General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. I think people have been hard on Horn, if he believes Abdiqasin was or is the best hope for Somalia thats his opinion. As for Juma and his non existant evidence, well what does one expect fom this brother he talks about patriotism and nationalism then tells us Banadir belongs only to his clan. MsWord, wonderfully confusing as ever, she states the Garowe and Qardo as example of massacres, when and we have some people from those places here dear. The question is do you people even know the meaning of the word? Half lies have become full truth's to Somali's, for example its forgotten that the great "Islamic" leader Abdiqasin in a press conference called Abdullahi Yusuf a Kafir, this is haram in Islam, no? Rahima, made some good points about the failure of Arta but overlooked the most important,which was that Abdiqasin lacked basic leadership qualities. He came with many promises and delivered none, the air and sea port are still closed, the warlords have even become more numerous and stronger. A leader of a nation who's own sub-clan to this day maintain a tightgrip on other poeples land and property from Afgoye to Kimsayuy, the famous charcoal merchants. What justice has he brought about apart from enriching himself and purchasing couple of homes in Cairo and Mogadishu?
  2. Restore Security, Moi Tells Somali President - Thursday, March 10, 2005 at 15:01 The East African Standard (Nairobi) Francis Openda Nairobi Former President Moi yesterday challenged the new Somali Government to give priority to national security. He told President Abdulahi Ahmed and his newly elected government to take advantage of the goodwill the country was enjoying from the international community. "The common man needs security to enable them move around unharmed," Moi said. He was speaking at his Moi Africa Foundation offices at Kabarnet Gardens, Nairobi, when the Somali delegation paid him a courtesy call. He said he had been associated with mediating the Somali peace process for a long time and looked forward to the day when the country would enjoy peace. The two held a closed-door meeting for about 20 minutes before addressing journalists. President Ahmed arrived shortly after 3 pm with his official car sandwiched between two security teams and motorcycle outriders. President Ahmed commended Moi whom he said played a key role in initiating the Somali peace process in Eldoret. "I want to thank him on behalf of Somali people for what he did for us," said Ahmed. He said Somali people would ever be grateful to Kenyans for their magnanimity in hosting the talks, which were concluded after "so many difficulties". Source: The East Africa
  3. 5 ka mid ah Dalalka Afrika oo aanay ku jirin Kuwa Safka hore oo Ciidamo ugu Yaboohay Soomaaliya Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki dadaal xoogan ugu jiro sidii looga gudbi laa qir iyo qirta ka taagan ee u dhaxeysa xubnaha Baarlamaanka ayaa waxaa uu xiriir la sameeyay sida la sheegayo Madaxweynaha dalka Nayjeeriya Mr Obansajo iyo hoggaamiyaha dalka Konfur Afrika Tapi Imbeki isagoo ka codsaday inay badbaadiyaan dowladda soomaaliya loo dhisay dood iyo muran kadib muddo 2 sano oo la fadhiyay caasimadda Kenya ee Nairobi. Sida warku sheegayo ilaa iyo 5 dal oo Afrikan oo aysan ku jirin kuwa safka hore ayaa Madaxweynaha Kenya u ballan qaaday inay ciidamo u soo diri doonan soomaaliya, waxaana ka mid ah sida la sheegay dalalka ballan qaadka bixiyay koonfur Afrika,Uganda,Suudaan,Rwanda iyo dalka imanka haaya madaxtinimada Midowga Afrika ee Nayjeeriya. Madaxweynaha Kenya ayaa ka codsaday dalalkaas inay indhaha ku soo jeediyaan dadka Afrikanka ah ee 14 sano wax dowlad ah arkin,iyadoo madaxweyne Kibaki shalay magaalada Addis ababa ugu bilaabatay booqasho 3 cisho ah. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Midnimo Information Center wararka@midnimo.com
  4. South Africa, Nigeria , Ethiopea, Sudan, Uganda , Kenya, Djabouti, Eritria will contribute towards the peace keeping forces to Somalia. Madaxweynaha Dalka Kenya oo Sheegey inuu Ciidamo Soomaliya ku Caawin doono Shir ay maanta isugu yimaadeen madaxweynaha Dalka Kenya Kbaki, Ra’ssul Wasaraha Ethopia Malez, Ra’iisul Wasaaraha Dalka DJabouti Galbeeti iyo Ra’iisul Wssaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa waxaa lagu sheegey iney Soomaaliya u baahan tahey ciidamo ka caawiya dhinaca ammaanak si Dalwaddu Somaaliya dib ugu laabato dalka gudahiisa. Ra’iisul wasaaraha Ethopia ayaa ku celceliyey inaan Kenya iyo Eithopia midna ku ordeyn dalka Soomaaliya haddeysan dhibaato aysan u qabin dadka Soomaaliyeed. Mr. Kbaki ayaa isana mar la waydiieyey ciidamo inuu u dirayo Soomaaliya sheegey inuu diyaar la yahey aysa ka war dhowrayaan shirka Uganda uga socda wasiirad Gaashaandhiga ee wadamad IGAD iyo Afrika. Wasiirka Gaashaandhiga ee Dalka Uganda ayaa isaguna ka sheegey shirka Kampala inaan Uganda dhib kasoo gaareeyn haddii ay ciidamo u dirto Dalka Soomaaliya. Mr Amama Mbabazi wuxuu shaagey iney Uganda awood u leedahey iney xalliso arrinta amaanka ee Soomaaliya. Guud ahaan wadamada IGAD ayaa dar-dar cusub galiyey in Ciidamo loogu deeqo Soomaaliya. Tan iyo intii Dawladda Soomaaliya loogu dhisey dalka Kenya ayaa waxaa soo ifbaxey inaan Caasumadda Muqdisho aysan hanan Karin Hanaanka ammaan ee Dawladdu u baahantahey, waxaa kalo iyaduna jira in xunbo ka tirsan Wasiirada Dawladda Federalka ee Soomaaliya aysan rabin in Soomaliya ka dhalato dawlad Awood leh, iyagoo ka baqaya iney waayaan hanti ay ka haystaan Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed oo muddo 14 sano ah ay ku tagri falayeen. Magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa iyadana waxaa ka jira shaqsiyaad leh Garoomo Diyaradeed iyo Dakado Dabiiciya oo ay hantida kaga furtaan dadka shacabkaa ee tabaaleysan. Garoonkii Baalidoogle iyo kii namber 50 ee ay lahaayeen ciidamada xooga dalks Soomaaliyeed ayaa iyagana waxaa laga soo dajiyaa Badeecooyinka loo iibgeeyo Dalka Kenta iyo Eithopia. Dakaddi wayneyd ee Muqdisho iyo Garoonkii Diyaaradaha ayaa iyagu u xiran Shaqsiyaad tirsan halka Dagaddii Kismaayo laga dhoofiyo khudradda iyo bagaashka u kicitima Wadamada bariga Afrika. Dhammaan goobahaas Qaranku lahaa dakhliga ka soo baxa waxey gacanta u galaan shaqisyaad tirsan oo aan innaba rabin iney dawladi timaado. Mudugonline.com --------------------------------------------------------------------------------
  5. Wasiirka Gaashaandhigga ee dalka Uganda Mr. Amama Mbabazi ayaa difaacay doorka iyo awooda ciidamada Uganda ee la keenayo dalka Somalia Wasiirka Gaashaandhigga ee dalka Uganda Mr. Amama Mbabazi ayaa difaacay doorka iyo awooda ciidamada Uganda ee la keenayo dalka Somalia isagoo sheegay in ciidamadaasi ay yihiin kuwo awood u leh inay ka soo baxaan hawsha loo diro,sidaas si la mid ahna horey guulo badan u keenan Shacabka Uganda. Mr. Mbabazi wuxuu sheegay in Uganda aysan waxba la ahayn haddii ay Somalia ugu deeqdo 60,000 ee askari ee loo qorsheeyay dalka sharci la’aantu ka jirto ee Somalia,Mbabazi wuxuu yiri “waxaanu guulo ka soo hoyinay hawlgallo aanu ka soo qabanay dalalka Congo iyo Rwanda, sidaasi darteed haddii ay jiraan meela kale oo naloo ka yeerayo maxaa inaga horj ooga inaan hawlgal ka fulino.†Saraakiil sar sare oo militari oo ka socda wadamada Bariga Africa ayaa waxaa uu kulan socon doona 7 maalmood uu uga socdaa magalada Entebe ee dalka Uganda, si ay u dejiyaan qaabka loo waajihi doono hawlgalka nabad ilaalineed ee la doonayo in lagu sameeyo dalka Somalia,waxaana la filayaa in Saraakiishaas maalinta Jimcaha Wasiirada Gaashandhiga warbixintooda u soo gudbiyaa. Jeneraal Aronda Nyakirima oo ah Shir Guddoonka shirka Saraakiisha IGAd isla markaana ah Taliyaha Ciidamada Uganda ayaa wariyeyaasha u sheegay in Uganda ay hido iyo dhaqan u leedahay inay gacan siiso dalalka deriskeeda ah, wuxuuna sheegay in Uganda ay ka soo bixi doonto kaalinta kaga aadan nabad ku soo dabaalida dalka Somalia ay walaalaha yihiin waa sida uu hadalka u dhigay Wasiirka Gaashandhiga Soomaaliya ayaa isna sheegay inay ka war suagayaan warka shirka saraakiisha Igad ayna adag tahay inay ka hordhacaan natiijada shirkaas. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Midnimo Information Center wararka@midnimo.com
  6. Madaxweynaha kenya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiyo oo Maanta dood ka yeelan doona arrimaha dalka soomaaliya. Booqasho saddex maalmood qaadan doonto ayaa Maanta waxaa dalka Itoobiya ugu bilaabatay Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki, isagoo inta uu halkaas jooga kulamo la yeelan doona Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Mr Meles Zanawi kadibna uu Madaxweyne Kibaki khudbad u jeedin doona xubnaha Guddiga Ammaanka ee Midowga Afrika. Wadahadallada ay yeelan doonaan madaxweynaha wadanka Kenya Mwai Kibaki iyo raiisal wasaaraha dalka Itoobiya Melez Zenawi ayaa waxaa la sheegay inay kaga wadahadli doonaan sidii loo adkayn lahaa ammaanka xadka ay labada dal wadaagaan iyo sidii Itoobiya ay ugu suurto geli lahayd inay isticmaasho dekeda Mombaza ee dalka Kenya, iyo sidii loo damaanad qaadi lahaa ilaalinta deganaansha gobolka Madaxweynaha Kenya Mwai kibaki ayaa marka uu la kulmo Meles Zanawi waxaa la filayaa in si wada jir ah ah war ugu soo saaraan arrimaha dalka soomaaliya, sidoo kale Madaxweyne Kibaki marka uu la kulmo Guddiga ammaanka Afrika war ka soo saaro aragtada Kenya ama mowqifka Kenya ciidamada la keenayo soomaaliya. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Midnimo Information Center wararka@midnimo.com
  7. Ra’iisul wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Ra’iisul wasaaraha Jabuuti oo saacad ka hor ka degay Garoonka diyaaradaha ee Addis ababa Labada Ra’iisul wasaare ee Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa waxay goor dhaw ka dageen Garoonka diyaaradaha ee Addis ababo ee dalka Itoobiya, halkaas oo ugu bilaabatay booqasho Maalmo yar ah oo ay ku joogi doonan Itoobiya. Cali Maxamed Geeddi ayaa booqasho in ka badan 24 saac ku joogay dalka Jabuuti ayaa intii uu jabuuti joogay kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil cumar Geelle, waxana la filaya in caawa Addis ababo kula kulmo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Meles Zanawi. Geeddi ayaa diyaarada ka qaaday dalka Jabuuti waxa la saaranaa Ra’iisul wasaaraha Jabuuti Daleyd Axmed Daleyd iyo xubno kale oo ka tirsan Dowladda KMG ah ee Soomaaliya. Cali Maxamed Geeddi ayaa inta uu jooga Addis ababa waxaa uu booqan doona Xaruunta Midowga afrika, isagoo berito ugu sii gudbi doona Xaruunta dalka Uganda. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Midnimo Information Center wararka@midnimo.com
  8. Like this changes anything, Abdullahi is stright talker. I have some reservations with the audio overall, if it was a speech made in 2000 why has it taken five years to come out? It sounds like a private conversation to me. Attacking Abdiqasin who like Qorshel stated above called Abdullahi a Kaffir one time. The game is only just begun. This type of effort on behalf of the warlord/media is a last ditch face saving effort. "Amxara map's" and other scare stories will not work. The Somali people need change which is what the government is working on.
  9. Ra'iisul Wasaare Geedi oo kulan la yeeshay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle Talaado, March 08, 2005 @19:30GMT: Wararka ka imaanaya Magaalada Djibouti ee dalka Jabouti ayaa sheegaya in maanta ay kulan wada yeesheen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Cumar Geelle iyo Ra'iisul Cali Maxamed Geedi. Labada Mas'uul ayaa la sheegay in ay ka wada hadleen sida ay dowladda Soomaaliyeed ay dib ugu noqon karto dalkeeda iyo sida ugu haboon ee ay dalalka IGAD ciidamo nabad ilaalineed ugu soo diri karaan Soomaaliya, iyadoo weliba ay isla qaadaadhigeen diidmada ay qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ka muujiyeen in ciidamo ka socda dalalka safka hore Soomaaliya la geeyo. Ra'iisul Wasaaraha oo ay u tahay markii ugu horeysay ee uu booqdo dalalka Safka hore tan iyo markii loo magacaabay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa in uu maalinta berri ah socdaal ku tago dalka Itoobiya, iyadoo sidoo kalena la filayo in ay halkaas isku arki doonaan Ra'iisul Wasaare Meles Zenawi. Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Ato Meles Zenawi mar uu dhowaan hadlay wuxuu sheegay in ay diyaar u yihiin in ay Soomaaliya ciidamo u diraan, waase haddii buu yiri ay Soomaalidu sidaas naga codsadaan, isagoo intaas ku daray in haddii ay Soomaalidu isku diidaan ciidamadooda aysan wax dhibaato ah ku qabin taas, dhaqaale ka bixi lahaana uu u baaqanayo. Golaha ammmaanka ee Q/Midoobay ayaa bayaan uu ka soo saaray xaaladda Soomaaliya ku sheegay in hoggaamiyayaasha Soomaalida ay waajib ku tahay inay joojiyaan dagaallada u dhaxeeya oo ay ku heshiiyaan xabbad joojin, taasoo noqoneysa tallaabadii koowaad ee dalka Soomaaliya loogu soo nabad iyo xasilooni. dhanka kalena waxaa shir uga socdaa dalka Uganda Khubarro dhinaca difaaca ah oo ka socda dalalka IGAD, kuwaasoo ka arrinsanaya xaaladda Soomaaliya iyo sida ugu haboon ee ciidamo loogu diro, iyadoo shirka Khubarradan kadibna ay shirka gadaasha kaga soo biirayaan Wasiirrada Gaashaandhigga dalalka IGAD. Ilaa iyo haatan dalka Uganda ayaa diyaariyay ciidamo nabad ilaalineed oo uu Soomaaliya u soo dirayo, kuwaasoo haatanba tababar ku jira, isla markaana ay tiradoodu dhan tahay 2,200 oo Askari balse waxay ku xiran tahay aqbalaadda ciidamaddaas Golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed oo kulankiisa ugu soo horeeya arrintaasi ay miiska u saaran tahay. Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  10. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo sheegay in ay dowladdiisu dhaqsi ugu guureyso Soomaaliya Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa laga soo xigtay in dowladda uu madaxweynaha ka yahay ee mas'uuliyiinteedu ay Kenya ku sugan yihiin ay waqti aan dheereyn u guureyso Soomaaliya. Warkan ka soo yeeray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa wuxuu ka dambeeyay kulan ay shalay wada yeeshaan Madaxweynaha Kenya Mr. Mwai Kibaki, haseyeeshee waxaanan la ogeyn waqtiga ay dowladda Soomaaliyeed dalkeeda u soo guureyso, iyadoo horayna ay mas'uuliyiinta kale ee dowladda ka dhawaajiyeen in dowladda ay dalkeeda dib ugu noqoneyso. Magaalada Muqdisho oo caasimadda dalka Soomaaliya ayuu madaxweyne Yuusuf horay uga maagay in uu xafiis ka sameysto, iyadoo uu sheegay in aanu hagaagsaneyn ammaanka Caasimadda, wuxuuna in dowladda Muqdisho soo degto uu ku xiray in marka hore wax laga qabto hubka badan ee gacmaha ugu jira maleeshiyooyinka Soomaalida. Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  11. May Allah have mercy on him. Sad story indeed.
  12. UN presses Somali warlords to agree to cease-fire Posted on Tuesday, March 08 @ 14:19:01 CET by editor UNITED NATIONS, March 7 (Reuters) - Somalia's warlords must stop fighting among themselves and agree to a cease-fire as a first step toward peace and security in the lawless northeast African nation, the Security Council said on Monday. The 15-nation council, in a statement adopted unanimously, welcomed the progress made by Somalia's fledgling national government toward restoring central authority but said a comprehensive and verifiable cease-fire agreement was needed before feuding factions could start to disarm. A country of as many as 10 million people, Somalia has been carved up into fiefdoms run by rival warlords since 1991. The new government was formed in the safety of neighboring Kenya last year and is currently trying to establish itself inside the Horn of Africa country. Somalia's new President Abdullahi Yusuf and Prime Minister Mohammed Ali Gedi, both of whom are still based in Nairobi, toured parts of Somalia in recent weeks to prepare for the return of their government, which hopes to begin disarming militias once it is ensconced inside the country. Winston Tubman, head of the U.N. political office for Somalia, told the council in a closed-door session before it adopted the statement that the security situation in Somalia remained precarious. Intermittent fighting continued, fueled by factional rivalries and extensive violations of a U.N. arms embargo, Tubman told reporters in a summary of his council briefing. The capital Mogadishu was particularly insecure, Tubman said. But the political process now under way at least pointed the way to a possible end to the crisis, he said. "I believe this new effort constitutes Somalia's best chance in many years to achieve peace and security. It is a process, however, that will need (international) support to succeed" as well as help from the Somali people, he said. The powerful earthquake and tsunami that devastated Indian Ocean coastlines on Dec. 26 killed as many as 300 people in Somalia and touched some 18,000 households. Recurrent drought is also a problem in the region. But international assistance for many needy victims cannot be delivered until aid workers are assured of better security, said Tubman, who is leaving his U.N. post to run for president in October elections in his native Liberia.
  13. Cali Maxamed Geedi oo maanta la kulmaya Ismaaciil Cumar Geele iyo maxay ka wada hadli doonaan Nairobi :- Safar maalmo qaadan doona ayaa uga bilowday xalay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geedi iyo wafdi uu hogaaminayo. Wafdigan oo xalay ka kicitimay magaaladan Nairobi ayaa isla xalay gaaray magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti. Wafdigan ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan Madaxweynaha iyo Xukuumada dalkaasi Jabuuti ayagoo markaasi qodobada ugu waaweyn oo ay ka wada hadli doonaan ay kamid tahay arrinta ciidamada la geenayo dalka Soomaaliya. Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo shalay galab asaga iyo Madaxweyne C/laahi Yusuf Ahmed ay lawada kulmeen Madaxweynaha Kenya ee Mr.Kibaki oo ay codsiyo kala duwan u gudbiyeen ayaa la sheegay inuu hor dhigi doono Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele codsi kaas lamid ah. Codsiga ugu muhiimsan ee dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay inuu yahay in ciidamo kasocda dalalka Safka hore ee IGAD la geeyo dalka Soomaaliya. Ra'iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale Madaxweyne Ismaaciil faah faahin kasiin doona socdaalkii ay ku tageen dalkaasi Soomaaliya asaga iyo Madaxweynaha Somaliya. Jabuuti ayaa kamid ah dalalka ku jira urur gobaleedka IGAD oo sheegay in ay daneenayaan keenista ciidamo ee dalka Soomaaliya, hasayeeshee dowladaasi ayaan illaa iyo hada si rasmi ah ugu dhawaaqin qorshaheeda ku aadan dalka Soomaaliya. Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayey safarkiisa ku wehliyaan xubno kamid ah Xukuumada Federaalka ayaa ugudbaya dalkaasi Itoobiya oo ay kulamo noocaan oo kala ah la yeelan doonaan. Wafdigan ayaa safarkooda ku tagi doona dalka Yugandha oo lagu wado in ay ka qeyb galaan shirar dowlada IGAD ay halkaasi ku leeyihiin. Ahmed Musse HorseedNet.com Nairobi, Kenya
  14. Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yusuf Axmed ayaa Galinkii Danbe ee Maanta la Kulmay Dhigiisa Kenya Mwai Kibaki, Prof Geedi aya kulankaa ku wehliyay Labada Madaxwayne Kulankan waxaa uu dhaxmaray Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed, Raysulwasaare Prof Cali Maxamed Geedi iyo Madaxwaynaha Wadanka Kenya Mwai Kipaki. Kulanka oo ahaa mid albaabada loo xiray ayaan wali wax wara laga helin oo ku saabsan Ajandaha kulankooda hase yeeshee warar lagu kalsoonyahay waxa ay cadeeynayaan in looga hadlay kulankaa Xiriirka Saaxiibtinimo ee Labada Wadan Kenya& Soomaaliya. Waxa kaloo kulankaa lagu gorfeeyay sidii hore loogu sii wadilahaa mirihii ka soo baxay shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu qabtay wadanka Kenya iyadoo dhinaca kallena looga wada hadlay qaabkii Xukuumada Soomaaliyeed ee Ugubka ah looga taageeri lahaa dhinacyada Siyaasada iyo Dhaqaalaha. Waxa kaloo kulanka looga hadlay Safarkii Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Raysulwasaare Prof Cali Maxamed Geedi ku gaareen Soomaaliya iyo wixii ay kala soo kulmen Wadanka Soomaaliya iyagoo Madaxwaynaha Kenya ugudbiyay Fariintii umada Soomaaliyeed ay ka sideen. Dhinaca kalle waxaa la filayaa in Raysul wasaaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi saacadaha Fooda inagu soo haya uduulo Magaalada Jabuuti ee Wadanka Djabuuti isaga uu halkaa kulamo kula yeelan doona Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele. Waxaa kaloo la filayaa in u ambabaxo wadanka Yugandha wasiirka gaashaan dhiga xukuumada Federaalka ee Soomaaliy isaga oo halkaa uga qaybgalaya shirkii wasiirada IGAD ee Dhigiisa waa Gaashaandhigee shirkaa oo lagu gorfaynaya qaabka Soomaaliya loo googa dhigaya Hubka, Dibna ay ugu soo biiri lahayd beesha caalamka Dadka Soomaaliyeedna ay ugu wada noolaan lahayen nabad waarta looga mira dhalinlahaa Shirkii Soomaalidu mudada uga Socday Dalka Kenya. Waxaa kaloo la filayaa Maalmaha Fooda inagu soo haya in Madaxwaynaha Wadanka Kenya Mwa kipaki u duuli doono Wadanka Itoobiya isaga oo la tashiyo la samayn doona Madax Afrikaana si Arimaha Soomaaliya Dhinaca Ciidamada looga Gaaro Xal waara.
  15. Golaha Ammaanka ee QM oo soo dhoweeyay doorka Midowga Africa ee mustaqbalka Somalia New York-8.March.2005 Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa uu soo dhoweeyay horumarka ilaa iyo iminka loo qaaday hawlaha dib u heshiisiinta qaran ee Somalia. Golaha Ammaanku wuxuu sidoo kale soo dhoweeyay dadaalka ay dowladda Federaalka Kumeel gaarka ah ugu jirto sidii ay dalka ugu guuri lahayd, tallaabadaasoo Goluhu ku tilmaamay mid dhiirigelin siin karto dunida in dowladda Federaalka Somaliyeed loo fidiyo taageero dhinac walba leh, xagga dhaqaalaha aqoonta iyo dib udhiska dalka Somalia. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale aqoonsaday u diyaar garowga midowga Africa ee uu ku doonayo inuu door muhiimah ka ciyaaro nabadda mustaqbalka dalka Somaliya. Laakiin goluhu wuxuu soo jeediyay in hawlgalkan oo kale uu yahay mid u baahan in si taxar leh loo isticmaalo, isla markaana la darso sidii uu taageero uga heli lahaa shacabka Soomaaliyeed. Ugu dambayntii golaha Ammaanka wuxuu u soo jeediyay hogaamiyeyaasha kooxaha inay dhinac iska dhigaan cadaawadda ayna dib u billaabaan inay hiigsadaan horumarka markaasi horseedi kara in ugu dambayn si guud hubka layska dhigo. Baaqan taageerada leh ee ka soo yeeray golaha Ammaanka ayaa waxaa lagu soo qoray warqad oo uu markaasi saxaafadda u akhriyay madaxweynah kaltanka ee Qaramada Midoobay Ambasaddor Ronaldo Sardenberg oo u dhashay wadanka Brazil. C/qaadir Maxamed Nuunow SBC Boosaaso nuunow16@hotmail.com
  16. Ra'iisul Wasaare Geedi oo saacadaha soo socda u kicitimaya dalka Jabuuti iyo dalal kale oo gobolka ah Isniin, March 07, 2005(HOL)@22:00GMT: Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi uu saacadaha soo socdo u kicitimi doono magaalada Djibouti ee dalka Jabuuti, halkaasoo uu uga bilaabanayo socdaallo uu ku kala bixinayo dalalka safka hore ee Soomaaliya la deriska ah. Ra'iisul Wasaaraha oo socdaalkiisan uu yahay kii ugu horeeyay ee uu ku tago dalalka deriska ayaa la filayaa in madaxda dalalka uu booqanayo uu kala hadli doono arrimaha ciidamada ay codsadeen mas'uuliyiinta dowladda qaarkood, waxaana dalalka kale ee uu booqanayo ka mid ah Itoobiya iyo Uganda. Socdaalka Ra'iisul Wasaaraha ayaa ku soo beegmaya, iyadoo aan weli isku mowqif laga ahayn keenista ciidamo shisheeye ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwo ka socda dalalka safka hore, iyadoo madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ay dhowr jeer ku cel celiyeen in aan laga fursan doonin in ciidamo hub ka dhigis sameeya dalka Soomaaliya la geeya, kuwaasoo aan loo eegi doonin saf hore iyo saf gadaale, halka wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo dadka gobollada Soomaaliya qaarkood ay bannaanbaxyo ku muujiyeen in ay diidan yihiin in ciidamo shisheeye la geeyo dalka Soomaaliya Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  17. After the trip back home. The time has come to implement the plans. The AU,Igad meeting of defence ministers has started in Kampala Uganda and the Somali PM Geedi is making rounds in the various capitals of the region starting of with Djabouti. Read this summary of the trip by Axmed Muusse Cabdulle (Idaawaqaca)Nairobi-Kenya axmeddheere65@hotmail.com The delight of the century Uganda oo sheegtay inaan la hor istaagi karin hawlaha Midowga Afrika ee Soomaaliya Kampala - 8.March.2005 Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Uganda Mr. Julious Onen ayaa oo ka warramay shirkii shalay magaalada Kambala ay ku yeesheen wasiirada gaashaan dhigga ee dalalka Igad ayuu wuxuu sheegay in kulankaasi diiradda lagu saarayay sidii dowladda Somalia loo garab istaagi lahaa. Mr. Onen wuxuu sheegay in ajendaha ugu sarreeya ee ay wasiirrada difaacu ka wadahadlayeen uu ahaa sidii ciidamada Igad ee la gaynayo dalka Somalia, iyo inay jawaab ka bixiyaan warbixinnadii ay u soo gudbiyeen guddiga xaqiiqa raadinta ee dhowaan socdaallada ku soo bixiyay Somalia. Kulankaasi ayaa sidoo kale wasiirada difaaca ee dalalka Igad ay ku darsayaan tirada ciidamada loo baahan yahay inay hawgalka ka qayb qaataan, miisaaniyadda ku bixi doonta iyo weliba farsamooyinka kale ee ay ku hawlgeli doonaan ciidamada. Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Uganda Mr.Julious Onen ayaa sidoo kale sheegay in lagu wado in wasiirrada arrimah dibadda ee dalalka Igad ay kulan looga hadli doono arrimaha Somalia magaalada Nairobi isugu iman doonaan 16 iyo 17 bishan March. Mr. Onen wuxuu sheegay inay jiraan hogaamiyeyaal ka soo horjeeda arrimaha ciidamo keenista dalka Somalia gaar ahaan ciidamo ka socda wadamada Jabuuti iyo Ethiopia, laakiin ayuu yiri hanjabaadahaasi oo kale ma ahan kuwo hor istaagi kara hawlaha midowga Africa uu ku doonayo inuu ciidamo ugu diro dalka Somalia. Wuxuuna sheegay in ciidamada la gaynayo dalka Somalia ay ahaanayaan kuwo ku shaqeeya amarka midowga Africa iyo dowladda Federaalka Kumeel gaarka ah ee Somalia. Agaasimaha hay’adda xasarada caalamiga ee Geeska Africa Mr. Matt Prayden ayaa wuxuu raadiya Voice of America u sheegay in go’aanka ciidamo keenista Somalia ee Igad uu abuuri karo isku dhac iyo khilaafaad aad u wayn. Laakiin hadallada sarkaalkaasi waxaa si wayn uga soo horjeestay xubno ka tirsan golaha wasiirada, baarlamaanka iyo dadwaynaha somaaliyeed qaarkood. C/qaadir Maxamed Nuunow SBC Boosaaso nuunow16@hotmail.com
  18. ^^^ Bro like I care what you think of Allpuntland, I dont own it. If Dayniile.com is your source of information then may the divine help you out.
  19. Suldanka lol, you are funny brohter, even more so than Dayniile.com.
  20. ^^^ Good investigation bro. Its criminal to fabricate signitures of individuals. They lost their point by doing such a thing.
  21. ^^^ I found the whole story about the map confusing, parts of it are in Arabic and it looks like some one scribled on it. Also Galaal story goes like Yemen and Ethiopea will isolate Mogadishu and attack Kismayu, why Yemen? and how will blockading Mogadishu help the government?
  22. Ms Word thanks for confusing me again. I read your last post was it a ridle? As for Xabsade and Saransoor hating Ethiopea or Juma's clan hating Ethiopea, people give us a break. All these groups covet Ethiopean support. All Somali factions were at one time based in Ethiopea or had close links with Adis. No one here is championing the national cause or for the interest of the Somali people, least of all Juma who calls a whole Somali region "PUKELAND" thats just sad :rolleyes: . He is stright clan hating, and wrongly fears his sub-clan might lose some power if the republic is resurected. No Juma its the few criminals fake wadad's who will lose and not the clan. MMA, made some good points, it was internal pressure and the lack of external support that forced Xabsade and Saransoor to accept the new reality since Abdiqasin and his money evaporated what else can these brothers do?
  23. MAGAALADA BAYDHABA OO ISU DIYAARINEYSA SIDII DOWLADDA FEDERAALKA XARUN KMG AH UGU NOQON LAHAYD Somaliweyn.com ( Muqdisho 05/03/05) Wararka ka imaanaya magaalada Baydhaba ee gobolka Bay ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta RRA ee ka tirsan labada Gole ee Xukuumada Federaalka ololihii ugu ballaarnaa ugu jiraan sidii magaaladaasi xarun KMG ah ugu noqon lahayd Dowladda FKMG ah, iyadoo Guddi ka kooban 7-xubnood oo madaxda RRA u xilsaareen sidii ay magaalada ugu sameyn lahaayeen maamul ay guda galeen howlahoodii. Guddoomiyaha gobolka Bay Maxamed Cali Aadan (Qalinle) ayaa isagoo u waramayay Warbaahinta waxa uu sheegay in maamulka u sameynta magaalada Baydhaba ay ka dambeysay kaddib markii uu hindise ahaan ku soo jeediyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, oo uu sheegay in magaalada Baydhaba xarun KMG ah u noqon karto, waase haddii buu yiri loo dhiso maamul ay talada ka go’do. Waxaa kale oo uu sheegay Md. Qalinle in Dowladda Federaalka ay xarun KMG ah u noqon karto ilaa iyo inta xaalada nabadgelyo ee magaalada Muqdisho laga xaqiijinayo, isagoo si weyn u beeniyay warar hore u soo baxay oo sheegaya in Garoonka magaalada Baydhaba lagu carqaladeeyay wafdigii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf kuna tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn. Dhinaca kale magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay ayaa u muuqata inay xarun KMG ah ka dhigato Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay soo baxayaan ifafaale muujinaya arrintaasi, waxaana mar uu ka hadlayay Md. Qalinle carrabka ku adkeeyay in Baydhaba ay is tiraatiiji ahaan iyo degaan ahaanba si aad ah Muqdisho ugu dhow dahay. Haddaba inkastoo Dowladda Federaalka ay ku habooneyd inay Muqdisho degto isla markaana halkaasi ka fuliso howlaheeda, ayay arrintani caqabad weyn ku tahay kooxaha ka hor yimid hadafka hoggaanka sare ee Xukuumada Federaalka oo ah in dalka la keeno Ciidamo ka socda dalalka IGAD, kaddib markii ay kala faquuqeen kuna dooday in laga reebo dalalka safka hore oo ay muuqato in beel ka mid ah dhinacyadaasi diidan ay Dowladda Itoobiya si gooni ah farta ugu fiiqayaan, iyagoo cabsi weyn ka qaba in haddiiba ay dhacdo in Ciidamada Itoobiya lagu soo daro howlgalka nabad ku soo celinta Soomaaliya farahooda laga bixiyo hantida, guryaha iyo beeraha ay heystaan iyo waliba in dharbaaxo sida tii Baydhaba loogu geystay oo kale ku dhacdo. Xafiiska somaliweyn ee Mugadishu somoginfo@somaliweyn.org
  24. Somali leaders' trip to home country successfully www.chinaview.cn 2005-03-05 21:36:50 NAIROBI, March 5 (Xinhuanet) -- The just concluded trip by Somalia's exiled leaders to the Horn of Africa country was very successful, a government official said here Saturday. Presidential spokesman Yusuf Mohammed Ismail said during the 10-day visit which ended on Friday, President Abdullahi Yusuf Ahmed and Prime Minister Mohammed Ali Gedi assessed plans to relocate the administration to the chaotic country. "The ten-day trip by President Yusuf and the prime minister wasvery successful and the Somalis were very cooperative and even told the president to quicken the relocation process so that they can stamp their authority on the Somali soil," Yusuf told Xinhua by telephone. "The trip was aimed at opening dialogue with the people, to listen very carefully to their concerns and to explain the government's policies and programs," he said. "It was a bottom-up approach," Yusuf added. During the tour that took them to the towns of Galkayo, Beletweyn and Baidao, all in southern and central Somalia, the two leaders, together with several ministers and lawmakers, met representatives of various sections of the population including elders, women, the youth, politicians, business and religious leaders. However, they did not visit the ruined and divided capital Mogadishu because of rampant insecurity. Meanwhile, armed militiamen reportedly surrounded the planes ofthe president and the prime minister at the end of their first tour of the lawless country. Reports say there were chaotic scenes at Baidao airport as the militia demanded wages for guarding the planes for two days. It took intervention of the local warlord to allow the delegation to take off for neighboring Kenya, where the government is based. Somalia has been without an effective government since 1991 andhas an estimated 60,000 armed militiamen. Rival warlords have battled for control of the country, and Somalia has been divided into a patchwork of fiefdoms. The regional Inter-governmental Authority on Development, whosemembers are Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Somalia, Sudan andUganda, sponsored two years of peace talks between various Somali clans and factions, which culminated in the formation of the national transitional government. The new government has not been able to relocate from Nairobi to Somalia, citing security considerations. However, it has come under increasing pressure from the Kenyan government and Western diplomats to do so. Enditem Related Story