
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Dekada Magaalada Kismaayo oo weli u xiran Maleeshiyaad beeleedyo hubaysan Last Updated::2008-01-01 17:13:29 Kismaayo(HRNet):-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka jubada hoose ayaa sheegay in xaalada Magaalada Kismaayo ay tahay mid cakiran iyadoo sababtu ay tahay Maleeshiyaad beeleedyo ay jidgooyooyin dhigteen Wadooyinka soo gala Dekada Magaalada Kismaayo. Xaalad Magaalada ayaa waxaa kale oo saameeyey ka dib markii Maamulka Magaalada uu soo kala dhex galay khilaaf iyadoo Gudoomiyihii hore ee dhinaca Siyaasada Beesha **** C/risaaq Faarax Taano xilka gudoomiye nimada laga qaaday ka dib marii ay Odayaasha dhaqanka Beesha **** ay ku eedeeyeen in uu howshiisa gabay. Maleeshiyaad taageersan Cabdisaaq Faarax Taano ayaa dhigtay jidgooyooyin wadooyinka soo gala Dekada Magaalada Kismaayo, iyagoo sheegay inaysan raali ka ahayan in Gudoomiye nimada laga qaaro Taano, walow ay odayaashu ku dadaalayaan inay ku qanciyaan Cabdirisaaq Taano inuu xilka iska wareejiyo. Ganacsatada Magaalada Kiasmaayo qaarkood ayaa soo dhaweeyey in xilka laga qaado Cabdirisaaq Taano, khilaafka ayaa la garan karin inta uu gaari karo walow ay jiraan dadaalo farabadan oo loogu jiro in si nabad gelyo ah lagu dhameeyo wixii khilaaf ah. HorseedNet.com
-
^^^Adeer the man has a gang and his militia are occupaying the port of Kismayu. Even his clan elders have no confidance in him. As for being a "Dr" its as fake as the title you gave him remmeber "governor" while gedonet called his "political chief of the clan for the Juba's" and now he is a gang leaders at odds with his clan elders, I care not for his brother being a famous man, it matters not I judge the man by his political actions and not the titles his clan militia give him. So far he is performing even worse than warlords like Qaynyare, Sudi & Hiiraale Any how Gedonet, HornAfrik Shabbale are all reporting this. Its a shame that this militia can not even run a small port like Kismayu's let alone a region Or even build an admin..
-
SOOL news sites support President Yusuf clear stance
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
audio -
SOOL news sites support President Yusuf clear stance
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
M/weyne Yusuf oo maanta shir jaraa,id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa ka News/Articles >halka ka dhegeyso Wararkii Cawa iyo Caalamka ee VOICE OF AMERICA qeybta Af Soomaliga,waxaana Cawa ku jira wararkii ugu danbeeyey ee Somalia iyo weliba wararkii caalamka iyo caawa M/weyne Yusuf oo maanta shir jaraa,id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay dhismaha xukuumada cusub, hawlgalada amniga, waxqabadka dawlada iyo weliba duulaanka ay soo qaadeen Jabhada SNM [somalida Neceb Midnimada] ayuu madaxweyne sheegey in an loo dulqaadan doonin weerarka ay soo qaadeen hadiise ay ka bixi waayaan wuxuu yiri waxaa lagaga sari doonaa Xoog taasna waxaa ka masuul ah cidii weerarka soo -
Muqdisho: Hub fara badan oo ay soo qabteen Ciidamada dowlada Soomaaliya. 1. januar 2008 Muqdisho(AllPuntland)- Ciidamada dowlada Soomaaliya oo maalmahaan isweyn ugu soo badanayay Magaalada Muqdisho ayaa maanta soo qabtey hub fara badan ,kaasoo ay adeegsanayeen Kooxaha dowlada Soomaaliya ka soo horjeeda ,ayagoo laga soo qabtey degmooyinka gobalka Banaadir ee dalka Soomaaliya. Ciidamadu waxa ay saaka howlgal balaaran ka sameeyeen deegaano ay ka mid yihiin degmada Dharkiinleey ,ayagoo halkaasi ka soo qabtey hub fara badan oo iskugu jira Bambooyinka gacanta laga tuuro ,Hoobiyayaal iyo Waxyaabo kale oo dhamaantood ka mid ah waxyaabaha qarxa. Gudoomiyaha degmada Dharkiinleey ayaa AllPuntland usheegay in ay qabteen hubkan ka dib markii ay heleen Warbixino ku aadan in kooxaha hubkan heystaa yihiin kuwa inta badan dhibaatada ka wada Magaalada Muqdisho ,isagoo sheegay in haatan lasoo qabtey dadkii iyo Hubkii ay adeegsanayeen. Axmed Daaci wuxuu kaloo hoosta ka xariiqey in ay gacanta ku soo dhigi doonaan Xubno wali looga shakisan yahay amnidarada Magaalada Muqdisho ,isagoo taasna sheegay in mar dhaw Saxaafada loo soo bandhigayo marka lugu guuleysto in lasoo qabto. Kumanaan dad ah oo maanta iskugu soo baxay Saldhiga degmadaasi ayaa loo soo bandhigey Hubkaasi fara badnidiisa iyo Noocyadiisa ,isagoo uu halkaasi hadal wacyigalin ah ujeediyey dadka taliyaha ciidamada Booliska ee degmadaasi ,wuxuuna ugu baaqay in ay dadku soo sheegeen Nabad diidayaasha ku dhuumanaya deegaanada gobalka Banaadir guud ahaantiis gaar ahaana degmada ay joogaan. Taliyuhu wuxuu sheegay in ay ciidamadu wadayaan howlgallada ay ku soo qabanayaan Hubabka Sharcidaradaa ee loo adeegsanayo amaandarida Soomaaliya iyo Kooxaha adeegsanaya oo uu sheegay in ay yihiin kuwa ka soo horjeeda Israaca Umada Soomaaliyeeed. Madaxda Duqowda dhaqanka ee degmadaasi oo halkaasi ka hadlayay ayaa mahadcelin balaaran ujeediyey ciidamada Booliska Soomaaliya ,ayagoo sheegay in ay yihiin kuwa doonaya in dalkoodu gaaro nabad waarta ,taasna ay ku mudan yihiin in lagala shaqeeyo. Mid ka mid ah Odayaasha ayaa shaaca ka qaaday in ay gacansiin doonaan ciidamada dowlada Soomaaliya ,isla markaana ay sharci tahay in lasoo gacangaliyo cid walboo ka soo horjeeda amaanka Magaalo Madaxda dalka Soomaaliya. Hubkii maanta lasoo bandhigey ayaa ahaa kii ugu faraha badnaa ee laga soo qabto degmada Dharkiinleey ,ayagoo ay dadweynuhu soo dhaweeyeen talaabada geesinimada leh ee ay ciidamadu Sameeyeen ee ku aadan soo qabashada hubabkan. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
-
SOOL news sites support President Yusuf clear stance
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
These are SOOL sites, that speak for the region. Not Jamhuriya, Qaran which are SNM mouthpieces. -
SOOL news sites support President Yusuf clear stance
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
M/weyne Yusuf "Somaliland Hadaaney kabixin Sool Way Burburaysa" {Baydhaba}1.1-8 "Madaxweynaha Somalia oo shirjaraa'id qabtay ayaa soo hadal qaaday weliba si qoto dheer uga hadlay Xaalada magaalada Laascaanood "waar Hooy (Somalilaaneey) isaga baxa gobolka sool waa idiin danee haddii kale awood milateri ayaan idiin adeeg sanaynaa" ayuu sikulul uyidhi madaxweyne yuusuf...................... Madaxweynaha dowladda Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Baydhaba oo uu maalintii shalay dib ugu soo laabtay kadib safar caafimaad oo uu muddo ugu maqnaa dalka Ingiriiska ayaa wuxuu uga warbixiyey xaaladda caafimaadkiisa, dagaalka aan dhammaadka lahayn ee ka socda qeybo ka mid ah Soomaaliya, gaar ahaan caasimadda Muqdisho iyo heysashada Somaliland magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool. Ugu horreyn xaaladdiisa caafimaad ayuu ka hadlay wuxuuna sheegay in caafimaadkiisu hagaagsan yahay isla markaana lagu guuleystay dadaaladii lo galay sidii loo badbaadin lahaa markii xaaladiisa caafimaadka ay halis gashay, haatanna uu bed qabo oo uu Baydhaba ku soo laabtay, wuxuuna xusay in uu awood u leeyahay in uu weli siyaasadda uu sii wado. Waxa kale oo uu ka hadlay xaaladda colaadeed ee gobollada dalka qaar sanad kadib ka sii taagan gaar ahaan wuxuu ka hadlay qaraxyada iyo weerarada Muqdisho ka soconaya, wuxuuna xusay in dagaallada ka sii socda Muqdisho ay ugu wacan tahay magaalada oo ah meel aan lagu dagaalami karin oo aan duur ahayn, kooxaha dagaalamayana ay ku gambanayaan goobaha shacabkooda ay degan yihiin, laakiin wuxuu ku adkaystay in si kastaba dowladda Soomaaliya ay nabad ku soo dabaali doonto caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. “Uma dulqaadanayno dadka la leynaya, kuwa falalkaas ku jirana ee dadka leynaya waa la soo qabqabanayaa oo sharciga iyo cadaaladda ayaa la hor keenayaa, waana lagama maarmaan in la xaliyo waddanka Soomaaliya” ayuu yidhi Madaxweyne Yuusuf oo sheegay in sanadkan cusub wax badan isbedeli doonaan. “Xukuumad tayo sare leh oo ka wanaagsan kuwii hore ayaa la soo dhisayaa, wax badanna wey qaban doontaa xukuumadda cusub” ayuu yidhi Madaxweyne Yuusuf oo dhinaca kale sheegay in waxyaabo badan ay sanadkii hore dowladdiisu qabatay sida la wareegidda magaalooyin waaweyn oo Soomaaliya oo ay ka mid tahay caasimadda Muqdisho iyo kuwo kale oo badan, wuxuuna ku faanay madaxweynaha in dagaalladii ay la galeen kooxihii ka soo horjeeday sanadkii tegay ay kaga guuleysteen, inkastoo dagaalladaas kuwo ka daran oo dhimasho, dhaawac iyo barakac sababay Soomaaliya kas sii socdaan. Waxa kale oo madaxweynuhu sheegay in dowladdiisu ay qabatay shir dib u heshiisiin ah oo sida uu yidhi lagu qabtay magaalada Muqdisho, wax badan oo dan u ah ummadda Soomaaliyeedna uu ka soo baxay shirkaas Soomaalida loo qabtay. Madaxweynuhu wuxuu soo hadal qaaday weliba si qoto dheer uga hadlay magaalada Laascaanood oo gacan ku heynteeda ay la wareegeen maamulka Somaliland iyadoo horey maamulka Puntland uu awood ku lahaa magaaladan balse looga awood roonaaday, wuxuuna sheegay in aysan ka ogolaan doonin Maamulka Somaliland in ay kala gooyaan gobollada dalka Soomaaliya, lana aqbali doonin in ciidamada Somaliland ay sii joogaan deegaanka Laascaanood, waxa uga digay Somaliland inay ka baxdo magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool haddii ay ka bixi waayaana tallaabo la qaadi doono, dowladda Soomaaliyana aysan ka gaabsan doonin arrimaha Gobolka Sool, isagoo xusay inta dagaal culus uusan dhicin oo dad ku baaba’in halkaas ay si nabadgelyo ah ugaga baxdo magaaladaasi Somaliland. Jor..Widhwidh Online news Desk..Media Center -
Cabdilaahi Yuusuf: “Nimanka soo duulay oo Maamulka Riyaale uu hoggaaminayo laga aqbali-mayo dalka in ay kala gooyaan oo Dad Soomaali ah oo gobolladooda jooga ay xoog ku qabsadaan” Jan 01, 2008 By: Baydhabo(Jidbaale): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo maalintii shalay ahayd dib ugu soo laabtay Dalka Soomaaliya ayaa maanta wuxuu magaalada Baydhabo ku qabay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Xaaladdiisa Caafimaad, Tayada Xukuumadda uu soo dhisayo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, Xaaladda Magaalada Muqdisho iyo Xiisadda ka taagan Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool. Madaxweyne Yuusuf oo markii uu shirka jaraa’id qabanayay ay dhinacyadiisa fadhiyeen Guddoomiyaha Baalamaanka Shiikh Aadan Madoobe iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa wuxuu sheegay in caafimaadkiisa uu wanaagsan yahay, isla markaana muddo todobaadyo ah lagu soo daweeyay Isbitaal ku yaala Magaalada London ee Dalka Ingiriiska. Saxaafadaha Caalamka ayaa waxay qorayeen in uu caafimaadkeyga aad u liito, qaar waxay sheegayeen in aanan soo noqoneyn, kuwana waxayba sheegeen in aan dhintay, balse hadda waxaad u jeeddaan in aan wanaagsan yahay, oo aan soo laabtay ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf oo sheegay in uu haatan dib u sii amba qaadayo howshii qabyada ka ahayd dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa uu Sidoo kalena ka hadlay xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, wuxuuna sheegay in aan maamulka Somaliland laga yeeli doonin in ay xoog ku qabsadaan dad gobolladooda jooga, “Dowlada Federaalka iyo qof kasta oo muwaadin ah midna yeeli-mayo in Soomaaliya la kala gooyo, Nimanka soo duulay oo Maamulka Riyaale uu hoggaaminayo laga aqbali-mayo dalka in ay kala gooyaan, lagana aqbali-mayo dad Soomaali ah oo gobolladooda jooga in ay xoog ku qabsadaan, dabadeedna iyagoo raba in ay xoog ku go’aan in ay la go’aan laga yeeli-mayo”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in uu rajeynayo in uu maamulka Somaliland Ciidamadiisa la baxo oo uu wax fahmo. Waa markii ugu horeysay oo uu madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed uu si kulul uga hadlo xiisadda ka taagan Gobolka Sool tan iyo markii loo doortay madaxweynenimada Soomaaliya, wuxuuna hadalkiisan ku soo beegmayaa iyadoo ciidamo u daacad ah maamulka Somaliland uu dhawaan la wareegay gacan ku heynta magaalada Laas-caanood ee Gobolka Sool. Jidbaale.com
-
Muqdisho: Hub fara badan oo ay soo qabteen Ciidamada dowlada Soomaaliya. 1. januar 2008 Muqdisho(AllPuntland)- Ciidamada dowlada Soomaaliya oo maalmahaan isweyn ugu soo badanayay Magaalada Muqdisho ayaa maanta soo qabtey hub fara badan ,kaasoo ay adeegsanayeen Kooxaha dowlada Soomaaliya ka soo horjeeda ,ayagoo laga soo qabtey degmooyinka gobalka Banaadir ee dalka Soomaaliya. Ciidamadu waxa ay saaka howlgal balaaran ka sameeyeen deegaano ay ka mid yihiin degmada Dharkiinleey ,ayagoo halkaasi ka soo qabtey hub fara badan oo iskugu jira Bambooyinka gacanta laga tuuro ,Hoobiyayaal iyo Waxyaabo kale oo dhamaantood ka mid ah waxyaabaha qarxa. Gudoomiyaha degmada Dharkiinleey ayaa AllPuntland usheegay in ay qabteen hubkan ka dib markii ay heleen Warbixino ku aadan in kooxaha hubkan heystaa yihiin kuwa inta badan dhibaatada ka wada Magaalada Muqdisho ,isagoo sheegay in haatan lasoo qabtey dadkii iyo Hubkii ay adeegsanayeen. Axmed Daaci wuxuu kaloo hoosta ka xariiqey in ay gacanta ku soo dhigi doonaan Xubno wali looga shakisan yahay amnidarada Magaalada Muqdisho ,isagoo taasna sheegay in mar dhaw Saxaafada loo soo bandhigayo marka lugu guuleysto in lasoo qabto. Kumanaan dad ah oo maanta iskugu soo baxay Saldhiga degmadaasi ayaa loo soo bandhigey Hubkaasi fara badnidiisa iyo Noocyadiisa ,isagoo uu halkaasi hadal wacyigalin ah ujeediyey dadka taliyaha ciidamada Booliska ee degmadaasi ,wuxuuna ugu baaqay in ay dadku soo sheegeen Nabad diidayaasha ku dhuumanaya deegaanada gobalka Banaadir guud ahaantiis gaar ahaana degmada ay joogaan. Taliyuhu wuxuu sheegay in ay ciidamadu wadayaan howlgallada ay ku soo qabanayaan Hubabka Sharcidaradaa ee loo adeegsanayo amaandarida Soomaaliya iyo Kooxaha adeegsanaya oo uu sheegay in ay yihiin kuwa ka soo horjeeda Israaca Umada Soomaaliyeeed. Madaxda Duqowda dhaqanka ee degmadaasi oo halkaasi ka hadlayay ayaa mahadcelin balaaran ujeediyey ciidamada Booliska Soomaaliya ,ayagoo sheegay in ay yihiin kuwa doonaya in dalkoodu gaaro nabad waarta ,taasna ay ku mudan yihiin in lagala shaqeeyo. Mid ka mid ah Odayaasha ayaa shaaca ka qaaday in ay gacansiin doonaan ciidamada dowlada Soomaaliya ,isla markaana ay sharci tahay in lasoo gacangaliyo cid walboo ka soo horjeeda amaanka Magaalo Madaxda dalka Soomaaliya. Hubkii maanta lasoo bandhigey ayaa ahaa kii ugu faraha badnaa ee laga soo qabto degmada Dharkiinleey ,ayagoo ay dadweynuhu soo dhaweeyeen talaabada geesinimada leh ee ay ciidamadu Sameeyeen ee ku aadan soo qabashada hubabkan. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
-
Madaxwaynaha Somaliya oo shir jaraa'id ku qabtay maanta Magaalada Baydhabo kagana hadlay xaaladda Laascaanood iyo arimo kale. Madaxwaynaha Somaliya oo shir jaraa'd ku qabtay Magaalada Baydhabo kadib safar uu inmudaa kaga maqnaa ayaa kaga hadlay Arimo ay ka mid yihiin xaaladiisa caafimaad, Xaaladda Gobolka Sool, Arimaha nabad ku soo dabaalida Muqdisho iyo sidoo kale golaha cusub ee wasiirada oo lagu wado in lagu dhawaaqo maalinta barito ah. Madaxwaynaha oo ugu horayn ka hadlay xaaladiisa caafimaad ayaa ku soo koobay warka inuu aad wacan yahay baaritaan caafimaad oo uu London u aadayna uu ku soo guulaystay hadana uu caadi uwadanayo howlihiisa shaqo isagoo dhanka kalana ku tilmaamay warar xaqiiqda ka fog kuwa sheegay inuu liito caafimaad ahaan. Sidoo kale wuxuu ka hadlay xaaladda Gobolka Sool isagoo mar uu arintaasi ka hadlayay yiri" Waa wax aad looga xumaado kala goynta Somaliya iyo in duulaan qaawan laysku soo qaado waxaana ugu baaqayaa Maamulkaasi inuu ciidamadiisa ka daad guraysto laascaanood oo uusan dagaal faraha noo galin hadii kale sii joogi mayaan Laascaanood ee awood ayay kaga baxayaan" Waxaa sidoo kale uu madaxwaynuhu ka hadlay xukuumada cusub ee dhawaan lagu wado in lagu dhawaaqo isagoo sheegay inay soo dhawaynayaan dhismaha xukuumadaasi oo uu ku sheegay mid tayo leh kana koobnaan doonta 18 wasiir oo qura isagoo sheegay in siwayn loogu hanwayn yahay dhismaha xukuumadaasi iyo wax qabadkeedaba. Ugu dambayntii wuxuu sheegay madaxwaynuhu in xukuumadiisu ay guulo la taaban karo gaartay sanadkii tagay ayna sanadkan is raacinayso inta ka harsan guulaha oo ay ugu horayso in tirada yar ee qasaysa Muqdisho gacan bir ah lagu qabto lagana sifeeyo wadanka kooxaha qarandiidka uu ku tilmaamay isagoo madaxwaynuhu ku faanay in dawladiisu aysan awood u waayin ee ay shacabka dhawrayso inaan dhibaato gaarin. Madaxwaynaha ayay labadiisa garab fadhiyeen markii uu khudbadan jeedinayay Raisal barlamanka somaliya iyo Raisal wasaaraha Somaliya iyadoo shirkaasi jaraa'id ay goob joog ahaayeen xubno badan oo ka tirsan barlamanka somaliya iyo golaha wasiirada intaba.
-
Yusuf: " Riyaale laga aqbali mayo in uu dalka kala gooyo" 1 Jan 1, 2008 - 5:24:40 AM Madaxweynaha Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed oo shir jaraa'id maanta ku qabtay Madaxtooyada DF ee Baydhabo ayaa kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin: Caafimaadkiisa, Dhismaha xukuumadda cusub, Xaaladda Laascaanood iyo sidoo kale xaaladda Muqdisho. Madaxweyne Yuusuf; ayaa ka sheekeeyay ugu horreyn xaaladdiisa caafimaad isagoo sheegay inuu aad u caafimaad qabo, wxuuna yiri: "Inkastoo saxaafaddu sheegtay inaan soo laaban doonin, haddana maanta waa i kan oo aan idin kala hadlayo Baydhabo, xaaladdeyda caafimaadka waa mid wanaagsan; waxaana la i daweynayay saddex toddobaad". Yuusuf, wuxuu ku sheegay sababta uu dhaqso ugu soo laabtay dalka inay tahay inuu qayb ka qaato howlaha dhismaha xukuumadda cusub ee tirada yar, taasoo uu sheegay inuu aamisan yahay inay noqon doonto mid howlo badan dalka ka qabata. Xaaladda Laascoonood oo uu ka hadlay Madaxweyne Yuusuf ayuu sheegay inaysan suurogal ahayn in dad deegaannadood lagu duulo oo la qabsado, mana aqbalayso taas Dowladda Federaalka qof muwaadin ahna ma aqbalayn arrintaas foosha xun. "Maamulka Rayaale waxaan u sheegaynaa inaan laga ogolaan doonin inuu kala goo-gooyo Somalia; waxaan ka rajeynaynaa Somaliland inay ciidameeda kala baxaan Laascaanood; mana rajeynayo in dagaal weyn la galo, balse waxaan ku baaqayaa inay wax fahmaan oo ay ciidamadooda la baxaan" ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf Axmed. DF, ayuu sheegay inay dalka oo dhan ka taliso, wuxuna xusey inay rajeynayen in Maamulka Somaliland uu garwaaqsado gefka uu ku jiro, balse haddii ay garanwayaan aan looga harayn arrintaas. Mar uu ka hadlay sababta keentay inaysan u suurogelin muddo sannad ah ciidamada Somalia iyo kuwa Itoobiya gacanta ku qabtan amniga guud ee dalka ayuu yiri: "Muqdisho ma ahan meel lagu dagaalami karo waayo waa meel ay daggan yihiin shacab, halka ugu badan ee ay dagaalladu ka dhacaanna waa Muqdisho, marka waxay Dowladdu balanqaadaysaa inay xasiliso sannadkaan caasimadda". Hadalka Madaxweyne Cabdulahi Yusuf ayaa ku soo begmay xilli maamulka Somaliland ka taliyo magaalada Lascaano noqnaya kii ugu horeeyay uu kaga hadlo xiisada u dhexeysa Puntland iyo Somaliland. Ka dhagayso halkan hadalka Madaxweynaha oo kooban Garowe Online, Muqdisho
-
Madaxweyne Yuusuf “Maamulka Rayaale laga aqbali mayo in uu Soomaaliya kala gooyo”. Madaxweynaha dalka Somaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta magaalada Baydhabo ku qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay arrimo kala duwan oo ku aadan xaalada uu haatan dalka Soomaaliya marayo. Madaxweynaha dalka Somaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta magaalada Baydhabo ku qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay arrimo kala duwan oo ku aadan xaalada uu haatan dalka Soomaaliya marayo. Madaxweynaha ayaa ugu horeyn shirkiisa jaraa’id kaga hadlay xaaladiisa caafimaad oo uu sheegay in ay aad u wanaagsan tahay oo wax dhibaato ah aanu qabin uuna usoo dhamaaday safar caafimaad oo muddo 3 todobaad ah uu ku maqnaa. “Saxafiyiint ayaa xaaladayda caafimaad aad u buun buuniyay oo ku sheegay mid aan caadi ahayn,waxaadna ogtihiin in aniga oo soconaya howleheyga caadiga ahna wata ay sheegeen in aan Koma galay”ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyaddu. Madaxweynaha ayaa sheegay in howlaha haatan horyaala oo uu u soo dag dagay ay ka mid tahay soo dhisida xukuumada cusub oo uu sheegay in uu rajeynayo wax badan in ay ka badasho xaaladaha dalka Soomaaliya. Mar uu ka hadlayay magaalada Muqisho rabshadaha ka jira waxaa madaxweynuhu uu sheegaym in waxa haatan Muqdisho ka jira aan lagu tilmaami Karin dagaal. “Dowladdu awood kama dambeyn ah way u adeegsan kartaa qolooyinka rabshadaha wadda laakin waxaanu diidanahay in ay dhibaato kasoo gaarto shacabka ay ku dhex dhuumanayaan”ayuu yiri madaxweynaha jamhuuriyada oo ugu baaqay shacabka in ay dowlada ciidmadeeda usoo sheegaan meelaha ay rabshad wadayaashu ku dhuumaaleysanayaan. Mar uu ka hadlayay arrinta la xiriirta dhibaatada colaadeed ee maamulka Soomaali diidku ka wado dalka waxaa uu sheegay in dalku uu dowlad leeyahay Soomaali diidkana aan laga aqbali kareyn dhibaatada ay wadaan. “Maamulka Rayaale laga aqbali mayo in uu Soomaaliya kala gooyo waxaana ugu baaqayaa Rayaale iyo dadka la shaqeeya in ay Soomaali weyn xauustaan oo ay ka haraan dhibaatada ay wadaan”.ayuu mar kale yiri madaxweynaha jamhuuriyadu.
-
Raila Odinga claims victory in cliffhanger elections
General Duke replied to Suldaanka's topic in Politics
^^^I think we should wait on the news and stop parroting western media reports which are always unfair and hughly negetive to African issues. -
^^^LOOOOOOOOOOOOOOOOL. Adeer Shabbele news site is run by the Guricel clan and if tey refuted your erlier claim then its dead. The local clan have said there are no "court" militias or any other anti TFG ones in Guricel. If Xasan Dahir cannot liberate his own town what is his prospects of going any where else?
-
Howlihii Dekada kismaayo oo ay hakad galiyeen maleeshiyo beeleedyo la wareegay dekadaasi Sh, M network 01 Jan 08, 05:31 Mogadishu 01, Jan. 07 (Sh.M.Network)-Maleeshiyaadkan hubeeyasan ee ka soo jeeda beesha **** oo iyada gacanta ku heeysa maamulka magaalada Kismaayo ayaa waxaa galinkii danbe ee shalay irdaha isgu dhufteen guud ahaanba howlihii shaqo ee dekada weeyn ee Kismaayo. Maleeshiyaadkan ayaa waxaa la sheegayaa in ay wehliyaan xubno haween ah oo rasaas ooda kaga qaaday gawaaridii shixnadaha ganacsi ka soo qaadayay iyo kuwo dhuxul galinayay dekada Magaalada Kismaayo. Arinta ayaa waxa ka hadlay mid ka mida siyaasiyiinta beesha ay ka soo jeedaan maleeshiyaadkaasi isla markaana ahaa gudoomiyihii hore ee gudiga siyaasada beesha **** C/risaaq Faarax Taano ayaa waxaa uu tilaamay in ay ku gudo jiraan sidii ay uga qaadi lahaayeen maleeshiyaadkaasi heeysta dekeda magaalada Kismaayo. Sidoo kale masuulkaasi waxaa uu meesha ka saaray in wax xil ah aan laga qaadin isaga odayaasha beesha sadena ay yihiin kuwo aan xilkas aheeyn lana donayo in isku shaandheeyn lagu sameeyo gudiga sare ee beesha **** oo uu isagu ka haa gudoomiyah siyaasada beeshaasi. Waxaan uu xusay in soo lab laabashada maleeshiyaadka qabsada dekadaasi ay sabab u tahay qilaafka u dhexeeyay beesha ****. Dadka odorosa siyaasada ayaa waxaay ku micneeyeen in maleeshiyaadka hakadka galiyay howlihi dekeda Kismaayo uu masuulkani ka danbeeyay isla markaan ay ka soo jeedaan isku jufo uun isaga ka danbeeyay shaqaaqooyinka ka dhacay dekadaasi. Waxaa lagu wadaa in maalmah soo aadan la xaliyo qilaafaadka ka taagaalada Kismaayo ee la xiriira isqab qabsiga dhinaca dhaqaalaha ka soo xaroda dekada Magaaladaasi.
-
Raila Odinga claims victory in cliffhanger elections
General Duke replied to Suldaanka's topic in Politics
All I see is a close election. Western news articles [that makes African's look bad] is not any proof I dont much care for it, but old Kibaki is back and Kenya will move on. If you rigg an election you do it like the rest of Africa were one gets 80% of the vote. I think this was too close to be rigged and kibaki has support from the largest tribe and some others. -
Taliye maliishiyadeed Taano oo isbaaro dhigtay Kismaayo hakiyayna howshii dekedda kismaayo. Maliishiyooyin ka amar qaata Taliye maliishiyadeedka lagu magacaabo C/risaaq Faarax Cali Taano ayaa waxaa ay jidgooyo dhigteen wadada dheer ee isku xirta bartamaha magaalada kismaayo iyo dekeda magaalada,waxaana ay taasi keentay in ay shaqadii dekedu joogtsato. Maliishiyooyin ka amar qaata Taliye maliishiyadeedka lagu magacaabo C/risaaq Faarax Cali Taano ayaa waxaa ay jidgooyo dhigteen wadada dheer ee isku xirta bartamaha magaalada kismaayo iyo dekeda magaalada,waxaana ay taasi keentay in ay shaqadii dekedu joogtsato. Odayaal ku abtirsada beesha Sede ayaa shalay gellinkii hore ku dawaaqay in ay hoggaan cusub u sameeyeen maamulka kismaayo,waxaana ay taasi keentay in uu caroodo Taliye maliishiyadeed Taano oo sheegan jiray in uu yahay Guddoomiyaha Kismaayo,kadibna uu isbaaro dhigto . Saaka ma jraan howlo ka socda dekeda kismaayo,ma jiraan gaadiid galaya ama kasoo baxaya,waxana sidoo kale ku dhex xayiran shaqaalihii dekeda ku jiray markii maliishiyada Taano ay isbaarada dhiganayeen. Waxaa soconaya isku dayo lagu doonayo in lagu xalliyo mushkiladan,hase ahaatee waxaa la is weydiinayaa cida awooda u yeelan karta in ay qaado jidgooyadan oo maliishiyooyinka fadhiya ay si toos ah uga amar qaataan Cappo Deimalizie Taano. Cappo Dei malizie Taano ayaa sheegay in odayasha Dhaqanka ee beeshiisu ay yihiin kuwo aan wax aqoon ah lahayn hadana u shaqeynaya sidii baarlamaan oo kale,xil ka qaadista ay ku sameeyeena ay tahay mid aan sharci ahayn oo aanu qabalaynin. Wax yar kadib marka uu Sidaa yiri cappo Dei Malizie Taano,ayaa laga war helay jidgooyada ay maliishiyooyinkiisu dhigteen,waxaana haatan magaalada Kismaayo ka taagan xaalad kacsanan leh,lamana garanayo sida ay wax noqon doonaan.
-
Dekedda Kismaayo oo ay caadi ka noqotay maleeshiyooyinka xiranaya Posted by Kismaayo Monday, December 31 @ 22:45:26 PST Dekedda caalamiga ah ee magaalada Kismaayo oo kamid dekedaha ugu waaweyn ee Somalia ayaa waayadan danbe waxaa caadi ka noqday maleeshiyaadka gadoodsan ee dalbanayo dhaqaale ama waxyaabo kale ka cabanayo ee hakadka galinayo howlaha shaqo ee dekedda, inkastoo markasta saacado kadib lagu guuleysto in laga furdaamiyo. Falkii u danbeeyey ayaa xalay maqribkii maleeshiyaad ka careysan xil ka qaadistii lagu sameeyey guddoomiyihii Golaha siyaasadda ee beesha **** C/risaaq Faaax Taanno ay jidgooyo ku dhigteen afaafta hore ee dekedda, iyagoo joojiyey gaadiidka gala dekedda, kana soo baxa, waxaana gebi ahaanba istaagay howlihii dejinta iyo rarista ee ka socday gudaha dekedda Kismaayo. Maleeshiyaadkan oo kamid ah kuwa deegaanka ayaa dalbanayo in Dr C/risaaq Taanno xilkiisa dib loogu celiyo, haddii kale ay sii heysan doonaan dekedda, oo ay sii xanibnaan doonta, waxaan soconayo dadaallo ay hormuud u yihiin odayaasha dhaqanka ee beesha **** oo lagu doonayo in maleeshiyaadka dekedda looga soo saaro. Dr C/risaaq Faarax Taanno oo wax laga weydiiyey xirnaashaha dekedda ayaa sheegay in ay ku dhacday maamul xumo “Maleeshiyaadka waxaa ay ka kacsan yihiin maamul xumo iyo hoggaanka dhaqanka oo soo farageliyey golaha siyaasadda, marka dhibka yae ee jira waa la saxayaa” ayuu yiri Mr Taanno oo ku celceliyey faragelinta ay odayaasha ku sameeyeen maamulkii uu madaxa u ahaa. Waxaa ay ku soo beegmeysaa xirashada dekedda ee maleeshiyaadka 24 saac kadib markii guddoomiyayaha cusub ee golaha siyaasadda beesha **** loo magacaabay Ismaaciil Maxamed Nuur ( Ismaaciil Qalinle), kaasoo waxyar kadib magacaabistiisii sheegay in uu wax ka qaban doona howlihii dekedda oo markii shaqada laga joojiyey guddigii dekedda isku dhaxyaacay. Maxamed Xaashi Tawakal, Gedoweb Kismaayo.
-
Beesha............ oo magacaabatay guddoomiye cusub ee Golaha siyaasadda Posted by Kismaayo Monday, December 31 @ 06:32:21 PST Kadib shirar iyo kulamo isdaba joog ah oo tobankii cisho ee u danbeeyey ay magaalada Kismaayo ku yeelanayeen hoggaanka dhaqanka ee beesha **** G/J/hoose, kuwaasoo looga arrinsanayey soo magacaabidda Golaha siyaasadda ee beeshaasi kadib markii shaqadii laga eryey golihii siyaasadda ee uu hoggaamin jiray C/risaaq Faarax Cali Taanno ayaa habbeenimaddi xalay waxaa la magacaabay guddoomiye cusub ee Golaha siyaasadda. Gudoomiyaha cusub oo loo magacaabay Ismaaciil Maxamed Nuur (Ismaaciil Qalinle), oo horay u ahaa madaxii dhinaca maaliyadda ee dekedda caalamiga ah ee Kismaayo ayaa odayaasha dhaqanka ee beesha **** waxaa ay sheegeen in magacabista mas'uulkan ay ka danbeysay kadib wadatashiyo xiriir ah oo duubabka dhaqanka iyo waxgaradka beeshu ay yeesheen, waxayna ku dhawaaqeen in si rasmi ah xilka looga xayuubiyey guddoomiyihii golaha siyaasadda C/risaaq Faarax Taanno. Afhayeenka odayaasha dhaqanka ee beesha ee J/hoose C/naasir Xasan Xirsi (Shaarib) oo xalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay soo dhisi doonaan guddoomiye ku xigeenka golaha siyaasadda iyo xubnaha kamid noqon doona intaba golaha siyaasadda, wuxuuna kula dardaarmay guddoomiyaha cusub in xilkiisa si waafaqsan cadaaladda uu u guto, waxqabad la taaban karana uu soo bandhigo, isagoo ku hanjabay in guddoomiyaha cusub kalsoonida lagala noqon doona haddii uu ku guul dareysto gudashada xilkiisa. Sikastaba ha ahaatee 21-kii bishan December ayey aheyd markii lakala diray Golihii siyaasadda ee uu madaxa uu ahaa Dr C/risaaq Taanno, waxaa sidoo kale xilligaasi shaqadii laga joojiyey guddigii dekedda maamulayey oo lagu eedeyey in ay lunsadeen hanti aad u fara badan, waxaana waqtigan la ogeyn in guddigaasi dib loo soo celin doona iyo inkale inkatoo warar aan la hubin ay sheegayaan in xubnaha guddiga dekedda dib loo soo magacaabayo, waxaana dhinaca cadeyn sida Dr C/risaaq Taanno uu ugu qanacsan yahay xilka laga qaaday iyo in uu la shaqeyn doona guddoomiyaha cusub Ismaaciil Maxamed Nuur (Ismaaciil Qalinle). Maxamed Xaashi Tawakal, Gedoweb Kismaayo.
-
Isbaarooyin la soo dhoobay wadada isku xirta Dekeda & magaalada Kismaayo Kooxo hubeysan ayaa markale waxaa ay jidgooyooyin hdigteen qeybo ka mid ah wadooyinka isku xira dekeda iyo magaalada Kismaayo. Ayadoo guud ahaanba istaag tay dhaq dhaqaaqa guud ee marsada caalamiga ah ee magaalada kismaayo,Taa oo ay ka soco neysay howlo lagu dhoofinayay shixnado dhuxul ah sidoo kaleetana ay ka degayeen wayaabo la xiriira qutul daruuriga. Intabadan marsada caalamiga ah ee magaalada Kismaayo ayaa galabnimadii gelikii dambe ee shalayto ilaaiyo haween nimadi xalayto ilaaiyo waaberigii horey ee saakarto u xiran kooxo hubeysan waxana in tabadana kooxa haasi lasheegay in ay ka gadoonsan yihiin wax yaabo la xiriira xaga maamulka iyo sidookale tasiilaadka dhinaca mushaaraadka ciidamada dhoorjeeroo hare ayaa waxaa sidoo kaleeto magaarada Kismaayo Jigooyooyin oo ay u dhigteen bartamaha magaalada kismaayo ayadoo aysan jirin cid wax kaqabatay marka laga reebo hogaamiyeyaasha dhinaca dhaqanka oo kalahadlay sidii ay jidgooyooyinkaasi uga qaadi lahaayeen goobaha ay maleeshiyooyinka hubeysan dhiteen balse haatan ciidamada boliseka magaalada kimaayo ay ka hoowlgalayaan qebo badan oo katirsan gobolada jubooyinka ayaa aysan jirin talaabo amaanka lagu sugayo oo ay kaga qaadeen kooxahaasi hubeysan Sidii wax looga qabanlahaa xaalada amaan ee wadada dheer ee isku xirta dekeda magaalada kimaayo iyo gudaha magaalada balse imika ayaa waxaa soo kordhaya oo sii xoogeysanaya maleeshiyooyinka hubeysan ee bartamaha magaalada kismaayo jidgooyooyinka dhiganaya iyo israsaaseynta xiliyada maalintii ah oo ay sameynayaan kooxaha hubeysan ayadoo dhawaqa rasaastu ay ku sii xoogeysanaya qeybo kamid ah magaalada kismaayo oo aan lagaraneynin sababaha rasmiga oo ay maleyshiyooyinka hubeysan ay rasaata u ridayaan. Ari mahani oo dhan ayaa waxay ku soo beegmayaan xili todobaad yadii aynu ka soo gudubnaymagaalada kismaayo ay jireen kacdoono siyaasadeed oo islamarkaasina wax lagu ka labedelaayaay kubana wax lagu magacaabayay taasi oo beesha gacanta ku haysa magaalada kismaayo ay kadhexwaday gudaha magaalada Aayadoo dadkakale ee magaalada ku sugan arimahaasi ay uga hadlayeen siyaabo kala gedisan dadka qaar ayaa sheegayay in arintaasi ay keeni kareyso isku dhaca markale ka abuuro gudaha magaalada Kismaayo sikastaba ha ahaatee ma aha markii ugu horeysay ee magaalada Kismaayo ay soo wajahaan marxalado ay soo dhameynayaan maleyshiyooyinka hubeysan ee gudaha magaalada Kismaayo Maxamed Salaad Cabdule SBC International Kismaayo
-
Sadexda masuul ee ugu sareysa DFKMG ah oo kulamo xiriir ah ku leh Baydhabo Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay oo iminka fariisin KMG ah u ah hay’adaha Federaaliga ah ee Soomaliya ayaa sheegaya in ay halkaasi kulamo xiriir ah saacadihii la soo dhaafay ay ku lahaayeen sadexda masuul ee ugu sareysa DFKMG ah ee Soomaliya Kulamadan ay leeyihiin madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed, Gudoomiyaha Baarlamanka Sheekh Aadam Max’ed Nuur (Sheekh Aadam Madoobe) iyo Ra’isalwasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay dhameystirka magacaabista xubnaha golaha wasiirada cusub ee laga sugayo Ra’islwasaare Nuur Cade. Ra’isalwasaaraha oo horey u calaamadeystey xubnaha 18-ka xubnood ee uu u magacaabayo Golahiisa wasiirada ayaa haatan wuxuu kala tashanayaa madaxweynaha wasiirada uu soo dhisi doono oo 9 ka mid ah ay ka imaan doonaan Baarlamanka iyo 9 kale oo laga keeni doono banaanka Baarlamanka. Warar SBC International ay saaka ka heshay ilo wargal ah oo ku sugan magaalada Baydhabo hase yeeshee ka gaabsadey in magacooda saxaafada laga sheego ayaa sheegay in ay dhici karto in magacaabista xubnaha wasiirada lagu wado in uu ku dhawaaqo maalinta Khamiista ee fooda inagu soo haysa. Maryan Saylac SBC International
-
Mogadishu: another basketball game - stability is here -PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
somaliweyn