General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Somalia's President Prime Minister- Jowhar +Hiiraan+PUNTLAND+Baidoa
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Wafadigii uu hogaaminayay Madaxwaynaha DFKS iyo Raysal wasaare Geedi oo galabata ka dagay Garoonka Gaalkacyo Posted to the Web Feb 28, 18:57 Gaalkacyo:-Wafdigii ka socday DFKS ee hogaaminayay Madaxwayne C/laahi Yuusuf Axmed iyo Raysal wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa galabta ka dagay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo. Wafdigaan oo isla maanta kasoo ambabxay magaalada dekada ah ee Boosaaso ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo. Wafdigaan oo muddo 3 maalmood ah ku sugnaa deegaamada Puntland ayay waxay kala kulmeen soo dhawayntii abid ugu ballaarnayd oo ka dhacda deegaamada Puntland. Kumanaan iyo kumanaan kun oo qof iyo kumanaan gaari ayaa isugu soo baxay wadooyinka laamiga ah ee dhaxmara magaalooyinka waawayn ee Puntland, iyagoo u muujinayay wafdiga taageerada ay u hayaan dawlada Soomaaliya. Ardayda ayaa labisnayd labisyadooda kala duwan ayaa isa soo dhoobay wada kasta oo ay marayeen wafdiga ka socda dawlada DFKS, waxayna wateen sawirada Madaxwaynaha iyo Raysal wasaaraha, waxayna ku dhawaaqayeen hal ku dhagyo ay ku soo dhawaynayaan dawalda waxaana ka mid ahaa hal ku dhagyadaas jaalayaaloow soo dhawaada. Sikastaba ha’ahaatee madaxwaynaha DFKS iyo Raysal wasaaraha oo uu waheliyo madaxwaynaha Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (Janaraal Cadde) ayaa biri subaxdii waxay dadwaynaha ku dhaqan magaalada Gaalkacyo kala hadli doonaan garoonka kubadda cagta ee magaalada Gaalkacyo. Warar hoose ayaa sheegaya in wafidgu uu u kici timi doono maalinimada bari ah magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, waxaana la filayaa in ay mari doonaan gobolo kale oo aan si rasmi ah shaaca looga qaadin. Axmed C/salaam Puntlandpost,Garoowe,J,F,Soomaaliya Contacts:loole25@hotmail.com -
Somalia's President Prime Minister- Jowhar +Hiiraan+PUNTLAND+Baidoa
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Pics from Qardo visit http://www.sbconline.net/dfkms.htm -
Somalia's President Prime Minister- Jowhar +Hiiraan+PUNTLAND+Baidoa
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Bossaso Pics continued -
Somalia's President Prime Minister- Jowhar +Hiiraan+PUNTLAND+Baidoa
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Bossaso pics -
Somalia's President Prime Minister- Jowhar +Hiiraan+PUNTLAND+Baidoa
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^ Sky thanks for the pic bro.. Kenadeed here is the latest update. Gaalkacyo: Madaxwaynaha Soomaaliya iyo wafidigiisii oo maanta si wayn loogu soo dhaweeyey Gaalkacyo - Monday, February 28, 2005 at 14:45 Gaalkacyo (AllPuntland) Waxaa maanta 2dii duhurnimo ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo wafdigii uu hogaaminayay madaxwaynaha JFK ee Soomaaliya Md Cabdulaahi Yuusuf. Wafdiga madaxwaynaha iyo Raysulwasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi, waxaa soo dhawayntooda ka qayb-qaatay dad lagu qiyaasay boqolaal kun oo qof oo ah dadka dagan xaafadaha kala duwan ee Gaalkacyo, kuwaas oo safnaa inta u dhaxaysa garoonka diyaaradaha iyo hoteelka lagu dajiyey wafdiga ee Taar City Hoteel. Wafdiga ka socda dowladda DFK ee Soomaaliya waxaa weheliya wafdi kale oo ka socda dowladgoboleedka Puntland oo uu ugu horeeyo madaxwayne Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde). Madaxwaynaha iyo Raysulwasaaraha ayaa ka hor intii aan la dajin hoteelka waxay salaan ugu tageen Islaan Bashiir Islaan Cabdule oo jooga gurigiisa. Berri subax ayaa lagu wadaa in wafdigu hadalo ka jeediyo isu soo bax la qorsheeyey inuu ka dhaco garoonka kubadda cagta ee Gaalkacyo. Wafdiga oo isla maanta ka soo dhoofay Boosaaso ayaa saaka khudbado ka jeedshay garoonka ciyaaraha ee Boosaaso - kaas oo dadwayne aad iyo aad u faro badani isugu yimaadeen - guud ahaana khudbadihii, Madaxwayne Cabdullaahi iyo Raysulwasaare Cali waxay ahaayeen kuwo ay ugu warbixiyeen socdaalkooda iyo qorshaha dowladda iyo sidii ay wadanka ku imaan lahayd. AllPuntland.com -
^^^^ Wiil Duco thanks for the analysis bro. I was surprised by the Mr Dheere his answers where polished and to the point.
-
Member of the fact finding mission jailed in P/land...!
General Duke replied to Jumatatu's topic in Politics
^^^^^ Why you cracking jokes man? I am serious if the story is true, then some one has to answer for it. And the victim must be compensated by any means. If its not as Mohamed Dhere alluded to in his interview, then life goes on. As for NGOON you have been mighty quite lately -
Member of the fact finding mission jailed in P/land...!
General Duke replied to Jumatatu's topic in Politics
He should be released. There is no debate, if true and the reasons are what the tabloads have written then its injustice. And can not be tolerated. Release the man now and pay him compensation. -
Mohamed Dhere interview. http://www.hornafrik.com/Audio/dheere.rm
-
Fear of the few: The lies and propoganda of Xamar warlords
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
BEEN ABUURKA IYO DAD ISKU DIRIDDA -SHABAKADDA DAYNIILE- W:Q A Qani Farah -------------------------------------------------------------------------------- Bacda salaan mahad Alle ayaa leh (SW),naxariisna Nabigeenii (SCW)amaan iyo abaalna waxaan u haynaa maamulka mudug online sida sharafta leh oo ay had iyo jeer ugu soo baahiyaan qoralada ayagoon qofna sharaftiisa iyo cirdigiisa waxba ugu dhimeen,hadaba walaalayaal qoraalkaan waa mid aniga qoraha ah ii gaar ah waana aragtidayda gaarka ah.- Walaalayaal sida aynu wada ogsoon nahay Ummadeena waxay soo martay dagaal Sokeeye oo soconayay muddo ku dhow 15 sanno,waxaa nasiib wanaag ah in aan maanta haysano Dowlad Soomaaliduna waxay tiraahdaa Dowlad la'aan Dowlad xun ayaa dhaanta,ayadoo aan ilaa hadda lagu tilmaami karin dowladdaan xumo iyo samo,waayo wali ma aysan caga dhigan,sidaas darteed waxaa waayahaan dambe ka soo burqanayaa Shabakadda Dayni- ile been abuur iyo dad isku dirid oo aan geed loogu soo gaban, waxaan filayaa in aan loo baahnayn wixii ay ka qortay qudbadii uu ka jeediyay Madax waynaha Cabdullahi Yusuf Axmed iyo R/W Geedi magaalada Garowe,anigu waxaan dhagaystay qudbadaas waxaana ka fahmay madax la hadashay shib u diyaar ah in la helo dal nabad ah,nasiib daro Shabakada dayniile ayadoo u adaygaysa dad yar oo wata dana gaar ahaaneed ayay hadaladii wanaagsanaa oo ay meel walba ka akhrinayaeen Madaxda Soomaaliyeed waxay u badashay in duulaan lagu yahay ****** .- Hadaba Sua'aashu maxay tahay ! maxaa dan u ah Ummadda Soomaaliyeed Yaase hor taagan? Jawaab:-Soomaali waxaa dan u ah maanta in ay Dowladooda ay garab is taagaan ayagoo xasuusan wixii aynu ka dhaxal- nay dagaalkii sokeeye.- Yaa hor taagan:-waxaa hor taagan 4 qof oo dantooda gaar ahaan- ed fiirsanayaa ayagoo ku adeeganayaa dad masaakiin ah oo ay nolol maalmeedkoodii uga dhigeen xoolihii laga boobay Soomali oo ay xooga ku haystaan.- Waxaa xusid muddan Walaalkeen Cabdi Qasim Salaad, qudbadii uu ka jeediyay Xamar maxaan oran karnaa ma waxbuu ku wanaa-jinhayay mise Soomali ayuu dab isugu dhiibayay waa Su'aal taagan oo qof waliba arko.- Aniguse waxaan u arkaa in uu hurinayo dagaal dambe,sababtoo ah hadaladiisii waxaa ka mid ah in uu yiri Maanta dagaalo ayaa ka socda Somaaliya meel kasta mana jiraan wax dagaal ah oo socda. Gabogabo:-Walaalayaal waxaa maanta hortaagan Dowladda naba-dda raadinaysa waa kuwa ALLE ka cabsigu ku yar yahay oo doo-nahay inay booli wax ku cunaan ayagana ALLAHA xaqa ha tuso xaarantana ha qabto.- Waxaan Hadalkayga ku khatimayaa heestii wadaniga ahayd:- -SOOMAALIYEEY TOOSAY TOSOO ISKU TIIRSADA OO -HADBA KIINA TAAGDARANEE TAGEERA WALIGIINEE AQani Farah xandulle60@hotmail.com -

All this wheeling and dealing is taking place while Somalilanders are engaged in a mudslinging and cutthroat political squabble on the leadership of a hungry nation. It is no wonder that many of the Somaliland people who in the very recent past couldn’t stomach to hear the name Somalia or Mogadishu have to follow with unprecedented enthusiasm the developments of the Somali government formed in Nairobi. After living almost a decade and a half in the political twilight, Somalilanders are not only demoralized and beaten by the travails of finding their daily bread, but some of them have started to question about the viability of issues that they felt were so sacrosanct to even think about questioning them. If the conversation of Somalilanders in the coffee shops and their rush to meeting delegations of the newly formed Somali government could be taken as any measure, one can notice a change of tone and a softening of the position of the most die-hard Somalilanders towards any reference of association of their country with Somalia.
-
Somalia's President Prime Minister- Jowhar +Hiiraan+PUNTLAND+Baidoa
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^ Nuune I think they will not visit SSC areas. The next stop will be Galkacyu insha Allah. More pics from Bossaso Pic from Garowe yesterday -
Somalia's President Prime Minister- Jowhar +Hiiraan+PUNTLAND+Baidoa
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Bossaso Puntland Somalia -
Madaxweynaha Dalka K/Afrika oo ka hadlay codsiyo dhowr ah oo uu u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Axad, February 27, 2005 (HOL)@6:00GMT: Madaxweynaha dalka K/Afrika Mr. Thabo Mbeki oo dhowaan ka hadlayay Taleefashinka SACB ee ku yaala dalkiisa ayaa sheegay in codsiyo dhowr ah ay uga yimaadeen madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdigiisii ee ay ku kulmeen shir madaxeedkii Midowga Afrika ee ka dhacay magaalada Abuja ee dalka Nigeria. Mr. Thabo Mbeki waxaa uu sheegay in ay madaxda dowladda Soomaaliya ka codsadeen in ay dowladda K/Afrika ka qeybqaadato dhameystirka dib u heshiisiinta Soomaaliya, isla markaana uu ka ogolaado in ay Wufuud ka socoto dowladda Federaalka Soomaaliya u soo direen dalka Koofur Afrika, si ay khibrad iyo waayo aragnimo uga qaataan nidaamkii dib u heshiisiineed ee uu soo maray dalkiisa oo guul weyn laga gaaray. Madaxweynaha K/Afrika waxaa uu xusay in uu dhamaan codsiyadaas ka aqbalay madaxda dowladda Soomaaliya, wuxuuna Mr. Mbeki xiligaas iska fogeynayay su'aal ahayd in barnaamijyada uu ka dhex wado Qaaradda Afrika ay yihiin kuwo uu dhaqaale uga doonayo dalalka reer Galbeedka, isagoo tusaale u soo qaatay arrinta Soomaaliya oo uu Wariyayaasha weydiiyay bal dhaqaalaha ka soo geli kara howshaas ay u qabanayaan Soomaaliya. Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
-
Somalia's President Prime Minister- Jowhar +Hiiraan+PUNTLAND+Baidoa
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Qardo visit -
Somali FM Abdullahi Shiekh Ismael in Kuwait
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
OG-girl you starting to sound like Horn and Juma :mad: Haters I think they helping you with the English -
Thanks Sky for that.
-
Xildhibaanno uu ka mid yahay Cabdullahi Faax oo ku tilmaamay been abuur qoraal loo qeybiyay saxaafadda. Ruunkinet 27/02/05 (Click) Xildhibaanno uu ka mid yahay Cabdullahi Macalin Faax ayaa ku tilmaamay been abuur qoraal loo qeybiyay saxaafadda Soomaalida laguna soo qoray shabakadaha qaarkood. (Click) Xildhibaan Faax oo sheegay in uu ka codur daartay saxiixa qoraalkaasi markii loo sheegay in uu ku jiro liiska ayaa warkiisa ku daray in uu xanuunsanaa intii uu ka soo laabtay safarkii uu ku aaday dalka Talyaaniga. "****** been isu sheegaya buulkeygaan kaga jirayaa", ayuu yiri Faax mar aan weydiinay in uu ka qeyb galay shirka la sheegayo in ay qaar ka tirsan xildhibaannada beelaha ****** ku doonayaan in ay magaalada Muqdisho maamul ka sameeyaan ee ka dhacay magaalada Nayroobi. Xildhibaan ka tirsan beelaha ****** oo sidoo kale sheegay in laga been abuuray magaciisa balse naga codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa yiri, "Kuwa horboodaya siyaasadda beelaha ****** weli magaarin risaalada siyaasadda ee wax ku oolka ah". "Waxay ku wanaagsan yihiin dagaalka sokeeye koodan balse malaha aragti fog ee arrimahooda oo dhan waa laab la kac aan mabda' lahayn", ayuu yiri xildhibaankan. Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London
-
Warbixin ku saabsan safarkii wafdiga DFK ee uu hogaaminaayey Wasiirka Arr. Dibedda Somaliya ee ay ku tageen Kuwait February 27, 2005 -------------------------------------------------------------------------------- 24kii bisha fabraayo 2005 Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil ayaa Dalka Kuwait ku yimmi booqasho, wafdigaas oo ay ka mid ahaayeen. Mudane Maxamad Nuureeni Bakar Wasiirka Tamarta, Dr. Xussein Cali Axmad iyo Cabdulqadir Sheikh Maxamed, Saacado ka dib ee islaa malintaa Wasiirka iyo Wafdigiisa waxa ay La kulmeen Ra,iisul-wasaaraha Dalka Kuwait Sheikh Sabaax, iyo Wasiirro Kale, wuxuuna u gudbiyey labo Dhambaal oo ka kala socda Madaxweynaha Jaamhuuriyadda Federaaliga ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmad, iyo Ra,iisul wasaaraha Mudane Prof. Cali Moxamed Geeddi, Dhambaaladaas oo u kala socday Amiirka wadanka Kuwait Sheikh Jaabir Al-Sabaax iyo Ra,iisul wasaare Sheikh Subaax, Kulamadaasi waxaa goob joog ka Danjire Cabdulqaadir Amiin Sheikh Abuu Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kuwait, Wafdiga Qado sharaf waxaa loogu sameyey Burjiga ( Tawarka) Magaalada Kuwait. Kadib booqashadii iyo shirarakii ay weftigu la lahaayeen madaxda Kuwait markii ay dhamaysteen waxay kala qayb galeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Kuwait Xaflad dabaaldeg ah taas oo baryahan ay isu diyaarinayeen kuna soo beegan tay nasiib wanaag wakhtigii weftigu yimaadeen kuwait Xaflad soo dhaweyn ah oo ay ku taageerayeen dawlladda u dhalatay wadankooda hooyo ayaa dhacday habeenkii 25/2/2005 waxayna u dhacday sidaan. Xafladaas oo si wanaagsan loo soo abaabulay waxaa aad uga soo qayb galay jaaliyadda kuwait oo u qaybsanaa dhawr qaybood oo kala ah Fanaaniin ku soo bandhigtay heeso wadani ah oo qiiro badan ilmona ka keenay dad badan oo ka mid ah dadkii daawanaayey, iyadoo qaarkood ay gashanaayeen dharkii lagu yiqiin ciidankii Daraawsiihtii Qarankeena Soomaaliyeed, sidoo kale kooxo rag iyo dumar ah oo sitay dharkii hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo ka muujiyey cayaarihii hiddaha iyo dhaqanka soomaaliyeed aadna loogu bogay, intaa kadib waxaa khudabad waxaa khudbado warbixin ah ka jeediyey gudoomiyaha jaaliyadda Sheekh Cumar kadibna Danjire C/qaadir Amiin hadal gaaban ka jeediyey isagoo ku soo dhaweeyey wasiirka Tamarta iyo Wasiirka arimaha Dibadda ee Soomaaliya. Wasiiradda ayaa jaaliyadda kuwait ka siiyey warbixin dheer shirkii Kenya ee muddad dheer socday iyo guula ka soo baxay iyo waxyaabaha hadda looga baahan yahay inay shacabku qabtaan iyo sida ay uga go,antahay dawladda federaalka ah iyo baarlamaankaba inay guntiga u xidhaan sidii ay u sii dhamaystiri lahaayeen dibu heshiisiinta iyo taabagellinta dawladda iyo socodsiinta hawlaheedaba iyagoo kaashanaaya shacabkooda Afhayeenka Xidhiidhka Jaaliyadda iyo Safaaradda Axmed Raadsato Kuwait
-
Somalia's President Prime Minister- Jowhar +Hiiraan+PUNTLAND+Baidoa
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Reer Boosaaso oo wafdiga Federaalka Soomaaliyeed ku maamusay soo dhoweyntii ugu sarraysey inta la xusuusan yahay Boosaaso - 27.February.2005 Waxaa magaaladan Boosaaso si diirran oo heer sare ah loogu soo dhoweeyey wafdiga dawladda Federaalka Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayo madaxweynaha dawladda Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Dadweyne kumanaan iyo kumanaan gaaraya ayaa waxay isugu soo baxeen waddooyinka waaweyn ee magaalada Boosaaso gaar ahaan waddada laamiga ah iyaga oo lulaya ceemo qoyan iyo sawirrada Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Raiisal Wasaare, Cali Maxamed Geeddi iyo Madaxweyne Cadde Muuse Xirsi. Wafdiga ayaa waxay u gudbeen madaxtooyada magaalada Boosaaso, halkaas oo horay loogu sii diyaariyey cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland iyo ardayda dugsiyada magaalada Boosaaso oo ku lebbisan dereyskii dugsiyada si ay uga qayb qaataan maamuuslka loo samaynayo Wafdiga Dawladda Federaalka Soomaaliyeed. Faah Faahin dheeraad ah, Goor Dhow.... Maxamuud Faarax Bile farahbile@hotmail.com -
Somalia's President Prime Minister- Jowhar +Hiiraan+PUNTLAND+Baidoa
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Boosaaso: Soo Dhawayn aan Horay loo arag oo ka socota Boosaaso - Sunday, February 27, 2005 at 10:14 Boosaaso (AllPuntland)- Waxay hadda gaareen kusii socdaana marka ay qadeeyaana ka tagayaan Carmo, wafdigii D Fereaalka Soomaaliya soo dhawayn loo samaynayo ayaa ka socota Magaalada Boosaaso xarunta ganacsiga Puntland, waxaa socda soo dhawayn aan horay loo arag oo dadweynaha Boosaaso ay kusoo dhawaynayaan wafdigaas. Waxaa si aan caadi ahayn u buux dhaafay wadada wafdigu soo mari doono, kumanaan dad ah. Soo Dhawaynta ayaa hadda socota oo wafdigii baa la sugayaa inay kasoo dhaqaaqaan carmo, wariyayaashuna waxay mashquul ku yihiin inay ogaadaan waxa dhacaya si ay idiin soo gaar siiyaan ee la soco wararkayaga xigah ALLE idankiis. AllPuntland, Boosaaso -
Somalia's President Prime Minister- Jowhar +Hiiraan+PUNTLAND+Baidoa
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Carmo: Wafdigii DF Soomaaliya oo Qadada ka Dib degmada Carmo ka Dhaqaaqaya, Boosaaso oo wadada u wada taagan - Sunday, February 27, 2005 at 10:37 Carmo (AllPuntland)- Marka aad akhridid dareenka dadka lana sheekaysatid hooyo, wiil, aabbe iyo gabarba waxaa kuu soo baxaya oo ay kuu sheegayaan waa jacaylka ay u qabaan dawlad Soomaaliyeed oo hanata isuna keenta iskuna xirka dalka iyo dadka Soomaalida ee dagaalka sokeeye lagu kala qoqobay. Wafdigii madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed uu hogaaminayay oo qado loogu sameeyay Degmada Carmo oo qiyaastii 100 km koonfur kaga began magaalada Boosaaso. Wafdigan oo saaka quraac loogu sameeyay magaalada Qardho ayaa soo gabo gabeeyay khudbadihii kala duwanaa ee ay kajeediyeen gudaha magaalada Qardho. Wafdigu waxay kusii Jeedaan magaalada Boosaaso, ayagoo ka ambo bixi doona magaalada Carmo marka ay qadeeyaan iyagoo dadka reer Carmo la hadlay. Dadwaynihii magaalada Qardho ayaa wafdiga madaxwaynaha sii sagootiyay ayadoo wafdiga madaxwaynaha ay galbinayaan madaxda ugu saraysa maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo uu hogaaminayo madaxweynahooda Cadde Muuse. Madaxwaynaha iyo Raysulwasaaruba intii ay joogeen magaalada Qardho waxay khubadohooda ku ammaaneen dadka magaalada Qardho sidii ay usoo dhaweeyeen iyagoo gaarsiiyay dadka reer Qardho fariinta dawladooda Soomaaliya. Qiyaasta Marka laga boxo salaadda casar ayaa lagu wadaa inay wafdigu galaan gudaha Boosaaso oo wadooyinka ay haddeerba buux dhaafiyeen kumanaan dad ah oo ku sugan wadooyinka wafdigu soo marayo si ay usoo dhaweeyaan. Iyadoo mar horaba dadwaynihii magaalada Boosaaso qaarkood ay kusugan yihiin magaalada Carmo ee gobolka Bari, ayaad haddana indhaha fajac galinaysaa isu soo baxa dadka reer Boosaaso ee maanta ay ku sugayaan wafdiga dawlada dhexe ee federaalka Soomaaliya. Marka aad akhridid dareenka dadka lana sheekaysatid hooyo, wiil, aabbe iyo gabarba waxaa kuu soo baxaya oo ay kuu sheegayaan waa jacaylka ay u qabaan dawlad Soomaaliyeed oo hanata isuna keenta iskuna xirka dalka iyo dadka Soomaalida ee dagaalka sokeeye lagu kala qoqobay. CCC Farayaamo AllPuntland -
Somalia's President Prime Minister- Jowhar +Hiiraan+PUNTLAND+Baidoa
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Cabdullaahi Yuusuf iyo Prof. Geeddi oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Qardho Qardho - 27.February.2005 Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Raiisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa saaka soo gaarey magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, halkaas oo si diirran loogu soo dhoweeyey. Wafdiga dawladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Madaxweynuhu ayaa waxay booqdeen wershedda caanaha ee Maandeeq ee magaalada Qardho, waxaana lagu dejiyey Hotel Alla Aamin ee magaalada Qardho halkaas oo ay quraac sharaf ku leeyihiin. Dadweyne kumanaan gaaraya iyo mas'uuliyiinta kala duwan ee degmada Qardho ayaa subaxnimadii saaka ku soo dhoweeyey magaalada Qardho. Wafdiga Federaalka ayaa waxaa lagu waddaa in ay goor dhow ka khudbeeyaan dadweynaha magaalada Qardhona kala hadlaan xarunta maamulka degmada Qardho. Si aad u ogaatid macluumaadka ku saabsan khudbadda mas'uuliyiintaas, iyo kulamada ay dadweynaha Qardho la samaynayaan, haka dheeraan SBC Online.net Maxamuud Faarax Bile farahbile@hotmail.com