigeenkiisa Xasan Daahir Maxamuud ,Wasiirka Maaliyada Maxamed Cali Yuusuf & Taliyaha ciidanka Daraawiishta Sareeyo Guuto .C/samad Cali Shire. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
  11. RW Geedi oo sheegay in aanu ka dagi doonin xilka xitaa hadii waqtigiisa uu dhamaado Click here to find this article in English Shabelle airs news in English Mogadishu 15, Oct. 07 ( Sh.M.Network)- Iyadoo cirka uu isku sii shareerayo ismari waaga u dhaxeeya madaxda sar sare ee dowladda KMG ah ayaa Ra'isulwasaare Geedi waxa uu sheegay in uu aad uga xun yahay khilaafka ay isku dayeen in xukuumaddiisa ay ku sameeyaan qaar ka mid ah golihiisa wasiirada. Ra'isulwasaaraha dowladda KMG ah ee Somalia, Cali Max'ed Geedi Geedi oo u waramayay Sharqal Awsat ayaa waxa uu sheegay in uu ku hanweyn yahay in xilkiisa uu sii hayo, isagoo intaasi raaciyay in aanu jagada Ra'isulwasaare nimo ka dagi doonin xitaa haddii ay dhamaato mudada xukuumaddiisa. Geedi ayaa waxa uu sheegay in wasiirada ku riixaya in uu kalsooni weydiisto golaha Baarlamanka uu hunguri ka hayo xilkiisa Ra'isulwasaare nimo waa sida uu hadalka u dhigay, iyagoo doonaya in jagadaasi ay qabtaan haddii uu isaga waayo xilkaasi. Arimahaan ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xilli Ra'isulwasaaraha Somalia iyo Madaxweynaha dowlada KMG ah khilaafkooda uu ku fidey golayaasha dowladda KMG ah.
  12. ^^^Indeed, thats why this is not a major issue. Also its healthy that the TFG cleans up its house, its the right time.
  13. We wait and see, but some people want to make this more than it is. Either Geedi looses or wins the confidance vote. Its not a life or death issue, only maybe for his bank account.
  14. Garoowe: "Daahir Riyaale wuxuu doonayaa Dagaal gardaro ah Puntland wey iska difaaceysaa" Xasan Daahir Maxamuud. 13. oktober 2007 Garoowe(AllPuntland)- Madaxweyne kuxigeenka Puntland ahna Kusimaha Xilka Madaxweynaha Xasan Daahir Maxamuud oo kumanaan dad ah la hadlayey ayaa soo hadal qaadey arimaha gobalada Sool,Sanaag iyo Cayn ee dowlad gobaleedka Puntland iyo dagaal Daahir Riyaale Kaahin. Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ayaa ku eedeeyey Maamulka gobalada Waqooyi galbeed in ay doonayaan in ay Soomaaliya soo galiyaan kooxihii Asmara isla markaana ay dagaalada gobalka Sool ay gadaal ka soo riixayso Xukuumada Asmara ,balse Xasan Daahir wuxuu sheegay in ay Puntland difaaceyso Jiritaankeeda iyo Midnimada Umada Soomaaliyeed oo aysan ogolaan doonin in ay Soomaaliya kooxahaasi lasoo galiyo. Xasan Daahir wuxuu kaloo ku eedeeyey Daahir Riyaale Kaahin in uudoonayo in ay burburto dowlada Soomaaliya ,isagoo sheegay in dadka ku haminaya dowlada Soomaaliya ayaa dhaceyso tahay mid aan suurtagal aheyn. Madaxweyne Xasan Daahir wuxuu shaaca ka qaadey una sheegay Kumanaan dadka Caasumada Puntland ah in ay Jiidaha dagaalka joogaan tababarayaal udhashay Xukuumada Asmara doonaya in ay tababar siiyaan kooxo ka soo horjeeda dowlada Soomaaliya oo ku sugan xerooyin tababar oo kutaala gobalka Togdheer. Puntland ayaa sheegtay in wax laga xumaado tahay in dagaalo waqtigan laga huriyo deegaanada Sool,Sanaag iyo Cayn ayadoo wacad ku martey Puntland in ay difaaceyso Jiritaankeeda iyo Midnimadeeda. Hadalka Madaxweyne kuxigeenka Puntland Xasan Daahir Maxamuud ahna ku simaha madaxweynaha Puntland ayaa ku soo beegmay xili gobalka Sool deegaano ka mid ah isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo Maleeshiyaadka Somaliland. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
  15. Laascaanood: Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland oo baaq udirey Xukuumada Puntland. 13. oktober 2007 Laascaanood(AllPuntland)- Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa shir Jaraa'id oo ku qabtey Magaalada laascaanood ,wuxuu kaga hadley xaaladaha ka taagan gobalada Sool,Sanaag iyo Cayn isagoo baaqna udiray Xukuumada dowlad gobaleedka Puntland. Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa Shirkaan Jaraa'id wuxuu kaga hadlayey waxyaabaha Dastuurka Puntland ka qabo deegaanada Puntland ee lugu soo xadgudbey,isagoo ugu baaqey Xukuumada Madaxweyne Cade Muuse in ay dastuurka Puntland fuliso oo ku dhaqaaqdo Qorshahaasi. Axmed Cali Xaashi ayaa sheegay in dhulka laga heysto Puntland ,dastuurku qabo in ay xoog ku qabsato isla markaana la wareegto dhamaanba deegaanada laga heysto ,isagoo gudoomiyuhu sheegay in dhulku dhan 150KM ayna muhiim tahay in cadowga laga kiciyo waa sida hadal udhigaye. Gudoomiyaha golaha Wakiilada Puntland ayaa sidoo kale soo hadal qaadey shirkii ay yeesheen Gudiga Joogtada ah ee golaha baarlamaanka Puntland kaasoo ka dhacay Magaalada Laascaanood. Gudoomiye Axmed Cali Xaashi wuxuu Maamulka gobalada Waqooyi ee Galbeed ee Soomaaliya ugu baaqey in ay deg deg ugala baxaan ciidamada ay keeneen dhulka Puntland ayna muhiim tahay in la dhowro wada Dhalashada Umada Soomaaliyeed. "Xukuumada Puntland xisaabtan xoogan ayaa lalagalayaa ,waxa ayna fulineysaa Sharciga wuxuu waafaqsan yahay mana fileyno in aysan sharciga ku dhaqmin loogamana Baran" Ayuu yiri Axmed Cali Xaashi. Hadalka gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa ku soo beegmay xili Jiidaha dagaalka ay ka socdaan ilaa shalay dhaqdhaqaaqyadii ugu danbeeyey oo ku aadan dhoola tusyo Milateri. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
  16. WEERARKA LAASCANO GUUL IYO MIDNIMO SOOMALIYEED W.Q. Abdulahi indho Posted to the MOL October 12, 2007, 2:50 pm Haddii aan dib u milicsano taxanaha taariikhda waxaa inoo muqanaya in dhibataada soomaliya ka soo bilaabatay beelaha degagoboladda punt-land iyo Beesha la baxaday soomali-land. Ugu dembeyntiina ku fiday goboladda koofurta soomaliya.Waxaana dhibatadanmarkay dhacday lagu mashquulay oo culayska la saaray koofurta sidii loo xasilin lahaa xalna loogu heli lahaa.Waxayna ahayd sababtu dhaawaca iyo dhibaatada koofurta oo cusub, indhuhuna si fiican u qabanayeen. Sidoo kale xaruntii maamulka dalka ama magaalo madaxdii dalka oo ahyd xudunta siyaasdda iyo dhaqaalaha oo ka dhisneyd koofurta.Waxayna koofurtu sidaas ku qaaday mudnaatii iyo in xalka dalka marka hore koofur laga raadiyo. Waxaa laga boodey kuwii kaga horeeyey dhibaatada oo mashaakilkuna ka soo abuurmay, una ahaa lafdhabrka.dhibka iyo xalkiisaba, waxaan qabaa in ay habooneyd, in marka hore xalka iyo nabadeyntaba laga soo bilabo kuwii bilaabay dagaalka iyo kala go`a wadanka.Haddii taasi dhici lahaydana waxaan qabaa in aysan nagu qaadateen masaafada iyo waqtiga dheer ee ay nala gooysey.Hadaba marka, maanta la fiiriyo halka ay marayso xaaladda guud ee dalka soomaliya, sida dawalad, ciidan, dhaqaale, iyo dhiiranaanta weerarka Beesha la baxday soomali-land ee ay ku soo qaday maamul goboleedk puntland gobolo iyo degmooyin ka mid ah, kaas oo aan hore u dhicin, weliba waqti laga fili karey Beeshan inuu ka iman karey ficil noocan ah. Waqtiyadaas oo ku beegan xiliyaddii aan Maamulka punt-land dhisnayn sidoo kale aysan jirin nidaam iyo awood dawlad soomaliyeed midna, ayaa in badani waxay la yaaban yihiin wereerka maanta waxa uu salka ku hayo. Waxaase cad in uu leeyahay oo kaliya hal ujeedo taas oo ah isa soo dhiibid cad.Waxaan shaki ku jirin talaabadan dagaal ee Beeshu ku qaaday maamul gobleedka puntland in uu uu yahay toobad keen iyo in Beeshu goàankii ay ku fududaatey saxdo, fahamtayna qaladkii ay gashay, soona qanacday, ogaatayna in aysan shaqeyneyn wixii ay sida fudud u aamineen ahaa laab lakicii ku dhawaaqii gooni baanahay. Waxayse madaxa ka ceshanayaan ciida oo marabaan in ay yiraahdaan waa qaldanay waana ka soo noqonay qaladkii aan galay. Waxaa marka Beesha u muuqata sababtii ay ku soo noqon lahayeen in ay ka dhigaan dagaalka laascaano oo marka dagaalku si fiican u bilowdo ay is dhiibaan.Sidaas darteed ayaan ciwaanka qoraalka uga dhigay weerarka laascaano ee Beesha la baxaday soomaali-land guul soo hoyatay iyo midnimo soomaliyeed.Waxaan taas cadeyn uga dhigayaa haddaan cudurka waalida ah ee ummadda soomaliyeed badideeda ku dhacay Beesha darderin. Dagaalka beeshu qaadi weydey lix iyo tobnkii sano ee somaaliya dagaalku ka socdey dhulkana ku qabsan weydey waxa ay tahay ujeedaddiisu waqtigan.Waxaa kale oo aan aaminsanahay in aan Beeshu inta shirtay go`aan ku guddoonsan in ay weerarto soomali inteeda kale oo xoog iyo dagaal dhul iyo gobolo kaga qaadato maanta. Soomaliya waxaa ka jira dawlad sharci ah, adduunku aqoonsan yahay aqoonsigaas oo Beesha caalami oo Beeshan la baxday soomali-land ka dhigaya una aqoonsan dad ahaan, dhul ahaan iyo dawaladba in ay ka mid tahay soomaliya, sidoo kale waxaa ka jira Punt-land maamul dhisan kuna xiran soomaliweyn iyo dawladda soomaliyeed kaas xag ciidan iyo dhaqaalaba kaga tiro iyo tayaba badan Beesha la baxday soomali-land aysan suuragal ahayn in ay xoog dhulkaga raadsato ama kaga qaadato, soo marka weerarka ay soo qadeen maanta soo macnihiisu mahan isa soo dhiibid cad iyo waana kan. Sidaas darteed ayaan leeyahay Beeshu laascaano ma rabtee hargeysey soo wadaa oo wax bay fahamtey ee aan la fahmno soomliyeey..... Qore, A.Y. jama (indho)abduldjamal@yahoo.com
  17. Seyuum Mesfin::: Puntland waxay Tusaale fiican u tahay Soomaliya oo dhan Last Updated::2007-10-13 19:09:37 Addis Abab (HRNet):- Kulan magaalada Addis Ababa ku dhexmaray Madaxweynaha Puntland Md.Cadde Musse iyo Wasiirka Arrimaha Dibada ee Itoobiya Mr.Seyuum Mesfin ayaa looga hadlay arrimaha iskaashiga ka dhaxeeya maamulka Puntland iyo Itoobiya. Madaxweynaha Puntland oo safar shaqo ku jooga dalka Itoobiya ayaa horey kulamo khaas ah la yeeshay Diblumaasiyiin sar sare oo ka socda Dowlada Maraykanka iyo Jarmalka. Kulanka dhexmaray Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirka arrimaha Dibada ayaa diirada lagu saaray sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka ganacsiga ee ka dhaxeeya Puntland iyo gobalada Itoobiya iyo waliba xiriirka dhinaca sugida amniga. Kulankan waxaa sidoo kale ku sugnaa Agaasimaha Guud ee Arrimaha Dibada ee Dowlada Itoobiya Mr. Abdeta Dribssa. Mr.Mesfin oo ka hadlayey xiriirka ka dhaxeeya labada dhinac ayaa sheegay in dowlada Itoobiya ay si weyn u tixgalineyso xiriirka ay la leedahay Dowlad Gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Wuxuu sidoo kale wasiirku sheegay in danta Itoobiya ay ku jirto hagaajinta iyo sare u qaadida xiriirka wanaagsan oo ay la leedahay Maamulka Puntland. Madaxweynaha Puntland Md.Cadde Musse ayaa sidoo kale sheegay in labada dhinac meel isla dhigeen in lasii xoojiyo xiriirka ganacsiga iyo iskaashiga. Waxaana kulankaasi lagu soo hadal qaaday sameynta Qunsulad ay labada maamul is dhaafsadaan qunsuladahaasi oo laga hirgelin doono Puntland iyo Itoobiya, si markaasi loo xoojiyo xiriirka labada dhinac. Wasiirka Arrimaha Dibada ee Itoobiya ayaa sheegay in dhawaan dalka Itoobiya imaan doonaa wafuud balaaran oo ka socda Puntland kuwaasi oo ay ka wada hadli doonaan arrimaha Ganacsiga iyo Amniga. HorseedNet.com
  18. lool. Yalaxow has not said anything, and Qaynyare seems to be soo obviuous that it needs no explanation.
  19. I think some order needs to be restored. MMA might have choosen his words more carefully but I do not think he meant it as labeling the whole clan. At times I have made a big error in labeling certain cities after militias such as Guriceel, and in this case Cabudwaaq was the wrong choice of words. The people of both CabudWaaq and Guriceel or any other town do not deserve to be made scapegoats for the actions of certain faction who in no way benefit those beautiful towns. Kismayu is in the hands of the JVA militia who have destroyed the town and failed to bring any order, progress even for the clans they want to "represent". Again lets give MMA [who I disagree with 90%] a break. But also lets give clans a break and not label them so randomly when they have nothing to do with it. Hiiraale, Taano, Dheere are to blame and not Cabudwaaq.