General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Very good news indeed. We hope our people in Gedo gain the peace they deserve.
  2. Its good news. Hiiraan naturally is a beautiful region.
  3. Dawoco- Happy 33rd Birthday darling I remember when you used to walk me to school and teach me German, those were the days Eid Mubarak girl, double the celebrations huh..
  4. 'Soft landing' for Somalia's interim govt Mogadishu 18 January 2005 14:11 Officials in Somalia's capital on Tuesday urged the country's interim government to return home from exile in neighbouring Kenya, saying residents in bullet-scarred Mogadishu were ready to welcome it. "Mogadishu is peaceful enough and ready to welcome the new Somali government as well as hand over national institutions," said governor Abdullahi Firibi. Firibi said banditry in the capital, the seat of government under ex-dictator Mohammed Siad Barre until his ouster in 1991, posed an insignificant threat to President Abdullahi Yusuf Ahmed and his team. "All major faction leaders are in the government and their gunmen who control most of the capital have promised to offer security," Firibi said. "Therefore, I don't predict any more violence at this stage." Mogadishu mayor Ibrahim Shawe also assured Yusuf of a "soft landing," when he relocates to try and exert authority in the shattered nation, which has been a theater of anarchaic bloodletting since Barre was overthrown. "Isolated banditry incidents take place in New York, Nairobi or Riyadh, and Mogadishu is the same," he said. "No major militia force that would sabatoge the relocation is here. Most armed men want rehabilitation and demobilisation," Shawe added. Mogadishu warlords and clan chieftains, who are represented in a new Cabinet named in Nairobi earlier this month, have pledged to back Yusuf when he decides to return home. Yusuf vowed last week to relocate the government to Somalia as soon as possible in a bid to fill to the 14-year power vacuum in the anarchic Horn of Africa state, but some have baulked at returning until security improves. Since December, more than 100 people have been killed in inter-clan clashes in Somalia. But on January 6, the African Union announced it had agreed in principle to deploy a peace support mission to Somalia that would help install the transitional government. Such a mission would be the first international force to enter Somalia since United Nations and United States troops withdrew in 1995 amid escalating unrest. Yusuf, a member of the Darot clan from Somalia's northeastern region of Puntland, himself is unpopular in Mogadishu, a city controlled by numerous warlords from the rival ****** clan. Animosity between the two clans was fueled during Barre's regime, himself a Darot, who was a staunch nepotist in his 22 years of iron-fisted rule. Gunmen in the capital spoke of willingness to show "great loyalty as they are fed up with war." - Sapa-AFP
  5. Wisdom I spoke Many hearts I broke Collided with folks Who thought I was Joke Never drove a car Yet a super star Blinded by light Always in a fight Men struggle Everyday hustle Gifted yet retarded Shadows stalk Never thought I would walk Simple meaning in a puzzle Visions blurred Life’s absurd
  6. Good news indeed.. BEESHA CAALAMKA OO OGOLAATAY TAAGEERADA SOOMAALIYA (Shir Jaraa’id uu qabtay Ra’iisul Wasaare Geedi) Ra’iisul Wasaare Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in beesha Caalamka ay ogolaatay sidii ay uga taageeri laheyd dhinaca dhaqaalaha Xukuumada Soomaaliya ee uu ra’iisul Wasaaraha ka yahay, isagoo sheegay in kulankii shalay ee ay a yeesheen beesha caalamka ay u gudbiyeen baahida iyo waxyaabaha beesha caalamka looga baahan yahay isla markaana ka aqbaleen xubnihii shalay ee ka socday dalalka deeqda bixiya.sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha waxaa uu sheegay in waxyaabihii ay ka codsadeen beesha caalamka in ay ka mid ahaayeen taageerada dhinaca Nabada iyo dib u dhiska dalka. Shir jaraa’id ee uu qabtay Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa garbahiisa fadhiyay Wasiirka Arimaha Dibada Prof. C/laahi Sh. Ismaaciil, Wasiirka Iskaashiga Gobolka Ismaaciil Hure Buubaa, iyo Wasiirka Warfaafinta Maxamuud C/laahi Jaamac (Sifir) isla markaana ah Ra’iisul Wasaare Ku xigeen, sidoo kale shirkaasi Jaraa’id waxaa koob joog ahaa Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Qaramada Midoobay aysan ka lug jiideyn wax u qabashada Soomaaliya diyaarna ay u yihiin wax ka qabashada dib u dhiska iyo dhinaca Nabada. Cali Muxiyaddiin Cali muxiyaddiin@hotmail.com Midnimo Information Center Xafiiska Midnimo ee Muqdisho wararka@midnimo.com
  7. Iran will be the end of the US in the Middle East.
  8. Madaxweyne Cadde Oo Shir Kula Yeeshay Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Jiida Hore. Jiidda Hore(Radiolascaanod.com)Mon.17/01/05:- Madaxweynaha DGPL Md.Cadde Muuse iyo wafti kooban oo uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Col.C/laahi Jaamac Gayre iyo la taliyaha madaxweynaha xagga ciidmada Col.Carays. ayaa saaka soo gaadhay Jiida hore ee ay ciidamada Daraawiishtu ku sugan yihiin. Madaxweynaha oo saaka goor hore ka soo anbabaxay Magaalada Garoowe ayaa si toos ah isaga oo aan soo marin magaalada Laascaanood ugu gudbay Goobta ay ciidamadu ku sugan yihiin. Waxaana uu halkaasi kula kulmay saraakiisha iyo Ciidamada Daraawiishta, oo iyagu aan muddo sannad ku dhow wax mushahar ah qaadan, waxa kale oo uu madaxweynuhu kala hadlay sidii ay u sii xoojin lahaayeen difaacada dalka. Kulankan uu ciidamada daraawiishta saaka la yeeshay ayaa waxa kale oo ciidmada loogu sheegay in ay helidoonaan sadex bilood oo ka mid ah mushaharkii ka maqnaa mudada dheer, iyada oo tira koob rasmi ah lagu samayan doono. Booqashadan oo ah tii ugu horaysay oo uu madaxweynuhu ugu baxo Gobol ka mid ah Puntland tan iyo markii la caleema saaray ayaa, iyadu u eg in uu guda galay Madaxweyne cadde sidii uu culayska u saari lahaa difaaca taas oo uu ku balan qaaday Khudbadii uu ka jeediyey golaha wakiilada Puntland xilligii doorashada ,waxa kale oo la filayaa in uu booqandoono gobo kale oo ka mid ah hay’adaha kala duwan ee gobolka. Madaxweynaha ayaa waxa kale oo lagu wada ain uu maanta galinka danbe ka anbabaxo magaalada Laascaanood. Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Puntland Md.Xasan Daahir Afqudhac ayaa lagu wadaa in uu u anbabaxo dhinaca gobolka Sanaag halkaas oo ay ka jirto xurguf laba beelood u dhaxaysa lagagana shaqeeyo sidii loosoo afjari lahaa xiisada labada beelood ee walaalaha ah dhexmartay. Radiolascaanod.com radiolascaanod@yahoo.com
  9. Gen. Cadde Muse Oo Booqday Lascanod, Kuxigeenkisi Oo Booqanaya Sanaag...Afar Iyo Badh Somaliland.Org — Laascanod, Somaliland — 17 January, 2005 -------------------------------------------------------------------------------- Waxa maanta soo gaadhay aaga magaaladda Laascaanod madaxweynaha cusub ee maamul goboleedka Puntland, Gen. Cadde Muuse Boqor. Waxa uu halkaas Gen. Cadde kula hadlay ciidamadda Puntland ee ku sugan jiida hore. Dhinaca kale, waxa lagu wadaa in dhowrka cisho ee soo socda uu Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Xasan Daahir Af qudhac uu booqasho ku yimaado gobolka Sanaag oo uu dhalasho ahaan kasoo jeedo. Waxa maalmahan danbe ka jirey gobolka Sanaag xurguf laba beelod o kaso kala jeeda beelaha *********** iyo Warsangeli oo iska dilay dad. Akhristow haddaba hadaad warkan akhrisid ood is weydiisid Sool iyo Sanaag’ta laga hadlayaa miyaanay ahayn kuwii Somaliland ka tirsanaa, keliga ama tihid ee ogow. Labada gobol ee kor kuk xusan, labaduba waa gobolo ka mid ah Somaliland, laakiin sida aad aragtid waxa iminka si buuxda maamulkudo gacanta ugu galay maamul goboleedka Puntland. Madaxda Somaliland,kuwo Baarlamaan, kuwo Xukuumaded iyo kuwa kaleba ha noqdeene waxa la weydiinaya dalkii Somaliland halka ay ku og yihiin. Madaxweyne Rayaale waxa aanu si gaar ah u weydiinaynaa oonu leenahay: Mudane Madaxweyne dalkii Somaliland markii taladiisa laguu dhibay waxa uu ka koobnaa lix gobol, maantana afar iyo badh ayaa kasii hadhsan ee berrina maxaa soo socda? www.somaliland.org
  10. Wefdigii DFKMG ah ee Garoowe ka yimid oo Muqdisho soo gaaray(Madaxweynihii Puntland & xubno uu ku jiro Yuusuf bari-bari oo xaafado ka mid ah Muqdisho soo maray Dawa sawiradooda ) Muqdisho Bari Bari iyo Ibbi Wefdigii dowladda FKMG ah ee Soomaaliya ee socdaalka ku soo kala bixiyey deegaano ka tirsan gobolada Puntland, gaar ahaan deegaano ay ka mid ahaayeen Garacad & Bandar-beyla ayaa saaka ka soo degay garoonka dayniile ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, haweenka horseedka nabadda & nolosha, & waxgarad kala duwan oo ay ku jiraan ururada haweenka gobolka Banaadir. Maxamed Cabdi Xaashi Xubnaha wefdigan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Tamarta Maxamed Nuuraani Bakar, Wasiir ku Xigeenka Caafimaadka Cismaan Maxamuud Dufle, Wasiir ku Xigeenka Lacagta Mire Xaaji, & Afhayeenka Madaxweynaha Yuusuf Ismaaciil Bari-Bari & suxufiyiin ayaa waxaa socdaalkooda ku wehliyey madaxweynihii hore ee Puntland Max’ed Cabdi Xaashi, iyaga oo markii ay ka soo degeen garoonka dayniile ay soo mareen xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, waxaana wefdigaasi ay ku hakadeen Istuudiyaha Idaacadda Horn Afrik halkaasoo uu warbixin ku saabsan waxyaabihii wefdigu ay kala soo kulmeen deegaanadii ay booqdeen ka soo jeediyey wasiir ku-xigeenka caafimaadka Prof. Cusmaan Max’uud (Dufle) oo sheegay in socdaalkoodu uu ku soo dhammaaday si guul ah, wuxuuna xubnaha wefdiga oo qaarkood ay 14 sano ka hor ugu danbeysay magaalada Muqdisho uu ku soo dhoweeyey. Wefdiga ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay dib ugu laabtaan magaalada Nairobi, waxeyna Muqdisho iska sii raacayaan xubno uu ku jiro wasiiru-dowladaha xiriirka baarlamaanka & xukuumadda Prof. C/raxmaan Ibbi oo isagu lugtii hore ku haray Muqdisho, kadibna socdaal indha-indheyn ah ku tegay magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose Ku noqo beejka Cabdishakuur Cilmi Xasan ,Dayniile Muqdisho cabdishakuur@dayniile.com webmaster@dayniile.com
  11. Cali Maxamed Geedi: " Shaki kuma jiro in Madaxweynaha uu tagayo Muqdisho, waayo Muqdisho waa Caasimadii Dalka, anagu waxaan u soconaa sidii aan u sii diyaarin laheyn goobihii Xukuumada iyo sidii Madaxweynaha iyo inta kale ee Dawlada ay u tagi lahaayeen Muqdisho, waxaase jirta in ay jirto sharuud ah in Dadka reer Muqdisho ay ka shaqeeyaan amaanka iyo sidii ay Muqdisho uga dhigi lahaayeen Caasimadii Wadanka oo qof kasta oo Soomaali ah uu tagi karo joogi karo, kuna noolanaan karo". Link to the article... http://www.markacadeey.com/jan/20050115_5.htm (War bixin ku saabsan kulan Albaabada u xirnaayeen oo ay yeesheen golaha Wasiirada) January 15, 2004
  12. Daladda Culimada Soomaaliyeed ee Muqdisho oo dadweynaha ugu baaqay inay soo dhoweeyaan Dowladda Federaalka By Maxamed Aadan Maxamed Posted to the web 16-01-2005, 16:26:57 Muqdisho:- Daladda culimada soomaaliyeed oo fadhigoodu yahay magaalada muqdisho ayaa dadweynaha soomaaliyeed gaar ahaa reer muqdisho ugu baaqay in ay soo dhaweeyaan xakuumada uu Ra’iisul wasaaraha ka yahay Cali Maxamed Geeddi. Culimada ayaa waxa ay baaqooda ku sheegeen in ay muhiim tahay soo dhaweynta Dowlada Faderaalka Soomaaliyeed oo iyadu wufuud ka mid ah lagu wado in ay soo gaaraan dalka gaar ahaan caasimada Muqdisho. Soo dhoweynta iyo taageero la siiyo dowlada ayay culimada soomaaliyeed ku sheegeen in looga gudbi karo dhibaatada shacabka soomaaliyeed haysatay 14 sano oo ay dowlada la’aantu jiray. Maxamed Aadan Maxamed Puntlandpost, Muqdisho, Soomaaliya
  13. SHIR LOOGA HADLAYEY SOO DHOWEYNTA IYO TAAGEERADA DOWLADDA KMG AH OO SAAKAY KA DHACAY XARUNTA VILLA SOMALIA 11 degmo oo hoos taga Isbaheysiga SNA ee uu Madaxda ka yahay Wasiirka arimaha Gudaha isla markaasna ah Ku xigeenka ra'iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xuseen Maxmed Caydiid ayaa saakay ka dhacay xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho, waxaana shirkaasi looga hadlayey taageeraada Barnaamijka Dowladda KMG ah, iyadoo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Arimaha Gudaha Isbaheysiga SNA Khaliif Cali Shire. Guddoomiyaha waxa uu sheegay in Isbaheysiga SNA ay diyaar u yihiin sidii ay u soo dhoweyn lahaayeen xukuumad cusub maadaama buu yiri Ra'iisul Wasaaraha iyo Wasiirka arimaha Gudaha ay hormuud ka yihiin dib u soo laabashada Dowladda ee dhinaca Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ururada bulshada qeybaheeda kala duwan ay diyaar u yihiin soo dhoweynta xukuumada cusub isagoo sheegay in 11-ka degma ee hoos yimaada maamulka Isbaheysiga SNA ay kala yihiin: Degmada Yaaq Shiid - Degmada H/wadaag - Degmada Xorriyo - Degmada Dhar Keynley Degmada WadaJir - Degmada Waaberi - Degmada Boon Dheere - Degmada Xamar Jajab Degmada Xamar weyne - Degmada Wardhiigley - Degmada Hodan. Sidoo kale Guddoomiyaha Arimaha Gudaha Isbaheysiga SNA Khalif Cali Shire waxaa uu sheegay in Isbaheysigoodu uu gacanta ku haayo koogo far badan oo muhiim ah sida Madaxtooyada Villa Somalia, National Tiyaatar, Radiyo Muqdisho, Guriga Hooyooyinka, Golaha shacabka, Maktabka Qaranka, Miyuusimka, Qaar ka mid ah Safaaradihii Shisheeye ee dalka sida Safaarada Shiinaha iyo kuwo Kale, sidoo kale wuxuu xusay Guddoomiyaha in Isbaheysigooda uu gacanta ku haayo in ka badan 100 guri oo ay laheyd dowladdii hore haatana lasoo degi karo. Cali Muxiyaddiin Cali muxiyaddiin@hotmail.com Midnimo Information Center Xafiiska Midnimo ee Muqdisho wararka@midnimo.com
  14. Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Toddobaadkan u Safraya Muqdisho Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii ugu horeeyay ku yeeshay magaalada Nairobi ilaa iyo marki Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay Xukuumada iyo Barnaamijkeeda Siyaasadeed Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Naironi Keya axmeddheere65@hotmail.com Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya. Geedi Wasiirada Wasiir ku xigeenka hub ka dhigista, Geescade Kulankii ugu horaayay golaha wasiirada Jamhuuriyada Federaaliga ku meelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmiya uga furmay Hotelka Hilton ee Magaalada Nairobi. Kulanka waxaa gudoominayay Raysulwasaaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi, waxaana xaadir ku ahaa inta badan xubnaha golaha wasiirada, wasiiru doowlayaasha iyo wasiiro ku xigeenada Jamhuuriyada Faderaaliga ku meelgaarka ah ee Soomaaliya. Kulanku waxa uu furmay 10kii subaxnimo saacada Afrikada Bari ee Magaalada Nairobi. Waxaana wasiiradii iyo wasiiro ku xigeenadii soo xaadiray tiradooda ahay 81 xubnood. Waxaana hadalka furay Raysulwasaaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi, isaga oo sheegay hadal hordhaca ah iyo ajandaha shirka intaas ka dibna waxa uu codsaday in saxaafada iyo dadwaynaha kale ay ka baxaaan goobta shirka isagoo intaa raaciyay in markii kulanku dhamaado saxaafada u war siin doono. Abarhii 2:15 Daqiiqo ayuu soo gaba gaboobay shirkii golaha wasiirada Soomaaliyeed waxaana saxaafada u yeeray raysulwasaaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi. Waxa uuna hadalkisii ku bilabay Sidan: Salaan Diiran oo saxaafada u qaasa iyo bogaadin ka ka dib, Maanta oo ay taariikhdu tahay 15/1/2005 waxaan iskugu nimid shirkii ugu horeeyay ee Golaha Wasiirada Jamhuuriyada Faderaalka ku melgaarka ah ee Soomaliya, markii golaha Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay Xukuumada shirkaas waxaa lagu qabtay Hotelka Hilton ee magaalada Nairobi ajandihiisuna waxa ay ahaayeen labo qodob oo kalla ah sidan Qodabka koowaad waa sidii loogu guuri lahaa wadanka Soomaaliya oo ay dowladu dalka Soomaaliya u aadilahayd waxna uga qaban lahayd masiibada iyo colaadaha Soomaaliya qaabkaas iyo Imkaaniyaadkiisa , ma ahan gudiyada aan halkan ku magacaabnay maanta ee kan ugu balaarani waxa uu tagi doonaa Magaalada Muqdisho oo ah caasimada Dalka ma ahan mid sahan u socda ee waa mid ka turjumaya qaybtii Koowaad ee guuritaanka Dalka loo guuri lahaa, gudigaas aniga ayaa hogaamin doona hadii alaha awooda lihi ogolaado, waxa kaloo halkan lagu magacaabay gudi qaabilsan taakulaynta dhamaan Golaha Xukuumada iyo Ergooyinki Soomaaliyeed ee Shirka ka qayb galay iyo qaybaha kalla duwan ee Jooga wadanka Kenya iyo sidii ayuguuri lahayeen. Waxaan kaloon magacaawnay gudi kale oo la xaajoon doono deeq bixiyaasha iyo beesha caalamka sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen Guuritaanka Doowlada ee dagdagta nagu ah. Gudiga balaaran ee muqdisho ka dagi doona ee aan anigu hogaamin doono waxaa ka sii dhax bixi doona marki uu muqdisho tago gudi hoosaad iyaguna fariinta Xukuumada gaarsiindoona, Gobolada Shabeeada dhaxe Shabeelaha Hoose Hiiraan & Galguduud. Halka dhinaca kale Asbuuca danbe ayanu dib umagacaabi doono iyagana gudiyo u shaqo taga Gobolada Jubooyinka, Bay iyo Bakool, Gedo iyo Puntland, Gudiyadaas macnahooda ma ahan in ay inta soo sahmiyaan hadana dib noogu soo noqdaan inagoo joogna Dalka Kenya laakiin waxaa war bixinada lagu kalla qaadan doonaa wadanka Soomaaliya gudihiisa. Gudiga Muqdisho aniga ayaa hogaaminaya Farsamo ahaana waxaa diyaarinaya Raysulwasaare ku xigeenka ahna wasiirka Arimaha Gudaha Eng. Xuseen Maxamed Farax Caydiid , Gudiga Diyaarinaya taakulaynta iyo Deeqda lagu safri doono waxaa hogaaminaya raysulwasaare xigeenka ah wasirka maaliyada Dr Salim Caliyoow Ibroow. Gudiga la doodaya Beesha Caalamka uu hogaaminayo raysulwaasare Xigeenka ahna Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dr Maxamuud Cabdulahi Jaamac Sifir. Sadaxdaa raysulwasaare xigeen ayaa kalla hogaamin doona Gudiyada waxaana iskugu soo noqon doonaa shirka golaha wasirada Arbacada Fooda nagu soo haysa si ay gudiyadu warbixinadooda ugu keenaan golaha Wasiirada ka dibno loo go' aamiyo. Dhinaca kale raysulwasaaraha Soomaaliya waxa uu shaaca ka qaaday in Afhayeenka Xukuumada uu yahay wasirka wasaarada Warfaafinta si buu yiri loo sugo midnimada Golaha Wasiirada isagoo sheegay in aan loo bahnayn in wasiir waliba waxa isagu rabo sheego. Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Naironi Keya axmeddheere65@hotmail.com
  15. lets wait and see I have only seen this in Hiiraan.com.
  16. Xasan Dahir and his day dreams will go no where for no one will allow turning Mogadishu into a theater of war. If he had any power he would have taken control of Mogadishu long ago. His lack of power is obvious and remember Abdullahi routed his well equiped Alitihad forces in 1993. The assination story itself is a joke, a way of keeping in place Somalia's well earned image of a lawless, clueless and savage land in which evryone hates each other for clan differences.
  17. Jen. Moorgan oo dhowaan si nabad ah uga degaya Magaalada Kismaayo kadib heshiis qarsoodi ah oo lagu gaaray Magaalada Nairobi Axad, January 16, 2005 (HOL) @15:00GMT: Warar aynu ka helnay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in Jen. Maxamed Saciid Xirsi (Moorgan) uu ka degi doono Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ka hor inta aaney dhamaan bishan, waxayna taasi ka dambeysay kadib heshiis hoose oo la sheegay in lagu gaaray Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya. Wararku waxay sheegayaan in Xildhibaano ku abtirsada Wasiirka Dib u dhiska Xukuumadda Federaalka Col Barre Aadan Shire (Hiiraale) iyo Jen. Moorgan ay wada hadallo is dabajoog ah ku lahaayeen Magaaladda Nairobi, kuwaasoo uu aad uga soo shaqeeyay wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo lagu Magacaabo Maslax Maxamed Siyaad. Jen. Moorgan ayaa isugu ka gaabsaday inuu arrintaasi wax faah-faahin ah ka bixiyo mar uu wargeyska Sanca Press wax ka weydiiyay, halka uu jiritaanka arrintaasina gebi ahaanba beeniyay Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar oo dhismaha dowladda cusub ka hor ku xigeen u ahaa Col. Barre Hiiraale. Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  18. Wafdi uu Hogaaminayo Md. Geeddi oo Muqdisho Ku soo Fool Leh Sidaa ay xusayaan waraka ka imanaya magaalada Nayroobi ee waddanka Keenya waxa uu raiisulwasaare Cali Geedi uu magcaabay wafdi ballaaran oo isugu jira xildhibaano iyo wasiiro oo reer Koonfur u badan kuna soo jeeda Muqdisho oo uu isagu horkacayo. Wafdigaan uu raiisulwasaare Geedi uu soo horkacayo ayaa waxa ka mid ah: - Xuseen caydiid - Muuse suudi Yalaxaw - Salaad Cali Jeelle - Axmad Ducaale Geelle " Xaaf " - Maxamad Jaamac Furax - Bootaan Ciise caalin - Cusmaan Xasan Cali " Caato " - Maxamuud Salaad - Maxamad Sheikh Maxamud Guuleed" gacmadheere" - Maxamad Qanayre Afrax - Cumar Maxamad " Filish " - Cabdalla Deeraw ***** - C/kariim Axmad cali - Maxamad Cusmaan Maye - Col. Shaati guduud - Sh. Aadan Madoobe - Cali Ismaaciil Cabdi "Giir" - Cabdi Xaashi C/llaahi . Xubanhan uu hoaaminayo raiisulqwasaaruhu ayaa lafilayaa in ay dhawaan soo gaaraan dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho ,iyadoo sidoo kalana uu magacaabay guddi dhaqaale u raadiya dawladad oo madax looga dhigay Saalim Calaiyaw Ibraw ,oo ay ka midyihiin C/llaahi Sh. Ismaaciil, Ibraahin Kiish buur ,Fawsiyo Maxamad Sheikh, C/risaaq Juriile, Fahmo Axmad Nuur . Sidoo kale raiisulwasaare Geedi waxa uu magacaabay guddi isna ka shaqeeya Iskaashiga Caalamiga ah oo iyana safarro kala duwan ku soo kala bixinaya waddamo kala duwan iyadoo guddigaasna uu hogaaminayo Maxamad Jaamac Sifir . Haddaba sida muuqata raiisulwasaaruhu waxa uu hawl geliyay golihiisa wasiirada isagoo shaqooyin kala duwan u dhiibay taas oo meesha ka saaraysa fadhi ku dirirka Nayroobi iyo huuhaada aan macnaha lahayn oo lagu mashquulsanaa . C/llaahi khadar Budbud33@hotmail.com
  19. Ra'iisal wasaaraha iyo Wefti uu hoggaaminayo oo Muqdisho ku fool leh iyo baaq uu u jeediyey Shacabka Soomaaliyeed By Dharbaaxo Posted to the web 15-01-2005, 14:21:16 Nairobi:-Golaha Dawladda FKMG ah ayaa waxay maanta ku yeesheen kulan Hotelka HILTON ee magaalada Nairobi ee caasumadda Kenya,iyadoo kulankaas uu guddoominayey Ra'iisal wasaaraha Daladda FKMG ah Cali Maxamed Geedi,waxayna Xubnaha Xukuummaddu kulankooda uga falanqoodeen sidii dalka dib loogu noqon lahaa si Dawladdu uga hawlgasho gudaha. Ra'iisal wasaaraha Dawladda FKMG ah Mudane Cali Maxamed Geedi oo isagu shir jaraa'id qabtay markii uu soo gabagaboobay shirkii Wasiirada ayaa waxa uu xaqiijiyey in kulanka Xukuummadda ahaa sidii dalka loogu laaban lahaa,isagoo sheegay inay dhawaan u kicitimi doonaan magaalada Muqdisho wefti ballaaran oo ka socda Dawladda,kuwaasoo markay gaaraan Muqdisho wafuud u kala diri doona Gobolada,Hiiraan,Shabeellada hoose iyo Shabeeladda Dhexe. Isagoo shaaca ka qaaday inuu hoggaamin doono wafuudda si loo darso xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho,loogana dhaadhiciyo shacabka inay Dawladdda ku soo dhaweeyaan sidii looga dajin lahaa Muqdisho oo ah Caasumadii dalka,isagoo sheegay inay todobaad ka dib tagi doonaan weftiyo socdaal ku aadi doona Gobolada dalka si loogu gogol xaaro Dawladda,waxayna ahaaan doonaan weftiyada kala duwan ee loo dirayo dalka kuwa ku sii sugnaan doona gudaha dalka oo aan dib ugu soo noqon doonin Nairobi . Cali Maxamed Geedi ayaa waxa uu u sheegay Saxaafadda in maanta la sameeyey Guddi farsamo oo isku dubada rida socdaalka wafuudda aadaysa dalka oo uu madax u yahay Ra'iisal wasaare ku xigeen ahna Wasiirka arrimaha gudaha Xuseen Maxamed Caydiid,Gudi soo diyaarin doona farsamadii Dawladdu dalka dib ugu noqon lahayd oo uu madax u yahay Ra'iisal wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Maaliyadda Saalim Caliyow Ibrow iyo Gudi qaabilsan wada xaajoodka u dhaxeeya Dawladda iyo Beesha caalamka oo uu madax u yahay Ra'iisal wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Warfaafinta Maxamuud Cabdullaahi Jaamac(Sifir),isagoo tilmaamay inay maalinta Arbacada ah ee socota kulan isugu imaan doonaan Golaha Wasiiradu lagu go.aamin doono wakhtiga wefti Muqdisho aadaya bixi doonaan. Waxa uu Geedi ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay si wada jir ah u soo dhaweeyaan Dawladda,islamarkaasna gacan ku siiyaan sidii ay dalka hubka uga dhigi lahayd,isagoo si gaar ah uga codsaday dadka Reer Muqdisho inay gacmo furan ku soo dhaweeyaan Dawladda ka caga dhigashadeeda Caasumadda Soomaaliya ee Muqdisho. Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo Puntlandpost,Nairobi,kenya
  20. Madaxweynaha Soomaliya Ha Noolaado. Ra’iisal Wasaaraha Soomaliya Ha Noolaado. Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaliya Ha Noolaado. OG, thanks for the update. Our beloved President will meet his ends when his time is up. I guess inside Somalia amongst his people he will be safe. The government is leaving Kenya and it must in order to do what it was created for.
  21. Madaxweyne Cabdulahi Yusuf oo markii labaad isku day dil ka badbaaday balse xabsigga la dhigay markaan. Waagacusub.net Nairobi 15/01/05 Madaxweynaha Dalka Somaliya Cabdulahi Yusuf Axmed ayaa marki labaad ka bad baaday isku day dil kadib markii haweeneey hubeeysan ay u soo xira taraartay maalintii Xafladda Sudan ee Dalka kenya. sida ay daabacday Jariiradda ISLAMMEMO ee ka soo baxda dalka Sudan haweeneeydaas ka taqalusi rabtay Madaxweyne Cabdulahi Yusuf waxaa gacanta ku dhigay Ilaaladda Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Dalka Mareykanka Collin Powel kuwaas oo u gacan geliyay Ciidamadda dabagalka Dalka kenya . Haweeneeyda oo ay Iminka gacanta ku hayaan Boliiska Nairobi ayaa su'aalo laga weeydiinayaa cida soo dirtay iyo sababaha ku kaliftay inay dishaa ama toogato Madaxweyne Cabdulahi Yusuf. si kastaba ha ahaatee waa Markii labaad ee Madaxweyne Cabdulahi Yusuf ka badbaaday isku day dil oo lala damacsanaa. Midka Mid ah Ilaaladda Collin Powel oo u waramayay saraakiil dhinaca dabagalka kenya ayaa tibaaxay inay haweeneeydaas dareemeen kadib markii wejigeedda uu ka muuqday dhidid fara badan aad u naxsaneed wejigeedana ahaa mid fiigtaal ah,sarkaalkaas wuxuu intaas ku daray inay si degan gacanta ugu dhigeen markii ay wax badan eegeen indhaheedda oo ku sii jeeday dhanka Madaxweyne Cabdulahi Yusuf oo ay ka soo horeeyeen Madax fara badan. Si kastaba ha ahaatee qabashadda haweeneeydaas ayaa laga dhigay mid qarsoodi ah oo aan la shaacin ilaa iyo hadana ma jiraan Cadeeymo buuxa oo sheegaya hubka ay sidatay Nuuca uu yahay. Halkaan ka Aqri warbixintii ay qortay Islaammemo iyadoo Af carabi ah http://www.islammemo.cc/news/one_news.asp?IdNews=54176 The report in Arabic above- One must take pinch and salt with this news. The Pivture above is wicked though.. editor@waagacusub.net Ku Noqo Wararka hore