
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Muqdisho: Maxaad kala socotaa Isbadal lugu sameeyey Wasiirada dowladda Soomaaliya. 17. august 2009 Muqdisho(AllPuntland )- War saacadaha nagu soo aadan ka soo bixi doona dowladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa qeexaya Isbadal lugu sameeyey Wasaaradaha dowladda Faderaalka ee Soomaaliya, inkastoo uusan Isbadalkaasi saameyn ku yeelan Wasiiradii dowladda ka soo galay dhinaca Xisbigii Madaxweynaha dowladda Faderaalka ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed. Madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo Raysalwasaarihiisa Cumar C/rishiid Cali Sharmaake ayaa isku afgartay qorshahan oo ay ku sheegeen mid horukac loogu samaynayo dowladda Soomaaliya. Masuul sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, gaar ahaana Xaafiiska Raysalwasaaraha dowlada Faderaalka ee Soomaaliya Cumar C/rishiid ayaa qiray in ay jirto Isbadal lugu sameeyey dowladda Faderaalka ee Soomaaliya. Wasiirada uu ku dhacay Isbadalkan ee ka yimid dhinaca Isbaheysigii Shariif Sheekh Axmed waxaa ku jira oo kaliya Prof, Maxamed Cabdi Gaandi, taasoo ay shaki galiyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee dowladda Faderaalka ee Soomaaliya. Shaqada dowladda Soomaaliya guud ahaan waxaa laga qaaday Farxaan Cali Maxamuud, Wasiirkii Warfaafinta ee dowladda Soomaaliya, waxaana lugu badalay Daahir Maxamuud Geelle ahna Mulkiilaha Idaacadaha Muqdisho qaarkood. Wasiirada kale ee dowladda Soomaaliya ee lakala badalay ayaa kala ah. 1- Wasaarada arrimaha dibada waxaa loo magacaabay Cali Axmed Jaamac (Jangali) 2- Wasaarada Gaashaandhiga Waxaa loo dhiibay Cabdalla Boos Axmed. 3- Wasaaradda cusub ee lacagta waxaa Wasiir loogu magacaabay Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow), wuxuu ka mid yahay Saaxiibada ugu dhaw ee Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, oo la aaminsan yahay in uu keenay isagu ninkan. 4- Wasaarada Gaadiidka waxaa loo magacaabay Prof. Maxamed Cabdi Gaandi, oo horay uga tirsanaa oo kaliya Isbaheysigii Shariif Sheekh Axmed, lana aaminsan yahay mudooyinkii ugu dambeeyey in ay isku dhacsanaayeen. Warkan wuxuu soo baxay saacadihii ugu dambeeyey, waxaana lugu dhawaaqayaa sida uu sheegay mid ka mid ah Golaha Wasiirada saacadaha nagu soo dhaw, isagoo kaga dhawaaqaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalada Mudug ee Puntland. Siyaasiin badan ayaa dhowrayay Isbadalkan oo mug weyn lugu sameeyo, balse waxa ay leeyihiin ma aysan noqon xaaladu sidii lafilayay, maadaama ay Teedkan ama Liiskan ka maqan yihiin rag aad loogu tuhmayo shaqo la'aan iyo wax isdaba marin oo taageersan Shariif Sheekh Axmed. La soco shaacinta Magacyadan iyo usoo gudbinta Saxaafada, oo laga dhowraya Raysalwasaaraha dowladda Soomaaliya, AllPuntland oo ah Shabakad utaagan soo tabinta wararka Xaqiiqada ah kala soco wararkaas. F. C. Maxamed AllPuntland
-
There is something on a Somali website but nothing else.
-
^^^Its obvious adeer, anyhow how is Shangoole doing still on his way to capture Garowe?
-
Somalia: Somali prime minister arrives in Galkacyo 17 Aug 17, 2009 - 8:14:05 AM Prime minister of Somalia GALKACYO , Somalia Aug 17 (Garowe Online) - The Prime Minister of the Transitional Federal Government of Somalia, Omar Abdirashid Ali Sharmarke, and a delegation have arrived Galkacayo, the administrative capital of Mudug region. The prime minster’s delegation is made up of ministers and members of Somalia’s Transitional Parliament. Talks about how Puntland and the TFG can work together will start tonight. “The prime minister’s arrival in Galkacyo attests to the act that Puntland government has paid more attention to the security following assassinations over the past few weeks in Galkacyo”, said a Puntland official. It is the first visit the Somali prime minster has paid to parts of Somali since he was appointed a prime minster. Garowe Online
-
A delegation to hold talks with the PM. with no Interior, Finance and Planning Ministers? Why ? Caku Somali's and their crap
-
^^^Sons of Puntland, Sharmarke, Jurile, Jangeli, Ciro return, when were these men at war with the TFG? No adeer these are our boys. Where are Ibbi, Shakur, Abdulkadir Ali Omar, Sharif & so on? Puntland is the mother of Somalia, its the "Midnimo Qaran" crap we can not take.
-
-
Somalia: '50 Al Shabaab fighters killed,' Ahlu Sunnah claim 16 Aug 16, 2009 - 8:03:55 PM DHUSAMAREB, Somalia Aug 16 (Garowe Online) - Rival Islamist groups in central Somalia fought for three consecutive days over control of a small town in Galgadud region, Radio Garowe reports. The battles erupted on Thursday, when at least 30 people were killed in fierce clashes between Al Shabaab insurgents and Ahlu Sunnah Wal Jamee'a, an Islamist faction affiliated with Somalia’s UN-backed transitional federal government. Sheikh Abdullahi Abdirahman "Abu Qadi," spokesman for Ahlu Sunnah, told reporters via a Sunday telephone press conference that Ahlu Sunnah fighters control of the town of Gal'ad, in El Bur district of Galgadud region. "We control Gal' ad [area] and 15 of our men were killed and 30 others wounded," Sheikh Abu Qadi said, adding that " at least 50 Al Shabaab fighters" were killed in the battles. Al Shabaab has not responded publicly to these new developments. Source: Garowe Online
-
Raysalwasaaraha Soomaaliya oo soo gaaray Puntland. 17. august 2009 Gaalkacyo(AllPuntlan d)- Raysalwasaaraha dowladda Faderaalka ee Soomaaliya Mr. Cumar Cabdi-Rishiid Cali Sharmaake iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalo Madaxda gobalka Mudug ee Gaalkacyo, waxaana soo dhaweeyey Wafdiga, Madaxweynaha dowladda Puntland oo hogaminaya dowladda Puntland. Raysalwasaaraha dowladda Soomaaliya Mr, Sharmaake waxaa ku waheliya socdaalkiisa xubno gaaraya 18 xubnood oo ka socda dowladda Soomaaliya, oo ay ku jiraan Wasiiro iyo Xildhibaano. Sadexda masuul ee ugu sareysa Puntland ayaa maanta soo dhaweeyey Raysalwasaaraha dowladda Faderaalka ee Soomaaliya, waxa ayna uga ku soo dhaweeyeen Garoonka Diyaaradaha oo ay ugu tageen, ka dibna waxa ay usoo galbiyeen Hotelka Taar city ee duleedka magaalada Gaalkacyo kuyaala ayna hada degan yihiin Madaxda dowladda Puntland. Wafdiga ayaa qadada ka dib waxa ay bilaabi doonaan la hadalka Masuuliyiinta Puntland, waxa ayna yeelan doonaan wada xaajoodyo ku aadan xaaladaha laga wada hadli doono, sida ay sheegayaan warar Madax banaan oo ka soo baxaya Magaalada Gaalkacyo. Saxaafada ayaa goor dhaw lasiin doonaa faahfaahin ku saabsan waxyaabaha ay dhinacyadu isla soo qaadi doonaan iyo goorta ay bilaabi doonaan Kulamadaasi oo waxyaabaha ugu muhiimsan ay yihiin xiriirka labada dhinan (Dowladda Puntland & Dowladda Faderaalka), Arrimaha Siyaasadaha dalka iyo Amaanka. F. C. Maxamed AllPuntland
-
No pics as of yet.
-
Ra'isal Wasaaraha Somalia oo ka dagey Galkacayo 17 Aug 17, 2009 - 4:28:11 AM Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid iyo wafti uu hogaaminayo ayaa hadda ka dagey 17 August,2009 Garoonka diyaaradaha magaalada Galkacayo halkaas oo ay kusoo dhoweeyeen Madaxweynaha Puntland iyo golayaashiisa dowladda. Waftiga Ra'isal wasaaraha ayaa waxaa uu ka kooban yahay Wasiiro iyo Xildhibaano kuwaasoo muddo sadex maalmood ah ku sugnaan doonaa Puntland. Wararka Garowe Online soo gaaraya ayaa sheegaya in Waftiga Ra'isal wasaaraha loo gudbiyey halkii ay ka dagi lahaayeenGalkacayo iyada oo la filayo in habeenka caawa ay bilaami doonaan wadahadalo dhexmari doonaa labada dhinac. Wadahadaladan ayaa ku saleysnan doona qaabka dowladda Puntland iyo Federaalka u shaqeyn lahaayeen inta la helayo maamul baahsan oo la mid ah kan Puntland. "Ka dagista Galkacayo Raísal Wasaraha Somalia ayaa ka dhigeysa in amaanka degaanada Puntland si buuxda ay gacanta ugu hayso dowladda kadib dilal ka dhacey halkas asbuucyadii la soo dhaafey", sidaas waxaa yiri sarkal magaciisa ka gabsadey oo ka tirsan maamulka Puntland oo la hadley Warsidaha. Sarkaalkaan ayaa warsidaha Garowe Online u sheegey in maamulk sare ee Puntland ugu shaqeyn doono Galkacayo sida magalooyinka kale ee Puntland [Garowe & Bosaso] wixii hadda ka dambeeya taasna ay tahay go'aan dowladdu gaartey. Safarka Raísal wasaaraha ayaa ka dhigaya kii ugu horeeyey ee ku tago maamulka Puntland tan iyo intii loo magacaabey xilkaan. Garowe Online,Garowe
-
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo Goor-dhaw soo gaaray Gaalkacyo. Ra’iisul wasaaraha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Cumar C/rashid Cali Sharma’arke ayaa waxa safarkiisa ku wehliya wasiirka Ganacsiga dowladda Soomaaliya Cabdirshiid Ciro iyo qaar ka mida ah Xildhibaanada Dowlada KMG ah. Madaxwayneha Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed C/raxmaan Maxamed Faroole iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladiisa ayaa ku soo dhaweeyay Ra’iisal wasaaraha iyo wefdiga la socda Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo, halkaasoo ammaanka aad loo adkeeyay. Wefdiga Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid oo ay galbinayeen Kolanyo gaadiid dagaal ah, ayaa waxa loo gudbiyay dhinac Hotel-ka “Taar City, halkaasoo ay horey u daganaayeen Madaxda Dowlada Puntland ee Soomaaliyeed. Muxuu ku saabsan yahay Safarka Wefdigani. Wasiirka Warfaafinta Dowlada KMG ah ee Soomaaliya Farxaan Cali Maxamuud oo wareysi siiyey La’aanta Af Ingiriiska ee VOA-da, ayaa waxaa uu sheegay in Ra’iisal wasaaruhu ,Madaxda Puntland kala hadli doono sidii Dowlada Federaalka ee Soomaaliya iyo Puntland uga wada shaqayn lahaayeen arimaha Milateriga iyo sidii xal kama dambays loogu helo lahaa Burcad Badeeda Soomaalida ee ka qowlaysta Xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed. ”Ra’iisul wasaaraha waxaa u degaanada Puntland safar ahaan u ku joogi doona labo ila 3-maalmood,waxaana u noqonaaya markii ugu horeysay oo uu safar ku tago Puntland tan iyo markii uu noqday Ra’iisul wasaare.waxaan rajaynaaya in safarkiisa ay ku wehelin doonaan Wefdi isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada iyo sidoo kale Ururada Bulshada”,ayuu yiri Farxaan Cali Maxamuud. Wasiirka ayaa beeniyey in Ra’iisul wasaaraha uu safarkiisa ka dambeeyay dilkii dhawaan Magaalada Gaalkacyo loogu geystay Wadaado Baaskitaaniyiin ah oo gaareeyey 7-qof kuwa oo lagu dilay shan ka mid ah Masjid ku yaala Galkacyo. ”Safarka waxaa u qorshihiisa bilaabmay 3-bilood ka hor,mana u tagaayo arimo ku sabsan Dilalkaasi ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta. ”Maamulka Puntland waxaa u kala hadli doonaa sidii aan isaga kaashan lahayeen dhinaca amniga,waxaa maanta ka dhaca Muqdisho, saamayn waxay ku yeelan karta Puntland,marka iskaashi dhex mara puntland iyo Dowladda Federaalka ah waa arin munaasib ah ayuu yiri” ayuu yiri Mar kale wasiirka warfaafinta dowlada Soomaaliya. Ugu dambayntii Farxaan Cali Maxamuud waxaa u Dowlada Puntland ee Soomaaliyeed ku amaanay Nabada iyo Xasiloonada ka jirta degaanada ay ka taliso oo ay dadweyne fara badan ku noolyihiin.
-
Delegation from Finland tour Puntland state PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
The important thing to note here is that the trip was a success and that the delegation are going back with their findings to Finland. -
News just in.
-
Galkacyu: Government to create a new competent admin
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
audio -
Galkacyu: Government to create a new competent admin
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Galakcyo, Aug 16 - Wareegto maanta ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa lagu magacaabay guddi qaabilsan ansixinta golaha deegaanka Galkacyo. Guddiga oo ka kooban 7 xubnood oo ka tirsan xukuumada Puntland ayaa waxaa ka mid ah wasiirada amniga, arrimaha gudaha, haweenka, iyo maamul-wanaaga. Madaxda dawlada Puntland ayaa ku sugnaa Galkacyo todobaadki ... [...] -
Galgaduud: More useless clan fighting between Ahlu Clan Shabaab clan
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Adeer don't get fooled by the new names there is a clear clan alignment at work. -
Garowe: Natiijadii Imtixaanka sannadka oo lasoo bandhigay & Omar Samatar oo kaalinta koowaad galay. 15. august 2009 APL Tool Garowe(AllPuntland)- Omar Samatar Secondry School ayaa ka soo dhex baxay Iskooladii Dugsiyada Sare ee Puntland, markii ay Ardayda Iskuulkaasi 99.5% ay ku baaseen Imtaxaanaadkii sannadkan ee ay soo diyaarisay Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliina sare ee Puntland, ayna ka qeybgaleen 10 Dugsi sare oo kuyaala deegaanada dowladda Puntland ee Soomaaliya. Wasiirka Waxbarashada ee Puntland Cabdi Faarax Juxa oo shaacinayay sidii loo kala helay Natiijada sannadkan ee Imtixaanka, ayaa sheegay in uu Iskuulka Omar Samatar noqday dugsiga sare ee ugu sareeya sannadkan, isla markaasna ay baaseen marka hal Arday laga reebo Ardaydii sannadkan ee Imtixaanka gashay. Sannadkan Imtixaanka waxaa uga qeybgalay Cumar Samatar arday gaaraysa 176 Arday, waxa ayna noqotey Natiijadii noqotey in uu ka dhacay oo kaliya hal arday, isla markaasna ay baaseen 175 Arday, taasoo noqotey mid uu kaga soo baxay Iskooladii kale ee Imtaaxinkan ay Ardaydu uga qeybgashay, ayagoo kala helay Ardaydaasina. 26 Arday ayaa keentay Kaalinta (A), 46 Arday ayaa keentay (B), 64 Arday ayaa keentay ©, 34 Arday ayaa keentay (D), 1 Arday ayaa keenay (E), taasoo tirada guud ka dhigtay in uu dhacay Hal arday, isla markaasna intooda kale ay noqdeen kuwa baramoosay, ayagoo niyad wanaag ka qaaday Baasidaasi. Wasiirka Waxbarashada Cabdi Faarax Juxa ayaa shaaciyey sidoo kale Sadexdii Arday ee ugu dhibcaha sareysay Imtaxaanka Sannadkan, wuxuuna shaaciyey magacyada Sadexdaasi Arday, Iskuulada ay ka yimaadeen iyo Deeqaha Waxbarasho ee loo dirayo. A: C/laahi Maxamed Muuse, Wuxuu ka soo baxay Omar Samatar-Galkacyo, wuxuu helay 554 Dhibcood, wuxuu baranayay Saynis, wuxuu keenay 8 (A), waxaa loo dirayaa deeq Waxbarasho oo laga helay dalka Suudaan. B: Axmed Siciid Cabdule, wuxuu ka soo baxay Ganbool-Garowe, wuxuu baranayay Saynis, wuxuu helay 550 Dhibcood, wuxuu keenay 8 (A),waxaa loo dirayaa deeq Waxbarasho oo laga helay dalka Suudaan C: Maxamed Xuseen Cabdulle, Wuxuu ka soo baxay Omar Samatar-Galkacyo, wuxuu baranayay Saynis, wuxuu keenay 546 Dhibcood, waxaa loo dirayaa deeq Waxbarasho oo laga helay dalka Suudaan. Dhinaca Gabdhahana waxaa ugu sareysa Gabar la yiraahdo Xayaad Maxamed Cabdi, kana timid Dugsiga sare ee magaalada Boosaaso ee gobalka Bari, waana Gabadhii ugu sareysay ee sannadkan usoo fariistay Imtixaanka ku guuleysatay. Wasiirka Waxbarashada Puntland wuxuu cadeeyey in ay heleen deeqo badan oo Waxbarasho, isagoo sheegay in ay hada doonayaan in ay diraan Arday gaaraysa 17 Arday, oo ah kuwii ugu sareeyey ee Imtixaanka, isla markaasna ay udirayaan dalka Suudaan oo ay ka heleen deeq Waxbarasho. Cali C/laahi Warsame, Agaasimaha Qeybta Tacliinta sare ee Wasaarada Waxbarashada, isla markaasna ka mid ah xubnaha aadka ugu taagan in ay wax noqoto Waxbasharada Puntland, gaartana meel wanaagsan oo maanta la hadlayay Ardayda loo dirayo Deeqda Waxbarasho ayaa kula dar-daarmay in ay wax bartaan, isagoo cadeeyey in ay doonayaan in ay wax fiican dadku noqdaan, wuxuuna sheegay in ay heli doonaan fursado badan oo Waxbarasho oo wax loogu qabanayo Ardayda Puntland. F. C. Geylan AllPuntland
-
Garowe: Puntland oo markii ugu haraysay 11 sanno ka dib mideysay Manaahijta Dugsiyada Sare ee Puntland. 15. august 2009 Print This Article | Daabaco warkaan Garowe(AllPuntland)- Dowladda Puntland ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ku guuleysatay 11 sanno ka dib in ay mideeyaan Manaahijta Dusgiyada sare ee Puntland, waxaana shalay looga dhawaaqay arrintan Wasaarada Waxbasharada iyo Tacliinta Sare ee Puntland. Wasaarada Waxbarashada ayaa ku guuleystay keenida qorshahan oo ay mudo dheer keeniwaayeen Wasaaradihii ka horeeyey, waxaana laga soo bilaabo 1998-dii ay Dugsiyada sare kala ahaayeen kuwa kala mawqifyo duwan, balse hada la gaaray waqtigii la mideyn lahaa. Wasiirka Waxbarashada Cabdi Faarax Juxa ayaa shalay kaga dhawaaqay caasumada Puntland, wuxuuna sheegay in ay dhamaanba Manaahiijta Dugsiyada Sare la mideeyey, isla markaasna ay isku wax dhigan doonaan Ardayda dhigta Dugsi sare oo walba oo ka jira Puntland. Kulan dheer oo mudo todobaad ah usocday Maamulayaasha in ka badan 38 Iskuul oo kuyaala Puntland, ayaa go'aamiyey in qorshahaasi la taabagaliyo, ayagoo isku raacay in ay talaabo wanaagsan tahay, waxa ayna talaabo horukac ah ku sheegeen talaabadan maanta la qaaday. Agaasimaha Qeynta Tacliinta Sare ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta ee Puntland Cali C/laahi Warsame, ahaana Lataliyihii howshan balaaran soo agaasimay, ayaa sheegay in ay wadayaan dadaalkan, wuxuuna ku wareejiyey Wasiirka Waxbarashada qoraal ay ka soo sameeyeen 12-ka Maado, ee lugu barto dugsiyada Sare ee Puntland. Wasaarada Waxbarashada ayaa shaacisay in ay sannadaha nagu soo dhaw ay waraaqaha urogi doonto Buugaag, ayna geyn doonto meel walba oo ka mid ah Dugsiyada sare ee Puntland, waxa ayna shaacisay in aysan ka fariisan doonin Qorshahaasi. Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa ka mid noqotay wasaaradaha ka soo dhex muuqday waqtigan Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Faroole, waxa ayna qabatay waxyaabo badan oo ay ku amaanayaan dadka Reer Puntland, ayadoo markii ugu horeysay utagtay dalalka Caalamka qaarkood in la aqoonsado Shahaadada Dugsiyada sare ee Puntland, taasoo noqotey mid ay ku farxeen Shacabka gobalada Puntland.
-
Delegation from Finland tour Puntland state PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
The Finish delegation were impressed with the peace and development of Puntland. It was a sucsess. -
Delegation from Finland tour Puntland state PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Delegation from Finland tour Puntland state PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
With Governor of Bari & Mayor of Bossaso -
Delegation from Finland tour Puntland state PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Carmo Police camp -
Delegation from Finland tour Puntland state PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics