General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Originally posted by Sophist: So is Alshabab Man City? Nice one, though Sharif Hotel is Accrington Stanley...
  2. YES Best Somali leader about right now.
  3. Sirdoonka Dowladda oo sheegay in Dowladda qatar ugu jirto in Mucaaradka afgambiyo Taliyaha Ciidamada Nabad sugidan ahna Hogaanka Sirdoonka Dowladda Jen, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa ka digay qatarta ku soo fool leh Dowladda KMG oo uu sheegay inay halis ugu jirto inay ridaan Mucaaradka majaraha adag ee dagaalada ba'an ku haya. Isagoo la hadlayay Al-Carabiya ayuu sheegay in Sirdoonka Dowladda ay ku shaqeeyaan xaalad adag iyo daruufo xilligan aanu u saamixi karin inay kaga howl galaan dalka si ay macluumaadka xagga amniga ku wajahan u helaan. Jen, Maxamed Sheekh oo dhowaan Madaxweynaha uu ku celiyay Istiqaaladiisa ku aadaneyd xil wareejinta, kadib markii isaga iyo Kuxigeenkiisa Nuur Shirbow uu Madaxweynaha xilka qaaday sababo labadii nin ee Faransiiska ayaa waxaa uu cadeeyay in haatan howsha Sirdoonka si gaabis ku socoto. Jeneraalka ayaa waxaa uu sheegay in hadii aanay Dowladda Soomaaliya helin taageero beesha Caalamka ay wiiqmeyso jiritaanka Dowladda, waxaana uu tilmaamay in Kooxaha Mucaaradka ka dhisayaan Soomaaliya Dowlad la mid ah tii Taalibaan. "Mucaaradka way xoogan yihiin waxaa ka dhinac dagaalama kumanaan Ajaaniib ah, sidaas darteed hadii aanay Dowladda helin taageero rasmi ah qatar ayay ugu jirtaa in la rido"ayuu yiri Jen, Maxamed Sheekh. Ugu dambeyntii Jen, Maxamed Sheekh ayaa waxaa uu sheegay inay rajeynayaan inay saxaan qaladaadka ku dhex jira Sirdoonka Dowladda iyo qaladkii ku aadanaa afduubka Labadii nin ee Faransiiska ee Saraakiisha Dowladda ka tababari rabay dhinaca Sirdoonka, kuwaasoo laga soo afduubtay meel Dowladda ka taliso dabadeedna gacanta u galay Kooxo Mayal adag oo Islaamiyiin ah. Abdi Mohamed garyaqaan77@hotmail. com
  4. Madaxda sare ee dawladda Puntland oo kulan la yeeshay waxgaradka gobolka Mudug, kalana tashaday dhismaha golayaasha deegaanka ee degmooyinka gobolka. [Akhris ...] Galkacyo, Aug 13 - Waxaa maanta kulan aad u ballaaran ku yeeshay Hotel Taar ee magaalada Galkacyo, madaxda ugu sar sarraysa dawladda Puntland iyo waxgaradka kala duwan ee gobolka Mudug. Kulankaan oo ahaa mid xasaasi ah isla markaana ka duwan kulamadii hore ee madaxda dawladdu ay la yeelan jireen bulashada gobolka Mudug muddadii ay ku sugnaayeen magaalada Galkacyo, ayaa la iskula soo qaaday qodobo aad u muhiim ah oo dhammaantood ku aaddan xaaladda gobolka Mudug gaar ahaana magaalada Galkacyo oo wakhtiyo is xig-xigay ay ka dhaceen shaqaaqooyin amni xumo. Mas’uuliyiin dawladda oo hadalo qiimo badan halkaasi ka yiri ayaa si wadajir ah ugu dheeraaday ka hadalka xaaladda gobolka iyo sida ay u arkaan in lagu heli karo xal-buuxa oo laga gaaro maashilka gobolka. Wasiirka arrimaha gudaha iyo dawladaha hoose ee dawladda Puntland, Gen. C/laahi Jaamac Ilko-jiir, oo shirkaasi ka soo jeediyey hadal dheer oo dhinacyo badan taabanayey ayaa sheegay waxgaradka iyo odayaasha in looga fadhiyo wax ka qabashada dhibaatada amni xumo ee gobolka ka jirta, wuxuuna wasiirku sheegay taas in looga gudbi karo oo kaliya bulashada oo hal dhinac uga soo jeedsata cidkasta oo hagar-daamo ku haysa hannaan socodka howlaha nabad-galyo gobolka. Wasiirku wuxuu shirkaasi ka sheegay dawladdu in ay ku mashquulsan tahay xaaladda gobolka, isla markaana ay ka go’an tahay in ay dhidibada u taagto maamul adag oo awood iyo kartiba u yeelan kara maaraynta mashaakilaadka gobolka. Md. Ilko-jeer, wuxuu intaasi sii raaciyey hadda in ay gacanta ku hayaan qorshe lagu yagleelayo golayaashii deegaanka ee dhammaanba gobollada Puntland , taas oo gobolka Mudug uu noqon doono gobolka ugu horreeyey ee dawladda cusub ee M/weyne Faroole ka unugto golaha shacabka ee degmooyinka gobollada Puntland. Wasiirku, waxaa uu ka codsaday ka qayb galayaashii shirka ee matalayey bulashada gobolka Mudug muddo ku siman 10 cisho gudahood in ay ku soo xulaan xubnihii ka mid noqon laha golaha deegaanka ee degmada Galkacyo, si kadibna loogu sii gudbo degmooyinka kale ee isla gobolka. Waxaana golahaasi ay noqon doonaan sida uu tilmaamay wasiirku, kuwo shuruudo badan hor yaalliin oo ku taxaluqa xagga aqoontooda, waayo aragnimada, xilkasnimada qofka, hantida uu haysto, la dhaqankiisa bulsho iyo waliba sumcadda uu gobolka ku dhaxleeyahay iyo guud ahaanba Puntland. M/weynaha Puntland Dr. C/rixmaan Maxamed Maxamuud ‘Faroole’ oo isna kulul uga hadlay arrinta dhismaha golayaasha deegaanka gaar ahaanna midka magaalada Galkacyo, ayaa ka codsaday odayaasha dhaqanka ee gobolka Mudug in ay soo xulaan dad buuxin kara shuruudaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo dawladaha hoose ay soo gudbisay, si loo helo gole deegaan oo aqoon iyo waayo aragnimo u leh shaqada loo dhiibayo isla maraana hagi kara bulashada gobolka iyo kuwa kala ee Puntlandba. M/weynuhu waxaa si gaar ah carabka ugu adkeeyey in dib loo soo celin doono qofkii buuxin waaya shuruudaha ka mid noqoshada golayaasha deegaanka, sidaasi darteedna odayaashu aysan golaha keenin cid aan munaasib ku ahayn booska ama jagada loo dhiibayo. Dhanka kale Nabadoon Maxamed Maxamuud Indho-yare, oo isna halkaasi ka hadlay mas’uuliyiinta dawladda kadib ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan-yiin tallaabada dawladda ee ku aaddan dhisidda golayaasha deegaanka ayna gacan buuxda ku siinayaan sidii loo heli lahaa gole shacab oo aqoon iyo kartiba u leh howsha loo xil saaray ee masiirka umadda. Shirka maanta oo xiiso gaar ah lahaa, ayaa waxaa ka qayb galayey M/weynaha Puntland Dr. C/rixmaan Maxamed Maxamuud ‘Faroole’ kuxigeenkiisa C/samad Cali Shire, afhayeenka golaha wakiillada C/rashiid Maxamed Xirsi, wasiirrada arrimaha gudaha, amniga, maaliyadda, cadaaladda, caafimaad, maamul wanaagga, dimuqraadiyeynta, wasiirro ku xigeeno, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland, mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo kan degmada, dhanka bulashada gobolkana waxaa ku sugnaa goobtaasi, nabad-doonno, ganacsato, culimo-awdiin, aqoon-yahano, iyo waxgarad kaleeto oo aad u tiro badan. Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa madaxda dawladda in si rasmi ah beeluhu u horgeeyaan ciddii uga mid noqon lahayd golaha shacabka, taas oo xilligaan la dareemayo hadal haynteeda. C/fitaax Cumar Geeddi’ Idaacadda Daljir.
  5. ME, Meiji & FUFU , The post is clear, two clan militia loyal to the government fought each other in Mogadishu, killing 10 of their own and wounding others. They fought against each other along clan lines, however Meiji would like to cover this up, much like how two clan militias from Cadaado & Guriceel have been killing each other in the coastal town of Xara-dheere. ME, adeer back up your claims where is the video of Sharif shaking hands with Somali women? Don’t get angry and upset, after all you was always hot air and to afraid to take a stance, FUFU what credit should I give the Sharif, what has he done if he can not even stop his clan militia from fighting each other? For some reason you all sound more desperate than usual.
  6. ^^^Hold up there lad, you aint a saint and Galkacyu did not kill anyone, some armed militiamen killed these innocent men. It will not change anything, the city will transform itself as it is to important to be left as it is.
  7. Five Pakistan sheikhs killed in central Somalia 12 Aug 12, 2009 - 2:07:24 PM GALKAYO, Somalia Aug 12 (Garowe Online) - A group of Muslim sheikhs who were visiting Somalia as part of efforts to spread the peaceful message of Islam have been targeted and killed near a mosque, witnesses and officials said. The 25-man group, reportedly from Pakistan, arrived by airplane on Tuesday in Galkayo, a town in central Somalia that is partly controlled by the Puntland regional government. Puntland authorities told Somali news agency Garowe Online that the group of men are part of Islam's Tabliiq movement and were questioned by Puntland police before being allowed to enter Galkayo. But on Wednesday, masked gunmen attacked a mosque along Galkayo's north-south divide where the Tabliiq group was praying. Puntland controls north Galkayo. Five members of the group were shot and killed, while two others were rushed to a local hospital for gunshot wounds, according to local sources. Puntland President Abdirahman Farole, who has been in Galkayo since last week's assassination of the state's information minister, immediately condemned the killings. "I urge Ahlu Sunnah [Wal Jamee'a] militia in south Galkayo to cooperate with Puntland security forces in apprehending the attackers," Puntland's leader said. A spokesman for Ahlu Sunnah, an Islamist militia allied to Somalia's transitional federal government in Mogadishu, rejected rumors that Ahlu Sunnah gunmen killed the foreigners. But he vowed that Ahlu Sunnah is "investigating" the killings. Separately, Al Shabaab spokesman Sheikh Ali Dheere told reporters in Mogadishu that the Tabliiq group was targeted the same way another Tabliiq group was killed inside Mogadishu's Al Hidaya mosque in April 2008. He vowed "revenge" for the killings, but did not say exactly who Al Shabaab believes committed the crime. Ahlu Sunnah and Al Shabaab have been fighting for control over districts in the central region of Galgadud since late 2008. Source: Garowe Online
  8. 3rd man pleads guilty in case involving Americans who went to Somalia to fight with militants By: PATRICK CONDON Associated Press 08/12/09 2:10 PM PDT MINNEAPOLIS — A third man pleaded guilty Wednesday to terror-related charges stemming from a federal investigation into Americans traveling to Somalia to fight with Islamic militants. Kamal Hassan acknowledged lying to FBI agents questioning him in February about the case and admitted spending time at a training camp run in Somalia by al-Shabab, a group designated by the U.S. government as a terrorist group linked to al-Qaida. Hassan told federal agents that he traveled to Yemen after spending time in the camp, but admitted Wednesday to a federal judge in Minneapolis that he had lied. He told U.S. District Judge James Rosenbaum he fought with al-Shabab in Somalia. Hassan also admitted concealing the identities of people he associated with in Minnesota and Somalia. Few other details about Hassan's case emerged in court, and his age and hometown weren't immediately available. As many as 20 young men have traveled to Somalia to join in fighting there. Family members in Minnesota, where the nation's largest population of Somali immigrants is concentrated in Minneapolis, say at least three have died. Two others also have pleaded guilty to terror-related charges. Salah Osman Ahmed, 26, of New Brighton, pleaded guilty in July to providing material support to terrorists. Ahmed acknowledged that he worked with al-Shabab in Somalia. Ahmed said he did menial labor at a training camp but acknowledged he also was trained to use guns. Abdifatah Yusuf Isse, 25, of Seattle, pleaded guilty in April to one count of providing material support to terrorists. Isse also spent time in an al-Shabab camp in the lawless Horn of Africa country. Hassan, who wore a dark suit in court on Wednesday, was allowed to meet briefly in private with three family members before the hearing started. Afterward, he was taken into custody by U.S. marshals. He faces up to eight years in prison in a plea agreement worked out with the U.S. attorney's office. A sentencing date wasn't immediately set. Court documents unsealed later Wednesday showed that Hassan had pleaded guilty in February to two other charges: providing material support for terrorism and providing material support for a foreign terrorist organization. Court documents said Hassan faces up to 15 years in prison on each of those charges. Hassan's attorney, federal public defender Manny Atwal, declined to comment as she left the courtroom. Somalia has not had a functioning government since 1991, when warlords overthrew a socialist dictator then turned on each other, causing chaos in the African nation of 7 million. Islamic insurgents with alleged ties to al-Qaida recently intensified their efforts to capture the capital city, Mogadishu.
  9. At least five Pakistanis have been killed in a dawn attack at a mosque on the border of Somalia's semi-autonomous Puntland region, witnesses say. Even Juje's article clearly states border of Puntland and thus not Puntland. Also Wadajir is part of Galmudug, go ask Kimiko ya Juje.
  10. ^^^lool. No one denied anything other than the Sharif who has denied his religious pretences of a year ago. Does he also shake Somali women's hands Juje? And what has he done about this clan infighting that cost 10 soldiers and many more injured?
  11. ^^^lool. Thus they [PIS] let them in at the airport to shoot them in a Mosque in South Galkacyu? Adeer you sound desperate now. No Juje the same Sufi' militia that took a resident of South galkacyu who hailed from Dayniile, and shot him without trail because of mere suspecion are closer to this madness.
  12. ^^^Wadajir is South Galkacyu district under Galmudug, the Mosque is there adeer. Anyhow, how does it benefit anyone opposed to Faroole to kill 6 Pakistanis', it would just make him focus on the security issue and blow their cover. If they attacked locals then it would be more effective, Who is at war with "foreign Kharajites" ? And who are armed in control of South Galkacyu, never have the Sufi's controled a town either Juje.
  13. ^^^Juje, adeer you are not making sense, killing Pakistani in South Galkacyu would not undermine Faroole, if it was the man who was sacked he could kill a few individuals from any sub clan that would provoke.
  14. Ciidamada dowlada oo dagalamey 12 Aug 12, 2009 - 7:06:50 AM Ugu yaraan 10-qof oo ay ku jiraan ciidankii dagaalamay oo kawada tirsan DF ayaa ku dhintay dagaal maanta ka dhacay Muqdisho, iyadoo ay dhaawacmeen 25-qof, sida ay xaqiijiyeen dhaqaatiirta Isbitaalka Madiina. Dagaalkan ayaa ka bilowday isqabqabsi bar koontarool oo u dhexeysa ciidamo kala tabacsan taliyaha boliiska Somalia Gen. Cabdi Xasan Cawale [Qaydiid] iyo gudomiye ku xigeenka maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Shaaweye. Iskahorimaadka oo ka dhacay inta u dhexeysa Isgoyska Zope iyo Isgoyska Ex-kootarool ayay dhinacyadu isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana madaafiic ay isdhaafsadeen ay ku dhacday deegaano rayid dagan yahay. Mid ka mid ah howlwadeenada Isbitaalka Madiina ayaa saxaafada u sheegtay in laba ka mid ah dhaawacyadii dagaalka ay dhinteen intii aan la geyn saalada qaliinka, waxayna ka mid ahaayeen askartii dagaalamaysay. "Dagaalku wuxuu bilowday 11:00 duhurnimo, waxaan arkay dhimashada askar ka tirsan kuwii dagaalamay iyo dhaawacyada dhowr qof oo ay rayid ku jireen" ayuu yiri ganacsade xarun ku lahaa meel ku dhow halka uu daaalku ka bilowday. Gen. Cabdi Qaybdiid iyo C/fitaax Shaaweye ayaan weli ka hadlin dagaalka, waxaana labada mas'uul ay ka gaabsadeen xiriiro ay saxaafadu la yeelatay, iyagoo qiray inay dagaalo u dhexeeyaan ciidamo ka tirsan dowlada. Dagaalka ayaa saacad kadib iskiis u istaagay, iyadoo mararka qaarkood la maqlayo rasaas u dhexeysa ciidamadan oo ka dhacay goobihii ay dagaaladu ka dhaceen, waxaana si tartartiib ah u bilowday socodka dadka iyo gaadiidka. Madaxda dowlada Somalia ayaan weli ka hadlin dagaalkaas, iyadoo aysan ahayn markii ugu horeysay oo ay dagaalo noocan ah dhexmaraan ciidamo kawada tirsan dowlada Somalia ee uu horkacayo Sheekh Shariif. Garowe Online,Muqdisho
  15. Galkacyo, Aug 12 - M/weyne Faroole ayaa war saxaafadeed uu ku dhaleecaynayo ka soo saaray dilkii 5 nin oo Pakistan u dhalatay. 5-ta nin, ee ahaa wadaado tabliiq ah, ayaa lagu dilay masjid ku yaal xaafada Wadajir ee koonfurta magaalada Galkacyo. M/weyne Faroole ayaa ka codsaday shacabka xaafada Wadajir in ay xil iska saaraan qabashada cidii fal dambiyeedkaas ka audio
  16. M/weynuhu waxaa uu sheegay falkaani in uu ka dhacay meel ka baxsan meelaha maamulka Puntland uu ka arrimiyo, oo ay meeshu tahay dhanka maamulka Gal-Mudug, laakiin wuxuu tilmaamay in ay lagama maar-maantahay in la iska kaashado sidii caddaalada loo hor keeni lahaa raggii falkaasi gaystay. M/weynuhu waxaa mas’uuliyiinta maamulka Gal-Mudug ka codsaday in ay awoodda saaran soo qabashada raggaasi falka gaystay, wuxuuna sheegay ciidanka ammanka Puntland in ay arrintaasi gacan ku siinayaan. Md. Faroole, wuxuu sheegay wadaadada la laayey ee Tabliiqa ahi in ay ahaayeen kuwo masaakiin ah oo markasta u taagan fidinta Dacwada islaamka, laguna yaqaano in ay ka madax-bannaanaayeen is qab-qabsiga diineed ee dunida ka jira. Dhanka kale m/weynuhu waxaa oo shacabka magaalada Galkacyo ka codsaday in ay si dhab ah ammaanka uga shaqeeyaan gacan buuxdana ay siiyaan ciidanka ammaanka si looga hor tago falkasta oo liddi ku ah nabad-galyada gobolka.
  17. Dawladda Puntland oo si kulul uga hadalashay weerarkii lagu laayey 5 nin oo Bakistaaniyiin Tabliiq ah ahaa, oo saakay lagu laayey Galkacyo. [Akhris ...] Galkacyo, Aug 12- Dawladda Puntland ayaa si kulul uga hadashay dhacdo weerar oo saakay waabarigii lagu laayey wadaado Tabliiq ah oo u dhashay dalka Pakistan, weerarkaasi oo ka dhacay Masaajid ku yaalla Xaafadda Wadajir ee magaalada Galkacyo. Wadaadada la laayey ayaa tiradoodu gaarayso illaa 5 nin Pakistaaniyiin ah, halka saddex kale oo mid Soomaali yahayna la dhaawacay waxaana dawladda Puntland arrintaasi ku tilmaantay in ay tahay fal naxdin leh oo si weyn looga xumaado. War qoraal ah oo isla saakay ka soo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa si kulul loogu canbaareeyey dhacdadaasi, waxaana madaxda dawladda Puntland ay tacsi tiiraanyo huwan u direen dawladda Pakistan iyo shacabkeeda oo ay uga tacsiyeeyeen weerarka foosha xumaa ee lagu laayey wadaadada Tabliiqa ah ee u dhashay wadankaas. Qoraalka dawladda Puntland ay maanta ka soo saartay dhacdadaasi waxaa lagu xusay halka falkaasi ka dhacay in ay tahay meel uusan xukun maamulka Puntland. M/weynaha dawladda Puntland Dr. C/rixmaan Maxamed Maxamuud ’Faroole’ oo qoraalkaasi kadib ka hadlay xaflad xarigga looga jarayey dhisme cusub oo ay yeelanayso wasaaradda haweenka iyo arrimaha qooyska ee Puntland, ayaa sheegay dhacdadaani in ay ka carraysiisay dhammaan dadka muslimka ah iyana ay la qabaan murugadaasi. M/weynuhu waxaa uu sheegay falkaani in uu ka dhacay meel ka baxsan meelaha maamulka Puntland uu ka arrimiyo, oo ay meeshu tahay dhanka maamulka Gal-Mudug, laakiin wuxuu tilmaamay in ay lagama maar-maantahay in la iska kaashado sidii caddaalada loo hor keeni lahaa raggii falkaasi gaystay. M/weynuhu waxaa mas’uuliyiinta maamulka Gal-Mudug ka codsaday in ay awoodda saaran soo qabashada raggaasi falka gaystay, wuxuuna sheegay ciidanka ammanka Puntland in ay arrintaasi gacan ku siinayaan. Md. Faroole, wuxuu sheegay wadaadada la laayey ee Tabliiqa ahi in ay ahaayeen kuwo masaakiin ah oo markasta u taagan fidinta Dacwada islaamka, laguna yaqaano in ay ka madax-bannaanaayeen is qab-qabsiga diineed ee dunida ka jira. Dhanka kale m/weynuhu waxaa oo shacabka magaalada Galkacyo ka codsaday in ay si dhab ah ammaanka uga shaqeeyaan gacan buuxdana ay siiyaan ciidanka ammaanka si looga hor tago falkasta oo liddi ku ah nabad-galyada gobolka. Hadalka dawladda Puntland ayaa yimid kadib markii waabarigii hore ee saakay masaajid ku yaalla xaafadda Wadajir lagu laayey wadaado Tabliiq ah oo tiradoodu gaarayso 5 nin halka isla dhacadaasna lagu dhaawacay 3 kale oo mid ahaa Soomaali Masajidka ku tukanayey, waxaana isla weerarkaasi ka bad-baadi saddex Pakistaaniyiin ah oo xilligii weerarku bilowday ku maqnaa Xamaam lagu qubaysto. Wadaadada ayaa lagala soo baxay Masajidka waxaana lagu laayey meel bannaankiisa ah, waxaana isl markiiba baxsaday raggii weerarkaasi gaystay iyagoo u jahaystay dhanka koonfureed ee magaalada, waxaana dad goob joogayaal ahi Daljir u sheegeen tiradoodu in ay gaaraysay illaa 10 nin kuwaasi oo aad u hubaysnaa. Wadaadada la laayey ayaa magaalada Galkacyo soo gaaray maalintii shalay ahayd waxayna u socdeen fidinta Dacwada islaamka sida ay idaacadda Daljir u sheegeen saraakiisha garoonka diyaaraha ee magaalada Galkacyo oo baaritaan iyo hubin ku samaayey xilligii ay soo dagayeen. Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya halka uu ka dhici doono aaska wadaadada la laayey, waxaana wararka qaar sheegayaan in lagu xabaali doono Qabuuraha magaalada Galkacyo, halka warar kalana ay tilmaamayaan in Maydkooda loo dhoofin doona dalka Paksitan. Waa markii ugu horraysay oo dhacdo noocaan oo kale ah ay ka dhaco masaajid ku yaalla Soomaaliya, waxaana arrintaasi ay naxdin iyo walwal badan ku abuurtay dhammaan bulashada qaybaheeda kala duwan. C/fitaax Cumar Geeddi’ Idaacadda Daljir.
  18. ^^^I know saxib but its a wrong title. Anyhow its clear only one group has the motive and the means to do this. Nothing to do with Galmudug clan or people but the Sufi militias are fighting all over even threatening Jowhar today.
  19. ^^^It was in the South where this occured lad. Also the Suffi's are at war with foreigners, nothing to do with Puntland admin saxib.
  20. Since late APRIL 2009, security forces have conducted a number of well organised raids on pirate hideouts. Courts have been giving lengthy jail terms to some pirates after speedy trials..........A group of 80 pirates led by Abdirizaq Abdullahi Boya, took advantage of a general amnesty announced in late may
  21. Che you need to change the title adeer, your selling a bad product lad.
  22. MANSA MUSE: Most of the problems outlined in this report are valid, though some exaggeration was made. I don’t know this tension between South Mudug & Puntland, as Puntland does not claim an inch of South Mudug and the clans there are not controlled by the state. Also there has not been any clan clashes inside Galkacyu between the two groups or war over the past 15 years Thus no new tension, historic rivalry yes, but no tension. Puntland indeed is changing.
  23. Koox hubeysan oo Maleeshiyo ah ayaa qaaday weerarkaasi, oo ay la beegsadeen Masjid weyn oo kuyaala Agagaarka Iskuulka H/Dhexe ee Umada ee Magaalada Gaalkacyo, wuxuuna xigaa dhinaca Koonfureed ee magaalada. Kooxaha geystay falkan ayaan la garan karin, waxaana warar soo baxayaa ay sheegayaan in ay jiraan tuhumo lugu tuhmayo dhinacyo kala gedisan
  24. ^^^Sharif is recovering from the handhsake he has little time to deal with these gangs. Give him a few days saxib.