General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Banaanbax aad u ballaaran oo lagu taageerayo madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya iyo guud ahaan dowlada oo goor dhoweyto lagu soo gabagabeeyay magaalada London. Daawo Sawirada Banaabax u muqday kii ugu ballaarnaa oo lagu taageero Dowlada Fedaralka Somalia ayaa waxaa uu goor dhoweyto kusoo gabagaboobay magaalada London ee xarunta wadanka Ingiriiska. Banaabax u muqday kii ugu ballaarnaa oo lagu taageero Dowlada Fedaralka Somalia ayaa waxaa uu goor dhoweyto kusoo gabagaboobay magaalada London ee xarunta wadanka Ingiriiska. Banaanbaxaan ayaa goor dhweyto soo dhamaaday,walina ka qeyb galayaashu kama aanay faaruqin goobta banaanbuxu ka dhacayo, waxaana shabakada carmnooyin.com ay aqristayaasheeda u balan qaadeysaa in ay usoo gudbin doonto dhamaan sawirada banaanbixii soo idlaaday wax yar ka hor. Kala Soco Shabakada Carmooyin.com Sawirada Banaanbaxaan oo dhameystiran Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com
  2. Banaanbax aad u ballaaran oo lagu taageerayo madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya iyo guud ahaan dowlada oo goor dhoweyto lagu soo gabagabeeyay magaalada London. Daawo Sawirada Banaabax u muqday kii ugu ballaarnaa oo lagu taageero Dowlada Fedaralka Somalia ayaa waxaa uu goor dhoweyto kusoo gabagaboobay magaalada London ee xarunta wadanka Ingiriiska. Banaabax u muqday kii ugu ballaarnaa oo lagu taageero Dowlada Fedaralka Somalia ayaa waxaa uu goor dhoweyto kusoo gabagaboobay magaalada London ee xarunta wadanka Ingiriiska. Banaanbaxaan ayaa goor dhweyto soo dhamaaday,walina ka qeyb galayaashu kama aanay faaruqin goobta banaanbuxu ka dhacayo, waxaana shabakada carmnooyin.com ay aqristayaasheeda u balan qaadeysaa in ay usoo gudbin doonto dhamaan sawirada banaanbixii soo idlaaday wax yar ka hor. Kala Soco Shabakada Carmooyin.com Sawirada Banaanbaxaan oo dhameystiran Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com
  3. Banaanbax aad u ballaaran oo lagu taageerayo madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya iyo guud ahaan dowlada oo goor dhoweyto lagu soo gabagabeeyay magaalada London. Daawo Sawirada Banaabax u muqday kii ugu ballaarnaa oo lagu taageero Dowlada Fedaralka Somalia ayaa waxaa uu goor dhoweyto kusoo gabagaboobay magaalada London ee xarunta wadanka Ingiriiska. Banaabax u muqday kii ugu ballaarnaa oo lagu taageero Dowlada Fedaralka Somalia ayaa waxaa uu goor dhoweyto kusoo gabagaboobay magaalada London ee xarunta wadanka Ingiriiska. Banaanbaxaan ayaa goor dhweyto soo dhamaaday,walina ka qeyb galayaashu kama aanay faaruqin goobta banaanbuxu ka dhacayo, waxaana shabakada carmnooyin.com ay aqristayaasheeda u balan qaadeysaa in ay usoo gudbin doonto dhamaan sawirada banaanbixii soo idlaaday wax yar ka hor. Kala Soco Shabakada Carmooyin.com Sawirada Banaanbaxaan oo dhameystiran Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com
  4. WAR DEG DEG AH >> LONDON: Saacadaan Waxaa Ka Socda Fagaaraha Downing Street Banaanbax Kii ugu Balaarnaa oo Soomaalidda cariga Ingiriisku isugu Soo Baxdo !! 22. december 2007 London (AllPuntland)- Dibad bax balaaran oo ay isugu soo baxeen tiradii ugu badnayd Soomaalida ku dhaqan cariga Ingiriiska ayaa xiligaan ka socda fagaaraha loo yaqaan Downing Street ee magaalada London. Dibad baxayaasha ayaa muujinaya taageerada ay u hayaan dadaalka nabadgalyo, midnimo iyo dawladnimo doonka ah ee ka socda Soomaaliya. Soomaalida isu soo baxday ayaa sita Calanka Soomaaliya, boorar ay ku qoran yihiin halku dhigyo iyo sawirada madaxda Soomaaliya. "DOONI MAYNO DAWLAD LA'AAN IN DIB LOOGU LAABTO" ayaa ka mid ah hal ku dhigyada banaanbaxayaashu ku dhawaqaayaan. Dibad baxaan ayaa u muuqda mid Soomaalida halkaani (Ingriisku) ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan in Dawlada Soomaaliya ku guulaysato in dib loosoo celiyo sharci iyo kala dambayntii dalka Soomaaliya. Mid ka mid ah dibad baxayaasha ayaa AllPuntland u sheegay in dibad baxani yahay fariin ay ugu sii dhiibayaan madaxweynaha Soomaaliya, Soomaalida joogta gudaha Soomaaliya oo ay u sheegayaan in ay tahay in gacamaha la isu qabsado siddii loosoo celin lahaa nabad iyo caano... Saacada banaanbaxani dhacayo waxaa ku sugan isla magaalada London Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Yusuf Axmed oo hadda dhamaystay baaritaan caafimaad uu u yimid dalkaani Ingiriiska, iyadoo uu dib ugu laabanayo Soomaaliya. Haddii ALLE idmo wararkayaga dambe kula soco faahfaahinta dibad baxaan. AllPuntland, Xarunta Yurub
  5. Banaanbax ka dhacey wadanka Igriiska 22 Dec 22, 2007 - 11:56:04 PM Bananbaxaan oo ka dhacey xafiiska Ra'isal Wasaaraha wadanka Ingriiska hortiisa ayaa waxaa ka qeyb galey dadweyne tageersan dowlada KMG ah ee Somalia. Dadka isugu soo baxey banaanbaxaan ayaa waxaa la kulmey sarkaal ka tirsan dowlada Ingriiska iyaga oo u gudbiyey qoraal ay ku codsanayaan in DF la tageero. Dadka isu soo baxey oo ka kala yimid magalada London iyo agagaarkeeda ayaa goob joogayashu sheegeen in tiradooda gaareysay ilaa 300 ruux. Banaanbaxaa ayaa ku soo beegmey xilli Madaxweynaha DFKMG ah booqasho caafimaad ugu jooga wadanka Igriiska magaaladiisa London. Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu dhowaan ka so ambabaxo halkaas iyada oo wararku sheegayaan in xaaladiisa caafimaad wanaagsan tahay. Garowe Online,London
  6. WAR DEG DEG AH >> LONDON: Saacadaan Waxaa Ka Socda Fagaaraha Downing Street Banaanbax Kii ugu Balaarnaa oo Soomaalidda cariga Ingiriisku isugu Soo Baxdo !! 22. december 2007 London (AllPuntland)- Dibad bax balaaran oo ay isugu soo baxeen tiradii ugu badnayd Soomaalida ku dhaqan cariga Ingiriiska ayaa xiligaan ka socda fagaaraha loo yaqaan Downing Street ee magaalada London. Dibad baxayaasha ayaa muujinaya taageerada ay u hayaan dadaalka nabadgalyo, midnimo iyo dawladnimo doonka ah ee ka socda Soomaaliya. Soomaalida isu soo baxday ayaa sita Calanka Soomaaliya, boorar ay ku qoran yihiin halku dhigyo iyo sawirada madaxda Soomaaliya. "DOONI MAYNO DAWLAD LA'AAN IN DIB LOOGU LAABTO" ayaa ka mid ah hal ku dhigyada banaanbaxayaashu ku dhawaqaayaan. Dibad baxaan ayaa u muuqda mid Soomaalida halkaani (Ingriisku) ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan in Dawlada Soomaaliya ku guulaysato in dib loosoo celiyo sharci iyo kala dambayntii dalka Soomaaliya. Mid ka mid ah dibad baxayaasha ayaa AllPuntland u sheegay in dibad baxani yahay fariin ay ugu sii dhiibayaan madaxweynaha Soomaaliya, Soomaalida joogta gudaha Soomaaliya oo ay u sheegayaan in ay tahay in gacamaha la isu qabsado siddii loosoo celin lahaa nabad iyo caano... Saacada banaanbaxani dhacayo waxaa ku sugan isla magaalada London Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Yusuf Axmed oo hadda dhamaystay baaritaan caafimaad uu u yimid dalkaani Ingiriiska, iyadoo uu dib ugu laabanayo Soomaaliya. Haddii ALLE idmo wararkayaga dambe kula soco faahfaahinta dibad baxaan. AllPuntland, Xarunta Yurub
  7. Banaanbax ka dhacey wadanka Igriiska 22 Dec 22, 2007 - 11:56:04 PM Bananbaxaan oo ka dhacey xafiiska Ra'isal Wasaaraha wadanka Ingriiska hortiisa ayaa waxaa ka qeyb galey dadweyne tageersan dowlada KMG ah ee Somalia. Dadka isugu soo baxey banaanbaxaan ayaa waxaa la kulmey sarkaal ka tirsan dowlada Ingriiska iyaga oo u gudbiyey qoraal ay ku codsanayaan in DF la tageero. Dadka isu soo baxey oo ka kala yimid magalada London iyo agagaarkeeda ayaa goob joogayashu sheegeen in tiradooda gaareysay ilaa 300 ruux. Banaanbaxaa ayaa ku soo beegmey xilli Madaxweynaha DFKMG ah booqasho caafimaad ugu jooga wadanka Igriiska magaaladiisa London. Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu dhowaan ka so ambabaxo halkaas iyada oo wararku sheegayaan in xaaladiisa caafimaad wanaagsan tahay. Garowe Online,London
  8. WAR DEG DEG AH >> LONDON: Saacadaan Waxaa Ka Socda Fagaaraha Downing Street Banaanbax Kii ugu Balaarnaa oo Soomaalidda cariga Ingiriisku isugu Soo Baxdo !! 22. december 2007 London (AllPuntland)- Dibad bax balaaran oo ay isugu soo baxeen tiradii ugu badnayd Soomaalida ku dhaqan cariga Ingiriiska ayaa xiligaan ka socda fagaaraha loo yaqaan Downing Street ee magaalada London. Dibad baxayaasha ayaa muujinaya taageerada ay u hayaan dadaalka nabadgalyo, midnimo iyo dawladnimo doonka ah ee ka socda Soomaaliya. Soomaalida isu soo baxday ayaa sita Calanka Soomaaliya, boorar ay ku qoran yihiin halku dhigyo iyo sawirada madaxda Soomaaliya. "DOONI MAYNO DAWLAD LA'AAN IN DIB LOOGU LAABTO" ayaa ka mid ah hal ku dhigyada banaanbaxayaashu ku dhawaqaayaan. Dibad baxaan ayaa u muuqda mid Soomaalida halkaani (Ingriisku) ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan in Dawlada Soomaaliya ku guulaysato in dib loosoo celiyo sharci iyo kala dambayntii dalka Soomaaliya. Mid ka mid ah dibad baxayaasha ayaa AllPuntland u sheegay in dibad baxani yahay fariin ay ugu sii dhiibayaan madaxweynaha Soomaaliya, Soomaalida joogta gudaha Soomaaliya oo ay u sheegayaan in ay tahay in gacamaha la isu qabsado siddii loosoo celin lahaa nabad iyo caano... Saacada banaanbaxani dhacayo waxaa ku sugan isla magaalada London Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Yusuf Axmed oo hadda dhamaystay baaritaan caafimaad uu u yimid dalkaani Ingiriiska, iyadoo uu dib ugu laabanayo Soomaaliya. Haddii ALLE idmo wararkayaga dambe kula soco faahfaahinta dibad baxaan. AllPuntland, Xarunta Yurub
  9. Banaanbax ka dhacey wadanka Igriiska 22 Dec 22, 2007 - 11:56:04 PM Bananbaxaan oo ka dhacey xafiiska Ra'isal Wasaaraha wadanka Ingriiska hortiisa ayaa waxaa ka qeyb galey dadweyne tageersan dowlada KMG ah ee Somalia. Dadka isugu soo baxey banaanbaxaan ayaa waxaa la kulmey sarkaal ka tirsan dowlada Ingriiska iyaga oo u gudbiyey qoraal ay ku codsanayaan in DF la tageero. Dadka isu soo baxey oo ka kala yimid magalada London iyo agagaarkeeda ayaa goob joogayashu sheegeen in tiradooda gaareysay ilaa 300 ruux. Banaanbaxaa ayaa ku soo beegmey xilli Madaxweynaha DFKMG ah booqasho caafimaad ugu jooga wadanka Igriiska magaaladiisa London. Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu dhowaan ka so ambabaxo halkaas iyada oo wararku sheegayaan in xaaladiisa caafimaad wanaagsan tahay. Garowe Online,London
  10. Dowladda Federalka oo mar kale ugu baaday Dowladaha Carabta iyo kuwa Islaamka inay Ciiddamo ku soo biiriyaan Muqdisho Axad , December 23 2007 SMC Dowladda Federalka, ayaa ugu baaqday Dowladaha Islaamka iyo kuwa Carabta inay Ciiddamo Nabad-ilaali nah u soo diraan dalka Somalia, xilli ay Dowladaha Afrikaanka ka caga-jiidayaan inay Ciiddamo Nabad-ilaalin ah u soo diraan dalka Somalia. Wasiirka Qorsheynta Qaranka, Md. Xuseen Ceelaabe Faahiye, ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi khaas ah oo uu maanta siiyey Shabakadda Wararka ee Al-arabia.net ee Telefishinka Al-arabia ee ay Xaruntiisa dhexe ku taallo dalka Imaaraadka Carabta, ayaa sheegay inay Ciiddamadda ka kala imaanaya Dalalka Islaamka iyo kuwa Carabta qeyb ka noqon doonaan Ciiddamadda Nabad-ilaalinta Afrikaanka ee Hawlgalka Nabad-ilaalinta ka wada dalka Somalia. Md. Xuseen Ceelaabe Faahiye, oo Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ahaa Xukuumaddii Ra’isul-wasaarihii is-casilay, Prof. Cali Maxamed Geeddi, ayaa tilmaamay inay Ciiddamadaasi gacan ku siin doonaan Dowladda Federalka sidii wax looga qaban lahaa duullaanadda ay soo qaadaan waxa uu ugu yeeray Kooxaha Argagixisadda iyo Xag-jirayaasha, waa sida uu hadalka u yiri. Wasiirka, waxa uu ku tilmamaay inuu Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Caamir Muusa dhawaan kula kulmay magaalladda Qaahira, kana codsaday inuu Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta ku qanciyo inay Ciiddamo Nabad-ilaalin ah iyo maalgelin ku soo biiriyaan Hawlgalka Nabad-ilaalinta ee ka socda dalka Somalia. Mar wax laga weydiiyey haddii ay Ciiddamadda Ethiopianka isaga huleeli doonaan dalka Somalia, waxa uu ku nuuxnuuxsaday inay Ciiddamadaasi bixi doonaan isla marka ay Ciiddamo dheeraad ah oo Afrikaan iyo Carab ah soo gaaraan gudaha dalka Somalia. Isagoo arrintaasi sii ambaqaadayo, waxa uu tilmaamay inaysan wax dhibaato ah ka imaanaynin Ciiddamadda Ethiopianka, isagoo tilmaamay inay Ciiddamadaasi bixi doonaan isla marka ay DFKMGS ka codsato inay dib ugu laabtaan dalkooda. Dhinaca kale, Wasiirka Qorsheynta Qaranka ee DFKMGS, Md. Xuseen Ceelaabe Faahiye, waxa uu beeniyey war uu Mas’uul ka tirsan Ammaanka DFKMGS dhawaan ku shegay inay gacanta DFKMGS ka baxday 80% ka bxaxday dhulka Somalia, wuxuuna xusay inay Dowladda weli gacanta ku hayso dalka Somalia, isla markaana ay Ciiddamadda DFKMGS ku hawlan yihiin sidii ay Caasimadda uga nadiifin lahaayeen Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda.
  11. Boolisku hormar ayey ka sameeyeen guud ahaan dalka -Dhageyso Taliyaha ciidamada boliska Somaliyed C/Qeybdiid interview
  12. Ciidamada Burundi oo soo gaaray Muqdisho - Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 23-Desember-2007 Cutub horu dhac ah oo ka socda ciidamada nabad ilaalinta Burundi ayaa waxa ey maanta duhurnimadii kasoo dageen garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde. Cutubkan ugu horeeya ee soo gaaray dalka ayaa lagu sheegay in ey yihiin 100-askari, kuwaasoo qalabkoodii waaweynaa horay looga soo dajiyaay garoonka Muqdosho. Ciidamo ka socda Midowga Afrika oo gaaraya 8000 oo askari ayaa la go`aamiyay in ey soo gaaraan Somaliya, waxaana horay ugu sugnaa magaalada Muqdisho mudo sanad ah ciidamo gaaraya 1700 oo askari kana socda Uganda. Ciidamadan gaaraya 8000-kun ayaa markii ey soo dhameystirmaan waxaa lagu wadaa in ey meesha ka baxaan ciidamada Itobiya ee ku sugan gudaha dalka Somaliya. Waxaa sidoo kale lagu wadaa in ey kusoo biiraan howlahan nabad ilaalineed amaba la wareegaan ciidamo ka socda Qaramada Midoobay, balse waxaa socda dadaalo loogu jiro arintaas. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda
  13. Where are those who said there was an "occupation" now we are occupied by the AU correct? Uganda, Ethiopia and now Burundi have arrived the rest are comming and Somalia's security will improve insha Allah. Its our country and we want to be a normal country one again.
  14. ^^^Adeer I steer clear of falsehood only the truth is what matters. So we are not alike at all. Again the TFG is a multi clan entity, a national institution and not run by any clan.
  15. ^^^Of course Qaybdeed chief and deputy Bashir Goobe are part of Yey's clan or do you just say anything you want. AfricaOwn, secessionist are not a major threat to our forces, reer SOOL will be enough for them.
  16. anyone of these men would make you eat sand And the Chief Mr Qaybdeed famous from blackhawk down
  17. ^^^lool. Another secessionist rushing in. Dont worry adeer. We get your point.
  18. The Somali security forces will only get stronger with time. Thus no weapon smuggling in Puntland lads, thats a no no.
  19. Duq Degmada Bosaso C/Risaaq Xareed ayaa waxaa uu Maanta Magaalada Bosaso waxa uu ka bilaabay Howlgal Bosaso:Maanta oo ay ahayd Maalin Jimce ah ayaa waxaa lugu Arkaa yey Wadooyinka Waawayn ee Magaalada Bosaso Ciidamo ku lebisan Darayska Dowlada Hoose ee Mina shiibiyada iyo Shaqaalaha ollalaha Degdega ah oo Gacmaha ku watey Qalabka Qarshinka Wadooyinka lagaga Xaaro. Duqa Degmada Bosaso ahana Gudoomiyaha Golaha Degaanka DegMada Bosaso C/Risaaq Xareed ayaa Maanta Goobjoog ka ahaa wadooyinka ay banaynayaan Ciidanka Dowlada hoose Sidoo Kale waxaa ka mid ahaa wax yaabaha loo adeegsanayey Soo celinta iyo habaynta Wadooyinka Cagaf cagafta oo Caada ka Xaraysey Wadooyinka iyadoo Habenkii Xalay ahaydna uu rushaad Booyada ah Duqu u soo diray. C/Risaaq Xareed oo warbaahinta Dhahar.com si Qaasa uguga waramayey Ollalahan nadaafadeed ee Maanta uu Duqu Goob jooga ka ayahay ayaa waxaa uu sheegay C/Risaaq Xareed inuu Doonayo inuu tan wax badan kaag Bedelo Hanaanka Degmada Bosaso isgoo Shaaca Ka qaaday Xareed inuu Sida ugu Macquulsan Mudo 3 beri gudohooda uu amar ugu Bixiyey in dhamaan kabarada yaala meelaha wadooyinka iyo Cushadaha Foomka aan lahaynba uu amar ku siiyey inay Qadaan Dadka lehi Hadii kale ay Shaqaalaha Dowalada hoose si karaama daro ah ay ugaga Qaadayaan Gacantooda. Si kataba Ha ahaatee waxaa Muuqanayey Maanto oo jimce ahayd olle ka dhan aha Dhamaan Meelaha aan Habaysnayn ee gudaha Magaalada Bosaso iyadoo talaabadani uu Maanta ku Fayliyey Gudoomiyha Golha Deaanka Degmada Bosaso mr Xareed ay Noqoyso talaabadii ugu Baaxada wayneyd ee Tan iyo intii Xilkan loo Magcabay uu ka qabto Gudaha Magaalada Bosas iyadoo uu intaas Sii Raaciyey C/Risaaq Xareed inuu wax badan Qaban doono inta uu Hayo Hogaanka Degmada Bosaso, Maxamed Axmed Ciise
  20. Magaalada Boosaaso oo laga bilaabay dib u habeynta jidadka Last Updated::2007-12-21 19:29:14 Boosaaso(HRNet):- Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa maanta oo Jimce ah laga bilaabay dib u habeyn lagu sameenayo jidadka. Dhismaha iyo dayactirka jidadka ayaa waxaa si weyn looga dareemay isgoyska gaaca ee bartamaha magaalada Boosaaso halkaasi oo ah halbawlaha dhaq dhaqaaqa Boosaaso. Gaadiidka dhismaha iyo qalabka jidadka lagu dayactiro ayaa lagu arkayey jidadka mara wadada Airporka ayadoo halkaasi maanta ay ka socotay hawl aad u balaaran. Duqa cusub ee magaalada Boosaaso C/risaaq Xareed oo asagu horkacayey dhaq dhaqaaqan cusub ee wax looga qabanayo wadooyinka magaalada Boosaaso oo waayadii danbe noqday kuwo burbur xoogleh uu ka muuqdo. Tilaabadan uu qaaday Guddoomiyaha cusub ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyey Shacabka magaalada iyo Ganacsatada, kuwaasi oo sheegay in dhibaato weyn ka heysato wadooyinka magaalada oo noqday kuwo burburku ku raagay. Xassan Ciise HorseedNet.com