
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
New PM will talk to anyone who will listen+ update
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ra`isul Wasaaraha Cusub Oo Xalay Kulamo La Qaatay Madaxweyne Yuusuf Posted to the MOL November 23, 2007, 5:24 am Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa sheegaya in xalay xarunta Madaxtooyada ay kulan wadatashi ah ku yeesheen Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde. Kulanka xalay ayaa warar ku dhow dhow waxay sheegayaan in looga hadlayey howsha ugu horeysa ee hortaala ra'iisal wasaaraha cusub taasi oo ah in uu soo magacaabo dawlad cusub. Madaxweynaha ayaa ra'iisal wasaaraha siiyay talooyin ku aadan dawlada uu soo magacaabi doono. Isagoo sheegay inay wanaagsanaan lahayd in la helo rag leh karti ay ku fulin karaan howlaha dawlada. Ra'iisal wasaaraha cusub ayaa sidoo kale la kulmay xubno ka tirsan baarlamaanka si ay isku bartaan. Waxaana la filayaa in kulanadaas sii socda. Mudugonline.com -
New PM will talk to anyone who will listen+ update
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Nuur Cadde oo kulamo la qaatay xalay m/weynaha & xildhibano Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 23-November-2007 Wasiirka koowaad ee golaha wasiirada dowlada KMG ah ee shalay la magacaabay ayaa habeenkii xalay magaalada Baydhaba kulamo kula qaatay madaxweynaha dowlada KMG ah C/laahi Yuusuf iyo xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaalya . Nuur Xasan Xuseen(Nuur Cadde) Ra`iusl wasaaraha cusub ee Soomlaiya ayaa ilo ku dhaw kulankii uu la qaatay Yuuusuf waxa ay sheegayaan in madaxweynaha uu kala hadlay dhismaha xukuumada cusub ee laga sugayo Nuur Cadde . Ilo wareedyo aynu ka helnay xubno ku dhaw ka qeyb galayaashii kulanka ayaa bogga Calanka u xaqiijiyay in mudane Yuusuf uu ku adkeeyay Nuur Cadde xulashada rag howlkar ah kana soo bixi kara howsha iyadoo la siiyay talooyin wax ku ool ah . Waxaa kale uu Ra`isul wasaaraha cusub la kulmay xubno ka tirsan baarlamaanka iyadoo kulanka uu la xariiray is barsho kaliya . Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in codka kalsoonida u qaadaan mas`uulkaani oo ay hor yaalaan arimo badan oo u baahan wax ka qabasho xoogan . Maryama Xuseen Axmes seymuun@hotmail.com Xafiiska Calanka Ee Muqdisho -
Mogadishu, huge demo's in suupport of new PM
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Balcad: Bannaanbax lagu taageerayo Ra'iisul Wasaaraha cusub oo ka dhacay Gobolka Sh/Dhexe 23. November 2007 APL Tool Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu *** Email -------------------------------------------------------------------------------- Print This Article | Daabaco warkaan Balcad(AllPuntland)- Dadweyne fara badan oo maanta u soo baxay sidii ay u muujin lahaayeen dareenkooda ku aadan taageerista iyo soo dhoweynta Ra'iisul Wasaaraha cusub ee dowladda Federaalka Md. Nuur Xasan Xuseen "Nuur Cadde" ayaa maanta ka kala dhacay deegaano ka tirsan gobolka Sh.Dhexe. Degmooyinka Balcad iyo Warshiikh ayaa maanta dadweyne fara badan oo ka kala yimid tuulooyinka hoos yimaada degmooyinkaasi ay maanta isugu soo baxay fagaaraha labada degmo kuwaasoo watay caleemo qoyan isla markaana soo gudbinayey shiribyo, gabayo iyo guurow lagu taageerayey Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde. Degmada Balcad ayaa waxaa isugu yimid dadweyne gaadiid looga keenay 82 tuulo oo hoos yimaada degmadaasi kuwaasoo isugu soo baxay xarunta barxadda warshada Balcad halkaasoo uu kula hadlay Guddoomiyaha degmada Balcad Md. Maxamuud Xuseen Gudbaaye isagoo ugu mahad noqay mas'uuliyiinta iyo dadweynaha soo bandhigay abaabulkaasi lagu soo dhoweynayo Ra'iisul Wasaaraha cusub. Dhinaca kale degmada Warshiikh ayaa sidoo kale waxaa isugu soo baxay dadweyne tiro badan oo soo bandhigayey ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka deegaankaasi oo ay ku muujinayeen inuu ka soo jeedo Ra'iisul Wasaaraha cusub Nuur Cadde, iyagoo suugaantoodana ku muujinayey amaan iyo ducooyin ay u gudbinayeen iyadoo gabagabadiina halkaasi ay ka hadleen mashaa'iqda degmada iyo Guddoomiyaha C/raxmaan Macallin Axmed. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho -
Ra’isul wasaare Nuur Cadde “waxaan doonaynaa in aan qancino qof kasta oo Soomaliyeed,mucaaradkana waa la xaajooneynaa” Ra’isul wasaaraha dalka Soomaaliya Nuur xasan Xuseen “Cadde”ayaa shaaca ka qaaday in xukuumada uu soo dhisayo ay wax qabadkeeda siyaasdeed daah fur uga dhigi doonto soo jiidashada shacabka Soomaaliyeed iyo la wada xaajoodka dhamaan dhinacyada diidan dowladda federalka Soomaaliya. “waxaan doonaynaa in aan qancino qof kasta oo Soomaaliyeed, mucaaradkana waa la xaajooneynaa,mel kasta oo ay joogaana waa ugu tagaynaa”ayuu yiri ra’isul wasaaraha dalka Soomaaliya Nuur Cadde oo caawa la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da. “Anigu waxaan isku sifeynayaa adeege bulshadeed,sidaa daraadeedna waxaan diyaar u ahay in bulshda aan ugu adeego si ay ku qancaan”ayuu mar kale yiri ra’isul wasaaraha dalka Soomaaliya Nuur Cadde. Waxaa ra’isul wasaaruhu uu sheegay in uu dadaal aad u weyn ku bixin doono sugida guud ahaan amaanka dalka Soomaaliya si gaar ahna uu wax uga qaban doono xaaladaha cakiran ee Muqdisho ka taagan. “Nabadu waa muhiim,wada xaajoodka nabaduna wa lagama maarmaan,sababtoo ah hadaan la heshiin nabad iyo amaan lama helayo,hadaanu amaan jirina horumar lama gaarayo,sidaa daraadeed ka shaqeynta nabada meel kasta waa u mareynaa”ayuu yirir ra’isulwasaaraha Soomaaliya. “Dowladda Soomaaliya waa dowlad dib u heshiisiineed,oo ka tarjumeys ujeedooyinka sahcabka,dib u heshiisiintana waa lagama maarmaan in wax kasta laguy bixiyo”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay ra’isul wasaaraha dalka Soomaaliya Nuur Cadde oo intaana kusii daray in uu ka shaqeynayo sidii loo heli lahaa xukuumad,baarlamaan iyo sahcab Soomaliyeed oo isku duuban,islamarkaana uu u tagan yahay sidii yoolkaa loo gaari lahaa. Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho. Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com
-
New Somali PM Nur Cade [background of new PM ]
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
the Tfg has already won, wait for the storm. -
loool. If you say so saxib, but there is no change, secessionists are day dreaming and the TFG is getting stronger.
-
^^^lool. Its based on unity and midnimo and Puntland, and the south are one or the Federal Somali republic. Its the secessionist who are the problem. Puntland is Somalia
-
Adeer I named you the elders of Mogadishu, none of the clan leaders are against the TFG. Imaam Mohamoud, Ugas Faracade, Ugaas Kahalif, Suldan Jamac Seed and so on. Ahmed Diriye is a mouth piece of the looters and now in jail, never was an elder of any clan. But all you seem to do is highlight your ignorance as usual.
-
Unity, and Somalinimo thats the basis of the Puntland border. Anyone who recognises the TFG and is anti secessinist is part of Puntland.
-
No one will kill Xabsade, its a simple calculation. If all the elders agree and the people they represent will follow. Also Garad`Jamac is Xabsade's elder and the clans cheif. Also how can you compare Ahmed Diriye to these elders. These men are in the same league as Imaam Mohamoud and Ugas Khalif & Fracade of the south. Ahmed Diriye is a spokesperson for the Al-Shabaab.
-
I agree with NN, and thanks to my old pal Camir for the post.
-
Indeed, they are assured of one thing, the population and elders are against them.
-
Wafdi ka socda shirkadda Afrika Oil Corp oo soo Gaaray Puntland(Sawiro) Last Updated::2007-11-22 16:32:59 Garowe:-Waxaa maanta soo gaaray magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland weftiga ka socda Africa Oil Corp Weftigan oo uu horkacayo Madaxa Africa Oil Corp Mr Rick ayaa waxa ay ka soo degeen Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso,ka dibna waxa ay Garowe ku yimaadeen safar dhulka ah. Weftigan ayaa waxa Tuulada Sunijiif kaga hortagey xubno ka tirsan Maamulka dowladda Puntland oo uu horkacayo Guddoomiyaha Gobolka Nugaal. Weftigan ayaa waxa ay isu qaybiyeen labo qaybood,labo xubnood oo ka mid ah mas’uuliyiinta shirkadda Africa Oil Corp Mr Rick Schmitt iyo Mr Ken Watson ayaa waxa loo soo gelbiyey xarunta Madaxtooyada Puntland halka ay qaar kalena u ambabaxeen ceelka konoko ee la rabo in mustaqbalka dhow laga soo saaro shidaalka. Hadaba mas’uuliyiinta shirkada ee loo soo gelbiyey dhinaca madaxtooyada ayaa waxa ay kulan kula qaateen saddex geesood ah madaxda sare sare ee Puntland,Isimada Gobolka nugaal iyo weftiga shirkada. Mas’uuliyiinta dhinaca Puntland ka qayb gashay ayaa waxa ka mid ah Madaxweynaha DGPl Mudane Maxamuud Muuse xirsi,Madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane Xasan Daahir Maxamuud,Guddoomiyaha golaha Wakiilada Mudane Axmed Cali Xaashi,wasiirka Maaliyada Maxamed Cali Yuusuf(Gaagaab),wasiirka warfaafinta,isgaarsiinta,dhaqanka iyo dalxiiska C/raxmaan Maxamed Saalax(Bangax),wasiirka waxbarashada Axmed Siciid Aw Nuur,wasiir ku xigeenka Ammniga Ibraahim Cartan (x.Bikiin). dhinaca isimada waxay ahaayeen Islaan Ciise Islaan Maxamed,,Suldaan Siciid Maxamed Garraase. dhinaca shirkaddana waxa ahaayeen,Mr Rick Schmitt- President &CEO,Mr,Paul Colyer-Drilling Manager,Mr John West-Geophysicist. Hadaba ugu horrayntii waxa hadalka furay Madaxweynaha DGPl Mudane Maxamuud Muuse Xirsi wuxuuna yidhi waxaanu aad ugu faraxsanahay booqashada wadata waxqabadka ee aad noogu timaadeen waxaan idin leenahay marka hore ku soo dhowaada Puntland,intaasi ka dibna ayaa madaxweynuhu waxa uu sheegay ujeedada ay weftigan u yimaadeen iyo waxa ay wadaan oo ah in ay soo eegaan Ceelka shidaalka ee Konoko sidii ay uga soo saari lahaayeen shidaalka ku jira mustaqbalka dhow. Intaasi ka dib ayaa waxa hadalkii qaatay Madaxa Afrika Oil Corp, Mr Rick wuxuuna warbixin dheer ka bixiyey sababta ay rabaan in Puntland shidaalka uga soo saaraan,khibrada uu u leeyahay shidaalka gaar ahaan Afrika oo uu muddo 30sanno ah ka soo shaqeeyey shidaalka,waxana mahan wax fudud oo markiiba si dhakhso ah loo soo saaro,sahaminta iyo baaridda muddo ayey qaataan,haddase innagu waxaan gaarnay waqtigii wax soo saarka hadana waxaan u nimid sidii aan qalabka u keeni lahayn. Intaasi ka dib ayaa waxa kulankaasi saddex geesoodka ah hadalo ka soo jeediyey Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garraase oo labadooduba sheegeen in ay shidaal baa la soo saarayaa ay maqli jireen iyo shirkado ayaa imanaya in ay ilaahay mahadii tahay haddaad leedihiin Wixii aad dhegta inta badan ka maqli jirteen ayaad maanta arkaysaan taas oo uu in badan Madaxweynah DGPl uu noo sheegi jiray uuna jecel yahay in dadkiisu ay helaan dhaqaale ay kaga baxaan dhaqaale xumida haysa dadka,waana idin soo dhowaynaynaa,waxaan kaloo idiin sheegaynaa in aanu annagu nahay madaxdii dhaqanka iyaguna yihiin madaxdii Dowladda,iyagu waa ay isbedelaan laakiin annagu isbedelno,geerimooyaane,waxaana idiin balanqaadaynaa haddaan nahay isimada Gobolka Nugaal in aydaan wax dhib ah kala kulmi doonin,siiba dhinaca ammaanka,annagga iyo dowladuna waa isku xiranahay waana isla soconaa. Kulankii ka dib ayaa weftigan shirkadda Afrika Oil Corp waxa ay isla galabta ka dhoofeen garoonka Konoko ee Caasimada Puntland ee Garowe. Isha warka Puntlandgovt.com HorseedNet.com
-
NN: These secessionists are just getting delusional. Now they belittle the elders of the whole region, which have come out and warned them. Qudac adeer you control nothing, maybe Hargaysa and even then its just a sharade.
-
New Somali PM Nur Cade [background of new PM ]
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
lool. Geedi was supported and given three years. More time than any PM in living memory. He left with respect. We have a new PM and the TFG train is again on the move. Again all they do is complain. Typical, give the new PM a chance thats all. -
^^^Adeer which elders support the secessionist `cause? None Thus keep insulting the elders and kings of SOOL, its a nice way of gaining the peoples support. Anyhow I thought you was running the area, how come the elders could meet and come out against the clowns in Hargaysa?
-
New Somali PM Nur Cade [background of new PM ]
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Great points above I would add a couple of more points. 1. Deal with corruption 2. Create a small but effective cabinet. -
New Somali PM Nur Cade [background of new PM ]
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
The Duke is not alone Mogadishu came out, Bossaso came out and we wish him the best. -
Mogadishu, huge demo's in suupport of new PM
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Banaan bax lagu taageerayo R/Wasaaraha Cusub ee Somaliya oo ka dhacay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir Taariikh Nololeedka Col. Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde November 22, 2007 Markacadeey -------------------------------------------------------------------------------- Dibad bax ballaaran oo lagu taageerayay magacaabista R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen Cadde ayaa maanta waxaa uu ka dhacay degmooyinka Kaaraan,C/Casiis iyo Shibis iyadoona ay dadku sheegeen in ay la shaqeyn doonaan dawladda Cadde. Dibad baxayaasha ayaa ku dhawaaqayay halku dhigyo ay ku muujinayeen sida ay ugu riyaaqeen markii la magacaabay Nuur Cadde iyagoona sheegay in ay la gudboon tahay shacabka Somaliyeed in ay la shaqeeyaan Xukuumadda Cusub. Banaan baxaayasha ayaa kor u hayay Calanka Somaliya iyagoona sheegayay in Xukuumadda Nuur Cadde ay noqon doonto middii shacbiga Reer Muqdisho ka bixin laheyd dhibaatooyinka heysta. R/Wasaaraha Cusub Nuur Xasan Xuseen Cadde ayaa kasoo jeeda deegaanadaasio iyadoona uu ku dhaw yahay beel ahaan R/Wasaarihii ka horeeyay waxana uu yahay aqooniyahan dhanka Caalamka si weyn looga yaqaano. Maxamed Carab Xafiiska Markacadeey Muqdisho -
Mogadishu, huge demo's in suupport of new PM
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Banaanbax lagu taageerayo Raisulwasaaraha Cusub ee DFKM oo ka dhacay Muqdisho Last Updated::2007-11-22 15:43:07 Muqdisho(HRNet):-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu ka dhacay Banaanbax lagu taageerayo R/Wasaaraha DFKM Col.Nuur Xasan Xuseen Cadde qeybo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir. Banaanbaxa ayaa waxa uu ka dhacay degmooyinka Kaaraan, Shibis iyo C/Casiis iyo Madiina waxaana dadkii isku soo baxay ay ku dhawaaqayeen magaca R/Wasaaraha Cusub iyo erayo ay ku taageerayaan DFKM iyo Maamulka Gobalka Banaadir. Dibadbaxayaasha ayaa waxaa ay socod ku soo mareen wadooyinka waaweyn ee degmooyinka Kaaraan,Shibis iyo C/Casiis iyo Madiina. Banaanbaxan ayaa waxa uu ka danbeeyey kadib markii magaalada Baydhabo uu Madaxweynaha DFKM C/laahi Yuusuf uu magacaabay R/Wasaaraha Cusub ee DFKM Col. Nuur Xasan Xuseen Cadde,oo kasoo jeeda beesha Mudulood oo inta badan degan Gobalka Banaadir. Waxaa dad badan ay is weydiinayaan waxa uu ka badali karo Raisilwasaaraha cusub ee DFKM xaalada dalka ku sugan yahay gaar ahaan Amaanka Magaalada Muqdisho. -
Boocame: Shirkii Beesha.......... Go'aamadii kasoo baxay iyo Baaq Ismadu Soosaareen... Akhri qodabada Go'aanka Beesha oo dhan iyo Baaqii isismada 22. november 2007 Baaq ka soo baxey Bocame 22 Nov 22, 2007 - 6:29:40 AM Issimida SSC ayaa kulan ugu socday Boocame muddo asbuuc ah ayaa waxaa maanta ku soo dhamaadey go'aan kama dambeys ah oo ay gaareen xaalada magalada Lascaano. CIWAAN: GUDDOONKII & BAAQII ISIMMADA BEESHA SSC KU: CIDDII AY KHUSAYSO UJEEDO: BAAQ. Hadaanu nahay Issimada *********** nahayna Madax Dhaqameedkii iclaamiyey qabtayna Shirwaynihii Badbaado ee Boocame 3, waxaanuna ku baaqaynaa qodobadan hoos ku xusan: Waxaannu guddoominey qodobadii iyo qaraaradii kasoo baxay shirweynaha badbaado boocame Lam.3 1. Waxaanu u cadaynaynaa Aaduun waynaha iyo Dadwaynaha Soomaaliyeed inaanaan kamid ahayn aqoonsanayna Maamulka la baxay Somaliland wax mucaahido iyo heshiisyo ahna ayan naga dhaxayn mid hore iyo mid danbe toona, waxaanuna aaminsanahay midnimada Soomaaliyeed inay muqadas tahay. 2. Isla markaana waxaanu uga digaynaa Maamulkaas xadgudubka, Joogitaanka iyo qabsiga soohdimahayaga. 2. Waxaanu aqoonsanahay Xuduud Beeleedyada aynu kala lahaan jirnay iyo Xuduud Goboleedkii Dowlada Soomaaliyeed (Regional jurisdiction). 4. Waxaanu ka digaynaa dagaal iyo dhiig badan oo ku daata dadyowga deriska ah reebana colaad raagta oo qoto dheer. 5. Waxaa dadkan ka dhexeeyey xidhiidho dhaqan, Degaan iyo dhalasho taasoo mudnayd in la ilaaliyo uuna jabiyay duulaankii Maamulka Hargaysa. 6. Waxaanu ugu baaqaynaa Salaadiinta, Cuqaasha, Odayaasha Gobolada Waqooyi-Galbeed in ay kala baxaan ragooda kusoo duulay degaanadayada. 7.Waxaanu uga digaynaa Maamulka Hargaysa in dulqaadka dadwaynaha SSC uu dhamaad yahay ayana aqbali karayn joogitaanka ciidamadooda wixii caaqiibo daro iyo khasaaro ka yimaadana ay iyagu masuul ka yihiin. Waxaa saxiixay: 1. Garaad Jaamac Garaad Cali. 2. 2-Garaad Saleebaan Garaad Maxamed. 3. 3-Garaad Cabdillahi Garaad Soofe. 4. W/garaad Maxamed G.Ismaaciil Ducaale. 5. Suldaan Siciid Cismaan Cali. 6. Ugaas Cabdillaahi Ciise Nuur . 7. Garaad Abshir Saalax Maxamedā. 8. Boqor Cabdullaahi Axmed Cali . 9. Wakiil Garaad/Sulub Cali Gaas. 10. Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed. 11. Garaad Saleebaan Buraale Aadan. 12. Ugaas Faarax Xaaji Maxamuud Gurey. 13. Garaad Maxamuud Cismaan warsame . 14. Garaad C/laahi Maxamed Guuleed . . Garowe Online,Garowe
-
I congradulate the elders of SSC for this move, its the end of the false claims of the clan of Hargaysa. Will they listen? It matters not because they will hear this message loud and clear..
-
Mogadishu, huge demo's in suupport of new PM
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Banaanbaxyo lagu taageerayo Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo maanta ka dhacay Magaalooyinka Muqdisho, Boosaaso iyo Garowe Khamiis, November 22, 2007(HOL): Banaanbaxyo lagu taageerayay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee loo magacaabay xilka Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya ayaa maanta wuxuu ka dhacay Magaalooyinka Muqdisho, Boosaaso iyo Garowe. Banaanbax si weyn loo soo agaasimay ayaa saakay markii lagu dhawaaqay Ra’iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) waxaa uu ka dhacay Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, kuwaasi oo kala ah Shibis, C/Casiis iyo Kaaraan. Dadweynihii Banaanbaxa ka qeybgalay oo caleemo qoyan ruxayay ayaa waxay ku dhawaaqayeen ereyo ay ku taageerayeen Ra’iisal Wasaaraha cusub, waxayna qaar ka mid ah dadkaas ay sheegeen in Ra’iisal Wasaaraha cusub uu noqon doono mid Soomaaliya ka bixiya dhibaatada ay ku jirto. Ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kana mid ah Guddoomiye ku xigeennada Gobolka C/llaahi Xasan Ganey Firimbi oo ka hadlay magacaabista Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa sheegay in ay Ra’iisal Wasaaraha cusub uu yahay nin ay si weyn u yaqaaneen muddo dheer, isla markaana uu ku kalsoon yahay in uu xilka loo magacaabay gudan karo, isagoo hoosta ka xariiqay in Ra’iisal Wasaaraha la magacaabay uu yahay sida uu hadalka u yiri nin sharci-yaqaan ah oo ku bannaan in xilkaas loo magacaabo. Sidoo kalena banaanbaxyo lagu taageerayay magacaabista Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa waxay ka dhaceen Magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe ee Gobollada Bari iyo Nugaal, iyadoo qaar ka mid ah Dadkii banaanbaxaas isugu soo baxayna ay sheegeen in ay taageerayaan wax kasta oo ay sameyso Dowladda Federaalka Soomaaliya. Nuur Cadde waa Ra’iisal Wasaarihii labaad oo ay yeelato Dowladda Federaalka Soomaaliya oo seddex sano jirsatay, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ra’iisal Wasaarahan uu ka yimid dibadda Baarlamaanka Soomaaliya, halka Ra’iisal Wasaarihii hore ee is-casilay Prof. Cali Maxamed Geeddi laga soo magacaabay gudaha Baarlamaanka Soomaaliya. Ugu dambeyntiina, magacaabista Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa waxay soo af-jareysaa su’aal ay maalmahan is-weydiinayeen Shacabka Soomaaliyeed, taasi oo ahayd qofka uu noqon doono Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, iyadoo jireen mas’uuliyiin badan oo isu soo sharaxay in loo magacaabo Xilka Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia -
New Somali PM Nur Cade [background of new PM ]
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Lets give the new PM a chance, he is a civilian, a trained lawyer, a police Colonel a man who has not been involved in the wars. He has experience with the humanaterian sector which is vital for this post. As for the excuses about Ethiopia, if you want peace seek it. I wish him and the government the best. -
New Somali PM Nur Cade [background of new PM ]
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
pardon