General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. C/laahi Yuusuf ah oo bilaabay la tashiyada magacaabida R/lwasaarihiisa. Madaxweynaha Dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa la xaqiijiyey in uu bilaabay la tashiyo ku aadaan cidii uu u magacaabi lahaa Ra’isalwasarahiisa. La Tashiyada madaxweynaha ayaa la sheegay inay isla shaley galinkii dambe ay bilowdeen iyadoo xildhibaanada baarlamanka ee ka soo jeeda Beelaha ****** uu madaxweynuhu latashiyo kala sameynayo magacaabsita Ra’isalwasaraha, maadaama awood qaybiga ay ku dhisan tahay Dawlada Federaalka KMG beelahaasi u leeyihiin Ra’isalwasaaraha. Warar aan si buuxda loo shaacin ayaa sheegaya in madaxweynuhu siyaasiyiinta iyo odayasha dhaqanka ee beeshaasi uu kala hadley cidii loo magacaabi lahaa jagaadaasi, waxaana ilaa iyo haatan la hadal hayaa dad kala duwan oo qaarkood ku jira baarlamanka iyo kuwa aan ku jirin. Warar laga helay dad wargal ah ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu baarlamanka waydiinsan doono in wax laga badalo qodobo ka mid ah dastuurka si ay u suurta gasho in Ra’isalwasaaraha iyo xubnaha wasiirada ay ka imaan karaan banaanka, iyadoo axdiga KMG uu qabo in baarlamanka KMG ah dhexdiisa ay ka yimaadaan wasiirada iyo ra’isalwasaaraha. Dadka mid ka mid ah ay u muuqanayo in loo magacaabo Ra’isalwasaaraha ee sida gaarka ah isha loogu hayo ayaa waxaa ka mid ah C/laahi Warsame oo horey wasiirka maaliyada uga ahaa xukuumadii Max’ed Siyaad Barre, laakin baarlamanka aan ka mid aheyn, C/kariim Faarax Laqanyo oo horey u ahaa safiirkii Soomaaliya ee Itoobiya, Max’ed Max’uud Guuleed (Gacmadheere) oo ahaa wasiirkii arimaha gudaha ee xukuumadii Geedi, Bashiir Raage Shiiraar aan baarlamanka ka mid aheyn, Xasan Dhimbil oo ahaa wasiirkii garsoorka ee xukuumadii Geedi, iyo xubno kale oo ka mid ah ururada bulshada Rayidka, iyadoo sidoo kale la hadal hayo nin ka mid ah maamulayaasha hay’adaha warbaahinta Soomaalida. SBC International News Desk
  2. Ciidamada dowladda federalka oo wax kasoo furtay markabkii laga afduubtay Muqdisho - Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 30-Oktober-2007 Warar hataan naga soo gaaray deegaanka Caddle ee gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in markabkii laga afduubtay dekada Muqdisho aramihiisa ay fara giliyeen ciidamada Badda Mareykanka . Mulkiilaha markabkaasi Cali Gaboow Jiinow ayaa goor dhaw u xaqiijiyay warbaahinta Muqdisho in ciidamo Mareykan ah oo qeyb ka ah markab dagaal oo xeebaha Soomaaliya ku sugan ay dul joogaan markabkii . Waxa la sheegay in ciidamada doonayaan in gudaha u galaan markabka oo kooxaha hubeysan ay gudaha uga jiraan . Ciidamo Soomaaliyeed oo sita doonyo dheeraya ayaa la sheegay in howsha ay kala wareegeen ciidamada Badda Mareykanka . Weli lama helin faahfaahin dheeraad ah oo ku aadan xaalada dhabta ah ee markabkaasi oo dhexdiisa ay isku rasaaseyeen kooxda afduubatay iyo shaqaalaha markabka . Waxaana lala leeyahay labada dhinac qasaare ayaa soo gaaray , iyadoo kooxda afduubka laga dilay ilaa sedex qof. Maryama Xuseen Axmed seymuun@hotmail.com Xafiiska Calanka Ee Muqdisho
  3. Madaxweyne Yuusuf Oo Shirar Hoose Ka Bilaabay Baydhaba (Baydhaba}30.10-7 Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa kulamo gooni gooni ah ka bilaabay Magaalada Baydhaba, kaasoo ah wada tashiyo uu Xildhibaanada iyo Beelaha ****** kala yeelanayo sidii uu usoo magacaabi lahaa Raysal Wasaare cusub. Warar ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in Kulamada uu Madaxweynuhu la yeelanayo Xildhibaanada ay yihiin kuwo intooda badan talo iyo wada tashiyo ah oo ku aadan cida uu u magacaabi lahaa Raysal Wasaarenimada. Madaxweynaha ayaa la sheegay in xubno badan oo Beesha ****** ka tirsan ay u gudbisteen codsiyo ah inuu u magacaabo Raysal Wasaare si ay u buuxiyaan Booska Cali Geeddi. Warar hoose oo aynu heleyno ayaa sheegaya in Xubno ay ka mid yihiin Prof. Afrax oo ah Wasiirka Ganacsiga iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Gacma Dheere ay u gudbisteen qoraal ah in ay jagada Raysal Wasaarenimo loo magacaabo. Madaxweynaha ayaanu jirin ilaa iyo hada cid gaar ah oo uu wato, waxaase la isla dhex marayaa inuu wado qorshe ah in Raysal Wasaaraha banaan ka soo magacaabo, waxaana isa soo taraya xubnaha loo magacaabayo oo dadka qaarkii ay sheegayaan in ay noqon karaan midkood Cali Mahdi iyo Nin aqoonyahan ah oo lagu magacaabo C/llaahi Warsame loo magacaabayo xilkaas Widhwidh Online News Desk...Media Center
  4. lool, he is one of the most hated men in the ecessionist view of history, even a secessionist on SOL once called him a terrorist who the Bitish bombed. thus spare us the fakery.
  5. we dont have his views on the tigray or the USA for that matter. I Know for a fact that Ethiopia of oday is not one dominated by the AMHAR. Today its top dog was a former REFUGEE who was handledby he NSS.
  6. C/lahi oo bilabey la tashiyo 30 Oct 30, 2007 - 1:54:57 AM Wararka ka imanaaya Baydhabo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Cabdulahi Yusuf bilaabey la tashiyada xildhibaanada ka soo jeeda beelaha ****** kuwaas oo la filayo in uu ka yimaado Ra'isal Wasaaraha cusub. DFKMG ah ayaa ku dhisan qaab qaybsi qabiil oo loogu magacaabo 4.5. Dhinaca kale waxaa jira warar soo baxaya oo xusaya in Madaxweyne Cabdulahi xaawilayo in xildhibaanada DF horgeeyo qodobka ah in mas'uuliyiinta dowlada laga keeni karo Barlamanka gudahiisa iyo dibadiisa. Qodobkaan ayaa sidoo kale waxaa aad u daneynaya wadamada tageera DFKMG ah kuwaas oo ay ugu horeyso dowlada Mareykanka oo la rumeysan yahay in ay lug ku laheyd istiqaalada Geedi shaley dhiibey. Ra'isal Wasaaraha cusub ayaan la gareyneyn meesha uu ka imaan doono iyada oo warar aan la xaqiijin sheegayaan in uu ka imaan doono banaanka Barlamanka. Dowlada Mareykanka ayaa xaawileysa in Rai'sal Wasaaraha cusub ka yimaada mucaradka dowlada kuwooda qunyar socodka ah. Dhinaca kale ku-xigeenkii Ra'isal Wasaare Geedi Saalim Aliyow Ibrow ayaa loo magacaabey ku-simaha Wasiirka Kowaad kadib markii Cali Maxamad Geedi Istiqaalad u dhiibey Madaxweynaah DFKMG maalntii shaley. Ibrow oo siyaasad ahaan u dhowaa Ra'isal Cali Maxamad ayaa xariga ka furtey isbaheysigiisa intii uu ku maqnaa wadanka Ethiopia [safarkiisii hore] ayaa sii hayn doona xilka inta laga soo magacaabayo Ra'isal Wasaare cusub taas oo noqon doonta muddo 45 cisho ah. Garowe Online,Garowe
  7. Is-casilaaddii Ra’iisal Wasaare Geeddi kadib maxaa ka socda Magaalada Baydhabo? Talaado, October 30, 2007(HOL): Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka socda dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo baaxad leh kadib markii uu shalay is-casilay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Cali Maxamed Geeddi. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo muddo 30 maalmood ah u heysto in uu ku soo magacaabo Ra’iisal Wasaare cusub ayaa wuxuu bilaabay la-tashiyo uu la sameynayo Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo uu maalintii shalay ahayd ku wargeliyay in ciddii talo ku biirineysa uu soo dhaweynayo. Wararka aanu ka heleyno Magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in Madaxweynaha uu Prof. Saalim Caliyow Ibrow uu si KMG ah ugu magacaabay Xilka Ra’iisal Wasaarenimo ee Soomaaliya tan iyo inta uu ka soo magacaabayo Ra’iisal Wasaare cusub. Warar kale oo aan ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo ayaa waxay sheegayaan in Madaxweynaha uu doonayo in Ra’iisal Wasaaraha uu soo magacaabayo uu ka keeni doono Baarlamaanka Soomaaliya dibaddiisa waase marka ay Xildhibaannada Baarlamaanka sharci ka dhigaan go’aan ka soo baxay Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee dhawaan Muqdisho lagu soo gebagebeeyay, kaasi oo ahaa in Xubnaha Xukumadda laga keeno Baarlamaanka dibaddiisa, si ay Dowladda ugu soo biiraan Aqoonyahanno wax ka qaban kara xaaladda uu dalka ku sugan yahay. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo shalay la hadlayay Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Baarlamaanka laga doonayo in uu meel-mariyo Qodobo ka soo baxay Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, qodobadaas oo uu sheegay in ay saxiixeen Isaga, Prof. Geeddi, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Duubabka Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed. Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Baarlamaanka Soomaaliya la hor-geeyo Qodobadaas oo uu ugu xasaasisan yahay qodobka ah in Xubnaha ka mid noqonaya Xukuumadda Federaalka laga keeni karo Baarlamaanka dibaddiisa, inkastoo xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay horay u sheegeen in Shirkii Dib u heshiisiinta uu ahaa mid lagu heshiisiinayay Beelaha Soomaaliyeed, isla markaana uusan ahayn mid siyaasadeed oo ay ka soo bixi kareen qodobo wax looga bedelayo Axdiga u degsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya oo ah meesha ugu nabad-gelyada xun Soomaaliya ayaa waxaa si weyn looga hadal-hayaa cidda uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf soo magacaabayo ee uu ku bedelayo Ra’iisal Wasaarihii is-casilay Prof. Cali Maxamed Geeddi, iyadoo sababta ugu weyn ee ay u daneynayaan arrintaasna ay tahay bal in is-bedelka ku yimid Dowladda Federaalka uu keenayo wax xal u noqda Mushkiladda nabadgelyo la’aaneed ee ka taagan Caasimadda Soomaaliya. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  8. Baydhabo: Madaxweynaha dowladda KMG oo bilaabay la tashiyo ku aadan magacaabista mas'uulkii badali lahaa Geeddi 30. Oktober 2007 Baydhabo(AllPuntland)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa bilaabay inuu la tashiyo la sameeyo xubnaha Baarlamaanka iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed isagoo kala tashanaya magacaabista Wasiirka koowaad maadaama uu xilka ka tegay Cali Maxamed Geeddi Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya. Kulamo kala gooni gooni ah oo Madaxweynaha uu la leeyahay xubnaha Baarlamaanka iyo waxgarad kale ayuu kala hadlayaa mas'uulkii badali qaban lahaa booska uu baneeyay Cali Maxamed Geeddi, waxaana uu maanta Madaxweynaha uu la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe. Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa shalay ka codsaday Baarlamaanka in la tixgeliyo heshiiskii magaalada Riyaad ay ku saxiixeen madaxda dalka, waxaana qodobadaasi ka mid ahaa kuwii ka soo baxay shirweynihii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay Muqdishooo dhigayey in Wasiirada laga soo dooran karo Baarlamaanka bannaankiisa. Xiligan waxaa ayaa waxaa Ra'iisul Wasaare KMG ah Saalim Caliyow Ibrow oo horay u ahaa ku xigeenka koowaad ee Ra'iisul Wasaaraha. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  9. Baydhabo: Golaha Baarlamaanka oo maanta la horgeynayo qodobadii ka soo baxay shirkii dib u 31. Oktober 2007 Baydhabo(AllPuntland)- Waxaa maanta la filayaa in xubnaha Baarlamaanka ay kulan ku yeeshaan xarunta ADC ee magaalada Baydhabo iyadoo kulankaasina looga doodi doono meel marinta qodobadii ka soo baxay shirkii dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Xubnaha Baarlamaanka ayaa la filayaa in loo qeybiyo Documentiyo ay ku qoran yihiin qodobada ugu muhiimsan ee laga soo saaray shirkii dib u heshiisiinta beelaha, waxaana qodobadaasi ka mid ah in xubin ka baxsan dowladda lagu soo dari karo Dowladda gaar ahaan wasiirada. Xildhibaanada dowladda KMG ayaa la ogeyn go'aankan qaabka ay u meel marin doonaan hase ahaatee waxaa jira in qorshahan uu yahay mid culus oo laga soo shaqeeyay kaasoo la filayo in la meel mariyo. Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa dadaal ugu jira sidii loo meel marin lahaa qodobadii ka soo baxay shirkii dib u heshiisiinta, isagoo ka dhawaajiyay maalinadii Isniinta oo Baarlamaanka hortiisa uu ku aqbalay istiqaaladii uu soo gudbiyay Ra'iisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geeddi in Baarlamaanka laga doonayo in uu ku dhaqaaqo balanqaadkii iyo heshiisyadii ay galeen Madaxda dowladda lagana doonayo in ay meel mariyaan qodobka ugu muhiimsan ee ah in xubin ka baxsan dowladda lagu soo dari karo Dowladda. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  10. sayid fought his main battles againt the briish and their serves in hargaysa. thus whilehe detested the amxaar [who are no longer in power], he fought the fathers of ina warrabe and co who stil long for th old colony
  11. War deg deg ah Geeddi oo Kenya u duulay magangalya siyaasadeena ka helay wadanak Mareyknka Baydhaba Wasiiki koowaad ee hore Cali maxamed Geeddi ayaa u duulay wadanka Kenya uguna sii duuli doono wadanak Mareykanka halkaas laga siiyey magangalyo siyasadeed isaga iyo 22qof oo isugu jira faamilkiisa iyo asxaabta ugu dhow dhow ee la shaqeyn jirtay Waxaase hada muuqata in madaxweyne yuusuf uu heysto taageerada beesha caalamka taana u suura galisay in si fudud uga taqluso wasiirkiisii koowaad infamous dayniile.com
  12. He was in the military for many years before rising to this position just like the Pervez Musharraf of Pakistan. " a crafty political tactician," writes Dr. Micheal. "Yusuf was a great tactician," writes another, Martin Andrew. But I personally consider him to be both military tactician and politician.
  13. Abdillaahi Yuusuf, is a true hero politician man. He is a decisive,charismatic Leader. He is a militery man,politician, and very wise as well.
  14. ^^^Politics adeer is never plain sailing, and this episode was blown out of proportion by the world and local media. The "opposition groups" made sure to make this little issue into a battle of life and death. It was not and hence "what a difference a day makes, 24 little hours" I think thats a song. As for the next issue, it will be that of security and delivering services, that will either make or break the Yey presidency. However my bet is on the old man, he has proven to be the most skilled politician in ages.
  15. Camir you are correct brother. These groups only wanted a prol3onged fight and the defeat of the whole TFG project. Why we are happy is the way things tunred out, a smooth change with no real crisis. The defeated warlord MP's, the exiled clowns in Asmara are all looking ever weaker, ever more isolated and the TFG is moving ahaed.
  16. He was long time friend and cloose ally of Geedi.
  17. Remmeber all those "experts" predictions, Yusuf is loosing power they said. WSo much for the experts huh...