General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Jidka hor mara Hotel Kaah oo ciidamada ay sugayaan amaankeeda
  2. Magaalada muqdisho oo gacanta doowlada wadagadhay. waxaa wada banaan goobihii ay joogeen maleeshiyooyinkii ayaa wada hawanayo aagagii dagaalka oodhan ee magaalada muqdisho . iyadoo ayna cidna kusugneen waxaa magaalada muqdisho amaankeed sugayo hada ciidamada itobiyaanka iyo kuwa dowlada fedraalka wax wado xiran majirto waxaa laxaaqayaa haatan . wadooyinkii ay ciida kuxireen maxaakiimta iyo qaar kamid ahaa beelaha ****** lama garanayo waxa ay kudambeeyso gacanku haynta muqdisho oo dowlada ay lawareegtay. alsom17@hotmail.com Shabeeladahoose.com
  3. Now you are promising a come back, yesterday it was liberating the clan held areas from the governemnt. Goobaha ay la wareegeen Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowlada ayaa waxaa ka mid ah, Fagax, Hotel Ramadaan, Jamhuuriya, towfiiq, Huriwaa, Ex- Koontarool Balcad, iyo waliba qeybo kale oo muhiim u ahaa kooxaha ka soo horjeeda, waxaana ay wararku intaa ku darayaan in marka la eego xaafadaha W/Muqdisho oo idil hada yihiin kuwo gacanta ugu jira ciidamda Dowlada iyo Waliba kuwa Itoobiya.
  4. Can the opposition tell me whih areas they control? Or are they still liberating their house in that street next to that Mosque? Do tell
  5. 1. The Port & Airport, with Ceel Macan closed. 2. All of the 15 districts of Mogadishu the hot beds Xaafada Huruwaa Hotel Ramadaan Huruwaa Suuqa Xoolaha isgoyska Fagax ee xaafada Yaaqshiid Xaafadaha Towfiiq & Ex Ctrl Balcad
  6. dadweyne kasoo qaxay deegaanadooda oo loo qeybinayo raashin bariis iyo bur
  7. Dowlada Federaalka oo biloowday inay raashin mucaawino u qaybiso dadyoowga ku barakacay dagaalada Muqdisho Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 24/04/07 dadweyne kasoo qaxay deegaanadooda oo loo qeybinayo raashin bariis iyo bur Dowlada federaalka kmg ee Somalia ayaa maanta biloowday inay raashin mucaawino u qaybiso dadweynihii kasoo barakacay dagaalada Muqdisho ka soconaya iyagoo deegaan ahaan degay Wasaaradii hore ee arrimaha gudaha, waxaana halkaasi ka hadlay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha Md. Maxamuud Sayid Aadan. Wasiiru dowlaha ayaa saxaafada u sheegay in mucaawinadan ay tahay tii ugu horeysay ee loo qeybiyo dadka ku barakacay dagaalada Muqdisho, wuxuuna xusay in aysan ahan tii ugu horeysay oo ay gaarsiin doonaan goobaha ay degan yihiin shacabka Soo barakacay taasoo u afka ku dhuftay inay geeynayaan daafaha Magaalada Muqdisho oo ay joogaan dadweyne kor u dhaafaya ilaa kumanaan ka tagay guryahooda. Wasiirka ayaa beesha caalamka ka codsaday in kaalmo ay lasoo gaaraan shacabka ku dhibaataysan gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho wuxuuna xusay in dowlada ay soo dhaweynayso mucaawino loo fidiyo shacabkeeda. Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga Md. Salaad Cali Jeelle wuxuu isna ka hadlay xaalada dagaal ee magaalada Muqdisho wuxuuna sheegay in dagaalkii intooda badan soo afjarmeen inta dhimana maalmaha soo socda lasoo afjari doono wuxuuna sheegay in dadweynaha guryahooda kusoo noqdaan. Mr. Jeelle ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay kaalmo lasoo gaaraan kumanaanka qofood ee la ildaran gaajada iyo cudurada wuxuuna ku wargaliyey hay'adaha deeq bixiyeyaasha inay dowlada la shaqeyn doonto isla markaana ay sugi doonaan amaankooda goobaha ay u qaybinayaan raashinka mucaawinada ah. Dowlada federaalka oo aan haysan dhaqaale buuran ayaa hadana waxay dadweynaha Soomaaliyeed ugu deeqeen $200.000 laba boqol kun oo doolar oo raashin iyo daawo loogu soo gado iyadoo loo qeybin doono maalmaha soo socda waxaana loo xil saaray wasaarada arrimaha gudaha iyo hay'ada Qaxootiga Qaranka. Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha Md. Maxamud Sayid Aden Maxamed Cabdulle Xasan (Siidi) siidmohamed@hotmail.com siidi@somaliweyn.com Somaliweyn Media Center Muqdisho - Somalia
  8. Afgaduud is a commander of the Somali national army, he will go were ever he is sent to.
  9. ^^^Indeed the TFG has wiped out the Looters Inc in Mogadishu that gives me allot of confidance. As for Kismayu I knew logic would prevail old boy. Peace insha Allah
  10. Horn, whats wrong with the title, the TFG gets all that it wanted, a return of the loot, an investigation to the real cause of fighting and the troops will come back to the city without much fuss from the clan militia. We all win right?
  11. Che, how are reer Gedo not my Kinsmen? As for Mogadishu it has been deliverd from the hands of the looters inc.
  12. Wasiirka Arr/Gudaha DFKMG oo Kismaayo kula kulmay Beelaha **** iyo Kablalax Last Updated::2007-04-26 14:34:43 Kismaayo:- Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlada Soomaaliya Md.Maxamed Maxamuud Gacmodheere ayaa maanta magaalada Kismaayo kula kulmay beelaha deegaankaasi ku dhaqan. Kulankan ayaa ah kii ugu horeeyey oo balaaran oo uu Wafdiga Dowlada Federaalka ka socda oo shalay soo gaaray Kismaayo la yeesho xubno kamid ah odayaasha beelaha ku dhaqan deegaanka si loo xaliyo khilaafkii keenay dagaaladii ka dhacay magaalada. Wafdigan ayaa Hotel Maridian ee magaalada Kismaayo kula kulmay labo guddi oo ka kala socda Beelaha Kablalax iyo **** oo la sheegay in ay xurguf ka dhaxeyso. Odayaasha Beesha **** kasoo jeeda oo sheegay in maleeshiyooyinka ku sugan magaalada Kismaayo aysan kasoo horjeedin Dowlada Federaalka ayna taageersan yihiin ciidamada Dowlada ay dib magaalada ugu soo noqdaan. Sidoo kale Beesha Kablalax oo uu Wafdigan la kulmay ayaa loo gudbiyey baaq ka yimid dhinaca DFKMG oo looga codsanayo in aysan qaadib wax abaabul dagaal qabiil ah oo saameyn ku yeesha magaalada Kismaayo. Beesha Kablalax ayaa dhinaceedu sheegtay in aysan ku lug lahayn dagaaladii ka dhacay Kismaayo, balse ka digtay dhibaatada ka imaan karta in magaalada ay gacanta ku dhigaan maleeshiyo beeleed, taasi oo jidka u furi karta amni xumo horleh. Dowlada Federaalka ayaa hordhigtay Beesha **** in marka hore ay ogolaadaan in hubkii dowlada dib loogu cesho, marka xigtana ay ogolaadaan in Amarka iyo maamulida Magaalada Kismaayo loo daayo Dowlada Federaalka Soomaaliya. Wafdigan ayaa sidoo kale kormeer ku tagay dekkada Kismaayo oo ay ku sugan yihiin ciidamada Dowlada oo halkaasi gacanta ku haya ayadoo ay wasiirada Kismaayo ku sugan rajo weyn ka muujiyeen in lasoo afjaro khilaafkan mar dhaw. Wafdiga uu hogaaminayo Mr.Gacmodheere ayaa lagu wadaa in ay kulamo dheeraad ah lasii yeeshaan beelaha kale ee ku dhaqan deegaanka. Ahmed Musse HorseedNet.com
  13. ^^^Did you think I would be unfair to my kisnmen? http://www.gedonet.com/index.php?news=1352
  14. KISMAAYO: Kulan maanta ka dhacay Kismaayo oo lagu wareejiyay Tikniko iyo Hub ay gacanta ku haysay Beesha **** iyo qodobbo... Posted to the Web Apr 26, 15:37 Kismaayo (PP) - Xubnaha Beelaha **** oo maanta ay kulan yeesheen wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo ku sugan Kismaayo ayaa waxay ku wareejiyeen dowladda dhammaan hubkii ay ku qabsadeen dagaal dhawaan ka dhacay Kismaayo. Xubnahaan maanta shirka la qaatay wafdiga ka socda Dowladda ee uu horkacayo Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya Gacmo-dheere ayaa waxay sheegeen inay hubkaas u hayeen dowladda ayna ku wareejiyeen, iyagoo sheegay in ciidammadii dagaalkaas ka qaybgalayna ay weli yihiin kuwii dowladda. Kulankaan ka dhacay Kismaayo ayaa waxaa lagu lafa guray sababta dhabta ah ee keentay dagaallo qaraar oo ka dhacay Kismaayo dhawaan, taasoo keentay in beesha **** malleeshiyo ka tirsan ay gacanta ku dhigaan Kismaayo, isla markaana uu wafdigaas tago Kismaayo. Xubnaha Beesha **** ayaa waxay sheegeen in dagaalka uu ka billowday weerar lagu soo qaaday iyagoo warqado qoraal ah oo ay kaga cabanayaan dagaalkaas u gudbiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmodheere). Wasiirka ayaa wuxuu sheegay mar uu ka hadlay kulankaas in kulanka uu ahaa mid wanaagsan kuna soo dhammaaday is-afgarad buuxa. Waxaana lagu wadaa masuuliyiinta dowladu ay maanta la kulmayaan dhanka kale ee Beelaha *****ga iyo Absamaha ayaa markii ugu horaysay yeeshay hal afhayeen iyo 15 xubnood oo ay ku wada dhan yihiin , waxayna afhayeen u magacowdeen Ugaas boqow, si ay u la kulmaan wafdiga dowlada. Kulankii maanta ayaa la sheegay in lagu soo bandhigay laba qodob oo mid uu ahaa in la wareejiyo hubka dowlada oo aan wax shuruud ah aysan ku xirnayn ,taasna ay u dhacday sidii la rabay , sidoo kalena baaritaan ayaa weli dowladu ku wadaa in lagu sameeyo sababta dhabta ah ee keentay dhibkaatada jirta oo dhan , si cidii danbigaa lahayd dusha looga tuuro. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: Jantiile@gmail.com
  15. Kismaayo: Qodobbo la isla gartay shirkii Kismaayo. 26. april 2007 Kismaayo(AllPuntland)- Shirkii magaalada Kismaayo uga socday wafdigii dawladda Soomaaliya iyo mid kamid ah odayaasha beelaha Kismaayo ayaa waxaa kasoo baxay qodobbo dhowr ah. Intii aysan qodobbadan soo bixin waxaa la isla la lafa guray waxyaabihii keenay in dagaalladu ka dhacaan magaalada Kismaayo. Qodobada la wada gaaray waxaa kamid ah in odayaashu ay u hawl galaa sidii ay dib usoo celin lahaayeen dhammaan hubkii , saanaddii iyo isgaarsiintii kooxaha hubaysan ka bililiqaysteen xarumaha dawladda, In magaalada ammaankeeda ay dib ula wareegto dawladda federaalka, In dib danbe aan dagaal looga abaabulin Kismaayo iyo in dib ay magaalada Ugu soo noqdaan saraakiishii dawladda ee halkaasi ka tagtay. Odayaasha shirka ka qayb galay ayaa sheegay in qodobbada ay soo jeedisay dawladdu ay soo dhawaynayaan. Tikiniko , iyo saanad kale oo ay lahayd dawladda federaalka Soomaaliya ayaa gacantooda galay malleeshiyaadkii dhawaan magaalada Kismaayo la wareegay, taasoo qaarkeed dad shacab ah gacantooda kusii wareegay. Iminka xaaladda Kismaayo waa daggan tahay , waxaana dadku ay wada sugayaan sida ay u hir galayaan qodobbada lagu heshiiyay. CCC Farayaamo AllPuntland
  16. Dowladda Federalka KMG oo markii ugu horeysay shaacisay inay Kharaj kasta ku bixin doonto sidii loo soo celin lahaa Deganaanshaha Guud ee dalka Somalia 26, Apr 2007. Xassan Cali Geesey (Alqeys) Wasiirka Waxbarashadda ee DFKMGS, Md. Ismaaciil Mxaamuud Hurre Buubaa, ayaa shaaca ka qaaday inay Dowladda Federalka ku bixinayso kharaj kasta sidii loo hannan lahaa Ammaanka iyo Deganaanshah dalka Somalia. Wasiirka, oo isagoo ku sugan Dalka Imaaraadka Carabta saakayto lagu wareystay Barnaamijka Network Afrika ee Idaacadda BBC-London, ayaa difaacay Hawlgalka ay Ciiddamadda DFKMGS iyo kuwa Ethiopianka kula jiraan Kooxaha ka soo horjeeda joogitaanka Ciiddamadda Ethiopianka ee ku sugan Magaalladda Muqdishu. Mar wax laga weydiiyey inay dowladda iska indha-tirayso dadka faraha badan ee ku geeriyoonaya dagaalladda ka socda Magaalladda Muqdishu, waxa uu sheegay inay xaqiiqo tahay inay dad rayid waxyeello ka soo gaarayaan Colaadahasi, isagoo dhinaca kalena ku dooday inay Boqolaal qof horey ugu geeriyoodeen, Kumanaan kalena ugu barakaceen dagaalladdii Xamar ka ddhici jirey intaysan DFKMGS imaanin halkaasi, waa sida uu hadalka u yiri. Taasi waa xaqiiqo inay Nafaf ku dhimanayaan, , waad og tahay inay Boqolaal qo qof oo Soomaali ah ku geeroyoodeen dagaalladdii Qabaa'ilka ee ka dhacay Somalia, haatan waa markii ugu horreysay oo ay dad ku geeriyoodaan Hawlgalka ay Dowladdu ku soo celinayso Degananashaha iyo Ammaanka, Qiimaha waa laga yaabaa inuu kordho, isla markaana noqonayo mid aan isku dheelitirnayn, laakiin Dowladda waxay kharaj kasta ku bixinaysa sidii loo soo celin lahaa Deganaanshaha iyo Ammaanka. Xassan Cali Geesey (Alqeys) alqeys34@hotmail.com
  17. Ciiddamadda DFKMGS oo adkeysay ammaanka wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Warsheekh 26, Apr 2007. Xassan Cali Geesey (Alqeys) Muqdisho - Taliyaha Ciiddamadda DFKMGS ee ku sugan Aagga Galgalato, Kornel Xuubeey Geeddi Baashaal, ayaa sheegay inay Ciiddamaddiisa sugayaan Ammanka Guud ee Degaankaasi iyo tan Waddada isku xirta Muqdishu iyo DegmaddaWarsheekh. Taliyaha oo Wareysi gaar ah siiyey Idaacadda iyo Tv-ga Somaliweyn, ayaa ku nuuxnuuxsaday inay heegan buuxa ku jiraan, si ay uga hoirtagaan Kooxaha hubeysan ee dagaalka ka wada qeybo ka mid ah Magaalladda Muqdishu. Dhinacakale, Taliyaha. Waxaa wax laga weydiiyey Hawlaha Ciiddamadda Boliska ka wadaan Degmadda Warshiikh, wax uu sheegay inay Ciiddamadaasi yihiin kuwo ka tirsan Boliska DFKMGS, isla markaana loogu taalagalay inay sugaan Ammaanka guud ee Degmadda Warsheekh, oo ay haatan joogaan Kumanaan qoysas o oka soo barakacay Dagaallladda ka socda Mgaalladda Muqdishu. Xassan Cali Geesey (Alqeys) alqeys34@hotmail.com
  18. ^^^I rejected the notion which I still do that this was an all out clan war, if it was then the troops would not have vacated and the locals would have fought, been killed and so on. I am disapointed that Horn thinks his clan has made a break through, the only thing they achieved is to foil their attemmpt. Now everyone knows were they stand. Xiin, so you admit everyone is improvising with this "esistance"in order to address a naked ambition. So Horns group have failed in your opinion with aligning with the resistance in order to keep hold of your house. Like Ahmed Diriye has done so wonderfully to keep other peoples homes? I wonder what you get out of keeping your old foes in power. Let me guess another day to argue your case