General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. ^^^loool. Adeer insulting Yusuf [who founded Puntland which is peacefull and progressing] will not cover up the weaknesses of your argument. Yusuf a nationalist fought and defeated these clowns when they attacked him. Then they started a clan wailing and madness in the city which resulted in the deaths of thousands. Now the same madness continues and there is no Yusuf to blame, no Ethiopia to blame. Also Yusuf never sold the rich sea of Somalia. If those wars were rightous then this one is also rightous right? You do not get it, and thats the real tragedy.
  2. ^^^Secessionist: The news is early and in these types of clahses there is no clear victor. And the unarmed civilians will be the big losers.
  3. Muqdisho:Dagaalka oo caawa sii xoogeystay iyo Shababka oo wacad ku maray in ay afjari doonaan 8. maj 2009 Muqdisho(AllPuntland )-Dagaalkaan ayaa sii xoogeystay caawa marki uu gurmad xoogan soo gaaray kooxda Al-Shabab ee dagaalada kula jirta ciidamada maxaakimat ee dawlada ku biiray. In ka badan 20-gawaari oo kuwa dagaalka ah ayaa kaga yimid gobolada ay ka arimiyaa kooxda Al-shabab, waxaana imaatinkooda kadib ay bilaabeen dagaal ka qarxa wadada warshadaha ilaa garoonka Stadio Muqdisho. Goob jooge dagan xaafada tawfiiq ayaa u sheegay AllPuntland in dagaalkii galabta ay weerar ahaayeen kooxda Al-Shabab oo gurmadyo iyo rasaas ay soo gaareen. Dhinaca kale gudoomiyaha G/Banadir ee Al-Shabab Sh.cali Xuseen ayaa sheegay in dagaalka ay kula jiraan maalinti labad koox uu ugu yeeray ashahaada la dirir ,waxaana uu sheegay in ay soo afjari doonaan. Waxa uu sheegay Sh.Cali Xuseen in dagaalkaan uu qeyb ka yahay baaqyo dagaal oo ay jeediyeen Cumar Xaashi iyo C/qeybdiid oo ahaa in dagaal la bilaabo lala galo mujaahidiinta . "Mujaahidiinta waa ka feejiganyihin qandaras walba kooxdaan waa koox qandaraas cusub soo qaadatay laakin ilaahay fadligii waa jabayan "ayu yiri Sh.Cali Xusee. dagaalka ayaa u muuqda mid aan hakan doonin marka loo fiiriyo hanjabaadaha ka imaanaya dhinacyada is haya iyo diyaar garowga ay ku jiraan. Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland
  4. ^^^nah adeer the blame should lie with those who for 19 years have been using the city as a battle ground. Every time a new excuse, "Ethiopia" was the biggest and Sharif Ahmed was a tool used to destroy the last government so he could sell the sea basin full of oil to poor little Kenya. It is time for a rethink and a big one.
  5. The new Ashahado La Dirir Term he popularised.. Waaliga Alshabaab Gobolka Banaadir oo ku tilmaamay dagaaladii shalay mid u dhaxeeya iyaga iyo Ashahaado la dirir cusub Ururka Alshabaab ayaa markii u horeeyay ka hadlay dagaalka ay qeybta ka yihiin, iyagoona beeniyay inay dagaal kula jiraan wax la yiraah Midowga Maxkamadaha Islaamka oo shalay ay ku dagaalameen qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho Waaliga Alshabaab ee Gobolka Banaadir Sheekh Cali Maxamed Xusen oo Warbaahinta Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in dagaalka ay kula jiraan waxa uu ugu yeeray Ashahaado la dirir cusub. "Dagaalkii Shalay waxaa uu u dhaxeeyay Mujaahidiinta Alshabaab iyo Cadowga Illaaheey,dadkaasina waxaan ognahay in ay yihiin Ashahaado la dirir cusub oo qandaraas hadda soo qaatay oo qoladii hore badalay”ayuu yiri Sheekh Cali Max’ed Xuseen. Waxaa uu sheegay in dagaalka lagu soo qaaday Alshabaab, isagoona ku eedeeyay in dagaalkan oo ah mid uu horay u iclaamiyay Wasiirka Amniga Qaranka Cumar Xaashi, waxaana uu tibaaxay in dagaalka uu ku baaqay Cumar Xaashi uu u adeegsaday Jihaad ay la galaan Ururka Alshabaab. "Waxaa jiray wax la yiraahdo Midowga Maxaakiimta oo 6-bilood ayey shaqeynaysay, waxaa ku soo duulay Ethiopian waana la bur buriyay waana la kala tagay marka magacii midowha maxkamaduhu halkaasi ayuu ku dhamaaday, annaga midowga maxkamadaha waligeen ma’aanan dagaalamin oo iskama aanan hor imaanin, waxa nala dagaalamayna waxaa ay ahaayeen dad cadowga Illaaheey ah, waana kuwii uu howl galiyay Cumar Xaashi Aadan oo rabay in ay la dagaalamaan Alshabaab"ayuu yiri Wakiilka Alshabaab ee Gobolka Banaadir. Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa ku goodiyay in dagaalka uu yahay sidii uu u bilowday, isla markaana ay sii wadayaan, isagoo sheegay in marka hore iyaga lagu soo qaaday weerar gardaro ah sida uu hadalka u dhigay. Dagaalkii shalay oo ahaa kii ugu cuslaa ayaa la rumeysan yahay inuu u dhaxeeyay Maxkamadaha Islaamka ee Dowladda ku biiray iyo Xoogaga Alshabaab, dagaalkaasoo ahaa kii ugu kululaa ee Muqdisho ku dhex mara Labada dhinac. Hooyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.co m Jowharcom@gmail.com
  6. WAR DEG DEG AH: Dagaal culus oo goor dhow ka qarxay nawaaxiga Garoonka K/Cagta Muqdisho Stadium. Dagaal culus ayaa mar kale dib uga qarxay meelihii shalay ay ku dagaalameen Xoogaga Maxkamadaha Islaamka iyo kuwa Alshabaab, iyadoona dagaalka uu xoogiisa ka socdo agagaarka Garoonka Kubada Cagta Muqdisho Stadium oo fariisin u ah Ciidamada Maxkamadaha. Dagaalkan ayaa waxaa uu u dhaxeeyaa xoogaga Maxkamadaha Islaamiga garabka taabacsan dowladda KMG Soomaaliya iyo Ururka Al Shabaab kuwaasi oo maalintii shalay ku dagaalamay qeybo ka mid ah wadad warshadaha ee magaalada Muqdihso. Hubka noocyadiisa kala duwan ee la isu adeegsanayo dagaalka ayaa ah mid aad loo maqlayo, waxaana jugta xoogeeda ay ka dhaceysaa dhinaca Isbartiibada ama Garoonka Kubada Cagta Stadium Muqdisho. Ma cada qasaaraha uu geysanayo dagaalka, iyadoona ay tani wiiqeyso baaqyada nabadeed ee loo jeedinayo dhinacyadan Islaamiyiinta oo aan dhag jalaq u siin baaqyadaas, iyagoona dib u bilaabay dagaalkooda. Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe Hooyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.co m Jowharcom@gmail.com
  7. ^^^They are afraid of him saxib, which is good for Puntland..
  8. Dullinimo Dugsi Ma Leedahay? May 8th, 2009 Dullinimo Dugsi Ma Leedahay? Bishii March ee sannadkan markii uu Daahir Riyaale booqashada ku yimi Carriga Ingiriiska waxa rugtii uu degganaa u gabaaragurdaynayey habeen iyo maalinba askhaas iyo kooxo kala anwaac ah oo mid weliba dan gaar ah meel ku soo guntaday. Nimankaas badankoodu oo mid weliba suudh isku soo taagay waxay inta badan ku susumayeen rugta Riyaale deganaa goor fiid ah iyagoo weliba qaarkood muraayado madow iyo koofiyado kala kaan ah isku qarinaya si aan loo aqoonsan ama loogu sawiran meesha. Nimankaasi waa niman Ingiriiska ku nool oo haddii aanu camal hayn ay dawladda ingiriisku biiliso, haddii kalena ay yihiin niman lafahooda u xoogsada. Dhammaantood waxay ka sinaayeen inay Daahir is-hoos dhigaan oo weydiistaan inuu u fuliyo dano gaar ah oo lagaba yaabo inayba xaq u leeyihiin muwaadin ahaan. Qaar kalena waxay ku qadhaabanayeen magac beeshooda iyagoo war bixin qarsoodi ah ka siinaya Riyaale wasiir ama masuul ka soo jeeda beeshooda si isaga loogu beddelo ama mid uu wato. Bisaddu waa xayawaan kala taqaanaa xaaraanta iyo xalaasha waayo markay hilib salladda kala boodo intay la fogaato ayey kolba hareeraha iska eegtaa in weerar ku soo maqan yahay illayn way garanaysaa inay wax qalad ah samaysaye, haddiise aad adigu hilibka siiso agtaad ayay ku raamsataa iyadoo aan baqanayn waayo way garanysaa inay xalaal ku heshay cadkeeda. Nimankaasi is qarinayey way garanayaan in waxa ay sameenayeen damiir xumo tahay haddi kale sabab ay isu qariyaan oo kolba dhinac isugu dadbaan ma jirteen. Waxa inta dheer haddii aad ku sheegto mid ka mid ah nimankaas inuu Daahir Riyaale la kulmay waxa laga yaabaa cadhada uu qaado inuu dhiig kaaga dhiijiyo. Sidaas oo ay tahay kuwaasi weli in yar oo damiir ah ayaa ku hadhsan laakiin waxa maanta debed iyo gudaba ku badan qaar iyagu u soo qaashaartay inay khaddaamiin daacad u ah Riyaale ay noqdaan oo jecel inay ku shaqeeyaan mabda’ ah “Marxaba Yaa Sayidii”. Taasina waa ta jarka ka tuurtay Riyaale. Haddii haddaba kuwii wax haystay amaba la bidiyey inay aqoon leeyihiin ay falalka foosha xun ee noocaas ah ay ku kacayaan, maxaad ka filaysaa kuwa wasaarado la xaalufiyey oo boono la gooyo mooyaane aan biiro ku hadhin oo sida gorgorka ku dul meerasanaya habeen iyo maalinba bal in ay wuxuun kaga soo duulaan. Waddanka ta ka taaganina way ka sii fool xuntahay. Haddii aynu eegno markii uu socday loolankii doorasho-ku-sheeggii xisbiga UDUB waxa loo qaybiyey waraaqo dhammaan mulkiilayaasha huteelada magaalada Hargeysa ku yaalla iyadoo la farayo inaan laga kirayn meel ay shirkooda ku qabsadaan garabkii UDUB ee is-beddel doonka ahaa ee uu hor kacayey Cabdillaahi Darawal. Waxa Alle wixii huteel magaalada Hargeysa ku yaallay nin huteelkiisa ka kireeya nuimankaas odayaasha ah waa la waayay inkastoo maalintii ugu horreysay ay jirtay nin ka kireeyey huteel yar oo meel la kala fadhiisto la waayay oo la isku buquujiyey oo markiiba lagu kala tagay. Huteeladaasi aynu ka hadlaynaa ma aha qaar uu Daahir Riyaale dhisay ama lacag ay dawladdu leedahay oo amaah lagu dhisay laakiin waa huteelo rag xoogoodii ku dhistay siday doonaanba ha ku helaane. Nimankaasi xaqoodii iyo xorriyadoodii muwaadinimo may difaacin ee ahaa inay iyagu xaq u leeyihiin cidda ay ka kirayn karaan huteelkood iyo cidda kale maadaama aanay dawladdu saami iyo amaahtoona aanay ku lahayn hantidooda.
  9. Xarunta Caasimadda DGP ee Garowe oo u ka dhacay Banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo Burcadbadeeda>>>>> Khamis 07 May 2009 Puntland:Waxaa maanta xarunta Caasimadda DGPL ee Garowe ka dhacay Banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo Burcadbadeeda. Banaanbaxan ayaa waxa soo qaban qaabisay Xukuumadda DGPL waxaana ka soo qaybgalay dadweynaha ku dhaqan Caasimada DGPL ee Garowe Ka dib markii ay shacabku socod ku soo mareen magaalada Garowe,ayaa waxa laysugu yimid xarunta Madaxtooyada horteeda,waxaana ka soo qaybgalay Madaxweynaha DGPL Mudane Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Maxamuud,qaar ka mid ah golaha wasiirada,isimo iyo saraakiisha Ciidamada. Bannaanbaxaasi ayaa waxa ka hadlay mas’uuliyiinta ay ka mid ahaayeen duqa Degmada Garowe,Guddoomiyaha Gobolka Nugaal,wasiirka arrimaha Gudaha,Wasiirka Caafimaadka iyo Madaxa Hay’ada PAC oo dhammaantood ka wada hadlay dhibaatooyinka ay leedahay Burcad badeeda iyo dhibaatooyinka Caafimaad ee ay keenaan. Sidoo kale waxaa Bannaanbaxaasi ka hadlay qaar ka mid ah isimada oo uu ka mid ahaa Garaad Cabdillaahi Cali Ciid oo isagu aad ugu nuuxnuuxsaday dhibaatada Burcad badeeda iyo Tahriibta uguna baaqay in la joojiyo Tahriibka iyo Afduubka dadka Bani’aadamka ah. Hadaba ugu dambayntii ayaa waxa ka hadlay Bannaabaxaasi Madaxweynaha DGPL Mudane Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Maxamuud. Madaxweynaha ayaa waxa uu aad ugu dheeraaday mowqifka ay ka taagan tahay DGPL Burcadbadeeda oo uu sheegay in ay dhibaato weyn ku hayaan Caalamka,waxaan ka codsanaynaa shacabka Puntland iyo culimadaba in dadka laga wacyi geliyo,kana fogaadaan,DGPL waxa ay beryahan ku hawlanayd sidii uala dagaalami lahaa burcad badeeda,waxaana ilaahay uga rajenayaa in uu kuwa ku jira uu soo hannuuniyo dawladuna ay u samayso shaqo abuur,hadaba waxaan idiinka digaynaa in aadaan ku lumen waxaas xaaraanta ah oo aynu meel uga soo wada jeedsano haddii ilaahay idmo. Allidamaale.com Your Reliable Sources
  10. MMA, the parliment sat to ratify the Shariah, the cabinet and many other things. They cant sit now and oppose this? Now you are right the country has not had any government since 2008 as is seen by these clowns actions. Now lad, why has the cabinet not opposed this? Can they not sit also? Sharif Ahmed, Sharif Xasan, Ibbi, and the clown who signed the agreement Abdishakur and the PM are the ones oppoisng the parliment to debate this
  11. Sarkaal sare oo ka tirsan ururka alshabaab oo ka badbaaday isku day dil iyo dagaal khasaare geystay oo ka qarxay magaalada muqdisho Posted to the MOL May 7, 2009, 11:56 pm Labo qof ayaa ku dhimatay 55 kallana way ku dhaawacmeen ka dib markii dagaal xoogan uu dhex maray ururka alshabaab iyo maleeshiyooyin ka tirsan ciidamadii maxakamadaha haatana daacad u ah dawlada soomaaliya kaasoo ka dhashay ka dib markii sarkaal sare oo ka tirsan alshabaab uu ka badbaaday qarax lala beegsaday gaari uu saarnaa. masuul ka tirsan ururka xisbul islaam ayaa ku macneeyey dagaalka mid aanan macnaha lahayn islamarkaana aysana waxba ka qaban karin balse hadii ay yihiin xisbul islaam ay cambaareynayaan. muuse caraale oo uwaramayey wakaalada wararka ee dalka china ee xinhua ayaa intaasi ku daray inuu labada dhinac ugu baaqayo inay si sharuud la,aana ku joojiyaan dagaalka mar dambana ay ka dheeraadaan wax kasta oo keeni kara gacan kahadal. dagaalkan oo udhaxeeyey ururka alshabaab iyo maliishiyooyin ka tirsanaa maxaakiimta daacad u ah dawlada soomaaliya ayaa socday ku dhawaad laba saac ayadoo sarkaalkii alshabaabkaahaa ee la bartilmaameedsanayey na kaasoo lagu sheegay magiciisa qoslaaye uu ka badbaaday shirqoolkaasi asagoo aysan waxba gaarin inkastoo mid kamida ilaaladiisa uu ku geeriyooday labana kalana ay si xun ugu dhaawacmeen qaraxa lala eegtay gaarigiisa. dhinacyada dagaalamay ka sokow dagaalka ayaa khasaare balaaran gaarsiiyey dad shacaba oo aanan waxba galabsan ku dhawaad 55 qof ayaa ku dhaawacantay rasaasta ay iswaydaarsanayeen dhinacyadaasi taasoo ka dhacay qoryaha waa weyn iyo noocyada fududba. Daahir maxamed maxamuud oo ah agaasime ku xigeenka isbitaalka madiina ayaa sheegay in dadka lakeenay isbitaalka ay qabaan dhaawacyo halis islamarkaana ay xabaduhu kaga yaalaan meelo halis ah ayna isugu jiraan caruur iyo haweenba asagoo dr daahir intaasi raaciyey in haweenay da, ah, ay mar dambe dhaawicii soo gaaray ugu geeriyootay isbitaalka. dagaalka oo dadka muqdisho xasuusiyey dagaaladii horay uga dhici jiray magaaladaasi ayaa laga cabsi qabaa inuu maanta oo jimcaa dib uga dhex qarxo labadaasi dhinac. saraakiil ka tirsan maxaakiimta islaamigaa ayaa horay ugu eedeeyey alshabaab inay ka dambeeyeen shirqoolo lagu khaarajiyey madax ka tirsan iyaga islamarkaana uu haatan dulqaadkii ka dhamaaday. balse ururka alshabaab oo si weyn uga soo horjeeda dawlada shiikh shariif ayaa beeniyey eedaymahaasi uga yimid maxaakiimta taageersan dawlada iyagoo sheegay in cida ka dambaysa shirqooladaasi ay yihiin waxay ugu yeereen cadowga ilaahay. ururka alshaab ayaa gacanta ku haya deegaano badan oo kamida koonfurta soomaaliya iyo goobo badan oo kamida magaalada muqdishaba waana xoogaga ugu weyn ee kasoo horjeeda dawlada shariifku hogaaminayo waxaa sidoo kalle kamid ahaa kooxaha diidan dawlada ururka xisbul islaam oo laba garab ukala jabay inkastoo garab kamida uu hashiis la saxiixday dawlada islamarkaana ku baaqay xasilinta muqdisho iyo in la qabto dib uheshiisiin guud oo alshaabna laga soo qaybgaliyo. Rabiile Cabdikariin Gabanow
  12. ^^^No tricks adeer, the Parliment as we speak is not allowed to oppose this. They can stop it, why not ? Because these men got paid , all of them, Dumb, dumber and dumbest in our history. It can be stopped right now.
  13. ^^^Yup its all good, since this government allowed this to happen, that Sharif Xasan is finnace minister. All talk lads, you were crying about "Ethiopians" and the fake liberation group have now liberated our sea to Kenya. Nice one.
  14. Puntland parliament leaders Eight lawmakers gave speeches about areas of concern in the new budget. The debate touched on many topics: increasing government employee salaries, including the security forces; environmental concerns such as the banned use of plastic bags; and increasing salaries for the judicial system, including the Magistrate Court. Finance Minister Jama was grilled for three hours and he answered most of the questions calmly and reasonably, telling lawmakers that the new administration has already increased the salaries of all government workers "by a percentage unheard of in the rest of the world.” Viva Puntland
  15. Riyaale oo laga dalbadey sixiix heshiis7 May 7, 2009 - 12:39:07 PM Guddoomiyeyaasha labada xisbi-mucaarad ee KULMIYE iyo UCID, Axmed Siilaanyo iyo Eng Faysal Cali-Waraabe ayaa gaashaanka ku dhuftay go’aanadii Gudida dhexdhexaadinta illaa inta uu saxiixayo Madaxweyne Riyaale. Labada guddoomiye-mucaarad oo xallay shir-jaraa’id oo wada jira ku qabtay huteelka Imperial ayaa sheegay in madaxweyne Riyaale diidey xaflada sixiixa heshiiskaas oo ay tilmaameen in ay tahay sida qudha ee ay ku qanci karaan iinuu madaxweynuhu daacad ka yahay heshiiskaas iyo in kale, iyagoo ku eedeeyey inuusan rabin in doorasho dalka ka qabsoonta. Isla markaana uu heshiisyo qarsoodiya oo lagu wiiqayo qaranimada Somaliland uu la galay Sheekh Shariif. Ugu horeyn waxa shirkaa jaraa’id ka hadlay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa hadlkiisa ku bilaabay “Waxaan halkan ka cadaynaynaa marwalbana adiyaar u nahay in aanu go’aankii ay gaadheen guddida dhexdhexaadinta aanu u hogaansanahay, in aanu diyaar u nahay fullintiisa iyo ku-dhaqankiisa iyo hirgrlintiisa. Waxaanu caddaynaynaa maadaama hawsha saxeexa lagama maarmaan oo khusaynaysa shacbi-weynaha reer Somaliland oo dhan oo ummadu u wada dhegtaagaysay in ay lagama maarmaan tahay saxiixa heshiiskaasi in saddexda guddoomiye-xisbi isugu yimaadaan, si ummadu ugu kalsoonaato in uu heshiis qaran yahay. Ilaa hada ma cada meesha ay isugu biyo shuban doonto siyaasadan marba soo laba kaclaynaysa, waxana welwel badani ka muuqdaa shacabka oo iyagu farta wadnaha ku haya eegaayana meesha xaalku ku dambayn doono. Jamaal Siciid,Hargeysa Garowe Online
  16. Rayaale oo ku adkaystay in Somaliland ku sii joogto jidka khaatumo la’aanta May 7th, 2009 Riyaale “wuxuu nagu yidhi go’aankaas idinkaa watay oo qayb kamaanu ahayn” Xeer-beegtida Dhexdhexaadinta Riyaale “wuxuu nagu yidhi, ma anagaa heshiinay, mise go’aan baad nagu fuliseen?” Guddida dhexdhexaadinta khilaafaadka Hargeysa (Ogaal)- Guddida dhexdhexaadinta Khilaafaadka Siyaasadeed ee dalka, ayaa shalay sheegay in Rayaale ka cudur-daartay in uu saxeexo go’aamo ay hore uga soo saareen muranka taagan, isla markaana waxay Baarlamaanka ugu baaqeen in ay fuliyaan qodobka ka khuseeya go’aamadan. Waxaanay ka war bixiyeen hawlihii dhexdhexaadineed ee ay wadeen iyo waxaan u qabsoomin. Saddex xubnood oo ka mid ah Guddidan dhexdhexaadinta oo shalay si wada-jir ah Shir-jaraa’id ugu qabtay Hutel Imperial ee Magaalada Hargeysa, ayaa warbixin dheer oo ay ka bixiyeen ujeedada ay isu xilqaameen oo ah xallinta khilaafka iyo halkay ka bilaabeen ka dib, waxay ka warbixiyeen saxeexa go’aanno ay soo saareen oo maalmihii u dambeeyay la filayay in ay si wada-jir ah u saxeexaan labada Xisbi Mucaarad iyo Madaxweyne Rayaale. “Waxaanu ka mid ahayn guddidii daba-galka iyo Anshaxa Doorashooyinka, sidaad ogaydeen waxa soo baxay go’aankii Golaha Guurtida oo khilaaf baa ka dhashay. Arrintaas Guddida oo ka kooban 14 xubnood ayaa ka fadhiistay oo waxay iska soo saareen 7 xubnood..Waxaanu markii u horraysay raadinay kalsooni, oo waxaanu ka bilownay KULMIYE, UCID baanu u gudubnay oo way naga aqbaleen. Ka dibna waxaanu muddo ka dib la kulanay Madaxweynaha oo wuu naga ogolaaday..Waanu isu keenay. Maalintii markaanu kulankooda ka soo baxnay, ayaanu shirnay oo ilaa habeenimadii shiraynay. Fadhigaa hore maalintaa ay na igmadeen ayuun baanu waxoogaa hadal ah oo aan badnayn oo aanu ka qaadnay..Waxaanu isla garanay in saddexdii Oday (M/weynaha iyo labada Guddoomiye Xisbi) isu keeno oo go’aankii soo dhex dhigno oo ay aqbalaan, gacantana isu-saarno oo cafis dhaco. Madaxweynihii baanu intaa ka dib la hadalnay oo aanu nidhi, go’aannadii inaanu idiin soo gudbino ayaanu doonaynaa ee muddadii noo qabo oo maanta (shalay) ku beegnayd. Wuxuu nagu yidhi, waad mahadsan tihiin, laakiin mar haddaad go’aamadii gaadheen in aad Nin walba halkiisa ugu geysaan.” ” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka Guddida dhexdhexaadinta khilaafaadka Siyaasadeed ee dalka Jaamac Axmed Maxamed (Oday) oo ka mid ahaa saddexda xubnood oo guddida ah ee Shirka-jaraa’id qabtay, kuwaas oo kala ahaa Afhayeenka, Xuseen Cali Nuur iyo Sh. Ismaaciil Cabdi Hurre (Dheeg). Waxaanu Afhayeenku intaa ku daray oo uu yidhi, “Markaa halkaa markay maraysay waxa guddidii isu bedeshay Maxkamad. Sidaa darteed, waxaanu go’aamadayadii ka saarnay qodobka 6aad oo dhigayay in uu dhaqan geliyo marka la saxeexo. Sababtoo ah, sharciyan ma socoto go’aankaygu wuxuu hirgelayaa marka la saxeexo. Waxa kale oo aanu ka saarnay astaan kasta oo kale oo keenaysa in go’aannadayadu si furan u gudbaan…Anagoo kalsooni ka qabna Shacabka, ayaa waxaanu go’aamadaa labadii Guddoomiye iyo Madaxweynaha ku fulinay. Bushqad baanu ku ridnay, nin walba Magaciisa ayaanu ku qornay oo Oday baanu ugu dhiibnay. Waxaanu diyaar u nahay markaa guulayso ama ha guulaysan oo ninkii go’aankaa diida aanu nidhaahno, waad arkaysaan umadeey oo hebel baa diiday..dhinacyadii way aqbaleen go’aamadii.”
  17. ^^^^Indeed, the Puntland community is by far the largest in the US, I know for a fact they have great numbers and influance in the Twin cities, its time they worked hard to lobby for the states development both politically and economicly. Marx, adeer the Pirates money has gone to the private sector and its not needed. The Faroole plan of creating a new navy will transform the state and our sea is very important hence the worlds attention.
  18. ^^^Maybe you are right. But one hopes that common sense prevails.
  19. Natiijada Dagaalkii Maanta Iyo Meelaha La Kala Qabsaday 07 May, 2009 03:18:00 Toronto t. Font size: Dagaalka maanta oo si kadis ah uga bilowday Muqdisho ayaa markiisii horaba la filayay inuu qarxo maalinka Sabtiga ah, kadib markii ururka Al-Shabaab ay shalay ku daadiyeen Muqdisho warqado digniin ah oo ay dadweynaha ugu sheegayaan in maalinka Sabtiga ah ay magaalada ka sifeynt doonaan kooxaha dowladda sheeganay iyo gaalada Afrikaanka ah. Maadaama maleeshiyaadka Al-Shabaab ay u diyaarsanaayeen howlgal dagaal waxa durbadiiba u suurto gashay inay qabsadaan dhul balaaran oo ay ka mid yihiin Ifka-Xalan, Xaruntii dhul bixinta, Hotelka Stadio Muqdisho, iyo inta badan wadada warshadaha, waxayna u soo dhaqaaqeen dhanka garoonka Stadio Muqdisho oo uu gacanta ku hayo Sh. Yusuf Indhacade. Intaas kadib waxa dagaalka soo galay maleeshiyaadka Sh. Yusuf Indhacade waxana dib isku soo aruuriyay maleeshiyaadkii Maxaakimta oo aan u diyaarsanayn dagaal noocan oo kale ah. Isbahaysigaan ayaa ku guulaystay inay caabiyaan isbalaarintii Al-Shabaab waxana caaway lagu kala hoyday goobaha aan kor kusoo sheegnay. Ciidamadii Maxaakimta ayaa caaway isku soo aruursaday goobo muhiim ah, waxana la filayaa in bari subax uu dib uga qarxo halkaas dagaal xoogan oo noqon doona midkii lagu kala bixi lahaa. Sh. Xasan Daahir oo aan ku lug lahayn dagaalkan ayaan wali ka hadal dhacdadaan, mana la garan karo dhinaca uu ku biiri doono iyo inuu dhexdhexaad ka noqon doono, maadaama isaga iyo Al-Shabaab aysan wali ku heshiin go'aan cad oo ay ku wada shaqayn karaan. Dr. Cumar Iimaan oo ay isku dhinac yihiin Sh. Xasan Daahir ayaa sheegay inuu ka xunyahay dagaalkan, wuxuna ku baaqay in xabadda la joojiyo.
  20. ^^^Which group? Shangoole or Ahmed Diriye's And for Yusuf of course you dont.
  21. ^^^Dont underestimate these grouops, already todays heavy skirmishes and attempted killing of an Al Shabaab comander shows they mean business. As for Shangoole, next you will tell us Mohamed Abdi Yusuf was another neighbour in Pakistan..
  22. ^^^Its good to see you defending your uncle, but he is being targeted by the media and old Ahmed Diiriye group. Good luck to the man from Sweden waging a Jihad in Mogadishu.