General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Dagaal ka socda Muqdisho 7 May 7, 2009 - 2:19:59 PM Dagaal u dhexeeya kooxda Al-shabaab iyo Maxkamadaha Islaamka ee taageersan xukuumada Somalia ayaa maanta ka qarxay Muqdisho, iyadoo dagaalkaas uu sababay dhimasho iyo dhaawac. Inta la xaqiijiyay 5-qof ayaa dagaalka ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen, waxaana dagaalku uu ka bilowday markii kooxo hubeysan ay weerareen sarkaal ka tirsan Al-shabaab. "Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu magacaabo Qoslaaye ayay kooxo hubeysan ku weerareen wadada 30-ka, waxaa dhintay hal qof mid kalena wuu dhaawacmay" ayuu sarkaal ka tirsan xafiiska warfaafinta Al-shabaab u sheegay saxaafada. Goobjoogayaal ayaa sheegay in sarkaalku uu badbaaday, isla markaana dhaawicii iyo maydkii uu kula cararay gaarigiisa, waxaana weerar kale uu kula kulmay jidka warshada, halkaasoo ay dagaalo xoogan weli ka socdaan. Dad ku sugan xero lagu barocay oo ay dhinacyadan ku dagaalameen ayaa sheegay inay arkeen maydadka 4-qof oo ka tirsan dhinacyadii dagaalamay, balse waxay sheegeen inaysan kala garan karin, xaaladuna ay tahay mid culus. "Boqolaal qof oo guryahoodii dib ugu soo laabtay ayaa maanta barokacay, xaaladu waa qasan tahay, wadada warshadaha waxaa dhooban ciidamo taabacsan dhinacyada iska soo horjeeda" ayay tiro hooyo la cararaysa afar cunug oo ay dhashay. Dhinacyada ayaa waxay isku adeegsadeen hubka noocyadooda kala duwan, iyadoo madaafiic ku dhacay xaafado ka tirsan Muqdisho ay sababeen dhaawacyo, iyadoo sidoo kalena uu gubtay Bakhaar shidaal. Maleeshiyooyin taageersan ururka Al-shabaab oo ku labisan dhar isku eg, ayaa la dhoobay wadada 30-ka, iyadoo ganacsiga iyo gaadiidku ay durba hakad ku yimaadeen, iyadoo weli la maqlayo rasaas goosgoos ah. Al-shabaab iyo Maxkamadaha islaamka ayaan weli ka hadlin dagaalada ka dhexqarxay, waxaase buux dhaafiyay wadooyinka warshadaha iyo sodonka gaadiid dagaal iyo ciidamo. Guryihii Jarmalka ee wadada warshadaha oo uu daganaa Yuusuf Indhocade ayaa waxaa dagaal ku qabsaday kooxda Al-shabaab, markii ay weerar lama filaan ah ku qaadeen. Sidoo kale weerar ayaa lagu qaaday warshadii baasatada, halkaasoo uu dagaal xoogan ka socdo, waxaana weli gacanta ku haya Ururka Xisbul Islam, garabka taageersan xukuumada Somalia. Sh. Cumar Iimaan oo ah mas'uulka ugu sareeya garab ka mid ah Xisbul Islam oo saxaafada lasoo xiriiray ayaa ka dalbaday dhinacyada dagaalamaya inay xabada joojiyaan, isagoo sheegay in garabkooda uusan dagaalka ku jirin. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka jiray todobaadyadii ugu dambeeyay is-ugaarsi u dhexeeya kooxaha Islaamiyiinta ah ee fikirka ku kala duwan, gaar ahaan Al-shabaab iyo Maxkamadaha Islaamka. GAROWE ONLINE
  2. Somalia: Puntland Parliament unanimously passes 2009 budget 7 May 7, 2009 - 1:57:15 PM GAROWE, Somalia May 7 (Garowe Online) - The regional parliament in Somalia’s semiautonomous Puntland State has unanimously passed the 2009 budget after six days of negotiations, Radio Garowe reports. Parliament Speaker Abdirashid Mohamed Hersi opened Thursday’s session, with 52 MPs and officials from the Ministry of Finance led by Minister Farah Ali Jama present. The MPs opened debate on the new budget, which was formally introduced to parliament on Saturday by Dr. Abdirahman Mohamed “Farole,” the president of Puntland. Puntland parliament leaders Eight lawmakers gave speeches about areas of concern in the new budget. The debate touched on many topics: increasing government employee salaries, including the security forces; environmental concerns such as the banned use of plastic bags; and increasing salaries for the judicial system, including the Magistrate Court. Finance Minister Jama was grilled for three hours and he answered most of the questions calmly and reasonably, telling lawmakers that the new administration has already increased the salaries of all government workers "by a percentage unheard of in the rest of the world.” As an example, he cited salaries allocated to members of the security forces, which were increased by 80% from the base pay of 2008. Sticking point The Ministry of Finance officials were dismissed and the lawmakers took a twenty-minute break. When the MPs returned, Speaker Hersi asked lawmakers to pass or reject “new sub-sections” on the 2009 budget that were not present in the earlier budgets, such as new funding allocated to fight against contraband. All the new sub-sections were passed by majority vote, but lawmakers opened renewed debate about ratifying the entire 2009 budget. Speaker Hersi politely asked journalists to leave the parliament building and he called Finance Minister Jama and the Ministry team to return to parliament. Government sources said the lawmakers privately grilled the Finance Minister about guaranteeing minor changes made to the budget, especially the change that increased lawmakers’ salary base. The 2009 budget was then passed unanimously, with all 52 MPs present voting yes. Puntland, located in northeastern Somalia, is a federal state within Somalia and recently held a peaceful parliamentary election where Dr. Abdirahman Farole become Puntland's third elected president since the region's creation in 1998.
  3. Barlamaanka Puntland oo ansixiyay Misaaniyada 2009 7 May 7, 2009 - 2:16:11 PM Barlamaanka Dowlad Goboleedka Somaliyeed ee Puntland ayaa si rasmi ah u ansixiyay Miisaaniyadda 2009 ka dib dood iyo falanqeyn dheer. Gudoomiyaha Barlamaanka C/Rashid Maxamad Xirsi ayaa furay kulankii Khamiista halkaasoo ay joogeen 52 Xildhibaan iyo mas’uuliyiin ka socday Wasaarada Maaliyadda oo hormuud ka ahaa Wasiirka Maaliyadda Farax Cali Jamac. Maamulka Madaxweyne C/raxman Maxamad (Farole) ayaa Sabtidii u soo bandhigay Barlamaaka miisaniyadda cusub ee sanadka 2009 iyadoo Xildhibaanada dhexdooda ka socotay dood dhowkii maalmood ee la soo dhaafay. Sideed Xildhibaan baa ka hadlay shirkii Golaha Barlamaanka iyagoo soo hadal qaaday arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin: kordhinta mushaarka shaqaalaha sida ciidamada amniga; welwel laga qabo isticmaalka bacaha iyo daryeelka degaanka; iyo kordhinta mushaarka Maxkamadaha. Wasiirka Maaliyadda oo la waraystay muddo sedax saacadood ah ayaa ka jawaabay dhamaan su’aalihii Xildhibaanada isagoo u sheegay Barlamaanka in dhamaan shaqaalaha Dowlada loo kordhiyay mushaaraadka. Tusaale ahaan wuxuu xusay mushaarka askarta Dowlada isagoo sheegay in Miisaaniyaddu u qoondeesay kordhin mushaar gaaraysa 80% taasoo oo ku tilmaamay wax aan dunida laga aqoon. Intaasi ka dib Gudoomiyaha Baarlamaanka wuxuu fasaxay Wasiirka Maaliyadda iyo dhamaan mas’uuliyiintii iyo shaqaalihii la socday. Markii Xildhibaanada isu soo laabteen ayaa waxaa laga codsaday inay u codeeyaan “madax cusub” oo lagu soo daray miisaaniyadda 2009 sida madaxa la dagaalanka kontrabaanka. Laakinse Xildhibaanada ayaa ka buuqay in la ansixiyo miisaaniyadda oo dhan iyagoo sheegay in marka hore Wasaarada Maaliyadda ay soo badasho codsiyadii ka yimid Barlamaanka. Gudoomiyaha Barlaamanka ayaa doodaasi ka dib ka codsaday suxufiyiin goobjoog ahaa inay ka baxaan Hoolka Barlamaanka isagoo dib ugu yeeray Wasiirka Maaliyadda. Warar hoose ayaa sheegay in Xildhibaanada ku baraarujiyeen Wasiirka inuu balanqaado in dib loo qoro dhowr qodob oo ku xusan Miisaaniyadda gaar ahaan kordhinta mushaarka Xildhibaanada. Intaasi ka dib ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland si wadajir ah u ansixiyeen Misaaniyadda 2009 iyadoo dhamaan 52kii Xildhibaan ay ansixiyeen. GAROWE ONLINE
  4. Dagaal U Dhaxeeya Ciidamada Dowlda & Shababka Oo ka Qarxay Muqdisho 06 May, 2009 04:23:00 Diinah Font size: Muqdisho,07-May-2009 :-Maleeshiyaadka Shababka Muqdisho ayaa weerar qorsheysan waxey ku qaadeen Fariismada Ciidamada Dowalda ee wadada Warshadaha, kadib markii saakay isku day dil uu ka badbaaday Horjooge sare oo ka tirsan Maleeshiyaadka Shababka, gaar ahaan inta u dhexeeysa Isgooysyada Carwa Idka iyo Black Sea, waxaana la sheegay in dagaalka la isku adeegsadaayo hubka noocyadiisa kala duwan. Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Dagaalkano oo la isku adeegsanaayo hubka noocyadiisa kala duwan uuna xoogiisu ka scodo wadada dheer ee 30-ka iyo wadada warshadaha, ilaa hadda lama yaqaano khasaaraha kala gaaray labada dhinac, waxaana xiiso xoogan ka taagan yihiin aagaga dagaalka uu ka bilaawday, iyadoo dadka rayidka ah ay bilaabeen iney ka qaxaan guryahooda si ay uga badbaadaan rasaasta ay is dhaafsanaayaan dhinacyaan. Labo maalin ka hor ayeey aheeyd markii Sarkaal ka tirsan maxkamadaha islaamiga kooxo hubeysan ay ku weerareen isla wadaani taasi oo sababtay in ay ku nafaayaan labo qof oo mid uu ahaa askari ka tirsan maxkamadaha halka qofka kale uu isna ahaa qof rayid ah oo goobtaasi ku sugnaa.
  5. Muqdisho:"In la aqoonsado dawlada Somalia waxaa aad uga muhimsan in la aqoonsado Puntland iyo Somaliland" madaxweynaha Eritrea Efwerk 7. maj 2009 Muqdisho(AllPuntland )-Madaxweynaha Dalka Eritrea Afwerk ayaa wareysi uu siiyey idaacada VOD-da ee codka mareykanka waxaa uu ku sheegay in aqoonsi la siyo dawlada somalia ay ka muhimsantahay in la aqoonsado Puntland iyo Somaliland. Afwerki ayaa iska fogeyeye in dawladiisa ay aqoonsantahay dawlada Somalia , waxaana uu ku tilmaamay mid ay dhoodhoben dawladaha Jabuti , Ethopia , iyo Mareykanka. Mar wax laga weydiiyey sababaha uu u aqoonsan la' yahay Dowladda Somalia, waxa uu carrabka ku dhuftay inaysan wax faa'ido lahayn haddii ay Dowladaha Caalamka aqoonsadaan Dowladda lagu soo dhisay Jabuuti, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in marka hore aqoonsi Dowladnimo lasiiyo Somaliland iyo Puntland. Madaxweyne Afwerk ayaa beeniyey dhinaca kale in uu hub iyo saad milatari siiyey mucaaradka ku kacsan dawlada madaxweyne Shariif. "shariif anaa shalay Asmara ku dhisay isagoo leh dalkeygaan xureynaa laakin waxa uu noqday xukun doon been ka sheegay rabitaankisa" ayu yiri Afwerk dhawaan ayaa wasiiro dawlada ka tirsan waxaa ay si isku mid ah u weerareen siyaasadaha Eritrea ee ku aadan Somalai , waxaana ugu horeeyyey wasiirada Cumar Xaashi wasiirka amaanka qaranka oo ku eedeyey in ay hub ka soo dajisay garoonka balidoogle ee G/Sh/hoose. Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland
  6. New York Times and the world is coming to Puntland..
  7. Mucaaradka Somaliland oo ku Gacan seyrey Talaabada Maamulka Riyaale Thursday, May 7th, 2009 at 7:45 am Cabdalle Muumin HR Media News Desk Xisbiyada Mucaaradka ee maamulka la baxay Somaliland ayaa markale dib uga boodey heshiis ay la galeen xukuumada Somaliland ee uu madaxda ka yahay Daahir Riyaale Kaahin. Shir saxaafadeed ay si wadajir ah magaalada Hargeysa ugu qabteen xaley gudoomiyahaasha labada urur ee Kulmiye iyo UCID Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Feysal Cali Waraabe ayey ku shaaciyeen labada xisbi ee Kulmiye iyo UCID ay ka bexeen qoraal dhowaan uu soo saarey guddiga xallinta khilaafaadka maamulka Somaliland, kuwasi oo ay madaxda mucaaradku ku eedeeyeen madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale iyo ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin inay diideen inay saxiixaan heshiiskaasi. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, gudoomiyaha ururka Kulmiye oo ka hadlay shirka jaraaid ayaa sheegay in xisbiyada mucaaradku ay horey u ogolaadeen meelmarinta go’aanadii guddiga khilaafaadka, iyadoo ay si weyn u soo dhoweeyeen go’aanadaasi, hase yeeshee ay u muuqato in Daahir Riyaale uu diidan yahay fulinta go’aanada gudiga madaxa bananaan ee xagga khilaafaadka ugu xilsaaran. Feysal Cali Waraabe oo isaguna gudoomiyaha ururka Ucid aya si toos ah ugu eedeeyey madaxweynahga Somaliland Daahir Riyaale iyo ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin inaaney dooneyn in degaanada maamulka Somalialnd laga qabto doorasho taasi oo hadda cad, sida uu sheegay Feysal Cali Waraabe ka dib markii sida uu yiri Daahir Riyaale iyo ku xigeenkiisuba ay diideen inay saxiixaan waraaqihii gudiga khilaafaadka ee ay ku qornaayeen go’aanada guddiga, kuwaasi oo ay horey mucaaradku u saxiixeen. Madaxda xisbiyada mucaaradka waxay sheegeen in qodobada lagu heshiiyey ee uu Daahir Riyaale diidey inuu saxiixi ay ka mid yihiin qodobo ku xusnaa go’aankii guddiga khilaafaadka ay labada dhinac ku heshiisiiyeen, waxaana ka mid ah qodobadaasi: -In aan golaha guurtidu u kordhin karin Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa waqtiga xafiiska haddii aan arrinkaasi laga ansixin Golaha Sharci dejinta ee Baarlamaanka , iyo in doorashadu ku qabsoonto xilligii guddiga doorashooyinku u qabtay ee 27-ka September ololaha doorashaduna ka horreeyo bisha Ramadan. -Guddigani waxay kaloo horey u go’aamiyeen in guddiga doorashooyinku sida ugu dhakhsaha badan u soo saaraan waqti hawleedka Doorashada, in serverku natiijada kama danbeysta ah ku soo saaro 27-ka July si waqti ku filan loogu helo hawlaha Doorashada. -Iyo In Madaxweynah, labada xisbi ee mucaaradka, iyo guurtidu oo ah cidda soo wada xushay guddiga doorashooyinka ay go’aan ka gaaraan in la daayo, in la kordhiyo ama in la beddelo guddiga doorashooyinka, qodobadaas oo uu si cad u diidey madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale. Labada xisbi ee Kulmiye iyo UCID waxay mar kale ku celiyeen inaaney aqoonsaneyn jiritaanka madaxweyninimo ee Daahir Riyaale, oo ay sheegeen inuu waqtigiisii dhamaadey. Hadalka madaxda xisbiyada mucaaradka ee maamulka Somaliland ayaa markale dhabar jab ku noqonaya dadaaladii ay ka dhex wadeen xubnaha gudiga dhex dhexaadinta mucaaradka iyo maamulka Somaliland. Iyadoo weliba uu goor hore ku ekaa waqtiga madaxweynenimo ee Daahir Riyaale taasi oo horey madaxda xisbiyada loogu qanciyey inay dib uga laabtaan si loo sameeyo isfaham iyo heshiis. Waxayna arintan ku soo beegmeysaa xilli shaley guddiga dhexdhexaadinta khilaafaadka ee waanwaanta ka dhex wadey dowlada iyo mucaaradka uu ku dhawaaqay in wadahadaladii maamulka iyo mucaaradka ay ka dhex wadeen wajigii koowaad la soo afmeeray oo dhinacyadu isla qaateen fulinta go’aanada guddiga uu soo saarey.
  8. ^^^What are you talking about?
  9. Guddida Dhexdhexaadinta Oo Maanta Caddeeyay In Riyaale Diiday Saxeexa Go’aanada Heshiiska lagu Soo Afjarayay Khilaafka Siyaasiga Ah May 6th, 2009 Hargaysa (Somaliland.org)- Guddida dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka oogsaday ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen Hoteelka Imbiiriyal ee magaalada Hargaysa waxa ay ku sheegeen in munaasibaddii saxeexa qodobada iyo go’aamaddii ay guddida dhexdhexaadintu soo saareen uu diiday Daahir Riyaale Kaahin. Afhayeenka guddida dhexdhexaadinta Jaamac Axmed Maxamed (Jaamac Oday), oo shirkaasi jaraa;id hadal dheer ka jeediyay ayaa caddeeyay in ay joojiyeen munaasibaddii saxeexa heshiiska, kuna bedeleen in ay shir jaraa’id kula hadlaan saxaafadda, kadib markii uu Daahir Riyaale Diiday ka qayb galka munaasibadda saxeexa heshiiska. Balse waxa uu xusay Afhayeenku in Daahir Riyaale u sheegay guddida in uu qaatay go’aanada heshiiska. Afhayeenka guddida dhexdhexaadintu waxa uu intaa ku daray in ay dhameeyeen go’aanada oo ah wajigii hore ee dhexdhexaadinta khilaafka siyaasadeed ee dalka ka taagan, ciddii fulinwaydana ay ummada u bandhigi doonaan. Guddida dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasadeed waxa ay amaaneen labada xisbi ee mucaaridka ah ee KULMIYE iyo UCID oo ay sheegeen in ay Kalsoonidoodii siiyeen, aqbaleena go’aanadii ay soo saareen ee lagu soo afjarayay khilaafka iyo waliba saxeexii go’aamada. Guddidu waxa ay shacabka reer Somaliland u soo jeediyeen in ay la socdaan dhaqan-galinta iyo fulinta go’aanadaasi, isla markaana ay isha ku hayaan cidda diida eek u dhaqmi wayday. Dhinaca kale labada xisbi ee mucaaridka ah ayaa caawa u balansan in ay si wada jir ah warbaahinta ugu soo bandhigaan sida ay u arkaan diidmada Daahir Riyaal diiday saxeexa go’aanada heshiiskii lagu soo afjarayay khilaafka siyaasiga ah ee dalka ka oogsaday, iyada oo la filayo shir jaraa’id oo labada xisbi u balansan yihiin saacadaha soo socda in ay ku caddayn doonaan mawqif midaysan oo ay arrintaasi ka qaataan. Wixii war ah ee ka soo kordha arrintan kala soco Somaliland.org. Axmed Maxamed Saleebaan (Dhugfe) E-mail: afqarshe114@hotmail. com www.somaliland.org, Hargaysa.
  10. Lessons The 'pirate story' is an easy sell for major news organizations around the world. For good or worse, it seems pirate gangs off the Somali coast have attacked or hijacked ships from too many countries, and have kidnapped hundreds of innocent civilians and thereby indirectly touched the lives of thousands of people worldwide. This is what drove Kenji to Somalia – alone. "I want the people of Japan to know the truth about this [piracy]," Kenji told me. "The world is sending warships…but I believe the world should send medicines and food to Somalia." He was especially grateful to the Puntland Planning Minister, who signed off on papers to release Kenji and the Somali driver after being held for a few hours at the police station. He received an entry visa from the Ministry of Planning and International Cooperation to finish his journalism work in Puntland. Kenji rented a room at Hotel Maka al-Mukarrama in Garowe, located near the Puntland presidential compound, and three Special Protection Unit (SPU) officers were especially assigned at his service. Later that night, Kenji shared his story with two American journalists working for the New York Times, who were visiting Puntland to do a story on piracy. Men from different corners of the globe found common ground in humanity and the foreign traveler found comfort in a Muslim land where helping travelers remains a religious duty and tradition. For Kenji, it was the spirit of informing the people of Japan about the realities of piracy, and the true situation in Somalia, that drove him thousands of kilometers away from his home in Japan. For Planning Minister Dhala, it was an opportunity to assist a lost traveler and to welcome a foreign visitor to Puntland. And for me, as a journalist, it was the understanding that the world can forget Somalia – but that not everyone will forget Somalia. Source: Garowe Online
  11. Farah A. Dhala and Kenji Goto at hotel in Garowe Kenji's story I visited Kenji at the central police station in Garowe, finding him and his driver resting atop a mattress and their vehicle parked in the impound lot. Mr. Farah Aden Dhala, the Planning and International Cooperation Minister in Puntland, was at the police station speaking with Kenji. "I took a flight from Tokyo on Apr. 30 and spent a layover in Djibouti. I arrived in Berbera on Sunday," Kenji explained. From Berbera, he hired a vehicle that transported him to Las Anod. Both towns are under the control of authorities in Somaliland, a peaceful region in northwestern Somalia that seeks complete independence from the rest of the country. "Do you understand that this land [Puntland] has laws and security forces?" Planning Minister Dhala asked. Kenji's answer was as surprising as his trip: "Yes, Mr. Minister. But I wanted to go to the pirates place." Apparently, Somaliland authorities had misinformed him that Puntland is the "pirates place." [desperate secessionists]
  12. Somalia: Japan journalist's surprise visit to Puntland capital 6 May 6, 2009 - 11:18:14 AM by Yusuf M. Hassan | GaroweOnline.com Managing Editor GAROWE, Somalia May 6 (Garowe Online) - He drove for a long distance in northern Somalia without trouble – and without soldiers. For police officers in Puntland, a regional autonomy in northeastern Somalia, his story was a unique and surprising journey to a land long forgotten by the rest of the world. His name is Kenji Goto, a Japanese national whose business card identifies him as a journalist working for Independent Press. He arrived in the Puntland capital Garowe on Monday evening and was arrested by authorities at the police checkpoint. "He [Kenji] was the only passenger and the driver said he picked him up in Las Anod," said Mr. Ahmed Jama Salah, the Garowe central police station commander. The police officers at the Garowe checkpoint, who could not speak English or Japanese, took both Kenji and his Somali driver to the central police station. Evidently, the driver did not speak a word of either language and the two men were reduced to hand signals for the 120km stretch of road between Las Anod and Garowe.
  13. Hub & Ciidan la keenay Muqdisho 6 May 6, 2009 - 6:02:04 AM Hub, ciidamo iyo saanad ayaa ku qulqulaya labadii maalmood ee la soo dhaafay Magaalada Muqdisho, kuwaasoo ka imaanayay gobolada koonfureed ee ay gacanta ku hayaan kooxaha dowlada ka horjeeda. Madaafiicda goobta iyo gaadiidka tikinikada loo yaqaan ayaa galay Muqdisho, iyadoo kooxaha mucaaradka ah ay qoryaha M-30 iyo D-30 ku rakibeen deegaano ay ka mid yihiin Suuqa Xoolaha iyo Dayniile oo waqooyiga Muqdisho ku yaala. "Gaadiid waaweyn oo jiidaha Madaafiicda goobta [M-30 & D-30], ayaan ku arkay duleedka degmada Dayniile, qaarkood waxaa la dhigay degmada, kuwo kalena waa la dhaafiyay" ayuu yiri Culusow Raage oo ka mid ah dadka degmada Dayniile. Ruuxan ayaa sheegay in hubkan ay leeyihiin kooxaha Al-shabaab iyo Xisbul Islaam oo ka horjeeda dowlada Somalia, iyadoo kooxahan ay horay ugu baaqeen dagaal ka dhan ah dowlada Sh. Shariif. Sarkaal ka tirsan Xisbul Islam oo diiday inaan magaciisa xusno ayaa ****olka ka qaaday inay dhawaan dagaalo ku qaadi doonaan saldhigyada ay ku sugan yihiin ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM. "Ujeedadeenu waa inaan dalka iyo dadka badbaadino, waxaan la dagaalamaynaa ciiidamada AMISOM iyo kuwa gabaadka ka dhiganaya" ayuu yiri mas'uulkan oo intaas raaciyay: "Cid walba oo ka horjeeda dowalada waan kaashanaynaa". Sh. Xasan Daahir Aweys oo ah hogaamiyaha kooxdan mucaaradka ah ayaa dhawaan sheegay inaysan jirin wadahadalo uu la galayo Sh. Shariif, isagoo ku tilmaamay nin ka baxay mabda'ii la isku ogaa. "Cid walba oo nabada doonaysa waan la hadlaynaa, cidii dood kale qabta, waxaan leenahay waa inay sugaan labada sano ee xukuumadu talinayso kadib, markaasna ay isa soo sharaxdo, balse waxaan ka digaynaa in dagaalo la huriyo" ayuu Sh. Shariif dhawaan u sheegay saxaafada. Dhanka kale, Midowga Afrika ayaa sheegay in shalay mid ka mid ah askartooda lagu toogtay Muqdisho, kadib markii meel fog lagas oo toogtay, waxaana dilkaas ay ku tilmaameen saraakiisha AMISOM iyo Madaxda Midowga Afrika mid fulaynimo ah oo ay ka dambeeyeen koox nabada diidan. GAROWE ONLINE
  14. ^^^Moonlight: How credible is the news of the Eritrean arms drops? Or are these weapons the old ones the fighters is bringing from their bases in Marka, Baidoa and Kismayu?
  15. ^^^They wont kill anyone other than the women and children. This is a battle inside the city, targeting well defended areas.
  16. ^^^I think you are right. If there is another major war between these clowns. It will just kill people destroy propertiy and make other intervene. Then we will forget about how it started and the victims and start another one.
  17. The Ulamaa have more responsibility than they are realising, they should use their knowledge and influance to tell these people that the killer and the killed will go to hellfire. They should have started 19 years ago, instead of singing and dancing to the clan tune.
  18. Abaabul dagaal midkii ugu xooganaa oo ka socanaya Magaalada Muqdisho. Muqdisho,(WNT):-Koox aha sida weyn uga soo horjeeda dowlada KMG ah ee uu Hogaamiyo Madaxweyne sheekh shariif sheekh Axmed ayaa la shaaciyay in Magaalada Muqdisho ka wadaan abaabulkii ugu xooganaa oo ka dhan ah dowlada somalia. Labadii habeen ee la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho soo gaarayay hub iyo gaadiidka dagaalka kuwaasi oo intooda badan ka imaanaya dhinaca iyo Gobolka shabeelaha Hoose. Gawaaridaan dagaalka ah ayaa si weyn loogu arkayaa qeybo ka mid ah wadooyinka Muqdisho kuwaasi oo ay saaran yihiin Ciidamo Taabacsan Xisbul Islaam iyo Al-shabaab. Lama oga waxyaabaha ka dhalan doona hubkaan faraha badan ee iminka sida is xig xiga u soo gaaraya Magaalada Muqdisho. Wasiirka warfaafinta DKMG ah ee Somalia Farxaan Cali Maxamed oo shalay galinkii dambe shir Jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in hubka soo gaaraya Muqdisho qeyb ka yihiin sida uu hadalka u dhigay hubka ay dowlada Eritrea ugu deeqaday Kooxaha dowlada ka horjeeda. Si kastaba shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa dareen xoogan arintaan ka muujiyay iyaga oo ka baqi qaba in markale la kulmaan dagaalo lagu hoobto oo ka dhaca Caasimada Muqdisho. Xafiiska Wararka Waayaha.net,Muqdisho .
  19. Dawlada aan weli tegin Ceelasha biyaha ee Somalia oo soo saartay digniino dagaal oo ay abaabulaayan mucaaradka. (06-05-2009)Wasiirka warfaafinta dawlda Somalia Farxaan Cali Max'ud ayaa ka shanqariyey in dawlada ay dareemeyso hurinta colaad ay abuurayaan mucaaradka dawlada ku kacsan, wuxuuna sabab uga dhigay dhaqdhaqaayo ciidan oo sida uu sheegay laga dareemayo Muqdisho iyo gobolada u dhow dhow. Farxaan Cali Max'ud ayaa sheegay .in saansaanta colaadeed ee la wado ay ka soconeyso gobolada dalka iyo caasimada Muqdisho intaba , waxaaana uu tibaaxay in rabshadahaan lagu doonayo in lagu wiiqo xasiloonida dalka iyo hanaanka dib u heshiisiineed ee ay dawladu ka dhexwado shacabka Somaliyeed. Wasiirka ayaa sheegay in ciidamo gurmad ah loo diray G/hiraan ayna ogyihiin in looga dan leeyahay in lagu sii huriyo dagaalada gobolka ka socda, tallaabadaasina ay markhaati cad u tahay sida ay kooxaha nabad-diidka ahi u doonayaan dagaallo dhaca, sida uu hadalka u yiri. Wasiirro ka tirsan dowladda busteyaasha huwan ee aan ceelasha biyaha weli tegin, ayaa maalmahan soo saarayey digniino dagaal iyo in hub u yimid mucaaradka dawlada oo ka soo dagay garoonka Balidoogle ee G/sh/Hoose.
  20. ^^^He has the support of Kismayu, Marka & Baidoa already, without their fighters he wont capture an inch of the capital , your lack of comprehension is troubling.
  21. Yeah, but you have to recognize it's admirable he didn't go to war with these regions he doesn't control. Unlike others before him, he never said "let's crush the rebels" and I think that is a good sign. He does not have the power, experince nor the will to crush anyone. But Xasan Dahir is a vetran who will try to crush him. Thus if you want peace prepare for war.