
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Mogadishu calm as Tfg criples Looters inc....peace is close
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Muqdisho: Isbadal cusub oo ku yimid Suuqa Bakaaraha iyo ganacsatada oo ka qeyb qaadanaya howlgalada ciidamada ay ka wadaan Suuqaas 12. November 2007 AMuqdisho(AllPuntland)- Waxaa markii ugu horeysay la arkay howlgal ay ciidamada dowladda KMG ka wadaan gudaha Suuqa Bakaaraha iyadoo ay ganacsatada suuqana ay ka qeyb qaadanayaan sidii ciidamada si nabadgelyo ah ay u baari lahaayeen bakhaaradooda. Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo shalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere ugu baaqay in ay soo xaadiraan maanta si loo baaro goobaha ganacsi ee ay ku leeyihiin halkaasi ayaa la arkayey saakay iyagoo is dhex maraya iyaga iyo ciidamada dowladda oo dadka ka codsanaya in ay ku caawiyaan sidii howshooda u gudan lahaayeen, mana jirto caqabad hortaagan ilaa iyo xiligan ciidamada howlgalkaasi fulinaya oo wata gaadiidka dagaalka iyo qoryaha daran dooriga u dhaca. Dadweyne fara badan ayaa sidoo kale la arkayey saakay iyagoo dhex lugeynaya goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada taasoo muujineysa nabadgelyada iyo isbadalka ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha iyadoo maalmihii la soo dhaafay aysan jirin ciidamo iyo dadweyne isku dhex jira. Howlgaladan ayaa waxaa soo dhoweeyay ganacsatada Suuqa Bakaaraha iyagoo sheegay in howlgalkan oo kale aysan weli arkin, waxayna ku amaaneen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir hadalkii shalay ka soo yeeray ee damaanad qaadayey nabadgelyada ganacsatada iyo hantidooda inaan wax dhibaato ah la gaarsiineyn. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho -
Mogadishu calm as Tfg criples Looters inc....peace is close
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ciidamada DFK oo markii ugu horaysay si buuxda ula wareegay amaanka Suuqa wayn ee bakaaraha iyo Xaafadaha Hodan iyo Hawl wadaag. Dadwaynaha Magaalada Muqdisho ayaa saaka markii ugu horaysay indhahooda saaray ciidamada Dawlada Somaliya oo si caadi ah u dhexmushaaxaya suuqa wayn ee bakaaraha oo hoy aan la galin u ahaa kooxihii Nabad diidka tan iyo intii ay magaaladaasi la wareegeen ciidamada Dawlada oo ay taageerayaan Kuwa Ethiopia. Ciidamada Dawlada ayaa baaritaano ilin ilin ah ku samaynayay bakhaarada ganacsiga iyadoo ay goob joog ahaayeen ganacsatada suuqa wayn ee bakaaraha iyo sidoo kale dadkii meheradaha ku lahaa suuqa bakaarah iyadoo wax rabshado iyo iska hor imaadyo toona ah aysan ka socon suuqa bakaaraha. Qaar ka mid ah ganacsatada suuqa wayn ee bakaaraha ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan hadaladii ka soo yeeray maamulka Gobolka banaadir iyagoo sheegay inay si buuxda ula shaqaynayaan ciidamada Dawlada somaliya iyo kuwa saaxiibada la ah ee ku sugan muqdisho. Dadka shacabka ah ayaa si caadi ah uga adeeganaya suuqa bakaaraha iyadoo ciidamada dawladu ay halkaasi kawadaan baaritaano xoogan oo ay ku hayaan meheradaha gacansiga iyo sidoo kale bacadla yaasha suuqa wayn ee bakaaraha kadib dagaalo lagu hoobtay oo ay kula wareegeen ciidamada isbahaysigu magaalada muqdisho. Waxaan la hayn meel ay jaan iyo cirib dhigeen kooxihii ka soo horjeeday ciidamada dawlada iyo kuwa ethiopia kadib dharbaaxo xun oo lagu dhuftay weeraradii dhacay laba bari ka hor oo siwayn loogu wiiqay awoodii kooxahaasi ay ku lahaayeen magaalada muqdisho qaybo kamid ah. AllMudug.org kala soco wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Somalidaba. -
Axmed Diiriye oo ku xirnaa Xabsi ku yaala Magaalada Muqdisho ayaa la xaqiijiyey in loo gudbuyey Magaalada Baydhaba oo ah Xarunta D.F.S Warar si weyn loogu kalsoonan karo aya Shabakadan u sheegay in Axmed Diiriye oo ahaa Qarandid weyn oo codkiisa uga qeybgalayey Xasuuqa Dadka Muqdisho loo gudbiyey Xabsi ku yaala Magaalada Baydhaba oo hada ah Fariisinka D.F.S. Axmed Diriye oo shalay Ciidamada Police-ka D.F.S ka qabten Guri uu kaga dhuumanayey S/Bakaaraha ayaa la sheegay in markii hore lagu xiray xabsiga Dhexe ha yeeshee loo sii gudbiyey Dhinaca Baydhaba. Labo Sarkaal oo ka kala tirsan Taliska Police-ka iyo Maamulka G/Banadir oo ka gaabsaday in la soo xigtaa ayaa xaqiijiyey in Gaari ay Ciidamada Polic-ka leeyihin Axmed Diiriye laga saaray Magaalada Muqdisho isaga iyo Sh.Gees oo ah Wadaaad Al-Shabab ah oo lala qabtay. Kiiska Axmed Diiriye ayaa u muuqda mid ay D.F.S cusleyneyso si ay ugu cibro qaatan Xubnaha kale ee sida isaga dhibaatada borobagaanka Muqdisho ka wada. Xarigiisa ayaa waxaa taageray Wasiirka Arimaha Guadaha Gacmadheere iyo Max'ed Dheere Gudoomiyaha G/Banadir oo labuduba sheegay in la maxkamadeyn doono. Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Muqdisho Somalia Contact Carmooyin@gmail.com
-
Military planes bring Burundi [AU] supply, TROOPS are coming
General Duke posted a topic in Politics
Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde oo maanta timid Diyaaradii ugu horeysay oo qalab milatari u wada Ciidamada Burundi Muqdisho Khamiis , November 08 2007 SMC Waxaa maanta timid Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde Airport Diyaaradii ugu horreysay oo qalab militari u sida ciidamada dalka Burundi oo iyagu lagu wado inay soo gaaraan dalka dhowaan. Qalabka ay wado diyaaradaan ayaa waxaa lagu wareejiyay ciidamada Midowga Afrika, waxaana la sheegay in ciidamada Burundi ay ku soo fool leeyihiin saacadaha soo socda dalka Soomaaliya. Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika ayaa u sheegay saxaafada in diyaaraddaasi qalabka Militari, wuxuuna sheegay in qalabkaas uu yahay mid ay adeegsanayaan Ciidamada Midowga Afrika, wuxuuna sheegay inay dhaqaale baaxad leh dhawaan ka filayaan ciidamada Qaramada Midoobay. Dhinaca kale waxaa meesha ka baxday shakigii laga qabay imaanshaha ciidamada Burundi ee ku aadan dalka Soomaliya, iyadoo ay horay dhowr jeer u sheegeen Ciidamada Burundi inay xayirayso dhaqaalihii lagu soo rari lahaa ciidamadooda oo ay ku imaan lahaayeen Soomaaliya. -
Mogadishu: calm after fighting instigated by defeated groups
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
If we are going to make anyone famous, why not Mudane Xubsired. Yep he is in Mogadishu and I thought you could take care of the "Tigre" what happened too much weight on you lads. As for the man you claimed was finished off. source -
Adeer, calm down I know many bombers and their infrustructure has been finished off. As for the new prediction, I welcome it as we have come to know how wrong you always are. Its time for us to move on from the bombers and their clan supporters. Somalia is not waiting on anyone. As for the noise making, keep it up.
-
Mogadishu: calm after fighting instigated by defeated groups
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ciidamadii ugu faraha badnaa oo ka tirsan Police-ka Somalia oo ku qulqulaya Suuqa Bakaaraha ( Nin Hogaamiyaha Bambooyinka ah oo gacanta ay ku dhigeen) Ciidamo fara badan oo ah kuwa Police-ka Somaliyeed ayaa waxaa ay ku qulqulayaan Gudaha Suuqa Weyn ee Bakaraha oo ah meelaha laga soo maleego Dhibaatada ay kooxaha Nabad Diidka Muqdisho ka wada rabshadaha. Ciidamadaan ayaa markii ugu horeysay waxaa ay Suuqa gudaha ula galeen Gawaarida Dagaalka iyo Boobayaal culus oo ay Ciidamada Xanbaarsanyihiin. Sida uu Shabakaadan u xaqiijiyey Sarkaal ka tirsan Police-ka Somalia waxaaa Ciidamadaa ku amray in ay suuqa galaan Taliyaha Ciidamada Police-ka Soamliyed Jeneral Cabdi Qeybdiid oo markii horaba isagu hogaaminayey,ha yeeshee Dib uga laabtay markii ay Gudaha ku qulquleen. Ciidamadaan ayaa hawlgalo waxa ay durba markii ay suuqa galeen ka bilaabeen Xarumo u asteysnaa , waxaana ay qabteen Nin sida la sheegay Hogaamiye u ah kooxaha Bambooyinka Tuura oo ku jiray Daarta Telenet ee Afaafka Shirkadaha. Qabashada Ninkaan ayaa waxaa ay ka danbeysay sida lagu waramay kadib Warbixin ay Police-ka Siiyeen Taliska Nabad Sugida Qaranka. Waa Ciidamadii ugu faraha badnaa ee Suuqa Gala , Waxaana galitaankooda uu ku soo beegmayaa xili u Gudoomiyaha G/Bandir sheegay in Suuqa uu yahay meelaha laga dhibaateeyo DFS Xafiiska Warqabadka ee shabakada carmooyin.com Muqdisho Somalia contact Carmooyin@gmail.com -
Mogadishu: calm after fighting instigated by defeated groups
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^lool. Xub-sired is right now in Mogadishu, funny how he aint threatend by that incident. As for your leaders the clowns are talking from Asmara making threats while they ran away in safety. Try again adeer. -
Mogadishu: Buuba announces he wants to be PM
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Buubaa oo u isugu soo taagey qabashada Jagada Ra’isalwasaaraha DFKMG Prof.Ismaaciil Max’uud Hurre (Buubaa) oo wasiirka waxbarashada ka ahaa xukuumadii Cali Max’ed Geedi ayaa daboolka ka qaadey in uu isu taagay qabashada xilka Ra’isalwasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya. Buubaa oo shaley ku qabtey magaalada Baydhabo ayaa wuxuu sheegay in uu u gudbiyey Madaxweynaha DFKMG ah waraaqihiisa codsiga ee ku aadan qabashada jagada Ra’isalwasaaraha, isagoo shelay magaalada Baydhabo kula shirey oo qado u sameeyey xildhibaanada ku jira Baarlamanka DFKMG ah ee ka soo jeeda beelaha Direed. Ismaaciil Buubaa ayaa warar aan si rasmi ah loo shaacin balse duul duul ah waxay sheegayaan in uu jiro daneyn ka imaanaysa wadamada Carbeed iyo qaar ka mid ah dalalka reer Galbeedka oo ku aadan in jagada Ra’isalwasaaraha loo magacaabo Ismaaciil Max’uud Hure (Buubaa), -
Adeer its your new project plan to use the dead women and children as a badge to hide behind. They were being used as human shilds and those who sent bombs and placed land mines in their midst, killed civilian officials and retired old men. Should not know preach about the dead women and children. the Shabaab clowns sent mortars to the peace conference and killed children did you complain and hold demo's? When they used F1 grenades and killed cleaning ladies did you hold a demo or post those pictures? Your hypocracy is great and plain for everyone to see. When the al-kebab group was sending fighters to all corners and women and children were fleeing bay, bakool and parts of Mudug did you hold demo's. This war needs a conclusion and the quickes one is the demise of the looters inc, their gangs and their infrustructure. Untill then keep making threats and then complain when your gang members are finished of.
-
Mogadishu: Buuba announces he wants to be PM
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
http://files.garoweonline.com/143.rm -
Mogadishu: calm after fighting instigated by defeated groups
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Again you make idle threats as has become of all of you. Masters at the art of threat making.. -
loool. THese men are finished and if you care about the people you would stop this never ending daydreams that only leads to further defeats. Remmeber the threats you made as a supporter of Musa Sudi & Qaynyare? Remmeber the threats and the bravado you once had as a supporter of Xasan Dahir and IndaCade? The march to Baidoa? Alas you do forget the bravado of the looters Inc groups? These people are a complete joke, they call for war, deaths and then march when there is deaths and trouble. They care not for the civilians when they start their weekly new projects of threats anc clan chest beatings. Then they claim "the civilias are dying". But we are learning how deal with you...
-
Its never to late to help. They always help with the little resource they have. As for the threats you are making, why then cry and hold demo's when your fighters are beaten? Make threats, act upon them and stick to being tough.
-
Nairobi: Somali leader meets top officials.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
First kindly remove the pictures of the dead. It is against the rules. Adeer the clan bigots robed and lived on other peoples land. They waged wars for 17 years and fought every government for those past years, they even defamed the faith. Adeer think first before you act irrationally Those who waged wars should think about the consequences. -
Nairobi: Somali leader meets top officials.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo kulan la qaatay ergayga UN-ka ee Somalia Madaxweynaha dowladda kmg ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa maanta magaalada Nairobi kula kulmay ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Soomaaliya Ambassador Ahmedu Ould Abdullaah. Kulankaasi labada mas’uul yeesheen waxa uu ku saabsanaa wadatashiyo la xiriira magacaabista ra’iisal wasaaraha xukuumadda ee laga sugayo madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed inuu si deg deg ah ku soo magacaabo. Waxaa kaloo ay kulankooda uga wadahadleen arrimaha bani’aadamtinimada ee dalka Soomaaliya oo madaxweynuhu uu ka codsaday ergaygu in Qaramada Midoobay si deg deg ah gargaar u soo gaarsiiso dadka tabaaleysan. Mr. Ahmadu waxa uu sheegay in Qaramada Midoobay ay diyaar la tahay gargaarka samafalka, hase yeeshee ay ka doonayaan dowladda kmg ah inay fududeyso halkii ay mari lahaayeen shaqaalaha gargaarka sida. Labada dhinacba waxay ballan qaadeen inay ka soo bixi doonaan kaalinta looga baahan yahay. Dhinaca kale ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa uu la shiray Cali Mahdi Maxamed guddoomiyaha shirkii dib u heshiisiinta beelaha Soomaalida ee dhowaan Muqdisho lagu soo gabagabeeyay. SBC International News Desk -
Muqdisho: Booliska Soomaaliyeed: "Boqol qoys oo ka barakacay dagaalada ayaan u sameynay daryeel iyo dib u dejin" 10. November 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Ku xigeenka afhayeenka xafiiska saaxafadda Booliska Labo Xiddigle Cabdullaahi Cumar Ibraahim "Shac Shac" oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xarunta taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay dagaaladii maalmihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho isagoo sheegay in dagaaladaasi ay ka danbeeyeen kooxo uu ku sheegay iney yihiin nabad diid. Afhayeenka ayaa sheegay in dagaaladaasi ay mas'uul ka yihiin kooxaha nabad diidka ah oo iyagu bilaabay kana horyimid ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa Itoobiya oo baaritaano ka sameynayey deegaanka Suuqa Xoolaha iyo duleedka wadada warshadaha kuwaasoo dhex galay guryaha rayidka oo si fuleynimo daaqadaha xabado uga soo riday ciidamada iskaashanaya. "Waxaa meydad dad rayid ah oo loo geliyay darees oo laga soo qaaday xaafado kale kuwaasi oo dariiqyada iyo deegaanada nabdoon lagu jiidayey si deegaanadaasi looga dhigo meelo ay ka jirto colaada, waxaana ugu baaqayaa dadka rayidka ah ee nabada jecel in ay arintaasi ka digtoonaadaan oo ay gacan siiyaan ciidamada iskaashanaya ee amaanka sugaya" ayuu yiri Shaac Shaac Afhayeenka ayaa sidoo kale ugu baaqay kooxaha hubeysan in ay dhowraan gaadiidka sahayda daawoyinka iyo biyaha u sida dadka maadida ah ee barakacay in ay dhowraan oo aysan waxyeeleyn gargaarkaasi loo sido dadka masaakiinta ah. "In ka badan Boqol qoys oo ka barakacay hareeraha wadada warshadaha iyo suuqa xoolaha ayaan dejinay xeradii gurmadka booliska ee ku taala inta u dhaxeysa wasaaraddii gaashaandhiga iyo warshadii sigaarka, kuwaasoo aan siinay tasiilaad ay ka mid yihiin bacaha roobka iyo qoraxda laga galo iyo booyado biyo aan ugu daad gureynay" ayuu yiri Afhayeenka oo ugu baaqay shacbiga Soomaaliyeed in ay dhegaha ka fureytaan daacayadaha ay fidinayaan nabad diidayaasha iyo taageerayaashooda. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
-
Nairobi: Madaxweynaha Dowladda KMG oo kulan kula yeeshay Nairobi Wakiilka Q.Midoobay ee Soomaaliya 10. November 2007 Nairobi(AllPuntland)- Madaxweynaha dowladda Federaalka Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo maalintii labaad ku sugan magaalada Nairobi ayaa halkaasi kulamo kula leh Madaxdda dalka Kenya iyo qeybaha kale ee beesha caalamka isagoo sidoo kale la kulmay wakiilka Xoghayaha guud ee Q.Midoobay Ahmedou Ould-Abdallah. Ahmedou Ould-Abdallah ayaa Madaxweynaha kala hadlay arrimaha dalka Soomaaliya gaar ahaan arrimaha gargaarka iyo sidii dowladda ugu qeyb qaadan laheyd gaarsiinta shacabka Soomaaliyeed gargaarka bini'aadanimo ee ay bixinayaan hey'addaha samafalka, sidoo kale labada mas'uul ayaa waxay isla soo qaadeen magacaabista Ra'iisul Wasaaraha cusub kaasoo uu sheegay Ahmedou Ould-Abdallah in uu noqdo mas'uul mudan xilkaasi. Ahmedou Ould-Abdallah ayaa sidoo kale magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay Cali Mahdi Maxamed Guddoomiyihii shirweynihii dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ee lagu qabtay Muqdisho isagoo kala hadlay mirihii ka soo baxay shirweynihii dib u heshiisiinta iyo sida loogu baahan yahay in la meel mariyo. Madaxweynaha dowladda KMG ayaa magaalada Nairobi ka wada wadatashiyo ku aadan magacaabista mas'uulka noqon doono Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, iyadoo beesha caalamka ay dadaal ugu jirto in Madaxweynuhu uu magacaabo mas'uul heyta kalsoonida qabaa'ilka Soomaalida kasban karana shacabka, noqona Ra'iisul Wasaare ku daneysta xilka. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
-
Mogadishu: calm after fighting instigated by defeated groups
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
NN: I dont give a damn about these people. These groups are hiding behind a smokescreen. -
Mogadishu: Buuba announces he wants to be PM
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
The man is making his moves -
Mogadishu: Buuba announces he wants to be PM
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Buubaa ma buuxin doonaa Kabihii uu ka tagay Geedi? Last Updated::2007-11-10 14:43:00 Baydhabo(HRNet):- Ismaaciil Huure Buubaa oo xili kala gedisan kasoo qabtay DFKMG ayaa hada isu soo taagay jegada Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo uu dhawaan iska casilay Prof.Cali Maxamed Geedi. Ismaaciil Buubaa oo kamid ahaa xubnaha ay sida weyn isugu khilaafeen siyaasada Dowlada Ra'iisul wasaarihii xilka ka tagay ee Geedi, ayaa hada uu sheegay Mr.Buubaa inuu xilkaasi kasoo bixi karo. Ismaaciil Buubaa ayaa himilooyinkiisa siyaasadeed kusoo bandhigay Qado sharaf uu shalay ku qabtay magaalada Baydhabo, madashaasi oo uu ku casumay qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka. Ismaaciil Buubaa oo laf ahaantiisu xildhibaan ah isla markaana jegadii ugu danbeysay ee uu Xukuumada qabto ay tahay Wasiirka Waxbarashada ayaa sheegay inuu xalin karo dhibaatooyin badan oo dowlada Federaalka heysta xiligan. Buubaa oo horey usoo qabtay Jegada Wasiirka Arrimaha Dibada ee DFKMG ayaa kamid ahaa xubnihii sida weyn uga shaqeeyey in dalka Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka taasi oo irida u furtay imaanshaha ciidamada Itoobiya iyo kuwa Midowga Afrika ee Ugandha, ayaa hada sheegay inuu wax weyn uu ka qaban karo xiriirka Caalamiga ah ee Dowlada la leedahay dalalka deeqda bixiya. Buubaa ayaa ku nuux nuuxsaday inuu xalin karo dhibaatooyinka ka jira magaalada Muqdisho oo uu sheegay in ay tahay halka meesha dhibaatada ugu weyn ay ka taagan tahay. Ismaaciil Buubaa ayaan sii faah faahin xalka uu u keeni karo Muqdisho oo ka gedisan xalkii uu horey isugu dayey Prof.Geedi oo asago kasoo jeeday magaalada Muqdisho kuna guuleysan waayey in magaaladaasi si buuxda loo sugo amnigeeda. Ismaaciil Buubaa ayaa sidoo kale wax kama jiraan ku tilaamay sheekada la xariirta in Kursiga Ra'iisul Wasaaraha ay beel gaar ah leedahay siiba beesha Ra'iisul Wasaarihii xilika ka degay, asagoo sheegay in kursigaasi uusan u xirnayn beel gaar ah balse Soomaalida oo dhan cidii doonto isu soo sharixi karto. Ismaaciil Buubaa ayaa sheegay in qaabka 4.5 ee dowladan loo qebsaday aan lagu xirin jegooyinka balse ay tahay hab la isugu dheeli tirayo xubnaha dowlada kamid ah balse aysan jirin kursi beel u gaar ah. Ismaaciil Buubaa ayaa sidoo kale ka dhaawajiyey hadii uu xilka qabto uu keeni doono xal ku aadan maamulka gooni isu taagay ee la baxay Somaliland oo asagu deegaankaasi kasoo jeedo. Buubaa ayaa wada olole uu kusoo jiidanayo Beesha Caalamka iyo waliba Xildhibaanada Federaalka, balse macada in Madaxweynaha DFKMG uu xiliga jegadaasi u dhiibi doono Mr.Buubaa oo kamid ah xubnaha sida weyn ay dhinaca siyaasada isugu dhawyihiin. Hussein Farah HorseedNet.com -
Mogadishu: calm after fighting instigated by defeated groups
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
khooxdii muqawamadda maanta laga dhigay wax dhinta iyo wax laqabtay - nasiib darase ay tahay meydkoodii aay ku tilmaaman inuu yahay kuwa dowladda wararka naga soo gaaraayo caasimadda muqdisho ayaa waxay sheegayaan inaay ku dhacday khooxdii muqawamadda isku til maami jirtay in maanta laga dhigay mid dhinta iyo mid gacanta dowladda usoo gala islamarkaasna la wareysanaayo ayagoo sita qalabkoodii isna soo dhiibay kadib marakaay u adkeeysan waayeen hubka waaweeyn ayan naftooda u baqeen in aay dhintaan , balse waxay aheeyd inaay hadeey sheegayaan waasida ay jecel yihiin maxay u jihaadi waayeen oo aay uga baqeeyeen hubka waa ayagii dhihi jiray haka baxaan cidamadda ku soo duulay muqdisho oo hor dhaca hadaladii aay ku hadli jireen yahay haka baxaan cidamadda soo dulay xitaa haddi miiska wada hadalka la yimaado ay dhahaan ereyadaasi iyo wax lamidka ah inta badan haddii aad u fiir sataan waxay ku tilmaamaan inaay dileen cidamadda dowladddu balse ayaguse kuma dhacdo miyaa oo meydkoodda lama helo miyaa . ufiirso had iyo jeer waa kuwa dhinta cidamadda dowladda bal isku qiyaas hadaba nimanka muqawamadda ah oo tabar daran watana akee iyo dowlad ma isku dhic karaan waa - hadaladda ay ka sheegaan radiya yaashooda u shaqeeyo muqawamadda iskuna difaacaan waad aragteen inaay intoodda badani ka soo baxsadeen maanta daad san yihiin neeyroobi ayagoo suxufiyaal isku tilmaamaya. (madhinte waa alle ) Hadaba maanta markaay taasi dhacday ayaa waxa soo ban baxday inaay isga guuraan meelihii aay ku jireen maxaayeelay ayagoo looga soo ariminaayo dhankaasi iyo asmara aayna dhalinyaro yar yar una badnaayeen waxa maanta ku dhimanaayo muqdisho.ninkii dagaalka ku dhintay meeydkiisii la qarsho laguna tilmaamo inuu yahay itoobiyaan taasi waa nasiib daro ku dhacday somalidda - maskaxddii aay wax ku baran lahaayeen ayan wadankoodii wax uga qab san lahaayeen ay u diideen inaay wax bartaan kuna faraxsan dhiig daadinta dhimashadda islamka islamarkasna sheeganaayo islam . waxaana dhacda in haddii aay waqti helaana ay masjidyadda ugu galaan kuna dhahaan ashahaado waanu ku dileynaa hadaba isweydii makaasbaa noqonaayo jihaad mise banan tahay in dhiig islam la daadsho????? . jawaabtu waa maya balse kuwa sidaasi sameynaayo waakuwa lasiiyey inyar oo noloshoodda anu ku deeqin siyaana 50 dolaar islamarkasna ku dhiri galiya hubka in uu qaato xitaa waxa dhacda dugsiyadda qurankii in laga soo afduubo la dhaho bal wax iska tuur sidaasnaay ku dhintaan . hadaba manoocaasibaa la yidhahdaa jihaad jawaabtu waa adiga akkhristaha ah ? -
Mogadishu: calm after fighting instigated by defeated groups
General Duke posted a topic in Politics
Muqdisho: 24 Saac ee lasoo dhaafay Jawiga Muqdisho oo is badaley. 9. november 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Caasumada dalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa kacsaneyd 24 saacd ee lasoo dhaafay waxaana ka dhacayay dagaalo iyo iska horimaadyo udhaxeeya dowlada Itoobiya & kooxaha ka soo horjeeda Nabadgalyada Magaalada Muqdisho. Dagaaladii ka dhacay Caasumada ayaa lugu soo qabqabtey kooxo badan oo dagaalamayay ,ayadoo dagaaladasina lugu soo qaaday Kolonyo Milateri oo ay leedahay dowlada Itoobiya waxa ayna sameeyeen Iska caabin xoogan leh. Isgoys-yada Magaalada Muqdisho ayaa inta badan lasoo dhigey ciidamado fara badan oo ay leedahay dowlada Itoobiya ,waxa ayna xoojinayaan howlgalo balaaran oo ay wadaan ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya. Masuul sare oo ka mid ah Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho ay soo abaabuleen dad doonaya in aysan nabadgalyo ka dhicin Magaalo Madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho. Wuxuu sheegay sarkalkaasi in ay dagaaladaasi ku dhinteen dad gaaraya 19 qof ,oo qaar ka mid ah yihiin Booliska Soomaaliya iyo Itoobiya inkastoo uu diiday in uu sheego tirada ka dhimatey dowladaha Soomaaliya iyo Kuwa Itoobiya. Ciidamada dowlada Itoobiya ayaa guud ahaan badaley jawiga Magaalada Muqdisho ,waxa ayna magaalada lasoo galeen gaadiidka dagaal ee waa weyn sida Taankiyada waa weyn ee rasaastoodu gaarto 7KM ,iyo qoryaha leh diirada ee lugu bartilmaameedsanayo dad ridaya rasaasta. Mid ka mid ah dadka deegaanadii lugu dagaalamay oo magaciisa ku sheegay Maxamed Cabdi ayaa sheegay in ciidanka Itoobiya dagaalkaasi looga soo qaaday guri dhamaantiis dhulka ay dhigeen. Isku soo wada xooriyoo Wariyaasha jooga Muqdisho ,waxa ay leeyihiin Jawiga caasumada oo dhan waa badalan yahay oo goob walba oo aysan horey ujoogin ciidanka Itoobiya waa la xiray. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland -
Madaxwaynaha Somaliya Abdullaahi Yusuf Axmed oo gaaray magaalada Nairobi ee Xarunta Wadanka Kenya. Madaxwaynaha Somaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo ayna ka mid yihiin Xubno ka tirsan labada gole ee Xukuumada iyo Gudoomiyihii Shirkii Dibu heshiisiinta Somalida cali Mahdi Maxamed ayaa gaaray gaaray shalay galinkii dambe caasimada wadanka Kenya Magaalada Nairobi. Waftiga Madaxwaynaha ayaa siwayn loogu soo dhaweeyay Gagida diyaaradaha Ee JOMA KENYATA iyadoo loo galbiyay goob ay ku nastaan Madaxwaynaha iyo waftigiisu, Imaatinka Madaxwaynaha ayaa ku soo aadaya xili uu shalay kulan balaaran kula qaatay Magaalada Baydhabo xunbo ka socda Beesha caalamka iyadoo kulankaasi looga wada hadlay arimo farabadan oo ay Beesha caalamku Madaxwaynaha kala hadleen. Sidoo kale imaatinka Madaxwaynaha ayaa ku soo aadaya xili la soo afjaray khilaaf xoogan oo ka dhex aloosnaa Madaxda Dawlada Somaliya iyo sidoo kale golayaasha Barlamanka oo qaarkood samaystay Urur Mucaarad ah balse markii dambe utanaasulay si loo xakameeyo khilaaf baahay oo xiligaasi ku dhexjiray Barlamanka. AllMudug.org kala soco wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Somaliya.
-
Buubaa oo isku soo taagay jagada Ra'isulwasaarenimo ee Somalia Mogadishu 09, Nov. 07 ( Sh.M.Network)- Iyadoo wali uu soconayo ololihii loogu jirey magacaabista Ra'isulwasaare cusub oo badali doono Ra'isulwasaarihii xilka katagay ee Cali geedi ayaa wasiirka waxbarashada Ismaciil Hurre Buubaa waxa uu daboolka ka qaaday in uu isku soo sharaxay xilka Ra'isulwasaare nimo ee Somalia. Buubaa oo maanta shir Jaraa'id ku qabtey magaalada Baydhabo ka dib kulan qado ah oo uu la qaatay xubnaha ee ku jira dowladda KMG ah ayaa waxa uu sheegay in uu buuxin karo kursiga isla markaana uu horey ugu gudbiyay Madaxwenaha warqaddiisa musharaxnimo. Wasiirka waxbarashada dowladda KMG ah ee Somalia, waxa uu sheegay in uu rajo weyn uu ka qabo hadii uu noqdo Ra'isulwasaare iin uu wax ka qaban doono dhibaatada ka oogan magaalada Muqdisho oo ah halka kaliya ee mushkiladdu ay ka taagan tahay. Mar wax laga weydiiyay sida uu ku doonayo jagadaan maadaama dowlada ay ku dhisan tahay 4.5 jagadaasina ay leeyihiin beelaha ayaa waxa uu sheegay in jagooyinka aysan u xirneyn beel beel balse ay u furan tahay muwaadin kasta. Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net Email Us: news@shabelle.net