General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka Hillary Clinton ayaa qorshaynaysa inay Madaxweyne Sh. Shariif kula kulanto magaalada Nairobi 5ta bisha Agoosto, halkaas oo uu ka dhici doono shirka ganacsiga wadamada ka hooseeya Saxara. Shirkas oo uu ka qayb gali Sh. Shariif ayaa waxa marti ku ah haweenayda arimaha dibada u qaabilsan Maraykanka, sida uu sheegay afhayeenka wasaaradaas Ian Kelly. Kulankan ayaa muujinaya sida Maray kanka ay uga go'an tahay inay fara galiyaan arimaha Soomaliya iyo cabsida ay ka qabaan in Islaamiyiintu ay qabtaan xukunka Soomaliya. Clinton ayaa noqon doonta mas'uulkii ugu sareeyay dowladda Maraykanka ee qaabila Madaxweyne Soomaaliyeed tan iyo intii ay dhacday dowladdii Jan. Max'ed Siyaad Barre, waxayna ka wada hadli doonaan sidii loo xakamayn lahaa awooda Al-Shabaab ee kusii fidaysa Soomaliya. Su'aasha kaliya ee la iswaydiinayo waxay tahay madaxweyne Shariif ma diidi doonaa inuu gacan qaado haweenaydaas maadaama uu ahaa nin ka tirsan Islaamiyiinta, mise shanta farood iyo calaacasha ayuu saari doonaa? Salaanta Clinton iyo Sh. Shariif ayaa noqon doonta mid saamayn ku yeelata mustaqbalkiisa siyaasadeed dhinac walba, oo haddii uu diido inuu gacan qaado wuxuu mari doonaa wadadii Dr. C/qasim Salaad Xasan oo horay u diiday inuu gacan qaado haweenaydii Safiirka ka ahayd Jabuuti xiligii halkaas lagu doortay, waxaana dhici doonta in albaabada reer Galbeedka laga laabto, laguna tiriyo nin mayal adag, xili uusan dib ugu soo laaban karin Islaamiyiintii sii uu hogaamin jiray. Haddii uu gacan qaadana waxa loo furi doonaa albaabada reer Galbeedka, waxaase xirmi doona albaabkii Islaam-doonka iyo balan qaadkiisii ahaa inuu Shareecada Isla amka ku dhaqi doono dalka maadaama uusan isaguba ku dhaqmin shareeco Islaam.
  2. The secessionist are in trouble for if the minister is ignored and the civilian is embraced it's deeply troubling. I doubt Payne knows what Kulmiye is and probably met another Somali intellectual wishing to add his point of view to the helping Somalia project. Thus as he promised Somaliland and it's admin is being isolated.
  3. Juje, I was in an attendence in a meeting held in MPLS with Ahmed Abdisalaan and he kept repeating that this government has not added anything new and has failed. Then I heard these rumours thus my friend you seem to be trusting or simply hiding the conspiracy. Sharif has failed and Walid Abdalla is looking for a new project
  4. Warbixin hoose: Gogogl xaar siyaasadeed oo ku saabasan maja-xaabinta Dowlada Sheikh Shariif oo wajigiisi koowada ka dhacay Dubai. Kulan loogu gool xaarayay kal fadhi guud oo ay isugu imaanayaan Siyaasiyiinta kasoo hor jeeda Madaxweynaha Somalia Sheikh Shariif Sh. Axmed ayaa wuxuu ka dhacay Magaalada Dubai.Kulankaas oo u maal galinaayay soona qaban qaabiyay Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Somaalia Ahmedou Ould-Abdallah (Special Representative for the UN Secretary-General for Somalia) ayaa waxaa daadihanyay Axmed Cabdisalaan, waxaana kasoo qeyb galay dad u badan ganacsato ay isku beel yhiin Aaxmed Cabdisalaan, wasiiro ka midah xukuumada Sharmaarke oo una hogaaminayay Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Shiikh Aadan, Safiirka Somalia loo magacaabay dhawaan ee Dalka Talyaaniga Nuur Xasan Xuseen (nuur Cadde) iyo Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano kala duwan oo soo xoojiyay Shirkaasi. Kulankii shirkaan oo u furay Axmed C/salaan ayaa waxaa lagu falanqeyaya waxyaabo badan oo ay kamid yhiiin fashilinta iyo mijaxaabinta Dowlada Sheikh Shariif, ayadoo in badan wax la iska weydiiyaya sida ugu sahalan ee loo bur burin lahaa Dowlada hada jirta iyo sidii caalamka looga dhaa dhicin lahaa in ay Dowladani ku fashilantay waxyaabihii loo unkay, isla mrkana ay garab martay heshiiskii jabuuti ay wada gareen Mucaaradkii hore ee ARS iyo Dowladdii TFG oo u kamid ahaa nabad kusoo dabaaladi Caasimada Somalia ee Moqdisho. Ugu horeyntii waxaa hadalka qaatay xubno muhiim ahaa oo ka socday, isla markaana matalayay Sheekha mayalka adag ee Xasan Daahir Aweys, kuwasoo sheegay in sheikhu diyaar u yahay ka qeyb qaadashada howashani, una soo dhaweynayo dhismaha Dowlada Cusub iyo awood qeybsi rasmi ah iyo in dalka laga saaro Ciidamada Shisheeye waa sidey hadalka u dhigeene. Intaa kadib waxaa asna markiisa hadalkii qaatay oo ka qudbeeyay goobtii Ahmedou Ould-Abdallah oo asgu hada u muuqda ninka Dalka Madaxwynaha ka ah,wuxuuna ku nux nuxsaday inuu ugu horeeyntii ku faraxsanahay qabsoomida kulankaan oo u sheegay inuu fursad labaad u yahay umada Somaliyeed waa suu hadalka u yiriyee, wuxuuna tilmaamay in u isagu diyaar u yahay qadashada kalintiisa oo ah ka dhaadhicinta beesha caalamka gaar ahaan QM, Midowga Africa, IGAD,Jaamacadda Carabta, Mareykana, iyo Midowga Yurub sidii ay u taageeri lahayeen howashaan, isla markaan ay u bixin lahayeen Dhaqaalaha lagu socod siinayo kulanka labaad iyo ka mira dhalinta Dib u heshisiinta Umada Somaliyeed waa siduu hadalkee u dhigaye. Nasasho yar kadib ayaa waxaa dib la isugu soo noqday gaba gabadii kulanka halkasoo u hadalo gaaban ka jeediyaya Nuur Cadde wuxuuna ku dheeraaday xilaga ay soo bilaabatay halganka umada Somaliyeed looga xoreenayay wax uu ugu yeeray kaligiis Taliya asgoo ula jeeday Dagaalkii jahli nimada ahaa ee lagu baabiyaya Qaranimadii Somaliyeed ee 1991 Asalkana u ah mushkilada umadan heysta maanta , waxuuna ka sheekeyaya howasha ay usoo mareen isaga iyo Saxiibadiis waa Axmed C/Salaan iyo Ahmedou Ould-Abdallah fashilinta Dowladii ay ka midka ahaayeen ee Mudane C/laahi Yuusuf wuxuuna xusay inuu qorshahu ahaa dhisida Awood mideeysan oo ay ka mid yihiin koxdii ASMARA ee u hogaaminayay Sheikh Xasan Daahir Aweys waa siduu hadalka u yiriyee, isla markaana wuxuu hoosta ka xariiqay ineey markaan ka go’antahay dhisida Dowlada sal adag oo ka hirgasha dhamaan koonfurta Somalia, waxaana xusid mudan inuu ka shanqaraiyay hadii la doorto inuu dhisayo qorshe ka fashilamay Allaha u naxariistee Gen. maxmed Farax Caydiid oo ahaa hirgalinta 11-Gobol oo laga hir galiyo koonfurta Somalia qorshaasoo ay ku gaaren Magaalada Dirirdhabe Gen.Caydiid, Cabdiraxmaan Tuur oo ka socday markaa SNM iyo Maxmed Cumar Jees oo asna ka socday SPM, balse markii danbe oo ay isku dhaceen Cali mahadi Maxed xooga hakad galay qorshaahasi, hayeeshee wuxuu dib Caydiid u soo kiciyaya kolkii danbe oo u meesha ka saaray jaale Jees asgoo ka baxay heshiiskii ay wada galeen, wuxuuna ku dhawaaqay in Beelahii UNS oo markaa u matalaya ay kaligood xaq u leyihiin sheegashada 11-ka Gobol ee u rabay inuu ka hir galiyo Konfurta Somalia lagasoo bilaabo Gaalkacyo ilaa iyo Libooya Xuudud Dalka Kenya ay tahay Deegana ay leeyhiin Besha UNS. Gunaanudkii Hadalka ayuu Mudane Nuur cadde ku balan qaaday inu sameenayo 11-ka Gobol oo ay xaq u leeyihiin beeshiisu waa hadii loo doorto Madaxweyne nimada Somalia kadib markeey Mija xaabiyaan Sheikh Shariif , hadal kan oo buuq badan dhaliyaya ayaa waxaa ka carooday ka qeyb galayaal badan oo kasoo jeeday Beeshiisa hoose kuwasoo ka biyo diiday Hindisaha ay ku macneyeen in loo soo dhiibay Mudane Nuur Cadde. Gaba gabdii kulankaas ayaa waxaa asna hadalo ka jeediyaya Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Shiikh Aadan asagoo ka hadlay ariktidiisa ku aadan kulanka iyo turan tureenta Xukuumada u ka midka yahay, wuxuuna asgu ku dhuftay in diyaar u yahay ka qeyb qaadashada qorshaha lagu mija xaabinaayo Sheikh Shariif, wuxuuna sharaxaad ka bixiyay in loo bahanayahay hal abuur mug weyn iyo xulashada shakhsiyaadka ku haboon ka mira dhalinta howashaan, wuxuuna u soo dhaadhacay damaciisa Siyaasadeed isgoo markaa hordhigaya shuruudo howl wadeenada Shirka, wuxuuna carabka ku adkeeyaya in loo balan qaado marka hore intuusan si buuxda ooga mid noqon xubnaha fir fircoon ee fulinaaya is raacinta Dowlada Sheikh Shariif in uu noqnayo Gudoomiyaha Baarlaamnak Somalia iyo in looga danbeenayo soo xulida xubnaha beeshisa ee ka mid noqnaayo Hadii Dowlad la yagleelo, isla markaana u isagu yahay ninka kaliya ee wax u qondeenaya qeybta Beeshiisa. Isku soo wada duubo kulankii gogol xaarka ahaa ayaan noqon mid mira dhal ah, kadib markii la isku afgaran waayaya Codsiyadii ay soo jeediyeen labada muden ee ka la ah Nuur Cadde iyo Shariif Xasan, waxaa ayana caqabad kale noqtaya eedeyn ay qaar ka mid ah ka qeyb galayaashi shirku u soo jeediyeen Taliyaha Nabadsugida Dowlada Somalia Maxamed Shiikh Xassan oo kasoo jeeda Beesha Shariif Xasan, isla markaana jagada u hada ku magacaaban yahay ku helay keenid u keenay Shariif Xasan madaama u ahaa Xogheynta iyo Istafka Shariif Xasan xiligii u ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia,buuq iyo is qab qabsasho kadib ayaa waxaa si buuxda la isugu afgaratay in kulan labaad la isugu yimaado Magaalada Nairobi. waxaan xubnihii shirka kasoo qeyb galay intooda badan ay u boqoolen Magaalada Nairobi, ayadoo u hogaaminayo Mudane Nuur Cadde oo halkaa ka wada oloole siyaasadeed, halka u Mudane Shariif Xasan u safray Dalka Malaysia si markaa u soo mareeyo Dhaqaale u dhiganayo Dalkaasi. Dhinac kale Indheer garadka arimaha Siyaasada Somalia ayaa aad uga digay dhibaatada ay keeni karto kulamada Siyaasadeed ee soo kala horjeeda ee kasocda Dunida dacaleeda, waxeeyn ugu horeyntii tilmaamen xilka qaadista la sheegay in lagu sameeyay Taliyaha Nabadsugida waloo aan wali si cad (offical) ah loo shaacin ay hadan tahay Fariin ku wajahana kulankaan ka dhacay Dubai oo u indhaha ku hayo Madaxweynaha Somalia Sheikh Shariif iyo in ay xitaa dhici karta in u Sheikh Shariif ooga xijaabanaayo eedaha u Ahmedou Ould-Abdallah ka diyaariyay Madaxwynaha, kuwasoo la xiriir Qafaalashadii Labadii nin ee Faransiiska ahaa oo u madaxweynuhu damacsanayahay inuu isaga dusha u saaro inta aan lagu eedeyn inuu dayacay Saraakishii Faransiiska, tasoo dhaxal siisay Mudane Maxamed Shiikh Xassan inuu u cararo Magaalada Nairobi oo u iminka ku sugan yahay. Sidoo kale waxaa xusud mudan hadana waajiba ah in digniin laga bixiyo sida ay waxgaradka Somaliyeed ooga qeyliyeen khiyamooyinka iyo Qanimeysidka u wado Wakiilka Qaramada Midoobey Ahmedou Ould-Abdallah oo had iyo goor isagu farah kula jira siina huriya qalaalsaha an saldhigadka laheyn ee ka aloosan Gayigeena Somalia isgoo raadinaya in u ku helo xogoo shilimaad ah dhiiga Somaliyeed ee qul qulaya, ayadoo u horeyna digniin usoo saaray Hawl wadeenka sare ee Jamciyada Qurumaha ka dhexeysa, Dr. Samir Sanbar oo si gaar ah uga digaya fadeexadda ba'an ee ka soo socota heshiisyada gurracan iyo Dib u heshisinta beenta ah ee la midka ah kana xumaankara fadeexaddi ku dhacday will uu dhalay Xoghayihii hore Kofi Annan oo lunsaday lacag aad u fara badan oo laga helay mashruucii oil for food ee dalka Ciraaq, Howla wadeenkaan ayaa ku taliyay in indhaha lagu hayo dhaq dhaqaaqa iyo shirarka faraha badan ee uu qabanayo Ould-Abdallah, balse dadka Somaliyeed ayay u taala wax kaqabashadeeda. Firo gaar ah Ahmedou Ould-Abdallah wuxuu durbo guda galay dirida fariinta beenta ah ee u ku doonayo dhaqaalo u helo.wuxuuna Toddobaadkii tagay u gudbiaya wargeyska The Washington Post mqaal uu halku dhig uga dhigay masuuliyadda beesha caalamka Allidamaale.
  5. Muqdisho:Axmed Walad Cabdalla iyo Nur Cadde oo wada qorshe maamul goboleed loogu dhisayo K/Soomaliya marki ay fashilantay dawladda Shariif 28. juli 2009 APL Muqdisho(AllPuntland )-Wakiilka Q/M u qaabilsan arimaha Soomaliya Axmed Walad Cabdalla iyo Safiirka Soomaliya u jooga dalka Talyaaniga Nur Cadde ayaa ka wada magaalada Nairobi olole maamul goboleed loogu dhisayo K/Soomaliya markii ay fashilantay dawladda madaxweyne Shariif. Olalahan ayaa la dareemay markii Nur Cadde iyo Walad Cabdalla ay ka soo qaadeen magaalada Muqdisho odayaal dhaqameedyo K/Soomaliya ka soo jeeda oo uu ugu horeeyo imaamka beesha Mudulood Imaam Max'ud iyo waxgarad kale . Qorshahan ayay wararku sheegayaan in uu wado Walad Cabdalla oo hada damacsan in uu caalamka mar kale ka gado maamul goboleed ku saleysan qaab qabiil . Nur Cadde iyo Axmed C/Salaam oo mar soo noqday Ra'isal wasaare iyo ku xigeen ayaa hor boodaya qorshahan , waxaana ka mid ah dawladaha olalaha ku jira Talyaaniga iyo dawlado kale oo midawga Yurub ah. Qorshahan ayaa mar kale si kale loo dhigo waxaa dad badan ay ku micneeyeen maji xaabin la maja xaabinayo dawladda Shariif oo wali waqti badan uu u harsanyahay. Lama oga waxa uu ku dambeyn doono ololahan ay horboodayaan Walad Cabdalla iyo Nuur Cadde , waxaase uu ku soo aadayaa xili dawladda Shariif ay ku fashilantay dhamaan heykalkii dawladnimo. Si kastaba dad badan oo adaroosa xaalada Soomaliya ayaa isku deyga Walad Cabdalla iyo Nuur Cadde ku tilmaamay oraahdi Soomaliyed ee oraneysay "Waa socon weyne aan orodno"
  6. Sharif Ahmed already had his plate full. Now he has to worry about the eve ludicrous rous and corrupt Walid Abdalla who blames Sharif Hotel for making him lose his Nobel Peace price as the man who brought peace to Somalia. Thus now Walid Abdalla and his puppet Nur Cade and that other clown Ahmed Abdisalaan are holding meetings in Foreign capitals to work out away of getting rid of Sharif Hotel by engineering a new reconciliation conference for Somalia. There is talk of setting up new Federal state for the south and bringing the all the stakeholders together what ever that means. The group have approached Xasan Dahir as well as Sharif Xasan who attended their first meeting in Dubai. Thier argument is simple Sharif Hotel has failed and it's time for something new.
  7. The UN have agreed to increase their development activities in the regions of Puntland. This means more world bodies such as the world bank, EU and others will follow as they take their information from the UN agencies on the ground. It's a great move that Puntland's stability is recognized by this body.
  8. ^^^Maybe its true, but it seems your hero's are only brave to fight inside Somalia, and once they hear Ethiopian troops they flee into the bushes, fake Mujahids will lose in the long run.
  9. The only reason the armed groups ran away was because the Ethiopians came. Simple really. Lets watch the story, Beledweyne seems to be more important than we thought.
  10. ^^^Oodweyne your high pitched voice is not going to change the reality. Sweetheart you have yet to present anything substantial. The congressman stated clearly that Washington will ignore “Somaliland: going forward. For over a fortnight your hapless minister has been walking around the streets of Washington like any other crack head in that city. Unable to get an audience with the supplier and in mental despair, what new lie will he have to tell going back to Hargaysa? Your elections seem to be on their way to being postponed yet again and Riyaale is making sweet music with Shankaroon. The problem here is our Oodweyne seems to suffer from the same disease as the late Michael Jackson. He hates his Somali self and wants to be English [the Queen son an all] and second has some other issue and unlike Riyaale can not get down with Shankaroon. Hence keep writing away, unlike Mr Jackson you don’t have any talent.
  11. Its laughable that you belive in this hype. The Ahlu Sunna groups are a new faction and not part of Sharif. Thus you have a man who does not control a single region. Out of 18 not a single one. As for the new army, it is hiding behind AMISOM who even transport him from Villa Somalia to the Airport. No success, just hot talk. The courts militias of his as you have stated have been decimated and no longer exist, he is a clown and is a war with the truth itself.
  12. ^^^You should not be too mad adeer, why are the Ethiopians only 10 KM from the city at the same time these clan militia get great deal of courage? You are indeed lost much like the happless Sharif.
  13. Jawigii goobta. Hadalka Shariif Sheekh Axmed oo ay Mudanayaashu umuuqdeen kuwa siyaabo kala gedisan udhageysanayay ayaa qaarkood ay uqorsheyneyd in ay su'aalo weydiiyaan, balse Mucaaradka dowladda ayaa taasi ka biyo diiday oo xaalada ka dhigay kala carar, waxaana aan la xirin fadhiga markii ay kala carareen Mudanayaashii baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya oo aad uga cabsaday xaalada meesha ka dhacday. Mahan markii ugu horeysay oo sidan oo kale ay ku dhacdo Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, waxaana horay ay uga soo baxeen Xaruntii lugu qabtey Shirkii Dibu heshiisiinta ee degmada C/casiis ee caasumada Soomaaliya, markii lugu garaacay sidan oo kale Madaafiic argagax iyo baqdin ku beertay Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.
  14. Dhaqaalaha dibada & Beesha Caalamka. Shariif Sheekh Axmed ayaa cadeeyey in ay heleen Dhaqaale badan oo ay ka sugayeen beesha Caalamka, wuxuuna ugu baaqay wadamada aan wali dhaqaalihii ay balan qaadeen aan soo xareyn in ay deg deg ku soo gaarsiiyaan dowladda Soomaaliya dhaqaalahaasi oo uu sheegay in ay aad ugu baahan tahay. " Waxaan dooneynaa dhaqaale waayo waxaa ku jirnaa xaalad qatar ah, waxaana la dagaalamaynaa Argagixiso ku soo duusay dalkeena Hooyo" Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed oo dhinacyada ladagaalamaya ay saaxiibo soo ahaayeen mudo dheer kadibna uu raacay dowladii uu ladagaalamayay. AMISOM. Madaxweynaha dowladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed wuxuu ku sheegay ciidamada AMISOM kuwa kaliya ee sugida amaanka madaxda dowladda Soomaaliya. Isagoo aan waxba ka soo qaadin ciidamada dowladda Faderaalka ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay ciidamada AMISOM heleen dhaqaalihii ay ubaahnaayeen isla markaasna ay dhawaan bilaabi doonaan howlgalo wax looga qabanayo xaalada dalka Soomaaliya, taas oo ula jeeday amaanka in ay sugi doonaan. Madaafiicdii lugu garaacay & Joojintii Khudbada. Mr. Shariif ayay mucaaradyada hubeysan kaga argagax galiyeen Madaafiic culus markii uu jeedinayay Khudbada, taasoo keentay in Ilaaladii khaaska ah ay ku soo dhawadaan, isla markaasna ay Xoghaymihiisu usheegeen xaalada waxa dhacaya iyo talaabada ay qaadayaan, waxaana markiiba uu Shariif soo afmeeray Khudbadiisii, ka dibna wuxuu dib ugu laabtay Aqalka Madaxtooyada oo ay amaankiisa ilaaliyaan ciidamada AMISOM ee Midowga Africa.
  15. Kahadalka Ehlu Suna. Shariif wuxuu mahad ujeediyey ciidamada Ehlu Suna Waljameeca oo uu sheegay in ay bilaabeen geedi dheer oo lugu raadinayo nabad ka dhacda dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in cid walboo la dagaalaysa mucaaradka hubeysan ee ka soo horjeeda ay soo dhaweynayaan. " Mahad ayaan ucelin ciidamada Ehlu Suna oo bilaabay howl lugu raadinayo Qaranimadii Soomaaliyeed, waxaana ku boorinayaa in ay dagaalkii wadaan" Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed oo umuuqanayay mid doonaya taageero uu ka helo Ururka Ehlu Suna oo ay siyaasad isku keentay dhawaan, balse horay aan isku mawqif uaheyn xiligii uu ku jiray maxkamadaha iyo Isbaheysigii Asmara. Dagaalkii Baladweyne. Madaxweynaha dowladda KMG ah ayaa sidoo kale soo qaaday dagaaladii ka dhacay magaalada Baladweyne, isagoo sheegay in uu dagaalkaas bilow cusub uyahay dagaalo baahsan oo ay gaarsiin doonaan buu yiri ciidamadiisu magaalooyinka uusan joogin dowladdiisu, isagoo balan ku qaaday in ay qaadi doonaan talaabo kasta oo arimahaasi ku aadan. Wuxuu sheegay in ay dagaalkaasi la kaashan doonaan cid kasta oo taageeraysa maamulkiisa, taasoo shaki galisay Mudanayaal baarlamaan oo ka shakisan in hadalkaas loola jeedo in ciidamada dowladda Itoobiya lasoo galiyo gudaha Soomaaliya,taasoo oo ay ku sheegeen in loo baahan yahay in laga feejignaado.
  16. Dagaalka Muqdisho. Shariif Sheekh Axmed ayaa usheegay Mudanayaashaas in uu wax badan ka qabtay xaalada dalka Soomaaliya, isagoo ka soo sheekeeyey dagaalo qaraar oo ay dowladdiisa lugu soo qaaday, sida uu sheegay qaarna ay qaaday ayadu, isagoo qiray in ay dagaalka guul ka gaareen. " Ilaah Mahadiis cadowga naga soo horjeeda, waan jabiney waxaan ugeysan jabab xun-xun waad aragtaan meel xaalmaraya, waxaan gaarnay guul taaban karo, gobalo badan ayaan gaarsiineyn Maamulkeena" Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed. Mr. Shariif ayaa hadaladiisa qaarkood Mudanayaasha baarlamaanku ay ku sheegeen kuwa aan marnaba loo dulqaadan karin, ayadoo qaar ka mid ah Xildhibaanadan oo ka hadlay hoolkii shirka ay sheegeen in aysan dowladda Soomaaliya ka talin gobal iska daaye gudaha caasumada Soomaaliya oo dhan, isla markaasna ay maamusho Madaxtooyada iyo meelo kale oo ka mid ah goobaha ay joogaan ciidamada Midowga Africa ee AMISOM layiraahdo.
  17. Muqdisho: Shariif Sheekh Axmed oo sheegay in ay dowladdiisu guul-gaartay....Warb ixin ka hadleysa waxyaabihii uu ka hadlay oo dhan & Sida ay uarkayeen Mudanayaashu.... 27. juli 2009 APL Tool Muqdisho(AllPuntland )- Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta baabuur qalifan, wuxuu ku tagay Xarunta maamulka gobalka Banaadir oo ah meel ay maanta iskugu tageen Xildhibaanada ku sugan magaalada Muqdisho ee magaalo Madaxda dalka Soomaaliya. Shariif uu maanta hadalkiisan ku bilaabay dagaalka Muqdisho, isagoo wax yar kadibna lugu qaaday weerar culus oo Madaafiic loo adeegsaday sababteyna in uu ka baxo Xaruntaas si deg deg ah.
  18. ^^^Thats what the news states saxib, whats your take?
  19. Puntland iyo qaramada Midoobey Oo Heshiis Saxiixday Kadib Markii Shalay ilaa maanta Shir uga Socday xaruunta PDRC Garoowe >>>> Garoowe-(Allidamaale ):-Putnalnd iyo qaramada Midoobey Oo Heshiis Saxiixday Kadib Markii Shalay ilaa maanta ay Wefti ka socda qamada midooy Shir uga Socday xaruunta PDRC Garoowe. Wefigii uu hugaminayey Mc Bowden ee Shalay Soo Gaaray Magaalada Garoowe Ee Caasuamda Dowlada Puntlanad ayaa Shalay Waxaa Shir uga Furmay xaruunta PDRC ee Garoowe Waxayna iskula soo qaadeen arimo badan Oo ay kaga hadlayeen arimaha hay'adaha iyo xirirka Dowlada Puntland. Haddaba Shir Maantana uga Furmay Markale xaruunta PDRC ayaa Waxay oogha wada Hadleen Sidii uu Xirir Dheer uga Dhaxayn lahaa Dowlada Puntland iyo Hay'adaha qaramada Midoobey Gaar ahaan hay'ada UN-ka iyo kuwo kale Oo ay hoos yimaada Qaramada Midoobey, Goobtii Saaka Shirkaani Ka Dhacayey ayaa Waxaa ku sugnaa Masuulyiin aad u Fara badan Oo ka Tarsan Dowlada Puntland, Kuwaasi Oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyne ku xigeenka Puntland Wasiirka qorshaynta iyo xiirirka caalamiga ah iyo Masuulyiin kale Oo aan halkaan lagu soo koobi karin. Masuuliyiintaa Puntland Ka socday iyo Weftiga uu hugaminayey Wakiilka somaliya u Fadhiyga Qaramada midoobey Mc Bowden ayaa Waxay isku afgarteen in ay Si Wanaagsan u Wada Shaqeeyaan Dowlada Puntalnd iyo hay'adaha qarmada Midoobey Waxaana sheegeen Puntland in ay noqonayso meel ay sii fiican ugu Soo bandhigi Doonaan Waxkasta Oo la siinaayo Dadak Somaliyeed intooda kale Waxaana xaqiijyey Mr. Mc Bowden in uu Dadaal badan muujin doono,isla markaana u aad ula yaabay maamulka iyo Nabada ka jirta Puntland, wuxuuna ugu danbeytii sheegay inay wax badan iska badashay araktidooda kadib safarka ay ku yimaadeen Puntland, kaas u ku saabsan arimaha Puntland iyo horumarinteeda Xaruunta PDRC ayaa Waxaa ku Sugnaa Maanta Dhamaan hay'adaha qaramada Midoobey iyo Masuuliyiin Tooda kala duwan Waxaana halakaasi hadalo ka soo jeediyey Masuulyiin kale oo ka socday hay'adaha UN-ka. Shirkaan ayaa Waxaa uu ahaa Mid aad loogu Faraxay Farxadna ku Soo Dhamaaday Waxaana Soo Gebabayey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire isgoo sheegay In uu aad ugu Faraxsan yahay Waxaana uu xaqiijiyey in uu Soo dhoweynayo arintaan Farxada leh ee ay isla afgarteen Puntland iyo hay'adaha qaramada Midoobey. isku Soo Wada duub xafladaan ka dhacaday Maanta xaruunta PDRC ee Garoowe ayaa Waxay ku Soo Dhamaatay is afgarad Wanaagsan Waxaana la Filayaa in ay Wax badan iska bedli donaan xiriirka ka dhexeyey Puntland iyo Hay,adaha qaramada midoobey.
  20. Taba bar kooban ayaa Maanta Waxaa uga furmay Xaruunta Caasimada Puntland ururka Dhalin yarada ee Mudan qaabkii ay uga Qayb qaadan lahaayen xuska 1 Agust Garoowe-(Allidamaale ):-Tababar kooban ayaa Maanta Waxaa uga furmay Xaruunta Gobolka ururka Dhalin yarada ee Mudan qaabkii ay uga Qayb qaadan lahaayen xuska 1 Agust. xaruunta Dowlada Puntland looga Taliye ee Garoowe ku Taala ayaa Maanta Waxaa lagu qabtay Shir ku Saabsan Siddi laysugu diyaarin lahaa xuska 1 Agust ee ee ka dhici Doonta Garoowe iyo Guud ahaanba Gobolada Puntland Waxaana ajandaha ugu Wayn ee Shirkii Maanta ahaa Siddi Sharaaxaad balaadhan loo siin lahaa urada Dhalin yarada Gobolka Nugaal uga qayb Gelaya. Shirkaan ayaa Waxaa uu ahaa Shir ay Soo qaban qaabiyeen Gudiga qaban qabada xuska 1 Agust ee hormuudka u ahaa Gudoomiyaha ururkaas Maxamed Faarax ciise Gaashaan Waxaana kaloo joogay Goobta Oo Gacan Wayn ka Geystay Shrirkaan Gudoomiyaha Gobolka Nugaal ee Cabdi xirsi Cali qarjab iyo uroro Dhalin yaro Sidda ururka Dhalin yarada Gobolka Nugaal ee Magaciisu yahay MUDAN Oo maanta Sharaaxad balaadhan halkaasi loogu Soo bandhigay. Masuulyiin badan ayaa halkaasi ka hadashay sida Wasiirka Maamul Wanaaga Puntland Maxamed Faarax ciise Gaashan iyo Gudoomiyaha Gobolka Oo xafiiskiisa lagu qabanayey Shirkaan ku sabaabsan Sidii Sharaxaad Dheer loo siin lahaa ururada Dhalin yarada Gobolka Waxaana heegan sarre loogu jiraa Siddi ay Si qurux badan ugu qaban lahaayeen Dhalinyaradani ugana qayb Geli lahayeen xuska 1 Agust, waxaana lagu wadaa iney tani ahaato mid aan abid la arag hadii alle idmo laguna dareensiiyo caalamka iyo umada Somaliyeedba sida Puntland u dhaqaaqaday oo ay cagaheeda isugu taagtay, hase yeeshee larabo in la habsaamiyo. khudbad dheer uu halakaasi ka soo jeediyey Gudoomiyaha qaban qabada kowda Agust Maxamed Faarax ciise gaashaan aya Waxaa u ku soo qaatay Sharaaxado badan Oo ku saabsan Sidii loogu Dabaal degi jiray 1 luuliyo iyo Maalmaha xuska leh ee Shacabka somaliyeed ku Wayn Waxaana Gudoomiyuhu Cadeyey in Ciidamada banbayda loo sameyey Dhar uu gaar ah Oo ay kaga qayb qaadan donaan xuska 1 Agust waxaa kaloo halkaasi hadal Farxad leh ka soo jeediyey Gudoomiyaha Gobolka nugaal Cabdi xirsi Cali qarjab Oo xafiiskiisa ay ka dhacayey Shirkaani. Maahan Markii ugu horaysay tan iyo Marki la bilaabay qaban qaabada Maalintaani Wayn Shir noocaan oo kale ah lagu qabto Garoowe loogana arinsanayo arimaha xuska 1 Agust Hasse ahate Shirkaani ayaa Waxaa uu kaga duwanaa kuwii hore Waxaa u ahaa Mid loogu Soo bandhigayey Dhalinyarada si ay xirfad iyo gacanba ugu yeelan lahaayen qaban qabada ay ka qayb iyo ka qeybgalka xuska 1 Agust, isla markaana dar dar u galin lahaayeen is diyaarintooda. abdirahman Mohamed koronto
  21. Muqdisho:Ciidamada Amisom ee ilaalada ka ah madaxtooyada oo soo ruqaansaday xili xoogaga mucaaradka ay isu diyaariyeen weerar xoogan 27. juli 2009 Muqdisho(AllPuntland )-Ciidamada Amisom ee ilaalada ka ah xarunta madaxtooyada ayaa goor dhaw u soo ruqaansaday isgoysyada kaabiga ku haya madaxtooyada sida Xararyaale iyo Aadan Cadde. Goob jooge dagan xaafad madaxtooyada ku dhaw aya sheegay in uu arkay Taangiyada Amisom oo soo baxaya , iyadoo ay ka horeeyaan ciidamo lugta ah oo ka soo horeeyey Taangiyada . Dhinaca kale xoogaga mucaaradka ayaa dhaqdhaqaaq ka bilaabay isgoysyada ku dhaw madaxtooyada , waxaana aad looga cabsanaa dagaalo halkaas ka qarxa . Dagaalada iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee saaka Muqdisho ka bialwday ayaa ah kuwo qorsheysan oo ay abaabuleen xoogaga mucaaradka. Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland WAR LA XIRIIRA