General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. toddobaad gudihii Posted to the Web Apr 07, 09:01 Bujumbura (PP) - Dowladda Burundi ayaa waxay sheegtay inay doonayso inay ciidammadii ay ugu talogashy inay keento gudaha Soomaaliya ay soo gaarsiiso maalmaha soo socda. Sarkaal u hadlay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Burunid ayaa u sheegay qaar ka mid ah saxaafadda caalamka inay ciidammadooda mar hore u dhameystirmeen qalabkii ay ku howlgali lahaayeen, balse ay haysatay dhibaato xagga gaadiidka ah oo uu sheegay inaysan haysan gaadiidkii lagu daabuli lahaa. "Waxaan qorsheynaynaa in toddobaadkan iyo kan xiga aan geyno gudaha Soomaaliya 1700-Askari oo aan ballanqaadnay inaan geyno gudaha dalka Soomaaliya si ay qayb uga noqdaan howlaha nabad ilaalineed ee Midowga Afrika ay ka wadaan gudaha Soomaaliya" ayuu yiri sarkaal u hadlay Gaashaandhigga Burundi oo lagu magacaabo Mgnawama. Wuxuu dhanka kale sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay inay kala qaybqaadato nabad ilaaliyeyaasha Afrika howlaha nabadeed ee lagu wado in lagu soo dabbaalo dalka ay burburiyeen dagaallada sokeeye muddo 16-sano ka badan. Rose Nkrabirwa oo u hadashay wasaaradda Gaashaandhigga ee Uganda ayaa waxay dhankeeda sheegtay inay xaqiijiyeen in Burundi ay ciidammo nabad ilaalin ah oo gaaraya 1700-askari ay geynayaan Soomaaliya muddo toddobaad aan ka badnayn, si ay qayb uga noqdaan ciidammada Uganda ee ku sugan gudaha Soomaaliya. Dowladaha Ghana, Malawi iyo Nigeria ayaa waxay sidoo kale horay u ballanqaadeen inay ciidammo nabad ilaalin ah oo ka socda Afrika ay geynaynayaan Soomaaliya, iyadoo ciidammada AMISOM ee la geynayo Soomaaliya ay gaarayaan 8-kun oo Askari oo nabad ilaalliyeyaal ah. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: Jantiile@gmail.com
  2. ^^^Yoou do protest too much, saxib the TFG is in control of all the regions of Somalia and even in Mogadishu which was one of the most armed areas on Earth the TFG is taking over district by district, the use of massacre & genocide by your groups is quite amusing, some claim that the TFG and allies caused a genocide and massacre of the people of Mogadishu. All I know is that the big boys have been cut down to size. The governemnt has a clear stargey which has worked perfectly thus far... A secesionist who belived tha clan courts would do his dirty work now is making false claims about a situation he is tottaly ignorant about. How am I not suprised..
  3. President Yusuf & PM Geedi arriving in Baidoa today
  4. Mujahod SNM, the country is peaceful more so than at any time, there is an ongoing operation in Mogadishu that will finish of the last troubled spot. Anyhow top US diplomats have visited the country for the firts time in 13 years.. We are moving forward.
  5. Jendayi Frazer oo khudbad ka jeedisey fadhigii Baarlamanka ee Baydhabo Wafdigii ka socdey xukuumada Mareykanka ee maanta gaarey magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa khudbad ka jeediyey fadhi uu lahaa saaka Baarlamanka Federaalka KMG ah ee Soomaaliya. Wafdigan Mareykanka ah oo ahaa wafdigii ugu sareeyey ee Mareykanka ee yimaada Soomaaliya in ka badan 10 sano ayaa waxaa hogaaminaysany Kaaliyaha xoghayaha arimaha dibadda ee Mareykanka ugu qeybsan arimaha Afrika Jendayi Fraze, waxaana ka mid ah Ergeyga Mareykanka ee wadanka Kenya ahna u qaybsanaha Mareykanka ee arimaha Soomaaliya Michel Renirberger iyo xubno kale. Wafdigan ka socdey Mareykanka ka sokow ciidamada DFKMG ah waxaa amaankooda sugayey ciidamo Mareykanka ah oo la socdey, iyadoo xubno ka tirsan hay'ada sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ay ku sugnaayeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo iyo xarunta ADC-da ee ay hadalka ka jeedisey Jendayi Frazer. Jendayi Frazer ayaa khudbad ka jeedisey xarunta Baarlamanka ee magaalada Baydhabo ayaa waxay daboolka ka qaadey sida Mareykanku u daneynayo deganaansho ka dhaca Soomaaliya, iyo sida uu u taageerayo qorshaha dib u heshiisiinta ee la wado, waxayna ay sheegtey in Mareykanku uu doonayo in Soomaaliya 2009-ka ay ka dhacdo doorasho xor ah oo dimuqraadi ah taasi oo meesha ka saarta dhibaatooyin badan oo Soomaaliya, waxaana ay ku nuuxnuuxsatey in Baarlamanka Soomaaliya ay taasi tahay shaqooyinka u yaal ee looga fadhiyo. Jendayi Frazer waxay carabka ku dhufarey in Mareykanku uu Soomaaliya horey ugu yaboobay aduun lacageed oo gaaraya 40 milyan si dib loog soo celiyo xasiloonidii, waxaana ay xustey in haatan xukuumada Mareykanka ay bixin doonto aduun lacageed oo gaaraya 60 milyan oo wax looga qabanayo nabad ku soo celinta Soomaaliya gaar ahaan shirweynaha dib u heshiisiinta Qaran. Jendayi Frazer waxay Baarlamanka Soomaalida ku amaantey go'aanka uu qaatey ee ku aadan in uu u guuro oo uu ku shaqeeyo Magaalada Muqdisho. Kaaliyaha xoghayaha arimaha dibadda ee Mareykanka ugu qeybsan arimaha Afrika Jendayi Frazer waxay cadeysay in booqashada ay maanta ku tageen magaalada Baydhabo ay tahay sidii u muujin laheyd taageerada Mareykanka ee ku aadan wadahadalada iyo dib u heshiisiinta. Kaaliyaha xoghayaha arimaha dibadda Mareykanka u qaabilsan arimaha Africa Jendayi Frazer ayaa sheegtay in ururada iyo dowladaha ku jira kooxda xiriirka Somalia ay taageerayaan howl-galada ciidamada midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) si loo soo celiyo amaanka, taasi oo ay sheegtay in ay ku xiran tahay midnimo ay muujiso dowladda KMG Ah ee Somalia. "Waxaan qirayaa in shacabka Somaliyeed ay ka soo daaleen dagaalo sokeeye isla markaana Mareykanka uu taageerayo sidii xal waara looga gaari lahaa mashaakilka Soomaaliya oo ay ugu horreyaan dadaalada dib u heshiisiinta" ayey tiri Jandai Frazer. Jendayi Frazer ayaa ka codsatay Baarlamanka somalia in ay dhisaan hab nabadgalyo iyo boolis si loogu soo celiyo dalka nidaam iyo kala dambeyn. Jendayi Frazer waxay ka codsatey Baarlamanka Soomaaliya in uu ka shaqeey sidii dalka nabad loogu soo dabaali lahaa loona dhisi lahaa hanaan nabadgalyo oo Booliis si dalka dib loogu soo celiyo amnigii iyo kala dambeyntii. Sidoo kale wafdiga Kaaliyaha xoghayaha arimaha dibadda ee Mareykanka ugu qeybsan arimaha Afrika Jendayi Frazer ay hogaaminayso waxay kulamo gaar ah la yeesheen Madaxweynaha iyo Ra'islawasaaraha DFKMG ah oo iyagu maanta magaalada Baydhabo u tagey sidii wafdigan ay ula kulmi lahaayeen. Maryan Saylac SBC Baydhabo.
  6. ^^^^Garowe, Bossaso & Mogadishu are all the same, as for stooges saxib thats your argument, but I belive those who stand against the restoration of the state are stooges to warlords & clan courts and led by scrap merchants..
  7. 1,700 oo ka tirsan ciidanka nabad ilaalinta Burundi oo dhowaan dalka imanaya Ciidamada nabad ilaalinta gaar ahaan kuwa ay diyaarisay xukuumadda Burundi ayaa la filayaa in ay toddobaadyo gudahood ku soo gaaraan Soomaaliya, sida ay shaaciyeen saraakiisha waddankaasi. Warka ku saabsan ciidamada ka imanaya dalka Burundi ayaa soo baxay kadib markii ay xukuumadaha Kampala iyo Bujunbura ay arrintaasi ka wada hadleen. Xukuumadda Bujumbura ayaa diyaarisay ciidamo gaaraya 1700 oo askari oo qeyb ka qaadanaya howlaha nabad ilaalinta Somalia, kuwaasi oo ay sheegtay in ugu dambeyntii ay imaanayaan dabayaaqada bishan April. Dalka Burundi ayaa goor sii horreysey shaaca ka qaaday in ciidamadii ay ugu tala taleen nabad ilaalinta Soomaaliya ay diyaar yihiin, khubrad fara badanna u leeyihiin waddamada Soomaaliya oo kale ah. Keyse Caamir
  8. Burundi oo sheegay in ciidamadeedu dhowaan tegi doonaan dalka Soomaaliya (Bujunbura)-Dawladda Burundi ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday inay sida ugu dhaqsaha badan ciidamadeeda u gaynayso dalka Soomaaliya, ka dib markii arintaasi ay kawada hadleen dawladda Uganda. Dawlada Burundi waxay sheegtay in todobaadyo yar gudohood ay dalka Soomaaliya ku gaynayso ciidamadii hadda ka hor ka dhawaajisay inay u diraysao dalka Soomaaliya kuwaas oo gaarayey 1,700 oo askari. Haweenay wasiiru dawlaha difaaca ka ah dalka Uganda Ruth Nankabirwa ayaa laga soo xigtay in dawladda Bujunbura ay siisay sabab lagu rumaysan karo in ciidamo ay dalka Soomaaliya keenayaan bishan dabayaaqadeeda. Ruth Nankabirwa waxay intaasi ku dartay in ciidamada Uganda ee inaya bishan dabayaaqadeeda Soomaaliya ay haysato dhibaato ah oo xagga gaadiidka ah. Dhinaca kale Afhayeenka hal galada Ciidamada Uganda eek u sugan dalka Soomaaliya Pady Ankunda Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay daggan tahay noloshii iyo xasiloonidiina ay kusoo laabanayso. Ciidamada Uganda oo noqday ciidankii ugu horeeyay ee Afrikacan ah oo yimaada dalka Soomaaliya ayaysan jirin cid wali kusoo biirta marka laga reebo ballan qaadyo laga hayo dawlado dhawr ah oo iyagu weli imaan dalka Soomaaliya. Waxaa ciidamo ku yaboohay dalalka Ghana, Nigeria,Burundi, Malwai iyo Ugadan, waxaana ilaa iminka Ciidamadooda geeyey dalka Soomaaliya dalka Uganda. Xarunta wararka Waayaha.net
  9. BAYDHABO: Frazer: "Mareykanka waxa uu ugu talogalay howlaha ka socda Soomaaliya 100-Milyan oo Dollar, waxaana…" Posted to the Web Apr 07, 15:26 Baydhabo (PP) – Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Mss. Jandayi Frazer oo soo gaartay Baydhabo maanta ayaa waxay qudbad u jeedisay xubnaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Baydhabo, waxayna ka hadashay arrimo dhowr ah. Frazer waxay sheegtay in Dowladeeda ay taageerayso xabadjoojintii dhawaan ka hirgashay Muqdisho ayna codsanayaan in la sii adkeeyo xabbad-joojintaas, waxayna carabka ku dhuftay inay soo dhaweynayso in wax walba lagu dhammeeyo nabad iyo wadahadal. "Waxaan idiin caddeynayaan in 2009-ka Dowlad Dimuquraadi ah laga dhisayo Soomaaliya oo aad idinku hormuud ka tihiin aadna dooranaysaa ciddii aad doontaan idinkoo xor ah" ayay u sheegtay Frazer Baarlamaanka Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Baydhabo. "Waxaan taageeraynaa howlaha ay ka wadaan ciidammada AMISOM ee ka socda dalalka Afrikaanka ah eek u sugan Soomaaliya howlaha ay ka wadaan gudaha Soomaaliya, waxaana soo jeedinaynaa inay sii wadaan howlahooda tan iyo inta ay nabadda Soomaaliya ka soo celinayaan" ayay mar kale tiri Frazer. Jandayi Frezar waxay qirtay in Shacabka Soomaaliyeed ay ka soo daaleen dagaallo sokeeye iminkana aysan meel uga bannaanayn in dalka Soomaaliya uu noqdo meel ay ka dhacaan dagaallo sokeeye, waxayna sheegtay in Mareykanka uu xoogga saaray inaysan Soomaaliya ka dhicin dagaallo kale oo hor leh. Mss. Jandayi Frazer Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay ku ammaantay Baarlamaanta Federaalka Soomaaliya inay ku dhiiradeen inay Dowladda Federaalka Soomaaliya u rareen Muqdisho, waxayna sheegtay inay taas si weyn u soo dhaweynayso ayna ku faraxsan yihiin. Wafdiga ay hoggaaminayso Frazer oo uu ka mid yahay Safiirka Mareykanka ee Kenya Michael Renniberger ayaa waxaa lagu wadaa inay galabta u duulaan dalka Kenya oo ay markii hore ka soo duuleen. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: Jantiile@gmail.com
  10. Jandayi oo khudbad ka hor jeedisay Barlamanka DF 7 Apr 7, 2007 - 6:44:19 AM Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka ee Africa Jendayi Frazer ayaa markii ay soo gaartay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay waxay kulamo la qaadatay Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo ra'iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi iyadoo khubad ay u jeedisay Barlamaanka Soomaaliya. Jendayi Frazer ayaa barlamanka KMG ku amaantay go'aankii uu ku gaaray in dowlada ay sal dhigato caasimada dalka ee Muqdisho Mrs. Frazer ayaa warbixin ay u jeedineysay barlamanka ku sheegtay in kooxda xiriirka caalamiga ee Soomaaliya dalalka ku mideysan iney si cad u taageerayaan howlgalada ciidamada nabad ilaalinta ee Soomaaliya si xasiloonidii dalka dib loogu soo celiyo. Waxay soo dhoweysay shirka dib u heshiisiinta Qaran ee gudaha dalka lagu qabanayo iyadoo shirkaasi ku tilmaamtay wadada kaliya ee lagu soo celin karo nabadgelyo buuxda iyo heshiis dhab ah oo ka dhaca Somaliya, waxayna intaa raacisay in dowlada Mareykanka uu taageerayo xukuumada Soomaaliya isla markaana dhaqaale ku bixinayo xasiloonida dalka Soomaaliya sidii dib loogu soo celin lahaa. " Waxaan taageereynaa sidii loo dhisi lahaa dowlad dimuquraadi ah oo ka hirgasha dalka Soomaaliya kadib 2009-ka oo si xur ah loo soo doorto taasi oo aad hormuud u tihiin," ayay tiri Jendayi Frazer oo la hadlaysay baarlamaanka Soomaaliya. Mar ay ka hadleysay dhaqalaha dowlada Mareykanka ay bixisay ayey waxay sheegtay in horay u bixiyeen 40 Milyan oo dollarka Mareykanka haatana ay ku darayaan 60 Milyan dollar oo tirada guud ka dhigeysa 100 Milyan lacagta loogu talagalay dib u heshiisiinta dalka Soomaaliya. Jendayi Frazer ayaa sheegtay in dowlada Mareykanka ay taageersan tahay xukumada Soomaaliya taasoo hadii la taageero soo celineysa hanaankii dowladnimo iyo kala danbeyntii dalka ee luntay iyadoo ka codsadatay barlamaanka Somaliya in ay dhisaan hanaan wanaagsan oo horseedaya nabadgelyo. Waa markii ugu horeysay ee wafti Mareykan ah ka soo dego magaalada Baydhabo tan iyo wixii ka danbeeyay ka bixitaanka ciidamada UNOSOM oo dalka Soomaaliya oo hormuud u ahaa Mareykanka. GO ayaa idiin soo gudbin doona khudbadaan oo cod ah Cali Muxayadiin Cali,GO
  11. Jendayi oo gaartey Baydhabo 7 Apr 7, 2007 - 2:26:59 AM Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa soo sheegaya in magaaladaasi maanta ay ka soo dageen wafti ay horkacayso Jendyi Frazier kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika. Ms Frazier ayaa waxa waftigeeda ka mid ah safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Kenya Michael Reneberger iyo xubno kale. Waftigan ayaa waxa magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyay mas'uuliyiin ka tirsan dowlada Federaalka. Waftigaan ayaa waxaa magaalada Baydhabo kula kulmiya magaalada Baydhabo Madaxweynaha DFKMG ah Cabdulahi Yusuf Axmad, ra'isal wasaare Cali Maxamad Geedi iyo gudoomiyaha Barlamanka Sheekh Aadan Maxamad (Aadan Madobe). Madaxweyne Cabdulahi Yusuf iyo Geedi ayaa saakey gaarey booqasho gaaban ku gaarey magaalada Baydhabo. Garowe Online,Muqdisho
  12. Baydhabo: Maraykanka oo $60 malyan oo doollar oo kale ugu deeqay Soomaaliya. 7. april 2007 Baydhabo(AllPuntland)- Kaaliyaha xogayaha arimaha dibadda Maraykanka ee arimaha Afrika Jandayi Farazer oo ayada iyo wafdi ay hor kacayso ay maanta Baydhabo yimaadeen ayaa ka hadashay ajandaha ay u timid iyo sida Maraykanku u doonayo inuu caawiyo dawladda Soomaaliya. Janday Frazer waxay baarlamaanka Soomaaliya oo ay maanta hadal u jeedisay u sheegay in dalka u timid sidii dawladda ugala xaajoon lahayd arimaha dalka ka jira isla markaana u dhiiri galin lahayd. Waxay sheegtay in Maraykanku taagerayo ciidamada midowga Afrika ee loo yaqaan AMISOM oo qaybtii ugu horaysay oo Uganda ka joogto dalka Soomaaliya. Sida uu AllPuntland u sheegay Khaalid Cumar Cabdi oo ah wasiiru dawladaha golaha wasiirada waxaa Frazer ay sheegtay in Maraykanku ugu deeqayo Soomaaliya $60 Malyan oo doollar oo hor leh, ayadoo horayna uu ugu Maraykanku lacag gaaraysa $40 malyan oo doollar. Wuxuu wasiiru dawluhu sheegay inay ballan qaadday Frazer in si gaar ah Maraykanku u caawin doono ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo sidii loo heli lahaa boolis ka adag xasilinta dalka Soomaaliya. Frazer waxay dhiiri galisay nabadda Soomaaliya iyo shirka dib u heshiisiinta qaran ayadoo sheegtay inay taageearyaan shirka dib u heshiisiinta qaran. Waxay baarlamaanka ka codsatay haweenaydan inay horu mariyaan qorshaha nabad galyada dalka Soomaaliya. Dawladda Maraykanka ayaa dhowr goor ku celisay sida ay uga go'an tahay taageerada dawladda federaalka ee Soomaaliya. CCC Farayaamo AllPuntland
  13. US Ambassador to Kenya, President Yusuf, Under secretery Fraizar, PM Geedi..
  14. Jendai Frazier iyo wafdi ay horkacayso oo Baydhabo ka degay Last Updated::2007-04-07 19:02:38 President Yusuf & PM Geedi arriving in Baidoa today Baydhabo:- Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa soo sheegaya inay magaaladaasi goor dhoweyto ka degeen wafdi ay horkacayso Jenda'i Frazier kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika. Ms Frazier waxaa wafdigeeda ka mid ah safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Kenya Michael Reneberger iyo xubno kale. waxaa magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka. xubnahaasi wafdiga waxaa ay shir kula leeyihiin magaalada Baydhabo madaxweynaha dowladda kmg ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed, Ra'iisal wasaaraha xukuumada Prof. Cali Maxamed Geedi iyo gudoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe). Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga sababta ka dambeysay imaatinka wafdigaasi Maraykanka ee magaalada Baydhabo. Maryan Saylac