General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Its great project and may Allah bring it too fruition..
  2. Waaxda Socdaalka Soomaaliya oo maanta soo bandhigtay Baasaboorada Cusub ee Soomaaliya Jan 27 . 2007 Radiofreesomalia.com Agaasimaha Waxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomalaiya C/llaahi Gaafoow Maxamuud ayaa maanta markii ugu horreysay soo bandhigay baasaboorrada cusub ee Soomaaliya. C/llaahi Gaafoow oo kula hadlay warfidiyeenada Xarunta Nabad-sugidda Soomaaliyeed ayaa sheegay in baasaboorka cusub ee Soomaaliya ay yeelayso uu diyaar yahay, isla markaana uu ruux walba oo Soomaali ah qaadan karo, waxaana uu sheegay in ruux walba oo Soomaali ah oo haysata baasaboorro kale haysata uu qaadan karo midka cusub ee Soomaalida. Baasaboorkan cusub oo ah nooca Electronic-ga ah ayaa wata hal kaar aqoonsi, waxaana uu sheegay in baasaboorkii hore ee Soomaaliga uu ku eg yahay 07/May/2007, waxaana uu sheegay in ruuxii sita aysan xiligaas kaddib baasaboorkii hore uusan ku safri karin. “Soomaaliya maanta waxay ka gudubtay xayndaar kaga xirraa xagga baasaboorka, waxaana gacan naga siisay sameynta baasaboorradaan hay’adda ICOW oo ah Hay’ad caalmi ah, wuxuuna ka sameysan yahay Watership oo aan la been abuuri karin” ayuu yiri C/llaahi Gaafoow Maxamuud oo intaas ku daray: “Baasaboorkaan waa mid Computrized ah, waana mid la socda horumarka caalamka, lagana aqoonsan yahay dunida”. Dhanka kale wuxuu sheegay in laga xiri karo qofkii dambi gala oo sita baasaboorka, iyadoo uu leeyahay raadraac, meel uu u dhoofi karana ma jirto. “Qof ku dhoofa baasaboorkaan waxaa ugu horreeyay Ra’iisul wasaare Geeddi, waana mid Free Airport ah, sidoo kale loogama dhoofi karo garoommada macmalka ah, sidoo kalena waxaa haysta Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf oo haatan socdaallo ku maraya dunida” ayuu yiri C/llaahi Gaafoow Maxamuud.
  3. ^^^Its sad that some fear security so much, this was a desperate act thats all.
  4. ^^^No my dear, I went to that meeting and it was great.. Here are more pics and more will come in the next couple of days.... source
  5. Nabadshe Indeed governments buy tanks and heavy armour and give training to their soldiers and not clan millitia. Thus support the TFG and soon the Somali's will be able to defend their countries and move from can millitias to a national army.
  6. Maxamed Dheere oo sheegay ku wareejinayo maamulka gobolka xubnaha cusub ee loo soo magacaabay WardheerNews January 28, 2007 ___________________________________________________________________________ Guddoomiyihii hore ee gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Cumar (Maxamed Dheere) ayaa sheegay in uu in xilkii uu ka hayay gobolka Shabeelaha Dhexe uu ku wareejin doono maamulka cusub ee ay xukuumadda kmg ahi u soo magacawday gobolka. Xubnaha maamulka cusub ayaa la sheegay in shalay dhibaato ay ka soo wajahday la wareegista talada gobolka, ka dib markii ay taageerayaasha Maxamed Dheere ka horjoogsadeen in ay fariistaan xarunta gobolka. Waxa kale oo la sheegay in magaalada ay maanta bannaanbaxyo ka dhigeen qaar ka tirsan beelaha dega gobolkaas ee aan hubaysnayn. Kuwaas oo ku doodaya in la duudsiyay xuquuqdii ay gobolka ku lahaayeen. Ra'iisal wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa hadda lagu soo warramayaa in uu kulan maanta kula leeyahay magaalada Muqdisho maamulka cusub ee gobolka Shabellaha dhexe uu u magacaabay. Waxa wararku intaas ku darayaan in la filayo in mudane Geeddi uu u raaco xubnaha maamulka cusub magalaada Jowhar si uu goobjoog uga haado xilwareejinta maamulka gobolka. Maxamed Dheere oo dib ugu soo laabtay maamulka gobolka ka dib markii halkaas laga saaray ciidamadii iyo maamulkii Maxaakiimta ayaa ka cawday qaabka xubnaha cusub loo magacaabay.Magacaabistaas oo uu sheegay in aanu waxba kala socon, lagalana tashan. Sidaas dareedeedna uu xilka ku wareejin doono balse aanu la shaqayn doonin. Waxa uu Maxamed Dheere oo hadda ku sugan Muqdisho ku doodday in hawlo badan uu u qabtay xukuumadda kmg ah, abaal badanna ku leeyahay. Waxa uu Maxamed Dheere tilmaamay in uu ahaa ninkii u badheedhay in xukuumadda la keeno dalka iyada oo dad badani ku dooddayeen inaan dawladda la keeni karin waddanka. Waxa uu sheegtay in uu ka taanaasulay xubinimadiisii barlamaanka kmg ah ka dib markii ay xaalada ismari waa ahi ka dhex aloosantaya xubnaha baarlamaanka kmg ah. Waxa uu Maxamed ugu dambayn sheegay in ay ugu yaraan habboonayd in xukuumaddu ku wargeliso in maamul cusub loo soo magacaabay gobolka. Dhinaca kale bannaanbaxa maanta laga sameeyay magaalada Jowhar ayaa la sheegay in ay soo qabanqaabiyeen beelaha Jareer, Baadi Cadde, Gaal Jecel iyo beelo kale oo la sheegay in ay ka soo horjeedaan qaybsiga xubnaha maamulka cusub. Waxa xubnaha beelahaas bannaanbaxa samaynaya ay socod dheer ku soo mareen jidadka magaalada. Kuwaas oo ku dhawaaqayeen ereyo ay ka mid yihiin in xukuumadda kmg ahi ay si siman ugu qaybiso xubnaha maamulka beelaha wada dega gobolka. Waxa dadweynaha dibadabaxa sameeyay ay ku eedeeyeen xukuumadda in aanay si cadaalad ah u dhisin maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe, sed bursina lagu sameeyay beelahooda. Waxa wararka kale ee gobolka ka imanayaa ay sheegayaan in uu suuro geli waayay dibadbax ay maanta kula talo jireen taageerayaasha Maxamed Dheere in ay ka dhigaan magaalada maanta. Tageerayaasha Maxamed Dheere ayaa ka cabanaya xil ka qaadista maamulkiisa.
  7. Xafladaas ayaa waxa lagu qaybtey, Minneapolis Convention Center, waxana ay socotay in ka badan lix saacadood. Barnaamijyo isdaba joog ah oo ay dhextaala u yihiin heeso, buraanburo iyo gaboyo ayaa halkaas lagu soo bandhigey
  8. MINNEAPOLIS: Xaflad lagu taageerayo Dowlada Ku Meelgaarka ah ee Soomaaliya oo ka dhacday magaalada Minneapolis Posted to the Web Jan 29, 01:28 Minneapolis: (pp) - Xaflad qurux badan ayaa lagu qabtey magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota, xafladaas oo lagu soo dhaweynayey Dowlada ku meelgaarka ee Soomaliya. Xafladaas ayaa waxa ka soo qayb galay madax heer sare ah, hooyooyin, abwaano, ardey, macalimiin, culimo, iyo fanaaniin.
  9. ^^^It is the right course saxib. That event was a success.
  10. Shabeelada Hoose Waxaa Soo Gaarey Ciidanka Dowladda oo Ka Kooban Dadka Gobolka U Dhashey. Afgooye oo Howlgal Laga Billaabey. Xafiiska Dowladda Hoose ee Afgooye.01/24/07 Aadan Cusmaan - DMC-Muqdisho Tan iyo markii maamul kumeelgaar ah loo sameeyey Degmada Afggooye ayaa halkaas waxaa ka tagnaa muranno badan oo dhinaca Maamulka, Canshuuraadka iyo Nabadgelyada Degmadaas oo aan si wanaagsan isku dubadhicin. Isqabqabsiga ayaa yimid ka dib markii Guddiga Maamulka Kumeelgaarka ah ee ka kooban 6 Xubnood ay noqdeen laba beelood oo keliya ah. Arintaas waxay hakad gelisey howlihii Maamulka Degmada iyadoo beelaha kale ee Degmada deegaan ku leh ay diideen inay socodsiiyaan shaqada maamulka kuwaas oo ku andacoonaaya in aan maamulka loo dhameyn, Arrintaasna waxay keentey inay nabadgelyada Degmadu ay aad u xummaato iyadoo kooxo malleeshiyooyin ah oo ka tirsanaan jirey maamulkii dulmiga ku dhisnaa ay billaabeen howlo aamandarro ah. Sidoo kale is-afgaranwaaga beelaha ayaa mas’uul ka ahaa in la hor istaago canshuuraad halkaas laga qaadi lahaa iyadoo marar badan uu maamulku isku deyey inuu canshuur ka qaado goobaha ganacsiga Xoolaha, Badarka, Qudaarta iyo ganacsiga kale ee caaadiga ah. Markii uu ammaanku faraha ka sii baxey ayaa ciidamo Dowlladda FKMG leedahay waxay magaalada ka billaabeen howllo amaanka ay ku sugayaan waxaanay magaalada ka dhowreen in hub lala soo galo. Sidoo kale waxaa howllo kale oo ammaan sugid ah ka billaabeen Tuulooyinka u dhow magaalada Afgooye, waxaana durbadiiba la soo qabtey qaar ka tirsan kooxihii aamaandarida wadey. Maamulka Degmada Afggooye wuxuu markii uu gacan ka heley ciidamada Dowlladda billaabey canshuur arurin. Waxaa dhammaan goobaha ganacsiga laga billaabey dakhliga lagu socodsiinaayo maamulka Degmada. Sidoo kale waxaa markii ay ciidamadu howgalka billaabeen dacwad iyo qaayllodhaan billaabey haraadigii maamulka Xuseen ‘Cirfo’ oo ku andacoonaya inay joogaan Booliis, Manashiibiyaal iyo militeri waxayna ku doodeen in aan la siinin xuquuqdii iyo mudnaantii ay lahaayeen, waayo bay yiraahdeen “annagu ciidamo ayaan nahay maamul kasta inaan la shaqeeyno diyaar baan u nahay” bay yiraahdeen. Tani waxay tuseysaa inay weli yihiin maquusteyaasha uu horey u sheegey Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, waayo waxay si xaaraan ah Degmada iyo Gobolkaba ku soo haysteen muddo 16 sano ah iyadoo dakhliga deegaanka soo gala iyo kuwo ay dadka caadiga leeyihiin oo baad ahaan looga qaadan jirey jeebkooda ku dhaci jirtey, ayay weli waxay damac ka qabaan inay maamulka xalaasha ka sii mid ahaadaan, hase yeeshee taas waqtigeedii waa dhammaadey waxaa la gaarey xilligii xaqdarada ay ku jireen soo afjarantey. Si kastaba ha ahaatee maamulka Degmada Afggooye oo markii ugu horreysey muddo aad u dheer ka dib ay hormuud ka yihiin dadka deegaanka u dhashey wuxuu u muuqdaa mid sii shaqeynaaya asagoo ka faa’ideysanaya awoodda ciidamada Dowlladda Kumeelgaarka ah, waana degmada 4aad ee Gobolka Shabeellada Hoose oo dadka iska leh ay maamulayaan. Waxaa kale oo jira in ciidamadii Dowladda oo la keeney Gobolka ay u badan yihiin dadka u dhashey Gobolka. Degmooyinka Wallaweyn, Awdheeglle iyo Qoryooleey ayaa waxaa ka taliya dadka deegaankaas ka soo jeedo weji kasta iyo siyaasad kasta ha aaminsanaadeene. Waxaa weli gacanta ku jirin 4 degmo oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose, kuwaas oo kala ah Marka, Kunturwaareey, Sablaale iyo Baraawe oo ay weli ka taliyaan kooxihii sida xaqdarrada ku haystey muddo 16 sanadood ah. Shabakadda Warbaahinta DMC Muqdisho Aadan Cusmaan Bokoola@hotmail.com
  11. Castro confusion stems from lack of knowedge, does he know where Barava is? Or what has been done there by the likes of IndaCade and the clan courts. Look, Dheere is gone, IndaCade is gone, Musa Sudi, Qaynyare control no inch of Mogadishu, no port or airstrip, every area is now in the hands of the TFG. This is what is disturbing him. Taako man a great job.
  12. ^^^They will be part of the army and not the whole army. Security will come with a new national army. We have seen how effective clan millitias are..
  13. It is their failure that makes them rejoice in things like this, this man was doing his job, and for his death to be a matter of joy to some is quite sickening. They are losing, thats the truth.
  14. The Suldan contribution is welcome, at least no one can say the whole clan is against the TFG. Why blame him even Abiqasin and Seeraar are all welcoming the TFG..But we have experts like Abwan here to tell us the truth, lol.
  15. MKA Yoonis, I nver knew you for a deserter, but hey the opposition need any help, a funny thread indeed. As for Mogadishu, its under control and life is getting on. I dont get this idea of these random attacks, which have so far killed civilians, who ebenefits from this?
  16. Maamulkii Degmada Baraawe oo La Dhisey: Magaalada Baraawe.01/27/07 Aadan Cusmaan - DMC-Muqdisho Waxaa Degmada Baraawe oo ku taalla koonfurta Gobolka Shabeellada Hoose looga dhawaaqey maamul cusub oo dadka deegaanka ay dhisteen ka dib markii ‘maamul-ku-sheegee’ halkaas ka jiri jirey la kala direy. “Maamulkii’ horey ka dhisnaan jirey oo madax ka ahaa ninmii layiraahdo Cabdullaahi Xalane ayaa la kala direy markii ciidamada Maxaakiimta ay Degmadaas qabsadeen dabyaqadii sanadkii hore, kuwaas oo iyagana la burburiyey markii ciidamada Dowladda oo kaashanaaya kuwa Dowladda Itoobiya ay gacanta ku dhigeen wadanka intiisa badan. Waxgaradka, Nabaddoonnada iyo Aqoonyhannada Degmada Baraawe ka soo jeeda ayaa xussul-duub u galey dhismaha maamulka Degmadooda waxaanay isku raaceen in ay guddi ka kooban 9 xubnood sameeystaan, kaas oo Guddoomiya u yahay Cali Maxamuud Sheegoow 9Cali Marduuf). Doodo dhaadheer iyo is-qabqabsi badan ka dib waxaa lagu guuleeystey in la dhiso maamul mideeysan oo ay iska leeyihiin dadka Degmada u dhashey inkasta oo dhowr qof oo dhuuni-qaateyaal ahi ay weli ku dadaalayaan in ay wax la wadaan Cabdullaahi Xalane oo weli u hanqaltaagaaya in uu sii watto boobkii iyo dhacii uu ku hayey dadka Degmada Baraawe. Waxaase meesha ka baxay awoodii ciidan ee beeshiisa ay haysan jirety Gobolka Shabeelaha Hoose oo idil laga bilaabo waqtigii la dhisey Dowladdii Arta oo madax ka ahaan jirey Cabdi Qaasin Salaad. Shabakadda Warbaahinta DMC Muqdisho. Aadan Cusmaan Bokoola@hotmail.com
  17. Maamulkii Degmada Baraawe oo La Dhisey: Magaalada Baraawe.01/27/07 Aadan Cusmaan - DMC-Muqdisho Waxaa Degmada Baraawe oo ku taalla koonfurta Gobolka Shabeellada Hoose looga dhawaaqey maamul cusub oo dadka deegaanka ay dhisteen ka dib markii ‘maamul-ku-sheegee’ halkaas ka jiri jirey la kala direy. “Maamulkii’ horey ka dhisnaan jirey oo madax ka ahaa ninmii layiraahdo Cabdullaahi Xalane ayaa la kala direy markii ciidamada Maxaakiimta ay Degmadaas qabsadeen dabyaqadii sanadkii hore, kuwaas oo iyagana la burburiyey markii ciidamada Dowladda oo kaashanaaya kuwa Dowladda Itoobiya ay gacanta ku dhigeen wadanka intiisa badan. Waxgaradka, Nabaddoonnada iyo Aqoonyhannada Degmada Baraawe ka soo jeeda ayaa xussul-duub u galey dhismaha maamulka Degmadooda waxaanay isku raaceen in ay guddi ka kooban 9 xubnood sameeystaan, kaas oo Guddoomiya u yahay Cali Maxamuud Sheegoow 9Cali Marduuf). Doodo dhaadheer iyo is-qabqabsi badan ka dib waxaa lagu guuleeystey in la dhiso maamul mideeysan oo ay iska leeyihiin dadka Degmada u dhashey inkasta oo dhowr qof oo dhuuni-qaateyaal ahi ay weli ku dadaalayaan in ay wax la wadaan Cabdullaahi Xalane oo weli u hanqaltaagaaya in uu sii watto boobkii iyo dhacii uu ku hayey dadka Degmada Baraawe. Waxaase meesha ka baxay awoodii ciidan ee beeshiisa ay haysan jirety Gobolka Shabeelaha Hoose oo idil laga bilaabo waqtigii la dhisey Dowladdii Arta oo madax ka ahaan jirey Cabdi Qaasin Salaad. Shabakadda Warbaahinta DMC Muqdisho. Aadan Cusmaan Bokoola@hotmail.com
  18. Guud ahaan Gobolada Puntland oo ay ka socoto Diiwaan galinta ciidamadii hore ee Military-ga iyadoo Gobolada qaar ay soo gaba gabowday diiwaan galinta ciidamadii hore ee xooga dalka. Boosaaso:-Waxaa maanta laga bilaabay qeybo ka mid ah gobolada Puntland tirakoob lagu qorayo Ciidamada Xoog Dalka kuwaas oo maalmahanba ka socday degaanada Puntland waxaa jira qeybo diyaariyey intii laga rabay sida gobolka Cayn Magaalada Boosaaso ayaa maanta meelo badan oo ka mid ah waxaa ka socday is qorida Ciidamada Xooga Dalka Gudoomiyaha G/Bari ayaa warbixin gaban ka bixiyey wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in dhaliyaradu ay ka qeyb qataan xasilida dalka madaamada ay yihiin iyagu Xoogii Dalka. Gudoomiyuhu wuxuu sheegey sida hada wax u socdaan marka la fiiriyo in waqti dhow gudihiis ay diyaarin doonaan ciidamadii laga soo dalbaday ay u dhaqaaqi doonaan dhinacaas iyo Koonfurta Soomaaliya.Guud ahaan magaalooyinka Puntland waxaa ka socda diwaangelinta Ciidamada Xooga Dalka kuwaas oo ka mid noqon doona Ciidamada qalabka sida ee Dalka Somalia. Suleeqa Maxamuud Qabowsade. Email: suleeq90@hotmail.com
  19. ^^^what nonsence, that even was a success, the anti-TFG groups coould not fill a side walk let alone a convention centre...
  20. ^^^The police force in Mogadishu are not from Yeys clan, yet are serving their country and are taking casualties, as you have been gloating about.
  21. Taako, dont take these people seriously, its the same group who used to prance here all high and mighty.
  22. It was packed by many supporters of the TFG, people even cried when they heard the national anthem and sang patriotic songs. Therw where poems by Sangub and others. The ambasador from the republic of Kenya to the US, flew in from Washington DC. source Our Ambasador to the UN, was also there
  23. The police man death is a tragedy, he was doinhg his job, may allah give him mercy and may his family find strength in this hour. This highlights the desperate nature of the opposition, for if they think this changes anything, or gives them some moral boost, they are surely mistaken.
  24. Degmada Jarriiban ee gobolka Mudug oo maamul degmo loo dhisay Waxaa lagu guulaystay in degmada Jarriiban ee gobolka Mudug loo dhiso gole deegaan isla markaana ay doortaan gudoomiye iyo ku xigeenkiisa. Xaflad ballaaran oo maanta ka dhacday degmada jarriiban ayaa waxaa ugu horeyn lagu dhaariyey 24 xildhibaan oo golaha deegaanka ee degmada Jariiban. Xafladaasi dhaarta ka dib waxaa loo guda galay doorashada gudoomiyaha golaha isla markaana noqonaya duqa degmada Jarriiban. Doorashada xilkaasi waxaa isu soo taagay labo Musharrax oo kala ah C/Casiis Aw-Yuusuf Maxamed (Xaarin) iyo Jawaahir Cilmid Axmed. Waxaa doorashada codeynayay xildhibaanada golaha deegaanka oo 23 ka mid ah ay codka ugu rideen C/casiis Aw-Yuusuf Maxamed, halka Jawaahir Cilmi Axmed uu hal qof keliya codkiisa siiyay. Waxaana xilka gudoomiyaha ku badiyay C/casiis aw-Yuusuf Maxamed (Xaarin). Markaas ka dib ayaa waxaa loo guda galay hawshii doorashada gudoomiye ku xigeenka oo ay isu soo taageen Axmed Cali Salaad iyo Xasan Yuusuf Kaarshe (Xasan Dheere). Axmed CAli Salaad wuxuu helay 22 cod, halka Yuusuf Kaarshe uu ka helay 2 cod, taasoo muujinaysa in Axmed Cali Salaad uu ku soo baxay gudoomiye ku xigeenka golaha deegaanka. Doorashada ka dib ayaa waxaa halkaasi khudbado baraarujin ah ka jeediyay mas’uuliyiintii dowlad goboleedka Puntland ee ka shaqeeynayay dhisidda golaha deegaanka ee degmad Jarriiban. Xubnaha ka hadlay waxaa xafladaasi waxaa ka mid ahaa maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) wasiirka maaliyadda ee dowlad goboleedka Puntland, wasiir ku xigeenka Caafimaadka Cali Cigaal, xildhibaan Bashiir Cadooyo iyo Xirsi Cabdi Oog iyo xubno kale. Waxaa goob joog ka ahaa xubno ka socday wasaaaradda dowladaha hoose kuwaasoo ay ka mid yihiin Jaamac XAsan iyo C/kariim Garaad kuwaasoo iyaguna muujiyay sida ay ugu riyaaqsan yihiin habka ay doorashadu u dhacday. Khudabaddii ugu dambeysay ayaa waxaa halkaasi ka jeediyay wasiirka dowladaha Hoose iyo Horumarinta reer Miyiga Cali Cabdi Awaare ahna gudoomiyaha guddiga dhisidda golayaasha degmooyinka Puntland, wuxuu ku booriyay inay si isku duubni ah ay u wadashaqeeyaan xildhibaanada golaha deegaanka isla markaana looga fadhiyo wax qabad badan. Degmad jarriiban goleheeda waxa uu rikoorka ku jebiyay ka dib markii 3 meel meel ay noqdeen dumar, taasoo ka dhigaysa golihii ugu dumarka badnaa marka loo eego golayaasha degmo ee horey loo dhisay, waxaana lagu tilmaamay golahani in habka lagu soo dhisay uu u janjeero waxa loogu yeero demoqraadiyada. Haweenayda isu soo sharraxday xilka gudoomiyaha Jawaahir Cilmi Axmed waxay noqoneysaa haweentii labaad ee xil gudoomiye degmo isu soo sharraxdo ilaa iyo hadda degmooyinka loo dhisay golayaasha deegaanka. Isku soo wada duuboo hirgelinta nidaamkan golayaasha deegaan Puntland ay ka hirgelinayso degmooyinkeeda ayaa waxaa ay Puntland ku doonaysaa in degmo kastaa ay iyadu soo doorato qofkii gudoomin lahaa halkii uu maamulka soo magacaabi jiray. C.qaadir Nuunow SBC Boosaaso nuunow16@hotmail.com