General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. ^^^Indeed its silly, who formed this block and why? How many MP's do they have 125, 85, 55 or less? If all your information is this translation of a Somali webportals report then you are ammusing and nothing more old boy.
  2. ^^^Adeer, you sound silly really. I highlighted facts, the TFG is going through change which it has done since inception. Rememebr we once had a few warlords in the cabinet today none, we once had a clown for a speaker today we got a strong man. Things change, this is another change, nothing more. The problem is when you get people who know nothing come and make titles like the above.
  3. Dhinaca kale Maxamad Cabdi Xaashi oo horey u ahaan jirey Madaxweynaha Puntland isla markaana u tartamey doorashadii Puntland ayaa gashanka u duruurey in aysan kala qaybsaneyn beelaha gobolka Sool isaga oo tilmamey in ay jiraan kooxo mashruuc ku soo qaatey weerarka Somaliland soo qaadey. Xaashi ayaa xusey in aan xoog leysku qabsan karin isla markaana Somaliland wada haysan gobolka Sool.
  4. Muqdisho: Ciidamado fara badan oo lasoo dhigey wadooyinka Caasumada Soomaaliya. 27. oktober 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Markii ay xalay Magaalada Muqdisho ka dhaceen dagaalo ay soo qaadeen kooxaha ka soo horjeeda Nidaamka iyo kala danbeynta dalka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada lasoo dhigey ciidamo fara badan oo ka mid ah Milateriga DKMG iyo Ciidamada Itoobiya. Ciidamadan ayaa siweyn loogu arkayaa isgoysyada kala ah Aadan cadde iyo Suuqaha Bakaaraha ,waxa ayna meelahaasi ka wadaan howlgalo baaritaano ah oo lugu baarayo guryaha iyo waliba wadooyinka soo gala Isgoys-yadaasi. Ciidamada dowlada Itoobiya ayaa saaka ka soo baxay Wasaarada Gaashaandhiga waxa ayna ku baaheen meelo badan oo ka mid ah Magaalo Madaxda dalka Soomaaliya ,ayagoo markaasina diiday in ay dadweynuhu maraan meelaha ay joogaan ciidamada dowlada Itoobiya. Askar fara badan oo ka mid ah ciidamada dowlada Iyo kuwa Itoobiya ayaa wadooyinka hareeraheeda taagan waxa ayna sugaan amaanka dadka Shacabka ee deegaanadaasi ,ayagoo ka codsanaya dadka deegaanada in ay soo sheegeen kooxaha Qaraxyada geysta hadii ay yaqaanaan. Ciidamada Soomaaliya iyo Milateriga Itoobiya oo la wareeray saaka iyo Xalayba ayaa ah kuwa hor leh oo Magaalada soo galay shalay galab ,kana yimid Magaalada Baydhabo ,waxa ayna sida wararku sheegayaan la wareegayaan amaanka caasumada Soomaaliya. Warar hoose oo laga helayo xaafiisyada Ciidanka Soomaaliyeed ayaa sheegaya in howlgalladii ugu balaarnaa oo ay fuliyaan ciidamada dowlada Itoobiya ay bilaabayaan maalmaha soo socda ,ayadoo aysan ku wahelin cid ka mid ah dowlada Soomaaliya. Dowlada Itoobiya ayaa todobaadkii hore war ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in ay jiraan dad ka soo horjeeda Israaca Soomaaliya ,isla markaana jooga Magaalada Muqdisho lana shaqeeyo xubno ka mid ah dowlada Soomaaliya oo nabada caasumada ka soo horjeeda. Taasna waxa ay keentay in ay Itoobiya ciidamadeeda Soomaaliya ku soo darto ,ciidamo xoojin ah oo fara badan doonaya in ay amaanka Muqdisho gacanta dowlada Soomaaliya galiyaan. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
  5. Muqdisho: Ciidamado fara badan oo lasoo dhigey wadooyinka Caasumada Soomaaliya. 27. oktober 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Markii ay xalay Magaalada Muqdisho ka dhaceen dagaalo ay soo qaadeen kooxaha ka soo horjeeda Nidaamka iyo kala danbeynta dalka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada lasoo dhigey ciidamo fara badan oo ka mid ah Milateriga DKMG iyo Ciidamada Itoobiya. Ciidamadan ayaa siweyn loogu arkayaa isgoysyada kala ah Aadan cadde iyo Suuqaha Bakaaraha ,waxa ayna meelahaasi ka wadaan howlgalo baaritaano ah oo lugu baarayo guryaha iyo waliba wadooyinka soo gala Isgoys-yadaasi. Ciidamada dowlada Itoobiya ayaa saaka ka soo baxay Wasaarada Gaashaandhiga waxa ayna ku baaheen meelo badan oo ka mid ah Magaalo Madaxda dalka Soomaaliya ,ayagoo markaasina diiday in ay dadweynuhu maraan meelaha ay joogaan ciidamada dowlada Itoobiya. Askar fara badan oo ka mid ah ciidamada dowlada Iyo kuwa Itoobiya ayaa wadooyinka hareeraheeda taagan waxa ayna sugaan amaanka dadka Shacabka ee deegaanadaasi ,ayagoo ka codsanaya dadka deegaanada in ay soo sheegeen kooxaha Qaraxyada geysta hadii ay yaqaanaan. Ciidamada Soomaaliya iyo Milateriga Itoobiya oo la wareeray saaka iyo Xalayba ayaa ah kuwa hor leh oo Magaalada soo galay shalay galab ,kana yimid Magaalada Baydhabo ,waxa ayna sida wararku sheegayaan la wareegayaan amaanka caasumada Soomaaliya. Warar hoose oo laga helayo xaafiisyada Ciidanka Soomaaliyeed ayaa sheegaya in howlgalladii ugu balaarnaa oo ay fuliyaan ciidamada dowlada Itoobiya ay bilaabayaan maalmaha soo socda ,ayadoo aysan ku wahelin cid ka mid ah dowlada Soomaaliya. Dowlada Itoobiya ayaa todobaadkii hore war ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in ay jiraan dad ka soo horjeeda Israaca Soomaaliya ,isla markaana jooga Magaalada Muqdisho lana shaqeeyo xubno ka mid ah dowlada Soomaaliya oo nabada caasumada ka soo horjeeda. Taasna waxa ay keentay in ay Itoobiya ciidamadeeda Soomaaliya ku soo darto ,ciidamo xoojin ah oo fara badan doonaya in ay amaanka Muqdisho gacanta dowlada Soomaaliya galiyaan. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
  6. Hah, Juje as ever tries to be funny, alas to no avail. Emperor has a point, who cares if Duke goes on a holiday with the family or even visits the mother land & Mogadishu to debrief the NNS chief on hostile activities abroad organised by the ignorant anti governemnt groups? Well untill next time, we shall dance, as usual I and other supporters will lead the Tango. As for Emperor it would take more than simple ironic words to deter the man, you dont know who you are dealing with. Hence the titles, A Duke & an Emperor who has more power Ahaaaaaaaaa
  7. Adeer Juje, you seem to be lost, devoid of any real understanding, who is scared? What happened to the Jeddah trip? You are clinging on to myths made up by people even dumber than those you usually lead. We are quite, confident and pulling all the strings, you are making up stories. Dayniile.com/
  8. An opposition group formed by the supporters of the PM? Hahaha, it shows they know they will not form the next governemnt, what a hint, its a give away.
  9. ^^^Adeer the ends its what matters you are just concentrating on the means, if you want to destroy me and I defend myself, what does it matter if I use my own hands or others? So long as in the end you are no longer relevent. Somalia has seen much change, for example everyone is just concentrating on internal TFG changes, no one cares for the clowns in Asmara or elsewhere. So who is deluding himself?
  10. Garaad Jaamac Garaad Cali Oo Baaq Ka Soosaaray Xiisada Colaadeed Ee Deegaanka (Laascaanood}21.10-7 Garaad Jaamac"Kadib markaan eegay xaalada colaadeed ee kajirta gobolada Sool,Sanag iyo Cayn,markaan u kuurgalay dareenka dadwaynaha iyo xiisada colaadeed ee ka aloosan deegaamada Waxaan ku baaqayaa Qodobadan" ....................... BISMILLAAHI RAXMANI RAXIIM KA: GARAD JAMA GARAD ALI 21/10/2007 KU: Cidii ay khusayso Ujeedo: Baaq. Kadib markaan eegay xaalada colaadeed ee kajirta gobolada Sool,Sanag iyo Cayn,markaan u kuurgalay dareenka dadwaynaha iyo xiisada colaadeed ee ka aloosan deegaamadaa. Muuqashada ay muuqato in uu bilaabmo dagaal lagu riiqmo oo dhiig badani ku daato lagana yaabo inuu goboladan oo dhan ku fido. Waxaan ku baaqayaa Qodobadan: 1. In ciidamada maamulka Somaliland ay ka baxaan gobolada SSCayn 2. In Maamulka Puntland ay joojiyaan abaabulka dagaal si loo badbaadiyo dhiig daata. 3. In Issimada iyo waxgaradku isugu yimaadaan magaalada Buuhoodle. 4. In laqabto shir dagdaga oo dadyowga SSCayn ay aayahooda kaga tashadaan. 5. In midnimada SSCayn ay muqadas tahay. Wabilaahi towfiiq
  11. Isimada Buuhoodle oo u ambabaxay Garoowe Lana Kulmi Doona cadde Muuse (Buuhoodle}21.10-7 Isimada Deegaanka Buuhoodle ayaa u ambabaxaya xarunta maamul Goboleedka Puntland ee garoowe waxana ay halkaasi kula kulmi doonaan madaxweynaha Puntland Cadde Muuse oo u yeedhay Isimada.................... kulan ay saaka ku yeesheen isimadu ayaa lagu gorfeeyey dalabkii ka yimid cadde muuse ee ku aadanaa in isimada gobolku ay gaadhaan garoowe si ay ula kulmaan madaxda DGPL, waxaana goor dambe la isla qaatay in la ajiibo codsiga madaxweynaha. lama oga illaa hadda waxyaabaha ay isimadu kala wada hadli doonaan madaxda Puntland, waxase loo badinayaa in ay kulankooda hadhayn doonto qabsashada ay ciidamada Somaliland ku qabsadeen magaalada laascaanood maalmo ka hor & sidii ay puntland dib ugu qaban lahayd magaalada . Xuseen Kurdi Widhwidh Online Buuhoodle
  12. Minneapolis: "Somaliland ha ka baxdo Laascaanood ,hadii aysan ka bixin wixii dhaca Masuuliyadeeda waxaa qaadaya Daahir Riyaale Kaahin" Maxamed Cabdi Xaashi. 26. oktober 2007 Minneapolis(AllPuntland)- Madaxweynihii uu talada kala wareegay Madaxweynaha hada haya Madaxtinimada Puntland Maxamed Cabdi Xaashi ayaa ka hadlay xaaladaha dagaal ee ka jira gobalka Sool. Maxamed Cabdi Xaashi ayaa siweyn uga hadlay xaaladaha dagaal isagoo markaasi sheegay in loo baahan yahay in ay Somaliland ciidamadeeda ka daadgureyso gudaha magaalada Laascaanood ,isla markaana ay tagaan meelihii ay joogeen ayna tahay Xuduudooda. Mudane Maxamed Cabdi Xaashi ayaa shaaca ka qaadey in hadii aysan Somaliland ka bixin magaalada laascaanood ay talaabo deg deg ah ka qaadayaan Maamulka la baxay Somaliland ,ayagoo ah Umada ku dhaqan gobalka Sool. Mr.Xaashi oo ah siyaasi rug cadaa ah lana socdey dagaaladii ugu danbeeyey ee ka dhacay magaalada laascaanood ,ayaa sheegay in aysan waxba soo kordhin ,isagoo markaasina ugu baaqey Somaliland in ay deg deg uga baxdo magaalada Laascaanood. Max'ed Cabdi ayaa digniin uu ku tilmaamay tii ugu danbeysay ujeediyey maamulka Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin,wuxuuna sheegay in Daahir Riyaale Kaahin ay yihiin rag is yaqaan ayna ka doonayaan in uu wiilasha ka daad gureeyo Magaalada laascaanood ,duleedkeeda hadii kale uu la kulmayo waxyaabo uu hadal heyn doona mudo dheer waa sida uhadal udhigeye. Md.Maxamed Cabdi Xaashi ayaa mudo ahaa Madaxweynaha Puntland ,mar ka sii horeysaneyna wuxuu Madaxweyne kuxigeenka Puntland ,isagoo la weydiiyay isagoo saxaafada la hadleyey hadii la doorto mar kale wuxuu qabanayo. Wuxuu sheegay in aysan Somaliland soo hadal qaadeyn dagaal ay soo qaadaan iska daaye arimaha SS iyo Cayn loogana baahan yahay shacabka Puntland in ay udiyaar garoobaan doorashooyinka ka dhacaya Puntland. Hadalka Madaxweynihii uu talada kala wareegay Cadde Muuse ayaa ku soo beegmay xili Maamulka hada ka jira Puntland dhaliilo xoogan kaga imaanaya Shacabka Puntland ,isla markaana hada Maamulka Cadde Muuse wado dadaaladii ugu danbeeyey ee ay dib ciidamadooda ugu celinayaan Magaalada Laascaanood. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
  13. Dadkii ciidamada Somaliland ka qafaashen Laascaanood oo la geeyey Burco Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ee maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegaya in dadkii shaley ay magaaladaasi ka qafaasheen maleeshiyaadka maamulka Somaliland la geeyey degmada Burco ee Gobolka Togdheer. Dadkan oo tiradoodu gaarayso 52 qof oo isugu jira Haween, Dhalinayro yar yar, iyo dad da’a ah ayaa shaley waxaa magaalada Laascaanood ka qafaashey oo xoog ku kaxaystay ciidamada Maamulka Daahir Rayaale Kaahin ka dib markii dadkaasi ay si weyn uga horyimaadeen ficilo gurucan oo ciidamada Somaliland ka wadeen gudaha oo ay ka mid tahay inay gubaan calanka Soomaaliya oo ay magaalada ka dhex taagaan calanka maamulka la magac baxay Somaliland taasi oo si weyn uga careysiisey dadweynaha reer Laascaanood. Dadkan Laascaanood laga qafaashay ayaan wax maxkamad ah la soo taagin waxaana lagu hayaa saldhiga iyo xabsiga magaalada Burco, iyadoo qaar ka mid ah dadweynaha reer Burco ay ku tilmaameen falkaasi mid lagu doonayo in la isaga horkeeno shacabka Sool & Togdheer, iyagoo ka dalbadey horseedayaasha ciidamada Daahir Rayaale Kaahin in dadkan laga qaado magaaladoda Burco oo la geeyo meel kale mar hadii aan lagu haysan wax dambi ah oo laga soo qafaashey deegaankoodii. Si kastaba ha ahaatee waxaa haatan socda dadaal balaaran oo ku aadan sidii looga sii deyn lahaa ciidamada Somaliland dadkan maatida ah ee laga qafaashey magaalada Laascaanood. SBC International News Desk
  14. Gudida Odayaasha Buuhoodle Oo Baaq Ay Ku Canbaaraynayaan Somaliland Soo Saaray (Buuhoodle}25.10-7 Gudida Odayaasha Buuhoodle oo ah Guddi ka kooban Guud ahaan ardaayada kala duwan ee Deegaanka Buuhoodle ayaa labadii Maalmood ee tegay waxay u fadhiyeen Kulamo xidhiidh ah oo ay kaga tashanayaan isbedeladii Dhowaan ka dhacay Magaalada laascaanood, waxaana ay ugu dambayntii saaka soo saareen Baaq ay si kulul ugu cambaarynayaan Weerarkii gardarada ahaa ee lagu soo qaaday laascaanood & dhibaatooyinkii ka dhashay ee lahaa Dilka, Dhaawaca, xadhiga, barakaca, qaxootinimada & hanti Burburka. Gudida oo Baaqooda u qaybiyey Qaybaha warbaahinta ayaa Baaqoodu waxa uu ka koobnaa qodobadan. 1. Gudida Odayaasha Buuhoodle waxa ay Cambaaraynayaan Weerarkii gardarada ahaa ee lagu qabsaday magaalada laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. 2. Gudida Buuhoodle waxay si weyn uga xun yihiin Dhibaatooyinka ay shacabka Gobolkaas ku keentay qabsashadii laascaanood sida, Dilka, Dhaawaca, xadhiga, barakaca & hanti burburka. 3. Gudida Odayaasha Buuhoodle waxa ay ugu Baaqaysaa Maamulka Somaliland inay Ciidamadooda kala baxaan Gobolka Sool Si loo badbaadiyo dadweynaha Gobolkaasi. 4. Gudida Buuhoodle waxay ugu baaqaysaa Waxgaradka & dadweynaha Beesha *********** inay kulan wada tashi isugu yimaadaan magaalada Buuhoodle si looga wada tashado arinta taagan. Magacyada Gudida Odayasha Buuhoodle ee Baaqa soo saaray 1. Maxamuud xaaji Cumar camey 2. cawaale Jaamac raygal 3. Hindi Maxamed aadan 4. caaqil cabdiraxmaan axmed Olol 5. Cabdi Hogod Yuusuf 6. Maxamed jaamac Biixi 7. Axmed xasan xaaji Cumar caydhboob 8. Xaaji Axmed Aadan Xaad 9. xasan Ciise wacays 10. cabdi Ducaale darwiish 11.aadan cali Axdar 12. Cabdilaahi xasan Qambi 13. Cali xasan falliidh 14. saalax Xaaji Cali 15. Cabdilaahi Jaamac Haaruun 16. Maxamuud faandhe raage 17. cabdirashiid xaaji samatar 18. Cumar Axmed Soodaani 19. Caaqil cabdi Jaamac Halac 20. Cabdisemed Gorse Biixi 21. xasan Macalin Maxamed 22. Cabdirashiid Cabdilaahi faracadde 23. Cali Maxamed Qadaadwagareed 24. Cali Faarax Maxamed 25. Ismaaciil Xirsi Shabeelle 26. Xiis Ibraahin Diiriye Widhwidh Online
  15. Garaad Saleebaan oo sheegay inay xabad ku qabsan doonaan magaalada Laascaanood Laascaanood (WNT)-Garaad Saleebaan oo ka tirsan Isimada ka soo jeeda magaalada Laascaanoofd ayaa shaaca ka qaaday inay magaalada Laasacaanood xabad ku qabsan doonaa, isagoo meesha ka saaray inay haysashada magaalada wax gor gortan ah ku gelayaan. Garaadka ayaa sheegay in magaalada ay ku soo duuleen dad aan u dhalan waxaanau wacad ku maray inay iska celin doonaan kana saari doonaan magaalada kooxaha ku soo duulay. Magaalada Laascaanood oo ay qabsadeen maamulka Soomaaliland oo kaashanaya malayshiyaad deegaanka 15-kii bishan ay ku jirro ayaa xiisad colaadeed oo xooggan ka abuurtay gobolka, waxaana magaalada Laascaanood ka dhashay barakicii ugu weynaa iyadoo hay’adaha caalamiga laga codsaday inay gar gaar la soo gaaraan dadka guryohooda ka qaxay. Dhinaca kale magaalada Laascaanood ayuusan ka jirin wax dhaq dhaqaaq ganacsi ah,waxaana waddooyinka laamiga ku go’an dhagxaan iyo ciid taasi oo masaabixi weyday kooxda magaalada qabsatay inay wax shaqo ah ka sameeyaan. Shalay ayey ahayd kolkii ay isku dayeen inay dhaqxaanta ka guraan laamiga taasina ay keentay dhaawac 7 ruux oo rayad ah iyo dhimashada labo ka tirsan malayshiyaadka magaalada Qabsaday, waxana arintaani keentay in magaalada laga qafaasho 20 ruux kuwaasi oo la sheegay in lagu xiray xabsiga mandheera ee waqooyiga Hargaysa. Xarunta wararka Waayaha.net editor@waayaha.net
  16. Laascaanood: Somaliland oo saaka guryaha Laascaanood Baareysa & Dadka laascaanood oo Rabshado dhigaya. 27. oktober 2007 Laascaanood(AllPuntland)- Ciidanka maamulka la baxay Somaliland ayaa saaka ka bilaabay gudaha Magaalada Laascaanood baaritaano ay ku baarayaan sida ay sheegayaan wararka laga helayo ,guryaha kuyaala gudaha Magaaladaasi. Ciidamada soo duulay ayaa waxa ay adeegsanayaan gaadiidka Maxaabiista oo fara badan iyo kuwa dagaal ee qoryuhu saaran yihiin ,ayagoo baaraya dadkii rabshadaha magaalada ka dhigayay maalmihii ugu danbeeyey. Dadka ka soo horjeeda ciidanka deegaankooda qabsaday ayaa muujinayey maalmihii ugu danbeeyey dibadbaxyo ay ku dalbanayaan in ay ciidankaasi iskaga haajiraan deegaankooda ,ayagoo ku tilmaamay ciidamada uyimid kuwa ay soo hogaamiyeen dad aan udhalan gobalka Sool. Mid ka mid ah dadkii dibaxdyada dhigayay oo magaciisa ku sheegay Maxamed Cabdi Waraf ayaa Shabakada AllPuntland usheegay in rabshadaha wadayaan ilaa inta ciidanka Daahir Riyaale Kaahin ,ay ka baxayaan gudaha gobalka Sool. "Waxaan wadaynaa rabshadahaan waana nagu waajib in aan muujino codkeena ,sababtoo ah waxaa na qabsaday ciidan ka soo duulay Hargeysa iyo meelo ka shisheeye ,hadii ay Somaliland sii wado qabqabashada dadka ayna soo celin dadkii la qabtey waxaa dhicirka falal xun-xun" Ayuu yiri Maxamed Cabdi Waraf. Saaka ayaa ciidankaasi waxa ay howlaha ka bilaabeen xaafada Waqooyiga Magaalada ,halkaasi oo ah meesha ay joogaan dadka ugu badan ee ka soo horjeeda Maamulka la baxay Somaliland. Dadweynaha inta badan dhigaya Mudahaadyada ayaa ka soo horjeeda ciidanka magaaladaasi la wareegay 15-Bishan ,waxa ayna muujiyaan codkooda ayagoo markaasina dalab ujeedinaya dowlada faderaalka ee Soomaaliya iyo Maamulka gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Xukuumada Puntland oo ciidankeeda kala soo baxday Magaalada Laascaanood 15-Bishan,ayaa waqtigan isku diyaarineysa in ay dib ugu laabto gudaha Magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
  17. The end of the TFG, an interesting but never the less a misleading title. Never mind the messenger, one detects a sense of desperation or naivety at the poster, for the message is not at all coherent. The formation of an opposition political group by the supporters of the incumbent but rattled PM? Now why create an opposition block if you are confident that you will continue to govern?, Thus while I will not spend ages on this issue. Let me highlight a few points. The parliament have moved last week to hold a vote with regards to the Geedi government. This was prompted by the defection of 24 Ministers including that of Salim Aliow Ibrow, Buuba, the former a staunch close ally and deputy of Geedi. The Parliament voted 115 for and 24 against to hold the confidence vote. Some body mentioned the media blitz and its effect to rattle this government. Its given that untruth and naked lies do tend to run faster than truth itself. However its also a fact that truths crosses the finishing line while untruth seldom ever reaches the end running out of steam in the middle of the race. Thus the fact that one groups is quite, confident, disciplined and the other all over the place is indicative of were this will all end. We wait and see how this place out, so far its one group making loud often contradictory statements. One man is running to Addis every few days and one media biased group making up stories about trips to the Kingdom and precious metals being shipped to Bossaos. I remember the time of the defeated courts, the time of the split of the Parliament many said the same thing, “it’s the end” This is not the end; it’s the transformation of the TFG from an ugly caterpillar into a stunning butterfly. Duke .
  18. There are many training areas around the country, some classified thus we wont get into those. I will mention those that I can. Balidoogle, Lantabuuro, Carmo, Bakool, Abqaale in Galkacyu district
  19. ^^^Adeer lets not pretend you are an expert on anything concerning the politics of the TFG. Its working with people yet its met with violence from a small quarter. It is dealingw tih these and has defeated their most battle harden groups. As for foreign help, its a factor, a part of any state development. Thus the TFG will succeed because it has done its homework, it is now the most powerful entity in Somalia and has subdued the crazy groups who now depend on internal difficulties within the TFG for their survival.
  20. ^^^If that makes you happy adeer. The TFG forces will be able to hold the whole of Somalia when their training is complete. Remmeber we are trying to do in three years what was not done in 17. Creation of powerful security apparatus, the NSS, Police and Military. The AU forces are countering external troublemakers, such as the Arabs, Eritrea and other criminal groups hel bent on keeping the status quo.
  21. ^^^Lads lets stop with the insults, its not right that we fall as low as our confused brethrens from the North West. Somaliland, secessionists, North West will do.
  22. ^^^Nah they will be better and more effective. Soon there will be no farting around as some people got used to over the past 17 years.
  23. ^^^I am your elder in SOL. Remmeber that.