
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Borama : elder states cries out INJUSTICE at SNM gang over Awdal
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
S; Arintan maad ka wada socotaan masuuliyiintiina dawladda ku jirta iyo shacabkaba miyay ku wada socdaan wasiiradii xukuumadda ee gobolka ka soo jeeday miyay kula socdaan?. J: “Wasiiro ma rabno wasiiradu waa daba ******yo ma rabno madaxweynuhuna isagu jiritaankiisuu ka hadlayaa anaguna eedayn mayno laakiin waxa weeyi wixii waday diiwaangelinta ayaa xadkii ka leexday namana khuseeyaan”. It seems some people are trying to create permenent realities on the ground and the elder and his group have woken up.. Its shame.. -
Borama : elder states cries out INJUSTICE at SNM gang over Awdal
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
J: “anigu Somaliland ma diidanin horena waan u doonayey inaan doonayeyna adaa ogoo meel walba waan u maray Somaliland jiritaankeeda laakiin ma ogoli in Somaliland lagu baabiiyo masiirka iyo aayaha ubadkayga iyo aniga kayga in lagu baabiiyo marabo oo dad dan lihi ay ku baabiiyaan madaxweynahana ubadka reer Awdal u iibin mayno barituu xilka ka degayaa waxa weeyi nalagu beerlaxawsan maayo oo arintu waa sidaasi haddii wax laga badeli waayo yeeli mayno haddaaban ku leeyahay”. Oodweyne whats injustice is taking place, are the SNM keeping the people of Borama down, are they counting fake numbers? :mad: We need answers people... -
Borama : elder states cries out INJUSTICE at SNM gang over Awdal
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
J: “waxa keenay waxa weeyi diiwaangelin bay ahayd tira koob markay noqotay nin leh baa goosanaya waxa weeyaan sida aanu anaguna u noqonay 100. Burcana 400 u noqotay, Hargeysana Hal Milyan u noqotay dad kayagu ma ma dhalaysbaa adeer anagu mise goor walba cidhiidhi iyo cadaadis uun baanu ku jiraynaa waxa weeyi waan ka baxnay waxaad sheegaysaba, waanu ka baxaynaa arintan haddii wax laga badali waayaba”. :eek: -
Puntland elections: SOOL CAYN battle ground states
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Clearly Kismayu is in Somalia why dont you claim it as part of the land of Somali's? :confused: -
Boorame, Jan 05 -“Madaxweyne Berri Tegaya Masiirkayaga Iyo Ka Caruurtayada U Iibin Mayno, Dadkayaguna Doorasho Gellimaayaan Waananu Gubaynaa Waraaqaha Diiwaangelinta Laftooda” Xuseen C. Warfaa, oo ka mid ah Odayaasha Reer Boorama. Xuseen Cawaale Warfaa oo ka mid ah Odayaasha iyo Waxgaradka Reer Boorama horena mar uga ahaan jiray Maayer magaaladaasi, ka hor doorashooyinkii dawladdaha Hoose, ayaa sheegay inay wax garadka, Odayaasha iyo Aqoon yahanka Boorama ay ka arin sanayaan, isla markaana ay bayaan dhakhso ah ka soo saari doonaan natiijada diiwaangelinta gobolada, taas oo uu sheegay inay gobolka Awdal diiwaangelintu ka ahayd diiwaangelin, halka gobolada kalena uu ku tilmaamay inay ka ahayd Tiro Koob, taas oo uu sheegay in Caruurtii yar yarayd xataa la Diiwaangeliyey. Xuseen Cawaale Warfaa oo u waramayey Idaacada Radio Horyaal ayaa si weyn uga soo hor jeedsaday Diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee ka socota Somaliland, taas oo uu sheegay inaanay u dhicin si caddaalad ah, isla markaana haddii wax laga qaban waayo aanay aqoonsanayn diiwaangelinta, gobolka Awdalna aanay ka dhici doonin wax doorasho ahi, waxa kale oo uu intaasi ku daray inay gubi doonaan waraaqihii diiwaangelinta ee ay qaateen. Waraysigaasina waxa uu u dhacay isaga oo dhamays tiran sidan:- Ma jirtaa inaad Qaadacaysaan Natiijada diiwaangelinta ee gobolka Awdal? J: “Haa way jirtaa imikaan shirkeedii ku socdaa waxa weeyi arinta diiwaangelintii waxa loo badalay tira koob anaga waxay nagu soo martay wax la yidhaahdo diiwaangelintu 18 jir wixii ka hooseeya la diiwaangelin maayo waliba waxa weeyi dhibaatada naga soo martay Boqolaal jeerbaa sanaaduuqdii la bedalay oo haddii aan tusaale kuu soo qaato kii Abu-qays waxa la geeyey meel la yidhaa magaceedii baa iga baxsadaye lixda sanduuqba mid walba meeshiisii laga bedalay. Laba maalmood baan diiwaangelinta galay oo kaliya markay naga tagtayna dadkayagii waxaa is diiwaangeliyey 50%, 50na way hadheen, dabadeed markay naga tagtay ee ay Hargeysa tagtay waxaa loo bedelay tira koob caruurta gambadho lagu fadhiisiyey dadkii tirinayey baa goobjoog ka ahaa iyo hay’addihii taa waxaa ka masuul ah ciddii xilkaa loo dhiibay” S: waxaad sheegtay in arinta tira koob loo bedalay, waxaad la socotay diiwaangelinta gobolbaa idinka horeeyey gobolka Saaxil buu ahaa oo diiwaangelin laga soo sameeyey gobolkii labaad baad ahaydeene Kumpuyuutarada is weydaartay iyo arimahan aad ka cabanaysaana gobol walba bilawga hawshaasi way ka dhacaysay waamaxay dareenka imika keenay arintaasi markii goboladii oo dhan diiwaangelintii oo gobolkii ugu dambeeyey uu maanta socdo sababta aad areenkan u keenteen? J: “waxa keenay waxa weeyi diiwaangelin bay ahayd tira koob markay noqotay nin leh baa goosanaya waxa weeyaan sida aanu anaguna u noqonay 100. Burcana 400 u noqotay, Hargeysana Hal Milyan u noqotay dad kayagu ma ma dhalaysbaa adeer anagu mise goor walba cidhiidhi iyo cadaadis uun baanu ku jiraynaa waxa weeyi waan ka baxnay waxaad sheegaysaba, waanu ka baxaynaa arintan haddii wax laga badali waayaba”. S: gobolada oo dhan diiwaangelin isku mid ah ayaa laga sameeyey ta kale cidan aad ku eedaynayso oo aad leedahay ciddii lahayd baa u tashatay madaxweynaha Somaliland waa nin ka soo jeeda gobolka Awdal waa masuulka ugu sareeya ee qaranka isaga ayaanay diiwaangelintu ka timid isagii illaa imika waa uu ku qanacsan yahay wixii ka soo baxay markaa miyaan la odhan Karin wixii aad shalay doonayseen baad maanta diidaysaan? J: “anigu Somaliland ma diidanin horena waan u doonayey inaan doonayeyna adaa ogoo meel walba waan u maray Somaliland jiritaankeeda laakiin ma ogoli in Somaliland lagu baabiiyo masiirka iyo aayaha ubadkayga iyo aniga kayga in lagu baabiiyo marabo oo dad dan lihi ay ku baabiiyaan madaxweynahana ubadka reer Awdal u iibin mayno barituu xilka ka degayaa waxa weeyi nalagu beerlaxawsan maayo oo arintu waa sidaasi haddii wax laga badeli waayo yeeli mayno haddaaban ku leeyahay”. S: Madane xuseen waxaad sheegtay in 50% dadka reer Awdal is diiwaangeliyeen gobolada kalena waxaaba la leeyahay 30% iyo 40% baa is diiwaangeliyey markaa meesha 50% is diiwaangeliyeen najax bay u muuqanaysaa Sababata aad imika u diidantihiina waxaad tidhi tirooyinkan gobolada ay soo baxeen ayaa walaaca keenay miyaan la odhan Karin markaa idinka ayaa arintaa ku degdegay?. J: kumaanaan degdegin oo waxaa la yidhi haddaan ciyaarta maxaygaa loo lahayn habeenkii maxaa loo tumanayaa gambadho iyo kuraas baa la dul saarayey caruurta yaryar waxaana weeyi caddaaladda is diiwaangelintuna sidaa maahee 18 jir wixii ka sareeya ayaa is diiwaangeliya markaa waxaan ku idhi anaga dumarkayagu madhalays maaha. Illaa 1969-kii waxaa halkan waxaa halkan ka footaysay 34,000, Hargeysana sidaa si leeg bay ahayd anagu Somaliland waxaanu nahay organ-ka kaliya ee u daacada ayaanu nahay, balse waxa weeyi tartan siin qabiil qaran laguma noqdo, haddii wax laga badali waayo waanu ka baxaynaa Somalilandna Jiri mayso haddaan ku leeyahay”. S: Xuseen waxaad sheegtay hore in Togdheer iyo Hargeysa’aad uga badanaydeen markaa dadku waa ay isyaqaanaan xuseen markaa miyaad aaminsantahay in tirada ka soo baxaday Hargeysa iyo Togdheer aad ka badanaydeen haddaad reer Awdal Tihiin? J: Maya ma aamin sanin inaanu ka badanahay, xaqiiqda ayaanu ka dulaynaa kama badnine way naga badan yihiin, laakiin waxa weeyi xaq inta ay leeyihiin ha qaataan anaguna intayada aanu qaadano waxa weeyi cadaalad baanu rabnaa anagu”. S: Xuseenoow goboladan dhexe haddii ay ka dhacday da’da la diiwaangelinayo in ka yar la diiwaangeliyey waxa la inoo sheegay oo uu komishanku inoo sheegay in servarka marka dadka la geliyo uu kala saarayo cidii markaa aan ku haboonayn intii loo qorsheeyey uu ka saari doono taa miyaad ku qanci ladihiin?. J: Anuu ma maqal waxaa aad sheegayso naloomana sheegin waxa weeyi marka hore maxaa loogu ogolaaday ayaa meesha taala doqon waxaa la yidhi waana la siraa waana la sababaa waana lagaga baxaa waxa weeyi anagu inta aanay waxaasi dhamaan, haddii Conclution hagaagsan aan helno oo caddaalad ah waxba kama qabno Somaliland waanu nahay anaguun nalagu dili maayee waan diidnay dadkayaguna doorasho galimaayaan waananu gubaynaa waraaqaha laftoodaba”. S; Arintan maad ka wada socotaan masuuliyiintiina dawladda ku jirta iyo shacabkaba miyay ku wada socdaan wasiiradii xukuumadda ee gobolka ka soo jeeday miyay kula socdaan?. J: “Wasiiro ma rabno wasiiradu waa daba ******yo ma rabno madaxweynuhuna isagu jiritaankiisuu ka hadlayaa anaguna eedayn mayno laakiin waxa weeyi wixii waday diiwaangelinta ayaa xadkii ka leexday namana khuseeyaan”. S: Waxaad ii sheegtay inaad ku socoto shir maxaa idiin go’aana ee idiin meel yaala hawsha diiwaanglintu waa gebogabo waxaana la gelayaa doorasho? J: waxaa noo go’aan ah degdeg baan baaq u soo saaraynaa, Saylac ilaa lughaya ilaa iyo waxa gobolka Awdal jooga ma galayaan doorasho haddii wax laga bedeli waayo qabiil ma kala adka” S: Xuseenoow dadku waa dad isku mid ah waa dad Somaliland ah gobolo uun baa la kala degan yahay dad kala maarmaya oo meel kala tagaya maaha waxaa dad badani is weydiinayaan sababta xiligan keentay inay tahay maadaama ay doorashadii soo dhaw dahay oo arintaa madaxweynaha soo bixitaankiisa dambe ay aad uga dayrinayaan ayaa arintan keentay oo jirto qiiq isku qarin wayni taas miyaan la odhan Karin? J: Ma anaga? Anagu Qiiq isku qarin mayno waxa weeyi wixii cadaalad ahna diidi mayno madaxweynuhuna waa gobolka Awdal, Madaxweynaha Masiirkayaga iyo masiirka caruurtayada u iibin mayno waa sidaas oo baruu baxayaa waxa weeyi cadaalad baanu rabnaa. Arintan ayaa ah mid ay inta badan dadka ku nool gobolka Awdal ay aamin san yihiin in diiwaangelintu gobolada kale lagu shubtay, taas oo ka dhalatay kadib natiijooyinkii diiwaangelinta ee gobolka Togdheer oo ay ka soo baxday tiro xukuumadda Rayaale aanay filanaynin, taas oo ku kaliftay xukuumaddu inay gobolka Sool iyo Sanaag oo aan qorshaha diiwaangelinta hore ugu jirin ay ogolaato inay bixiso kharashka ku baxaya hawl wadeenada diiwaangelinta si ay halkaa uga soo baxaan codad lagu dheeli tiro tirooyinka ka soo baxay Togdheer iyo Hargeysa. Il - somaliland.org
-
Puntland elections: SOOL CAYN battle ground states
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Its part of the area we dont want to claim adeer. The difference between Puntland and the other area is the people of Puntland do not claim any area oustide the agreed regions. Nothing but love for ya lad, but dont ask a question you know the answer to. -
Puntland elections: SOOL CAYN battle ground states
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^^Its called CeelAfwayne town. the rest of the major districts are Puntland. Anyhow the General is the front runner, lets not celebrate yet lads. The new age of Puntland is coming insha Allah... -
Gobolada Sool iyo Cayn oo la mid noqday Battle ground states doorashada Pun Doorashada Maraykanka ayaa ah mid xiiso badan waxaana jira gobolo ay kala leeyihiin 2 xisbi ee Demuqraadiga & Jamhuuriga oo ay ku xisaabtamaan Kuraasta ay ka heleyaan halka ay jiraan gobolo isbedela oo aan la garan karin cida ay ugu shubayaan kuwaasoo laa yaqaan (Battle ground states) sida Florida, Ohio, Minnesota, Wisconsin, Iowa, Pennslyvania, Colaraado, Michigan, New Mexico, Nevada, NH, New Jersey. Haddaad eegtid ololaha doorashada Puntland oo noqotay mid ka xiiso badan tii ka dhacday Maraykanka waxad arkaysaa in Goboloda Sool iyo Cayn lagu dagalamayo kuwaasoo oo la mid noqday kuwii Dalka maraykanka ee aan la garan doonin meesha ay marayaan. Gobolada Sool & Cayn ayaa leh 15 xubnood kuwaas oo u kala qeybsan dhowr musharax oo aan la garan doonin cida ay la leeyihiin gacansaar,inkasoo la rajaynayo in wareega 3 uu heli doono Dr. Saleebaan. Gen C/laahi Ahmed Ilko Jiir 29 Cod Gen Cadde Muuse Xirsi 22 Cod Dr. Saleebaan Ciise Axmed 15 cod 2005 Dorashadani waxay muujinaysaa bislaanshaha iyo wacyiga shacabka Puntland uu gaaray. Waxyna noqon kartaa tusaale fiican oo lagu daydo maadaama uu koonfurta ka dilaacay cudur la dhaho dhul raadinta, sida uu qoray buuga, ?The Struggle for Land in Southern Somalia: The war behind the war?. Dhul boobkii konfurna burburkiisiinahadda wuxuu ku soo laabtay Cadaado iyo Gelinsoor oo u noqotay Kismanyo iyo Baydhaba. Isku soo duubo waxaan la saadaalin karin meesha ay ku danbayndoonto iyo cida ku gulaysan doonta jagada Madaxtinimada Puntland,welina lama garan karo meesha ay mari doonaan kuraasta gobolada Sool iyo Cayn 2005 waxaa la cadeeyey in ay noqdeen goboladii kala saaray cade Muuse iyo Mahamed Cabdi Xaashi oo isagu ku waayey kuraas yar Siciid C/laahi allsanaag.com
-
Maxkamadaha Islaamiga oo jawaab ka bixiyay hadaladii qeybdiid iyo Roobow. Monday, 05 January 2009 05:51 BXM Afhayeenka dhinaca Hawlgallada ee Maxkamadaha Islaamiga Sheekh C/raxiim Ciise Caddow ayaa shir jaraa’id habeenkii xalay warbaahinta ugu qabtay qadka telefoonka isaga oo uu kala qeyb galay madaxa warfaafinta Maxkamada ee gobolada Bay iyo Bakool. Sheekh C/raxiim ayaa sheegay ugu horeyn in ay tahay wax aad looga xumaado hadalka kasoo yeeray Abuu-Mansuur ee ku aadan in lagu deg degay qabsiga saldhiyo iyo arrimo kale, waxaana uu sheegay in sababta ay u dageen ay tahay sidii ammaanka shacabkaasi ay wax uga qaban lahaayeen maadaama aasaaska maxkamadaha uu kuyimid wax u qabadka shacabka. Sidoo kale waxa uu sheegay in ay tahay wax lala yaabo in gobolo ay maamulo kajiraan inta la weeraro oo maamulkii lakala diro sidaasina maamul la’aan lagu dego oo aanan laga hadleynin oo laga hadlo keliya saldhigyo faaruq ah oo horey ay uga carareen maleeshiyaadka TFG-da. Maanta wixii ka dambeeya ayuu kuhanjabay Sheekh C/raxiim in aysan u dulqaadan doonin in wixii ladoono laga sheego lakin ay la xisaabtami doonaan cid waliba oo war qaldan ka sheegta Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed. Dhinaca kale Sh.Suleymaan oo ah Madaxa warfaafinta Maxkamadaha Islaamiga ee Gobolada Bay iyo Bakool oo isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in ugu horeyn aysan jirin cid ay lamidoobeen maxkamadaha Goboladaasi kusugan isla markaasina maamulka uu weli sidiisa u dhisan yahay. Sh.Suleymaan waxa uu intaasi ku daray in aysan suuragal aheyn ila midow lakin igu soo darsan taasina aysan keeneynin midnimo lakin haddii midnimo ay dhab ka tahay loo baahan yahay in guddiga Musaalixada hadalkooda inta la qaato hawsha midnimada ee ay wadaan lagu biro. Warka Abuu-mansuur kasoo yeeray ayuu ku tilmaamay in uu yahay mid aanan sal iyo raad laheyn ayna dhici karto shaqsiyaad in ay ku biiraan lakin aysan habooneyn in layiraahdo garab dhan baa nagu soo biiray, waxa uu intaasi sii raaciyay Sh.Suleymaan in xittaa hubkii ay heysteen shaqsiyaadka ku biiray garabka Abuu-mansuur in ay ka dacwoodeen si dib loogu soo celiyo maadaama Maxkamadaha ay leeyihiin hubkaasi taasina wada hadal ay iminka ugu socoto. Arrintani ayaa sida muuqata waxa ay xiisad kasii dhex abuureysaa xoogaga Muqaawamada ee ka dagaalama gudaha dalka iyadoo arrintani haddii ay sii socoto ay suuragal tahay dagaal ka dhex dhasha xoogaga Islaamiyiinta.
-
Abu Mansuur declares the war will continue..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Abwan, and his hate for Garowe, adeer there is nothing anyone can do to Garowe, its moving foreward and holding elections, you must mistake us for the occupied and battle over areas between Ahlu Clan & Al Shabaab where you are from. Red Sea the fake Mujahid adeer dont complain when the boys from the south bomb Hargaysa again. Abu Mansuur is waging war on Abwan's uncle Ahmed Diriye and on no one else.. -
The looters Inc, want no government and they have taken great lengths to destroy or help in the destruction of every admin ever created. The looters, warlords, scrap merchants are all interchangeable titles
-
Garowe: why it is booming today.... change you can believe in
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Again you have the fake ONLF dude or AllaUbahane talking about the great poet, Juje making snide comments. Adeer the topic is about Garowe and its transformation into a capital. Its about unity and your comments does not in any way hurt our national poet.. -
1. Mohamed Dheere. 2. Bashir Raage 3. Abukar Cumar Cadaan. 4. Abdirashid Ilqayte 5 .Mohamed Qaynyare All prominent business men lool. Adeer one needs not change the subject, the truth which is the old ladies in the market have no power, the shoe shining children do not have a say. The policy is made by the warlords/businessmen who I have listed to you above. Daylaaf was the most prominent of the Bakara bosses, and so were many who hid their names. The artiicle above states the Bakara market big shots do not want the troops in their area. Thus who do they want? Thair own militias..
-
Abu-Mansur oo u digay Mucaaradka 4 Jan 4, 2009 - 8:02:52 AM Sheekh Mukhtaar Roobow Cali [Abu-Mansur] oo shir jaraa'id ku qabtay degmada Diinsoor ee gobolka Bay ayaa sheegay in dagaalada aysan joogsanayn tan iyo inta ay dalka ku sugan yihiin ciidamo shisheeye. Afhayeenka Al-shabaab, wuxuu sheegay in marka ay Ethiopia baxdo ay dagaal la galayaan AMISOM iyo kuwo uu ugu yeeray murtadiin, isagoo ka digay inay dhacaan dagaalo dhexmara kooxdiisa iyo dhinacyada kale. Abu Mansur "Mujaahidiinta waxaan uga digayaa inay dagaalo dhexdooda ah dilaacaan, taasoo cadowga farxad u ah, ayna xabadooda u kulmiyaan cadowga ku sugan dalka" ayuu yiri Abu-Mansur. Sheekha ayaa shirka jaraa'id ku qabtay xarunta maamulka degmada Diinsoor, iyadoo ay ilaalo xoogan ka hayeen ciidamo isaga u daacada ah, wuxuuna si kulul uga hadlay talaabadii ay Maxkamaduhu kula wareegeen saldhigyo ku yaala Muqdisho. "Waa inaan xiligaan la isku mashquulin qabsasho saldhig, sida ka dhacday Muqdisho, iyadoo dalka ay ku sugan yihiin cadow, dagaaladana la kordhiyo" ayuu yiri Abu-Mansur oo ay ka muuqatay kalsooni marka uu shirka jaraa'id qabanayay. Sheekha oo ka jawaabayay su'aal ahayd sababta ay dagaal ugu baaqayaan iyadoo Ethiopia ay go'aansatay inay dalka ka baxdo, ayaa ku jawaabay: "Ethiopia caqligeeda kuma soo gelin Somalia ee waxaa waday Mareykanka." Wuxuu sheegay inay dagaal adag la geli doonaan ciidamada ka socda Midowga Afrika inta ay dalka ka baxayaan, isagoo ku tilmaamay ciidamadaas kuwo uu wato Mareykanka. "Dagaalada joojin mayno inta ay kooxo Isbaariistayaal ah sheegayaan inaan dalka lagu xukumayn Islaamka" ayuu mar kale yiri Abu-Mansur oo wax laga weydiiyay dagaaladii Guriceel. Abu-Mansur ayaa sheegay in garab ka tirsan Maxkamadaha uu kusoo biiray Al-shabaab, ayna dagaal la geli doonaan ciidamada ku sugan dalka iyo waxa uu ugu yeeray murtadiin. Afhaheenka Al-shabaab ayaan si toos ah uga hadlin iscasliaadii Madaxweynihii hore ee Somalia C/llaahi Yuusuf, balse wuxuu u digay kuwa isku sharaxaya jagadaas inay qabtaan, isagoo ku baaqay in Ummadu ay tashato. Garowe Online, Baydhabo
-
lool. Adeer your either in deep denail or plain ignorant of the situation in Mogadishu. 1. The proof is the milions of displaced Somali's who's homes and properties have been forcefully occupied for 18 years. 2. The Bakarah market as it stands today has grown over many private and public properties it is based around land that has been confiscated by force which includes homes of private citizens. 3 + 4, The most powerful warlords were "business men" the largest company in Mogadishu was called Banadir, they owned the port of Ceel Macane and it was headed by Bashir Rage Shiirar, Abukar Cumar Cadaan with business associates including Mohamed Dheere. This "company" employed large militias and had battles in Mogadishu North areas. Even the war of the warlords and clan courts started with a feud between Bashir Raage & his former partner Abukar Cumar Cadaan. Other powerfull business men or warlords included Daylaaf who had a huge interest in the Bakara, each of these groups had hugenumber of technicalls and fighetsr and fought in the city. You had Abdirashid Ilqayte or the owner of the famous hotel Saxafi. Dont forget Mohamed Qaynyare who ran a whole air strip and district and who thought himself as a businessman. Thus the Bakara was the centre of the huge arms trade, which was the centre of power of the warlords and armed big shots who never wanted a government. Thus dear lad you do not know what you are talking about
-
^^^Adeer those who control this market, the lands around it came due to the looting og the public property of the capital of Somalia. Thus the title Looters Inc is an appropriate one for them, they came to this position becuase of naked force. As for taxes, for 18 years these fat cats have fought every organise entity which might represent in their eyes a government. This post is to highlight the sheer bankruptcy of their argument. They want nothing but the anarchy they have gotten rich on.. Simple
-
Ahmed Diriye declares a clan Jihad on Al Shabaab
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Abu Mansuur] Ahmed Diriye Clan chief -
Ahmed Looter Diriye declares a Clan Jihad on Al Shabaab. As reported by the holy clan website waagacusub.com... Afhayeenka golaha Midnimadda ****** Nabadoon Ahmed Diiriye Cali ayaa Mukhtaar Rooboow Cali ku eedeeyay inuu dagaal kula jiro beesha ******. " Waxaan garan karnaa ujeedada Mukhtaar Rooboow,wuxuu wado diin maaha,ma qaadan karno Jihaad aan ka jirin Bay iyo Bakool oo lagu barakicinaa qaxootiga maskiintaa ee Galgaduud,sida la ogyahay adeer hore ayuu noloshii ugu diiday,hadana colaad ayuu ka dul furay,Waxaan ugu baaqeeynaa ninkaas inuu ka baxo dhulka ******,haduu iska dhega tiro,waxaanu nahay reer la yiraa ******,hadaan ilaaheey laga waayin,waan iska celineynaa" ayuu yiri Nabadoon Ahmed Diiriye Cali. Ahmed Diiriye wuxuu wax laga xishoodo,oo Islaamnimada ka baxsan ku sifeeyay in rag aan u dhalan ****** oo isugu jira *******,********* iyo ***** maalin walba gumaadaan Haweenka iyo Caruurta ****** " Beelweynta ****** waa inay taageertaa shirkii Jabuuti lagu gaaray,waa inay u midoowdo sidii la isaga celin lahaa cadawga horarkaa ee Mukhtaar Rooboow ka mid yahay,waana naga dhamaaday dulqaadkii"ayuu si caro leh u yiri Afhayeenka ******. Ahmed Diiriye Cali wuxuu sheegay in Abuu Maansuur yahay nin cadaawad u qabo ******,wuxuuna caqli yari ku sheegay inuu maalin walbo bartilmaameedsado Culumadda,Waxgaradka iyo rayidka ******. " War Hawiyow waxaad isweydiisaan xagee maanta xabada ka socotaa,Somaliland waa nabad,Puntland waa nabad,Jubooyinka waa nabad,Bay iyo Bakool waa nabad,maxaa Xabada keenay Xamar iyo Galgaduud,miyeeysan dhulka Rooboow joogin Amxaaro,miyeeysan ahayn saldhiga dowlad ku sheega,maxaa qasbay inuu annagoo madaxdii beeshaa maalin walba telefoon noogu hanjabo,waa waxaan la qaadan karin cadaawadiisa,waxaana ku baaqeeynaa in loo istaago Jihaad ka dhana"ayuu Diiriye caro ku yiri. Qeeyla dhaanta Afhayeenka golaha ****** ayaa ku beegan xilli Mukhtaar Rooboow xabada ka daba geeyay dadkii Mogadishu ka qaxay ee Galgaduud tegay. Goboladda uu ka dhashay ee Bay iyo Bakool waa nabad,waana tan muujineysa inuu yahay nin aan diin shaqo ku lahayn balse ku shaqeeynaya Fikrad ku dhisan barakicinta iyo burburinta beelaha ******. Golaha dhaqanka iyo Midnimadda beelaha ****** waxay labadii todobaad ee ugu dambeysay wadeen heshiis hoosaadyo lagu xaliyay cuqdadii kala dhextiil beelaha Hiraab,wuxuuna Ahmed Diiriye sheegay in loo gudbayo ****** si loo adkeeyo Midnimada iyo wadanoolaanshaha. Qurbajoogta ****** oo hore loogu yaqiin isnaceyb iyo kala aragti duwanaansho ayaa maanta lagu tilmaami karaa kuwa isku fikira oo xanuunka wada taabtay maxaa yeelay waqtiyadii hore waxay qaarkood aaminsanaayeen Riwaayadda kooxo diimeedyada Somalia.
-
Garowe: why it is booming today.... change you can believe in
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Marx, adeer the leader of the secessionist junta in Hargaysa is a NSS spy who became a Qad trader. Thus what are you talking about, our leaders have been distinquished army commanders and Gen Ilka-Jiir is a CPA.. -
They dont want Al Shabaab, they dont TFG, they dont want the Clan Courts they want no system what so ever. Anyhow the looters Inc are just crazy.. No one is talking the poor mothers who are selling tomato
-
Garowe: why it is booming today.... change you can believe in
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
If the General wins the deputy should be Pro Muxuidin Ali Yusuf of Bari. Nuridin is out and Faroole does not seem to have a great deal of support. Garowe is booming and we are entering the new age of Puntland insha Allah. -
^^^Yup the loot was gained through legitimate ways, is that your point lad..
-
Garowe: why it is booming today.... change you can believe in
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
The national poet in Garowe -
Garowe: why it is booming today.... change you can believe in
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Garoowe oo ay soo gaareen Siyaasiyiin,Fanaaniin,Aqoonyahano ka kala yimi Du Ushii cirkaas loo tuuraa dhulka kama dhacayso magaalada Garoowe oo ah xarunta maamul goboleedka Puntland waxaana soo gaaray Siyaasiyiin aad u fara badan oo ka kala yimi guud ahaan Aduun kuwaas oo raba in ay la socdaan doorashada Puntland,Waxa ay ishu arkaysaa dad aad u tiro badan oo dhamaantood mashquul ah iyo kulamo kala duwan oo ka socda magaalada. Ing Mahamud Ahmed Fatah oo ka mid ah Ing ugu aqoonta badan qaarada africa ayaa maanta soo gaaray magaalada Boosaaso wuxuuna u sii gudbay magaalada Garoowe,Ing Mahamud wuxuu dhisay wadooyin badan oo ku yaala Dalka Sucuudiga wuxuuna hada ka mid yahay Ing ugu waaweyn ee dhisa Wadooyinka Dalka Maraykanka. Waxaa kaloo joga magaalada Abwaanno ka soo kicitimay dhul dheer iyo meelo fog iyo aqoonyahanno ku lammaanaa,Fanaaniin Reer jabuuti ah oo uu hogaaminayo Abwaanka Weyn ee Sangub oo iyagu waayadanba ku sugnaa DGPL gaar ahaan Magaalada Garoowe. Murashax C/llahi Axmed Jaamac 'Jen. Ilkajiir' oo labanlaabay ololihiisa, dadaal xoog lehna ka dhex wada mudanayaasha baarlamaanka Puntland,Jen. Ilkajiir ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo gaar ah la kala yeeshay Issimada iyo mudanayaasha baarlamaanka oo ujeedadoodu tahay sidii uu ku hanan lahaa codadkooda iyo taageeradooda si uu u hanto madaxtinimada Puntland. Inkastoo 66-ka Xildhibaan ay yihiin kuwo ka soo kala jeeda Beello,Daa'ifado iyo Jiilal kala duwan oo mid waliba leh dano iyo yoolal kala duwan,ayna ishoodu markasta la jirto meesha ay xubin waliba ka dhex aragto danta Beesheeda iyo teeda gaarka ah,ayaa hadana waxaa inta badan la rumaysan yahay in ay xiligan qiimaynayaan sidii ay iskula heli lahaayeen Jiri taanka Puntland iyo hogaan wanaagsan, wado kasta haw mareene. Isku soo wada xooriyoo waxaa ay dadka intiisa badan walaac ka muujinayaa waxa ka dhici karra Puntland hadii uu hirgalo iyo hadii uu fashilmo qorshaha cusub ee isbadal doonka ah,waxaa iyadana walwal iyo cabsi badan laga qabaa sida xaal noqonayo, hadii ay soo baxaan garabka kale ee hogaanka Puntland horay u hayey,waxaase jira dad badan oo aamisan in aan wax dhib ahi soo fool lahayn,dhanka kasta haw dhacdee. Siciid C/laahi allsanaag.com -
source