
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Breaking News: Parliment Sworn in- Speaker election 26-27 of August!
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Diinwaan gelinta xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka ayaa goor dhow soo gaba gabowday, iyadoo saacadaha dhow lagu wado inay bilaabato dhaarinta Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka, iyagoo ninka ugu da'da weyn uu shir gudoomin doono Kalfadhiga ay yeelanayaan Baarlamaanka. Tirada Xildhibaanada ayaa lagu qiyaasay ilaa 225, taasoo rasmi ka dhigeysa kooramka uu ku fariisanayo, waxaana laga dareemayaa magaalada qaban qaabada Munaasabada lagu dhaarinayo Xildhibaanada cusub. Barxad weyn oo ku taal Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa la dhigay kuraas, waxaa soo uruuray Xildhibaanada cusbaa oo la siiyay kaararkooda, waxaa ku sugan garoonka Xubno ka tirsan beesha Caalamka, Gudiga farsamada iyo Odayaasha dhaqanka. Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ku gedaaman garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo agagaarihiisa Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, iyadoo saacadihii la soo dhaafay magaalada oo dhan looga dareemay ammaanka guud ee Caasimada. Madaxweynaha xilkiisa dhamaaday Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa inuu goor dhow gaaro garoonka diyaaradaha Muqdisho, si uu uga qeyb galo munaasabada lagu dhaarinayo Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka. Dadka reer Muqdisho ayaa dhegaha u taagan waxyaabaha socda, iyo dhaq dhaqaaqyada ku aadan soo xulista Baarlamaanka iyo dhaarinta Xildhibaanada oo galabta marka saacada geeska Afrika tahay 5:30 la dhaarin doono. Wixii ku soo kordha daqiiqad kasta kala soco Jowhar.com Riix halkan(CLICK HERE)Soo booqo bogeena Ciyaarah ee jowharsport.com -
Sharif Ahmed and his online supporters are waging an all out war on common sense...
-
Xildhibaannada cusub oo lagu wado in maanta lagu dhaariyo Garoonka A. Cadde Updated About:7 mins ago 0 Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in galinka dambe ee maanta la filayo in la dhaariyo in ka badan 220 xubnood oo ka mid noqon doona baarlamaanka cusub ee Soomaaliya. * Wararka ayaa sheegaya in kulanka baarlamaanka uu ka dhacayo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho sababo la xiriira ammaanka, waxaana shir guddoomin doona mudanaha ugu da’da weyn oo xildhibaannada ay iska soo dhex xulan doonaan. Waxaa la adkeeyay ammaanka magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamo isugu jira milateri iyo boolis ay gaaf wareegayaan hareeraha waddooyinka. Guddiga farsamada soo xulidda xildhibaannada ayaa sheegay in ilaa hadda ay diyaar yihiin 225 xildhibaan*– kuwaasoo ka badan tirada ugu yar ee fadhiga baarlamaanka uu ku ansixi karo. Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
-
Burn Notice;858377 wrote: Great to see Will we have a result today GD? The result today will be the end of transition and swearing in of new lawmakers. The election will be within this week... Stay tuned it's always sunny in Mogadishu...
-
Lool@ NGOONGE. This report is coming from a pro Sharif site and it's stating the obvious..
-
It's the international communities move that has alarmed Sharif Ahmed. No one is stopping this show.
-
Shariif Iyo Mahiga Oo Isku Qabsaday Qaabka Xulista Xildhibaanada Cusub Updated About:8 mins ago 0 Waxaa kulan qaas ah wada yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Sh.Shariif iyo ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya Augustina Mahiga iyagoo ka wada hadlay arinta xulista baarlamaanka cusub iyadoo kulankaas uu ku soo dhamaaday is afgaran waa soo kala dhex galay labada masuul. Kulanka ayaa waxaa uu ka dhacay xafiiska Mahiga iyagoo ka wada hadlay arinta soo xulista baarlamaanka iyagoo ugu danbeyntii isku af garan waayay. Shariif oo Odayaasha ka codsaday in dib loogu noqdo liiska soo xulitaanka xildhibaanada , Mahiiga oo isna sheegay in aan dib loogu noqon karin waxuuna sheegay in 225 xildhibaan ey xaadir yihiin. Intaasi kadib ayaa waxaa kulanka gebi ahaanba isaga baxay Madaxweyne Shariif oo dib ugu laabtay xafiiska uu ku leeyahya Villa Soomaaliya. Arrintaan maanta dhacday ayaa banaanka soo dhigtay khilaafka u dhexeeya masuuliyiinta iyo sida uu Madaxweyne Shariif uga soo qaabka ay wax u socdaan. Dad u dhuun daloola arrimahaan ayaa sheegay in xubnaha Baarlamaanka cusub aysan ku badnayn taageerayaasha Madaxweyne Shariif taasina ay keentay in uu codsado in lagu soo daro kuwa dib loo celiyay. Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
-
On the eve of Transition in Somalia, the AU, IGAD and UN together with other members of the international community, including Djibouti, Ethiopia, EU, Italy, Norway, Turkey, UK, US and representatives of the International Observers of the Technical Selection Committee (TSC), are in Mogadishu to reaffirm their support and commitment to the efforts of all involved in the Transitional process. We are in Mogadishu to show support because, finally, this is where the future of Somalia is being decided by Somalis. The international community welcomes the important progress that Somalia’s leaders and people have made in getting to this stage. Despite significant challenges, the process has ensured: the selection of elders, the convening of the National Constituent Assembly, and the adoption of the Provisional Constitution through a representative and transparent process taking place inside Somalia for the first time in twenty years. Somalia faces an unprecedented opportunity for greater peace and stability, thanks to the commitment of Somalia’s leaders and the courage, dedication and sacrifice of the Somali National Army and AMISOM. We urge all the Signatories to sustain their commitment to deliver a peaceful transition on time and in line with the expectations of the UNSC, AU, IGAD and the recent international meetings in London, Istanbul and Rome – that the Signatories should work together and will be held accountable for completing the process which they have agreed. We believe that conditions exist for Parliament to meet to begin its work and that this could occur as early as 20th August. The vast majority of the members of the new Federal Parliament have now been nominated and vetted by the TSC. We anticipate that the full 275 membership can be achieved quickly, including the fulfillment of the quota for women’s’ representation, and the election of a Speaker and President fulfilled. We applaud the patriotism, integrity and tireless efforts of the Technical Selection Committee who are charged with vetting the parliamentary nominations and for their courage in ensuring the propriety of the process. We urge and expect all parties to let the TSC complete its task without fear or hindrance. In some cases, nominees have been rejected by the Technical Selection Committee which is acting in accordance with the Garowe Principles. In this regard, it is crucial that the TSC’s review procedures be respected, including the process for the Elders to reconsider their nominations. The conclusion of the Transition should mark the beginning of more representative government in Somalia. Whilst Parliament remains a selected rather than elected body, it is essential that it cuts its ties with the past of self-interest and warlordism, and is populated by a new generation of Somali politicians, including the proper representation of Somali women. Our priority remains simple – to ensure that the people of Somalia are better represented and become the beneficiaries of a renewed political process; a process that has the confidence and strength to deliver an enduring peace, sustainable economic recovery for all and the restoration of credible, legitimate and more accountable government prepared and able to meet the aspirations, hopes, freedoms and human rights of the Somali people.*
-
Moonlight. I believe this story is bogus. The warlords will not come back if you read the international Community communique it states that they will not allow the selection committee to be over ruled. This don't worry we have turned the corner...
-
Prof. Jawaari : Musharaxa Guddoomiyaha Barlamaanka
General Duke replied to Shinbir Majabe's topic in Politics
Illkajiir was a credible candidate... -
Prof. Jawaari : Musharaxa Guddoomiyaha Barlamaanka
General Duke replied to Shinbir Majabe's topic in Politics
MMA, the clan should run for President, but can they not get a better candidate that can be sold to Somaliweyn. Also this man is being touted big time and if he wins, Sakiin has no chance... -
XX the list is not fake mate. The parliament is nearly complete, badges will be given out this Monday and it's all good this far.
-
Prof. Jawaari : Musharaxa Guddoomiyaha Barlamaanka
General Duke replied to Shinbir Majabe's topic in Politics
One wishes him well... -
Crisis in Somalia interview with PM Abdiweli his wife Dr. Hodan Isse
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
oba hiloowlow;858048 wrote: Well Generale i must agree for the first time Gaas and his wife caadi maha, dadka lama xaqiro If insha Allah Abdiweli becomes President, Somalia would get Dr. Hodan Isse for free as well. A two for one deal... -
Eid Mubarak brothers and sisters, may Allah SWT forgive our sins accept our prayers and fasting that we did throughout Ramadan....
-
Sheekh Xariif's camp surrender before the battle start.
General Duke replied to MoonLight1's topic in Politics
oba hiloowlow;858030 wrote: Adeer sakiin is a bad bad man ka fogoow Talking from experience I guess.. -
Kenya- threatens sanctions on Somali spoilers....
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
I am not sure why they made this statement now? -
New generation of Puntland leaders enter parliament...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Abuukaate, Cabdiraxmaan Xooshi Jibriil Waa Wasiirka Tastuurka ee dawlada “Badbaado Qaran” ee Imika dalka kajirta , wuxuuna kasoo dhexmuuqday baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, Mr. Xoosh Wuxuu kamidyahay Wasiir muhiimka u ah dawlada Dr.Gaas uu hogaamiyo Waa aqoonyahan ku xeeldheer dhanka shuruucda waxaana intii sanadka ahayd ee uu dawlada Soomaaliya Wasiirka ka ahaa uu ku guulaystay qorshe aysan ku guulaysan dawlada Soomaaliya tobonaankii sano ee lasoo dhaafay isagoo dajiyey, hagaajiyey, soona bandhigay tastuurka cusub ee Soomaaliya markii danbena ku guulaystay in cod aqlabiyadleh uu helo tastuurka cusub, waxaana uu kamidyahay raga muhiimka ah ee la rajaynayo inay waxbadan soo kordhiyaan. -
New generation of Puntland leaders enter parliament...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Mudane, Maxamuud Xayir Ibraahim Waa gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warsahadaha ee Puntland sidoo kalena waa gudoomiye xigeenka rugta ganacsiga ee Soomaaliya, Mr.Xayir Wuxuu Xafiiskaan joogay Afartii sano ee lasoo dhaafay isagoona labo jeer oo isxigta loo doortay Gudoomiyaha rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Puntland taasoo ay sabab u tahay waxqabadkiisa dhanka hormarinta Rugta iyo arimo kale oo Muhiim ah. Maxamuud Xayir Ibraahim Waa Aqoonyahan Dhalinyaro ah oo firfircoon maamuusna Bulshada qaybaheeda kaladuwan ee Puntland sidoo kalena Waa ganacsade kujira Ganacsiga Puntland gaar ahaana shirkado Muhiim ah, Maxamuud intii uu Xafiiska Rugta Ganacsiga joogay wuxuu ku guulaystay arimo badan oo ku saabsan isku xirka bulshada ganacsiga iyo dawlada oo uu xiriirkooda heerkii ugu sareeyey gaarsiiyey, isku keenista iyo midaynta ganacsiga Puntland, Hormarinta arimaha bulshada sida dhismihii Isbitaalka guud ee Boosaaso, Sidoo kalena Wax u qabashada dadkuu ku cayroobay dabkii baabi’iyey hantidii taalay Suuqa ugu wayn ee Puntland ee Boosaaso dhamaadkii sanadkii tagay (December 3, 2011) Gudoomiyaha ayaa qaybwayn ka cayaaray xasilintii iyo nabadayntii beelihii walaalaha ahaa ee gobolka bari colaadu ku dhexmartay, Waxaa kaloo lagu xasuusan karaa Waxqabadkiisa samayntii hogaamo u gaar ah iskaashatooyinka qaybaha ganacsiga Puntland, Magaca rugta ganacsiga iyo warshadaha oo uu gaarsiiyey wadamo badan isagoo caalamka ka iibiyey Ganacsiga Puntland, Waxaana si gaar ah uu ugu guulaystay qabashada carwadii Koowaad caalamigana ahayd ee Ganacsiga Puntland oo markii ugu horaysay Abid lagu qabtay deegaanada Puntland, Isku soo wada duub oo Mr,Xayir Waa nin lagu bartay karti, Daacadnimo iyo Hufnaan wuxuuna kamidyahay wajiyada cusub ee Puntland ugu biiray Mudanayaasha baarlamaanka cusub lagana filayo inay isbedel muuqda ka gaystaan dadaalka lagu doonayo in qarankii Soomaliyeed dib loogu yigleelo. -
Prof.Cabdulqaadir Cabdi Xaashi (Fiqi). Prof. Cabdulqaadir Cabdi Xaashi (Fiqi) Waa Wasiiru-dawlaha Qorshaynta iyo Xiriirka caalamiga ah ee dawlada Puntland ee Soomaaliyeed, Wuxuu isna kasoo dhex muuqday Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, Mr.Xaashi Wuxuu kudhawaad sadexdii sano ee lasoo dhaafay ahaa Wasiiru-dawlaha qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee dawlada Puntland, wuxuuna sidoo kale si gaar ah u ahaa Wakiilka gaarka ah ee dawlada Puntland u qaabilsan arimaha xiriirka caalamiga ah, Waa siyaasi rug cadaa ah Waana nin caan ku ah bulshada caalamka dhexdeeda wuxuuna sharaf iyo miisaan lagu tixgeliyo kuleeyahay dawlada Puntland ee Soomaaliyeed isagoona qabtay arimo muhiim ah. Prof.Cabdulqaadir Wuxuu ku guulaystay intii uu wakiilka Puntland uga ahaa bulshada caalamka arimo faro badan oo muhiim ah waxaana uu dawlada Puntland kusoo xiray saaxiibo caalami ah oo uu leeyahay oo ay kujiraan Wasiiro katirsan wadamada Yurub iyo kuwa Qaarada Afrika, Wuxuuna si gaar ah ugu amaananyahay waxqabadka ay dawlada imika jirta ku caanbaxday ee dhanka Xiriirka caalamiga ah kaasoo marar badan magaca Puntland geeyey shirar caalami ah kaliftayna in xubno darajooyinkoodu ay sareeyaan ay qaabilaan isaga soona booqdaan deegaanada xasiloon ee Puntland, ka hor intii uusan Wasiirka ka noqon dawlada Puntland wuxuu noqday madaxweynaha golaha qurbajoogta Puntland ee Maraykanka (PDF) Wuxuuna ka hor ahaa Diblamaasi sare oo katirsan safaaradaha Soomaaliya ee Maraykanka iyo Canada, Dr.Xaashi ayaa la rajaynayaa inuu isna waxbadan kusoo kordhiyo siyaasada dawlada Soomaaliya gaar ahaana tan baarlamaanka oo la rajaynayo inuu Miisaan sare ku yeelan doono.
-
Madaxweynaha dalka Kenya Kibaki ayaa waxa uu sheegay in dowladiisu ay cunoqabatayn ku soo rogeyso dadka banaanka isa soo dhiga oo curyaaminaya nabada iyo xilliga kala guurka. Kibaki ayaa waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay feejignaadaan ayna iska ilaaliyaan isku day kasta oo lagu doonayo in wadada looga weeciyo hirgelinta qorshaha siyaasada ee Roadmapka ee la isku raacay in loogaga baxo xilliga kumeelgaarnimada. Kibaki ayaa ka digey in aan loo dulqaadan doonin cid kasta oo carqaladaynaysa ama kahorimaanaysa roadmapka oo ah waddo xal waara oo joogta ah u keenaya Soomaaliya. "Kuwa doonaya in ay jahawareeriyan nabada waxaa si shaqsiyan ah loogu qabsan doonaa falalka ay ku dhaqaaqaan, kan dowlad ahaana waxaan si aan leexleexad ku jirin u soo bandhigeynaa una gooni yeelaynaa annagoo weliba ku soo rogayna cunoqabatayn ciqaab leh,”ayuu ku sheegay bayaan uu soo saaray madaxweyne Kibaki . Madaxweyne Kibaki ayaa tilmaamay in natiijada kuwa qaska wada ay hore qaraar uga soo saartay Qaramada Midoobay,Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD. Warkan ka soo baxay madaxweynaha dalka Kenya Kibaki ayaa waxaa uu ku soo dhoweeyey ansixinta dastuurka ay dhowaan golaha ansixinta dastuurka Soomaaliyed ku ansixiyeen magaalada Muqdisho waxana uu ku tilmaamay in ay arrintaasi ay ahayd horumar weyn oo qiime leh oo dhinaca hirgelinta qorshaha Roadmapka loo qaaday. “Kenya waxa ay garowsan tahay soo xulida xubnaha baarlamaanka iyo doorashada afhayeenka iyo kuxigeenadiisa iyo doorashada madaxweynaha oo ugu dambayntii in la soo dhiso dowlad rasmi ah kadib muddokabadan labaatan sano inay u tahay mid taariiqi ah Soomaaliya.”ayuu yiri Kibaki. Madaxweyne Kibaki ayaa ku ammaanay hogaamiyaasha Soomaaliyeed sida ay ugu dadaaleen dhaqangelinta heshiiskii nabada ee Roadmapka loogaga gudbayay xilliga kalaguurka. Kibaki ayaa hambalyo ku aadan ciidul Fitriga u direy madaxda iyo dhamaan ummada Soomaaliyeed isagoo sheegay in ciidda sanadkan ay ku soo beegantay iyadoo laga baxayo xilligii kumeelgaarka ahaa loona guurayo dowlad rasmi ah. Warkan ka soo baxay dowlada Kenya ee deriska la ah dalka Soomaaliya ayaa ku soo beegmay xilli ay dalka Soomaaliya uu ku jiro marxalad xasaasi ah laguna mashquulsan yahay soo xulida xubnaha Hoyga wararka Somaliyeed www.jowhar.com jowharnews@gmail.com jowharcom@hotmail.com
-
Ghandi is in, so is Abdiwahab Khalif.
-
If this list sticks it has less military/militia clan bosses of the past. allot of new faces, even Tarzan, Goobe, Dhuxulow are civilians and not militia leaders. Sharif Sakiin seems to be a compromise...
-
I know that's the worst one so far. Disappointed with Xasan Abshir...