General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Wejiga koowaad howlgalka Ciidamada IGAD ee Soomaaliya oo la Shaaciyay iyo meelaha ay tagayaan,iyo weliba wejiga Labad goobta ay tagi doonan Wasiirka Gaashandhigga Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday goorta ciidamada IGAD imaan doonan Soomaaliya,isagoo sheegay in wejiga koowaad ee Ciidamadaas oo ah 4 Batalyan ay tagi doonan Magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo 30 bisha Apriil. Jen C/raxmaan Maxamud Cali oo ah Wasiirka Gaashandhigga Dowladda KMG ah ayaa yiriâ€Wejiga Labaad waxaa la geynayaa B/weyne iyo Gaalkacyo, waana 2 Batalyan, taasi waxay dhacaysaa 2 week kadib marka ay soomaaliya tagaan wejiga koowaad ee Ciidamadaâ€. Mar uu ka hadlayay goorta Banaadir iyo Jubbooyinka Ciidamada imaan doonan ayuu sheegay in marka hore dadka Goboladaas ku nool laga dhex bilaabi doona nabadeyn waa sida uu hadalka u dhigay, isagoo xusay in markas kadib Ciidamadaas imaan doonan Jubbooyinka iyo Banaadir. Sida muuqato IGAD ayaa waxaa u qorsheysan in Ciidamada IGADSOM tagaan Labada Gobol ee Baay iyo Shabeelaha Dhexe, iyadoo Labadaas Gobol noqon doonan goobta ay dowladda KMG ah degi doonta. Dalalka Itoobiya,Uganda,Kenya iyo Suudan waxay soomaaliya u soo dirayaan min hal Batalyan(100 ilaa 1000), halka dalka Jabuuti u soo dirayaan nus Batalyan ciidamo ah, Sida la sheegayo ciidamada ugu horeeyay waxay soomaaliya imaan doonan 30 bisha Apriil ee sanadkan. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Midnimo Information Center wararka@midnimo.com
  2. lol, OG-Girl well done you one tough chick Qorshel damn bro, but I got ya. As for Juma getting desperate are we old man
  3. Nothing more nor less, Simple as that...Love them guyz! Fair balanced and professional reporters I like that.. As for Che-G bro I was not picking on dayniile, its just they should have been more tactful with that article. Their wishful daydream of a war between the Puntland clan could not be hidden I guess.
  4. Glle Sare Siciid Dheere oo warar been abuur ah ku tilmaamey wararka sheegaya in la xirey Boosaaso-15.March.2005 Abaanduulaha Ciidamada Daraawiishta Maamul Goboleedka Puntland G/lle Sare Siciid Maxamed Xirsi(Siciid Dheere) oo caawa u waramayey Idaacada SBC ayaa ku tilmaamey war aan sal iyo raad toona lahayn wararka sheegaya in la xirey oo uu ku jiro Halkan ka dhageyso Wareysigii oo cod ah Xabsi Guri. G/le Sare Siciid Dheere wuxuu sheegay in uu ku sugan yahay Magaalada Boosaaso, uuna u joogo hawlo shaqo, isla markaana aysan jirin cid ama Masuuliyiin ay dhibaato ka dhaxeyso, warkaasina uu yahay mid been abuur ah oo ay fidinayaan buu yiri dad dano kale leh oo doonaya in ay Puntland qas iyo jahwareer ka abuuraan. Idaacada SBC oo waydiisay G/le Sare Siciid Dheere in uu jiro wax khilaaf oo u dhaxeeya isaga iyo Madaxweynaha DGPL Maxamuud Muuse Xirsi (Gen.Cade) ayuu wuxuu tibaaxay inaysan jirin wax khilaaf ah inaba haba yaraatee oo u dhaxeeya isaga iyo Madaxweynaha, waxaana uu tibaaxay in isaga iyo Madaxweynaha DGPL Gen.Cade Muuse ay yihiin Rag aad isaga sokeeya dadka kale, isagoo intaasi sii raaciyey in ay xitaa ay isla ahaayeen Aasaasayaashii Ururka SSDF markii la aasaasey, isla markaana wuxuu sheegay in Gen.Cade Muuse uu ahaa Taliyihiisii Ciidamada, isna uu ka mid ahaa Saraakiishii kale oo ay waliba saaxiib ahaayeen. Abaanduulaha Ciidamada Daraawiishta DGPL G/le Sare Siciid Maxamed Xirsi(Siciid Dheere) wuxuu ku tilmaamey dadkii wararkaas fidiyey kuwa dano leh waxaana uu ku tilmaamey inay yihii kuwa been ka macaashayaal ah Dhanka kale wuxuu Siciid Dheere ka hadley arimaha Nabadgalyada Deegaanada Puntland, isagoo daboolka ka qaadey in Nabad buuxda ay ka jirto deegaanada Puntland, isla markaana ay Ciidamadu qaadanayaan mushaarooyinkoodii, waxaana haatan qaatey buu yiri Mushaarooyinkii Ciidamadii kale sida kuwa Booliiska,"Wax walba oo Dalku yahay ayaan la qaybasanaynaa dadkeena, inagoo aan haysan wax mushaar ah ayaan ku jinrey inaan dalkeena u shaqeyno hadana waxaan diyaar u sii nahay inaan shaqeyno" ayuu yiri G/lse Siciid Dheere oo caawa Idaacada SBC warysi siiyey Idaacada SBC. G/le Sare Siciid Dheere wuxuu si gaar ah uga codsadey Maamulka Web Site-ka Dayniile inay ka bixiyaan jawaab halka ay ka keeneen warkaas uu sheegay in magaciisa lagu sumcad diley ee lagu sheegay in la xirey, wuxuuna tibaaxey in uu ka sugayo jawaab Maamulka Shabakadaas. C/qaadir Maxamed Nuunow SBC Boosaaso.
  5. This is their report........... Abaandulihii ciidanka darawishita Puntland Col Saciid Dheere oo xabsi guri ku jira magaalda Boossaaso Boossaaso Abaandulihii ciidanka darawishta Puntland Col Saciid Dheere oo xabsi guri ku jira magaalda Boossaaso kadib markii looga shakiyey dhaq dhaqaaq lid ku ah maamulka Madaxeyne Cadde Muuse ,asagoona Col Saciid Dheere looga baqay afganbi . Col Saciid Dheere oo ahaa gacanta midig madaxeynahii hore ee Puntland Cabdulaahi Yuusuf ayaa ah nin awood ku leh xaga ciidanka sidii loodoortayna Cadde Muuse diyarinayey inqilaab ka dhan ah Cadde Muuse kasoo la fashiliyey .- Xabsi guriga Col Saciid Dheere ayaa laga yabaa in ay keento xiiso colaadeed oo baryahaan aad loganastay kadib markii madaxweynahii hore u waregay dhinaca Soomaliweyn hadana ka ah Masuulka ugu sareeya DFKMG Dhanka kale Ciidamada daacada u ah Jen Cadde Muuse ee jooga magaalada Boosaaso ayaa la galiyey heegankii ugu sareeyey ee soomara intii loo dhibay jagada madaxweyne- ee Puntland ayadoona laga cabsi qabo in ay kacdoon sameeyaan ciidamo ka tirsan darawiishtii hore oo si aad ah u tageersan Col Saciid Dheere kuwaas oo dhaq dhaqaq ka bilaabay magaalada Boosaaso. Xiligaan laga baqayo afgnbiga ayaa ku soo beegmay xili madaxawynuhu u socdo dalka Jabuuti iyo dalal kale oo ku yaalo wadamada Yurub Ku noqo beejka webmaster@dayniile.com
  6. Hoggaamiyayaasha ****** Ruwaayad miyay shacabka u jilayaan? Talaado, March 15, 2005(HOL) @18:00GMT: Asbuuc kama soo wareegan saxiixa Heshiiskii ay magaalada Nairobi ku gaareen Hogaamiyaayasha Muqdisho, waxaana durba la maqlayaa in mid ka mid ah Hoggaamiyayaashii bud-dhigayaasha u ahaa heshiiskii Maamul u sameynta iyo Nabadeynta Gobolka Banaadir uu leeyahay in arrinta maamul u sameynta Gobolka Banaadir loo wajaho qaab Qarameed, isla markaana aan qaab qabiil lagu dayin. Inj. Xuseen Maxamed Caydiid oo ah Ra'iisul Wasaare ku xigeenka labaad iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, isla markaana ka mid ah Hoggaamiyayaasha hubeysan ee magaalada Muqdisho xoogga ku leh ayaa maanta mar uu la hadlayay Idaacadda BBC-da Laanteeda Afka Soomalaiga waxaa uu shaaca ka qaaday in isagu aanu qabin in arrinta xal ka gaarista Muqdisho ay tahay mid u baahan in qaab Qabiil wax looga qabto, wuxuuna meesha ka saaray is-xulufeysigii Hoggaamiyayaasha ****** ee iyagu 12-kii bishan saxiixay heshiis ay qodobadiisa ka mid ahaayeen in ay Muqdisho maamul u sameynayaan, isla markaana ay maleeshiyooyinka geynayaan Xerooyin ka baxsan magaalada Muqdisho. Xuseen Maxamed Caydiid waxaa uu sheegay in arrintaas aysan noqoneynin mid guuleysaneysa haddii qaab qabiil loo wajaho, wuxuuna tusaale u soo qaatay dhowr jeer oo hore oo la isku dayay in maamul loo sameeyo Gobolka Banaadir, kuwaasoo ay ku heshiin waayeen Hoggaamiyayaasha Hubeysan ee Muqdisho. Hadalkii ka soo yeeray asbuucan bilowgiisii Hoggaamiyayaasha Muqdisho wuxuu ahaa mid rajo geliyay dadka ku dhaqan Caasimadda Muqdisho, kuwaasi oo qaati ka jooga ammaan darro sii baaheysa oo ka jirta gobolka, hayeeshee maanta ayay rajadaas nuqsaantay kadib markii uu Xuseen Caydiid oo saxiixayaasha heshiiskaas ka mid ahaa uu si kale u hadlay. Xuseen Maxamed Caydiid, waxaa uu haatan ku sugan yahay magaalada Qaahira ee dalka Masar, isagoo ka mid ah wafdiga Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed. Hadalkan uu maanta bixiyay Xuseen Caydiid iyo weliba in uu ka mid noqday wafdiga Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha oo ay Hoggaamiyayaasha Muqdisho ka soo horjeedaan siyaasadahooda ayaa waxay sababi kartaa in ay sii kala fogaadaan Hoggaamiyayaasha Muqdisho oo awalba la sheegayay in aanu sidaasi u sii ridneyn heshiis sal adag leh oo dhermara. Waxaa la hadal hayaa in arrinta ay wadeen Hoggaamiyayaasha Muqdisho uu kaalin weyn ku lahaa Xuseen Maxamed Caydiid, kaasi oo ah in uu isagu yeesho soo magacaabidda Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho bacdamaa uu yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka, inkastoo aanan la ogeyn in uu taasi u fasaxayo Axdi Qarameedka KMG ah iyo in kale. Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  7. ^^^ lol, that was a good one.
  8. ^^^ No not at all, my clan are just like any other clan. They must obey the law and must respect the rights of others, just like I expect from every other its really that simple. The promised land for all of us is Somalia, we just have not figured it out yet.
  9. Dr. Maxamed Sheekh Maxamuud Guuleed (Gacmadheere) is getting into the directory of Somali living heroes. Nayruus thanks for that one. He is my hero and has been for a very long time. A Somali nationalist if there ever was one. many thanks
  10. ^^^ No you can't talk about the President OG-girl Toogane is a crazy old dude, he aims to provoke and courts controversy. I dont much like how he generalises, but he does know how to get people's attention.
  11. At least you[Juma] are blunt regarding how you wont recognise the parliment as it would endanger your clan created heaven in Xamar. We wait and see, dear Juma.
  12. Indeed we wait and see. The warlord and their media has to keep up the game, Hussein Aydeed is gone to the other side, Mohamed Dheere shows that external groups are against and remember the cabinet already passed the request for foreign troops. So the parliment is left we are told conflicting numbers some say 70 MP's midnimo, then 100 in dayniile whats the real number? I guess some will say what ever they like, remember Adow will win [he has Jama Ali Jama's support] and Abdiqasin can count on 200 MP's.
  13. I want things to work based on realities, sacrifice and compormise, not on devisive issues. If it is my way or the highway, then let no one else take the blame hadhoow. You are making no compromise, no sacrafice for the national cause and instead using all your energy to promoting divisive issues such as "Puntland will keep their guns" and "Amxara is coming to destroy Xamar & our clan". Its your group, Juma included who ignore the terrible figting in Hobyo/Galgaduud, never mentioning it once and yet defend the right of the clan. You dance to every tune of the warlords who oppose peace out of clan pride. You attack the elected President's every move because of clan pride, and yet you tell me about sacrafice about compromise? All this moral idealistic talk is good, yet you defend those who occupy private and public property for over a decade. As you might have heard the IGAD troops are going to Puntland as well, so much for that divisive argument hey.
  14. No that was 10 october silly. Oh my did Mr Dheere touch a nerve up in Ceel Buur.
  15. ^^^^ Liqiye, good attempt brother. However let me clarify my position if I may. I support the Somali government headed by Abdullahi/Ali Geedi. I support those who support this government and its aim of restoring law and order to my beloved Somalia. Now I could not care less for the cries of Qaynyare and other minister/warlords ,the interest of the many outweigh their selfish wants and needs. The 15 year record of these men also is a testement if one is confused and thinking if to take them seriously this time. As for my postings I have been consistant in supporting what I belive in, a united, federal Somalia with Mogadishu as its capital. If one want's to hide clan hatred with an angelic face and pretend that their position is in the higher moral plains then good for you, I dont suffer from such pretence. The issue is simple, Somalia is a nation turn apart because of clan conflict and many lost opportunities, what I want to see is healing the clan conflict and seizing upon this new opportunity. The restoration of state power and the limiting of clan power would go a long way.
  16. ^^^ Its the four year aniversiry if his gun free been there reign.
  17. 30ka April Oo la Qorsheeyay in Ciidanka ugu Horeeya Somalia Tegei Doonaan Kulankii wasiirada difaaca IGAD ayaa lagu go'aansaday in ciidan gaaraya tooban kun oo askari oo kala socda dawladaha IGAD Soomaaliya loo diro. Ciidanka ayaa sedex guuto iyo bar kamid ahi la qorsheeyey in ay Soomaaliya tegi doonaa 30ka April, kuwaasoo ka kala socda dawlada 1guuto-Sudan, 1-guuto- Ugandha 1- guuto- Itoobiya iyo guuto barkeed oo Jabuti ah. Shaban Bantariza oo ah afhayeenka wasaarada difaaca Ugandha, ayaa sheegay in Ciidanka ay tegi doonaa dhamaan Soomaaliya, marka laga reebo jamhuuriyada gooni isku taagtay ee Somaliland., laakiinse wuxuu sheegay Mr Shaban Bantariza in go'aanka kama danabysta ah ee fulinta arrinkan ay qaadan doonaan wasiirada arrimaha debeda IGAD ee dhamaadka usbuucan kulan ku yeelan doona magaalada Nairobi ee wadanka Kenya. " Wasiirada arrimaha debeda ayaa arrinku gacanta ugu jiraa, inagu waan gudbiney soo jeedinteenii, iyaga ayey u taalaa hadii ay go'aansadaan iyo hadii kale" ayuu yiri Mr Shaban. Wuxuu kaloo sheegay sarkaalkani in aysan waxba kasoo qaadin diidmada ka imaanaysa hogaamiye kooxeedka qaarkiis iyo culimadda xaga diinta midkoodan. Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo haatan ah gudoomiyaha IGAD ayaa isagu ku adkaysanaya in ciidankan oo loogu magacdaray IGADPeace Support Mission for Somalia (IGASOM), Soomaaliya loo diri doono, danna aan laga geli doonin kooxaha kasoo horjeeda. Isha Warka: Xinhua and IOL Webmaster@goobjoog.net
  18. Kambaala: Madaxweynaha Wadanka Ugandha Oo Sheegay In Dalka Soomaaliya Loo Soo Dirayo Ciidamo Amaanka Suga - Tuesday, March 15, 2005 at 12:42 Kambaala (AllPuntland)- Madaxweynaha wadanka Uagandha imminkana ah gudoomiyaha Urrur Goboleedka Igad ayaa sheegay in Soomaaliya Loo soo dirayo Ciidamo Nabd Ilaalineed oo ka socda wadamada Igad. Madaxweyne Yuweri Musaveni oo shalay ka hadlay shirka wasiirada Gaashaandhiga Igad ay ku lahaayeen Magaalada Kambaala ayaa ku adkeystay in aysan aheyn arrintu mid loo maja xerayo dadka iyagu caadeystay in ay ka hor yimaadaan nidaam walba oo Aduunku doono in Soomaaliya looga Gudbiyo Nidaam La’aanta, Waxuu kaloo Sheegay Madaxweynaha Wadanka Ugandha in ciidamadaasi ay tiradooda gaari doonto ilaa 10 kun oo askari oo ka imaanaya wadamada ku jirra Urrur Goboleedka Igad iyagoo dalkana joogi doono ku siman sagaal Bilood, waxuuna intaasi raacoyay ka dib in ay ciidamadaasi howshooda la wareegi doonaan ciidamo kale oo ka imaanaya wadamada Qaarada Afrika kuwaasi oo ay howshoodu yeelan doonaan Midowga Afrika. Urrur Goboleed Igad Oo Sheegay In aysan ka hadli karrin qab qablayaasha dagaalka Soomaaliya Ciidamada Loo sooo dirayo Gudaha Wadanka Soomaaliya. Kambaala AllPuntland. Shirkii shalay ka dhacayay magaalada Kambala ee caasimada wadanka Ugandha ka dib ayaa mas’uul sare oo ka tirsan Urrur Gobnoleed Igad waxuu sheegay in aysan ka hadli kareyn kuwa iyagu diidan nidaam la hirgaliyo dalka Soomaaliya Go’aanada ay qaateen Igad. Mas’uulkan oo la hadlay saxaafada isaga oo jooga Deegaanka Etembe oo ku dhaw magaalada Kampala ee caasimada Wadanka Ugandha waxuu sheegay in aanan la warsan doonin kooxaha yare ee mar walba ka hor yimaada nabad ku soo dabaalida Soomaaliya. Isagoo dhanka kalana tilmaamay in dowladu tahay ta kaliya ee la aqbalayo hadaladeeda balse aanan hadda ka dib loo fadhin koox yar oo inta is biirsata war baahinta dadka kala hadasho si ay niyada dadka soomaaliyeed oo aan ognahay in ay u baahanyihiin Dowladnimo iyo nidaam Jahawareer ku beerra. Abshir Cali Gabre AllPuntland.com
  19. Shabeelaha Dhexe oo u Dabaaldegtay Shalay Maamulka ka Hirgalay halkaas, haddaba Maxaad kala socotaa xaaladda dhabta ah ee gobolka Shabeelada Dhexe? - Tuesday, March 15, 2005 at 10:07 Gobolka shabeelada dhexe, waxaa ka jira maamul ay samaysateen dadka ku nool deegaanku bishii Maarso 2001. Gobolku wuxuu ka koobanyahay degmooyinka; Jowhar, Cadale, Warshiikh, Raage-ceelle, Aadan-yabaal, Mahaday iyo degmada Balcad, waxaana maamulkaani ka shaqeeyaa dhamaan degmooyinkaas – marka laga reebo degmada Balcad oo uu ka taliyo wasiirka ganacsiga Soomaaliya Muuse Suudi. Gobolka Shabeelada dhexe, wuxuu xuduud la leeyahay gobolada kala ah; Hiiraan, Galgaduud, Shabeelada hoose iyo Banaadir Waxaa shaqeeya guddiga siyaasadda gobolka shabeelada dhexe iyo wakiilo q aabilsan hay’adaha kala duwan ee maamulka sida; wakiilka beeraha, wakiilka arimaha gudaha, wakiilka warfaafinta iwm. Waxaa ka jirta nabadgalyo lagu tilmaami karo inuu yahay gobolka ugu xasiloon guud ahaan Soomaaliya. Waxaa shaqeeya ciidan boolis oo ku hubeysan budad (uloh). Waxaa shaqeeya maxkamadaha darajada koowaad iyo tan racfaanka. Magaalada Jowhar oo ay iigu dambeysay muddo labaatan sano ku dhow ka hor – isbadalka qura ee aan dareemay waxaa weeye, maamul si fiican u shaqeeya oo dadku kuwada qanacsan yahay oo gobolku leeyahay. Waxaa si fiican u shaqeeya nadaamkii canshuuraha, waxaana maamulka gobolku mushaar siiyaa shaqaalaha hay’adaha sida kuwa; amniga, caafimaadka, waxbarashada iwm. Magaalada Jowhar Gaadiidku ma istaagi karo meel aan ka ahayn meelaha loo cayimay, sidoo kale, BL-ku ma soconkaro asagoo albaabku furan yahay ama kor dad ka saaran yahay. Dil iyo aano qabiil waa halkeedee, waxaa reeban in labo qof is feerto – waxaana ka xeeran labadii isfeerta in midka bilaabay laga qaado ganaax lagaceed. Dadka deegaanka gobolku waxay mashquul ku yihiin; xoogsiga sida falashada beeraha, waxayna si wayn u ixtiraamaan maamulka iyo shuruucda u taala. Wax soo saarka dhinaca beeraha ayaa gobolka ka dhigay mid badanaa waxyaalaha daruuriga u ah noloshu aan dibadda laga soo jejin. Beeraha gobolka waxaa sanadkasta ka soo go’an; bariis, digir, sisin, galay iyo qudaarta noocyadeeda kala duwan. Waxaa magaaladu leedahay biyo iyo koronto joogto ah, waxaana ka howl-gala hay’ado caalami ah oo ay kamid yihiin; UNCEF, MSF-Spain, CHAFA, UNDP iyo NGO-yo wadani ah oo wax ka shaqeeya dhinaca horumarinta gobolka. Waxyaalaha ka soo go’a beeraha gobolka qaarkood ayaa loo iib-geeyaa gobolada kale ee dalka qaarkood sida; qaraha, mooska, liinta iwm – waxaana gobolka ka soo gala lacag badan. Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo ah guddoomiyaha siyaasadda gobolka shabeelada dhexe, waa masuulka ugu sareeya maamulka gobolka, waana maskaxdii ka dambeysay hirgalinta maamulkaas. Maxamed Dheere, waa masuul ay ixtiraamaan jecelyihiina dadka uu maamulo isna isku si u ixtiraama dadka (madax iyo majaba). Waa nin furfuran oo aysan ku jirin wax isla wayni ahi. Sida ay ii sheegeen dad aad u yaqaan Maxamed Dheere, waa nin talaabo kasta oo uu qaadayo ka eega dhinaca danta guud. Aadan Nuur Maxamed
  20. Mohamed Dheere is a new type of leader unlike any seen in the south. He has successfully brought about tangible benefits in his area of influance. He has usurpud the happless Musa Sudi as the power of the clan and thus his support has rattled the other big players in Banadir. Underestimate this dude at your peril.
  21. Bisharo, are you an expert on millitary affairs? I saluted President Musaveni for his efforts to help Somalia solve its problesm, Puntand and Mogadishu city are part of Somalia. Xoogsade, as you know Puntland troops will not disarm Mogadishu. The President told the people of Puntland that their support is needed, just like he told those of Baidoa and Jowhar that their support is essential. Its also unhelpful to create such divisision between the people of Puntland and those of the capital. The new army will come from every region including Mogadishu and those who will disarm the millitia's of Mogadishu will be the long suffering people of that city.
  22. CAAMIR, many thanks for posting the UN report on the arms violation. Anyhow the government is doing a good job in trying to build a good relation with the external key players in the conflict. The relationship with African leader such as Zanawi, Musaveni and Obasanjo has been advantages so far, the news today of a good reception by Egypt is priceless. Improving security, security and security should be on the mind of the new leaders.
  23. M/wayne C/laahi Yuusuf, oo Hantiyay Muruqa Diblomaasiyadda Carabta iyo Kan Afrik {Qahira} M/waynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Wefti Balaadhan oo uu Hogaaminayo ayaa Saaka ka degay Gegida Dayuuradaha Ee Magaalada Qaahira.......... {C/qaadir Jilbis} Weftiga M/waynaha oo ay ka mid ahaayeen, Ra"isal Wasaaraha Jamhuuriyadda Prf Cali Max,ed Gaadi, Wasiirka Arimaha Gudaha Eng Xuseen Caydiid, Wasiirka Arimaha Debeda Prf C/laahi Sheekh Ismaaciil, Wasiirka Maaliyada Prf Saalim Caliyow Ibrow ayaa Si aan la Qiyaasi karin Loogu Soo dhaweeyay Magaalada Qaahira. Markii ay Weftigu ka soo degeen Garoonka ayaa waxaa halkaa ku Soo dhaweeyay Wasiirka Dawlada Masar u Qaabilsan Dhinaca Cilaaqaadka Dawladaha, iyo Madax ka Socota Jaamacadda Carabta, waxaana markiiba loo Gelbiyay Qasriga Madaxtooyada Dalka masar. Waxaa halkaa Diyaar ugu ahaa M/waynaha Dalka Masar Max,ed Xusni Mubaarag, Ra"isal Wasaaraha Dalka Masar Dr Axmed Badiiq iyo Xoghayaha Guud Ee Jaamacadda Carabta Camar Muusa, waxaana halkaa ku Dhexmaray wadahal dheer oo kafool kafool ah iyaga oo ay labada Madax wayne Isdhinac taagnaayeen. Waxaa ka mid ah waxyaalaha ay kawada hadleen Labo qodob oo Dawladda Soomaalida muhiim u ah, waa sidii ay Dawladda Masar uga qayb qaadan lahayd Dib u Dhiska Dalka oo u baahan dhaqaalo xoog badan, iyo weliba Dhiiri gelin dhinaca Siyaasadda oo ay ka hesho Dawladda Masar Marka Dhawaan ay Madaxda Carabtu ku kulmaan Magaalada Aljeris Ee Dalka Aljeeriya, Maadaama Dawladda Masar lagu Tilmaamo Muruqa Diblomaasiyada Carabta. Waxaa xusid mudan sida la yaabka leh Ee ay Masuuliyiinta Masar u Soo dhaweeyeen Weftiga Soomaalida, iyadoo ay Dad badani qabeen in aanu wanaagsanayn Xidhiidhka Masar iyo C/laahi yuusuf, Tan iyo markii uu C/laahi Yuusuf ka baxay Shirkii Qaahira 1996 iyo Weliba Xidhiidhka dhaw ee uu M/Yuusuf la leeyahay Dalka Ethiopia, oo ay Dawlada Masar isku hayaan dano Dhaqaale oo ay ugu horayso Biyaha Webiga Naylka oo iyagu ka soo Butaaca Buuraleyda Ethiopia, Biyaha Webiga Naylka ayaa iyagu Dalka Masar u ah Halbawle ay Naftu ka baxayso hadii la"iska hortaago. Hadaba Soo dhwayntan Miisaanka leh ee aan loo samayn xataa M/waynayaasha Dalalka Awoodda badan ayaa lagu Tilmaami karaa Bog Cusub oo u Furmay C/laahi Yuusuf iyo Xusni Mubaariga Masar, waxaa kale oo Muuqata in Siyaasadda Arimaha Debeda ee Dawlada Ku meelgaarka ahi ay marayso Meeshii ugu saraysay, Maadaama oo ay gacanta ku dhigtay Muruqa Diblomaasiyada Carabta oo lagu tilmaamo Dalka Masar. Waxaa kale oo ay Dawladda Ku meelgaarka ahi horay u hanatay Muruqa Diblomaasiyada Afrika oo lagu Tilmaamo Dalka Nayjeeriya, iyada oo M/waynaha Nayjeeriya Olosungea Obasanjo uu ka qaybgalay caleema saarkii M/waynaha, uuna ka dhaadhiciyay shirkii Abuja ee uu isagu Gudoominaayay in ay Dalalka Igad Ciidamo u Diraan Soomaaliya Taas oo uu C/laahi Yuusuf uga Qaalisanayd wax kasta oo kale. Si kasta ha ahaaytee waxaa Muuqata in ay rajo wayni ka Muuqato Hanashada Dawlada Ee Gudaha dalka. C/qaadir Jilbis xoosh2009@yahoo.com
  24. MAXAMED DHEERE MASUUL KU DASHO MUDAN OO MIRIHII HALGANKIISU MUUQDO. waxaa laga wada dharagsan yahay in dad badan oo wax badan ka qabtay nabadgalyada deegganada ay ka taliyaan ay yimiih xilligaan kuwo tusaale cad u ah bulshada soomaaliyeed waxaana ay tahay kuwo mar kasta qaluubta shacabka xaadir ku ah u dadaalayaasha masaakiinta iyo dadka u baahan nabadda iyo xasiloonida oo walibana u nugu dhibaatada dalka ka dhac-day 14ka sano aynu kujirnay dagaal mindhicireedyada oo fuuqsaday nabaddii iyo xasil-oonidii kala danbeyntii iyo wa-liba howlihii qaranka. Haddaba inagoo ogsoon in wax waliba ay leeyihiin dad ka muuqda dadka kale oo waxqabadkoodu uu muuqdo ayaanana la ilaabi Karin dhib-aatooyinka soo taxnaa ee ka dhaceysay waddada isku xirta xamar ilaa Balcad,oo uu nabadeda ka qeyb qaatay Xaaji Muuse suudi yalaxoow dada-lkaa ayaa noqday mid ay ka sii horumariyan halkiisa ayna gaarsiiyeen dad ka naxaya dhibaatadaa oo waddada oo dheer darted dadkii gaadiidka rakaabka ahaa dhac iyo dhibka joogtada ah ee lagula kacayey wixii ka sii fog halka nab-adda laga aslaaxshay sutida u qabtay dhexdana u xirtay Hoggaamiye Maxamed Cumar Xabeeb oo ah nin ay ka muuqatay kalsooni badan lehna qimrad iyo waayo aragnimo isagoo nafsaddiisa u huray in uu si dhaqsi ah ugu soo dabbaalo nabad galayo ka dhacda deegaannada gobol-ka shabeellaha dhexe ayaa dadaalkiisa waxaa uu noqday mid afka ay ku hayaan shacabka soomaaliyeed ee ku ganacsada wadadaa iyadoo dad-allada nabdeed dadkii ka qeybqaatay ay kamudeysteen markasta oo la marayo waddaaas in loo duceeyo maxamed ddeere iyo muuse suudi oo bi-lowga halka nabadda deegganadaas ahaayeen. Guddoomiyaha gudiga siyaasadda maamulka Gobol-ka shabeelaha dhexe Md.Ma-xamed Cumar Xabeeba {M. Dheer} ayaa waxaa dadaalkiis uu noqday mid miro dhalo oo dadweyihii gobolkaa iyo gobl-lada dhexe isaga gooshayey ay had iyo jeer iyo laga dareemayo farxad iyo reynreyn markii ay maraayaan waddada iyadoo la ogaa markii hore in lagu mari jiray yaa-siinkow tabaaragoow, iaydoo qof wal-iba uu hore yaasiinka isasaari jiray haddii uu ku soo nabad noqdana uu caadada beelaha soomaliyeed ay aheyd inta badan in shrdi ay ka galaan Bun in ay dubaan ama xoolo ay qalaan qu;aanna isasaaraan. Qarashkii iyo walwalkii alle ka sokow waxaa dadal muujiyey ciidanka nabadsug-Idda gobolka sh/dhexe gaars-iiyeyna nabadii balcad ka bil-abaty ilaa iyo tuulada Fiidoow oo nabadda lagu soo dabba-alay qof walba aysan dooneyn in looga sheekeeyo haseyee-shee taariikhdu ayaa ah mid soo taxan oo qofweliba buuggii uu wax ku qorto ayaa wax looga aqriyaa waxaana dhihi lahaa guddoomiyaha gudiga siyaasadda gobolka shabeel-aha dhexe iyo inta garabka ku siisay sugudda ammaaka go-bolkaa iyo deggannada u dha-w dhaw sanadkuuguuradii 4-aad habbalyo hambalyo geediga wadaay wadaay wadaay. 14ka maarso maalin waa maalintii nabadda gobol-ka Sh/Dhexe waana maalintii niyasamida gaadiidleyda iyo rakaabka waa guushii dadwe-ynaha deegaanka iyo hoggaa-nka gobolka waxaana ay tusaale cad u tahay inta jecel nabadda waa gobol nabdoon, waa gobol barwaaqeed,waa gobol dad walaalo ah ay deggan yihiin, waxaana u rajeynayaa in ay ka sii wanaagsan-aato sida hadda ay tahay nabaddadegaankaa iyo kan soomaaliya oo dhan oo la badiyo naxariista ayaa badata dadka iyo dalkulan way ku horuu-maraan waxay u mahadcelinayaan bulshada nabadda jecel intii ka qeyb qaataday nabadda bilow ilaa iyo inta ay haatan mareyso waxaan diyaar u u yihiin in ay hiil iyo hoo la garab istaagaanu daneyay-ashabulshadauu kow hadda ka yahay Maxamed Dheer guddooyihaya maamulka siyaa-sadda gobolka sh/dhexe in aan xusno maalinta qiimaha inoo leh waana waxa keeni kara dhismaha qaraka qara-nka waxaa tusaale u ah qoftii waxqabdiisa muuqdo. Tusaalaha xiligaan siy-aasaddadalka doorka shriifka ah ka qaatay waa M/dheer waana udubdhexaadka tiirka nabdda iyo dhismaha qaran ee xilligaan waxqabdloo ayo ayuu u qabtay bulshada . W.Q. Xabiibo Axmed Jimcale {Biibto} Mogadishu Times E-mail: mogtimes1@yahoo.com
  25. "It is a shame for one of the ancient races in Africa to suffer for so long as we look on," Museveni said. "What are we waiting for?" Museveni, I salute you sir...