
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Suldaan Siciid Suldaan C/salaan meets with Puntland officials
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Its proven.. -
Dagaal dhexmaray ciidamada Puntland iyo Somaliland oo looga itaal roonaaday kuwii Somaliland, iyo taliyaha Puntland ee Degmada dhahar oo ka warbixiyay khasaaraha dagaalka. Dagaal ayaa ka dhacay saaka deegaanka Dhahar kadib markii ay gaareen wafti balaaran oo ka socda Puntland iyadoo halkaasi ay horay ugu sugnaayeen ciidamo ka tirsan Somaliland, Ciidanka Puntland oo galbinayay waftiga uu hogaaminayay gudoomiyaha barlamanka ayaa weerar ku qaaday ciidankii somaliland iyadoo ay usuuragashay inay ka eryaan halkaasi hadana ay ku sugan yihiin ciidamada Puntland iyo waftigii la socday.Dhagayso Taliyaha Ciidanka DGP ee Degmada Dhahar Deegaanka dhahar ayaa hada dagan walow ciidamo farabadan oo ka socda Puntland iyo Somaliland ay ku sii jeedaan halkaasi iyadoo laga cabsi qabo in dagaal wayni ka qarxo dhahar iyo deegaanada ku xeeran oo la sheegay inay u carareen ciidamadii somaliland ee laga saaray dhahar. Dhanka kale ciidamo kale oo ka socda Somaliland ayaa soo galay deegaanada Awrboogays iyadoo dadka deegaanku iska saareen ciidamadaasi kadib markii laga war helay in ciidamo ka socda Puntland ay ku soo wajahan yihiin deegaanka awrboogays si ay uga saaraan kuwa somaliland. Sidoo kale magaalada Ceerigaabo oo ah xarunta gobolka Sanaag ayaa xaaladeedu tahay mid cakiran kadib markii halkaasi uu soo gaaray wasiir ka tirsan somaliland oo lagu magacaabo Cirro iyadoo loo aanaynayo dhaqdhaqaaqyada ka soo cusboonaaday Gobolka sanaag mid salka ku haya booqashada wasiirkaas. Puntland ayaa iyana wafuud balaaran u dirtay Gobolada Sool iyo Sanaag si ay umuujiso awoodeeda labadaasi gobol iyadoo aan meesha laga saari karin dagaalo qaraar oo dhex mara labadaasi maamul oo horay dagaalo lagu hoobtay u dhexmareen. Dhagays Waraysi Taliyaha Ciidanka Daraawiishta DGP ee Degmada Dhahar oo kawaramaya Dagaalka(xigasho,www.calanka.com) ((Galkacyo office))Insha ku hay wararka Shabakada Allmudug.org.
-
audio
-
Suldaan Siciid Suldaan C/salaan meets with Puntland officials
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Those some are claiming this clan is against the state? -
Suldaan Siciid Suldaan C/salaan Suldan Maxamud Shire oo kulan la qaatay W/Maaliyada DG puntland Wasiirka Maaliyadda ee Puntland Dr maxamed cali yuusuf (gaagaab}Ayaa Qadasharaf gurigiisa ugu sameeyey Suldaan saciid suldaan c/saal suldaan maxamuud calishire oo kamid ah isimada sidaweyn loog qadariyo puntland, Waxana martiqaadkaas ku weheliyey gudoomiyaha baarlamaanka puntland md axmed cabdi xaashi iyo ganacsato reer puntland ah,suldaan saciid suladan c/salaan ayaa waayahanba joogey magaalada bosaso,wasiirka maaliyadda Dr maxamed cali yuusuf ayaa waxaa uu ga mahad celiyey suldaanaka booqashadiisa uu kuyimid boosaaso isagoo suldaanku fadhiisu yahay magaalada hadaftimo ee gobolka sanaag,waxayna.kawada hadleen kashaqeynta nabadgalyada dalka kahortaga xaalufinta sada xun looguhayo meelo kamid ah gobolka sanaag bari iyo hirgalinta dhismaha Goloyaasha deegaamada ee golka sanaag bari. Isagoo sheegey in maamulka puntland ay doonayaan in ladhiso goloyaasha deegaanka ee degmooyinka oo dhan silo hurumariy wadanka,Suldaanka ayaa waxaa uu aad ugu mahad celiyey wasiirka maaliyadda ee puntland,waxana uu sheegey in uu aad ugu faraxsanyahay imaantigiisa boosaaso iyo martiqaadka wasiirka maaliyadda Dr maxamed cali yuusuf [gaagaab] iyo dadaalaka madaxda puntland ugu jirto hurumarka wadanka, Gudoomiyaha baarlamaanka puntland axmed cabdi xaashi ayaa isna siweyn ugu mahadceliyey suldaanka iyo wasiirka maaliyadda ee puntland, Heesta shabakadu idiin soo xushay(Dhagayso)
-
^^^Sad yes but a small incident, which will be replied untill we have an effective security apparatus in place..
-
Mogadishu clan gathering supports TFG. PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Xiin, well it was always about clan, though some got fooled with the whole fake religious movement for a time. Nabadoon looter, Culusow, Abdiqasin are all fighting for what cause? The clan they have long droped their religious robes and put on the clan denim.. Here are your insurgents saxb.. Odayaasha Beelaha ****** oo iska fogeeyay xiriir ay la leeyihiin Maxkamadaha http://shabelle.net/2007/April/n11213.htm ......................................................... One welcomes this meeting all the traditional, religious and even their warlords are all coming out in support of the national government..A good development -
Mogadishu clan gathering supports TFG. PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Maxamed Dheere: ““Waxaan dooneynaa inaan ku noolaano nidaam, sharci, kala dambeyn iyo dowladnimo si caruurteenu u helaan mustaqbal wanaagsan si taas loo gaaro waa inaan taageernaa qorshaha dawlada KMG ah” Posted to the MOL April 9, 2007, 8:50 am Maxamed Dheere oo ka mid ahaa hogaamiyaashii sayaasada Somalida walina ah gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe ayaa shalay ka qayb galay shir ay lahayeen beelaha ******. Shirkaas ayaa waxaa looga hadlayay sida beesha ****** u taageeri lahayd dawlada kmg ah loona so afjari lahaa dagaalka aan wali laga heshiin ee ka socda magaalada Muqdishu. Shirkaas ayaa waxaa ka hadlay odayaal iyo aqoonyahano ka tirsan beesha ****** oo cadeeyay in ay asbuucaan soo saarayaan war cad oo ku saabsan mawqofkooda dagaalka Muqdishu iyo taageerada dawlada KMG. Waxaana shirkaas isna ka hadlay Maxamed Dheere oo ah siyaasi si weyn Somaliya looga yaqaan beesha ******na ku leh magic weyn. Maxamed Dheere ayaa sheegay in ujeedada shirkaan tahay sidii beeshu uga hadli lahayd dawladnimo iyo sidii fawdada looga bixi lahaa. Wuxuu yiri; Dalkaan wixii dhib ka dhacay hadda cid moogi ma jirto, dhiigna waa la daadshay ddeef badana waa la dhacay, dhaqan daro xuna 16 sanno ayay socotay, in taas laga baxo oo nabad loo baxo oo la heshiiyoo, oo la iscafiyoo, dawlad noqono ayaan go’aansanay – taas oo ka timid dawlada federaalka ah. Wuxuu sheegay Maxamed Dheere isaga iyo ra’iisal wasaarahu inay Nayroobi u aadeen sidii ay colaada iyo dagaalka nabad ugu soo dhameyn lahaayeen oo qaar ka mida madaxdii qolyaha wax qarxiya aan ugu tagnay. Wuxuu sheegay inay dadaalkoodii faramarnaan kala soo noqdeen iyagoo buu yiri kuwa Muqdishu ka dagalamaya waraaqo u qoreen madaxdooda ay leeyihiin heshiis ha qaadanina, waxaan goor dhow furan doonaa taangiyada iyo hubka ciidanka itoobiya. Hadday tangiyo qabsanayaana waaba la isku joogaa ayuu intaas sii raacshay Maxamed Dheere. ““Waxaan dooneynaa inaan ku noolaano nidaam, sharci, kala dambeyn iyo dowladnimo si caruurteenu u helaan mustaqbal wanaagsan iyo waxbarasho si taas loo gaaro waa inaan taageernaa qorshaha dawlada KM ah” Ayuu yiri Maxamed Dheere. Go’aanka beesha ****** ee barri soo bixi doona waa in aan si wada jira u taageeraa ayuuna Maxamed Dheere ku soo gabagobeeyay hadalkiisi. Mudugonline.com -
WAR DEG-DEG AH DAGAAL GOOR DHOWEYD KA QARXAY MAGAALADA DHAHAR
General Duke replied to Paragon's topic in Politics
Nothing major happened and like a brother said a war is not good for anyone. Though the latest news shows this is no more than a small clah, and we hope to keep it that way.. -
Saudi business delegation arrive in PUNTLAND..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Wafdi ka socda Sucuudiga oo maanta soo gaarey magaalada Boosaaso Wafdi ballaaran oo ka socda Boqortooyada Sucuudi Areebiya ayaa maanta ka soo degey garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso. Wafdigan oo kooban toddoba xubnood ayaa u yimid Puntland si ay u dhisaan meel xoolaha lagu xannaaneeyo, waxana booqashada wafdigan ay qaadan doontaa muddo saddex casho ah. Wafdigana ayaa waxaa hoggaaminaya Saleebaan Siciid Al-Jaabiri oo ah madaxa mashruuca lagu dhisayo goobta lagu xanaanaynayo xoolaha nool ee Puntland, waxana sidoo kale wafdigan kamid ah dhakhaatiir iyo qareenno. Imaanshaha wafdigan ayaa ka dambeysey kadib markii wafdi sare oo ka socda Puntland ay Sucuudiga gaareen halkaasna heshiisyo kula soo saxiixdeen. Wafdigan ayaa waxaa si diirran garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ugu soo dhoweeyey, guddi loo xilsaaray soo dhoweynta wafdigan kuwaas oo ay kamid ahaayeen wasiirka xannaanada xoolaha beeraha iyo deegaanka, Siciid Jaamac Qoorsheel, wasiirka ganacsiga iyo wershedaha, Cabdirisaaq Cali Siciid Shaahdoon, guddoomiyaha gobolka Bari, Muuse Geelle Yuusuf iyo duqa degmada Boosaaso, Khadar Cabdi Xaaji Mire. Wafdigan ayaa loo gudbiyey hotel International Village, waxana nasashada kadib lagu wadaa in ay kulamo la yeeshaan madaxweynaha Puntland, Maxamuud Muuse Xirsi. Jaamac Yuusuf Jaamac (Deberaani) SBC Boosaaso -
Dhahar: " Maamulka Somaliland waa uu nagu soo gar******ay, balse waannu iska difaacnay" wasiir kuxigeenka arimaha gudaha Puntland oo Dhahar Jooga. 9. april 2007 Dhahar(AllPuntland)-Wasiir kuxigeenka arimaha gudaha iyo amniga Puntland Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bakiin) oo iminka asaga iyo wafdi uu kamid yahay ay kusugan yihiin deegaanka Dhahar ayaa beeniyay hadal kasoo yeeray maamulka la baxay Somaliland oo sheegay in Puntland ay khasaaro naf iyo maalba ah u gaysteen. " Si dhuumasho ah ayay kusoo galeen magaalada Dhahar , si dhuumaalaysi ahna way uga bexeen markii la iska difaacay" ayuu yiri Xaaji Bakiin. Wasiir kuxigeenka arimaha gudaha iyo amniga Puntland wuxuu sheegay in wasiir kasocda Somaliland oo lagu magacaabo Maxamuud Siciid iyo 10 xildhibaan oo ka socda Somaliland ay tageen Dhahar , balse halkaasi ay ciidamada Puntland ka saareen. " Anaga wax khasaare ah nama soo gaarin , balse ayaga ayaa waxaa ka gubtay gaari kuwa dagaalka ah, waxaana naloo soo tabiyay inay dhaawac la carareen" ayuu yiri Xaaji Bakiin oo waraysi siinayay Radio Gaalkacyo. Mar wax laga waydiiyay Xaaji bakiin waxa ay Dhahar ka qabanayaan ayuu sheegay in wafdi ballaaran oo maalmihii ugu danbeeyay joogay gobolka Sanaag ay yihiin , hawlohoodana ay sii wadan doonaan. Wuxuu sheegay in maamulka la baxay Somaliland ay xad gudubyo cad cad ay kawadaan gobollada Puntland , asagoo sheegay in go'aanka Puntland uu ahaa , ahaanna doono mid difaac ku salaysan. Maanta ayaa war kasoo baxay Somaliland lagu sheegay in ciidamada Puntland ay 15km dhaafiyeen magaalada Dhahar , haddana ay ayagu ka taliyaan degmada Dhahar. CCC Farayaamo. AllPuntland
-
Dagaalkii Dhaxmarey Dowlad Goboledka Soomaliyeed ee Punland iyo Gobolka Falaagada ah ee Hargeysa, oo uu ka Hadley Wasiir kuxigeenka arimaha gudaha iyo amniga Puntland Mudane Ibrahim Cartan Ismaaciil (haaji bakiin) isaga oo ku sugan Dhahar. Wasiir kuxigeenka arimaha gudaha iyo amniga Puntland Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bakiin) oo iminka ku sugan asaga iyo wafdi uu kamid yahay deegaanka Dhahar Wasiir kuxigeenka arimaha gudaha iyo amniga Puntland Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bakiin) oo iminka ku sugan asaga iyo wafdi uu kamid yahay deegaanka Dhahar ayaa beeniyay hadal kasoo yeeray gobolka falaagada ah ee hargeysa oo sheegay in Puntland ay khasaaro naf iyo maalba ah u gaysteen. " Si dhuumasho ah ayay kusoo galeen magaalada Dhahar , si dhuumaalaysi ahna way uga bexeen markii la iska difaacay oo qasaaro ba’an loo geystey" ayuu yiri Xaaji Bakiin. Wasiir kuxigeenka arimaha gudaha iyo amniga Puntland wuxuu sheegay in nin lagu magacaabo Maxamuud Siciid iyo 10 xubnood oo ka socda gobolka falaagada ah ee hargeysa ay si dhuumaaleysi ah ku tageen Dhahar , balse halkaasi ay ciidamada Puntland ka saareen. " Anaga wax khasaare ah nama soo gaarin , balse ayaga ayaa waxaa ka gubtay gaari kuwa dagaalka ah, waxaana naloo soo tabiyay inay dhaawac la carareen" ayuu yiri Xaaji Bakiin oo waraysi siinayay Radio Gaalkacyo. Mar wax laga waydiiyay Xaaji bakiin waxa ay Dhahar ka qabanayaan ayuu sheegay in wafdi ballaaran oo maalmihii ugu danbeeyay joogay gobolka Sanaag ay yihiin , hawlohoodana ay sii wadan doonaan. Wuxuu sheegay in maamulka gooni goosadka ah ee hargeysa xad gudubyo cad cad ay ka wadaan gobollada Puntland , asagoo sheegay in go'aanka Puntland uu ahaa , ahaanna doono mid difaac ku salaysan. Yaasin Digool Carmooyin.com
-
Mogadishu clan gathering supports TFG. PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Beesha Muddullood oo maanta yeelaneysa kulankii ugu ballaarnaa ee lagu taageerayo dowladda Soomaaliya Maanta ayaa lagu wadaa in kulan qado ah oo noqonaya kii ugu ballaarnaa ee lagu taageero dowladda Federalka Soomaaliya uu ka dhoco hotelka Lafweyn ee magaalada Muqdisho Maanta ayaa lagu wadaa in kulan qado ah oo noqonaya kii ugu ballaarnaa ee lagu taageero dowladda Federalka Soomaaliya uu ka dhoco hotelka Lafweyn ee magaalada Muqdisho,kulankaas oo ay isugu imaanayaanm dhamaanba qeybaha kala duwan ee bulshada ku abtirsata beel weynta Muddullood ,waxaana lagu wadaa in ay ka qeyb galaan in ka badan 1000 ruux. Kulankan ayaa waxaa uu daba socdaa kulamo wada tashi ahaa oo shalay ka kala dhacay Hotellada Lafweyn,Banaadi iyo Global oo ay ka qeyn galeen xubnaha labada gole ee dowladda Soomaaliya ugu jira beesha Muddullood,waxana lagu wada in kulanka maanta dacaya lagasoio saaro war murtoyedkii ugu cuslaa ee lagu tageero dowladda Soomaaliya iyo barnaamijyadeeda. Kulamadii shalay ayaa waxa ka hadlay masuuliyiin uu ka mid yahay Maxamed Cumar xabeeb (Dheere) oo sheegay in beesha Muddullood ay si aad ah uga go'antahay in ay taageerto oo la shaqeyso dowladda Soomaaliya wixii isku daya in ay dowladda ka hor yimaadaana ay beeshiisu dagaal toos ah kala hortagi doonto. "Anagu waxaan rabnaa dowald iyo kala dambeyn,laakin hadii walaaleheeen aysidaa diidan yihiin ka yeeli meyno waxaana cod dheer ugu sheegeynaa in xageena ay dagaal ka tahay oo aan ku abtirsanno dowladda cidii diidana dowladda ka hor anaga ayaa dagaal kala hortageynma" erayadaas iyo kuwo kale oo aad u kul kulul ayaa ka mid ahaa kalimadihii uu maxamed Dheere kulan kii gogol xaarka ahaa ee shalay ka jeediyay. Xafiiska warqabadka shabaakdda wararka carmooyin.com ee Muqdisho. Contact:info@carmooyin.com -
Muqdisho: Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed oo sheegay in dawladda federaalka diyaarinayso Shan kun oo askari oo Boolis ah. 9. april 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed Gen: Cali Madoobe ayaa sheegay in dawladda federaalku ay qorshayayso inay isku dubba riddo ciidan boolis oo tiradoodu gaarayso 5,000 oo askari. Gen: Madoobe oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ciidamadan ay yihiin ciidamo dheeraad ah oo ah ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ka qayb qaadan doona ammaanka dalka. Taliyaha ciidanka boolisku wuxuu xusay in Lixda bilood ee foodda inagu soo haysa lagu dhammaystirayo ciidamadan ayadoo laga kala keeni doono gobollada dalka Soomaaliya. Saddex waji ayuu sheegay in ciidamadan loo soo aruurin doono, wajiga koowaad ayuu xusay in 1,500 oo askari lagu qori doono kuwaasoo badankood laga keeni doono gobolka Banaadir , maadaama meesha ammaan sugidda ugu wayn ay tahay gobolka Banaadir,. Cali Madoobe wuxuu xusay inay arintan ciidamo qoridda kala hadleen maamulka Muqdisho iyo degmooyinkeeda qaabkii ciidankaasi loo xuli lahaa . Wajiga koowaad ayuu sheegay taliyaha ciidanka booliska in todobaadyada foodda inagu soo haya lasoo gabo gabayn doono . Dawladda Maraykanka ayaa shaaca ka qaadday inay dhinaca tabobarka iyo xirfad dhisidda ka caawin doonto ciidamada booliska Soomaaliyeed. CCC Farayaamo AllPuntland
-
Wafdi ka socda Sucuudiga oo soo gaarey Puntland Last Updated::2007-04-09 16:45:05 Bosaaso:- Wafdi ballaaran oo ka socda Boqortooyada Sucuudi Areebiya ayaa maanta ka soo degey garoonka diyaaradaha ee Bosaaso. Wafdigan oo kooban toddoba xubnood ayaa u yimid Puntland si ay u dhisaan meel xoolaha lagu xannaaneeyo, waxana booqashada wafdigan ay qaadan doontaa muddo saddex casho ah. Wafdigana ayaa waxaa hoggaaminaya Saleebaan Siciid Al-Jaabiri oo ah madaxa mashruuca lagu dhisayo goobta lagu xanaanaynayo xoolaha nool ee Puntland, waxana sidoo kale wafdigan kamid ah dhakhaatiir iyo qareenno. Imaanshaha wafdigan ayaa ka dambeysey kadib markii wafdi sare oo ka socda Puntland ay Sucuudiga gaareen halkaasna heshiisyo kula soo saxiixdeen. Wafdigan ayaa waxaa si diirran garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ugu soo dhoweeyey, guddi loo xilsaaray soo dhoweynta wafdigan kuwaas oo ay kamid ahaayeen wasiirka xannaanada xoolaha beeraha iyo deegaanka, Siciid Jaamac Qoorsheel, wasiirka ganacsiga iyo wershedaha, Cabdirisaaq Cali Siciid Shaahdoon, guddoomiyaha gobolka Bari, Muuse Geelle Yuusuf iyo duqa degmada Boosaaso, Khadar Cabdi Xaaji Mire. Wafdigan ayaa loo gudbiyey hotel International Village, waxana nasashada kadib lagu wadaa in ay kulamo la yeeshaan madaxweynaha Puntland, Maxamuud Muuse Xirsi. Jaamac Yuusuf Jaamac (Deberaani) SBC | HorseedNet
-
Mogadishu clan gathering supports TFG. PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Kulankan ayaa xubnihii ka soo qeybgalay ka mid ahaa Ra'iisul Wasaaraha dowladda KMG Prof. Cali Maxamed Geeddi, Wasiirka Ganacsiga, Wasiir ku xigeenka gaashaandhiga, Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow, Xildhibaan Cumar Filish, Xildhibaan Hiwlowle Imaan Cumar, Taliye ku xigeenka booliska Cabdi Maxamed Fiidow Joon, Imaamka beesha ****** Imaam Maxamuud Imaam Cumar iyo xubno kale. -
Mogadishu clan gathering supports TFG. PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Muqdisho: Warbixin faah faahsan oo ku saabsan kulankii beesha ****** ee maanta. 9. April 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Kulan ballaaran oo galabta ay isugu yimaadeen Hotelka Lafweyn Xubnaha beesha ****** ugu jira dowladda KMG ah ee Soomaaliya, waxgarad, odayaasha dhaqanka iyo ganacsato kaasoo looga hadlayey sidii aragti mideysan looga qaadan lahaa arimaha ka ka socda magaalada Muqdisho iyo sidii loo taageeri lahaa dowladda federaalka KMG iyo howlgalada ciidamada dalka Itoobiya ay ka wadaan Muqdisho. Kulankan ayaa xubnihii ka soo qeybgalay ka mid ahaa Ra'iisul Wasaaraha dowladda KMG Prof. Cali Maxamed Geeddi, Wasiirka Ganacsiga, Wasiir ku xigeenka gaashaandhiga, Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow, Xildhibaan Cumar Filish, Xildhibaan Hiwlowle Imaan Cumar, Taliye ku xigeenka booliska Cabdi Maxamed Fiidow Joon, Imaamka beesha ****** Imaam Maxamuud Imaam Cumar iyo xubno kale. Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku baaqday dib u heshiisiin hase ahaatee ka hor inta uusan qabsoomin shirka dib u heshiisiinta ay dowladda nadiifin doonto caasimada Muqdisho isagoo intaa raaciyay in ay la dagaalami doonaan kooxo uu ku sheegay argagixiso yar oo Muqdisho ku sugan. Geeddi ayaa ka codsaday beesha ****** in ay garab siiyaan dowladda Soomaaliyeed isla markaana waxaa uu ka codsaday in hubka ay hayaan ku soo wareejiyaan iyadoo beeshana ay balan qaatay in ay hubkooda ku wareejin doonaan isla markaana ay garab geli doonaan sidii looga hortegi lahaa kooxaha ka soo horjeeda dowladda. Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda KMG Soomaaliya aysan raadsaneyn beel gaar ah balse dad doonayo arimo kale in ay arimahaasi ku hadlayaan. Ra'iisul Wasaaruhu mar uu ka hadlayey arrimaha shirka dib u heshiisiinta iyo qaabka looga qeybgalayo ayaa waxaa uu sheegay in shuruud looga baahan yahay xubnihii ka tirsanaa maxkamadaha, shuruudahaasi ayuu sheegay in ay ka mid yihiin sadax qodob oo kala ah. 1-"Waa in uu ka baxo shidada uu ka qeybgalay ama maxaakiimta wixii lagu magacaabi jiray, cadeeyaana mar danbe wax dagaal ah uusan sameyn". 2-"Inuu aqoonsan yahay dowladda Federaalka Soomaaliya". 3-"Inuu shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ku soo fariisto isagoo beeshiisa ka mid ah" ayuu yiri Ra'iisul Wasaaraha oo intaa raaciyay in muwaadinka Soomaaliyeed ee buuxiya shuruudahaasi uu ka soo qeybgali karo shirka isagoo maraya wadadaasi. Sidoo kale waxaa kulankaasi ka hadlay Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo sheegay in beesha ****** ay si cad u taageersan tahay dowladda KMG ah ee Soomaaliya isla markaana wax walba ay ku taageereyso, wuxuuna tilmaamay in cidii ka soo horjeesata nabada dhinac laga mari doono. Nabadoon Cumar Dheere ayaa sheegay in beesha ****** 100% ay taageersan tahay dowladda iyo howlgalada Muqdisho ay ka wadaan ciidamada Itoobiya, isagoo sheegay in beesha ****** ay tahay gogosha caasimada dalka ee Muqdisho dadka ku dhaqan ee u dhashay gobolada kale ee ka soo horjeeda nabada iyo nidaamka dowladnimada ayuu ugu baaqay in ay tagaan goboladooda oo ay ka diidaan dowladda iyo nidaamka nabada. Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in caasimada Muqdisho ay tahay caloosha dalka isla markaana ay deeqdo cid kasta oo Soomaaliyeed hase ahaatee waxaa uu yiri " Muqdisho Soomaalida oo dhan ay deeqdaa laakiin shan muqaawamo ah iyo anaga nama wada deeqdo", wuxuuna intaa raaciyay in ay u istaagi doonaan sidii xasiloonida loogu soo celin lahaa dalka loogana saari lahaa wax uu ku sheegay kooxo afka soo duubtay. Kulankan ayaa xubnihii ka soo qeybgalay ay si wada jir ah iskula af garteen in la taageero dowladda iyo howlaha ciidamada Itoobiya ay ka wadaan Muqdisho, waxayna ugu baaqeen kooxaha kale in ay nabada qaataan cidii ka soo horjeesatana aysan ka aqbali doonin. Kulankan ayaa waxaa uu daba socday kulamo maalmahan ka dhacayey Muqdisho oo ay jufooyinka beelaha ****** ku yeelanayey Magaalada Muqdisho, wuxuuna ku dhamaaday jawi degan. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho -
Mogadishu clan gathering supports TFG. PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
LINK In the pics you have, Geedi, Imam Mohamoud, Musa Sudi, Jele, Shadoor, all the isims of the largest clan in Banadir region -
Beesha ****** Cismaan oo si buuxda u taageertay Dowlada Federaalka iyo hawl galada ay nabad ugu raadinayso Caasimada Muqdisho Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 09/04/07 Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi iyo Imaam Maxamuud Imaam Cumar. Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka kmg ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi, Imaamka Beesha ****** Cismaan, Md. Imaam Maxamuud Imaam Cumar, Malaaqa beesha iyo Ugaaskoodaba, Xildhibaanada iyo wasiirada beesha ****** ugu jira Dowlada Federaalka iyo shacab aad u tiro baddan ayaa maanta waxaay ka qeyb galeen kulan qaddo ah oo lagu soo gaba gabeeyey shir maalmahan si kala gooni gooni ah ay jilibyada ****** ugu socday magaalada Muqdisho. Kulankan ayaa waxaa ka hadlay qaar matalayey Jilibyada uu u qaybsamo ****** kuwaaso dhamaantood soo bandhigay inay si buuxda u taageerayaan dowladda Federaalka isla markaana ay raali ka tahay beesha in dowlada ay hawl gal ka samayso caasimada iyadoo jilibyadaasi ay balan qaadeen inay wareejin doonaan hubka u yaala guryahooda, isla markaana ay ka baxayaan guryaha dowlada iyo beerahii horey loo bililiqeystay. Sidoo kale dadka halkaasi ka hadlay xaga siyaasiyiinta ayaa waxaa ka mid ahaa Xaaji Muuse Suudi Yalaxow oo la hadlayey Beesha ****** ayaa waxa uu ugu hanbalyeeyay in ay leeyihiin magaalada Muqdisho isla markaana ay tahay gogol ay soo gali karaan qof kastaa oo bani'aadam ah loona baahan yahay buu yiri in garab buuxa lala garab istaago dowlada Federaalka iyo qorshayaashooda. Xaaji Muuse Suudi mar uu ka hadlayey caasimada Muqdisho waxa uu sheegay in deegaanada ku xeeran iyo caasimadaba ay leedahay beesha ****** ayna fidinayaan goggol cidkastaa ay soo gali karto isagoo ka reebay ama farta ku fiiqay Muqaawimo iyo Alqaacida inaysan boos ku lahayn magaalada Xamar oo ay la dagaalamayaan wuxuu qiray xaajiga in ururkaasi ay isaga ka rideen hogaamintii uu hogaamin jiray beeshiisa wuxuuna haatan sheegay in loo baahan yahay dowlad isla markaana la garab galo buu yiri. Xaajiga wuxuu ku nuuxnuuxsaday in aysan jirin qabiil ay la dagaalsan yihiin ka ****** ahaan wuxuuna sheegay in Al-qaacidana aanan lagu riixayn beel gooni ah wuxuu qiray in beesha ****** ay leeyihiin kooxo gacansaar la leh Al-qaacida wuxuuna u sheegay in ay ka waantoobaan hadii aysan sidaasi yeelina ay la dagaalamayaan oo ay garab istaagayaan Dowlada Federaalka. Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ah imaamka beesha ****** wuxuuna sheegay in isagoo ka wakiil ah beesha ****** codkoodana ku hadlaya ay si buuxda u taageerayaan dowladda federaalka kmg isagoo qiray inaysan ka mid ahayn kuwo sheeganaya beelaha ****** ee la dagaalamaya Dowlada iyo saaxiibadood dalka Ethiopia. Wuxuu fariin gaar ah u diray beesha ****** ee ku nool Qurbaha inay iyagana dhankooda ka taageeraan dowlada Federaalka isagoo carabkiisa ku adkeeyey in ay yimaadaan dalka Somalia oo qeyrkood wax la qeybsadaan wuxuuna cadeeyey in kursigii ****** uu ku fadhiyo Prof. Cali Maxamed Geedi hadii ay jiraan wax ka maqan Hawiyena ay la xisaabtamaan si nabadgalyo iyo Wadahadal ah Ra'iisul Wasaaraha, Muqdisho waxaanu ka doonaynaa inaan gogol ugu fidino qoys walba oo dhibaato sheeganaya laakin ma ahan buu yiri in dagaal la qaado xili ay dhibaatooyin caafimaad, dhaqaale la'aan iyo barakac jiro. Imaam Maxamuud oo shirbaya ayaa kusoo gunaanaday shirib kusocda beesha ******: (Inoow ****** hal noqdaa u hilihaa hagranamaa), iyo Duco uu u duceeyey dhamaan ummada Soomaaliyeed sidii ay ugu bixi lahaayeen qabiilka sida xun loogu adeegto. Ugu danbayntii waxaa halkaasi ka hadlay Ra'iisul Wasaare Prof. Cali Maxamed Geedi wuxuuna beesha ****** weydiistay inay bilaabaan hubka inay dhigaan maadaama uu isaga ka dhashay wuxuu kaloo ka codsaday in ay ka baxaan guryaha dowlada iyo beeraha aaysan xaqa u lahayn wuxuu markaasi sheegay in lagu dayan doono, wuxuu kaloo ku nuuxnuuxsaday inaanay suuragal ahayn oo loo jeedo kuwii hoobiyaha tuuri jiray hadana bilaabay inay godod ka qotaan caasimada goobaha ay wali ku hareen iyadoo ku googooyey caro iyo dhagxaan jidadka, taasi ma suura galayso waana wax loo jeedo oo la iska celin doono hadaysan ka waantoobin waxa ay wadaan. Xaq maaha kuwa afka duubta oo sheeganaya muqaawimo iyo argagaxiso waxaana beesha ****** looga fadhiyaa buu yiri inay iska celiyaan kuwa xaafadahooda xabadaha ka dhex tuuraya waayo buu yiri jawaabta meeshaasi waxay noqonaysaa bartilmaameen lala beegsanayo cidii meeshaasi wax kasoo riday waana inaan raali laga noqon kuwa qas wadayaasha ah ee raba inay dhibaato u soo jiidaan ummada Soomaaliyeed. Ra'iisul Wasaaraha waxa uu sheegay kuwa ka tirsanaa Maxaakiimta inay isaga baxaan dhibka ay ku jiraan oo kusoo biiraan miiska Wadahadalka oo ay sheegtaan dhibaatooyinka ay tabanayaan waxaana loo fidinayaa Cafis hana kasoo qeyb galeen buu yiri shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo dhawaan la qaban doono wuxuuna si cad u cadeeyey in shirkaasi uu u furan yahay cidkastoo Soomaali ah. Dowladu ma ogola in Qabiil qabiil la isku dilo oo ay isu gumaysato raalina kama ah, Beer ninkiisa gubaya ma jirto taasi waxaan ula jeedaa shacabka Soomaaliyeed waxay noo yihiin Beerteenii oo aan doonayno inaan ka ilaalino dugaaga iyo Tuugada, Jid baa furan ee hasoo marto cidii wax sheeganayso sidaasi waxaa yiri Prof. Cali Maxamed Geedi. Shirkani ayaa jawaab u ahayd beesha ****** oo laga sugayay inay cadeeyaan mowqifkooda ku aadan arrimaha Dowlada waxaana baryahaan loo shirayay beel beel iyadoo beesha ay ka kooban tahay 9 sagaal ****** ayaa hadan waxaa loo fariistay Sedex qeybood oo kala ah ***** ******, Wacbuudhan iyo Wacaysle iyagoo dhamaantood ay diyaar ku ahaayeen siyaasiyiintooda meesha shirka ka dhacayey ee Hotel Lafweyne oo ku yaala degmada Kaaraan agagaarka Fagax. Siyaasiyaanta kasoo qeyb gashay ayaa ahaa kuwo horey looga yiqiin masraxa siyaasada waxaana ka mid ahaa Maxamed Dheere, Shiikh Muudeey Gacal, Xaaji Muuse Suudi Yalaxow, Xildhibaan Hilowle Imaam Cumar, Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeele, Wasiirka Ganacsiga Prof. Afrax, Xildhibaano kale oo ka mid ah beesha ******. Bidix Xaaji Muuse Suudi iyo Prof. Gedi oo is marxabaynaya Midig Ugaaska Beesha ****** Maxmed Cali Ugaas dhexda Imaamka bidix R. Wasaraha Bidix Marwada Ra'iiul wasaaraha Marwo Faaduma Xasan Barow iyo Walaasheed Xubnaha ka soo qeyb galay kulanka qadada Beesha ****** cismaan Nin kor u haya sawirka Geedi iyo Mele Sanawi Haweenka Beesha ****** oo kor usida sawirada Raysul Wasareyaasha Somalia iyo Ethiopia Gabar kasocota Jaaliyada Dibada oo beesha ****** u dhalatay oo taageradeda mujisay Xaaji Muuse Suudi Yalaxow Imaam Maxamuud Imaan Cumar Kasoo qeyb galayaasha oo taageeradood dowladda Muujiyey Maxamed Cabdulle Xasan (Siidi) siidmohamed@hotmail.com siidi@somaliweyn.com Somaliweyn Media Center Muqdisho - Somalia
-
AUDIO: Sirta Warlordka Col. Yey oo Salaad Cali Jeele ka fakatay
General Duke replied to Suldaanka's topic in Politics
^^^Promises, promises...lol -
President Yusuf PM Geedi travel from Baidoa to Villa Somalia by ROAD
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^You are indeed deluding yourself saxib, you actually belive what you are saying, which is all good. -
^^^You will die as a hero fighting all the way from the west coast? I have seen this meaningless bravado before. Just hot air and nothing more. PS No clan names, edit it..
-
President Yusuf PM Geedi travel from Baidoa to Villa Somalia by ROAD
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^lol. I thought you was ready for any eventuality? now you can not take ona few thousand extra..Come on be brave. -
^^^lol. What utter nonsence, so you are waiting for the right time to attack? Give up saxib now, and desist from violence. Otherwise you will end up in a demo some where cold saying nothing more than "Stop the massacre" forgeting all the bold words you are making right now.
-
Fedh-Ruled Government arrests Universal T.V reporter
General Duke replied to Fabregas's topic in Politics
^^^Maybe he was, what info do you have on him?