General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Muqdisho:Xasan Dahir oo sheegay in uu dagaalka ku soo biiray 10. maj 2009 Muqdisho(AllPuntland )-Xasan Dahir Aweys hogaamiyaha mucaaradka ayaa shaaca ka qaaday in uu ku soo biiray dagaalka oo uu la soo saftay xooagaga Al-Shabab. Xasan Dahir ayaa sheegay in dagaalka ay ku qasbeen in uu soo galaa dawlada somalia oo uu sheegay in ay weerareen sida salshigyada wardhigley iyo tawfiiq oo ay daganayeen ciidamadiisa. Xasan Dahir ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka lagu soo qaaday uu ahaa mid la soo qorsheyey maadama lagu soo beegay xili ay nabadeyn ku jireen. Xasan Dahir ayaa sheegay in ciidankiisa ay dhankooda is difaaceen isla markaana iyaga weerar lagu soo qaadayy, waxaana uu sheegay in dagaalka markiisa hore lagu qaaday Xoogaga Alshabaab oo fikir ahaan aan is raacsanahay. Hadalka Xasan Dahir ee ah in uu dagaalka ku soo biray ayaa noqoneysa mid sii cusleysa awooda xooagaga mucaradka. Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland
  2. Ciidamada Al-Shabaab & Al-Muhaajiriin Oo Gacanta Ku Dhigay Inta Badan Caasimada Muqdisho. 09 May, 2009 02:08:00 Toronto t. Font size: Dagaalka Muqdisho ayaa gaaray halkii ugu saraysay, wuxuna u muuqdaa mid looga gacan sareeyo dowladda iyo taageerayaasheeda, kadib markii inta badan ciidamadii maxaakimtu ay ka bexeen dagaalka iyagoo u arkay inuu yahay dagaal fitno oo mujaahidiintii dhexdooda ka bilowday. Magaalada inteeda badan waxay u muuqataa mid gacanta ugu jirta xoogaga Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam. Waxay haystaan wadooyinka warshadaha, jidka 30ka, Isteediyo Muqdisho, Saldhigyada Yaaqshiid iyo Wardhiigley, wadada wadnaha hotel Florence iyo hotel Daameey. Difaaca ugu horeeya ee dowladuna wuxu joogaa iskool 15 May oo ah irida Villa Somaliya. Dhanka Waqooyi ciidamadii dowlada waxa laga soo jabshay xaafadaha Yaaqshiid, Kaaraan iyo Shibis, difaacooda ugu horeeyana wuxu joogaa Suuq-Bacaad iyo Nasiib Buundo. Sh. Yusuf Indhacade oo beryahan la safnaa dowladda hadana aan la ogayn go'aanka uu qaadan doono ayaa wali gacanta ku haya warshada Baastada oo ah halka kaliya ee Al-Shabaab aysan gacanta ku dhigin wali. Dhanka Koonfurta magaalada ciidamadii Sh. C/qadir Cali Cumar ee ku sugnaa Shiirkole ayaa lasoo sheegaya inay labo u kala jabeen, qayb ka mid ah ay ku biirtay Al-Shabaab, halka qaybta hartay ay wada hadal kula jiraan Shabaabka iyagoo sheegay inay hubka dhigayaan dagaalkana ay ka baxayaan, laakiin aysan ku biiri doonin Al-Shabaab. Haddii laga saaro Shiirkole ciidamadaas, waxay dowladu noqon doontaa mid ku aruurta intii uu joogi jiray Col. C/lahi Yusuf oo ah Villa Somaliya ilaa No 4 iyo inta u dhaxaysa. Waxa markii ugu horaysa dagaalka Muqdisho kusoo biiray saakay maleeshiyaad u dhashay beesha Mudulood tiradoodana lagu qiyaasay 2000, kuwaasoo dagaalka kasoo galay dhanka Boondheere duulaana ku ah Suuq-Bacaad iyo Afarta Jardiino. Maleeshiyaadkan oo qaba laba Kaaki ayaa saakay dagaal xoogan kasoo bilaabay dhankaas, waxana wali la maqlayaa xabado wiifto ah oo ka soo dhacayaa dhinacaas. Weerarka beesha Mudulood ayaa ka dambeeyay kadib markii maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay xalay soo dageen Afarta Jardiino. Saadaasha ayaa u muuqata qorshe dibindaabyo shisheeye oo la doonayo in mar kale ay Muqdisho qabsadaan Al-Shabaab iyo ajaanibta la socota, kadibna ay duulaan balaaran ku yimaadaan ciidamo shisheeye oo markaan ay horkacayaan NATO iyo Maraykan.
  3. Though this is the only site breaking with this news. Many government portals are quite thus far and only reporting death and destruction.. Xasan Dahir has also spoken about beaing attacked.
  4. Warbixin Qaas ah oo ku saabsan Dagaalladii ugu dambeeyay ee Magaalada Muqdisho, Iyo Shabaabka oo Xisbul-Islaam kaashanaya oo la wareegay Magaalada Muqdisho inteeda badan. Muqdisho,10,May,2009 ,Axad,(Hillaac.net) Warbixintii ugu dambeysay ee naga oo gaartay Dagaallada lagu riiqmay ee ka socda Magaalada Muqdisho ayaa Tibaaxeysa in Xoogagga Xisbul-Islaam iyo Alshabaab ay u suuragashay Dagaal aad u Ba'an Dabadiis in ay Gacanta ku dhigaan Isbartiibada Istaadiyo Muqdisho iyo Waddada Warshadaha oo Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay Dagaallo soo noqnoqday ay ku dhex marayeen MMI Garabka Dowladda Taageersan iyo Alshabaab. Sidoo kale Xoogagga Xisbul-Islaam ayaa isku ballaariyey Dhammaan Degmada Yaaqshiid Juungal, Huriwaa, Illaa Isgoyska fagax, Iyadoo sidoo kalena Dagaalladii ka soconayey Degmada Wadhiigleey ee u dhexeeyay Xoogagga Xisbul-Islaam iyo Dowladda ay Dhinaca Xisbul-Islaam u Awood sheegteen Dhinacii kale e Xoogagga Dowladda Iyagoo weliba gubay 4 ka mid ah Gaadiidka Tiknikada ah ee ay Ciidamada Dowladdu Dagaalka u isticmaalayeen. Sargaal sare oo Ciidamada Dowladda shalay uga dhaawacmay Dagaalladii Yaaqshiid oo Magaciisa la yiraahdo Nuur Daqle ayaa Xaaladdiisa laga soo deyrinayaa Isagoo uu Dhaawac culus soo gaaray Haatanna lagu Daweynayo Isbitaalka Keeysaneey ee Magaalada Muqdisho. Gaadiid Dagaal oo aad u fara badan oo ay leeyihiin Xoogagga Alshabaab kana kala yimid Dhinaca Beydhabo iyo Marka ayaa weli ku soo Qulqulaya Magaalada Muqdisho, Iyadoo Dhinaca Degmada Balcadna ay ka soo galeen Gurmad kale oo Xoogagga Alshabaab ay leeyihiin, Ururka Xisbul-Islaam ayaa iyaguna Gurmadyo Ciidan oo Baaxad weyn waxay ka soo kala gaareen Degmooyinka Afgooye iyo Qeybo ka mid ah Gobolka Bakool, Waxana Magaalada Muqdisho ay la ciirciireysaa Ciidamo dhinac walba ka soo galaya oo intooda badan Gurmad ahaan u soo gaaraya Xoogagga Xisbul-Islaam iyo Alshabaab. Dhinaca Dowladda ayaa sida la Xaqiijiyey Dagaalka ku wada jira Labadii qeybood ee kala ahaa MMI Garabka Dowladda raacay, Iyo Ciidamadii ka haray Dowladdii C/llaahi Yuusuf, Iyadoo Keydka Ciidan oo qura oo u haray uu yahay Ciidamada AMISOM oo Qiyaastii lagu sheegay 4000 Kun oo Askari oo haatan Xeryahooda aan meelna u dhaafin marka laga reebo Madaafiic ay hadba Xaafad ku ridayaan. Shacabkii ku soo laabtay Magaalada Muqdisho markii ay Ciidamada Itoobiya ka baxeen ayaa misana dib uga Qaxay oo Dhinac walba Magaalada uga baxay, Iyadoo Dhinaca Dowladda Markii ay Dagaalka Iclaaminayeen ay isku Haleeynayeen in ay Taageero ka heli doonaan Shacabka Magaalada Muqdisho oo ay sheegeen in ay Taageersan yihiin Dowladda Soomaaliya, Balse Shacabka Muqdisho oo ah Shacab ay Ragaadiyeen Dagaallo iyo Macluulo is biirsaday 19kii sano ee ugu dambeeyay ayaa Isku Halleyn iyo Taageero Siyasadeed oo laga sugaa ay noqoneysaa GAARAABIDHAAN. Isku soo wadaduuboo Xaaladda cusub ee ay Magaalada Muqdisho gashay ayaa ah mid ka duwan sidii ay filayeen Kooxihii Dagaalka Iclaamiyey, Waxana Durbaba Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Dowladda Soomaaliya ay Eedeyn Dusha ka saareen Cumar Xaashi iyo Janaqoow oo iyagu sabab u ahaa Daandaansiga iyo Iclaaminta Dagaalka Muqdisho, Iyadoo Cumar Xaashi si gaar ah loogu eedeeyay in uu Madaxda Dowladda Itoobiya Ballan kula soo galay in uu Magaalada Muqdisho Dagaal u dhexeeya Soomaalida dhexdeeda ka Billaabo si Ciidamadii Tigreegu Xasuuqii ay Shacabka Soomaaliyeed badeen loogu dado.
  5. loool. Now he is an expert on Galkacyu and its "Business side" ? It gets better by the minute..
  6. Muqdisho:Madaxweynah a Somalia oo dagaal ka dhan ah mucaaradka ku baaqay 10. maj 2009 Muqdisho(AllPuntland )-Madaxweynaha dawlada Somalia shariif sheikh axmed ayaa ku baaqay dagaal ka dhan ah mucaaradka marki uu saaka la kulmay Wasiirka amaanka ,saraakisha ciidamada xooga dalka iyo kuwa Police-ka . Madaxweynaha ayaa waxaa kulanka waxaa uu ku sheegay in dawladu aysan dulqaadan Karin wixi hada ka dambeeya , waxaana uu iclaamiyey dagaal ka dhan mucaaradka oo idil . Baaqa madaxweynaha uu dagaalka ku iclaamiyey kadib ayaa waxa dagaalka ku soo biiray Ciidamada dawladii hore ee lagu soo tababaray Ethjopia iyo kuwo dhawaan ka lagu soo c arbiyey bdalka Uganda oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 1000 Askari , waxaana hor kacaya saarakishooda. Ciidamadaan ayaa waxaa la arkay iyagoo jooga safka hore dagaalka degmada Yaaqshud iyo aggarka saldhiga wardhigley . Baaqa maadxweynaha ayaan la ogeyn waxa uu ka badalayo dagaalak oo galay maalointiisi afaraad Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland
  7. Qaxa Farabadan oo saakay ka taagan xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho oo xalay oo dhan ay ku dagaalameen dhinacyada iska soo horjeeda. Posted: 5/10/2009 3:06:00 PM Shabelle: MUQDISHO Barakac xoogan ayaa saakay laga dareemayaa qaar ka mid ah xaafadaha Magaalada Muqdisho iyadoo meelaha qaarna ay gabaabsi yihiin dhaq dhaqaaqii gaadiidka BL-ka. Aroornimadii hore ee saakay ayaa waxaa uu barakac xoogan ka bilowday degmooyinka Yaaqshiid,Wardhiigle ey iyo qeybo ka mid ah wadada warshadaha halkaasi oo dagaalo xoogan maalintii 4-aad ay ku dhexmaryaan xoogaga muqaawamada. Wadooyinka waaweyn ee ka soo baxa degmooyinkaasi ayaa waxaa saakay lagu arkayay dad farabadan oo barakac ah oo ka cararayay hoygooda kuwaasi oo isugu jira Caruur,dad da’ah iyo haween madaxyada ku sida alaabo kala duwan iyo sidoo kale gawaari sidda dad barkac ah oo ka cararaya dagaalada iyo madaafiicda ay is weydaarsanayaan labada dhinac. Barkacayaani ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ka dhashay magaalada Muqdisho tan iyo markii gudaha Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya ay isaga baxeen ciidamadii Ethiopia ee mudada labada sano aheeyd ku sugnaa. Qaar ka mid ah dadka barakacaya ayaa Shabelle u sheegay in ay la anfariirsanyihiin dagaalada dadka barakiciyay ee dhexmaraya xoogaga Hubayan ee shalay halka meel ka wada dagaalamayay. Gaadiidkii isticmaalayay wadada warshadaha ayaa ah ku si teel teel ah halkaasi u isticmaalaya waxaana gawaaradaasi qaarkood gaar ahaan kuwa loo yaqaan hoomayda ay dhexmarayaan xaafadaha qarda jeexa ah ee ay mari jireen xiligii ay joogeen ciidamada Ethiopia. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya
  8. ^^^Ok saxib if you say so. As for the drought you have a point, it is causing a great deal of suffering. Alhamdulilah my people in the Diaspora are waking up to this fact and are helping those back home with relief issue and developmental projects that ina few years will bring much change to the regions. As for SSMNB you a visitor and an "expert" on Puntland should know what it is.
  9. ^^^Indeed, it does though I dont expect any from you old boy..
  10. ^^^Think about it, you need more time as usual.
  11. Muqdisho:Dagaal la isku riiqay oo maalinti afaraad ka socda Muqdisho 10. maj 2009 Muqdisho(Allpuntland )-Dagaalo la isku riiqay ayaa xalay saqdi dhrexe ilaa saaka ka socda magaalada Muqdisho , waxeyna dagaaladi dhex marayaan dhinacyadii uu ka bilawday oo ay ku soo bireen xisbul islaam garabka Cumar Iimaan. dagaalada ayaa xoogooda waxaa ay ka socdaan xaafadaha wardhig;ey , Yaaqshid iyo wadooyinka warshashadaha iyo sodonka. dagaalka ayaa saaka waxaa ka qeyb galaya ciidamadii hore ee dawlada ee lagu soo tababaray Ethopia kuwaas o ku xireysnaa xarunta madaxtooyada somalia. ciidamada maxaakimta ayaa waxaa xalay saqdi dhexe looga itaal roonaaday deegano badan sida Suuq bacaad , iyo saldhiga yaaqshid. dagaalka oo wali xawli ku socda wixi ku so kordha la soco
  12. ^^^lool. Lad my agenda is clear, its Puntland and Somaliweyn. Yours is to get angry and add to the agenda a mere puppet..
  13. ^^^lool. If I was a newby maybe thats an argument, but my love for Puntland and its people is well documented here for a near half decade. Your anger and envy is confusing you old boy. Dont be angry with me for I did not Mugg you...
  14. ^^^Broke, our very own Pirates made more money than anything last year. Our port city is booming and our government is functioning and we dont have to spend a dime in the south. NORF Ok as usual you think these issues are about the Duke. The issue of Piracy is a symptom a reaction of the locals to toxic waste and over fishing. The issue is being dealt with and can only be solved by the state of Puntland, its a good thing the world and its media is realising this. Secesionist enclave has no power or use to the world and thus you can only make comments and wish that harm comes to the people of Puntland at your advantage. Thus far Faroole and Puntland have used this as an opportunity to present a clear strategy that will enhance the states fortunes. Its a complex issue and hence you dont get it, ya Mugged one.
  15. Wararkii ugu dambeeyay dagaallada Galabta illaa Caawa Muqdisho kasocda. Saturday, 09 May 2009 20:19 BXM Dagaal xoogan ayaa galabta waxa uu ka bilowday Saldhiga degmada Yaaqshiid kaasi oo sababay in Maxkamadaha Islaamiga ay la wareegaan saldhigaasi iyo deegaannada kudhaw oo horey koox madax banaan ay ugu sugnaayeen. Ciidamada Maxkamadaha ayaa dagaalkii ay kula wareegeen halkaasi kadib waxay kala aadeen fariisimo ay horey uga yimaadeen iyadoo xilligii maqribka lasoo gaaday kadibna weerar culus lagu soo qaaday. Weerarkaasi ayaa waxa uu suuragal ka dhigay in lagala wareego Maxkamadaha Islaamiga Saldhiga Degmada Yaaqshiid, Laanta Horseed ee Suuqa Bacaad iyo 4-ta Jardiino. Kadib markii ay la wareegeen Ciidamadani weerarka soo qaaday oo kala ah Xisbul Islam garabka uu Cumar Iimaan hoggaamiyo iyo Alshabaab ayaa waxaa la isla gaaray xilli habeen ah. Caawa ayaa madaafiic xoogan waxaa laga maqlayaa qeybo kamid ah Yaaqshiid iyo Wardhiigleey iyadoo halakasina ay ku dagaalamayaan Maxkamadaha islaamiga ee dowladda Taageersan oo dhinac ah iyo sidoo kale Xisbul Islam iyo Xarakada Alshabaab oo iskaashanaya. Madaafiic ayaa waxa ay kudhaceysaa xaafadaha kudhaw deegaanada dagaalka uu kasocdo iyo goobaha aanu kudhaweyn, waxaana madaafiicda la xaqiijiyay in ay kudhaceen qaar kamid ah xaafadaha kuyaalla inta u dhaxeysa Cali Kamiin iyo Baar Ubax halkaasi oo khasaare nafeed uu ka geystay. Dhanka kaleIsbitalka Keysaney ee waqooyiga Muqdisho ayaa waaxaa la gaarsiiyay inkabadan 50-ruux sida uu Mas’uul kamid ah Isbitalkaasi oo lagu magacaabo Cali Bile uu u xaqiijiyay shabakadda Wararka ee GOOBJOOG. Dagaalka ayaa weli waxa uu yahay mid socda iyadoo caawa dadka kudhaqan Degmooyinka Wardhiigleey iyo Yaaqshiid ay naxdin laseexan la’yihiin.
  16. Somali people starve, while their country is played with by the UN and Europe
  17. Clown NO 1 Clown no 2 Clown who helped steal the SEA to Kenya
  18. source Harald Brekke claims he is still more of a geologist than a diplomat, despite being part of a “global club” working to clarify continental shelf boundaries.
  19. ‏Warbixintii Ugu Dambeeysay Ee Furumaha Dagaalka Muqdisho>>>>> Sabti 09 May 2009 Moqdisho-(Allidamaal e.com)Dagaalka maanata wuxuu si xoowli ah ooga socdaa xaafadda Tookiyo ee degmada Yaaqshid, iyadoo uu ka duwan yahay dagaaladii maalmihii lasoo dhafay dhacay,ayadoo ay Xisbul-Islam si xirfadeysan uga qeyb qaadanayaan dagaalada. Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhashay kadib markii ciidamada Maxaakinta ee dowladda taageersan ay weerar ku soo qaadeen saldhigga degmada Yaaqshid. Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaaya dagaalada maalintii 3-aad galay ee ka socda wadooyinka Warshadaha & kan 30-ka, una dhaxeeya Maxaakinta & kuwa Xisbul Islam & shababka oo dhinac kale ah, waxaana la sheegay in dhinacyadani ay ku jiraan diyaar garow iyo abaabul xoogan iyadoo weli ay kala joogaan goobihii ay dagaaladu ka bilaawdeen, inkastoo is-rasaaseyn xoogan ay is dhaafsanayaan. Xogtaan ayaa Tilmaamtay in Saraakiisha Maxaakinta ay xalay ciidamo xoojin ah ku biiriyeen kuwa ku sugan Istadiyo Muqdisho, xoojintaan ooo la sheegay iney ka yimaadeen dhinaca Villa Soomaaliya waxeyna ka koobnaayeen 15 gadiidka dagaalka iyo tiro Ciidamo ah, waxeyna difaac xooga uga jiraan, waaxda dhulka, Xarunta Xisbiga, Baar Ayaan & isgoyska Cali kamiin, waxaa la siiyay sanaad iyo sahay ku filan muddo 3 todobaad ah, iyadoo la faray iney difaac iyo weerar isku diyaariyaan, Ciidamadan ayaa Taliye loo dhigay Cabdulaahi Cali Mukhtar, halka kuwa ku sugan warshada Iveco la sheegay inuu madax ka yahay gacanyere wasiirka Arrimaha Gudaha ah, waxey ku jiraan 5 aag Sida uu ku soo waramayo Wariye ka tirsan Shabakadani oo ku sugan Goobaha ay Dagaaladu ka dhacayaan, waxaana hadda in Dagaal is-tuurtuur ah oo la isku adeegsanayo Hubka Noocyadiisa kala duwan isla markaana ay ka qeyb galayaan Gaadiidka Tiknikadda ah ayaa ka bilowday Inta u dhax Isgoyska Fagax ilaa iyo Baar ayaan Degmada Yaaqshiid ee Magaaladda Muqdisho. Dagaalkan ayay ilo xog ogaal ahi sheegayaan in uu u dhaxeeyo Xarakooyinka Xisbul islam & Al-Shabaab iyo MMIS Garabka ku Biiray DKMG ah isla markaana uu si toos ah uga socdo goobaha:- Isgoyska Fagax, Saldhiga Yaaqshiid, Hotel Cali Mahdi, iyo Baar Ayaan. Qof Goob jooge ah ayaa u sheegay in uu indhihiisa ku arkayay 3 Tikniko ah oo ku Buufsan Tuutaha Ciidanka DKMG ah isla markaana kala ah Hal Zuu ah, Hal Dhashiike ah &gaari p-10 ah ay ka soo galeen Dagaalka Dhinaca isgoyska Fagax. Dhinaca Aaga warshada Baastada ilaa Miisanka dhuxusha ayaa la sheegay iney xirteen Maleeshiyaad daacad u ah Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde waxaana hogaanka Ciidamada horseed ka ah Maxamed J. Goobaale, waxaana la sheegay iney laba aag ku sii jeedaan Cidamadooda, iyagoo ay ka soo horjeedaan maleeshiyaad isku dhaf ah oo fariisin ku leh xerada maslax, waxaana horseed ka ah Cali Qosyaale oo dagaalka ka bilwaaday, halka Maleeshiyaadka Shababka ee Gubta & Xariryaale ay kala hogaaminayaan Cali Maxamed Xuseen (Wakiilka benadir ee Shababka) oo gubta ku sugan & Muuse Carrale (Afhayeenka Xisbul Islam)oo saldhiga Wardhiigley jooga, Horjoogayasha Shababka & Xisbul Islaam ee Yaaqshiid ka dagaal galaaya ayaa la sheegay iney kala hogaaminayaan Kabo Ku tukade, dabley daacad u ah reer Wiif & Maleeshiyaad ka amar qaata Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo ku sugan saldhiga Yaaqshiid. Xogtaan ayaa intaasi raacisay in Shababka & Xisbul Islaam ay bar dagaal gelin oo balaaran ka sameeyeen Degmooyinka Afgooye & Dayniile, waxaana gurmadyo ka dalbadeen Jubada Hoose, Bay Bakool, kuwaasoo qaarkood la sheegay iney hadda jidka ku soo jiraan halka kwua kale la filaayo iney maalmahaan soo scoda soo gaaraan magaalada Muqdisho, halka Ciidamada Maxaakinta ay weli xiisado hooseeya u dhaxeeyaan Ciidamada dowlada & MMI-da, waxeyna saraakiishoodu ku doodayaan iney ku filan yihiin dagaalka, inkastoo aysan awoodin iney ka takhalusaan dhinacyada ka soo horjeeda, Saraakiisha Ciidamada Dowalda ayaan ilaa hadda saameyn ku yeelan dagaalada scoda waxeyna amar ka sugayaan madaxdoda sare, Xiisadanahaan Colaadeed ayaa u muuqda kuwo dhinacyadani ay dhegaha ka fureysteen baaqyada nabadeed ee looga dalbanaayo iney xabada joojiyaan, waxaana la filayaa hadii uu dagaalkani qarxo iney khasaare balaaran ka soo gaaraan shacbiga ku dhaqan magaalada Muqdisho. Haka fogaan Allidamaale si ad uga bogoto Dagaalada Kasocda Somalia.
  20. ^^^How do you know? They are the leaders and the buck stops with them saxib. They have failed and went even further and gave our sea to a weak poor country for a few dollars. ****** and they have lost everything and the fighting shows they cant lead anything and have added to the dilema. Anyhow MMA, stop being emotional adeer, why are these two hollymen of yours quite?