
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Cabdillahi Ducaale, oo mar kale la kulmay fadeexad diblomaasiyadeed
General Duke replied to Che -Guevara's topic in Politics
Oodweyne, again adeer a simple few lines should suffice as a response to the Guru of the simpletons. Adeer angering the US by not attending that meeting, the isolation of your enclave, the recent fighting and uprising in Awdal, the failure to hold the elections again on time has rendered your whole arguments to naught. You have no legs to stand on, thus as you were with that Oodweyne, again adeer a simple few lines should suffice as a response to the Guru of the simpletons. Adeer angering the US by not attending that meeting, the isolation of your enclave, the recent fighting and uprising in Awdal, the failure to hold the elections again on time has rendered your whole arguments to naught. You have no legs to stand on, thus as you were with that feminine voice. -
Sharjah: Puntland leader meets Range Africa Oil: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Originally posted by GAAROODI: oil duke, show me some oil comming out and being sold on the international market and than ill be impressed. I am not sure how you thought this was about impressing you? -
Sharjah: Puntland leader meets Range Africa Oil: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Cabdillahi Ducaale, oo mar kale la kulmay fadeexad diblomaasiyadeed
General Duke replied to Che -Guevara's topic in Politics
The secessionist enclave has to realize the truth, the guru of simpletons Oodweyne thinks courage is based on self delusion. The US snub is a fact as reported by none other than secessionist media outlets like Haatuf & Somaliland.org, maybe they are the “defeated lot” that guru simple usually refers to. There is no argument here, they have failed and need a new strategy also the elections when ever they are held are going to be entertaining. -
Sharjah: Puntland leader meets Range Africa Oil: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Range in Garowe -
Sharjah: Puntland leader meets Range Africa Oil: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Shirkada African Oil oo ayadu hada ka wada hawlaha guud ee baarista Batroolka Puntland, ayaa dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay ee 2008 soo afmeertay baaritaanka goobaha batroolka uu ku jiro ee Dooxada Dharoor ee gobalka Bari, hawlahaasi baaritaanka ah ayaa waxaa fuliyey shirkad hoos tagta African Oil oo lagu magacaabo IMC. Horseed Media -
Cabdillahi Ducaale, oo mar kale la kulmay fadeexad diblomaasiyadeed
General Duke replied to Che -Guevara's topic in Politics
You dont piss of the US As always Oodweyne thinks quantity equals quality, allot of garbage masked as intellectual discourse. Adeer you have failed, your incompetent minister of nothing has been and continues to be humiliated in Washington, and you can see the unionists have a spring in their step. Your feminine voice wont change the reality on the ground, Faroole humiliated the secessionist enclave, gave his point of view to Washington at your expense. I too wish our brothers from the North West attended that meeting, Oodweyne & JB would not be in this predicament today. -
Sharjah: Puntland leader meets Range Africa Oil: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Exploration Drilling In Somalia, AOC has identified numerous potentially large prospects in both the Dharoor and Nogal Blocks on seismic and will select future drilling locations in late Q4 2009. In addition, the Company will start its efforts to procure and mobilize a drilling rig. source -
Sharjah: Puntland leader meets Range Africa Oil: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Liquefied Natural Gas [LNG], fisheries and other resources must be used to create jobs and a new state. Wasting time is not our aim, we have wasted 49 years. More has to be done and we need to invite as many foreign companies as possible to aid our development. -
Somalia has a bright future insha Allah, the war in the south will end with many wounds but a healing population, we are in the endgame now. The stable regions in the North will thrive. The key is the Diaspora and a simple recognition of the wealth underneath the ground as well as the strategic location of the nation. The Somali people have mady many mistakes but like Friedrich Nietzsche stated long ago “That which does not kill us makes us stronger”, the Somali nation and its people are not dead.
-
Cabdillahi Ducaale, oo mar kale la kulmay fadeexad diblomaasiyadeed
General Duke replied to Che -Guevara's topic in Politics
^^^Your government is in tatters lad. -
Cabdillahi Ducaale, oo mar kale la kulmay fadeexad diblomaasiyadeed
General Duke replied to Che -Guevara's topic in Politics
Xukumadii Riyaale oo Beenisay In Wasiirkoodii Uu Waji-gabax Kala Kulmay Maraykanka. July 23rd, 2009 Comments Off (Hargeisa, Somaliland.Org)- Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland ayaa beenisay warar sheegayay in Wasiirkii Arrimaha dibada Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale, uu waji-gabax siyaasadeed kala kulmay socdaalka uu iminka ku joogo dalka Maraykna. Ka dib markii jariidadada Haatus daabacay maanta war ay ka soo xigatay shabakada Somaliland.Org. Wasiirul dawlaha Arrimaha dibada Md. Siciid Maxamed Nuur, ayaa war-saxaafadeed uu maanta ka soo saaray warkaa lagu daabacay Haatuf waxa uu u qornaa sidatan:- “Wasiirul dawlaha Arrimaha dibada Somaliland oo ku hadlaya afka wasaaradu waxa uu ku tilmaamay waxba kama jiraan war ku soo baxay wargeyska Haatuf, cadadkiisii 2099 ee maanta oo bishu tahay 23-kii bisha July 2009-ka, maalintuna tahay khamiis. Warkaasi oo tilmaamay in wasiirka Arrimaha dibadu kala kulmay waji gabax hawshii uu u tagay wadanka Maraykanka. Markii aanu la xidhiidhnay Wasiirka waxa uu noo sheegay in shaqadiisii uu si habsami ah oo wax ku ool ah u socoto, dibna uu ka soo faafin doono markay u dhamaato inshaalaah. Haddaba, waxaanu u sheegaynaa Saxaafada madaxa banaan in wararka ay dadweynaha u gudbinaysaa uu noqdo mid xaqiiqada ku fadhiya, iskana ilaalinayaan inay meel kaga dhacaan sharciga saxaafada Somaliland.” Shabkada Somaliland.Org ayaa iyadu maalintii Arbacada sii daysay war sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdillahi Maxamed Ducaale, oo jooga iminka muddo laba todobaad ah magaalada Washington ee Caasimadda Maraykanka, raajicinayayna sidii uu ula kulmi lahaa Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Maraykanka, Congress man Donald Payne. Haseyeeshee Wasiirka waxaa la ogaysiiyay inaan wakhti loo hayn lagu arko, arrintan oo fadeexad hor leh oo diblomaasiyadeed u soo jiiday Somaliland. Inkasta oo xukumadi isku dayday in ay beeniso warkan lagu daabacay Somaliland.Org iyo Haatuf News, hadana ilaa iminka ma ay bayaamin ujeedada socdaalka Wasiirka iyo sababta uu ilaa iminka u joogo halkaa, iyada oo aanu ilaa iminka la kulmin wax masuuliyiin ah oo ka socda dalka Maraykanka. Somaliland.Org Hargeisa, Somaliland -
Sharjah: Puntland leader meets Range Africa Oil: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Puntland leaders talking Director General of Puntland Oil & Minerals ministry Range director sitting with Puntland President & ex-President Cade -
Sharjah: Puntland leader meets Range Africa Oil: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Puntland admin listening to presentation from Companies -
President Faroole in Sharjah Madaxweyne Farole oo la kulmey shirkadaha shidaalka 23 Jul 23, 2009 - 3:58:37 PM Cadde oo Farole uga warbixinaya heshiisyada Madaxweynaha DGPL Mud.Cabdiraxman Farole ayaa 22 July,2009 la kulmey saraakiil ka socota shirkada Range Resources iyo Africa Oil kaas oo ka dhacey Hotelka uu ka dagan yahay Sharjah ee wadanka Imaaraadka Carabta. Kulankan ayaa salka ku haysay dib-eegis mamulka cusub ku sameynayo heshiisyadii Xukuumadii Cadde Muse la gashay shirkadaha shidaalka kaasoo ay ka qayb galeen Waasirada ka tirsan waftiga Madaxweynaha iyo Agaasimaha hay'ada Batroolka Ciise Maxamud Dholawaa. Kulanka dowlada & Range Resource Wadahadaladaan oo socday maalin dhan ayaa la filayaa iney sii socdaan maalmaha soo socda iyada dowlada Puntland dib-u-eegista heshiisyadaan u adeegsatey qareeno ka madax banaan shirkadaha kuwaasoo talo bixin ka baxshay qaabka wax laga badalayo heshiisyadii lala galey shirkadahaan iyada oo la eegayo danta shacabka Puntland ugu jirta habka qaybsiga dakhliga kasoo baxa hadii lasoo saaro shidaal ama macaadin. Kulankaan ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Madaxweynhii hore ee Puntland Gen.Cadde Muse taasoo Madaxweynaha Farole kaga dhageystey warbixino ka ku saabsan heshiisyadii horey loola galey shirkadahaan. Dadkii ka soo qayb galey xaladii sharjah Dhinaca kale waxaa 21 July,2009 magaalada Sharjah ka dhacey kulan balaaran oo jaaliyada ku nool wadanka UAE ku soo dhoweyneysay waftiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamad farole kaasoo lagu qabtey Hotelka Radison. Xafladaan oo aad loo soo agaasimey ayaa waxaa hadalo ka jeediyey xubno ka tirsan dadweynaha, Wasiiro, ganacsato iyo Madaxweynaha DGPL Cabdiraxman Farole kaasoo lagu kala warqaatey iyada shacabka ku nool UAE aad u soo dhoweeyeen qaabka cusub ee dowladda Puntland ku shaqeyneyso. Agaasimaha Batroole Waxaa dhinaca kale xafladaan goob-joog ahaa Madaxweynahii hore ee Puntland Mud.Cadde Muse. Madaxweynaha DGPL ayaa soo gaba-gabeyn doona safarkiisa maalmaha soo socda isaga oo ku soo fool leh Puntland. Xafiiska Warfaafinta ee Madaxweynaha Puntland
-
A meeting of minds is at hand . Though we must wait the outcome of these sessions.
-
Mogadishu: Heavy fighting leaves more than 25 dead hundreds injured
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dagaal Iyo Duqaymo Ka Socda Muqdisho 23 July, 2009 01:06:00 Toronto t. Font size: Duqaymo xoogleh ayaa caawa waxay kadhaceen dagmooyinka Wardhiigleey, H/wadaag iyo Hodan halkaas oo dhaawaca iyo dhimashaduba ay darantahay. Duqayntan ayaa habeenkii labaad ka socota Muqdisho kadib dagaalo dhex maray ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka. Waxaa xaniban ambalaasyada loogu tala galay inay soo qaadaan dhaawacyada, iyagoo aan gali karin xaafadahaas oo wali ay ka socoto duqayn xoog leh. Waxa kale oo dhibaato kasoo gaartay shacabka xabadaha wiiftada loo yaqaan oo si habow ah ugu tagay guryaha jiingadaha ka samaysan. Dagaalka oo wali socda ayaan la ogayn wax horumar ah oo labada dhinac ay kala gaareen. -
Mogadishu: Heavy fighting leaves more than 25 dead hundreds injured
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dagaalo culus oo ka socda gobolada dhexe Somalia 23 Jul 23, 2009 - 8:44:36 AM Dagaalo aad u culus oo u dhaxeeya kooxaha Alshabaab iyo Ahlu Sunna ayaa shalay ilaa maanta si xoogan ugu socday deegaano kawada tirsan Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha Somalia. Dagaaladan oo markii hor ku bilowday sida aan warka ku helnay ka dib markii xoogaga Alshabaab ay isku dayeen in ay fariisimo cusub ka sameystaan deegaanadaasi islamarkaana ay diideen maleeshiyaad ka tirsan deegaanadaasi ayaa waxaa markii dambe soo galay dagaalada kooxda Ahlu sunna oo taageereyso Dadka deegaanadaasi. Dagaaladan oo maanta si aan kala go' lahay ugu socday Deegaanada Wabxo iyo Warxoolo ayaa la sheegay in laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala gadisan waxaana warku uu intaasi ku darayaa in khasaaro xoogan uu jiro kaasoo xitaa la sheegayo in saraakiil mug leh ay labada dhinacba kaga dhinteen walow aan la ogeyn ina uu la egyahay qasaarahaasi. Saraakiil ka tirsan kooxda Ahlu Sunna ayaa waxa ay sheegeen in dagaaladaasi ay yihiin kuwo lagu soo qaaday fariisin ay ciidamadoodu ku lahaayeen deegaanadaasi, waxaana ay intaasi raaciyay in dagaalka ay dhankooda ka soo gaareen dhaawacyo fudud uun sida ay hadalka u dhigeen. Dagaaladaani ayaa waxaa ay daba socdaan dagaalo mudooyinkii ugu dambeeyay Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ku dhexmarayay kooxaha Islaamiyiinta ah kuwaasi oo isku heysta gacan ku heynta deegaano badan oo ka tirsan Goboladan. Dhanka kale Afhayeenka Ururka Alshabaab Sheekh Cali Max'ud Raage ayaa sheegay in guulo ay ka gaareen dagaalkaasi islamarkaana ay kaga itaal roonaadeen dhinaca kale ee ka soo horjeeday. Marka laga soo tago sheegashada labadan dhinac oo ay midba mida kale ay sheeganayso in ay guulo ka gaartay ayaa hadana dadka deegaanka oo aan la xariirnay waxaa ay sheegayaan in wali uu dagaalku socdo khasaaro xoogana uu jiro kaasoo labada dhinacba leh iyo dadka rayidka ah ee ka ag' dhaw deegaanada lagu dagaalmayo. Ma'ahan markii ugu horeysay oo dagaalada u dhaxeeyay Ahlu Sunna iyo Ururka Alshabaab uu ku dhexmaro deegaano ka tirsan Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud inkastoo bilihii ugu dambeeyay ay jirtay xasilooni yar taasoo la dhihi karo waxaa jirtay ciidamo iy hub aruursi balaaran oo labada dhinac ah. Si kastba lama saadaalin karo in dagaaladani ay sii socon doonaan iyo in kale walow ay jirot gurmadyo kala gaarayo labada dhinac kuwaasi oo dagaalada ku biirayo iyadoo dhanka kalena ay dadku bilaabaan in ay ka cararaan dagaaladaasi. GAROWE ONLINE -
Dalka Suudaan oo Aqoonsadey Shahaadooyinka Dugsiyada Sare ee Puntland Dugsiyada Sare ee Puntland | read this item Cabdiraxmaan Maxamed Muuse (Ilkacase) Garowe, Puntland, Somalia Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdi Farax Juxa, ayaa shaaca ka qaaday xili waraysi gaar ah uu siinayaya Warbaahinta Horseed Media xarunteeda Garowe, in Puntland heshay aqoonsiga shahaadooyinka dugsiyada Sare taas oo ay ka heshay dalka Suudaan sida Wasiirka Waxbarshada Puntland uu xaqiijiyay. Wasiirka waxa uu sheegay in ay tahay arintaani guul u soo hoyatay Puntland islamarkaana ah buu yiri arin muhiim ah, oo waxtar u leh Shacabka Puntland, waana arin in mudda ah aan sugaynay, waxeyna arintaan noqon doontaa mid taariikhi ah madama ay tahay buu yiri xiligii ugu horaysay ee la aqoonsado Shaahaadooyinka Dugsiyada Sare Dowlada Puntland. Mar aan wax ka waydiinay xiliga ay wasaaradisa ka warheshay in la aqoonsaday Shahaadooyinka Puntland waxa uu ku jawaabay “Walaahi wax badan ayaan sugaynay laakiin waxaan helnay 22 bishaan waxaana i soo gaaray waarqo cadaynaya in laa aqoonsaday shahaadada dugsiga sare, waraaqaha wax ay ahayen kuwa ku socda Madaxweynaha Puntland madaama madaxweynuhu asaga naf ahantiisa uu arintaan wax kala socday ” Aqoonsiga shahaadadaan ayaa imanaysa xili la filayo in sideeda bisha Agust uu furmo shirwayne ay ka soo qaybgalayaan dhamaan dugsiyada waxbarasho ee Pntland, shirkaan oo haatanba qaban qabadiisa ka socoto Magaalada Garowe gaar ahaan wasaarada waxbarshada Puntland oo martigalinaysa shirkaan. Wasiirka oo isla arintaa ku saabsan aqoonsiga shaadada iyo shirka waxa kulan siiyay ayaa kaga jawaabay ,”runtii waa wax ILAAH wato laakiin xili fiican ayay kulmeem waxana dhihi karnaa wax badan ayaa noo fududaanaya maxa yeelay shirka ajandihiisa waa midaynta manhajyada dugsiyada sare ee Puntland si loo helo manahajka midaysan iyo araday isku manahaj ah” Wasiirka ayaa dhanka kale ka jaawabay hadal dhawaan ka soo yeeray Wasiirka Waxbarashada DKMG ah kaa oo ku adanaa in Soomali ay heshay deeq waxbarasho kana heshay dalka Yaman, balsa wasiirka waxa uu tilmaamay in Soomaliya ay dhoor qaybood haatan ay tahay, sida Puntland, Soomaliland, iyo Koofurta dalka soomaliya, sidaa daraadeed waxaa loo bahan yahay buu yiri in deeqdaa noqoto mid Soomaliya lugu ekeeesiiyo oo aan hal meel lugu koobin., Waa markii ugu horayasay ee Puntland ka hesho dalka Suudaan aqoonsi shahaadooyinka laga baxsho tan iyo xiligii la aasaasay sandii 1998 waxuuna aqoonsigaan uu ka danbeeyay kidib dadaal dheer oo loo galay sandii 2006 xiligaa oo ay aheed markii wafdi uu hugaaminayay Madaxweyne ku xigeenkii Xukuumada General Cade Muuse Xasan Daahir Afqurac ay tageen dalka Suudaan, gaar ahaan Gobalka Nahru Niile xiligaa wixii ka danbeeyay ayuu ahaa dadaalku mid ka socda labada dhinac
-
Mogadishu: Heavy fighting leaves more than 25 dead hundreds injured
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dagaal dhex-maray Ahlu-sunnah iyo Al-Shabaab Dagaalo qaraar oo u dhexeeya kooxo diimeedyada kala ah Ahlu-Sunnan Wal-Jamaaca iyo Al-Shabaab ayaa waxaa ey saacadihii ugu dambeeyay ku dhex-marayeen deegaano ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Gal-gaduud, dagaaladaasoo ey labada kooxod ka kala sheegteen guulo isbar-bar socda. Saraakiil u hadashay Ahlu-sunnah ayaa sheegtay in dagaaladii dhacay saacadihii ugu dambeeyay iyaga lagu soo qaaday, waxeyna intaasi raaciyeen in ey iska difaaceen weeraradaasi kaga yimid kooxo ey ugu yeereen khawaariij oo ey jab weyn u geysteen, waa sida ey hadalka u dhigeene. Inta badan deegaanada lagu dagaalamay ayaa ahaa goobo ey horay isaga qexeen dadka rayidka ah sababo la xiriira dagaalo horay ugu dhexmaray kooxahani halkaas, waxaana khasaaraha ka dhashay dagaaladii shalay iyo xalay ey ahaayeen kuwo soo gaaray maleeshiyaadka kooxo diimeedyadan is hardiyay. Kooxda Al-Shabaab ayaa iyana dhinacooda sheegtay guulo ey ka gaareen dagaalkii shalay iyo xalay, waxaana uu afhayeen uu hadlay Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cali Max’uud Raage sheegay in ey ka awood roonaadeen kooxihii ey dagaalka la galeen. Warar ka baxsan sheegashada guulaha ee labadan kooxood wali lama hayo, waxaana inta badan haawanaya goobaha ey isku farasaareen kooxo diimeedyadanai kadib markii ey horay uga qexeen gagkii tirada yaraa ee ku dhaqnaa deegaanadaasi. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda -
Mogadishu: Heavy fighting leaves more than 25 dead hundreds injured
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Faah faahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa qasaaro baaxad leh oo ka dhashay dagaalkii xalay ee K/Muqdisho Qasaaraha ka dhashay dagaalo xoogan oo xalay ka dhacay Koonfurta Muqdisho ayaa ah mid isa soo taraya, waxaana dagaalka oo bar bar socday Madaafiic culus uu sababay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah. Sida ay sheegayaan Dhaqaatiirta Caafimaadka dad gaaraya kontan ruux ayaa dagaaladii xalay ku dhaawacmay kadib markii la sheegay in intooda badan goobahooda ugu tagtay Madaafiic habow ah. Madaafiicda oo si daran doori u socotay isla markaana sida roobki oo kale uga hoobaneysa ayaa kuwa ugu badan waxay ku habsadeen xaafado ku dhow dhow Suuqa Bakaaraha. Dagaalada oo ka socda Hodan iyo H/wadaag ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Xoogaga Hubeysan weerar ku qaadeen nawaaxiga Isgoyska KM4 iyo Wadada Maka Al-mukarama,halkaaso o fariisin ku leeyihiin Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda. Haweeney degan Xaafada Taleex ayaa sheegtay in Madfac ku soo dhacay meel ay Madaafiicda kaga gambanayeen uu uga dhintay wiil ay dhashay iyo dhaawac kale oo soo gaaray wiil kale, waxaana ay tilmaantay in xalay u aheyd habeen murugo badan. Sidoo kale Gawaarida gurmadka dega dega ayaa xalay oo dhan daabulayay dhaawacyada dadka rayidka,waxaana wali xisaab laheyn dhimashada dadka oo qaarkood ku jiraan dad ay Madaafiicda jar jareen. Dagaalada ka dhaca Magaalada Muqdisho ayaa kuwooda ugu badan ay geystaan qasaarooyin culus oo soo gaara dadka rayidka, bedelkii dhinacyada dagaalamaya yihiin kuwo shacabka ay ku dul dagaalamayaan oo dhibaatada dhinacooda soo gaarta ka badan tahay mid shacabka gaareysa. Hoyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.co m Jowharcom@gmail.com -
Puntland 11th Anniversary celebrations: Long live the state
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Originally posted by Fu-Fu: Horta Duke meeqo magac uu iskugu jawaaba? "Great minds discuss ideas. Average minds discuss events. Small minds discuss people." -
Puntland 11th Anniversary celebrations: Long live the state
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Puntland 11th Anniversary celebrations: Long live the state
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Bossaso