
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Baydhabo: Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo maamul cusub u magacaabay Gobolka Galgaduud. Talaado, February 13, 2007 Baydhabo(AllPuntland)- Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa mar kale magacaabay maamul cusub oo uu yeesho gobolka Galgaduud iyo degmooyinka gobolkaasi hoostaga. Magacaabistan ayaa waxay ku soo beegantay xili Madaxweynaha maalmo ka hor uu soo magacaabay maamulka gobolada Jubbooyinka iyo gobllka Bakool. Maamulka cusub ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa uu Madaxweynaha u magacaabay sidan. 1- Gudoomiyaha Gobalka Galgaduud Axmed Salaad Kulmiye. 2- Gudoomiye K/xigeenka 1-aad Maxamed Xasan Afrax. 3- Gudoomiye K/xigeenka 2-aad C/qani Warsame Jaamac. 4- Gudoomiye K/xigeenka 3-aad. Axmed Maxamed Jimcaale. 5- Xoghayaha Dowlada Hoose Macalin Siciid Axmed Xirsi. 6- Gudoomiyaha Dagmada Dhusa Mareeb. Cali jaamac 7- K/xigeenka 1-aad Xuseen Weheliye Jaamac. 8- Gudoomiyaha Degmada Cadaado Axmed Maxamed Cabdi. 9- K/xigeenka Degmada Cadaado Cabdalla Cali Guuleed. 10- Guddoomiyaha Degmada Ceel Buur Cali Maxamed Fiidoow. 11- K/xigeenka Khaliif Faarax Faahiye. 12- Gudoomiye K/xigeenka 1-aad C/laahi Barre Kulmiye. 13- Xoghayaha Dowlada Hoose C/laahi Abshir Faarax. 14- Gudoomiyaha Dagmada Cabud Waaq C/rasaaq Axmed Taakiro. 15- Gudoomiye K/xigeenka Jaamac Xuseen Cilmi. 16- Gudoomiye ku xigeenka 1-aad Cabdi Maxamed Cabdulle. 17- Xoghayaha Dowlada Hoose Farxaan Daahir Guuleed. 18 - Guddoomiyaha Dagmad Ceel Dheer Xuseen Maxamed Cosoble. Cali Sandheere AllPuntland, Muqdisho
-
^^^Puntland is what it is, you are the oen who seems to have a problem with it. Get over it saxib, its a large state even in comparison to Somaliland and it is inhabited mostly by a single clan.. Thus if it is a clanist region then so is, Somaliland, Djibouti and all other state entities where Somali's inhabit.
-
Afgaduud will not be intimedated by this type of nonsence the mane was there when the bombing took place.. This is a non issue.
-
VOA Somali launched today: 12 February 2007
General Duke replied to miles-militis's topic in Politics
Taliban, you are right this time, VOA is opwned directly by the US admin. -
VOA Somali launched today: 12 February 2007
General Duke replied to miles-militis's topic in Politics
I just listened to it, it was ok..Does it only air once a day? -
^^^One is welcome to vistit or move there for good. It is a Somali state and has been home to many displaced from the southern wars. Also Djibouti is more clanist state that Puntland. Remmeber since 1977 it has has the late Abtidoon and his nephew Gulleh as rulers. Puntland in 9 years has had three presidents , Yusuf, Hashi, and Cade.. All hail from various different sub-clans of the state.
-
Injured officers from Kismayu bombing being traded in Baidoa.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Madaxweynaha Soomaaliya & R/wasaarihiisa Geeddi Oo Maanta Booqday saraakiishii Shalay Uu Dhaawacu Kasoo Gaaray Qaraxii Kismaayo (Geedi Oo Duulay). Posted to the Web Feb 12, 08:08 BAYDHABO: Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Mudane C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisul-wasaaraha Xukuumadda KMG Prof. Cali Max'ed Geedi ayaa maanta booqdeen dhaawacyda Saraakiisha Dowladda KMG ee shalay Kismaayo kusoo dhaawacmay. Madaxweynaha ayaa sheegay in xaalada Saraakiishaan qaarkood ay yihiin khatar, isla markaana loo qaado si deg deg ah Magaalada Nairobi si loogu soo daaweeeyo. Madaxweyne Yuusuf, waxu sheegay in Caafimaadka Saraakiishaan Dowladda FKMG ay u xil saartay gudi isla markaana lagu dadaali doono sidii ay u caafimaadi lahaayeen. Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya ay wax badan ka qaban doonto baahida caafimaad ee ka jirta Isbitaalka guud ee Magaalada Baydhabo oo xiligaan daawo la'aan baahsan ay ka jirto. Isla markaana aysan jirin Hay'ada taageerta. Saraakiishaan ayaa maanta loo qaaday Magaalada Nairobi si loogu soo daaweeyo, iyadoo halkaasi lagu daaweynayo dhaawaca Afhayeenka Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Diinaari oo shil baabuur ku dhaawacmay. Dhinaca kale, Prof. Geedi iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta duhurnimadii u duulay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waloow aan la shaacin qorsha uu halkaasi u tagayo. Safarka Geedi ayaa kusoo beegmay xili la hadal hayo in toddobaadka soo socda ay Dowlada Federaalka bilowdo shirka dib u heshiisiinta qaran ee Soomaaliya, kaasoo qaban qaabadaasi laga dareemayo Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo. C/risaaq C/laahi Maxamed Puntlandonline.com Muqdisho -
^^^A story I came across a few days back.. This is the freeodme the locals have gained saxib.. Nabaddoonnada Reer Baraawe oo Digniin Culus u Jeediyey Dhuxuloow Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 09/02/07 Odeyaasha ,nabaddoonnada ,Culumaa’uddiinka iyo Waxgaradka Beelaha ayaa waxay digniin ka soo saareen ,arrin uu la wareegayo C/llaahi Xalane Dhuxuloow oo isku deyaya inuu beddelo Nabaddoonada Beeshaas kadib markii uu ku guuldarreystey hankiisa Gurracan ee uu doonaayey inuu maamulka ku sii haysto sida ay ku doodayaan odeyaashaas. Nabaddoonada Belaha Baraawe ayaa Xalane ku eedeeyey inuu mar walba isku deyaya inuu ku shaqeysto siyaasad qeybi oo xukun ah ,hase yeeshee waxay xusuusiyeen inay taasi dhammaatey oo aan hadda u suuroobi Karin.Odeyaashan ayaa xalane ku eedeeyey in isku deyaayo inuu beddelo nabaddoonnada Rasmiga ah ee Beelaha Baraawe si uu helo kuwo taageersan qorshaha uu damacsan yahay kaas oo ah in uu weli sii helo maamulka uu xoogga ku qabsadey ee Degmada Baraawe. Sidaas darteed waxay nabaddoonnada Beelaha Baraawe ,Dowlladda Kumeelgaarka ah ,Qabaa’illada Sopomaaliyeed ,Hay’adaha Caalamka iyo dhamaan Beelaha Soomaaliyeed ku wargelinayaan inay ka foojignaadaan dulmiga lala wareegaaayo oo la isku deyayo in la maroorsado xaqa Beelaha Baraawe ,waxayna Odeyaashani sheegeen in nabaddoonnada Rasmiga ah ee Beelaha Baraawe ay ka kooban yihiin 8 xubnood oo isku duuban ,islamarkaasna ka taliya aayaha deegaanka Baraawe iyo sablaale ,kuwaas oo ku xiran lana shaqeeya Sulddaanka Guud ee Beelaha Baraawe Sulddaan Cumar Suldddaan Fiqi. Sidoo kale waxgaradkan ayaa Dowlladda kumeelgaarka ah ka codsadey in wixii Beelaha Baraawe laga doonaayo ay la soo xiriiraan Nabaddoonada Rasmiga ah ee magacyadoodu ay halkan ku qoran yihiin .Sidoo kale odeyaasha ayaa ku adkeystey in aayaha deegaanka Baraawe iyo wixii la mid ah uusan ka hadli Karin Dhuxuloow iyo dadka la midka ahi ,waxaana ku eedeeyeen inuu muddo dheer uu ku hasytey si dulmi ah. Odeyaasha warkan soo saarey ayaa ka kooban 8 xubnood oo dhammaantood ah gacanyareyaasha Ugaaska Guud ee Beelaha Tunni ee dega Gobollada Shabeellada Hoose ,Jubada Dhaxe ,iyo Jubada Hooose . Waxa magacyada odayaasha kala yihiin: 1-Nabaddoon Cabdiqaadir Cabddoow Xaaji 2-Nabaddoon Diinka Sheekh Cumar 3-Nabaddoon Aweys sheekh Xaaji Nuurkoow 4-Nabaddoon C/raxmaan Maxamed Cumar (Guulwade) 5-Nabaddoon Abuukar Cumar Maxamed(Gameelle) 6-Nbaddoon Seydinaa Xaaji Nuurkey 7-Nbaddoon Ibraahin Maxamed Abuu(Diggool) 8-Nabaddoon Maxamuud Muunye Qaasin Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.co Tel:002521-5573321 WIFI gives you the capability of connecting to the internet at high speed via your lap top, but now also via your mobile phone – allowing you to do lots of standard things you would do on the internet on your phone at broadband speeds in WI FI areas! We have a selection of mobile phones, all of which can be used in this way:
-
^^^Ok of cousrse they were. Give us a break brother. Their homes and properties were also safe in the clan courts hands right?
-
^^^^Ok saxib, you seem to be in your own little world, where you can make baseless accusations, and use laymen hearsay as evidance. Well good luck to you, but I aint interested in this type of nonsence.
-
Kismaayo oo lagu xiray eedaysanayaal iyo Bandow magaalada lagu soo rogay Last Updated::2007-02-12 12:44:27 Kismaayo:- Magaalada Kismaayo ayaa lagu xiray in ku dhaw 10 ruux oo loo heysto weerarkii bambaano oo shalay ka dhacay magaaladaasi. Weerarkii shalay ayey ku dhinteen 4 ruux iyo qof 5aad oo markii danbe u dhintay dhaawaciisa. Qaraxaasi ka dhacay Beerta Xoriyada ayaa lala beegsaday Banaanbax lagu taageerayay keenista ciidamada Nabad illaalinta ee Afrika iyo soo dhaweynta Saraakiisha Ciidamada Dowlada Federaalka. Waxaa weerarkaasi sidoo kale dhaawacyo kala gedisan ay kasoo gaareen qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada DFKMG ayadoo dadka khasaaraha ugu weyn soo gaaray ay u badan yihiin dad shacab ah. Ugu yaraan 20 ruux ayaa ku dhaawacantay weerarkaasi ayadoo qaar kamid ah Dhaawacooda uu yahay mid aad u culus. Ciidamada Dowlada oo shalay iyo xalay sameeyey baaritaano lala beegsaday xaafadaha magaalada ayaa lagu soo qabqabtay dad badan oo lagu tuhunsan yahay in ay qeyb ku lahaayeen weerarkii shalay. Dadka lasoo qabtay ayaa waxaa ku jira kuwo isla shalay lagu qabtay nawaaxiga Beerta Xoriyada ayagoo halkaasi isku dayaya in ay ka baxsadaan sida ay sheegeen qaar kamid ah Ciidamada Dowlada, halka dadka kale loo qabtay baaritaano lagu sameeyey xaafadaha. Xalay ayaa magaalada lagu soo rogay bandow socday 9kii fiidnimo illaa iyo saaka 5tii subaxnimo, ayadoo si weyn magaalada gudaheeda loogu arkayo ciidamada amniga oo isha ku haya dhaq dhaqaaqa magaalada. Ahmed Musse HorseedNet.com
-
^^^Saxib do not regerat it later, you seem to be full of regrets lately. One expects the injured officers to speak out, resign their commision and start a rebel movement, will they. Or will you speak out for them and fight for them?
-
BAYDHABO: Magaalada Baydhabo oo la gaarsiiyay saraakiishii ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay Kismaayo Posted to the Web Feb 12, 07:55 Baydhabo (PP) - Magaalada Baydhabo ayaa la geeyay tiro ka mid ah saraakiishii Dowladda iyo dadkii Rayidka ahaa ee ku dhaawacmay qarax bambaano oo shalay ka dhacay beerta xorriyadda ee Magaalada Kismaayo. Saraakiisha Dowladda ayaa dhaawacyadooda la dhigay Isbitaalka Magaalada Baydhabo halkaasoo lagu daweynayo, waxaase wararka qaarkood ay sheegayaan in qaar ka mid ah saraakiisha Dowladda ay qabaan dhaawacyo aad u xoog badan laguna wado in loo qaado maanta Magaalada Nairobi si halkaas loogu soo sameeyo daweyn dheeri ah. Gen. Bustaale ayaa ka mid ah kuwa ay gaareen dhaawacyada culculus iyadoo la sheegay in dhaawac uu ka gaaray indhaha, wararka qaarkoodna ay sheegayaan inuu indhaha ka dhacay, waxaana la sheegay in bambaanada qaraxday oo ah nooca F1-ka loo yaqaan ay wajiga uga dhacday, taasna ay sababtay in indha ay ka gaaraan dhaawacyo culus. Sidoo kale saraakiisha la keenay Baydhabo ee dhaawacyada qaba laguna wado in maanta loo duuliyo Nairobi ayaa waxaa ka mid ah taliyaha aagga saddexaad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed C/llaahi Fartaag oo la sheegay inuu qabo dhaawac aad u daran, balse aan faahfaahin dheeri ah laga bixin. Saraakiishaan ayaa lagu sheegay sababta loogu soo qaaday Kismaayo inay tahay iyadoo isbitaalka Magaalada Kismaayo uusan lahayn wax daweyn ah iyo sidoo kale qalliinno, iyadoo aysan jirin hay’ad kaalmeysa isbitaalka iyo qalab iyo dawo taalla intaba. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: jantiile@puntlandpost.com
-
^^^Incredible indeed, Ahmed we have seen what results from your threats saxib. So dont get so excited dear lad.
-
Midig Safiirka Somalia ee Kenya M. Ali Ameriko, dhexda Wariye Siidi, Bidix Afhayeenka Dowlada Md. C/raxmaan Diinaari
-
Diinaari iyo Prof. Geedi
-
Safiirka Somalia ee Kenya Md. Ameriko oo soo dhaweynaya Ra'isul Wasare Gedi
-
Midig Buubaa, gudomiyaha Maxkamada Sare Dr. Yusuf Harun oo isu diyaarinaya soo dhaweynta ra'iisul Wasaaraha
-
Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi oo soo gaaray magaalada Nairobi Somaliweyn Media Center (SMC) Nairobi 12/02/07 Midig Buubaa, gudomiyaha Maxkamada Sare Dr. Yusuf Harun oo isu diyaarinaya soo dhaweynta ra'iisul Wasaaraha Wafdi balaaran uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Federaalka kmg Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa maanta kasoo dagay garoonka Diyaaradaha Wilson Airport, waxaana halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Md. Ismaaciil Maxamuud Hurre “Buubaa”, Gudoomiyaha Maxkamada Sare Dr. Yuusuf Axmed Haaruun, Safiirka Somalia ee dalka Kenya Md. Maxamed Cali Ameriko, Taliye kuxigeenka Booliiska Md. Bashiir Goobe iyo xubno kale oo ka tirsan dowlada Federaalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sii gudbi doona dalka France halkaasoo uu uga qeyb gali doono shir lagu wado inuu ka dhaco magaalada Paris oo ay isugu imaan doonaan dowladaha Afrika ee ku hadla Afka Fransiiska iyadoo dowlada Somalia lagu martiqaaday inay ka qeyb gasho shirkaasi. Prof. Geedi ayaa 24saac ee soo socda u duuli doona dalka France si uu ugu qeyb galo shirka dowladaha afrikaanka ee ku hadla afka faransiiska, waxaana lagu wadaa inta uusan ka bixin magaalada Nairobi inuu shir jaraa’id ku qabto dalka Kenya oo ku saabsan xaalada Somalia guud ahaan iyo heerka ay marayso dowladiisa. Ra’iisul Wasaare Geedi ayaa maalmahaanba ku hawlanaa magacaabista dhamaystirka hay’adaha kala duwan ee dowlada Federaalka sida Safaaradaha IWM, iyadoo shalayna ay golahiisa wasiirada Baasiyeen sharciga la dagaalanka Argagixisada iyo sidii dalka Somalia loogu qaban lahaa shir ay isugu imaanayaan bulshada qeybaheeda kala duwan. Dhanka kale waxaa maanta shirkii odayaasha beelaha uga soo dhamaaday magaalada Muqdisho Hotel Kaah kaasoo ay ku qaadanayeen siminaar ku saabsan sidii ay isugu keeni lahayeen beelaha kala dhib sheeganaya ee dhibaatada dhex martay taasoo lagu wado in dhawaan shirkaasi la iclaamiin doono goorta iyo halka lagu qaban doono. Safiirka Somalia ee Kenya Md. Ameriko oo soo dhaweynaya Ra'isul Wasare Gedi Wasiirka Arrimaha Dibadda Buubaa iyo Ra'iisul Wasare Geedi Diinaari iyo Prof. Geedi Midig Safiirka Somalia ee Kenya M. Ali Ameriko, dhexda Wariye Siidi, Bidix Afhayeenka Dowlada Md. C/raxmaan Diinaari
-
^^^At last you reveal your true side.. As for the people of the south, do you mean those that where occupied by the clan courts? Those that had all their institutions used by the likes of IndaCade, Cirfo, Xasan Dahir, and so on? Saxib the people of the south have been liberated, they are running their own affairs for once. They have ministers like Mowlid Macane, Salim Caliyow Ibrow. They are fully represented in this TFG. Give all the advice you want but do not lie about the "people of the south"...
-
Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ah guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka isla markaana ah ku simaha Madaxweyanha Soomaaliya oo shirkaas hadal dheer ka jeediyay ayaa sheegay in loo baahan yahay in shirkaan loo garto inuu yahay mid ay ummadda Soomaaliyeed qabsatay ee aanu ahayn mid ay dowladda Federaalka Soomaaliya qabtay. “Waxaan maqlay in shacabka laga dhaadhiciyay in shirweynihii ay dowladda ku baaqday uu ka socdo Hotelka KAAH, balse taasi waa been aan sal iyo raad lahayn shirweynahaanna waa mid ay sameysteen qaybaha kala duwan ee Bulshada, iyagoo saldhig uga dhigaya shirweynaha ay dowladdu ku baaqday oo ka dhacaya gudaha Soomaaliya” ayuu yiri Prof. Maxamed Cumar Dalxa. Siminaarkaan ayaa ku soo gabagaboobay jawi ay nabadi ku jirto, waxaana xubnihii shirka ka qaybgalay ay isugu hambalyeeyeen muddadii 7-da casho ahayd ee ay halkaas fadhiyeen iyo qodoobadii ay ka soo saareen.
-
^^^It was a seminar a wrokshop set up by the UNDP and supported by the civil society groupings of Mogadishu. The recommendations will serve the real peace talks to be held for all clans inside the country.. Anyhow we have peace, we need to strengthen the security situation, disarm the population and put the police and security personel in important cities like Mogadishu, Kismayu, Marka, Baidoa and so on..
-
^^^Garad, these projects are locally led, however you have a point, Sanaag is an important region. Abu, leave President Cade Muse alone, he looks good.
-
Salaad Cali Jeelle oo ah wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Soomaaliya oo isagana halkaas ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto ammaanka guud ee Muqdisho, laguna taageero dowladda howlaha ay ka wado gudaha Soomaaliya. “Shirkaan maanta halkaan lagu soo gabagabeynayo ma ahan mid ay dowladdu gacanta ku haysay, waxaana filayaa in shacabka intiisa badan sidaa laga dhaadhiciyay, balse haddaan u sheego shacabka shirkaan waa mid ay qabsadeen qaybaha bulshada, waana mid ay iyaga gacanta ku hayeen, ayna ka soo saareen fikrado ay dowladdu u raacayso qabashada shirweynaha Qaran ee lagu wado in dhawaan dalka gudihiisa lagu qabto” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Soomaaliya Salaad Cali Jeelle.