
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Baydhabo: Madaxweynaha dalka Soomaaliya oo la kulmaya baarlamaanka Soomaaliya. 6. december 2008 Baydhabo(AllPuntland)- Madaxweynaha dawladda Faderaaliga ah ee Soomaaliyeed Md. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa la kulmaya manta Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Baydhabo, wuxuuna kala hadlayaa xaalada dalka Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya oo shalay soo gaaray xarunta baarlamaanka Soomaaliya, ayaa waxyaabaha uu kalahadlayo baarlamaanka ay ugu muhiimsan tahay talaabada laga yeelayo ku tumashada sharciga ee gaartay heerkii ugu sareysay iyo booqashooyinkii uu ku tagey dalka Jabuuti iyo deegaanada Maamulka Puntland. Warar ku dhow dhow shirkan ayaa sheegaya in uu Madaxweynaha Soomaaliya u bandhigi doono Mudanayaashan baarlamaanka Soomaaliya, in la gaaray waqtigii lala xisaabtami lahaa dadka ku tumanaya Axdiga KMG ah ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. Kulankaan Madaxweynuhu la qaadan doono baarlamaanka Soomaaliya qeyb ka mid ah ayaa ku soo beegmaya xili ay xalay kulmeen Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Aaden Maxamed Nuur iyo Madaxweynaha dalka Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed oo ay ka wada hadleen xaaladaha Siyaasadeed ee dalka Soomaaliya. Kulamadan kala duwan ee ka dhacaya Magaalada Baydhabo ayaa ku biiraya kulamadii uu Madaxweyne Yuusuf maalmihii ugu dambeeyey layeelanayay cid walboo loo arko in ay wax ka qaban karto xaalada dalka Soomaaliya. Hotelada iyo Baararka Fadhi ku dirirka ee Magaalada Baydhabo ayaa maanta iyo xalay aad looga hadlayey kulamada kala duwan ee ka soconaya Magaalada Baydhabo, waxa ayna dad badan rajo wanaagsan ka qabin in ay hirgalaan Wasiiro aan lasoo marin Madaxweynaha Soomaaliya iyo Heshiiskii dalka Jamhuuriyada Jabuuti. F. C. Geylan AllPuntland
-
Baidoa: President Yusuf led delegates land in Bay meets with MP's
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Adeer, the Presdient of Somalia is back from the crowning of the King in Qardho. Get back to me on the DNA, ya orphans of the living Queen. -
Addis Ababa: Puntland Presdient to mediate between Yusuf Addis
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Gheele: lool. Adeer your personal hate of individuals [notably Cade] should not cloud your judgment. Things are moving nicely for the Duke, hence the silence of the over excited naysayers. -
Addis Ababa: Puntland Presdient to mediate between Yusuf Addis
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Puntland election will go on and who ever wins will be supporting the interest of Puntland and its people just like those before them.. -
Baidoa: President Yusuf led delegates land in Bay meets with MP's
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ayoub if only you guys were Anglo Saxons you would have been recognised by the Brits along time ago. The President is in Baidoa with the Parliment, but many of you secessionists were claiming he fled to Garowe and so on.. -
Addis Ababa: Puntland Presdient to mediate between Yusuf Addis
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Gheele": Adeer from my well placed sources the mediation was started by the Ethiopians when their tactics did not work on the President. We had Melez flying into Yemen to meet with Salah a close ally of Yey, who then forewraded his message to Gheele of Djibouti who then invited the President & the leader of Puntland, who subsequently was sent to Addis to convey the response to Melez, who invited him. A nice charade Thus this has nothing to do with the upcoming elections in Puntland but to the move by the President to curtail the anti TFG wing and their sham of an agreement that they signed in Djibouti. It works well lads and Ethiopia has blinked. -
Baidoa: President Yusuf led delegates land in Bay meets with MP's
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
audio -
Baydhabo ayaa ah fadhiga golaha wakiilada Somaliya, ayna hadda ku sugan yihiin badi mudanayaasha baarlamaanku. M/weyne Yusuf ayaa todobaakii la soo dhaafay ku sugnaa DG Puntland, ka qaybgalay caleema saarka Boqor C/llahiu Boqor Muuse, kaalin waafi ahna ka qaatay xallinta is-maandhaaf sharciyeed oo uu dhexeeyey xukuumada Puntland iyo murashixiinta u tartamaya hogaanka Puntland.
-
Baidoa: President Yusuf led delegates land in Bay meets with MP's
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Madaxwaynaha dawlada soomaaliya oo safar kadis ku yimid magaalada baydhabo Posted to the MOL December 5, 2008, 1:03 pm madaxwaynaha dawlada soomaaliya cabdulaahi yuusuf axmed ayaa safar aan horay loo sii shhaacin ku tagay magaalada xarunta u ah baarlamaanka soomaaliya ee baydhabo isagoo kasoo kicitimey dalka jabuuti oo uu safar uguy anbaxay doraad. madaxwyeynaha ayaa waxaa kusoo dhaweeyey airportka baydhabo xildhibaano farabadan iyo dadwaynaha baydhabo wuxuuna islamarkiiba kulamo kala gooni gooni ah la yeeshay xubanaha baarlamaanka soomaaliya isagoo kala hadlaya waxyaabihii uguy dambeeyey eesiyaasada dalka soomaaliya iayadoo la anbaqaadayo dhisida xukuumad qaran maadaama haatan aysan jirin xukuumad sharciyana baarlamaanka iyo madaxwaynuhuna aqoonsanayn. magaalada baydhabo ayaa waxaa ka socon doona maalmahan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed. rabiile Gabanow Mudugonline.com Boosaaso -
Murashaxa Jagada Madaxtinimada u taagan sanada 2009ka Cabdilaahi Axmed Jaamac ilka jiir iyo Xildhibaan caasho Axmed Cabdle oo soo Gaarey BosasoDaawo sawirada Bosaaso:- Musharax C/laahi Axmed Jaamac Mataan [ilka Jiir] ayaa galabta soo gaadhay magaalada Bosaaso ee xarunta G/ Bari, Gen-ka ayaa safarkiisa waxa ku weheliyay Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalle oo ka mid ah Golaha Baarlamaanka Dawlada Somaliya, safarkooda ayay kaga soo kicitimeen dhanka Caasimada Ismaamul Goboleedka Puntland ee Garoowe. Musharax C/laahi Axmed Jaamac ayaa mudo ku sugnaa Magaalada Garoowe ee Caasimada Ismaamul Goboleedka Puntland halkaasi oo uu ka waday Olalaha doorashadiisa, waxana ay sheegayaan dad ku dhaw dhawi inuu intii Garoowe joogay la kulmay Isimada Puntland iyo waliba Madaxwaynaha Somaliya C/laahi Yuusuf oo markaasi isna Garoowe ku sugnaa.
-
Baidoa: President Yusuf led delegates land in Bay meets with MP's
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Madaxwayne cabdilaahi Yuusuf Axmed ayaa Gaarey magaalada Baydhaba ee Fariisinka u ah Dowlada Somaliya Baydhabo-Madaxwaynaha Dowalada Somaliya Mudane Cabdilaahi yuusuf Axmed ayaa Gaarey Magaalada Baydhaba Ee Xarunta Dowalada ku Meelgaarka ah ee Somaliya Waxaana loogu soo Dhowayey Magaalada Badhaba ee Fariisinka u ah Barlamanka somaliya Madaxwayne Cabdilaahi Yuusuf Si heer sare ah,Madaxwayne yuusuf ayaa safarkiisan kaga soo laabtay Dalka Jabuuti ee Jamhuuriyada Jabuuti. Mudanayaasha Baarlamanka ayaa Waxa ay wada leeyihiin kulamo hoose Madaxwayne cabdilaahi yuusuf Axmed Mana jirto cadaymo dhab ah oo ka soo baxaya kulamadaasi iyadoo ay suurta gal tahay in mihiimada ugu wayn ee ay ka wada hadli karaan mudane yuussuf iyo Mudanaysha Baarlamaanku inay tahay xaalada Djabuuti ee wayhanba la hadal hayey. Amaanka Guud ee Magaalada Badhaba ayaa la adkeeyey xiligii uu Madaxwayne cabdilaahi yuusuf ka soo degey garoonka diyaaradaha Ee Magaalada Baydhaba ilaa haatan ma jirto wax Amaandaro ah oo ka dhacay Xarunta Baarlamanka Magaalada Baydhaba. Mudane yuusuf uma uusan faahfaahin imaashihiisa saxaafada balse waxaa la filayaa inay warar ku aadan Heshiiskii jabuuti iyo hadalo kale oo ka soo baxaya Xarunaha Xukuumada Federalka ah inuu faahfaahin ka bixindoono Madaxwayne yuusuf. Maxamed Axmed Ciise -
Baidoa: President Yusuf led delegates land in Bay meets with MP's
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
source -
Addis Ababa: Puntland Presdient to mediate between Yusuf Addis
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Melez needs to do more than mere invite. But Yusuf has sent a clear message thus far. -
Addis Ababa: Madaxweynaha Puntland oo gaaray dalka Itoobiya. 5. december 2008 Addis Ababa(AllPuntland)- Madaxweynaha dawlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland Maxamuud Muuse Xirsi ayaa ka dagey Garoonka diyaaradaha ee Bale International Airport ee Magaalada Addis Ababa. Madaxweynaha Puntland ayaa diyaarada sidey ay ka dhooftay Magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti, waxaana lasheegay in uu casumaad ka helay Raysalwasaaraha dalka Itoobiya Meles Zanewi. Ujeedada safarka Madaxwenaha Puntland Maxamuud Muuse Xirsi ayaan si rasmi ah loo ogeyn,balse warar hoose ayaa sheegaya in ujeedada socdaalku tahay in uu kala hadlo Madaxda wadankaasi xiriirka labada wadan. Warar laga helayo Madaxtooyada Garowe ayaa sheegaya in uu Madaxweyne Cadde Muuse warqad casumaad ah todobaadkan lasoo gaarsiiyey intii uu joogey Magaalada Garowe, taasoo ka timid Maamulka Addis Ababa, ujeedaduna tahay in ay Madaxda Itoobiya iyo Puntland isla soo qaadaan Siyaasadaha qalafsan ee ka taagan gudaha Soomaaliya. Madaxweynaha Puntland ayaa labo maalin ka hor Shir Jaraa’ id oo uu ku qabtay Puntland, wuxuu kaga hor yimid shirkii lugu soo xiray dalka Jamhuuriyada Jabuuti, kaasoo ay ka qeybgaleen rag ka kala tirsan Mucaaradka kala qeybsan iyo dawladda Soomaaliya. Tagitaanka waqtigan ee Madaxweyne Cadde Muuse ku garya Magaalada Addis Ababa ayaa ku soo beegmaya xili ay kacsaneyd Siyaasada dalka Soomaaliya, gaar ahaana ayadoo ay Itoobiya ku dhawaaqday in ay Soomaaliya kala baxeyso ciidamada faraha badan ee ka jooga. F. C. Geylan AllPuntland
-
My man DhulQarnayn: The fact that when the President meets such obsticles and overcomes them the results are always posative for the TFG's nationalistic project, this situation gives me a great deal of confidance that things are going to turn again, to the advantage of the unionists. one can not even say Yusuf Yey is back, because he never left.
-
Baidoa: President Yusuf led delegates land in Bay meets with MP's
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
This was to be expected. We have been here before when the novices get excited. The news from Baidoa is very posative, the President is in consultation with the MP's. -
Guriceel: Heavy fighting erupts Al Shabaab Vs Ahlu Sunna
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^The old school religious schools refer to themselves as Ahlu Sunnah. Just locals fighting the other locals named Al Shbaab. -
Guriceel: Heavy fighting erupts Al Shabaab Vs Ahlu Sunna
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
War deg deg ah oo goor dhoweyd naga soo gaarey degaanka Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in goor dhoweyd oo daqiiqado ka hor ah uu halkaasi ka qarxay dagaal kulul kaasi oo dhexmaraya maleeshiyaad ka kala tirsan kooxaha Al shabab iyo Ahlu Sunna oo ku wada sugan degaankaasi. Dagaalka oo qarxay wax yar ka dib salaadii Casar ayaa wararku sheegayaan inuu aad u kulul yahay iyadoo dhinacyada uu dagaalku u dhexeeyana ay isweydaarsanayaan hubka fudfudud iyo kan culus oo ay ku jiraan qoryaha baabuurta saaran ee “Tiknikada” loo yaqaan. Goob joogayaal ku sugan degmada Guriceel ayaa usheegay Warbaahinta Horseed Media in ay ,maqlayaan rasaasta dhawaqeeda weli. Wariyahayaga degaankaasina waxaa uu leeyahay xaalada gudaha degmada Guriceel weli waa ay cakiran tahay iyadoo dagaalkuna uu ka socdo gudaha xaafadaha degmadaasi. Wararka ugu horeeya ee khasaaraha rasmiga ee ka dhashey dagaalkasi ayaa sheegaya in 7 qofood oo rayid ah la dhigey isbitaalka degmada ee Istarliin. Ma cadda haddii uu khasaare soo gaarey kooxihii dagaalamayey, Horseed Media uma suurogelin inay xiriir la sameyso dhinacyada dagaalamaya. Kooxaha Al shabab iyo Ahlu Sunna waxaa ay dhowaan ku dagaalameen gudaha degmada Guriceel. Wixii ku soo kordha waxaad kula socon doontaan wararkeena dambe. Source: HR Media -
War Deg Deg Ah:- Dagaallo Xoogan Oo Haatan Ka Soconaya Deegaanka Guri Ceel Warka Naga Soo Gaaraya Deegaanka Guri Ceel Ee Gobolka Galgaduud Ee Bartamah Somalia Ayaa Waxaa Ay Ku Waramayaan In Dagaal Xoogan Uu Halkaasi Goor Dhowayd Ka Bilowday Waxaan Dagaalkaasi Uu U dhexeeya Xoogaga La Magac BaxayAl-Shabaab Iyo Ahlu Sunna Wal-Jamaaca Wariyayaasha Ku Sugan Gobolkaasi Ayaa Waxaa Ay sidoo Kale Soo Sheegayaan In Dagaalku Uu Yahay Mid Aad Culus Oo Jilbaha Laysu Laabtay Mana Jiraan Wax WaraAh Ku Saabsan Khasaaraha Ka Dhashay Dagaalkaasi Oo Ilaa Iyo Iminka Soo Baxaya. Wixii Warar Ah Ee Ka Soo Kordha Dagaaladaasi Adinka Ayaa Noqon Doona Kuwa UguHoreeya Ee Ka War Hela. SBCInternational News-Desk
-
Baidoa: President Yusuf led delegates land in Bay meets with MP's
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Baydhabo ka degay Jimco, December 05, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo saacadihii aynu ka soo gudubnay ku sugnaa Dalka Jibouti ayaa maanta wuxuu degay magaalada Baydhabo oo fariisinka KMG ah u ah Baarlamaanka Soomaaliya. Madaxweynaha oo ay la socdeen xubno Xildhibaano ah oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Baydhabo ku soo dhaweeyay mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo Baydhabo horay u sii joogay. Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay sabab la xiriirta socdaal uu madaxweyne Yuusuf ku tegay. Lama oga in Madaxweynaha uu waqti dheer sii joogi doono Magaaladaas iyo in uu meelo kale uga sii gudbi doono. Socdaalka uu Madaxweynaha ku tegay magaalada Baydhabo ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo la qorsheynayo in Baarlamaanka Soomaaliya la hor-geeyo Heshiis awood qeybsi ah oo ay Jibouti ku gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta garabka Jibouti, kaasi oo qodobadiisa uu ka mid yahay in la sameeyo Dowlad Midnimo Qaran oo xubnaha Baarlamaankeeda uu gaarayo 550 Mudane. Maalmo ka hor ayay ahayd markii uu isna Baydhabo gaaray Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), iyadoo safarka Baydhabo ee labada mas’uulna ay dad badan ku fasirayaan in uu la xiriiro sidii ay u kasban lahaayeen kalsoonida Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya. Wararkii ugu dambeeyay ee Baydhabo naga soo gaarayna waxay sheegayaan in uu Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde uu isna Baydhabo soo gaari doono saacadaha soo socda. Ugu dambeyntiina, Ammaanka Magaalada Baydhabo ee uu ku laabtay madaxweyne Yusuuf ayaa dhawaanahan wuxuu ahaa mid ay ka dhacayeen falal nabadgelyo darro ah oo isugu jira dilal, qaraxyo iyo weliba weerarro lagu qaado guryaha ay degan yihiin mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Gobolka Bay. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia -
Baidoa: Parliament takes decisive action...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
MADAXWEYNE C/LLAAHI YUUSUF: “Wasiirro aanan anigu ansixin oo Wasiirro noqon kara ma jiraan” Jimco, December 05, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin Gole Wasiirro ah oo ay leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Yuusuf ayaa sheegay in aysan jiri karin Gole Wasiirro ah oo aan heysan ogolaashihiisa, wuxuuna sheegay in haddii taasi la sameeyo ay noqoneyso mid sharci darro ah, “Qofkii wax sharci darro ah sameeyana cawaaqibka ka dhasha isaga ayaa mas’uul ka noqonaya”ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf. “Annaga sharci iyo Dastuur beynu leenahay, wax kastana waa in ay isaga ku saleysnaadaan, mana ahan in qof walba uu iska sameeyo wixii uu doono”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in uu la socdo in Wasiirro la magacaabay, welina uusan ka hadlin. “Baarlamaan ayaynu leenahay wixii la isku qabtana isaga ayaa loola noqonayaa, marka arrintaas waxay u taallaa Baarlamaanka”ayuu mar kale yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo horay u sheegay in aysan Soomaaliya ka jirin wax Xukuumad ah. Hadalka uu sii daayay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa wuxuu ku soo aaday iyadoo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo uu khilaaf u dhaxeeyo uu dhawaan soo magacaabay xubno gole Wasiirro ah, kuwaasi oo sida Ra’iisal Wasaaruhu sheegay uu Madaxweynaha diiday in uu ogolaado. Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxaa la eegayaa tallaabada uu qaado Baarlamaanka Soomaaliya oo ay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaarahaba isku raacsan yihiin in uu yahay halka loola noqonayo waxyaabaha sharci ahaan la isku qabto. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia -
How many claims have we debunked this week. 1.Ethiopia will safe us and hurt YEY., Ethiopia has done jack to the Jackal 2. He [ina Yey] ran back to his tuulo and wont come back, he is in Baidoa and when the legislative issue is done will move back to Villa Somalia 3. There was a political coup and we have pics to prove it, nonsence you took Pics from the mans living room 4. The chickens have come home to roost, yeah and Jackals eat chicken Yeah the sword is out and enjoy... President Yusuf is playing the game in style lads.
-
Baidoa: President Yusuf led delegates land in Bay meets with MP's
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Baydhabo: Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya oo ka dagey Magaalada Baydhabo ee xarunta baarlamaanka Soomaaliya. 5. december 2008 Baydhabo(AllPuntland)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed oo duhurnimadii maanta ka soo duulay Magaaladan Jabuuti ayaa diyaaradii siday ay caga dhigatay Magaalada Baydhabo ee xarunta baarlamaanka Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed waxaa siweyn ugu soo dhaweeyey Magaalada Baydhabo mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee ku sugan Magaaladaasi iy dadweyne fara badan. Amaanka Madaxweyne Yuusuf ayaa aad loo adkeeyey maanta, waxaana la xiray inta badan wadooyinka soo gala Magaalada Baydhabo, waxaana amaanka adkeeyey ciidamada qalabka sida ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. Yuusuf ayaa bilaabay kulamo kala gedisan oo uu la leeyahay gudoonka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna kala hadlayaa xaaladaha qalafsan ee ka taagan gudaha dalka Soomaaliya, siiba khilaafaadka dhinaca Sharciga ah ee ka taagan Madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 6-dii saacadood ee lasoo dhaafay joogay dalka Jamhuuriyada Jabuuti, waxa ayna kula kulmeen dalkaasi Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ay kala hadleen sidii wax looga qaban lahaa dibu heshiisiinta dalka Soomaaliya. Imaanshaha Madaxweynaha Soomaaliya ee Magaalada Baydhabo ayaa markale ka dhigaya Magaalada Baydhabo, goob xarun ah Siyaasada dalka Soomaaliya siiba waxaa lafilayaa in ay todobaadka soo socda baarlamaanka Soomaaliya yeeshaan kulamo xasaasi ah oo wax looga qabanayo xaaladaha Siyaasadeed ee Soomaaliya. Intii ay baarlamaanka Soomaaliya kooramkiisu joogeen Magaalada Baydhabo, wuxuu Madaxweyne Yuusuf usheegay Mudanayaasha baarlamaanka ee waqtigaasi ku sugnaa Nayroobi in ay si deg deg ah ugu laabtaan dalkii Soomaaliya si loo dhiso Xukuumad Qaran. F. C. Geylan AllPuntland