General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Muqdisho: Bannaanbax ballaaran oo maanta ka dhacay garoonka Banaadir Stadium 15. November 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Bannaanbax kii ugu ballaarnaa oo mudooyinkan danbe ka dhaca Muqdisho oo uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta dadweynaha ku dhaqan 16-ka degmo ee gobolka Banaadir ay ka soo qeybgaleen kuwaasoo buux dhaafiyay garoonka Banaadir. Bannaanbaxaasi ayaa waxaa ka soo qeybgalay Saraakiisha sare ee ciidamada Nabadgelyada dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, Safiirada Itoobiya iyo Yeman, maamulka Gobolka Banaadir iyo ciidamada Baambeyda muusikada iyo qeybaha hidaha iyo dhaqanka. Dibadbaxan oo lagu taageerayey isbadalka nabadeed ee maalmahan ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadaha Hodan iyo Howl-Wadaag, Suuqa Bakaaraha iyo xaafadaha Galbeed ka xiga wadada Warshadaha ayaa waxaa ka hadlay Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir Gen. Yuusuf Dhuumaal kaasoo sheegay in maanta astaanta nabadgelyo ee ka muuqata Muqdisho ay markaati u tahay inta ka soo qeybgashay bannaanbaxa isagoo kooxaha ka horjeeda dowladda ugu baaqay in ay wada hadal wax ku raadiyaan ayna ogaadaan in aaney xabad wax ku noqon karin amaba Sheekh, Fannaan, Sarkaal, Arday, Haween, Oday Dhaqameed iyo maati la dilo aan wax lagu noqon karin. Taliyaha ciidanka Nabadsugida Soomaaliyeed ahna Taliyaha Guddiga amniga Qaranka Soomaaliyeed Gen. Maxamed Warsame Faarax "Darwiish" ayaa sheegay in howlgalada lagu sugayo amaanka ay yihiin kuwo sii socon doona oo ku ekaan doonin meelaha hadeer nabada ah oo uu sheegay in 90% ay maanta Muqdisho tahay nabad. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Md. Maxamed Cumar Xabeeb "M.Dheere" oo bannaanbaxaasi ka hadlayey ayaa sheegay in uu u mahad noqoyo dhamaaba inta ka qeyb qaadatay nabadda ka jirta Muqdisho gaar ahaan ciidamada aan saaxiibada nahay ee Itoobiya ayna mudan yihiin tixgelin gaar ah. "Tixgelin kaliya maahinee waxaan dhigi doonaa koob lagu sharfayo dowladda Itoobiya oo ay ku tartamayaan 16-ka degmo kaasaana guddoonsiin doonaa, maxaa yeelay waa dad naf iyo maal moo huray oo gacan naga siiyay nabadeynta dalkeena" ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Dheere oo shacbiga Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Gobolka Banaadir ugu baaqay iney taageeraan ciidamada nabadgelyada ka shaqeynaya inta meesha laga saarayo kooxaha nabad diidka ah. Gabagabadii dibad baxaasi maanta ka dhacay garoonka K/Cagta Banaadir ayaa waxaa lagu soo bandhigay heeso, gabayo, shiribyo iyo suugaan ay soo gudbinayeen qeybaha fanka Soomaaliyeed iyadoo inta khudbooyinka ay socdeena ay dad weynaha muusik qiiro leh oo soo jiitay u garaacayeen ciidamada Baambeyda muusikada Boolika. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  2. At last the people of the capital have gained the confidance to rise above the fear of the looter, warlord and clan courts. They came out in their thousands. This thread is another example of truth overcoming falsehood. If the government and allies hate the people and want to kill them, why are there no "executions and genocide" today? The warlords, looters inc The truth is that those who want anarchy cause strife, kill and hide behind the skirts of the women. They are the first to make threats, act brave and go on attacks. They are the firts to run and then demonstrate.
  3. The UAE has lifted the live stock ban, good things are coming.
  4. Adeer what is in a prediction? There is more stability, order and governnace than at anytime these past 17 years. Somalia has come of age, the loosing side is running around headless. May it long continue.
  5. ^^^Adeer there are many reasons why the AU troops have yet to arrive and its not fear. The peace they will contain is being created. As for thr AU their vanguard arrived months ago, in the form of the Ethiopian and Ugandan forces. Burundi and Nigeria are on their way, do you dispute it or are you like dayniile.com living in fantasy.
  6. Madaxweynaha DFKMGS oo markii ugu horreysa ka qeyb-geli doona Shirweyne Caalami ah oo lagu kala qabanayo dalalka Uganda iyo Portugal Muqdisho Arbaco , November 14 2007 SMC Madaxweynaha DFKMGS, Md. C/llaahi Yuusuf Axmed, ayaa lagu wadaa inuu Toddobaadka soo socdo socdaal rasmi ah ku tego Caasimadda dalka Ugandha ee Kampala, si uu dhigiisa dalkaasi, Yuweeri Museveni kala hadlo xaalladihii ugu dambeeyey ee dalka Somalia, xiriirka labada Dal iyo hawlgalladda Ciiddamadda Nabad-ilaalinta Afrikaanka “AMISOM” ka wadaan dalka Somalia. Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan magaalladda Baydhabo, ayaa Idaacadda Somaliweyn u xaqiijiyey inuu Madaxweyne Yuusuf u ambabixi doono Caasimadda dalka Ugandha ee Kampala, isla markaana uu ka qeyb geli doono Shirweynaha Hoggaamiyayaasha Dowladaha ku jira Ururka Barwaaqo-sooranka “Common-wealth” oo lagu wado inuu bishan 23-da ka furmo Caasimadda dalka Ugandha ee Kampala. Madaxweyne Yuusuf, ayaa lagu wadaa inuu kulammo la yeesho Madaxda Dowladaha kulankaasi ka soo qeyb geli doono, si uu ugu booriyo inay DFKMGS taageero ka siiyaan dhinacyadda Siyaasadda, dhaqaalaha iyo soo-celinta Nabadda dalka Somalia. Dhinaca kale, Madaxweynaha DFKMGS, Md/ C/llaahi Yuusuf Axmed, ayaa waxa u qorsheysan inuu bilowga bisha soo socoto u ambabaxo Caasimadda dalka Portugal ee Lisbon, si uu uga qeyb galo Kulan-sannadeedka Hoggaamiyayaasha Dalalka Qaaradaha Afrika iyo Europe. Mas’uul ka tirsan Madaxtooyadda Somalia, ayaa sheegay inuu Madaxweynuhu ka codsan doono Madaxda Afrikaanka iyo kuwa Europe ee ka soo qeyb geli doona Shirka ka furmi doona caasimadda dalka Portugal ee Lisbon sidii ay Taageero dhaqaale iyo mid Loojistiko oo degdeg ah u siin lahaayeen DFKMGS, si ay gacan uga geystaan soo-celinta Nabadda iyo Ammaanka ee dalka Somalia.
  7. Madaxweyne Yuusuf Oo Lagu Casuumay Shir Madaxeedka Dalalka Barwaaqa Sooranka Ee Ka Dhacaya Uganda Iyo Safar Kale Oo Ku Bixinayo... Posted to the MOL November 14, 2007, 6:23 am Madaxweynaha dowlada KMG C/laahi Yuusuf Axmed ayaan ku sii jeeda Xarunta dalka Uganda ee Kampala ka dib casuumaad uu ka helay dhigiisa Uganda Y.Museveni . Mr.Yuusuf ayaa ka qeyb galaya kulanka hogaamiyaasha dalalka ku bohoobay ururka Barwaaqa Sooranka kaasi oo todobaadka soo socda furmaya. Madaxweyne Yuusuf ayaa la sheegay in madaxda ka qeyb galaya uu ka dhaadhaacinayo in ay gacan ka geystaan dar dar gilinta dhameeystirka ciidamada Africa ee Soomaaliya loogu yaboohay. Waxa uu madaxweyne Yuusuf noqonayaa madaxweynihi ugu horeeyay ee ka qeyb gala kulanka Barwaaqa Sooranka haddii ay dhacdo . Ka dib kulankaasi ayuu Yuusuf u gudbayaa dalka Burtaqiiska halkaasi oo uu ka dhacayo shir madaxeedka Yurub iyo Africa , halkaasi oo arinta Soomaaliya si weyn loogu gorfeyn doono. Safarka madaxweynaha ayaa soo baxayaa xilli laga sugayo magacaabidda Ra`isul wasaaraha Soomaaliya xilli ay weli wada tashiyo u socdaan . Mudugonline.com
  8. Yusuf oo casumaad helay 14 Nov 14, 2007 - 7:49:39 AM Madaxweynaha Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa lagu wadaa inuu maanta u ambabaxo dalka Uganda halkasoo uu kaga qaybgalayo shirka dalalka barwaqo-sooranka caalamka oo ka dhacaya magaalada Kampala ee dalka Uganda. Afhayeen u hadlay Madaxweynaha Somali oo saxaafadda u xaqiijiyay socdaalka Madaxweyne Yuusuf uu ku tagayo dalka Uganda ayaa sheegay inuu yahay mid uu ku casumay Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni. Yuusuf, ayaa lagu wadaa inuu ka jeediyo shirka dalalka barwaaqo-sooranka dunida ee ka dhacaya Uganda qudbad uu kaga hadlayo xaaladda dalka Somalia, iyo waxqabadka dowladda Somalia intii ay ka jirtay dalka Somalia. Sida uu sheegay Afhayeenka u hadlay Madaxweyne Yuusuf, waxaa lagu wadaa in Madaxweynuhu ka codsado dalalka shirkas ka soo qaybgalaya inay gacan ka geystan sidii ciidammadii Afrikaanka ahaa la geyn lahaa Somalia gacan uga geystaan. Madaxweyne Yuusuf; ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo ka qaybgala shirka dalalka barwaaqo-sooranka, waxaana lagu wadaa inuu kaga gudbo dalka Uganda dalka Portugal oo kaga qaybgalayo shirka dalalka Afrika iyo Yurub oo halkaas ka dhacaya. Garowe Online, Muqdisho
  9. Its over for any armed group, and anyone who thinks they can go back to the days of lawlessness has another thing coming. Blame Ethiopia, cry about "fake clan justice". Demonstrate all you want. Somalia has turned the corner and it will continue. The third republic is here and we have two years to complete the foundations.
  10. After 17 years, a Somali national governemnt formed in exile has managed to relocate, survive and defeat the "powerful" warlords/clan courts/ secessionists/ and the generation who thought governments could not bite back. Lets list the names of the "kings" with feifdoms, who have now been placed in the ash heap of history... Remmeber these once powerful men, who opposed governance and who choose war over peace.. 1. Xasan Dahir Aways 2. Yusuf Siyad IndaCade 3. Hussain Aydeed 4. Sharif Xasan Shiekh Adan 5. Jama Ali Jama 6. Goobanle 7. Cirfo 8. Abdiqasin Salad Xasan 9. Bare Hiiraale 10. Musa Sudi Yalaxow 11. Qaynyare 12. Abukar Cumar Cadaan 13. Bashir Raage 14. Bootaan Cise Calin 15. Osman Xasan Ato 16. Xaaf ...........................
  11. Imaratka carabta oo daboolka ka qaaday in ay xayiraadii ka qaaday hilibkii laga keeni jiray Somaliya Last Updated::2007-11-13 22:01:53 Dubai(HRNet):-Sida ay shabakada warbaahinta Soomaliyeed ee HorseedNet ay ka soo xiganayso wakaalada wararka ee dalka Kuwait dawlada imaaraarka carabta ayaa maanta daboolka ka qaaday ina xayiraadi ka qaaday hilibkii barafaysnaa ee laga keeni jiray Somaliya muddo saddex bilood ah iyada oo lagu xidhay in soo dhoofintu ay u dhacdo shuruudo gaar ah. Warbaxin maanta ka soo baxday xafiiska wasiirka degaanka iyo biyaha ee dalka Imaratka Dr Maxamed Al-kendi ayaa lagu sheegay in go'aanka lagu qaaday xayiraadii hilibkii laga keeni jiray dalka Somaliya lagu xiray shuruudah soo socda. -In la helo shahaado caafimaad oo cadaynaysa in xoolaha ku dhaqan degaanka laga keenay ay ka caafimad qabaan xanuuka xummada Wadi Almutasadic -In xoolaha lagu hayay maxjar lagu kal soon yahay muddo 30 cisho ah ka hor inta aan la gawricin isla markana caafimadka xoolahan lagu baaray shaybaar lagu kal soon yahay Waxana isla bayaankan maanta ka soo baxay xafiirka wasiirka degaanka iyo biyaha dalka Imaratka carabta lagu sheegay in la joojiyay gebi ahaanba hilibki laga soo dhoofsan jiray bariga iyo bartamaha dalka Sudan kadib markii ururka caalamiga ah ee caafimadka xooluhu uu sheegay inuu degaanadas laga helay xanuuka xumada loo yaqaan xumada waadiga Almutasadic.
  12. Imaratka carabta oo daboolka ka qaaday in ay xayiraadii ka qaaday hilibkii laga keeni jiray Somaliya Last Updated::2007-11-13 22:01:53 Dubai(HRNet):-Sida ay shabakada warbaahinta Soomaliyeed ee HorseedNet ay ka soo xiganayso wakaalada wararka ee dalka Kuwait dawlada imaaraarka carabta ayaa maanta daboolka ka qaaday ina xayiraadi ka qaaday hilibkii barafaysnaa ee laga keeni jiray Somaliya muddo saddex bilood ah iyada oo lagu xidhay in soo dhoofintu ay u dhacdo shuruudo gaar ah. Warbaxin maanta ka soo baxday xafiiska wasiirka degaanka iyo biyaha ee dalka Imaratka Dr Maxamed Al-kendi ayaa lagu sheegay in go'aanka lagu qaaday xayiraadii hilibkii laga keeni jiray dalka Somaliya lagu xiray shuruudah soo socda. -In la helo shahaado caafimaad oo cadaynaysa in xoolaha ku dhaqan degaanka laga keenay ay ka caafimad qabaan xanuuka xummada Wadi Almutasadic -In xoolaha lagu hayay maxjar lagu kal soon yahay muddo 30 cisho ah ka hor inta aan la gawricin isla markana caafimadka xoolahan lagu baaray shaybaar lagu kal soon yahay Waxana isla bayaankan maanta ka soo baxay xafiirka wasiirka degaanka iyo biyaha dalka Imaratka carabta lagu sheegay in la joojiyay gebi ahaanba hilibki laga soo dhoofsan jiray bariga iyo bartamaha dalka Sudan kadib markii ururka caalamiga ah ee caafimadka xooluhu uu sheegay inuu degaanadas laga helay xanuuka xumada loo yaqaan xumada waadiga Almutasadic.
  13. Dalalka Somaliya iyo Kuwait oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga waxbarasho Last Updated::2007-11-14 17:59:01 Kuwait:-Sida ay shabakada warbaahinta Somaliyeed ee HorseedNet ay ka soo xiganayso wargeyska Alqabas ee ka soo baxa dalka Kuwait madaxa sare ee hay'ada guud ee waxbarashada tadbiiqiga ah(Dhaqan gelinta ah )iyo tababarka --- Dr Yacquub Alrifaaci ayaa waxaa uu shalay xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Somaliya u fadhiyo dalka Kuwait Cabdul qaadir Amiin Sheekh Abubakar Wargeysku waxaa uu sheegay in labadan masuul ay kulankoodii diirada ku saareen iskaashiga waxbarasho ee ka dhexeeya labada dal Safiirka Somaliya u fadhiya dalka Kuwiat Cabdul qaadir Amiin Sheekh Abubakar ayaa waxaa uu ka codsaday dawlada Kuwait in ay ka saacido DFKMS dadaalka ay ku doonayso in ay ku hormariso barnaamijyadeeda waxbarashada ayna ka mid yihiin tababaro u fidinta macalimiinta Somalida iyo in dawlada kuwiat ay qaabisho dalabyada deeqaha waxbarasho ee uga imanaya hay'adaha waxbarasho ee ka jira dalka Somaliya si loogu suurta galiyo ardayda Somaliyeed ee doonaya in ay waxbarashadooda ku dhamaystiran karaa kuliyadaha iyo machadyada ku yaal dalka Kuwait Dr Rifaci oo ka hadlay kulankan ayaa waxaa uu sheegay in hay'ada uu madaxda u yahay ay diyaar u tahay in ay tas-hiiladka daruuriga ah u fidin doonto ardayda Somaliyeed ee doonaysa in ay deeq waxbarasho ku yimaadan dalka Kuwiat Faysal wakaalad wakaalad@hotmail.com HorseedNet.com
  14. Frax brown you now know the intentions of the Nigerian president? Again how funny people are, Ethiopia and Uganda have troops in Somalia and they are much weaker than that Elephant Nigeria which has a record of going into African countries and helping..
  15. Nigeria: 700 u direysa Somalia 14 Nov 14, 2007 - 5:25:34 PM Dowlada Nigeria ayaa diyaarineysa in ciidan nabad ilalin ah u dirto dalka Somalia. Cutub ka kooban 700 Askari aya diyaar u ah in loo duuliyo Somalia marka madaxweynaha uu bixiyo amar, sidaas waxaa yiri sarkaal u hadley ciidanka Nigeria. Qorshahaan ayaa waxaa shaaca ka qaadey ku xigeenka xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka John Negroponte kadib markii uu ka soo noqdey safar uu ku tagay wadanka Nigeria. Afhayen u hadley ciidanka Nigeria Col. A Giwa-Amu ayaa saxaafada u sheegey in ciidanka Nigeria diyaar u yihiin in ay u ambabaxan Somalia kadib markii ay dhameystan tababar uu xusey in uu uga socda Woqooyiga wadanka Nigeria. John Negroponte oo ka hadlayey ciidamada Nigeria direyso ayaa sheegey in dowlada wadankaas kala xajoodey sidii ay ciidamo ugu diri laheyd wadanka Sudan iyo Somalia isaga oo xusey in Nigeria tahay saxiibka dowlada Mareykanka. Dhinaca kale Brundi ayaa diyaar u ah in ay ciidan u soo dirto wadanka Somalia taas oo qeyb ka ah ciidamda 8000 ah oo la filayo in Au u soo dirto wadanka dagaalada halakeeyeen. Garowe Online+Wakaaladaha
  16. Warbaahintu waa in ey ruqso haystaan Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 14-November-2007 Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (M/dheere) oo maanta shir jaraaid ku qabtay Xafiiskiisa Gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in laga bilaabo maanta ay ku amrayaan qeybaha kala gedisan ee Warbaahinta Sida Idaacadaha,Talefishinadaiyo Wargeysyada iney Qaataan Waraaqaha Ruqsadda ay ku howl galayaan si marka ay Qalad galaan loola Xisaabtamo. "Hadii 17 sano ay warbaahintu sey rabtay u shaqeyneysay oo dowlad la'aan la ahaa hada waxaa dalka ka jira sharci iyo kala danbeyn, sidaa daraateed waa iney warbaahintu goosato shati beri lagula xisaabtamo hadii ay qalad gasho" ayuu yiri Maxamed oo mudo 30 cisho gudahood ah ku amray in ay idaacadaha, telefishinada iyo wargeysyada ku qaataan waraaqaha ruqsata. Maxamed Dheere oo ka hadlayey xariga Idaacadaha Banaadir, Simba iyo Shabeelle ayaa sheegay in looga baahan yahay iney qoraal raali gelin ah ka bixiyaan oo ay qirtaan qaladka ay galeen ee keenay in albaabada la isugu dhuftay. "Dalka dowladda ka jirta loomana baahno in shacbiga la jaha wareeriyo waxaana idinka codsaneynaa inaad ka qeyb qaadatiin horumarinta dalka iyo sugida amaanka, maxaa yeelay qalabka warbaahinta waa mid labo afle ah oo xumaan iyo wanaagba loo adeegsan karo waana waajib na saaran inaan iyagana tixgelin siino oo aan xaquuqdooda dhowrno" ,ayuu yiri Maxamed Dheere oo maanta la hadlayey warfidiyeenada. Tallaabadan lagu amrayo in qeybaha warbaahintu ay qaataan waraaqaha ruqsata shaqada ayey durbaba warbaahinta qaar ku tilmaameen iney tahay mid sida ay sheegeen ah hanjabaad u muuqata isla markaana keeneysa in si toos ah loola shaqeeyo dowladda Federaalka. Cali Muxiyaddiin Cali
  17. Firxadkii Kooxihii Muqdisho oo laga aruurinayo Magaalooyinka Baladwayn iyo Jawhar iyo baadi goob loogu jiro ragii hogaaminayay. Maamulada Gobolada Banaadir, Jowhar iyo Hiiraan ayaa bilaabay hawlgalo xoogan oo lagu baadi goobayo rag siwayn loo raadinayay oo ka soo baxsaday dagaaladii ka dhacay magaalada muqdisho ee dabada loogu taagay kooxihii nabad diidka iyadoo ragaasi ay ku jiraan hogaamiyayaal siwayn loo raadinayay ahaana raga ka dambeeyay hawlaha amaan xumida ah. Kooxahan iyo ragii hogaaminayay ayaa isaga soo huleelay magaalada muqdisho kadib markii dharbaaxo aysan ka soo waaqsan karin ay ugaysteen ciidamada isbahaysiga oo ay horkacayaan Ethiopianka iyo kuwa Dawlada Somaliya iyadoo dhabarka laga jabiyay kooxahaasi iyo maleeshiyadii taageeraysay. Raga laga baadigoobayo goboladaasi ayaa waxaa ka mid ah Indhacade, Abu mansuur iyo Mukhtaar roobow iyadoo aan lahayn halka ay jaan iyo cirib dhigeen balse la filayo inay u baxsadeen dhinaca Jubooyinka walow aan wali lahayn xog sugan. AllMudug.org kala soco wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Somalidaba.
  18. FariintaWC:- Abuu Maansuur Ilaaheey kaama xigo!! Dhab ka hadalka Waagacusub.com Mukhtaar Rooboow Cali oo berya dhexe la baxay Abuu Maansuur wuxuu ahaa ku xigeenka madaxa Amaanka ee Maxaakiimta Islaamka ee Xajka Cibaadeeysi u tagay markii xulufadda Itoobiyaanka iyo dowlada federalka ee iskaashanayay ku soo fideen degaankii uu masuuliyadiisa sheeganayay sida Daynuuneey iyo Iidaale ,isagoo halgankiisii ku dhameeystay inuu Jiddeh ka habaartamo halkii la filayay inuu noloshiisa ku difaaco dalka iyo diinta uu balanqaaday inuu u dhimanayo. Rooboow wuxuu joogay dalka Sacuudigga markii Soomaaliya dirirta ugu culusi ka jirtay isagoo kadibna u gudbay dalka Ereteria markii Maxaakiimta Islaamka ay ka barakaceen inta badan ee goboladda koofurta iyo kuwa dhexe ,wuxuuna dadaal weyn u galay Mukhtaar Rooboow inuu noqdo Xoghayaha difaaca ee Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya balse xilkaasi waa loo garan waayay markii la fiiriyay waxa uu ku soo kordhin karo Halgamada hubeysan ee Islaamiga iyo wadaniga. Wuxuu caro ku tagay Dalka Qatar,wuxuuna uga sii gudbay Sacuudiga isagoo dhuumaaleeysi ugu dambeyn ku soo galay Dalka Soomaaliya,waqtigaas oo uu hore ka bilaabay nacaybshaha iyo dacaayada xulufadda Casmara ee xilka u diiday,wuxuuna ugu dambeyn rabitaankiisa shaqsiyadeed uu ku riixay inuu sheegto jago aan la isku raacsaneeyn ee Afhayeenimadda Dhaqdhaqaaqa Shabaabka Soomaaliya ama Xoogaga isbiirsaday ee dagaalada ka wada Muqdisho. '
  19. Howlgalkii ugu baaxadda weynaa oo si xowli ah uga socda deg. Hodan 'Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 11-November-2007 ' Howlgal kii ugu balaarnaa ee ebed laga fuliyo caasimadda Muqdisho ayaa waxa uu si xowli ah uga soconayaa inta badan deegaanno ka tirsan gedmada Hodan halkaasoo maalmihii ugu danbeeyay ey ka dheceen rabshada iyo iska-horimaadyo galaaftay nolasha dad badan oo rayid iyo ciidamo isugu jira. Sida aan wararka ku heleyno ayaa waxaa howlgalkan maanta socda ka qeybqaadanaya ciidamo lagu qiyaasahy in ka badan 1500 oo askari iyadoo ey sii dheeryihiin ciidamo sidoo kale ka socda kuwa Itobia ee ku sugan magaalada Muqdisho. Howlgalladan ayaa ah kuwa guri-guri loogu galayo deeganada ey baaritaanadu ka socdaan, waxaana warar horudhac ah ey sheegayaan in lagu soo qabqabtay howlgaladaasi socda tiro rag ah oo laga shakisan yahay iyo waliba hub isugu jira noocyada kala duwan una badan kuwa fud-fudud. Ciidamada dowladda ee fulinaya howlgalkan ayaa waxa ey xalay oo shan ku hareereysnaayeen amaba gaar ka hayeen degmada Hodan ee uu iminka baaritaanku ka socda. Ma jiraan wax galaya amaba kasoo baxaya deegaanadaasi, waxaana dhooban dhamaan wadooyinka soo gala deegaanadaasi ciidamo tiro badan oo isugu jira Itobian iyo Somali. Wixii kusoo kordha howlgalka socda kala soco Calanka.com