General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. lOOL. So the non existent Navy of the unrecognised phantom state, is doing what the NATO warships could not do. Another chewing session gone wild I guess. Yup and the Queen was their mother.
  2. ^^^Your response is more telling adeer. Somalia has only one government, weak as it maybe your clan extremists have done nothing but hurt your own power base and kill more civilians. Tommorrow is Eid, ist about time you started working to help your country instead of being just another confused self hating Somali.
  3. lool. Al Shabaab in Galgaduud are locals, running around in circles. This is a new political movement arising in Puntland, from both within and in the diaspora for change. We have thousands of young, well educated youth who want to participate in the political process. The main aims are better adminstration, more openes, better delivery of services. The Al Shabaab capture areas where they have suppport and weak, Galkacyu is neither weak nor does it support the ********* of Al Shabaab.
  4. The game is being played in Baidoa, and the last obsticle to national governance will insha Allah be overcome.
  5. Kulan balaaran oo maanta ka dhacay magaalada Galkacyo kaasoo ay soo qaban qaabiyeen dhalinta Gobolka Mudug. Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in ay shir Magaaladaasi ku qabteen Urur dhalinyaro oo dhawaan laga hirgaliyey Puntland,ujeeda dhalinyaradan kulankooda ayaa ahaa in ay la hadlaan Maamulka iyo Waxgaradka gobalka Mudug. Hoolka Shirarka ee dugsiga Sare ee Cumar Samatar ee Magaalada Gaalkacyo ayaa lugu qabtay kulankaan, waxaana ka soo qeybgalay Maamulka gobalka, Kan degmada iyo Laamaha Amaanka. Sidoo kale shirkan waxaa joogey Waxgaradka Magaalada Gaalkacyo, ujeedaduna waxa ahayd wacyi-galin Bulshada gobalka Mudug laga wacyi-galinayo in ay Kuraastooda baarlamaanka Puntland dadka ay udirsanayaan ay noqdaan dad isbadal weyn gaarsiin kara Puntland. Qaar ka mid ah dhalinyarada oo hadalo ka jeediyey shirkaasi ayaa sheegay in ay deegaanada Puntland ubaahan yihiin Isbadal mug weyn, ayna muhiim tahay in Isbadalkaasi laga soo bilaabo in Xildhibaanada loo dirayaa xarunta baarlamaanka ay noqdaan kuwa lugu soo xulay aqoon iyo kartinimo. Duqa Magaalada Gaalkacyo Col. Axmed Cali Salaad oo ka hadlayay shirkan ayaa mahad celin ujeediyey dhalinyarada, wuxuuna sheegay in ay muhiim tahay in wax la wada qabsado, wuxuuna ugu baaqay Dhalinyaradan in ay ka shaqeeyaan Amaanka iyo uqareemida danaha deegaanada Puntland. Axmed Cali Salaad ayaa xusay in waqti hore loo baahnaa in la hirgaliyo Ururkan oo kale, wuxuuna ugu yeeray in ay ka taliyaan Maslaxada Umada gobalka Mudug, isagoo sheegay in looga fadhiyo in ay gaarsiiyaan Puntland oo dhan qodobada ay wadaan. Agaasimaha Wasaarada Warfaafinta Puntland C/qaadir Faarax Bootaan oo joogey halkii shirkan uu ka dhacayey, ayaa soo dhaweeyey dhismaha Ururkan wuxuuna sheegay in ay gacansiinayaan. Ugu dambeyntii shirkan waxaa xiray gudoomiye kuxigeenka Labaad ee Maamulka gobalka Mudug Bashiir Maxamed Mire, wuxuuna ku booriyey dhalinyaradan in ay hayaan wado wanaagsan ayna sii wadaan oo aysan xaaladan oo kaliya ku koobnaan. Dhalinyarada la baxay Ururka Dhalinyarada Isbadal doonka ah ayaa ka jira dhamaanba gobalada Puntland, waxa ayna hal ku dheg ka dhigteen “ Puntland Horumar iyo Isbadal dhab ah”. Xigasho Allpuntland.com Ahmed Abdullaahi Aadan K.K. Dubai City
  6. Crazy africans they need to let these wild animals alone.
  7. Warsaxaafadeed ay soo saareen Waalidiinta Soomaliyeed ee ku nool Minnesota USA Og: Waalidiinta Somaliyeed ee ilmahooda loo Diray Dagaalada Somalia ka socda Ku: Dhammaan Saxaafada Madaxa banaan (1) Waxaan halkan ka caynaynaa inaan la' nahay ilmaheenii mudo ka badan bil, markii noogu danbaysay waxay ahayd NOV,4 2008 markaas ka dib halmar ayey nala soo waceen iyagoo noosheegay inay joogaan somalia magaalada Muqdisho ayna nabad qabaan. (2) Waxaan dowlada Maraykanka ka codsanaynaa inay baaritaan qoto dheer ku samayso kuwii ka dambeeyey in Caruurtaas laga xado waalidiintood loo diro dagaalo, kuwa ficilkaas ka dambeeya, uruuriyey caruurtaas ku bixiyey dhaqaalihii ay ku safreen, waxay khatar ku yihiin nabadgalyada aduunka gaar ahaana dalkan aan ku nool nahay ee Maraykanka, waxayna ku dhiiran karaan markasta inay carqaldeeyaan nabada gobalkan Minnesota guud ahaan dalka Maraykanka, sidaas darteed anagoo ku hadlayna magaca waalidiinta dulman ee ilmuhu ka maqan yihiin iyo kan ummada soomaliyeedba waxaan cambaareynaynaa cidkasta oo ka dambaysa ficilada foosha xun ee ilmaha loogu dirayo dagaalada iyo kuwa abaabula intaba. (3) Waxaan Codsanaynaa in dhammaan bulshaweynta Maraykanka anaguna aan qaybta ka nahay ay nagu garab istaagto sidii loo heli lahaa sharcigana loo keeni lahaa kuwa ka dambeeya falalkaas dambiyeedkaas haday joogaan Maraykanka iyo hadii ay meelo kale joogaanba. (4) Waxaan umahad celinaynaa hay'adaha dawladda ee ku shaqada leh baaritaanka dembiyada sida ay markiiba ugu istaageen wax qabashada hawshan balaaran, waxaana u sheegaynaa hadaanu nahay bulshada somaliyeed ee ku nool gobalkan Minnesota inaan garab siin doono sidii loo heli lahaa dembiilayaashaas khatarta ku ah guud ahaan nabada. (5) Waallidiinta ilmuhu ka maqan yihiin ee ilaa hada aan la soo xariirin hay'adaha qaabilsan caruuraha la layahay waxaan xasuusinaynaa inay sida ugu dhakhsaha badan ula soo xariiraan, hadiise ay aamusaan waxaan u sheegaynaa khatarta ay leedahay caruuraha la waayo oo aan hay'adaha dawlada laga diiwaan galin iyadoo loo arki in waalidku uuba ka dambeeyo diritaanka hadii la ogaado in reer kaas ilmaha ka maqan yihiin aysana diiwaan galin ilmahaas ka maqan. (6) Waxaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobalkan ka codsanaynaa inay nagarab istaagto waalid ahaan, gacana nagu siiyaan ay noola wadaagi lahaayeen waxii xoga oo ay ka hayaan arimaha cauurtaas dagaalada loo diray . VIDEO:
  8. Shir lagu mamnuucaayo Miinooyinka oo ka dhacay Oslo, dowlada Somaliyana ay ka qeeb gashay Sunday, 7 December 2008 SMC Waxaa magaalada Oslo, Norway, lagu qabtay shir caalami ah oo lagu mamnuucayey isticmaalka Miinooyinka ama Banbooyinka, shirkaas oo dowlada ku meelgaarka ah ee Soomaliya ay ka qeeb gashay ayaa waxaa uga qeeb galay Maxamed Jamac Cali "M J" Xogahaynta waasaarada Arimaha dibada iyo Iskaashiga Caalimiga. Shirkaasi markii la soo gabagabeenaayey ayaa halkaasi waxaa dowladihii ka soo qeebgalay shirkaas ay ku saxiixeen mamnuucitaanka Miinooyinka ama Banbooyinka wax gumaada. Soomaaliya waxaa u saxiixay Maxamed Jamac Cali "M J" Xogahaynta waasaarada Arimaha dibada iyo Iskaashiga Caalimiga. Shirkaan lagu saxiixay mamnuucitaanka Banbooyinka halistaha waa kasoo qayb galay inka badab 100 wadan oo ay matalayaan Madax weeynayaashoodii, iyo Ra iizul wasaaradoodii.. Somaliweyn Media Center “SMC”
  9. Musharixiintii reer Nugaaleedka oo ay isu soo hareen xubno kooban iyo wadahadal weli socda Garoowe (WNT)-Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa waxaa maalmahaan ka socday wada halo u dhexeeya beelaha gobolkaasi dega oo ay ka sharaxnaayeen 7 musharax oo u tar tamaya jagada madaxtimada maamulka Puntland oo la saadaalinayo inay dhacdo 8-da bisha fooda inagu soo haysa ee Janaayo. Shir dhawaan ay yeelatay beeshu oo lagu doonayey in lagu yareeyo musharixiinta ayaa waxaa iyagu is casilay oo ka tanaasulay doonistoodii jagadaasi Wasiirkii hore ee dakadaha iyo khayraadka Badda Puntland Axmed Siciid Aw-nuur iyo siyaasiga ruug Caddaaga ah Cabdi Xaaji Yuusuf (Shuluco) oo labadu sheegay inay tanaasuleen ka dib markii culay kaga yimid dhanka beesha kaasi oo lagu doonayey in la helo hal musharax oo gobolka ka soo baxa,waxaana ay sheegeen inay ka jawaabeen codsigii dadka. Waxaa weli socoda wada hadalo lagu doonayo in lagu soo reebo hal musharax,iyadoo ay isu soo hareen gobolka Nugaal 4 musharax oo kala ah Max’ed Cabdi Nuur,Aadan Gaadaale,Xasan Abshir iyo C/raxmaan Faroole,waxaana la saadaalinayaa in dhowaan 3 ka mid ahi ay tanaasuli doonaan,iyagoo ka jawaabaya codsiga dadka reer Puntland ee is badalka u baahan caqabadana ay ku noqotay musharixiinta tirada badan ee kuligood caashaqsan kursiga madaxtinimo. Guud ahaan jagadaan ayaa waxaa illaa hadda isu soo sharaxay in ka badan 27 musharax oo dhamaantood sheegay inay is badal weyn keeni doonaan haddii la doorto marka loo eego aqoontooda iyo waayo aragnimadooda waxaase shaki weyn laga qabaa inay sahlaan in mar kale Cadde Muuse uu halkaasi ku soo laabto.
  10. Xaji Brother Eid Mubarak first of all. The answer to your question is the next step will be for the Prliment to vote on the the breaking of the constitution. There needs to be no more agreement and President Yusuf has stated that he does not want the Ethiopian interefrence or mediation. Thus its for the Parliment to deal with the matter.
  11. Baydhabo: Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde iyo xubno ka tirsan xukuumaddiisa oo lagu soo dhoweeyay Baydhabo 7. December 2008 Baydhabo(AllPuntland)-Wafdi uu hoggaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Dowladda KMG Md. Nuur Xasan Xuseen oo ka kooban Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa goor dhow ka soo degay garoonka diyaaraddaha magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, waxaana wafdiga Nuur Cadde si diiran ugu soo dhoweeyay garoonka Afhayeenka Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo Mudanayaal kale. Waxaa aad loo adkeeyay amaanka garoonka diyaaraddaha iyo wadooyinka magaalada Baydhabo, iyadoo markii uu soo degay Ra'iisul Wasaaraha si toos loogu galbiyay hoyga Guddoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu kulan la leeyahay haatan. Lama oga waxyaabaha labadaasi mas'uul ay ka wada hadlayaan, hase ahaatee waxaa lagu soo waramayaa in ay qodobada ugu muhiimsan ee kulankaasi looga hadlayo ay ugu horeyso khilaafka u dhaxeeya Nuur Cadde iyo Cabdullaahi Yuusuf sidii meesha looga saari lahaa. Waxaa magaalada Baydhabo sidoo kale ku sugan Madaxweynaha Dowladda KMG Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo saacadihii u danbeeyay kulamo kala duwan la qaadanayey Afhayeenka Baarlamaanka iyo Xildhibaanada, iyadoo aan wax faah faahin ah laga heyn natiijada kulamadaasi. Waxaa socda olole ku aadan kala jiidashada xubnaha Baarlamaanka ee Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha oo xukuumadda uu soo dhisay la filayo in uu hordhigo Baarlamaanka, halka Madaxweynaha uu ka soo horjeedo dhismaha xukuumadaasi. AllPuntland, Baydhabo
  12. Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde oo ka hadlay kulanka uu la qaatay Madaxweynaha markii uu Baydhabo yimid. Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa shir jaraa'id oo uu galabta ku qabtay Magaalada Baydhabo waxaa uu kaga hadlay socdaalkiisii iyo kulan gaaban oo uu la qaatay Madaxweyne C/llaahi Yusuf oo ay in muddo ahba is arag tan iyo markii uu soo muuqday khilaafkooda. Ra'iisul Wasaaraha oo wariyeyaasha kula hadlay Hotelka Bakiin oo uu degan yahay ayaa sheegay inuu la kulmay Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, isagoona sheegay inay labadaba kala warqaateen sida uu hadalka u dhigay. "Markaan Baydhabo soo gaaray Baydhabo, kadib waxaan u tagay Afhayeenka Barlamaanka, kadibna Labadeena ayaa Salaan ugu tagnay Madaxweynaha, kadibna Madaxweynaha iyo Afhayeenka Baarlamaanka iyagoo isla jooga ayaan ka soo tagay"ayuu yiri Ra'iisul Wasaaraha oo aan faah faahin ka bixin waxyaabaha ay sida dhabta uga wada hadleen. Kulankan ayaa la rumeysan yahay inuu ka soo shaqeeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka oo sida la sheegay Ra'iisul Wasaaraha markii uu ugu tagay Hoygiisa ka dalbaday inay is arkaan isaga iyo Madaxweynaha. Labada Mas'uul waxaa ka dhex jira khilaaf sababay in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu diido dhismaha cusub ee Golaha Wasiirada uu soo magacabay Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha uu si kulul u dhaliilay Siyaasadda Madaxweyne C/llaahi Yuusuf. Madaxweyne C/llaahi Yusuf ayaa kal hore sheegay inWasiiru uusan isaga ansixin aysan wasiir noqon karin, iyadoo Ra'iisul wasaaraha uu si cad u sheegay in Baarlamaanka uu horgeyn doono Wasiiradiisa cusub si uu u ansixiyo. Lama oga in kulankan galabta dhex maray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde uu wax ka bedeli doono mowqifyadii kala taagnaayeen Labada nin ka hor kulankii galabta ka dhacay Magaalada Baydhabo. Hooyga wararka Somaliyed Jowhar.com & Jowharnews.com Jowharcom@hotmail.com
  13. Gaalkacyo: Dhalinyaro Dooneysa in uu Isbadal Siyaasadeed ka dhaco deegaanada Puntland oo shir ku qabtey Magaalada Gaalkacyo. 6. december 2008 Gaalkacyo(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in ay shir Magaaladaasi ku qabteen Urur dhalinyaro oo dhawaan laga hirgaliyey Puntland,ujeeda dhalinyaradan kulankooda ayaa ahaa in ay la hadlaan Maamulka iyo Waxgaradka gobalka Mudug. Hoolka Shirarka ee dugsiga Sare ee Cumar Samatar ee Magaalada Gaalkacyo ayaa lugu qabtay kulankaan, waxaana ka soo qeybgalay Maamulka gobalka, Kan degmada iyo Laamaha Amaanka. Sidoo kale shirkan waxaa joogey Waxgaradka Magaalada Gaalkacyo, ujeedaduna waxa ahayd wacyi-galin Bulshada gobalka Mudug laga wacyi-galinayo in ay Kuraastooda baarlamaanka Puntland dadka ay udirsanayaan ay noqdaan dad isbadal weyn gaarsiin kara Puntland. Qaar ka mid ah dhalinyarada oo hadalo ka jeediyey shirkaasi ayaa sheegay in ay deegaanada Puntland ubaahan yihiin Isbadal mug weyn, ayna muhiim tahay in Isbadalkaasi laga soo bilaabo in Xildhibaanada loo dirayaa xarunta baarlamaanka ay noqdaan kuwa lugu soo xulay aqoon iyo kartinimo. Duqa Magaalada Gaalkacyo Col. Axmed Cali Salaad oo ka hadlayay shirkan ayaa mahad celin ujeediyey dhalinyarada, wuxuuna sheegay in ay muhiim tahay in wax la wada qabsado, wuxuuna ugu baaqay Dhalinyaradan in ay ka shaqeeyaan Amaanka iyo uqareemida danaha deegaanada Puntland. Axmed Cali Salaad ayaa xusay in waqti hore loo baahnaa in la hirgaliyo Ururkan oo kale, wuxuuna ugu yeeray in ay ka taliyaan Maslaxada Umada gobalka Mudug, isagoo sheegay in looga fadhiyo in ay gaarsiiyaan Puntland oo dhan qodobada ay wadaan. Agaasimaha Wasaarada Warfaafinta Puntland C/qaadir Faarax Bootaan oo joogey halkii shirkan uu ka dhacayey, ayaa soo dhaweeyey dhismaha Ururkan wuxuuna sheegay in ay gacansiinayaan. Ugu dambeyntii shirkan waxaa xiray gudoomiye kuxigeenka Labaad ee Maamulka gobalka Mudug Bashiir Maxamed Mire, wuxuuna ku booriyey dhalinyaradan in ay hayaan wado wanaagsan ayna sii wadaan oo aysan xaaladan oo kaliya ku koobnaan. Dhalinyarada la baxay Ururka Dhalinyarada Isbadal doonka ah ayaa ka jira dhamaanba gobalada Puntland, waxa ayna hal ku dheg ka dhigteen “ Puntland Horumar iyo Isbadal dhab ah”. F. C. Geylan AllPuntland
  14. Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Soomaalia Mudane C/laahi yuusuf ayaa laqaatay kulamo gooni gooni ah xubno ka tirsan Xildhibanada Baarlamaanka Somalia. Sabti 06. 12. 2008 Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Soomaalia Mudane C/laahi yuusuf ayaa xalay laqaatay kulamo gooni gooni ah xubno ka tirsan Xildhibanada Baarlamaanka Somalia oo u kujiro Gudoomiyaha Baarlamaanka sheekh Aaden Madoobe, warar hoose oo an ka helnay kulamaadasi ayaa sheegaya in wadahadalka diirada lagu saaray sidii loo bad baadin lahaa Doowlada Fadaraalka, ayadoona aad loo lafa guray heeshiskii dhawaan la sheegay in kooxaha Mucaaradka iyo Dowlada ay ku saxiixdeen Magaalada Jabuuti. Waxaa kaloo jiray kulamo kuwaa lamid ah oo ay wadeen waxgarad katirsan Deeganka oo ay ooga arin sanayeen awood qeeybsiga lasheegay in lagu soo heshiiyay Magaalada Jabuuti,waxgaradkaan ayaa ugudbiyay qoraal ashtako ah Madaxweynaha Jamhuriyda Somalia oo ay ku mujinayaan sida ay oogasoo horjeedaan heshiiskii Jabuuti. Hassan C Allidamaale.com kalasoco warar xaqiiqada kusaleeysan Allidamaale@hotmail.com Xaafiiska Waraqabadka Allidamaale.com Allidamaale.com
  15. C/laahi Yuusuf oo kulamo gaar gaar ah la qaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo xildhibaanada qaarkood Mogadishu Saturday, 6 December 2008 SMC Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda KMG ah e Soomaaliya uu xalay kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid Xildhibanada Barlamaanka Soomaaliya iyo weliba Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxaana socda kulamada uu madaxweynaha la yeelanaayo xubno ka mid ah dowladiisa. C/laahi yuusuf ayaa la sheegayaa kulamada uu la qaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ahaa mid albaabada ay u xiran yihiin, waxaana la sheegayaa inay uga hadlen arrimo ay ka mid ahaayeen khilaafka baaxada ee u dhaxeeya Ra/wasaaraha iyo madaxweynaha. Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyowaxyaabihii ay ka wadahadleen isaga iyo Madaxweynaha. Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha ayaa mid kasta gulfis ugu jira sidii uu u heli lahaa taageerada Xildhibaanada Baarlamaanka soomaaliya, wuxuuna mid kasta doonayaa inuu helo aqlabiyada inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Somaliweyn Media Center “SMC”
  16. First it was the warlords. Then the fake clan courts and their Looting Inc subsiduary. Now Ethiopia or a diviison within its admin istrying to scuttle the TFG and its nationalistic aspirations. H.E Presidnet Abdullahi Yusuf seems to be the man who can tackle such odds without even sweating. The secessionists, the looters, the fake religious Arab handout clowns and everyone else is looking to this new challange. An old sick warrior has the balls where none others do. Remarkable indeed.. Keep singing Mesfin, your IGAD meeting saber rattling failed, your moves on the ground failed and now all you can di is writte a press conference and call Cade to mediate.
  17. Mesfins Office: It had been obvious that not everybody within the TFG, even at the highest level, was enthusiastic about the Djibouti process. It was no secret, in fact, that some had been trying to scuttle the process. What the President is quoted to have said now confirms this. Given the TFG’s continuing problems, it is difficult to be optimistic of any real progress now or in the indefinite future.... Do something about it and kindly turn of the light as you exit ..
  18. Mashruucii dhismaha Agoonta Gaalkacyo oo guul ku dhamaaday Galkacyo, Somaliya (Calanka.com) 04-Desember-08 Xaruntii Agoonta ee magaalada Gaalkacyo ayaa ku dhamaatay guul inkastoo wali lagu gudo jiro dhismihii ugu dambeeyay oo isagu gabo-gabo ah, waxaana shabakada warbaahinta Calanka.com la soo gaarsiiyay sawiro loogu tala-galay in ay ku farxaan dhamaan intii ka qeyb-qaadatay mashruucan, gaar ahaan Jaaliyadaha Soomaalida ee dibadda oo si hagar la'aan ah uga qeyb-qaatay dhismaha agoonta Gaalkacyo. Maamulaayaasha iyo culimadii gacanta-weyn ka geysatay mashruucan loogu gurmanayey agoonta ayaa mahad gaar ah u jeediyay maamulka shabakadda Calanka.com oo ay sheegeen in ay si weyn uga qeyb-qaateen, islamarkaana dhibaatada agoonta Gaalkacyo gaarsiiyay Soomaalida muxsiniinta ah, taasoo suurto-gelisay in ay Jaaliyadda dibadda gurmad u fidiyaan mashruucan sida weyn loogu guuleystay. Sawirada halkan ka muuqdo ayaa ah kuwo aad loogu farxo, waxayna dhiira-gelin u noqon-doontaa dadka aan weli ka qeyb-qaadan mashruucan, inay mustaqbalka ku-dhiiran-doonaan inay ka qeyb-qaataan mashaariicda kale ee kheyriga ah, hadii EEBE idmo. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda
  19. AYOUB, adeer get back to me on the DNA, adeer I did not get your rant about in Laws and all. NN: I dont know why he ran away and has not spoken yet, he went to consult the "international community" or the NGOs. Rudy, adeer when adults are having a convo, the young should stay quite ok adeer.
  20. Musharaxa Ugu Cad Cad Madaxweyne-nimada Puntland oo Wax Lalayaabo Ku Sheegay Shirkii ay Saxiixeen Rag kala Matalayay Mucaaradka iyo dawladda Soomaaliya. Cumar Cali Maxamuud (Farjac) oo ka mid ah Musharaxiinta utaagan xilka Madaxweyne-nimada Puntland ayaa ka biyo diiday qodobadii ka soo baxay shirkii ay dalka Jabuuti ku kala saxiixdeen Ergooyin ka socdey dawladda Faderaalka ee Soomaaliya iyo Isbaheysiga kala jabey ee Dibu Xoreynta Soomaaliya. Cumar Cali ayaa ku sheegay heshiiskaasi mid ka soo horjeeda danaha Ummada Soomaaliyeed, markaasna loogu hiilinayo cid gaar ah wuxuuna ugu baaqay QM in ay dhexdhaxaad ka noqoto xaaladaha dalka Soomaaliya. Musharaxan wuxuu wax lala yaabo ku sheegay in baarlamaanka Soomaaliya laga dhigo 550 Xubnood, isagoo sheegay in aysan taasi marnaba galeyn maskaxda Ummada Soomaaliyeed ayna tahay wax lala yaabo. Cumar Naxamuud "Farjac" wuxuu taageeray go’aankii ay Xukuumada Puntland iska taagtay heshiiskaasi, wuxuuna sheegay in aysan marnaba Shacabka Puntland aqbali doonin qodobadii lugu saxiixay Magaalada Jabuuti. Musharaxan ayaa sidoo kale wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey in doorashada Puntland ay si wanaagsan ku dhacdo, wuxuuna ugu baaqay dadka Puntland in ay Il gaar ah ku hayaan howlaha doorashada Puntland. Mar uu ka hadlayay xaqa ay dadka Puntland uleeyihiin in laga qeybgaliyo wada hadalka Jabuuti ayuu sheegay in ay tahay mid muuqata oo cad, ayna jirin cid xaqiri karta, isagoo uga digey dadka doonaya in ay xaqiraan dadka reer Puntland in aysan noqon doonin mid suuragasha arintaasi. Hadalkan ka soo baxay Musharax Cumar Maxamuud oo loo yaqaano (Farjac) ayaa ku soo beegmaya xili ay dad badan oo ka tirsan Beelaha Soomaaliyeed ay ka biyo diideen kuna sheegeen mid aan ka hirgalikarin Dhulka Soomaaliyeed, sidoo kale isla warkan wuxuu ku soo beegmayaa xili aysan wali hirgalin qodobadii lugu soo saxiixay Jabuuti bishii hore. Email Story Printable View
  21. Puntland: Musharax ka mid ah Musharaxiinta utaagan Madaxweyne-nimada Puntland oo wax lalayaabo ku sheegay Shirkii ay saxiixeen rag kala matalayay Mucaaradka iyo dawladda Soomaaliya. 6. december 2008 Puntland(AllPuntland)- Cumar Cali Maxamuud (Farjac) oo ka mid ah Musharaxiinta utaagan xilka Madaxweyne-nimada Puntland ayaa ka biyo diiday qodobadii ka soo baxay shirkii ay dalka Jabuuti ku kala saxiixdeen Ergooyin ka socdey dawladda Faderaalka ee Soomaaliya iyo Isbaheysiga kala jabey ee Dibu Xoreynta Soomaaliya. Cumar Cali ayaa ku sheegay heshiiskaasi mid ka soo horjeeda danaha Umada Soomaaliyeed, markaasna loogu hiilinayo cid gaar ah wuxuuna ugu baaqay QM in ay dhexdhaxaad ka noqoto xaaladaha dalka Soomaaliya. Musharaxan wuxuu wax lala yaabo ku sheegay in baarlamaanka Soomaaliya laga dhigo 550 Xubnood, isagoo sheegay in aysan taasi marnaba galeyn maskaxda Umada Soomaaliyeed ayna tahay wax lala yaabo. Farjac wuxuu taageeray go’aankii ay Xukuumada Puntland iska taagtay heshiiskaasi, wuxuuna sheegay in aysan marnaba Shacabka Puntland aqbali doonin qodobadii lugu saxiixay Magaalada Jabuuti. Musharaxa ayaa sidoo kale wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey in doorashada Puntland ay si wanaagsan ku dhacdo, wuxuuna ugu baaqay dadka Puntland in ay Il gaar ah ku hayaan howlaha doorashada Puntland. Mar uu ka hadlayay xaqa ay dadka Puntland uleeyihiin in laga qeybgaliyo wada hadalka Jabuuti ayuu sheegay in ay tahay mid muuqata oo cad, ayna jirin cid xaqiri karta, isagoo uga digey dadka doonaya in ay xaqiraan dadka Puntland in aysan noqon doonin mid suuragasha arintaasi. Hadalkan ka soo baxay Musharax Cali Cumar Maxamuud loona yaqaano (Farjac) ayaa ku soo beegmaya xili ay dad badan oo ka tirsan Beelaha Soomaaliyeed ay ka biyo diideen kuna sheegeen mid aan ka hirgalikarin Dhulka Soomaaliyeed, sidoo kale isla warkan wuxuu ku soo beegmayaa xili aysan wali hirgalin qodobadii lugu soo saxiixay Jabuuti bishii hore. F. C. Geylan AllPuntland