General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Xaflad lagu soo dhoweynayay Ciidamo Boolis ah oo Dalka Ethiopia lagu soo tababaray oo ka dhacday Xarunta Gaadiidka booliiska ee magaaladda Muqdisho. Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana lagu soo dhoweynayay Ciidamo Boolis ah oo lagu soo tababaray Dalka Ethiopia ayaa ka dhacday Xaruntii Gaadiidka Booliska, iyadoona Ciidamada Booliska ee Ethiopia tababarka ku soo qaatay ay si rasmi ah uga mid noqdeen Ciidamada Booliska Soomaaliyed. Xafladan oo ay ka qeyb galeen Taliyeyaasha Sare ee Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyed ayaa waxaa ka mid ahaa ku simaha Ciidanka booliiska Soomaalieed, Gen. Cabid Maxamed Joon. Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Bashiir Maxamed Jaaamac, taliyaha qeybta guud ee Booliiska soomaaliyeed G/sare Cali Saciid Madaxa akadeemiyadda Ciidanka Booliiska Gen. Yuusuf Dhuumaal ,afhayeenka ciidanka booliska G/sare cabdulaahi Xasan Bariise Saraakiisha iyo saraakiil xigeeno iyo waliba kooxda heegan. Munaasabadda soo dhaweynta iyo wacyi gelinta ayaa waxaaa ugu horeyn halkaas ka hadlay Madaxa hogaanka tabarada iyo ka hortagga danbiyadda Gen.Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) waxaa uu sheegay in xafaladan lagu soo dhaweynayo xubno manta iyo wixii ka danbeeya ku soo biiraya ciidanka booliiska soomaaliyeed iyo kuwa tababar ku soo qaatay dalka Ethiopia oo isu dhafan saraakiil hore, saraakiil xigeenno, alifleey iyo dableey, waxaana uu sheegay in la guddoon siin doono abaal marino isugu jira dalacaad iyo shahaadooyin, taasoo ay ku muteysteen sida uu sheegay kaalintii wax ku ool ka ahayd ee ay ka qaateen qaadashadda tababarka, isagoo intaas ku daray in ay soo lugeeyeen dooloow illaa muqdisho.
  2. Xaflad lagu soo dhoweynayay Ciidamo Boolis ah oo Dalka Ethiopia lagu soo tababaray oo ka dhacday Xarunta Gaadiidka booliiska ee magaaladda Muqdisho. Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana lagu soo dhoweynayay Ciidamo Boolis ah oo lagu soo tababaray Dalka Ethiopia ayaa ka dhacday Xaruntii Gaadiidka Booliska, iyadoona Ciidamada Booliska ee Ethiopia tababarka ku soo qaatay ay si rasmi ah uga mid noqdeen Ciidamada Booliska Soomaaliyed. Xafladan oo ay ka qeyb galeen Taliyeyaasha Sare ee Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyed ayaa waxaa ka mid ahaa ku simaha Ciidanka booliiska Soomaalieed, Gen. Cabid Maxamed Joon. Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Bashiir Maxamed Jaaamac, taliyaha qeybta guud ee Booliiska soomaaliyeed G/sare Cali Saciid Madaxa akadeemiyadda Ciidanka Booliiska Gen. Yuusuf Dhuumaal ,afhayeenka ciidanka booliska G/sare cabdulaahi Xasan Bariise Saraakiisha iyo saraakiil xigeeno iyo waliba kooxda heegan. Munaasabadda soo dhaweynta iyo wacyi gelinta ayaa waxaaa ugu horeyn halkaas ka hadlay Madaxa hogaanka tabarada iyo ka hortagga danbiyadda Gen.Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) waxaa uu sheegay in xafaladan lagu soo dhaweynayo xubno manta iyo wixii ka danbeeya ku soo biiraya ciidanka booliiska soomaaliyeed iyo kuwa tababar ku soo qaatay dalka Ethiopia oo isu dhafan saraakiil hore, saraakiil xigeenno, alifleey iyo dableey, waxaana uu sheegay in la guddoon siin doono abaal marino isugu jira dalacaad iyo shahaadooyin, taasoo ay ku muteysteen sida uu sheegay kaalintii wax ku ool ka ahayd ee ay ka qaateen qaadashadda tababarka, isagoo intaas ku daray in ay soo lugeeyeen dooloow illaa muqdisho.
  3. Beeyada, Maydiga iyo Xabkaha Kale- Gums and Rasins Waxaa maamulkayagu horuumar ku samaynayaa sidii loo beeri lahaa cawda, beeyada (olibanum) geedaha xabkaha sida mal-malka (myrrx), qaroonta, xagarka, muqlaha, dharkeynta, hadiga ee wadankeenu ku can baxay waagii faraaciinta, oo la inoogu bixiyey Puntland (Dhulkii Ilaah-Land of God), ama dhulka uduga ee boqortooyadii shanaad ee Shiinaha. Waxaa kaloo ka mid ah horuumarinta dhirta dhacaankeedu yahay dawada dadku isku da' yarayaan sida dacarta (aloe), hadiga (opoponax), diisiga oo si dabiici ah noogu baxa. Qiimihii ay waagii hore lahaayeen waa sara kacay haddeer, waxayna khayraadkaasi soo gelinayaan lacag adag wadanka. Walowba aanu soo bandhigeyno maqaal u gaar ah horuumarinta xabkaha iyo dhirta udugga ee Puntland, waxaan halkaan ku xuseynaa in aanu wadanka si toos ah ugu soo xirayno shirkadaha isticmaala iyadoo aanu dhexda ka saareyno dhex yaalka sicirka hoose kaga gada dadkeena, qaaligana uga iibiya shirkadaha isticmaala. Waxaa wada hadallo noo socdaan afar shirkadood oo Mareykanka ah, laba shirkadood oo Spanish ah, hal shirkad oo Shiina ah oo si toos ah u isticmaala beeyada iyo maydiga. Waxaanu ka dhalinaynaa xiriir toos ah iyadoo aanu ku casumayno wadanka shirkadahaas si ay u doortaan noocyada ay doonayaan ayna nooga caawiyaan beeridda iyo badinta dhirta xabkaha. Waxaanu ka furaynaa laba machad oo qaabilsan daraasadaha xabkaha Puntland iyo beeritaankooda. Ilaahay dhul ballaaran oo wanaagsan buu inoogu deeqay. Puntland way ka badan tahay Somalida o dhan. Hadaba aynu Ilaah ku mahadino oo aynu iska deyno colaadda, aynuna ka gaashamano dawladaha isku diraya Somalida ujeedadooduna tahay in aan Somaliya meel gaarin. Aynu Ilaah barino in uu naga qabto dadka dhibaatada ka shaqaynaya ee shishayuhu ku aqdaamanayo. Ogaada shishayaha idinku shaqaysanayaa ogaa in aad doqomo tihiin mar haduu dadkiinii soo laaya idin yiri, idinkuna aad ka yeesheen. Xuma doonow, Somali kala dilow Ilaahay naga kaa qabey. Aamiin Ilahow Qaadir. W.Q. Prof. Cumar Farjac
  4. Horuumarinta Dhirta Miyiga. Waxaanu mamnuuc ka dhigaynaa dhoofinta dhuxusha. Ha ahaato mid gobolla kale loo qaado iyo mid dibadda loo dhiifiyaba, sharci adagna waa laga soo saarayaa. Midda gudaha laga shito waxaa lagu bedelayaa shidaalo kale oo wax logu karsado iyadoo la isticmaalayo jikooyinka qorraxda iyo korontada qorraxda laga dhaliyo ku shaqaya. Hadaba inta aan dadku ka wada sinaan isticmaalidda jikooyinkaas, waxaa la shidan dhuxul, hase yeeshee iyadana waxaa la soo saarayaa sharciyo adag oo mamnuucaya in la gooyo dhir nool oo la shido. Waxaa keliya oo la fasaxayo waa gubidda dhirta dhimatay oo loo isticmaalayo adeegsiga gudaha. Waxaa maamulkayagu ku dadaalayaa sidii loo abuuri lahaa dhir aad u farabadan annagoo samaynayna kaymo aan la geli Karin. Kaymahaas waxay gaar u noqonayaan ugaarta sida gumburiga-dameer farowga, cawsha, biciidka, deerada, sagaarada, goroyada, geriga, daayeerka iwm. Waxaanu abuuraynaa Wasaaradda Xannaanada dhirta iyo Horuumarinta Miyiga. Waxaanu sharci adag ka soo saareynaa dadka ugaarta laaya, iyadoo loo taxaabayo xabsiga qofkii lagu helo dembi la xiriira laynta ugaarta. Waxaanu manaahijta dugsiyada hoose/dhexe ku dareynaa barnaamij ah xannaanaynta Dabiicadda. Waxaanu ku dareynaa barnaamijyada idaacadaha iyo televisionada barnaamij lagu boorinayo dadweynaha Puntland sidii ay ku abuuri lahaayeen dhir fara badan miyi iyo magaalaba. Waxaa la gaarayaa heer ay guri walba ku hareeraysan yihiin dhir aad u farabadan. Waxaa reer miyiga la barayaa sidii dhulka loogu talaali lahaa dhir farabadan oo manaafac badan u leh xoolaha sida beeridda lablabka, alfa-alfaha, yicibta, quraca, qandalka, hambaruurka, gobka, gomoshaha, qansaxa, sarmaanta, jeerinka, dharkaynta, mareerka, dhafaruurta, mayrada, qalowga, xamurka, gumarta, cadayga, iyo dhirta noocyada badan ee xaabka iyo xayga leh, iyo kuwa qobcada dhala. Dhirtaas iyo kuwa kale oo manaafacaad u leh xoolaha ayaa sida loo beero iyo sida loo waraabiyo la barayaa reer miyiga. Hadii aanu dhirta manaafacaadka leh laba ka soo qaadno sida alfa-alfaha iyo lablabka. Alfa-alfuhu waa cagaar aad ugu ballarta dhulka oo nafaqa badan u leh xoolaha. http://www.uwex.edu/ces/crops/uwforage/alfalfa.htm, http://www.alfalfa.info/ http://www.soilandhealth.org/01aglibrary/010102/01010212.html Lablabku ma aha mid ka baxa wadankeena hase yeeshee waa geed cagaar badan oo u roon dhulka iyo xoolaha. Dhulka oo dhan wuxuu ka dhigaa cagaar il-qabad fiican leh, aadna ugu wanaagsan dhulkeena, wuxuuna dhulka ka celiyaa qorraxda xoogeeda si aanay u wax yeelayn bacraminta dhulka. Wuxuu kaloo dulka u duxiyaa bacramin sida lauska (Arachide). http://www.tropicalforages.info/key/Forages/Media/Html/Lablab_purpureus.htm http://www.seedland.com/mm5/merchant.mvc?Screen=CTGY&Store_Code=Seedland&Category_Code=WG-LAB http://www.wildlifeseeds.com/info/lablab.html http://www.mobot.org/gardeninghelp/PlantFinder/Plant.asp?code=A114 Lablabku wuxuu kordhiyaa xoolaha miisaankooda iyo caanohooda, durbadiiba xooluhu way ku naaxaan. Waxaa geedkaan lagu talaalay oo aad loogu badiyey wadamada aynu jaarka nahay sida Ethiopia, Kenya, Sudan, Uganda, Tanzania, iyo wadama kale sida Egypt, Nigeria iyoTurkey. Sidoo kale waxaynu ku abuuri karnaa yicibta oo aad ugu fiican xoolaha. Waxaanu isku hawlnay sidii aanu u heli lahayn shirkadaha ugu fiican ee soo saara xirfadaha lagu hodmiyo dadweynahooda, gaar ahaan kuwa ku xeel dheeraaday horuumarinta wadamada soo kobcaya. Waxaanu xiriir wanaagsan la soo yeelanay afar shirkadood oo qaabilsan cilmi baaridda iyo abuuridda dhirta miraha ganacsiga dhasha iyo dib u hagaajinta dhulka xaalufa.
  5. Horuumarinta Beeraha & Miyiga Puntland. Qalinkii Musharax Prof. Farjac Posted to the MOL August 10, 2008, 8:41 pm Horuumarinta Beeraha Maqaalkani wuxuu si kooban u dulmarayaa wax qabadka Musharax Farjac, dhanka horuumarinta beeraha, miyiga iyo xabkaha. Dad badan baa u riyaaqay maqaalkii "Biya la'aanta Puntland Xal Loo Hel". Hadaba hadii biya la helo maxaa lagu qabsan karaa? Maqaalkaani waa beeraleyda iyo reer miyigu sidii ay uga faaiidaysan karaan biyaha. Hadii beeraleyda loo hela biyo ay ka haqa beelaan maxay ku samaysan karaan? Waxay ku waraabsan karaan beeraha iyagoo isticmaalaya dhowr nooc oo beera waraabinta ah. Midi waa rushaynta iyagoo isticmaalaya qasabado biyaha qaada, una isticmaalaya matoorada korontadooda laga dhaliyo quwadda qorraxda. Waxay abauurikaraan noocyada badan ee khayraadka beeraha, dhowr goor sannadkiiba. Sidoo kale waxay isticmaali karaan nooca biya fatahaada. Iyadoo ay u samaynayaan kelliyo qaada biyaha una qaybiya beerta dhinacyadeeda. Sidoo kale waxay rabaan bay beeri karaan. Hadba noocaan waraabinta beeraha waxaa u shardi ah in dhulku badanaaba simanyahay ama in yar kala sarayo. Kuma fiicna dhulka janjeera. Dhulka janjeera waxaa loo samayn karaa dhul googo'an oo sallaan ah (terrace farming), iyadoo biyaha lagaga soo bilaabayo dhanka sare. Ama waxaa loo isticmaalayaa nooca biya rushaynta. Waxayna abuuri karaan khudaarta cagaaran oo nooc walba ah sida begelka, carmada, raasow, koostada, kabashaka, barbarooniga, basasha, reexaanta, kabsarta, kaamuunta, toonta, basbaaska iyo cagaarka la cuno. Waxaan intaa sii dheer in ay ka dhinac abuuri karaan geedaha miraha dhala sida cambaha, babayga, canuuniga, cananaaska, liinta ugunjiga, dhanaanta, bambelmada, liin xaali, zeytuunka, canabka, mooska kala noocyada ah (moos sokorow, moos Somaliga, dameeriga, bakeeniga), xamarta-raqayga, qaraha (xab-xabka), kiiwiga, fragolaha (Ststrawberry), duflaha, tufaaxa, darayga, canjeelka, jicibta, hohobta, timir busirida, qoonaha, qumbaha iyo wixii la mid ah. Dhulka qaarkiis wuxuu ku fiican yahay in lagu abuuro dacarta, toombaakhda, Xaskusha, cawda, cawaagta, iyo wixii la mid ah. Waxaanu diirada u qabanaynaa sidii loo tacbi lahaa loona badin lahaa dhulka lagu talaalo galeyda, haruurka, qamadida, heeda, sarreenka, digirta cagaaran, salbukada, lauska, sisinta, gabaldayaha, yaamka, moxogga, sinjibiisha, baradhada nooc walba, gocosada, yaanyada, bocor katiitowga, batiiqa, qorafuulka, qorfaha, jawsul hindiga, haylka, qajaarka, yaaqa, beydaanka,, murcoodka iyo khayraadka fara badan ee ka baxa dhulkeena. Waxaase muhimad weyn maamulkayagu siinayaa sidii wadanku uga haqab beeli lahaa wax soo saarka beeraha uuna u noqon lahaa mid bedela cunnada dibadda laga keeno, ayna Puntland u gaari lahayd heer ay khayraadka beeraha u dhoofiso dibadda. Waxaanu dhiiri gelinaynaa sidii lagu dhisi lahaa warshada yar-yar oo warshadaya kheyraadka beeraha. Si loo soo jiito maalgelinta gudaha iyo maalgelinta qurba joogta, waxaanu u fidineynaa canshuur dhaaf 10-15 sano ah, jidad isku xidha warshadaha iyo beeraha. Waxaa maamulkayagu sahlayaa sidii loo taageri lahaa beeraleyda looguna fidin lahaa deeq iyo deyn beereed anagoo dhisayna bangiga beereha deynta siiya (Banco del credito agricolo/Agricultural credit bank). Waxaa jira togag iyo waadiyo badan oo markuu roobku da'o biyohooda ku fataha badaha. Waxaa qorshaha noogu jira in togagaas loo samayo biya xireenno iyo dhul ballaaran ee lagu keydiyo biyaha. Aaga biyaxireenada waxaa laga samaynayaa mashaariic beereed lagu abuurayo bariiska iyo khayraad kale ee beeraha. Waxaanu qorshaynay in miro badan oo ka baxa wadama kale, cimilad ahaanna ku haboon in ay ka baxaan Puntland iyo Somalia aanu soo gelino. Mirahaasi waa kuwa ka baxa wadamada aynu isla cimiladda nahay. Maamulkayaga waxaa qorshaha ugu jira in la samayo warshado yaryar oo qaabilsan warshadaynta khayraadka beeraha. Warshadaha qaarna waxaa yeelanaya dawladda, qaarna shicibka, qaarna waxay noqonayaan isla wadaag shicib iyo dawlo.
  6. Dowladda kmg ah oo heshiis la gashay shirkado shisheeye ah Kuwait City (HR Media) Dowladda kmg ah ee federaalka ayaa heshiis dhinaca shidaal qodista ah la saxiixatay labo shiarkadood oo laga leeyahay dalka Kuweyt iyo Indonisia. Heshiiska ay dowladda kmg ah la saxiixatay labada shirkadood ayaa noqonaya mid xoogga lagu saari doono sidii ay saami ugu yeelan lahaayeen hab maamulka shirkada Patroolka Soomaaliyeed. Shirkadaha ay dowladda kmg ah heshiiska la saxiixatay waxay kala yihiin Kuweyt energy Company (KEC) iyo Medco oo laga leeyahay dalka Indonisia. Sida heshiiska ku xusan dowladda kmg ah waxay yeelan doontaa 51% saamiga batroolka, halka labada shirkadood ay kala yeelan doonaan min 24.5%. Wasiirka Macdanta iyo Batroolka ee dowladda kmg ah Eng: Maxamuud Cali Saalax (Qanje) oo dhinaca dowladda kmg ah u saxiixay heshiiskaasi ayaa sheegay in heshiiskaasi lala galay shirkadahaasi uu muhiimad weyn u leeyahay dalka iyo dadyowga Soomaaliyeed. Waxa uu sheegay in heshiiskan uu qeyb weyn ka ciyaari doono sidii meesha looga saari lahaa sabooltinimada iyo shaqo la’aanta hareysay dalka oo idil. Sara Akbar oo ka tirsan shirkadda Kuweyt Energy ayaa sheegtay in ay u aragto heshiiska ay la saxiixdeen dowladda Soomaaliya mid wax ku ool ah. Shirkadda Medco ee dalka Indonisia ayaa si la mid ah u soo dhoweysay heshiiskaasi oo ay sheegtay inay iska kaashanayaan hirgelintiisa shirkadda Kuweyt. Soomaaliya ma lahayn dowlad dhexe oo awood leh tan iyo 1991-kii. Heshiiskan dowladda kmg ah ay la gashay shirkadahaasi waxaa uu tixraacayaa sharciga batroolka ee dalka oo la sheegay madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed inuu saxiixay 7 August. Horseed Media
  7. Somalia in JV with KEC and Medco Energi International Posted to the Web Aug 19, 06:44 KUWAIT: The government of Somalia signed a shareholders agreement with Kuwait Energy Company (KEC) and Indonesia''s Medco Energi International Tbk on Tuesday to govern the activities at the Somalia Petroleum Corporation. According to the agreement, the government of Somalia will hold a 51 percent stake, while Kuwait Energy Company and Medco Energy International will each hold 24.5 percent. Addressing the members of the press on the sidelines of the signing ceremony, Somalia''s Minister of Energy and Mining, Eng. Mohamoud Ali Salah Kanje said: "This is a milestone event for the Republic of Somalia. Forming Somalia Petroleum Corporation not only provides a firm and transparent basis for developing the oil and gas industry in Somalia, but it in addition it enables the Ministry of Energy and Mining to tap into the natural resources of the country to generate revenue for its people thereby eradicating the prevailing poverty and eliminating the prevailing instability." The deal comes as a part of the Petroleum Law of Somalia which was approved by the President Abdullahi Yousef Ahmed on August 7. Commenting on the strategic tie up, CEO of Kuwait Energy Company, Sara Akbar, said: "We are delighted to have executed the Shareholders'' Agreement with the Transitional Federal Government of the Republic of Somalia along with our strategic partner in Indonesia, Medco Energi International. The three of us have been working closely for three years to get the Petroleum Law of Somalia enacted and form the Somalia Petroleum Corporation. We hope this collaboration will not only generate income for Somalia, but will also assist in building the infrastructure of the country for the general welfare of its people. We are very happy to be able to help Somalia and look forward to continued cooperation." Meanwhile, commenting on the tie up with KEC and Somali government, CEO of Medco Energi International, Darmoyo Doyoatmojo said: "Medco is proud to have been the pioneer, along with its partner Kuwait Energy Company, and a catalyst for building the foundations of the oil industry in Somalia. The oil and gas industry could prove to be a significant source of income for the Government, while directly or indirectly reducing unemployment in the years to come, leading to the establishment of local Somali service companies. We look forward to building our relationship in Somalia." Somalia has been without a fully functioning central government since 1991. De facto decentralization of political power occurred in the 1990''s, with varying degree of control achieved by militia and clan leaders in some parts of the country, while traditional forms of governance reـestablished political stability and functioning administration in other regions, namely Puntland and Somaliland. It is anticipated that following the enactment of the Petroleum Law and the formation of the national petroleum company, there will be a model production sharing agreement, with the intent of launching an international bidding round for exploration blocks in Somalia during 2009. SOURCE: Alwatan
  8. ^^^Adeer I sense you are a young man full of energy, use it to help your nation and stop the nonsnece. Stop being subjective, Cade, yusuf will be gone, work to better your people.
  9. Better Education for Puntland by Presidential Candidate Prof. Farjac Posted to the MOL August 15, 2008, 4:45 am Problem: There are no public schools in Puntland. Public schools became private. Consequently, poor people could not afford sending their kids to schools. Solution: free quality education for every Puntlander. Education Highlights This is an extract from our plan for Puntland. It is a summary of the major points of the chapter on education. Education must be conducive to the job market. The administration would boost and encourage trade school mainly on adults. Trade skills can create jobs locally and the Gulf Council Countries could give us a quota of their imported skilled labor. The intake bottleneck, post secondary education is problematic in Puntland, but we obtained solutions. The trade school program might be an off load, but would not be enough. Soliciting general scholarship allocation and utilization of local universities is advisable. To this end we drew an appropriate plan based on available resources and demand on perpetual basis. Apart from the central Education Board, the education boards shall be instituted as a support mechanism in all regions. Major points of the educational plan.[/n] It is in our plan to implement free education system for everybody. Create more competitive public schools, and employ the best teachers with higher remuneration. Public schools will be funded through public revenue. · In addition to the public revenue, we have secured promises from international donors for funding new schools. Therefore, it is our goal to have a public school in every town. We divided the primary school into elementary and intermediate. For the intermediate level we devised the plan to add polytechnic schools attached to production factories. Since Puntland has land based large natural resources, with a long coast marine based natural resources, the curriculum will focus on the productions related to the primary sector of the economy. These types of schools are needed because there are so many families with no one abroad to send remittance for them. The students in most of the cases are the bread winners of their families. Polytechnic schools provide practical familiarization of the modes of production and basic techniques of production. These schools also inject and infuse our youth the love of manual labor. Anybody working in a factory's line of production will have full access of this technical education. The private small scale industries of Puntland will have well trained supply of labor force. Our policy has dual purposes. First to prepare the student for higher education, and second to prepare the students for work in the production line and the technical know how needed for technical higher education. An intermediate technical graduate can continue his high school in technical or scientific high school, or proceed to the traditional regular high school. For graduates of high schools, we plan that every student will have access to a university, or technical and vocational colleges. Those with highest scores will have scholarships to foreign countries. We will seek and find scholarships and grants in USA, Canada, Latin America, all African countries, all European countries, all the republics of former Soviet Union, all Middle Eastern countries, all East Asian countries and Oceania. Major foreign languages will be taught in high schools. The student will take at least one foreign language each year of his/her high school life. Since Somalis have the tendency and special talent of learning foreign languages, we will institute linguistic faculties in Puntland universities. We will modernize the education of Koranic education by building similar to the other types of education. The Koranic teachers will be certified and will have higher salaries than other type of education. Education is the best weapon to combat against ignorance, disease and poverty. It is every child's Allah given right to receive the basic education of reading, writing and arithmetic. Nothing can be compared with education. farjac@gmail.com
  10. Will you stop the Cyber Jihadisam and support Puntland and Somalia?
  11. Camir nice to see you saxib. The youth need to work for change in Puntland. Great news and wonderfull pics from Sanaag.
  12. ^^^Only in their Embassy adeer just like our flag rides high in our embassy in Addis. Stop the fake nonsence the help your country become normal ya Cyber Jihadi...
  13. New Dawn for Sanaag and the rest of Puntland Ismail Adan Mohamed Adan August 18, 2008 Every now and then as it happens, a state or any system of governance encounters an individual whose quality of leaderships can provide what the region of Sanaag and rest of Puntland needs: conflict resolution skills, Military expertise, social responsibility, transparency, accountability and reviving the fragile economy by pledging to transform it into a modern sustainable, free market-oriented economy. Puntlanders have experienced the destruction of internal wars, mismanagement, corruption, nepotism, and the cumulative effect of failed leadership on their communities and the nation as a whole. It is time for them to support the candidacy of Gen. Abdullahi Ahmed Jama to be the next president of Puntland State of Somalia, whose platform is to build his administration collectively from the grass roots level by empowering the civil societies, women, young and the elderly. Examples are rather precious and relatively few to match his strategy to solve the numerous problems, challenges that Sanaag and the rest of Puntland face; his plan is based on four major areas: Firstly, to improve the security of the region and normalize relations within the stakeholders, law and order will return, which will then enable the NGOs and UN agencies to support the local population who are struggling to make ends meet or improve their livelihoods in a recovering part of a lawless Somalia. The hyper inflation and a string of kidnappings and piracy have complicated that recovery status. Secondly, by reviving the local economy, the candidate has proposed to create more jobs for the large unemployed youth by undertaking in labor-intensive projects --- financed by the effective management and fair distribution of the tax funds and international aid. Investments in infrastructure such as roads, ports and electricity and encouraging the Diaspora to invest in industrial projects and to improve the agricultural sector of the state will be his other priorities . Another goal is to introduce policies that will support the destitute, the vulnerable and the IDPs, the handicaps and the elderly who might not have somebody to support them. Fourthly, the candidate emphasizes in his platform the right use of public funds and the optimal use of Puntland's natural resources. Corruption has been the cornerstone of Puntland's failure. Misuse and mismanagements of the state taxes led the public to withdraw their trust of the administration. And if not taken a different course of action, it will undermine the existence of the state. The credentials and education of the General Abdullahi Jama Ahmed are many. He studied from a prestigious military academy in Odessa Ukraine in 1973 and obtained his first degree in Military science. He later went to Egypt for his higher education and received a Master in Military Science in 1983. And he went on to study in the US Army War College in Carlisle, Pennsylvania, a prestigious college where the top American military leaders are trained. Diploma in strategy and decision making was awarded. The eagerness to learn to acquaint new knowledge did not stop there. He further studied and received a degree in accounting and CPA from Bryan & Stratton College at Rochester NY from 2000-04. He held many important positions in the Somali national army until he reached the highest ranking General in 1986. Gen.Abudallahi is the right candidate to be the next president of the State of Puntland. He left his comfort and family in the US to return to Puntland with less amenities and luxury so he could help build a prosperous, peaceful and stable Puntland. He needs the support of Puntland Diaspora, particularly those who believe in a new direction and the desire to make Puntland a better place for all Puntlanders. Putlanders are already showing acceptance of this new direction, a change for the better and I hope the momentum will carry on to be a success story for the sake of our existence and tomorrow's children. Let me say thank you to Gen Abdullahi, for his wise decision to bring a change and prosperity to Puntland. Let us wish him good luck for his endeavors and the future of Puntland.
  14. The Blue Flag rides in the heart of SANAAG No secessionist in sight,
  15. Magaalada Badhan ayaa Wacdaro ka Muujisay Soo dhawayntii Gen- C/laahi Axmed Jaamac Ilka Jiir [Daawo Sawiro] Badhan:- Waftigii uu hormuud ka ahaa Gen-ku ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Badhan ee Xarunta labaad Gobolka, boqolaal ruux ayaa sitay boodhadh soo dhawayn ah, dadkaasi ayaa waxa wajiyadooda ka muuqtay Farxad iyo soo dhawayn, Gen-ka ayaa waxa salaan siiyay Ciidamada Deegaanka kuwaasi oo ku jiray Heegan sare. Sidaanu kor kusoo xusney waxaa soo dhoweeyey musharaxa dadwayne aad u balaaran oo uu horkacayeen Ururadda Bulshada iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo waliba Gudiga Magaalada Badhan iyo waxgaradka culumada cugaasha isimada iyo waliba dhamaan dadwayanaha degmada Badhan. Dadweynaha soo dhoweeyey wefdigan ayaa ruxayey caleemo qoyan iyo waliba halku dhigyo, sawiro iyo waliba Hesso Wadani ah muujinaya xamaasada Magaalada Badhan, Waxaa sidoo kale magaalada Badhan soo gaarey wefdi Her wasiro ah oo ka kala yimi Magaloyinka Boosaaso Gawoowe isla markanaan ka qeyb qaatey soo dhoweynta Generalka iyo wefidgiisa waxaana wefdiga Wasirada ah hogaaminayey Wasirka Xananada Xolaha iyo Bereha Cali Bureed. Magaalada Badhan ayaa maanta u ekeyd mid aad moodid iney ka jirto maalin ciideed iyadoo aad arkeysid faraxad aad u badan oo ay dadku hayaan isla markaan ay dadweynuhu isugu tahniyadaynayeen soo dhoweynta Generalka iyo Wefdigiisa. Dhalinyada Sportska Magaalada Badhan ayaa waxay ka cayaartey door weyn oo iyagoonWatay Dharka Sports ka iyo Sawirada Generalka iyo waftigiisa kuna dhawaqayeey sodhowow .sodhowow. Magaalada ayaa sidoo kale waxaa xirnaa goobaha Ganacsiga iyo suuqyada laga adeegto iyadoo dhamaantood ay isu taageen Wadoyinka Waween ee magaalada Badhan sidi ay uga qayb qadan lahayeen soo dhoweynta wefdiga.