
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
The battle Has started Inside Laaska Shacabka Vs Riyaale's militia
General Duke replied to Garyaqaan2's topic in Politics
maanta oo loo dhigay casharkii ugu horeeyey oo ka dhaca gudaha magaalada Laascaanood ayadoo aay baaryaahaan danbe aay ka socotay xisado dagaaleed ayaa huwantii sida ayagoo madax ka ah lascaanod isku dayey inaay usoo galaan gudaha . ayagoo rabay inay sameyaan nadaafadda taayaradii lagu bayey iyo wadooyinka dhagaxyaddi lagu xidhay hadaaba tacadidka ay ku hayaan iyo gardaradda huwanta ayaa waxa dhacday inay guutaddii kowwad halkasi si arxan la,aan ah uga ersadeen ayagoo maanta ku baxsaday cagahoodda ayagoo arga gaxsan . marnaba ayasan filaneynin in sidaan looga soo hor jeedo magalaada laascanoodna ay wali soo gali la yihiin ayagoo raba inaay sameyaan isku *** shacabka.isuna adegsanayo markaay wax u bahdaan cabsi darteedna aysan wasiirkoodda iyo madaxdooda toona aysan soo dhex mari karin , magalaada ayaa waxa ka muuqato sida warka inagu soo garaayo wairyaha jooga garoowe inoo sheegay inaay maanta laga wado dhan walbo abaabul si la isaga soo saaro cadowga kusoo dulay inta aay meel heystaanba oo u badan meelaha kontorolka ah kaliya aaysan gacanta ku dhigin magaladda inta joogtana wanu sifeyn donaa mar uu ka hadlaayey madaxa cidanmdada puntland oo gaaray jiidda hore ee las canood . cabdi wali cali --garoowe -
The battle Has started Inside Laaska Shacabka Vs Riyaale's militia
General Duke replied to Garyaqaan2's topic in Politics
maanta oo loo dhigay casharkii ugu horeeyey oo ka dhaca gudaha magaalada Laascaanood ayadoo aay baaryaahaan danbe aay ka socotay xisado dagaaleed ayaa huwantii sida ayagoo madax ka ah lascaanod isku dayey inaay usoo galaan gudaha . ayagoo rabay inay sameyaan nadaafadda taayaradii lagu bayey iyo wadooyinka dhagaxyaddi lagu xidhay hadaaba tacadidka ay ku hayaan iyo gardaradda huwanta ayaa waxa dhacday inay guutaddii kowwad halkasi si arxan la,aan ah uga ersadeen ayagoo maanta ku baxsaday cagahoodda ayagoo arga gaxsan . marnaba ayasan filaneynin in sidaan looga soo hor jeedo magalaada laascanoodna ay wali soo gali la yihiin ayagoo raba inaay sameyaan isku *** shacabka.isuna adegsanayo markaay wax u bahdaan cabsi darteedna aysan wasiirkoodda iyo madaxdooda toona aysan soo dhex mari karin , magalaada ayaa waxa ka muuqato sida warka inagu soo garaayo wairyaha jooga garoowe inoo sheegay inaay maanta laga wado dhan walbo abaabul si la isaga soo saaro cadowga kusoo dulay inta aay meel heystaanba oo u badan meelaha kontorolka ah kaliya aaysan gacanta ku dhigin magaladda inta joogtana wanu sifeyn donaa mar uu ka hadlaayey madaxa cidanmdada puntland oo gaaray jiidda hore ee las canood . cabdi wali cali --garoowe -
President Yusuf a strategist par excellence
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
loool.wonderful stuff adeer, I am a Somali national and thus i have a duty to respect symbols one of which is ina YEY. -
President Yusuf a strategist par excellence
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Red Sea, Yusuf is a career military officer, who fought nd led armies againt Ethiopia in both 1964-1978. Today he is building an army from scratch. Thus dont rush anything, we are moving forward. -
President Yusuf a strategist par excellence
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
loool. As long as you recognie your president yusuf there i some hope for you yet, in fact i am hopefull today since your admissins. -
audio Madaxweyne C/laahi Yuusuf Sidee buu u wajihi doona Siyaasada Cusub ee Somalia?!.Xil ka qaadistii Ray’isal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed oo beesha caalamku ku tilmaamtay fursad wax looga bedeli karayo xaalada siyaasadeed ee Dalka Somalia side buu u wajihi doonaa Madaxweyne Yusuf.Wed-31-Oct-2007
-
Topnews today:- Madaxda u sharaxan xilka Ra’isulwasaarenimada iyo kaalimahooda wareega 1-aad Baydhabo 31/10/2007 Octaber Waagacusub.com . Proffeser Ismaaciil Maxamud Hurre buubaa ayaa noqday siyaasigga ugu hadal heynta iyo taageerada badan ee la sheegayo in loo magacaabayo xilka Ra’isulwasaarenimadda Xukumadda Federalka,waxaana qorshahiisa taageeraya Xildhibaano badan oo Madaxweynaha u gudbiyay talooyin ay ku bixinayaan inaan Ra’isulwasaarenimada laga dhigin mid ay xaq u leedahay beel gaara balse loo dhiibo mas’uuliyiinta u qalma sida Ismaaciil Buubaa oo mudo dalka Soomaaliya ka soo qabtay xilalka arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga. Qaar ka tirsan culumadda ahlusunna Wal Jameeca ayaa Madaxweyne Yusuf kula taliyay inuu Ra’isulwasaarre u magacaabo Ismaaciil buubaa hadii uu doonayo inay Xukumadda federalka najaxdo oo mira dhasho. Mashaa’iiqda Ahlu sunnah oo aan ka gaabsanay inaan magacooda xusno waxay Madaxweynaha ugu baaqeen inuu ka fogaado shaqsiyaadka aan abshirta u ahayn,diinta,dalka iyo Dadka Soomaaliyeed. Madaxda u sharaxan xilka Ra’isulwasaarrenimada oo sii kordhaya aya ku kala jira kaalima 1-aad ilaa 8-aad waxayna kala yihiin asaxaabtaan. 1-Proff Ismaaciil Maxamud Hurre buubaa,2- Proff Cali Jimcaale,3 Proff Cabdulahi Afrax,4-Dr Maxamed Cali Xersi ,5-Maxamed Maxamud Guuleed Gacmodheere,6-Cabdi Raxmaan Waare,7-Axmed Cabdi Sallaan, 8-Col Cabdulahi Warsame Nur. Proff Cali Jimcaale oo wax ka dhiga Jaamacad ku taal New york ayey ila wareedyadda Waagacusub saadaalinayaan inuu yahay ninka labaad ee loo saadaalin karo Ra’isulwasarenimadda Soomaaliya hasse yeeshee waxaa qiyaastaas mid qabaar mooga ku tilmaamay diblomaasiyiin badan,waxayna ka dhawaajiyeen inaan xiligaan Soomaaliya looga baahneyn nin cusub oo aan waxba kala socon baahiyadda jira. Proff Jimcaale oo ay Ra’isulwasaarenimadiisa ku xiran tahay inuu Cali Geeddi kursiga u baneeyo ama baarlamaanka ansixiyo qodobka in dibada laga qaadan karo golaha Xukumadda ayaa u muuqdo daruur aan roob wadan oo mar dhaafa.maxaa yeelay hadii Cabdulahi Yusuf doonayo inuu Ra’isulwasaaraha ka magacaabi dibadda waxaa looga baahan yahay codka kalsoonida ee 189 Xildhibaan. Inkastoo Proff Cabdulahi Afrax la geliyay kaalinta sedexaad hadana waxaa kaga dhaw baa la leeyahay Maxamed Cali Xersi oo ku fadhiya kursi aan sharciyadiisaba la ogayn balse Sheekh Aadan Madoobe sheegay in Xuseen Caydiid Xildhibaanimadiisii loo magacaabay Mudane Xersi Maxamed Maxamud Guuleed Gacmodheere ayaa leh,kursiga uu baneeyay Geeddi,cidi igama xigto igamana mudno,laakiin jawaabtiisa ayaa iska noqon kareyso timirtii horeba deb u waysay oo u micnaa,Wasiirul daakhiligaa tijaabo kuugu filan. Cabdi Raxmaan Waarre oo dhalasho ahaan ka soo jeeda gobolka Hiiraan ,waxaa uu noqon karaa macquul laakiin isagana xisaabo ku aruuray ayaa seejin karo inuu laaco cadkii uu ka cararay Geeddi. Col Cabdulahi Warsame oo ay heyb hoose wadaagaan Xaaji Muusse Suudi Yalaxow,warkiisa wuxuu ka dhamaan la yahay khilaaf,qaarbaa leh waa iska diiday xilkaas kuwa kalana waxay leeyihiin,wuxuu ku fool yahay Muqdisho. Proff Cali Jimcaale ama Proff Buubaa ayey ku badan tahay fara fiiq fiiqa laakiin waxaa wada saaran calaamatu su-aal ku saleysan sida ay ku hanan karaan hogaanka sare ee Ra’isulwasaarrenimadda iyo halka ay geyn karaan gelbiska.
-
Iyadoo ay arrintan jirto, inta ay socotey in Geddi is casili doono ama baarlamaanka codka kalsoonida weydiisandoono,ayaa waxaa shir ay isugu yimaadeen odayaasha beesha hintiro,oo ka digey haddii uu magacaabo Cali Mahdi aysan wax taageero ah siin doonin,iyagoo taa sabab uga dhigey in Cali Mahdi uu ahaa Aabihii kalatagga beelweynta ******,haddana ay ku tilmaamey nin hub isugu dhiibey dhalinyaradda beelaha ,iyagoo warsaxaafadeed ay soo saareen odayaasha beesha ay kaga digeen xildhibaanada beesha in aysan sinaba u baneyn booskooda xildhibaannimo cid aysan ayaga ka warheyn ama la soo marsiin.ragga sida aadka ah ugu ololeynaya ayaa waxa ay sheegeen in arrinta cidda loo dhiibi lahaa xilka ra'isalwasaarenimo in si aad ah looga fiirsado.iyadoo arrintan dadka si aadka ah ugu ololeynaya ayaa ah Muddane C/laahi Sh Xasan.
-
Dowladda Mareykanka oo ugu baaqday DKMG in wada hadalo ay ka gasho kooxaha ka dagaalamaya Muqdisho Mogadishu 31, Oct. 07 ( Sh.M.Network)- Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday dowladda KMG ah ee Somalia in ay wada hadalo la gasho kooxaha ka dagaalamaya magaalada Muqdisho ka hor inta aan lagu dhawaaqin Ra'isulwasaaraha cusub ee badalaya Ra'isulwasaarihii xilka iska casilay ee Cali Max'ed Geedi. Sean Macckomack, Afhayeenka waaxda arimaha ee Mareykanka Mareykanka waxa uu ugu baaqay dowladda KMG ah ee Somalia in ay ka faa'iideysato fursadda is casilaada ra'isulwasaarihii hore ee Somalia Cali max'ed Geedi isla markaana ay furto albaabka wada hadalka ay la yeelaneyso kooxaha mucaaradka ah ee ka soo horjeeda dowladda KMG ah gaar ahaan kuwa ka dagaalamaya ee ku sugan magaalada Muqdisho. Afhayeenka wasaaradda arimaha dibadda Mareykanka Sean Macckomack oo war saxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in ay ugu baaqayaan dowladda KMG ah in ay ka faa'iideysato fursaddaan isla markaana ay wada xaajood la gasho dhinacyada la dagaalamaya dowladda gaar ahaan kuwa ku sugan magaalada Muqdisho si loo helo jawi munaasab ah oo dib loogu soo magacaab karo Ra'isulwasaare cusub oo suurto gal ay tahay in kooxaha mucaaradka ah ay ku qancaan in ay xilka ra'isulwasaarenimo ee wadanka ay iyagu qabtaan. Waxa uu intaasi ku daray baaq uu u jeediyay guud ahaan kooxaha ka soo horjeeda dowladda KMG ah ee Somalia iyo waliba dhinacyada siyaasadda ee ka jira dalka in ay sii labo laabaan dadaaladooda ku aadan in ay dhaqaajiyaan wada hadal dhinaca siyaasadda ah isla markaana aaneey kabixin axdiga qaranka KMG ah. Waxa uu sheegay Afhayeenka in wada hadal miro dhal leh iyo dib u heshiisiin ay aas aas u tahay in la damaanad qaado doorashooyin xor ah oo cadaalad ku saleysan oo sanadka 2009 ka ka dhaca dalka Somalia iyo waliba in dhidibada loo taago xasilooni iyo amaan lagu soo dabaalo dalka Somalia. Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay si aad ah ugu hanweyn tahay in booska Ra'isulwasaaraha uu ka baxay uu soo galo Ra'isulwasaare ay soo sharaxdaan kooxaha ku kacsan dowladda ee ka soo horjeeda dowladda, waxaana Baaqaan uu si toos ah ugu wajahan yahay Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Somalia C/laahi Yuusuf Axmed oo Mareykanka uu ku war galinayo in aanu la soo dag dagin magacaabista Ra'isulwasaare cusub ka hor inta aan wada hadalo la galin mucaaradka dowladdiisa ku kacsan gaar ahaan kuwa ka dagaalamaya magaalada Muqdisho. Click here to find shabelle news in English
-
juje, you seem to be unable o comprehend, as is usual for you, you present nohing but hearsay and tales told t you by old ladies. If Geedi was appointed y Ethiopians why if they are all powerful not keep him there. Why did he go fter flling out ith YEY. thus ou highight hat YEY stood up to the Etiopians and they ld Geedi to go. Hence Yey is independent of he Ethiopians. As for our heroes they have become mice in the era of Yey, hence your anger and envy. PS; All Somalis are my people.
-
President Yusuf a strategist par excellence
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Adeer that was one confused response. Yusuf today is at the helm, what can you do about that. Nothing. -
President Yusuf a strategist par excellence
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
lool. Adeer its good you admi tat your 'ation'is notreal. However we support Yusuf like the French supported De Gaulle. He is the leader for thee difficult times. -
Much better adeer, its seems you are normal[if that word eve applies] now. LA's loss of coure hurts me deeply, so does all te traumas that impacts my fellow Somali's every where. As for YUSUF there was never doubt he would again defeat the silly warlords you hero worshiped, 'where is Musa, re is ATO, QANYRE' vintage Yey. If you attribute his sucess o Adis, the sky or heaven t matters nt. The method here boy is toget to the desired destination, aunite peaceful Somalia. Stick to politics and dont let the JIN out again...
-
President Yusuf a strategist par excellence
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
lool. Yusuf is as we speak controls all of Somalia including MOGADIHU, BAIDOA and the rest is a matter of buildnghe national security apparatus. as for he 'occupation' you would not give him credi anyhow. -
LOOL, with regards to the jinni that speaks through you at times of insecurity. Hope its gone away or now .
-
Kulan Buhoodle uga furmey caaqilada PL 31 Oct 31, 2007 - 9:33:43 AM Cuqaal tiradoodu ay gaarayso ku dhawaad 50 oo ka kala tagay degmooyinka Laascaanood iyo Garoowe, ayaa gaaray Buuhoodle ee Gobolka Cayn; halkaas oo ay doonayaan inay ka furaan wadahadallo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadaha degmada Laascaanood ka taagan. Cuqaasha ka tagtay magaalo madaxda Puntland ee Garoowe oo uu hoggaaminayo Garaad Saleebaan ayaa waxay gaareen degmada Buuhoodle iyadoo halkaas ay ku soo dhaweeyeen xubno ka tagay degmada Laascnood oo uu hogaminayay Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac. Garaadadaan isugu tagay degmada Buuhoodle ee Gobolka Cayn ayaa kulankooda ay ku yeelanayaan halkaas wuxuu salka ku hayaa sidii xiisadaha u dhexeeya beelaha gobolka Sool loo xalin lahaa kuwaas oo kala tagersan mamulada PL iyo Somaliland. Magaalada Laascaano ayaan waxa gacanta ku hayn labada maamul ee Puntland iyo Somaliland balse ay ku suganyihiin maleeshiyo beeldyo kala tagersan labada maamul. Garowe Online, Garowe
-
Having won the first round of its struggle to "close" its original post-independence borders, Somaliland faces more rounds to come. It is possible that Garowe will be able to marshal sufficient ***** sentiment to mount a counter-offensive, which, if successful, would place Hargeisa in a much weaker position than before its intervention. Any hopes for international recognition would fade, Hargeisa would be thrown into even greater dependency on a fickle Addis Ababa, and Somaliland's political class might suffer a crisis of confidence They are being sucked into the great game.
-
President Yusuf a strategist par excellence
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
loool. Tht was really funny. nice one. -
Juje, have you calmed down yet. Xoogsade, dont tryand monopolise Allah, he is the all knoing [sWT]. As for this war who started it, who started the bombing campin, who started the ethnic cleansing in Mogaishu 17 years back. Who usd the religion n vain. Adeer you re as uual or your failed, miable and defeated grouphiding behnd a cloak of fake emotion and clan rants. Thus kidly spare us the Xasan Dahir lectures its as fae as his Asmara inspired JIHAD.
-
The battle Has started Inside Laaska Shacabka Vs Riyaale's militia
General Duke replied to Garyaqaan2's topic in Politics
Shacabka Sool oo dar dar geliyay kacdoonka ka dhanka ah maamulka Hargeysa Last Updated::2007-10-31 18:02:48 Laascaanood(HRNet):-Wararka ka imanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa ku warramaya in shacabka magaalada Laascaanood ay sii xoojiyeen kacdoonkoodi ay ku diidanayeen maleeshiyada taageersan maamulka la baxay Somaliland ee gacanta ku haysa magaalada. Waxaa hirtii waaberi ee saaka samada magaalada isku xiray qiiq iyo holoca taayirada dabka lagu qabad siiyay bar tamaha magaalada iyada oo ay taas bar bar socdaan dhagaxaanta iyo baaburta iskaraabka ah ee lagu gooyay wadada, iyada oo ay shacabku magaalada ay il dheer u leeyihiin xubnaha ka tirsan maamulka Hargeysa ee isku dayaya in ay magaalada soo galaan. Waxa wararku intaa ku darayaan in xubnaha ka tirsan maamulka Hargeysa iyo shacabku ay magaalada kaga kala sugan yihiin laba dhinac iyada oo shacabku ay ku adkaysanayaan in aysan wax hadal ah ama wada shaqaynba la yeelanay xubnaha hormoodka ah duulanka laga soo abaabulay magaalada Hargeysa. Waxana xiran meheradahii ganacsi iyada oo ay magaalada ka guureen ganacsatada intoodi badnayd Waxana warar hoose ay sheegayaan in maamulka Hargeysa uu isla meel dhigay inaan wax talaabo ah shacabka laga qaadin ilaa iyo inta ay ciidamada Puntland ku kala bixi doonan dagaalka la filayo inuu ka dhex qarxo labada dhinac. C/hi Caaqil caaqil444@hotmail.com -
Xoogsade, your arguments are so yesterday, we are mving forward to the restoration of the stae, 1. Bombs, threats and clan mad rants will not stop the TF. 2. Wishfull thinking and hearsay, will hae no effect. I dare say the nation is reborn...
-
There will alway be as you put it iffy or dodgy individuals and groups inside as well as outside.however the system as a whole will eat them up.
-
Baydhabo: Parliment meeting to bring into law NRC recommendations
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Mudanayaasha baarlamakna oo maanta kulamadoodii caadiga ahaa bilaabaya. Mudanayaasha baarlamaanka dowladda feeralka Soomaaliya ayaa maanta dib usii ambaqadaya kulamadoodii caadiga ahaa, kadib muddo ku dhow laba todobaad oo ay hakad ku jireen,waxaana kulanka maanta looga doodayaa dhowr qodob oo xasasi ah. Mudanayaasha baarlamaanka dowladda feeralka Soomaaliya ayaa maanta dib usii ambaqadaya kulamadoodii caadiga ahaa, kadib muddo ku dhow laba todobaad oo ay hakad ku jireen,waxaana kulanka maanta looga doodayaa dhowr qodob oo xasasi ah. Warar ku dhow dhow xafiiska xogheynta baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegaya in kulanka maanta looga hadli doono halka uu ka imaanayo ra’isulwsaaraha xiga ee lasoo magacaabi doono oo la isla eegayo in ay tahay in laga dhex magacaabo baarlamaanka ama dibada laga keeno. Iyadoo horay baarlamaanka Soomaaliya intii uu dibad joogga ahaa uu ansixiyay in gudaha barlamaanka oo keliya laga magacaabikaro wasiirrada iyo wasiirka 1-aad ayaa hadana waxaa socda qorsheyaal ku aadan in la meelmariyo dibada iyo gudahaba in laga magacabi karo. Waxaa kaloo xafiiska xogheynta baarlamaanka aanu ka ogaanay in mudanayaasha loo qeybin doono nuqullo ku saabsan heshiiskii ay odayaasha Soomaalidu ku saxiixeen kulan weynihii dib u heshiisinta qaran ee Soomaaliya,si ay ugasoo baaran dagaamn kaddibna u ansixiyaan. Kulanka baarlamaanka ee maanta ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee mudanayaashu ay yeeshaan tan iyo intii uu si casilay ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Dr Cali maxamed Geeddi. Xafiiska war qabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com