
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Garoowe: Madaxweynaha Jabuuti oo ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Soomaaliya dadaalka uu ugu jiro dib u heshiisiinta dalka 29. July 2007 Garoowe(AllPuntland)- Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa dhambaal hambalyo ah ka helay dhigiisa dalka Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle. Dhambaalkan oo ahaa mid taageero ah oo Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle uu ugu hambaleyaynayey Madaxweyne Yuusuf dadaalka dib u heshiisiineed ee dowladda Federaalka ugu jirto sidii wada hadal wax walba loogu dhameyn lahaa. “Anigo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Jabbuuti iyo kan shacabka waxaan ugu hambalyeynayaa Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmeddadaalka dib u heshiisiin ee dowladdiisu ay u gashay sidii beelaha Soomaaliyeed u gaari lahaayeen heshiis buuxa” ayaa lagu yiri dhambaalkaasi . Dhambaalkan ayaa sidoo kale lagu magacaabay ergay cusub oo dowladda Jabuuti wakiil uga ah shirka dib u heshiisiinta kaasoo lagu magacaabo Yuusuf Cumar uuna wakiil buuxa ka yahay dowladda Jabuuti. Madaxweynaha Raashia oo Taageyrey Shirka Dib u Heshiisiinta Beelaha Somaliyeed Madaxweynaha dalka Raashia ayaa hadalkan ka jeediyay xafiiskiisa mar uu safiirka cusub ee Soomaaliya u magacowday dalka Raashia Prof Xandulle uu ka guddoomayey waraaqaha aqoonsiga safiirnimo iyadoo uu soo dhoweeyay safiirnimada cusub wuxuuna kula dardaarmay safiirka Somaaliya Dowladda Raashia ayaa shaacisay in ay taageersantahay shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed kaas oo ay sheegtay in uu soo dadajin doono xal u helida dhibatooyinka ka taagan dhamaan dalka somalia. Madaxweynaha dowladda Raashia Faladamiir Putin ayaa sheegay inuu dalkiisu si aad ah u taagerayo shirka beelaha Soomaaliyeed wuxuu kaloo madaxweynuhu si aad ah u amaaney hoolaha nabadeynta ahi ay dowlada kmg ah ka qabatey gobolo badan oo kamid ah somalia gaar ahaan magaalo madaxda somalia ee Muqdisho. Mr:Putin waxaa kaloo uu sheegay in uu si buuxda u taageerayo dadaallada ay dowladda Federaalka ugu jirto nabad iyo amaan kusoo dabaalidda dalka iyo dib uheshiisiinta fikirradaha kala duwan ee Soomaalida ka dhax jira. Wuxu kaloo Muujiyay Faladamiir Putin sida uu u aaminsan yahay in ergada ka socota midowga Afrika ee nabad ilaalinta u joogta Somalia ay awood u leeyihiin xasilooni ku baahinta dalka Somalia.
-
Pakistan will survive this, but blaming the US for all our ills is another mistake.
-
Somaliland Delegation Meets with the US Ambassador in Ethiopia
General Duke replied to Jacaylbaro's topic in Politics
any pics? Or do we take your words for it lads? -
SNM GANGS are being defeated in SSC regions of SOMALIA
General Duke replied to QabiilDiid's topic in Politics
^^^You guys are known for having abnormal visions. So look again, lool. -
2 National Reconciliation Conference Mogadishu. The 45 days that changed a nation. The national reconciliation conference (NRC) of Somalia proved two important points. 1. That the desperate Somali clans could be brought together. 2. That this grand gathering could be held in the much scared, neglected and beloved capital Mogadishu.
-
Main reasons. 1 For the TFG take over of the armed factions, looters inc and terror groups centre of power. Thus reclaiming the capital of Somalia for the Somalis everywhere regardless of clan. 2. Fostering good diplomatic relations with all major international players and getting them to support the long standing TFG policy of getting Peace Keepers and diminishing the power of the anti governemnt groups. 3. For holding successfull National Reconciliation conference in Mogadishu and bringing all the major Somali clan's together in one venue. 4. For keeping the Somali governemnt together in this difficult time of friction and corruption, and for the smooth transfer of PM from Geedi to Nur cade. The man is TFG and the hope of Somalia and long may his reign last.
-
The most important events which our man of the year took part in. These are important historical images. Madaxweynaha Somalia Cabdullaahi Yuusuf Axmed xaafidullah oo ka hadlay muddadii sannadka ahayd oo Dowladda Somalia ku sugnayd caasimadda waxyabihii ay qabatay ayuu sheegay inay ugu waaweynaayeen inay dalka ka saareen kooxo uu ku sheegay argagaxiso.
-
SNM GANGS are being defeated in SSC regions of SOMALIA
General Duke replied to QabiilDiid's topic in Politics
^^^Your group never had any effect on my sleep. Alhamdulilah. -
TFG army NSS becoming tougher also gaining vital experience
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda oo ku dagaalamay Suuqa Bakaaraha Khamiis, December 27, 2007(HOL): Iska hor-imaad xooggan oo la isugu adeegsanayo qori gacmeedyo, Bambooyinka gacanta laga tuuro iyo Bastoolado ayaa saaka waxay ka dhaceen gudaha iyo hareeraha Suuqa Bakaaraha. Iska hor-imaadyadan ayaa waxay u dhaxeeyaan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Isgoysyada Aadan Cadde iyo Howl-Wadaag ee dhanka Koofureed ka xiga Suuqa Bakaaraha iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, kuwaasi oo mararka qaarkood isku rasaaseynaya gudaha Suuqa. Gudaha iyo hareeraha Suuqa ayaa haatan waxaa ka dhaceysa rasaas ay labada dhinac is-weydaarsanayaan, waxaana gebi ahaanba istaagay dhaqdhaqaaqii dadka iyo ganacsi yar oo maalamahan ka socday Suuqa Bakaaraha, iyadoo la arkayo dad badan oo Suuqa isaga sii baxaya, si aysan waxyeello uga soo gaarin is-rasaaseynta labada dhinac. Iska hor-imaadkan hubeysan ee ka dhacay Suuqa Bakaaraha ayaa wuxuu yimid iyadoo shalay gelinkii dambe ay kooxo hubeysan weerar ku qaadeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo fariisin ku leh Isgoyska Aadan Cadde iyo Xaafadda Geed Jaceyl. Si kastaba arrintu ha ahaatee, Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa nabadgelyo la’aan la soo deristay iyo weliba iska hor-imaadyada hubeysan ee ka dhaca waxaa ay ka dhigeen mid laga sii kala guurayo, iyadoo ganacsato badan oo Suuqaas ku ganacsan jirtay ay haatan bilaabeen in ay ganacsigooda u wareejiyaan Suuqyo kale oo ay ka mid yihiin Siinaay, Suuq Bacaad iyo Suuqii Xamar-weyne. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia -
TFG army NSS becoming tougher also gaining vital experience
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
TFG units have been expanding in the suberbs of Mogadishu. More training. -
Dawlada Spain oo xiriir kala sameysay DFKMG ah siideynta shaqaalaha MSF Dawlada wadanka Spain ayaa shaaca ka qaadey inay xiriir kala sameysay xukuumada federaalka KMG ah ee Soomaaliya sidii loo siideyn lahaa laba samafayaal oo kooxo hubaysan afduub ugu geysteen magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. Wasiirka amuuraha dibada ee wadanka Spain Miguel Ángel Moratinos, ayaa daboolka ka qaadey in uu kulan la qaatey masuuliyiin ka tirsan DFKMG ah ee Soomaaliya, isla markaana ay ka wada hadleen in maanta la bilaabo wadahadal ku aadan sidii loo siideyn lahaa laba ka mid ah shaqaalaha hay’ada MSF, isagoo wasiirka arimaha dibada Spain uu sheegay inay heleen war ku aadan in afduubayaasha ay sheegeen inay balanqaadeen inay siideyn doonaan la haystayaasha walow warkaasi laga helay dhanka xukuumada Spain. Haweenka la qafaashey oo lagu magacaabo Mercedes García, oo u dhalatey wadanka Spain, Iyo Pilar Bauzá, oo u dhalatey dalka Argentine ayaa waxay si mutawacnimo ah uga shaqeynayeen deegaanada Puntland ee Soomaaliya, iyadoo la soo sheegayo in ay ku hareeraysan yihiin ciidamada Booliiska kooxaha hubaysan ee afduubka u haysta hawlwadeenada gargaarka ee hay’ada MSF Spain. Magaalada Cuadros ee ku taal wadanka Spain oo ay ka soo jeedo Mercedes García ayaa waxaa laga sameeyey dalabaadyo iyo baaqyo ku aadan in la siidaayo dhakhtaradaasi MSF oo lagu sheegay in ay caan ka tahay deegaankaasi. SBC International News Desk
-
SNM GANGS are being defeated in SSC regions of SOMALIA
General Duke replied to QabiilDiid's topic in Politics
The SNM gang are not that important and reer SSC will deal with them. Xabsade is taking his money soon he will be in garowe or Mogadishu siding with the reast of the family, -
Islamisam is important, these people are terror groups hiding behind the religion just like those clowns in Somalia. They should be dealt with.
-
President Abdullahi Yusuf outlines startegy for national STABILITY
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Madaxweyne Yuusuf oo dabayaaqada Todobaadkan Imaanaya Baydhabo “Carmooyin Exclusive” Warar ku dhow dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxweynaha dalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed uu kusoo wajahan yahay xarunta dowladda ee Baydhabo ugu dambeyn maalinta Axada ah ee inasoo aadan. Warar ku dhow dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxweynaha dalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed uu kusoo wajahan yahay xarunta dowladda ee Baydhabo ugu dambeyn maalinta Axada ah ee inasoo aadan. Wararka aanu helnay ayaa intaa raacinaya in madaxweynuhu uu maalinta Jimcaha ah ee ina soo aadan soo gaari doono magaalada Nairobi ee dalka Kenya,halkaas oo uu kulamo kula qaadan doono masuuliyiinta beesha caalamka ee Nairobi jooga. Magaalada baydhabo ayaa waxaa ka soconaya diyaar garow xoogan oo loogu jiro soo dhaweynta madaxweynaha Jamhuuriyada ,waxaana madaxweynaha laga dareemayaa fir fircooni dheeraada,iaydoo caafimaadkiisuna uu aad u wanaagsan yahay. Shaqsiyaad Soomaaliyeed oo madaxweynaha ku boqoday hotelka uu ka dagan yahay magaalada London ayaa u sheegay shabakadan in madaxweynaha Jamhuuryadu uu aad u caafiaad qabo. Madaxweynaha ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa uu kulamo is daba joog ah la lahaa jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalka ingiriiska iyo siyaasiyiin ajaanib ah oo ay ku jiraan wakiilada hey’adaha caalamiga ah iyo dalalka shisheeye u fadhiya dalka Ingiriiska. Xafiiska warqabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Muqdisho. Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@hotmail.com